28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

BF oo u yeeray wasiir FIQI iyo guddoomiyaha SODMA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka oo maanta uu shir-guddoomiyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa looga dooday xaaladda ka taagan dalka, ayada oo lagu go’aamiyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa waxaa uu ajendihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaaladda fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ajendaha kulanka maanta qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka.

Waxay xildhibaannadu soo jeediyeen in loo yeero hay’adaha dowladda u xil-saaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha xukuumaddda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gaba-gabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Masuuliyiintan ayaa wax laga weydiin doona marka ay Golaha hortagaan xaaladda fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

CC Shakuur: Xasan Sheekh isagaa awooddii isku koobay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka.

“Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay caddahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna,” ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan TV.

Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale.

“Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono,” ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya.

Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la’yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul.

Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso.

Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ku eedeyn jira madaxweyne Farmaajo inuu iskiis isku koobay awoodda dalka, islamarkaana raadinayey muddo kororsi iyo kali-talisnimo, ayaa hadda u muuqda inuu cagta saaray dhabbahaas oo kale.

Daawo: Al-Cadaala oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka Qaranka oo lagu soo dhaweynayay ku biirista Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda dhexe.

Al-Cadaala ayaa ugu horreyntii khudbaddiisa diiradda ku saaray ammaanka Muqdisho oo isbeddal laga dareemayo iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay in guul laga soo hooyay.

Sidoo kale  waxa uu tilmaamay inay jiraan dad dano gaara leh oo siyaasiyiin ah oo dhammaan kasoo horjeedo horumarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaad ogtihiin oo la socotaan, iyada oo waxaas oo wanaag ah ay waddada ka socdaan in weli dalkeena uu haraadi ku yahay dhaqanka ah in lugaha la’isku dhago” ayuu yiri.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku Maah-maahay “In kastoo loo baaqo oo loo sheego barwaaqo dadbey meeli bugtaa”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in aysan dhageysan dadkaas baahinaya fikradaha aan u wanaagsanayen dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed leeyahay mugdi iyo iftiin waa kala cad yihiin kuwa nuucaas ah ee marin habaabinta u taagan u duceeya in Ilaaheyn iimaanka uu geliyo” ayuu raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda isbeddalo waa weyn oo uu ugu horreyo amniga oo natiijo wanaagsan laga gaaray, kadib dadaallo ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxaa ka cusub dagaalkii Danab iyo ciidanka HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa Jowhar laga bilaabay xalinta dagaal khasaare badam heystay oo maalmo ka hor dhex maray ciidamada Danab ee Jowhar degan iyo booliska maamulka HirShabeelle.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, qeybta 27-aad G/Sare Maxamed-Amiin Aadan Cabdulle ayaa Jowhar u tegay xalinta wixii dhacay.

Dagaalkaan ayaa ka soo bilowday weerar la sheegay in ciidamada booliska HirShabeelle ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa Danab oo ku dhex sugnaa magaalada Jowhar.

Hal askari ayaa markaas laga dilay Danab, halna dhaawac ayaa looga qabtay, laakiin Danab oo ka careysan weerarkaas ayaa maalinkii dambe jidka u gashay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxaana la isku furay rasaas badan.

Khasaare u badan dhaawacyo qaarkood soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa ka dhashay halkaas, waxaana ka hadlay guddoomiye Luqmaan Xaaji oo dalbaday in jawaab cad uu taliska ciidanka xoogga ka bixiyo weerarkaas.

Guddoomiye Maxamed-Amiin oo fagaare kula hadlay ciidanka Danab ee Jowhar ku sugan ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in aysan xabad dambe ku ridin cid aan cadowgooda, sida Al-Shabaab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray oo fagaare kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle, isagoo yiri “Dhiigga bini’aadamka lama daadiyo, hadii aad wax saxeyso, ha sameyn qalad kale oo kaga dhigin arrinta qalad qalad ku sax,” ayuu yiri.

Maalmahaan guddoomiye Maxamed-Amiin ayaa ku sugnaa Jowhar, si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhacay magaalada iyo isku dhacyadii ciidan ee cabsida ku abuuray dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo

Mucaaradka Puntland oo caddeeyey mowqifkooda tallaabadii uu qaaday DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni.

War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024.

Mucaaridka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah.

Dallada Mucaaridka ayaa sidoo kale ku baaqay in fursad la siiyo dadaallada nabad raadinta oo ay wadaan odayaasha dhaqanka SSC si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan muranka arrimaha doorashada islamarkaana aan laga hor dhicin dadaalkaasi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Dalladda mucaaradka Puntland waxa ay u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada, Shuruucdii lagu dhisay Dowladnimada Puntland iyo badqabka mawaadiniinta Puntland.

Dalladdu waxay horay u sheegtay haddana cadeeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorasho hufan, nabdoon waqtigeediina ku dhacda.

Hadaba, warqadii 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muuqato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi.

Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariiq kasta oo nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga ahaa (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79-aad.

Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Dalladu waxay shacabka Puntland ugu baaqaysaa inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024.

= DHAMMAAD =

Xog: Xaalad halis ah oo soo wajahday guddoomiyaha golaha wakiilada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu soo warramayaa in haatan xaalad amaan ay soo wajahday, taas oo la xiriirta xiisada dagaal ee weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha oo laga soo duubay muuqaal qarsoodi ah “Off The Roccord” ayaa walaac xoogleh ka muujiyay xaaladda adag ee hadda lasoo daristay, sida laga dheehan karo Video-ga oo la duubay, xilli kulan la qaadanayay qaar kamid ah haweenka magaalada Garoowe.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday inuu wajahayo xaalad cabsi ah oo la xiriirta noloshiisa, taas oo ka dhalatay khilaafka doorashada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu diray qaylo dhaan deg-deg ah, si wax looga qabto arrimaha soo kordhay iyo xaaladdiisa, maadaama uu ka cabanayo arrimo amaan.

”Nin maskiin ah oo reer Sanaag ah baan ahay 80 gaari oo tikniko ah baa dushayda saaran, mucaaradku haday i yimaddaan way i kaxaysan karaan” ayaa ka mid ahaa hadallada uu ugu cawday guddoomiyihiu haweenkii la kulmay.

Guddoomiyaha oo sii hadalay ayaa sheegay in mucaaradka aysan u muuqaan guddiga doorashada iyo madaxtooyada, balse ay kaliya arkaan isaga, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankii shaqada gacanta ku hayay umaysan tagin sida Guddiga doorashooyinka PEC iyo madaxtooyada aadi maayaan ee aniga keliya ayay i arkaan” ayuu ku sii yiri muqaalkan sida qorsoon looga duubay, kadibna lagu sii baahiyay baraha xiriirka ee bulshada.

Si kastaba, hadalka iyo muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxayna dadku uga hadleen siyaabo kala duwan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan madaxweyne Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Soomaaliya oo loogu deeqay malaayiin dollar oo cusub

0

New York (Caasimada Online) – Ayada oo Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u adag oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ayaa waxaaa Qaramada Midoobay ay 5 milyan oo dollar ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Lacagtan ayaa wax looga qabna doonaa xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay inay si dhow ula socoto dhibaatooyinka isa soo taraya bani’aadanimada ee ka dhashay xaaladda Elnino oo fara kulul ku haysa Soomaaliya.

“Shaqaalaha bani’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.

Deeqdaan lacageed waxa ay kusoo aaday, yada horay 25 milyan oo dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe loogu deeqay dowladda dhexe, taas oo iyana loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ilaa hadda ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.

Sawirro: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo maamulka Jubbaland kala wareegay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shalay kala wareegay dowlad goboleedka Jubbaland xaruntii uu ku lahaa magaallo xeebeedka Kismaayo gobolka Jubbada Hoose, xiili uu booqasho uu ku joogo Ra’iisul wasaare Xamza.

Ujeedka ayaa ah in dib u dayactir lagu sameeyo, kadibna dib-u-howlgeliyo, si adeegyada uu biyxo Bangiga Dhexe ee dalka loo gaarsiiyo deegaannada maamulka Jubbaland.

Munaasabadda wareejinta ee xarunta Bangiga Dhexe ee degmada Kismaayo waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo labaduba boggaadiyay tallaabada shalay la qaaday.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Xamza oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Sidoo kale wuxuu maamulka Bangiga Dhexe ku ammaanay dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horay sidoo kale Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto saameynta isbeddelka cimillada ee Soomaaliya.

Sawirro: Xamza oo golaha wasiirada Jubaland kala hadlay laba arrin oo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen.

Sidoo kale, kulanka waxaa xalay aad loogu gorfeeyey wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga bilaabo deegaanada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin qoto-dheer ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo.

Qodobada uu Xamza warbixintiisa isku dul-taagay waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka,  gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasiirrada Jubbaland u sharaxay goobaha uu ka dhagax-dhigay tiro mashaariic ah, isagoo sheegay in kuwo kalena ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa Kismaayo ka sheegay in dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

 

Soomaalida Netherlands oo taageeray guddoomiye cusub oo la doortay + Video

Rotterdam (Caasimada Online) – Munaasabad lagu qabtay  Magaalada Rotterdam ee dalka Holland, ayna ka soo qeybgaleen xubno ka mid ah hormuudka Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan, ayaa taageero loogu muujiyay Xuseen Khadhiib oo doorasho ka dhacay Kemer-Antalya 30-kii Oktoobar ee sannadkan loogu doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Ururada GalMudug ee Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN 4-ta sanno ee soo socota.
Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen Guddi uu horkacayay aqoonyahan Cali Yaxye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiyaha & Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) & C/qaadir Cali (Nuune); Faadumo Faarax oo  agaasime ka ah Hay’adda Hirda,  Guddoomiyaha ururka Aasiya Ruqiyo Caddow, Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah waaxda arrimaha bulshada ee dalladda FSAN & xubno kale.
Guddoomiyaha dalladda FSAN Maxamed C/llaahi (Askari) oo ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu soo dhoweynayo doorashada Xuseen Khadhiib loo doortay hogaanka GEDAN, isaga oo ku tilmaamay Guddoomiyaha GEDAN shaqsi horay loo soo tijaabiyay waxtarkiisa.
“Reer GalMudug waa dad astaan u ah Soomaalinimo, waxaa taas marqaati ka ah calanka GalMudug qeybta ugu badan waa qeybta buluuga ah, walaalkeey waxaan u rajeynayaa inuu ALLE ku asturo mas’uuliyadaas” Ayuu yiri Maxamed Askari.
“Xuseen Khadhiib waa shaqsi howlkar ah, GalMudug way u baahneyd, waxaan u balanqaadayaa inaan la garab taaganahay hiil & hoo intaba” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka FSAN C/qaadir Nuune.
Faadumo Faarax oo madasha ka hadshay waxeey dhinaceeda  sheegtay in kaalin weyn ay qaadan karaan qurba joogta haddii ay u soo jeestaan in ay dalka dib u dhiskiisa qeyb ka noqdaan.
Guddoomiyaha ururka Aasiya Marwo Ruqiyo Caddow waxey sheegtay in Guddoomiyaha GEDAN inuu yahay shaqsi ku suntan howlkarnimo, waxeyna ugu hambalyeeysay xilka culus ee loo igmaday.
HOOS KA DAAWO VIDOW-GA OO DHAMMEYSTIRAN:

Golaha Shacabka oo guda galay qorshe uu wato madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa shir guddoomiyay kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha.

Kulankan ayaa lagu dejiyey ajandeyaasha ugu horeeya ee kulamada Golaha Shacabka ee soo socda, maadaama hu dhawaan furmay kalfadhiga 4-aad ee golaha.

Xubnaha guddiga ayaa si qota dheer uga dooday ajandeynta kulamada kalfadhigan 4-aad iyo shaqooyinka kale oo muhiim u ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajandeyaasha sida weyn looga dooday waxaa ka mid ah kan wax ka bedelka dastuurka oo xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in baarlamaanka la hor-geeyo inta lagu jiro kulamada ugu soo horeeya kalfadhigaan.

Ajendaha lagu hor-gey doono baarlamaanka in wax laga bedelo qodobo ku jira dastuurka ayaa ah kan ugu adag shaqada hortaalla BFS, waxaana cirka isku shareertay diidmo culus oo xildhibaanada qaar ay ka qabaan qorshahaan.

Xildhibaanada qaar ayaa sameystay kudlad ay kaga soo horjeedaan in baarlamaanka la marsiiyo qorshaha wax ka bedelka dastuurka, halka xukuumaddu ay olole xoog leh ugu jirto, sidii baarlamaanka loo marsiin lahaa qorshahaan.

Qorshaha cusub ee wax looga bedelayo dastuurka ayaa dhigaya in dalka laga hirgeliyo nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, labo xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa lagu soo koobayaa talada dalka, halka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda uu noqonayo shan sano, hadii ay dowladda Xasan Sheekh ku guuleysato inay baarlamaanka mariso heshiiskaan.

Qorshahaan waa heshiis ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, waxaana xusid mudan in Puntland aysan metelaad ku laheyn shirkaas, maadaama Madaxweyne Deni uu mar hore ka baxay golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Sawirro: Sida loo fuliyey howlgal lagu dilay madaxii maaliyada Shabaab ee Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ku deegaanka ee hubka u qaatay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ayaa galabta dilay madaxii maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Axmed Cabdullahi Cali oo loo aqoon jiray Nadaara ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana laga furtay mooto uu watay iyo qori AK47 ah.

Ninkaan oo caan ka ahaa gobolka waxaa dilay macawiisley ka baxday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo hoos taga Xarardheere.

Carfuuda oo howlgalkaan uu ka dhacay ayaa 35 KM u jirta deegaan muhiim ah oo lagu magacaabo Dabagalo, kaas oo ka mid ah deegaanada koonfurta gobolka Mudug ee kooxda Al-Shabaab ay weli maamusho.

Ninkaan waxaa laga soo furtay 100 neef oo Geel iyo Ari isugu jirta, kuwaas oo dadka deegaanka uu ka uruuriyey, waxaana ciidamada ka baxsaday dagaalamayaal kale oo sarkaalkaan ilaalo u ahaa.

Sidoo kale, ciidamadu waxay soo bandhigeen boonooyin uu dadka ganacsatada ah ninkaani uga qaadanayey lacago baad ah, waxaana howlgalka lagu dilay fududeeyey dad uu xoolo ka dhacay oo deegaanka Carfuuda ku nool.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa Caasimada Online u sheegay in dhankooda uusan wax khasaare ah ka soo gaarin howlgalkaan.

Sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen inay sii baacsanayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo ninka la dilay la socday, kuwaas oo ka baxsaday ciidanka.

Saciid DENI ‘oo meesha ka saaray’ arrin faaftay oo la xiriirta khilaafka dowladda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni oo u waramay Hanoolaato ayaa waxa uu marka hore meesha ka saaray in gebi ahaanba meesha ka baxday wada-shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, taasi oo si weyn u faaftay kadib markii Puntland ay kal hore sheegtay inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Waxa uu xaqiijiyay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka aysan si toos ah u kala go’in, hase yeeshe ay dowladda Muqdisho isku hayaan arrimo masiiri ah oo ay tahay in loo maro waddo saxan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland wada-shaqeyn kala la’aan ah kala go’ ah majirto, waa la wada shaqeeya, laakiin qawaaniinta iyo arrimaha qaarkood waa isku diidan yihiin. Hal ku dal gal ayuu leeyahay, hawada dowladda dhexe ayaa maamusha, oo immigration-ka halkan ku yaalla dowladda dhexe ayuu hoostaga, diyaaradaha imanaya iyaga ayaa soo siiya ogolaanshaha,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirarkii Golaha Wadatashiga Qarank uu uga baaqday kadib markii ay u cuntami weysay sida uu madaxweyne Xasan wax u wado, oo uu tilmaamay in uu deg deg badan ka muuqdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la yimid mission aad u weyn oo ah in dhowr billood lagu xaliyo wixii taagna oo dhan, annagana runtii waxay nagu noqotay arrin qariib ah, waxaan maleynaynay in dowladda marka ugu horeyso in ka horreeyaan arrimaha amniga iyo arrimaha isfahmka dowladnimada iyo waxyaabo badan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa noo soo baxday in la rabo in muddo kooban lagu soo afmeero wixii oo dhan sida Dastuurka, iyada oo laga galin dooddo badan iyo isqancin fara badan. Markii dambe waxaa noo muuqatay in meel maalin kasta la fadhiyo oo shaqo lagu qabaneyn oo dood rasmi ah aysan dhaceyn annagana xaalad adag ayaa ku jirnay markaa hakin ayaa ku sameynay.”

Si kastaba, Saciid Deni ayaa hadda wajahaya culeyskii ugu xooggana oo gudaha ah, ayada oo mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho oo ka gedisan midka guddiga doorashooyinka Puntland, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda.

Daawo: Odoyaashii ugu waa waynaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay labo kamid ah odayaashii ugu waa weynaa ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayaashan oo lagu kala macagaacabo Axmed Cali Gadaf iyo Cali Xasan Geeddi ayaa isku soo dhiibay hay’adaha ammaanka ee dowladda, iyaga oo kasoo goostay kooxda Shabaab.

Labadan oday dhaqameed ayaa u dhexeyn jiray Al-Shabaab iyo shacabka, waxayna sidoo kale ay uruuri jireen lacagaha ay rabto kooxda iyo ciidamada ay ka doonayaan deegaanka.

“Annaga waxaan ahayn odayaal dhaqameed oo Shabaabka iyo dadka u dhexeeya xoolo waa naloo diraa, ciidamo waa naloo diraa waana ka keeni jiray dadka ” ayuu yiri Geeddi.

Sidoo kale Axmed Cali Gadaf oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ka howlgeli jiray deegaanka Cowswayne oo dhawaan uun lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib weerar ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu ximli waayey dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso kooxda, uuna sidaas uga soo tegay.

“Waxaan kasoo kacay oon ka imid degmada Ceeldheer, meel ka tirsan oo la yiraahdo Cowswayne, waxaana uga soo tegay Nabadoon u dhexeeya nimanka meesha jooga oo Shabaab ah iyo shacabka ayaan ahaay, waxaana ogaaday inaanan xamili karin arrintaas, waxaan go’aansaday inaan kasoo tago oo isku soo dhiibo dowladda” ayuu yiiri Gadaf.

Waxaa kale oo uu yiri “Haddii aan Xamar imid waxaan la xiriira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waana la ii geeyay dowladda gacanta la ii geliyay, mana la kulmin dhibaato”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray odayaasha kale ee weli jira Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan anigu arkay inay ila arkaan ayaan rabaa wixii iga dambeeya, aniguna soo dhaweyn ayaan arkay iyo dowladnimo” ayuu mar kale yiri Nabadoon Gadaf.

Ganacsiyadii Dharkenley oo u xiran amaro kasoo kala baxay DF iyo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xiran inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaalla Waddada Jaale Siyaad ee dhex-marta degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kadib amaro kala duwan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa xiran goobaha ganacsiga ee ku yaallaya xaafadda Mac-mcaanka, Tabakaanyo Madow, Nuur Adduunyo illaa isgoyska Xoosh ee dgemadaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska NISA uu kusoo rogay amar ah in Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ay ku xiraan goobahooda ganacsi, sidaas oo kalena ay digniin kasoo gaartay Al-Shabaab oo diidan Kaamirooyinkaasi.

“Aad ayaan uga xunahay labada dhinac waxay na leeyihiin kan fur, kana xir marka dhibaato weyn ayaan ku qabnaa labada dhinac” ayuu yiri mid kamid ah ganacstada.

Sidoo kale wiil kale oo kamid ganacsatada ku dhaqan degmada Dharkenley oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in muddada loo qabtay inay ku xiraan Kaamirooyinka ay dhammaatay, ciidamada ammaankana ay bilaabeen inay xir-xiraan ganacsatada.

“Maanta degmada Dharkenley waa lagu yaaban yahay digniin horana waa la bixiyay, intii aan sugeynana waqtigii waa lasoo gaabiyay waa naloo imaaday, waana la xiroowaaa ganacstada” ayuu isna yiri wiil kale oo dhalinyaro ah, kana mid ah ganacsatada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in amarkan ay kala kulmeen caqabad weyn, maadaama la siiyay waqti kooban, Kaamirada ay u baahan tahay in lasoo gado, kadibna la xiro.

“Sababta waxaa waayay waxaa la dhahowaa Kaamiro hala xiro, taasna waxay nagu noqotay caqabad, waayo saaka wax dukaan ah oo furan malaha” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu yiri “Kaamirada fursad ayay u baahan tahay iska xir laguma xiri karo lacag ayay u baahan tahay shaqo ayay u baahan tahay kadib xiris ayay u baahan tahay wax fududna maaha”.

Amarkan kasoo baxay dowladda ee ah in Kaamirooyin lagu xiro goobaha ganacsi ee ku yaalla laamiyada ayaa inta badan ka dhaqan-galay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sababta lagu sheegay in lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa amniga caasimada.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallo ka dhacay Sh/hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro kala duwan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa TMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday xero ay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Daanow, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidankii ku sugnaa xerada iyo maleeshiyaadka weeerarka qaaday.

Saraakiil ka tirsna milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, welina ay joogaan deegaanka.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Janaale, kadib markii ay weerar gaadmo ah xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaa isna xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, haatana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda aya maanta deggan, inkastoo lasoo wariyay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS inay howlgallo ka bilaabeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo khasaare gaysta oo ka dhasha weeraro ay soo qaadeen maleeshiyaadka kooxdaas.

Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ah “guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka.”

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood, kuwaasi oo inta badan uu kasoo xushay golihiisa wasiiradda.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni, oo ay sheegeen in uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdirisaaq Xaashi: “Puntland wiiftooyinkii ayaa ka bilawday.”

“Deni iyo kooxdiisa fashilantey waxaan leeyahay idinkuu waqtiga idinku socdaa gudi been ah haku meereysanina ee doorasho la isla ogol yahay qabta,” ayuu yiri Qaasim Isxaaq Xasan.

Saciid Ciise Axmed: “Isu eekaa ayaamuhu waxaan xasuusta xilligii Farmaajo doorashadiisi iyo waraaqihii tira beelka ahaa oo uu soo saari jiray xilliyada danbe habeenkii.”

“Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada-hadalka xukuumadda iyo Mucaaradka,” ayuu yiri Danjire Maxamed Kaarad.

Cabdirashiid Cartan: “Dawladnnimada Puntland waxa ay u baahan tahay dib u qaabayn. Nin walba in uu tiisa wataa maaha wax soconaysa. Puntland shacabkeedu waxa ay rabaan doorasho la isla ogol yahay.”

Faysal Faarax Shire ayaa isna waxa uu yiri “Macno soo kordhin mayaan guddigaa waayo Deni ma rabo xal ee wuxuu rabaa tiisa ama burbur.”

“Madaxweyne hadaa haysaa jidkii wanaagsanaa waa soo dhaweyneyna guddigana waxaa rajeyneyna inay noqdaan kuwo shacabkooda iyo dadkooda nabad waarta u keena oo la dareen ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Somali.

Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Madaxweynuhu wada-hadalna waa sheegaa markasta hadana hawshiisa ayuu wataa oo abaabul ciidan iyo laaluush baarlamaan ayuu ku hawlan yahay, si tiisu u meel marto. Ha kala daayo arimaha.”

“Deni ma dadkii laga cabanayay ayaa xoojinaya wada-xaajoodka war Allah ayaa Somalia madax uga dhigin.” ayuu yiri Bicir Xaashi Dhoore.

Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in Dastuurka KMG ah uu caqabad weyn ku yahay dhismaha qarannimada.

Cali Geedi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka, ayaa soo dhoweeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, lana dhameystiro, maadaama uu muhiim u yahay dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystir, imisa sanno ayaa dowlad dhis Soomaali lagu jiraa, intaas oo sano ayuu kumeel-gaar ahaa, caqabad kale ma jirto waa dastuurka,” ayuu yiri Cali Geedi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ay inta badan qoddobadiisa iska hor imaanayaan, taasi oo caqabad ku noqotay in la dhameystiro dowladnimada Soomaaliya.

“Dastuurka qoddobadiisa iska hor imaanayan weeyi caqabad kale ma jirto, oo dowladihii oo dhan madaxa iyo mijaha la isku galiyay, marka waan jeclaan lahaa in wax laga beddelo, lana dhameystiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Geedi.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah uga howl-galaan arrintaan, si dastuurka uu uga baxo kumeel-gaarka.

“Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka 11-aad ee Labada Aqal inay ku deg-degaan oo dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada oo dhameystiraan, si umadda Soomaaliyeed dhibaatada uga baxdo. Waxaana la gudboon Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan in ay fahmaan in caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystiro dastuurka waaye, marka waa inay maslaxada umadda Soomaaliyeed fiiriyaan.”

Waxa uu intaas kusii daraya “Dastuurka Qur’aan ma ahan, marwalba wuxuu la saan qaadaya danaha shacabkaas iska leh waana la beddela. Maanta in qodob la beddelo ayaa loo baahanaya, berri in la beddelo loo baahanayaa, marka waa in maslaxada umadda Soomaaliyeed lagu saleeyo, oo waa in la saxo dastuurka.”

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay dowladda Xasan qorsheynayso in Baarlamaanka la horgeeyo wax ka beddelka Dastuurka, si loo waafajiyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May ee sanadkaan.

Hoos ka daawo muqaalka

PUTIN oo ka dhabeeyey ballan-qaadkii Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya.

Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya.

Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah.

Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg.

Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal.

Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka.

Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida.

Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow.

Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka.

Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys.

Mareykanka oo sheegay inay Soomaali fuliyeen weerarkii loo maleeyey Xuutiyiinta

Washington (Caasimada Online) – Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.  

Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha kusii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas.

Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.

“Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii.

Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.

Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri.

Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder.

Waxa uu sheegay in aysan wali caddeyn in gantaallada ballistic ga ah ay beegsanayeen USS Mason.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park.