25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Yuusuf.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay gudaha degmada Dharkenley, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Yuusuf ayaa ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay oo u dhow guriga uu daganaa Marxuumka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Falkan dilka ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, waxaana ay ahayd xalay markii qarax miino uu ka dhacay degmada Hodan.

Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu xiray guri ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi, kadibna la qarxiyay, waxaana degganaa sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, balse waxaa la sheegay in xilliga la qarxinayay uu ka maqnaa.

Si kastaba, waxaa iyana dhankooda howlgallo amni xaqiijin ah wada ciidamada dowladda oo isku fidiyay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si looga hortago amni darrada.

Caasimada Online oo soo kordhisay Channel WhatsApp oo aad wararka ka heli karto

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa abuurtay Channel WhatsApp ah, oo aad hadda kadib ka heli karto wararka iyo warbixinada ugu muhiimsan ee aan ku daabacno bogga. 

WhatsApp ayaa dhowaan soo kordhiyey qeyb Channels ah, oo aad ku follow gareyn karto warbaahinta aad xiiseyso, waxaana ka furnay bog u gaar ah Caasimada Online oo lasoo dhigo warbixinada webka lagu daabaco. 

Si aad u follow gareyso Channel-ka Caasimada Online, waxaad click sii link-ga hoos ku lifaaqan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad click siisaa follow, si aad noog xirnaato. 

Halkan click sii

Marka aad follow tiraadho kadib waxaad mar walba channel-ka Caasimada Online ka booqan kartaa link-yada kore, ama adiga oo tegaya qeybta status-ka ama updates-ka ee WhatsApp, halkaasi oo aad Channel-ka ka arki karto, haddii aad follow ku tahay. 

Mar walba waad ku mahadsan tahay inaad ku xiran tahay Caasimada Online.

Sawirro: Mas’uul sare oo ka socda Ruushka oo soo gaaray Muqdisho iyo qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Ruushka u fadhiya Djibouti, islamarkaana Soomaaliya ka wakiilka ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay kamid yihiin; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys iyo agaasimaha waaxda Yurub ee wasaaradda arrimaha dibedda Danjire Cabdiraxmaan Diinaari.

Mikhail ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka u yimid si uu dowladda federaalka Soomaaliya u guddoonsiiyo markab sida gargaar cunto, oo ay soo dirtay xukuumadda Moscow.

Markabkaasi ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.

Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah, oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay billowdeen dhaq-dhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Ruushka.

Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, wallow ay labada dal kala fogaadeen, intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka weynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasi oo keentay in Soomaaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka.

Laftagareen iyo xildhibaanada kasoo jeedo K/Galbeed oo isku dhaarsaday hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa xog ka bixiyay shirkii ay Baydhaba kula soo yeesheen madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulankooda ay diirrada ku saareen fatahaadaham wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale wax ka beddalka Dastuurka dalka.

Aweys Maxamed oo u warramay Somali Gable ayaa wax laga weydiiyay guuxa ka dhashay shirkooda, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, wuxuuna sheegay inay muujinayeen cududooda, gaar ahaan xildhibaanada uu haysto madaxweyne Lafta-gareen.

“Runtii madaxweynaha Koonfur Galbeed sida aad ogtahay xildhibaano ayuu haystaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale oo kale ma’aha, madaxweynaha cududiisa inuu mideeyo xildhibaanada cod mid ah ay ku yeeshaan waa waajib” ayuu yiri Xildhibaanku

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isku dhaarsadeen hal arrin taas oo ah dhammeytirka Dastuurka, wuxuuna sheegay inay cod mideysan ka yeelan doonaan xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, marka la keeno dooda Dastuurka.

Xildhibaan Aweys oo sii hadlaya ayaa xusay inay yeelan doonaan guddiga gaar u ah xildhibaanada, kaas oo falanqeyn iyo aragti mid ah ka yeelan doono Dastuurka.

“Waxaan ku heshiinay hadda in guddi xildhibaanadeena ah la saari doono Koonfur Galbeed ahaan marka la keeno ajendaha akhrino, ka doodno ka bacdina cod mideysan aan ka yeelano” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar.

Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa sidoo kale yiri “Qasab waayay in dastuurka la dhammeeyo waana muhiim, maxaa yeelay dowlad sideeda waxay ku dhisan tahay shuruuc iyo qaanuun”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu si rasmi ah u xaqjiiyey wax ka beddalka Dastuurka Soomaaliya, isaga oo xildhibaanada ka codsaday inay Kalfadhigga 4-aad siiyaan muhiimad gaar ah.

Faah-faahinta guri ku yaalla Muqdisho oo la qarxiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray guri ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi, kadibna la qarxiyay.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga, balse waxaa la sheegay in xilliga la qarxinayay uu ka maqnaa,

Ma jiro wax khasaare ah oo nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha guriga lala bartilmaadeedsaday miinada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe goota gaaray, kuwaas oo howlgallo sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.

Waxaa qaraxan ka horreey mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo isna lagu xiray Farmashiye ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sababta loo beegsaday goobtaas caafimaad ayaa waxa lagu sheegay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa beegsada xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay isku qabtaan lacagaha baadda ah.

Weerarada noocaan oo kale ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhayay caasimada, waxaana horay sidaan oo kale loo beegsaday xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

 

Markab ay leedahay Israel oo lagu weerar meel ka baxsan xeebaha SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab xamuul ah oo ay leedahay Israel ayaa waxyeello ay ka soo gaartay weerar looga shakisan yahay in ay fuliyeen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran xilli uu marayay badweynta Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay Jimcihii uu markabka CMA CGM Symi gaarsiiyay “burbur yar” mana jiraan “wax dhaawac ah,” ayuu yiri.

Shirkadda ammaanka badda ee Ambrey ayaa sheegtay in markabkan oo wata calanka Malta, islamarkaana u shaqeeya shirkad Faransiis ah uu burbur soo gaaray, kadib markii diyaarad drone oo aan cidina wadin ay ku qaraxday meel u dhow markabka.

Weerarkan ayaa imaanaya ku dhawaad toddobaad ka dib markii Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iiraan ay qabsadeen markab xamuul ah oo xiriir la leh Israel, kaasi oo marayay koonfurta Badda Cas.

Dhinaca kale, Ururka Xamas ayaa lagu wadaa in uu sii daayo koox labaad oo la haystayaal ah maanta oo Sabti ah si ay ugu baddashaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, iyadoo xabbad-jooijnta ay labada dhinac gaareen ay wali shaqeynayso.

Ilo rasmi ah oo Israel ka tirsan ayaa sheegay in Xamaas ay ku wareejin doonto 14 la haysteyaal ah.

Maamulka xabsiyada Israel ayaa sheegay in 42 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo isugu jira rag iyo dumar la sii deyn doono.

Jimcihii, Xamas ayaa sii daysay 24 qof oo 13 ay ahaayeen Israa’iiliyiin kuwaasi oo dhamaantood ahaa haween iyo carruur.

Toban u dhashay dalka Thailand ah iyo qof Filibiini ah ayaa sidoo kale si lama filaan ah loo sii daayay.

Dagaalyahannada Xamaas ayaa afduubtay ku dhawaad 240 maxbuus markii ay galeen xadka Gaza ee ay Israa’iil la wadaagto 7-dii Oktoobar, halkaasi oo ay ku dileen illaa 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin iyo ajaanib ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Daawo: Jeyte oo soo saaray hanjabaad nooc cusub ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ciidamada Macawiisley Cali Jeyte Cusmaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa digniin kama dambeys ah u diray dadka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in isku si loo dili doono Shabaab iyo qofka ku nool deegaanka ay joogto kooxda Al-Shabaab, isagoo dadka ka dalbaday inay isaga tagaan meelaha ay Shabaab joogaan.

“Qof kasta oo ku nool meel Shabaab joogo, waxaan ula dhaqmi doonaa sidii Shabaab, waa la i duqeeyey ma dhihi kartaan, cid inka dhageysa doontana ma jirto, ka fogaada oo lafihiina ka ceynsada, nooma kala soocna Shabaab iyo wixii la nool,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu si gaar ah ugu digay qoysaska degan inta i dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, halkaas oo Shabaab ay soo galeen dhowr jeer oo laga saaray, sidoo kale waxaa la sheegay in qabaa’ilka degan aaggaas ay weli wax ka maqlaan kooxda.

“War waa idiin digayaa, hadii aad doontaan hala dagaalinina ee ka fogaada nimankaas, waxaana ku dhaaranayaa ninkii Shabaab la jooga kama reebi doono waa noola mid ‘Shabaab warkiisa waxaan ku soo koobayaa waxay horay u gashadeen kabaha iyo surwaalkooda, ana waxaan ka daba wataa Feynuus,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in uu soo gaaray war sheegaya in kooxdu ay ka dalbaday dadka dega aagga Buuloburde inay ka dalbadeen inay ka leexdaan dagaalyahanadooda, maadaama aysan ayaga u socon oo Mudug ay u gudbayaan.

“Shacabka waxaan leeyahay qofkii Shabaab la jooga hala sii joogo, laakiin dadka kale waxaan leeyahay, raggaan waa kuwii idin dhibaateeyey ee wax gorgortan ah yaan lala gelin, arxan malaha ee ka fogaada,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in beelaha qaar ay u sheegeen in ayaga aysan u socon, balse wuxuu iga digay beelahaas inay aqbalaan codsiga kooxda wuxuu u sheegay in aysan balan laheyn, qofkii balan la galana aysan ku cafi doonin.

“Waryaada nimankaas arxan malahane ka fogaada, cidii lagu ag arko waa lagu kor dilayaa, cid ka garaabi doontana ma jirto, damaanadna waan bixinayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray hoggaamiyaha ciidamada Macawiisleyda Soomaaliya Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

Ra’iisul wasaare Xamza oo ka dagay Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo bulshada.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta xaaladda bani’aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannada maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo uu xooga saari doonaa sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa qorshaha labaad ee safarka ra’iisul wasaaraha uu yahay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Jubbaland.

Xamza ayaa sidoo kale inta uu joogo Kismaayo sameyn doono xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

Xamza ayaa todobaadkii hore booqday gobolka Gedo, isaga oo tegay degmada Doolow oo ay ku dhufteen fatahaado xoogan, wuxuuna booqday dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Cali Guudlaawe oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo galabta soo gaaray Muqdisho ayaa ka hadlay labo caqabadood oo ka jirta deegaanada maamulkaas.

Labada caqabad ee Madaxweyne Cali Guudlaawe uu sida faahfaahsan uga hadlay ayaa kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaadka ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in guud ahaan bariga gobollada HirShabeelle laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa ku faanay in muddo 7 bilood ah uu ku jiray inta u dhaxeysa Jowhar, Beledweyne iyo Aadanyabaal, isla markaana ay xaqiijiyeen in amniga deegaanada bari ee HirShabeelle.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa aad ugu mahadceliyey cid kasta oo ku garab siisay dagaalka kooxda, gaar ahaan dowladda dhexe, ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay.

“Waxaa guul ah gaarigii maanta ka baxa Muqdisho isagoo aan Shabaab arkin ayuu toos u tegayaa Gaalkacyo, Beledweyne ilaa Feerfeer, ciidanka deegaanka ee Macawiisley, xoogga dalka iyo dowladda federaalka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo ayaa nagu taageeray inaan gaarno guushaan taariikhiga ah,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maxaxweynaha ayaa sheegay in galbeedka HirShabeelle oo Shabaab ay ku dambeeyaan ay mardhow ka bilaabi doonaan howlgallo culus, isagoo sheegay inuu socdo abaabul xooggan oo ay wadaan dadka deegaanka, masuuliyiinta metesha iyo dowlad goboleedka HirShabeelle.

Ugu dambeyntii Cali Guudlaawe ayaa ka warbixiyey xaaladaha ay sababeen fatahaadaha ku dhuftay HirShabeelle oo magaalooyin ay ugu horeeyaan Beledweyne iyo Jowhar ay biyo harqiyeen, wuxuuna codsaday in cid kasta oo awooda ay gargaar la gaarto dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen HirShabeelle.

Hoos ka daawo

Isbeddel lama filaan ah: Baarlamanka Puntland oo taakeeyey qorshihii Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Ajandaha fadhigga baarlamanka Puntland ee maanta oo Axadda ah ayaa gebi ahaanba laga saaray xeerka doorashooyinka qof iyo cod ee muranka xooggan ka taagan yahay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

“Ajandaha Fadhiga waa laga tuuray qodobka muranka badan dhaliyay ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod, laguma soo qaadi doono gebi ahaanba” sidaas waxa noo caddeeyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qodobkaas ajandaha looga saaray, kadib markii uu khilaaf ba’an ka dhex abuuray xildhibaanada baarlamanka Puntland, islamarkaana saamayn ku yeeshay habsami-u-socodka shaqada golaha.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddi ka kooban 10 xubnood, oo ay iska soo saareen haween muddaharaad ka dhigayay afaafka hore ee xarunta golaha, kuwaas oo xildhibaannada ka dalbanayay in ay nabadda u hiilliyaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Deni ayaa doonaysa in doorashada baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ee soo socota lagu qabto hannaanka qof iyo cod, halka siyaasiyiinta mucaaradka ah doonayaan in lagu galo nidaamkii 66 xildhibaan.

Ka-saarista ajendaha baarlamanka ee xeerka doorashooyinka qof iyo cod ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Deni oo doonayey in deg deg loo ansixiyo xeerkan laguna kala baxo.

Saciid Deni ayey mucaaradku ku eedeeyeen inaanu dooneyn doorasho qof iyo cod ah, balse uu waqti ku luminayo si uu u baajiyo doorashada madaxweyene ee bisha Janaayo ee 2024, una dheereysto muddo xileedka.

Mucaaradka ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan muddo kororsi, waxaana horey ay iska horimaadyo uga dhaceen magaalada Garoowe, oo shacabka qaarkiis ay ka barakaceen.

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday sarkaal sare oo Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku ridday Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) oo kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab, kaas gacanta dowladda soo galay bisha July ee sanadkan 2023-ka.

Xaashi ayaa lagu soo eedeeyay inuu kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, gaar ahaan Lacagaha baadda ah ee deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ninkan ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Sida ay sheegtay Maxkamadda waxaa Xaashi Garaad isaga oo dhaawac ah laga soo qabtay howlgal ka dhacay agagaarka deeganka Baraak Ciise, halkaas oo lagu dilay nin kale oo la socday, waxayna wateen laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon ah.

Sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Xaashi oo sidoo kale loo yaqaano Yaxye uu bishii mushaar ahaan u qaadan jiray $150-200.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday labatankii bishaan.

Intaasi kadib Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 sano oo xabsi ciidan ah sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha Al-Shabaab ee soo galay gacanta dowladda, kadib markii la kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalkeenna Soomaaliya.

Sawirro: Doodishe oo ka degay Doha xilli aan weli rasmi laga dhigin magacaabistiisa

0

Dooxa (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Doodishe oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhi doona dalka Qatar, ayaa gaaray dalka Qatar, waxaana warqadaha aqoonsiga looga guddoomay magaalada Dooxa.

Wasiirkii Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Doodishe ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gubdiyay madaxda dalka Qatar.

Waxaa shalay warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Wasiirkii hore ee Amniga ee hadda noqday Safiirka ayaa dhowaan loogu hambalyeeyay magacaabidda danjirenimo, iyadoo aanay si rasmi ah u soo bixin magacaabidiisa.

Sidoo kale waxaa jira safiiro kale oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida Safiirka cusub ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo bedelay Danjire Tarsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

Madaale oo $20,000 siiyey Xaawa Cabdullaahi Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka farxiyay Xaawa Cabdullaahi Nuur oo ah hooyo Soomaaliyeed oo xaamilo ah oo 6 bilood lacag dayn ah ugu xirnayd saldhigga magaaada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Madaale oo ka damqaday xaaladda haweeneydayn ayaa bixiyay qay kamid ah lacagta lagu leeyahay haweeneydaas, taas oo dhan 20,000$ (Labaatan kun oo dollar), sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Hooyo Xaawo ayaa loo haystaa qaan-sheegad lagacee oo gaaray $52,000, waxaana hadda socdo gurmad loo uruurinayo haweeneydan, si looga bixiyo dayntaasi.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka damqaday xaalada Xaawa Cabdullaahi Nuur oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo xaamila ah islamarkaana loo heesto qaan lacageed oo dhan 52,000$ isla-markaana muddo dhowr bilood ah ku xirneed xabsi ku yaala degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta bixiyay lacag dhan 20,000$ (Labaatan kun oo dollar) oo uu ugu talagalay bixinta qeyb kamid ah qaanta lacageed ee loo heesto Hooyo Xaawa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale.

Hooyadan wax a ay dhashay 9 carruur ah, hadda waxay leedahay uur bila dhamaystay, waxay ka shaqey jirtay dhoofinta Ariga jarka ah, ayada oo khasaartay lacag dhan $52 kun.

Dadkii ku lahaa lacagta ayaa dacweeyey, waxaana lix bilood ka hor lagu xiray xabsiga Guriceel, ninkii ay u dhashay carruurta ayaa xabsiga ku dhex furay, isagoo ka cararaya qaanta lagu yeeshay gabadhaan, sid ay u sheegtay warbaahinta.

Weriyeyaal loo ogolaaday inay wareystaan ayaa Hooyo Xaawo ayaa ku booqday xabsiga, waxay sheegtay sababta loo xiray, waxay ka deyrisay xaaladeeda caafimaad, waxayna sheegtay in lagu xiray qol neef-diid ah oo ah kan ugu nolosha adag qolalka maxaabiista.

Baahintaas kadib, waxaa cirka isku shareeray kiiska Hooyo Xaawo, dad badan ayaa ka carooday sida loola dhaqmay haweeneydaan xaamilada ah, ayadu waxay ka soo jeedaa Dhuusamareeb, balse ninka furay ee 9-ka cunug ay u dhashay, hadana ay uurka u leedahay ayaa ka soo jeeda Guriceel.

Si kastaba, qaar ka mid ah ganacsatada Guriceel oo is abaabulay ayaa Maamo Xaawo maanta ka soo damiintay xabsiga, sidaas ayey ku timid banaanka lic bilood kadib, waxaana lagu wadaa in dhawaan laga bixiyo lacagtii lagu lahaa oo hadda uruurinteedu ay socoto.

 

Israel iyo Xamas oo mar kale is-weydaarsaday maxaabiis

Gaza (Caasimada Online) – 13 Isra’iiliyiin ah iyo afar muwaadin oo u dhashay Thailand ayaa aroonimadi hore ee Axadda maanta ah gaaray Israel, kaddib marki ay xalay sii daayeen Xamaas oo afduub ugu heystay Gaza.

Israel ayaa dhankeeda sii deysay 39 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyadeeda, kuwaas oo iyaguna saakay aroortii hore gaaray Daanta Galbeed.

Sii deynta tobnaanka qof ee labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiis xabad-joohin afar maalin ah oo ay gaareen Israel iyo Xamas, heshiiskaasi oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Qatar iyo Masar.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen millatariga iyo waaxda amniga gudaha Israel ayaa lagu sheegay, in Isra’iiliyiinta lasoo daayay loo qaaday isbitaallada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad, kaddibna ay la midoobi doonaan qoysaskooda.

Dhanka Ramallah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP, boqollaal qof ayaa soo dhaweeyay bas weyn oo uu leeyahay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel xalay. Wakaaladda wararka Reueters ayaa iyaduna sheegtay in 33 ka mid ah 39-ka lasoo daayay ay carruur yihiin.

Maanta oo Axad ah iyo berri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la dhameystiro sii deynta dadka ay kala heystaan labada dhinac. Heshiiska xabbad joojinta ayaa ku eg Talaadada.

Xog: Xamza oo ku wajahan KISMAAYO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka dagi doono Jubbaland oo kamid ah meelaha ugu daran ee  ay ku dhufteen fatahaadaha ka jira inta badan gobollada dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu booqan doono deegaanada ay ku fataheen biyaha ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose iyo qoysaska soo barakacay.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda guud ee Jubbaland iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya halkaasi.

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobollladaasi oo dhacay koonfurta dalkeenna Soomaaliya.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, inta badan deegaanada ku yaalla Jubbooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa todobaadkii hore booqday gobolka Gedo, isaga oo tegay degmada Doolow oo ay ku dhufteen fatahaado xoogan, wuxuuna booqday dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

 

Daawo: Muxuu JEYTE ka yiri wax ka beddelka dastuurka?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in dalka loo raro nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, iyadoo meesha laga saarayo ra’iisuk wasaaraha.

Cali Jeyte ayaa sheegay in maalmahaan uu soo gaarayo guux siyaasadeed oo ka dhashay arrimaha dastuurka, isagoo hal arrin kula taliyey baarlamaanka dalka.

“Waxaan maalmahaan maqlayaa in la isku heysto sharciyada dalka, waxaan ka soo mid ahaa baarlamaanka 7 ilaa 8 sano, kadib rag iyo gabdho badan ayaa nooga dambeeyey oo qori isku dhiib ayuu ahaa, waan ganayaa marka waxyaabaha la isku qabto,” ayuu yiri hoggaamiye Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in la sheeg sheego sareynta sharciga, balse wixii siyaasadu ogoshahay sharciga lagu xalaaleeyo.

“Nin diidan arrimo siyaasadeed, waxaan codsanayaa in warkiisa aan maanta lagu dabaqin marxaladda uu dalkeenu ku jiro,” ayuu yiri Cali Jeyte oo Hiiraan ka soo diray farriintaan.

Hogaamiye Cali Jeyte ayaa ku celceliyey in dalkeenu uu maanta ku jiro dagaal, isla markaana ay jirto xaalad halis ah, “Meel khatar ah ayuu maanta dalku marayaa, hadii dastuur iyo wax lamid ah la isku qabsado waxaa soo noolaa doona cadowga Soomaaliya,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii wuxuu Cali Jeyte farriin u diray baarlamaanka dalka, “Saaxiibadey baarlamaanka ku jira waxaan ka codsanayaa wax kasta oo dib u dhac Soomaaliya ku keeni kara in laga fogaado,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Hadalka hoggaamiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadaya xilli uu maanta Xasan Sheekh furay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka dalka oo lagu wado in maalmaha soo socda la hor geeyo arrimaha wax ka bedelka dastuurka.

Waxaa baarlamaanka ka dhex jira guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo qaarkood ay ku diidan yihiin qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, halka xukuumadu ay dadaal ku bixineyso sidii loo ansixi lahaa qorshaan wax ka bedelka dastuurka.

Hoos ka daawo Cali Jeyte

Daawo: 28 qof oo Shabaab ‘sababday’ oo hal goob ku dhintay kadib markii doon ay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa soo bandhigay tiro koobka ay hayaan ee ku saabsan khasaaraha ay daadadka roobka deyrta ka dhashay iyo fatahaaduhu ay ka geysteen Soomaaliya.

Ugu horeyn Maxamuud Macalin wuxuu shaaciyey in dadka ku dhintay dadadka iyo fatahaadaha ay tiradoodu marayso 96 qof, dadkaas wuxuu sheegay inay ku jiraan 28 qof oo hal goob ku geeriyootay.

28-kaas qof ayaa dhintay kadib markii ay la degtay doon ay ku marayeen aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Guddoomiye Maxamuud sheegay in dhimashada dadkaas ay Shabaab sabab u ahaayeen.

“Dadka dhintay ee 96-da qof ah waxaa ku jira 28 qof oo hal doon ku dhintay aagga Jamaame, waxay dadkaas ka cararayeen Al-Shabaab oo u diiday meel ay maraan, ayaga oo eryanaya ayey doontii la qalibantay, waana geeriyoodeen, allaha u naxariisto,” ayuu yiri Guuddoomiye Maxamuud Macalin.

Dadka ku dhaawacmay xaaladaha uu sababay roobkaan wuxuu tiradooda ku sheegay lix qof, sidoo kale wuxuu soo bandhigay tirada xoolaha ay dileen daadadka ku dhuftay koonfurta Soomaaliya.

Ilaa 4,000 (afar kun) oo xoolo ah ayuu sheegay inay ku geeriyoodeen fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hantida kale ee ku burburtay sida guryaha, gaadiidka iyo wixii la mid ah ay ku qiimeeyeen $200,000 (labo boqol oo kun oo dollar).

Dowladda federaalka ayaa sameysay wax un gurmad ah oo la kala gaarsiiyey dadka ay musiibadaasi saameysay, kuwaas oo ay ugu daranyihiin reer Gedo iyo dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne oo ka qaxay biyo harqiyey magaaladaas.

Dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo wabiyadu ay maraan, sida Jilib iyo Jamaame oo hadda la sheegay in 28 qof ay hal doon oo qalibantay ay ku dhintaan, ayaan weli la gaarsiin wax gargaar ah, mana muuqato fursad lagu gaarsii karo.

Hoos ka daawo faahfaahinta guddoomiye Maxamuud

Daawo: Xildhibaano ka hor-yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu maanta furmay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh xildhibaanada ka hor sharaxay sida uu doonayo in loo dedejiyo dhameystirka dastuurka ayaa waxaa hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada diidan in hoggaanka dalka loo raro nidaam Madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah ayaa cadeeyey mowqifkiisa.

Xildhibaan Saadaq ayaa sheegay in xasaasiyad badan ay ka taagan tahay kalfadhigaan, maadaama ay arkaan arrimo culus oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka oo kooxda Madaxweynaha ay gadaal ka riixayaan.

“Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa nin raba in baarlamaanka uu ku adeegto, balse taasi waa fowdo dhali doonta fowdo kale, waxaana ka cabsanaa in baarlamaankaan la xakamey waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay xasaasiyad ka qabaan heshiiskii golaha wadatashiga qaran oo la doonayo in la marsiiyo baarlamaanka, iyadoo ay ku jirto in labo xisbi lagu soo koobo siyaasadda dalka, in muddo xileedka hey’adaha dowladda laga dhigo 5-sano iyo in kursi madaxweyne ku xigeen lagu bedelo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaan Saadaq in golaha wadatashiga qaran oo doonaya inay baarlamaanka wax u meeriyaan aysan ayagu heysan wax sharciyad ah, sidaas darteed shaqada wax ka bedelka dastuurka ay ku filan yihiin labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Xildhibaanada qaar wadatashi ayey ka yeesheen arrinta wax ka bedelka dastuurka, mana shaqey doonto sida ay wax u rabaan kooxda madaxweynaha iyo golaha wadatashiga qaranka, shaqadaan waa shaqo baarlamaan, nidaam qof ama qolo gaar ah u adeegaya dalkaan kama shaqey doono,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaankaan, in beelaha qaar, sida beesha uu ka soo jeedo ee Digil iyo Mirifle ay xad gudub ku tahay arrinta uu doonayo inuu baarlamaanka marsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kalsoonida ka dhex jirta Madaxweynaha iyo beesha Digil iyo Mirifle waa mid aad u hooseysa, dhowr jeer ayaan madaxweynaha ula tagnay arrimo khuseeya masiirka beeshaan, waana ka meer meeray, maalintii Teendhada lagu soo doortay ayaa noogu dambeysay,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Hoos ka daawo

Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay ku biiriista Soomaaliya ee ururka EAC

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa bayaan yaab leh oo ay soo saartay walaac uga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo shalay si rasmi ah loo xaqiijiyey. 

“Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland  

Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.  

“Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.  

Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.”

“Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay ku-biirista Soomaaliya ee ururka EAC, isaga oo xusay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo mudo xilideedkii hore ee 2012- 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa. 

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha. 

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.

Soomaaliya oo laba guul oo taariikhi ah gaareysa December

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad Dastuuri ah u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee waddanka iyo guulo usoo socda Soomaaliya bisha December.

Xasan Sheekh ayaa baarlamanka ka dhex sheegay 5 arrimood oo masiiri ah, kuwaas oo ay tahay in sida ugu haboon wax looga qabto. Saddex kamid ah waxa uu tilmaamay in laga rabo Beesha Caalamka, halka labada kalena ay go’aan ka gaaristeeda leedahay Soomaaliya.

“Waxaa jirta 5 arrimood oo muhiim innoo ah inaan gaarno, 5-taas arrimood 2 kamid ah go’aan ka gaaristeeda waxaa iska leh Soomaalida, 3 kamid ah Beesha Caalamka ayaa iska leh go’aan ka gaarista” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada ay leedahay Soomaaliya oo ay tahay inay go’aan ka gaarto waxa uu sheegay inay yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah.

“Labada aan annaga go’aankeeda aan leenahay waxaa waayay dalka inaan Shabaab ka xorayno, qodobka labaad ee go’aan ka gaaristeeda aan leeanahay waa Dastuurka KMG ka ah inaan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka leego saddexda qodob ee u taalla Beesha Caalamka oo ah dayn cafinta, cunaqabateynta iyo aqbalaaddii Soomaaliya ee Dalladda EAC inay ka rajo wanaagsan yihiin labada qodob ee laga rabo in Soomaalida ay go’aamiso.

“Asbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlaya labada guul ee Soomaaliya usoo socda.

“Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan, labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Si kastaba,Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad soconaysay wax ku dhow saacad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 4-aad ee labada Aqal, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda Puntland, doorashada Somaliland iyo dagaalka weli ka soconaya Sool.