25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: 28 qof oo Shabaab ‘sababday’ oo hal goob ku dhintay kadib markii doon ay….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa soo bandhigay tiro koobka ay hayaan ee ku saabsan khasaaraha ay daadadka roobka deyrta ka dhashay iyo fatahaaduhu ay ka geysteen Soomaaliya.

Ugu horeyn Maxamuud Macalin wuxuu shaaciyey in dadka ku dhintay dadadka iyo fatahaadaha ay tiradoodu marayso 96 qof, dadkaas wuxuu sheegay inay ku jiraan 28 qof oo hal goob ku geeriyootay.

28-kaas qof ayaa dhintay kadib markii ay la degtay doon ay ku marayeen aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Guddoomiye Maxamuud sheegay in dhimashada dadkaas ay Shabaab sabab u ahaayeen.

“Dadka dhintay ee 96-da qof ah waxaa ku jira 28 qof oo hal doon ku dhintay aagga Jamaame, waxay dadkaas ka cararayeen Al-Shabaab oo u diiday meel ay maraan, ayaga oo eryanaya ayey doontii la qalibantay, waana geeriyoodeen, allaha u naxariisto,” ayuu yiri Guuddoomiye Maxamuud Macalin.

Dadka ku dhaawacmay xaaladaha uu sababay roobkaan wuxuu tiradooda ku sheegay lix qof, sidoo kale wuxuu soo bandhigay tirada xoolaha ay dileen daadadka ku dhuftay koonfurta Soomaaliya.

Ilaa 4,000 (afar kun) oo xoolo ah ayuu sheegay inay ku geeriyoodeen fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hantida kale ee ku burburtay sida guryaha, gaadiidka iyo wixii la mid ah ay ku qiimeeyeen $200,000 (labo boqol oo kun oo dollar).

Dowladda federaalka ayaa sameysay wax un gurmad ah oo la kala gaarsiiyey dadka ay musiibadaasi saameysay, kuwaas oo ay ugu daranyihiin reer Gedo iyo dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne oo ka qaxay biyo harqiyey magaaladaas.

Dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo wabiyadu ay maraan, sida Jilib iyo Jamaame oo hadda la sheegay in 28 qof ay hal doon oo qalibantay ay ku dhintaan, ayaan weli la gaarsiin wax gargaar ah, mana muuqato fursad lagu gaarsii karo.

Hoos ka daawo faahfaahinta guddoomiye Maxamuud

Daawo: Xildhibaano ka hor-yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu maanta furmay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh xildhibaanada ka hor sharaxay sida uu doonayo in loo dedejiyo dhameystirka dastuurka ayaa waxaa hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada diidan in hoggaanka dalka loo raro nidaam Madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah ayaa cadeeyey mowqifkiisa.

Xildhibaan Saadaq ayaa sheegay in xasaasiyad badan ay ka taagan tahay kalfadhigaan, maadaama ay arkaan arrimo culus oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka oo kooxda Madaxweynaha ay gadaal ka riixayaan.

“Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa nin raba in baarlamaanka uu ku adeegto, balse taasi waa fowdo dhali doonta fowdo kale, waxaana ka cabsanaa in baarlamaankaan la xakamey waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay xasaasiyad ka qabaan heshiiskii golaha wadatashiga qaran oo la doonayo in la marsiiyo baarlamaanka, iyadoo ay ku jirto in labo xisbi lagu soo koobo siyaasadda dalka, in muddo xileedka hey’adaha dowladda laga dhigo 5-sano iyo in kursi madaxweyne ku xigeen lagu bedelo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaan Saadaq in golaha wadatashiga qaran oo doonaya inay baarlamaanka wax u meeriyaan aysan ayagu heysan wax sharciyad ah, sidaas darteed shaqada wax ka bedelka dastuurka ay ku filan yihiin labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Xildhibaanada qaar wadatashi ayey ka yeesheen arrinta wax ka bedelka dastuurka, mana shaqey doonto sida ay wax u rabaan kooxda madaxweynaha iyo golaha wadatashiga qaranka, shaqadaan waa shaqo baarlamaan, nidaam qof ama qolo gaar ah u adeegaya dalkaan kama shaqey doono,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaankaan, in beelaha qaar, sida beesha uu ka soo jeedo ee Digil iyo Mirifle ay xad gudub ku tahay arrinta uu doonayo inuu baarlamaanka marsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kalsoonida ka dhex jirta Madaxweynaha iyo beesha Digil iyo Mirifle waa mid aad u hooseysa, dhowr jeer ayaan madaxweynaha ula tagnay arrimo khuseeya masiirka beeshaan, waana ka meer meeray, maalintii Teendhada lagu soo doortay ayaa noogu dambeysay,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Hoos ka daawo

Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay ku biiriista Soomaaliya ee ururka EAC

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa bayaan yaab leh oo ay soo saartay walaac uga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo shalay si rasmi ah loo xaqiijiyey. 

“Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland  

Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.  

“Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.  

Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.”

“Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay ku-biirista Soomaaliya ee ururka EAC, isaga oo xusay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo mudo xilideedkii hore ee 2012- 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa. 

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha. 

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.

Soomaaliya oo laba guul oo taariikhi ah gaareysa December

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad Dastuuri ah u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee waddanka iyo guulo usoo socda Soomaaliya bisha December.

Xasan Sheekh ayaa baarlamanka ka dhex sheegay 5 arrimood oo masiiri ah, kuwaas oo ay tahay in sida ugu haboon wax looga qabto. Saddex kamid ah waxa uu tilmaamay in laga rabo Beesha Caalamka, halka labada kalena ay go’aan ka gaaristeeda leedahay Soomaaliya.

“Waxaa jirta 5 arrimood oo muhiim innoo ah inaan gaarno, 5-taas arrimood 2 kamid ah go’aan ka gaaristeeda waxaa iska leh Soomaalida, 3 kamid ah Beesha Caalamka ayaa iska leh go’aan ka gaarista” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada ay leedahay Soomaaliya oo ay tahay inay go’aan ka gaarto waxa uu sheegay inay yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah.

“Labada aan annaga go’aankeeda aan leenahay waxaa waayay dalka inaan Shabaab ka xorayno, qodobka labaad ee go’aan ka gaaristeeda aan leeanahay waa Dastuurka KMG ka ah inaan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka leego saddexda qodob ee u taalla Beesha Caalamka oo ah dayn cafinta, cunaqabateynta iyo aqbalaaddii Soomaaliya ee Dalladda EAC inay ka rajo wanaagsan yihiin labada qodob ee laga rabo in Soomaalida ay go’aamiso.

“Asbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlaya labada guul ee Soomaaliya usoo socda.

“Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan, labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay” ayuu yiri madaxweynuhu.

Si kastaba,Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad soconaysay wax ku dhow saacad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 4-aad ee labada Aqal, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda Puntland, doorashada Somaliland iyo dagaalka weli ka soconaya Sool.

Daawo: Aadan Madoobe oo si rasmi ah u xaqiijiyey wax ka beddalka dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa xaqiijiyey in baarlamanku isku dayi doono in wax laga beddelo dastuurka.

Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Kalfadhigan xoogiisa diiradda lagu saari doono arrimaha Dastuurka iyo sidii loo dhameystiri lahaa, si looga baxo qaybo qoraalka.

“Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka waxaa looga doodayaa cutubyada Dastuurka KMG ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dastuurka wax laga beddelayo, islamarkaana qodobada isbeddelka ay ka mid yihiin qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in dalka uu yeesho madaxweyne iyo ku-xigeen iyo laba xisbi siyaasadeed.

Aadan Madoobe wuxuu farriin u diray xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo ka codsaday inay muhiimad gaar ah siiyaan kulamada soo socda, maadaama lagu go’aaminayo Dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay dhabar adeeg iyo inay ku dadaalaan sidii kumeel gaarnimada looga bixin lahaa dastuurka Soomaaliya.

“Dhammaan xildhibaanada sharafta leh waxaan kula dardaarmayaa in Kalfadhigaan 4-aad ee maanta innoo furmaya u dhabar adeegaan juhdi badana ay geliyaan ka doodista dastuurka, si uu dastuurkeena uga baxo kumeel gaarnimada” ayuu mar kale yiri.

Dhankiisa, guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay arrinta Dastuurka ayaa xoojiyay sida loogu baahan in xilligan la dhammeystiro.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale tilmaamay in Dastuurka uu noqday mashruuc furan, isaga oo xusay inuu noqday midka socda, uuna ku baxay qarash aad u fara badan.

“Dastuurka Soomaaliya wuxuu noqday kan ugu waqtiga dheer ugu qarashka badan uguna khaladaadka badan” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dowladda federaalka ayaa haatan ku howlan wax ka beddalka Dastuurka, waxaana hormuud ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan uun shaaciyay inuu dalka u guurayo nidaam cusub oo ah madaxweyne iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeen.

Daawo: Xasan oo si adag uga hadlay xiisadda Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday muranka hareeyay doorashada maamulkaas ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo dhiilo uu sheegay inay kasoo cusboonaatay Puntland, balse wuxuu ku baaqay inay laga wada-hadlo wax kasta oo khilaaf ah.

“Waxaan ka xunahay khilaafka dhiilada ah ee haatan ka muuqdo dowlad goboleedka Puntland, waxaana adkanaynaa baaqyada ah in wada-hadalka iyo isu dhagalugnaanta baaqyada waxgaradka ay yihiin xalka ugu haboon ee maanta jiri kara” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday labada dhinac ee isku haya doorashada Puntland inay qaataan baaqyada waxgaradka, si loo qaboojiyo xiisadda.

“Hala dhageysto ayaan leenahay dadka waxgaradka ah ee markaa iyaga aan siyaasadda dan ka lahayn, laakiin danta Umadda deganaanshaha deegaanka ay u muuqato” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Puntland oo ay ka taagan tahay hubanti la’aan ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka.

Si kastaba, waxaa weli halkiisii ah khilaafka dowladda federaalka ah kala dhexeeya hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni, kaas saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda.

Magacaabista Jabriil: Xasan Sheekh ‘oo ka fogaaday’ khalad la mid ah kii Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya, ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

Magacaabista Jabriil ayaa lagu qeexay mid muhiim ah, sababtoo ah danjiraha cusub ayaa loo arkaa mid ay is-fahmi karaan dowladda Kenya, isaga sanado badan kasoo shaqeeyey dalkaas.

Abdullahi Mohamed, oo fallanqeeya Geeska Afrika, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doortay shaqsi fahamsan Kenya iyo Soomaaliya. “Wuxuu ka dheeraaday khaladaadka madaxweynihii ka horreeyey [Farmaajo] ee la xiriiray Kenya,” ayuu yiri.

“Jabriil Cabdulle wuu fahmsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal,” ayuu u Abdullaahi u sheegay wargeyska The East African.

“Wuxuu aqoon u leeyahay jilba-weynta siyaasadeed ee Kenya, taasi oo u sahleysa inuu abuuro iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan.”

Jabriil ayaa beddelaya Maxamed Nuur Tarsan oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo 2018-kii, kaasi oo intii uu fadhiyey Nairobi labada dal ay dhex-mareen iska hor-imaadyo diblomaasiyadeed.

Shantii sano ee la soo dhaafay ee uu Kenya ku sugnaa waxaa ka mid ahaa dhacdo ay labada dhinac xiriirka isu jareen 2019-kii, labo jeerna ay hakiyeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay.  

Shaqada ugu horreysay ee Jabriil ayaa ah hagaajinta xiriirka labada dal iyo fududeynta furitaanka xuduudda labada dal, ayada oo Soomaaliya ay hadda ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Soohdinta ay wadaagaan labada dal ayaa xirneyd tan iyo 2009-kii, waxaana Nairobi ay dhawaan dib u dhigtay dib u furista si loo qiimeeyo xaaladda ammaanka.

Jabiril ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya.

A/Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada lagu dhaawacay dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Sheekh Aadan ayaa ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aankiisa ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qayb ka yahay dagaalkan, isla-markaana xildhibanadu ay tageen furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in laba xildhibaan ay uga dhaawacmeen dagaalka socda, kadib markii ay tageen jiidda hore, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale qiray in dagaalka xildhibaanada uu muujinaayo sida ay uga go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

“Taas waxa ay muujineysaa dadaalka iyo ka go’naashaha xildibaanadeena iyo Ummadda Soomaaliyeed inay naftooda u huraan xoriyadda iyo sharafka dalka” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn ay kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Maxaadan ogayn oo xalay ka dhacay xeebta LIIDO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in si gaar ah loogu beegsaday maqaayado iyo hoteello ku yaal xeebta, kuwaas oo ay ku caaweynayeen gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gudaha u galay xarumo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdcasiis, waxayna galeen qolal lagu isticmaalayay maan dooriye, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo la sheego in si aad ah loogu isticmaalo xeebta.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka gobolka Banaadir oo sheegay inay la dagaalami doonaan maan dooriyaha iyo dhaqan xumada.

Horay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, isaga gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

Duqa Muqdisho ayaa xilligaas garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Habeenka Jimcaha waa mid kamid ah habeenada ugu mashquulka badan Liido, waxaana inta badan isugu tega dhalinyaro kala duwan oo qaarkood isticmaala maan dooriyaha.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo lagula dagaalamayo maan dooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay maamulka gobolka Banaadir.

Maxay Kenya ka tiri guusha ay gaartay Soomaaliya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo war kasoo saartay xubinimada Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa u hambalyeysay dowladda federaalka, maadaama ay ugu dambeyn ku guulaysatay inay ku biirto Ururkan.

Wasiirka koowaad ee Kenya, Musalia Mudavadi oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay soo dhaweyneyso ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xoojinta xiriirka gobolka iyo kobcinta midnimada ay fure u tahay furitaanka awoodda ballaaran ee Bariga Afrika.

“Si wadajir ah, waxaan u dhisi doonaa mustaqbal ifaya dhammaan muwaadiniinteena,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis cusub ku gaaray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Muqdisho kaas oo muhiim u ah dadka ku dhaqan deegaanadii ugu dambeeyay laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

Heshiisan ayaa waxaa saxiixay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Al-Rumaithi, wuxuuna ku qotamaa qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay.

“Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraad-ka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay heshiiska kadib soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa yimid, kadib kulan mira-dhal ah oo ay wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo danjiraha Imaaraadka Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Safiirjka Imaaraadja oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka.

Sidoo kale wuxuu  si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee Hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Dhankiisa Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahaceliyay safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay muddada dheer a la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

DENI oo kala dooranaya laba mushkilad oo isku mid ah

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maamulkan la aas-aasay 1998-dii ayaa udub dhexaad u ahaa qorista dastuurka ku-meel-gaarka ah, xilli uu Shariif Sheekh Axmed siiyay Cabdiraxmaan Faroole door siyaasadeed aan loo meel dayin.

Muqdisho waxaa ka jira guux ku saabsan isbeddelka qodobo kamid ah dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda lagu dhaqo dowladda federaalka. Si aan taas ka culeys yareyna magaalada Garoowe waxaa ka taagan xilligaan walaac ku saabsan isbeddel dastuur oo uu sameeyay Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada xaaladba ma sahlana, mid qoryo ayaa la isku sitaa, midna qalimaan. Laakiin Maamulaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ma rabo inuu hoos u fiiriyo midda uu isagu abuuray ee wuxuu fikrad ka dhiibanaya midda taalla dowladda dhexe.

Puntland ayaa horey cilaaqaadka ugu jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada oo Saciid Cabdullaahi Deni uu diiday ka qeyb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii uu Xasan Sheekh diiday inuu ra’iisul wasaare ka dhigo.

Qoraal shalay kasoo baxay Puntland ayay kaga digeen cawaaqibka ka dhalan kara wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah, gaar ahaan qoddobka hab dhismeedka dowladnimada.

Labadii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya ayaa labaduba caashaqay inuu dalka noqdo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ah, iyada oo la tir-tiraayo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Inkasta uu Farmaajo hoos u sheegi jiray damacaas, hadda Xasan Sheekh ayaa kor usoo qaaday weliba olole ayuu ugu jiraa.

Markii aan u laabano Deni, dadka diidan hab fikirkiisa siyaasiga ah waxay leeyihiin waa nin isagu deegaankiisi ka abuuray mushkilad dastuuri ah, dhinaca kalena olole ugu jira inuu xaliyo mid kale oo heer federaal ah oo uusan itaal badan u haynin.

Dadka tallooyinka siinaya hoggaamiyaha 45 cisho u harsan tahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin marka hore ha soo gunaanado xiisadda ka dhalatay dastuurkii uu xoogga ku beddelay ee Puntland oo gacan ka hadalkiisa uu sababay in daraasiin dad ah ku dhintaan magaalada Garoowe.

“Puntland waxay cadeynaysaa in aanay waxba ka dhaqan-gelin doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, iyada oo Puntland ay maqan tahay,” ayaa ku jirtay qoraalka uu shalay soo saaray Saciid Deni ee uu ku diidan yahay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax uga beddelayso dastuurka.

Laakiin dhinaca kale waxay dadka xasuusan yihiin inay Puntland hore u diiday in ay timaado miiska, oo ay halkaa dhigato wixii ay diidan tahay.

Sababta ay u maqan tahay waa arrin shaqsi ah oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka dhaxeysa, taasi oo ka dhalatay kursiga ra’iisul wasaaraha. Laakiin arrintaan weyn ee masiiriga awgeed hoggaamiyaha Puntland weli ma ogola inuu miiska kusoo laabto oo uu halkaas wax ku saxo.

Villa Somalia uma muuqato mid ku mashquulsan farriimaha Saciid Deni. Balse markii la eego miisaanka shaqada loo socdo, ahmiyadda ay leedahay in dalka la isku hayo iyo dhaqan-gelinta go’aamada waaweyn, waxay dad badani qabaan in Xasan Sheekh iyo Xamza u baahan yihiin inay sugaan inta ay xaaladda Puntland dhinac uga dhaceyso.

Maxay QM oo ku tilmaantay ku biirista Soomaaliya ee EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay ‘guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyaynaysaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya ku biiritaanka rasmiga ah ee dalkoodu uu ku biireen Bulshada Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee X ee xaafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliya.

“Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!’ ayuu raaciyay bayaaka Qarmada Midoobay.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo shalay ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

Sidee looga fal-celiyay ku biirista Soomaaliya ee EAC?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah gu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, halka dadka qaar ay si weyn usoo dhoweeyeen arrintaan oo ay sheegeen in faa’iido weyn u tahay dalkeenna, halka qaar kalena ay qabaan taasi beddelkeeda.

Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdicasiis Qaasim Maxamuud: “Waa guul wax ku ool ah oo usoo hooyatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Mahadsanid Mudane Madaxweyne.”

“Masha Allah Soomaaliya guul ayey u tahay ku biirista ururka bulshada bariga Africa isu-socdka ganacsatada Somaliyeed aad ayey muhiim ugu tahay,” ayuu yiri Cabdicasiis Aadan.

Rooble Xalane ayaa isna yiri “Tahriiibka ayuu u fududeeyay waxba ma sooo kordhin madaxweynaha.”

“Madaxweyne howl fiican ayaad inoo qabatay gacan waddanka horumarkiisa kaga shaqaynaysaa gacanta kalana Al-Shabaab ayaad kula diriraysaa,” ayuu yiri Saciid Yoonis.

Cabdifataax Faarax Shire: “Somalia maxaa yaalla oo ay iib-gaynaysaa, war anagaa belo aragnay, dalalkan ayey dantu ugu jirtaa ee Somalia wax dan ah uguma jirto.”

Cali Salaad ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa guul weyn oo usoo hooyatay dadka Soomaliyeed waxaan rajeeynaa in ganacsatada Soomaliyeed fursado fiican ka heli doonto.”

“Hambalyo Madaxwayne waad dadaashay guul iyo horumar badan baan dalkeena u rajeynayaa iyo in aan ka faa’iidaysan doono dhaqaalaha Bariga Africa waxna ka badalo doono hanaanka dhaqaale ee Bariga Africa Birmade Dalxoreeye Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri Dalmar Maxamed Daahir.

Shucayb: “Wax wayn maahan waa dano shaqsi, dowlada cusub ee imaan doontana albaabada ayay iskugu laabi doontaa.”

“Shaqo Qaran oo dadkeena muhiim u ah ayaad qabatay Birmade Madaxweyne HSM. Dalka oo nabad ah iyo dadkeena oo karaamo leh,” ayuu yiri Cabaas Cabdullaahi Abshir.

Xamza oo sheegay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay billadda Axmed Maxamuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay waxa ay ka dhigan tahay billada hoggaamiyaha sanadka ee uu ku guuleystay guddoomiyaha shirkadda Hormuud, Axmed Maxamed Yuusuf.

Axmed ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee CXO of the Year, oo ay Africa Tech Festival ku abaal-mariso madaxda shikradaha Afrika, ee horumarro iyo guuplo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeyb-qaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in billadda uu ku guuleystay Axmed ay tahay mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknaloojiyadda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu yiri “Billadda uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadnimo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howl-wadeenba ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyay doorka wanaagsan ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

Guddoomiye Axmed Maxamuud ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay abaal-marintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank.

Wararkii ugu dambeeyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee BF iyo arrinta Dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah u furmo Kalfdhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama ay muddooyinkii ugu dambeeyay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in daah-furo kalfadhigan, isaga oo khudbad xasaasi ah u jeedin doono xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid aad isha loogu wada hayo, waxaana horyaallo shaqooyin muhiim iyo shuruuc ay soo gudbisay xukuumadda Xamza.

Sidoo kale doodaha adag ee fadhigan waxaa kamid ah wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan.

Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Karkarinta iyo diyaarinta qorshahan ayaa hadda si wyen u socda, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa durbo bilaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo todobaadkii hore kulan u qabtay xildhibaanada maamulkiisa ku metala baarlamaanka labada Gole, isaga oo kala hadlay wax ka beddalka Dastuurka oo uu tilmaamay inay tahay arrimo culus oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa arrintan kasoo horjeedo xubnaha mucaaradka oo hadda ay indhaha u furan yihiin, iyaguna waxa ay ku ballansan yihiin shir ay ku cadeynayaaan mowqifkooda.

Furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli ay dalka ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

Si kastaba, labada aqal ee baarlamaanka ayaa inta badan dajiya shuruucda dalka, waana halka laga jaangooyo goaanada waa weyn ee siyaasaddda dalka.

Sheekh Shariif iyo Rooble oo soo saaray war isku mid ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraallo ka soo saaray guushii ay maanta Soomaaliya ka gaartay ku biiridda daladda bulshada bariga Afrika.

Labada masuul ayaa aad u soo dhaweeyey guusha u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna tilmaameen fursadaha ku jira daladaan ee Soomaaliya hor yaalla.

Ugu hore Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan,  ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraalkiisa ku yiri,

“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.”

“Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.”

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.”

55 xildhibaan oo Laftagareen la kulmay oo shaaciyey in…

0

Baydhaba (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray kulan seddax maalmood qaatay oo Maxaxweyne Laftagareen ay Baydhaba kula yeesheen.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wadahadleen seddax qodob oo kala ah:

1- Xaaladda El-nino oo saameyn culus ku yeelatay deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo sababtay fatahaad iyo barakac culus, waxayna madaxdu gorfeeyeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka rayidka ah.

2- Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu gorfeeyey shirkaas, waxay madaxdu hoosta ka xariiqeen in kooxdu ay dhibaatada ugu daran ku heysto Koonfur Galbeed, iyagoo ku tashaday in deg deg looga howlgalo sidii loo xoreyn lahaa dalka.

3- Arrimaha wax ka bedelka dastuurka ee hadda miiska saaran ayaa lagu gorfeeyey shirkaan, waxayna xildhibaanadu cadeeyeen in ay wax isla meel dhigeen, iyagoo hoosta ka xariiqay in reer K/Galbeed ay dani ugu jirto in doorasho qof iyo cod ah ay dalkaan ka dhacdo.

Sidoo kale Xildhibaanadu waxay sheegeen inay Madaxweynaha K/Galbeed laga doodeen arrimo badan oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka dalka uusan ku sii jiri karin ku meel gaarkaan.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa doonaya in xildhibaanadu ay meel mariyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka oo dhigaya in wax laga bedelo dastuurka, sida qodobada mudo xileedka hey’adaha dowladda oo laga dhigayo 5 sano, in dalka lagu maamulo nidaam madaxtooyo iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Sida ay sheegeen xildhibaanadu madaxweynaha waxay ka aqbaleen arrimihii uu kala hadlay, waxaana lagu wadaa in Sabtida berri uu furmo shirka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka oo ballan-qaad sameysay kadib ku biiristii Soomaaliya ee EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“HSJ waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’adda.

Qoraal ayaa intaas ku sii daray, “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan umadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisantahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.”

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

8 faa’iido oo Soomaaliya ay helayso kadib ku biiristii EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta si buuxda uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda ururkaan.

Haddaba, Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada ururkaan?

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.