26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee BF iyo arrinta Dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah u furmo Kalfdhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama ay muddooyinkii ugu dambeeyay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in daah-furo kalfadhigan, isaga oo khudbad xasaasi ah u jeedin doono xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid aad isha loogu wada hayo, waxaana horyaallo shaqooyin muhiim iyo shuruuc ay soo gudbisay xukuumadda Xamza.

Sidoo kale doodaha adag ee fadhigan waxaa kamid ah wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan.

Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Karkarinta iyo diyaarinta qorshahan ayaa hadda si wyen u socda, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa durbo bilaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo todobaadkii hore kulan u qabtay xildhibaanada maamulkiisa ku metala baarlamaanka labada Gole, isaga oo kala hadlay wax ka beddalka Dastuurka oo uu tilmaamay inay tahay arrimo culus oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa arrintan kasoo horjeedo xubnaha mucaaradka oo hadda ay indhaha u furan yihiin, iyaguna waxa ay ku ballansan yihiin shir ay ku cadeynayaaan mowqifkooda.

Furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli ay dalka ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

Si kastaba, labada aqal ee baarlamaanka ayaa inta badan dajiya shuruucda dalka, waana halka laga jaangooyo goaanada waa weyn ee siyaasaddda dalka.

Sheekh Shariif iyo Rooble oo soo saaray war isku mid ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraallo ka soo saaray guushii ay maanta Soomaaliya ka gaartay ku biiridda daladda bulshada bariga Afrika.

Labada masuul ayaa aad u soo dhaweeyey guusha u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna tilmaameen fursadaha ku jira daladaan ee Soomaaliya hor yaalla.

Ugu hore Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan,  ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraalkiisa ku yiri,

“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.”

“Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.”

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.”

55 xildhibaan oo Laftagareen la kulmay oo shaaciyey in…

0

Baydhaba (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray kulan seddax maalmood qaatay oo Maxaxweyne Laftagareen ay Baydhaba kula yeesheen.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wadahadleen seddax qodob oo kala ah:

1- Xaaladda El-nino oo saameyn culus ku yeelatay deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo sababtay fatahaad iyo barakac culus, waxayna madaxdu gorfeeyeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka rayidka ah.

2- Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu gorfeeyey shirkaas, waxay madaxdu hoosta ka xariiqeen in kooxdu ay dhibaatada ugu daran ku heysto Koonfur Galbeed, iyagoo ku tashaday in deg deg looga howlgalo sidii loo xoreyn lahaa dalka.

3- Arrimaha wax ka bedelka dastuurka ee hadda miiska saaran ayaa lagu gorfeeyey shirkaan, waxayna xildhibaanadu cadeeyeen in ay wax isla meel dhigeen, iyagoo hoosta ka xariiqay in reer K/Galbeed ay dani ugu jirto in doorasho qof iyo cod ah ay dalkaan ka dhacdo.

Sidoo kale Xildhibaanadu waxay sheegeen inay Madaxweynaha K/Galbeed laga doodeen arrimo badan oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka dalka uusan ku sii jiri karin ku meel gaarkaan.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa doonaya in xildhibaanadu ay meel mariyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka oo dhigaya in wax laga bedelo dastuurka, sida qodobada mudo xileedka hey’adaha dowladda oo laga dhigayo 5 sano, in dalka lagu maamulo nidaam madaxtooyo iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Sida ay sheegeen xildhibaanadu madaxweynaha waxay ka aqbaleen arrimihii uu kala hadlay, waxaana lagu wadaa in Sabtida berri uu furmo shirka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka oo ballan-qaad sameysay kadib ku biiristii Soomaaliya ee EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“HSJ waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’adda.

Qoraal ayaa intaas ku sii daray, “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan umadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisantahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.”

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

8 faa’iido oo Soomaaliya ay helayso kadib ku biiristii EAC

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta si buuxda uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday.

Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda ururkaan.

Haddaba, Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada ururkaan?

Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

Guul taariikhi ah oo maanta usoo hoyatay Soomaaliya

0

Arusha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan.

Waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Sawirro: Sirdoonka S/LAND oo shaaciyay in uu qabtay saanad dagaal oo loo waday…

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaacisay in ay soo qabatay saanad dagaal iyo agab kale oo loo waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hay’adda NIA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay illaa laba boqol oo taayir, oo ah noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay

“NIA_IntelSL oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood ayaa gacanta ku dhigtey 200- oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA.

Sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo garabsaneysa laamaha nabad-gelyada ay burburisay shabakaddo adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, sida lagu yiri qoraalka.

“Waxaa lagu soo qabtey (howl-galka) qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dad eedaysanaal ah iyo qalab kala duwan oo ay sheegeen in uu amniga khatar ku yahay.

Sidoo kale waxa uu dhawaan Sirdoonka Somaliland baahiyay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah.

Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Fahad oo farriin duur-xul siyaasadeed ah u diray Xamza

0

Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Arbacadii soo saaray qormo dheer oo ugu magac daray “Saboolnimo siyaasadeed” ayaa sidoo kale uu farriin duur-xul siyaasadeed ah ugu diray ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre.

Fahad ayaa waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Xamza uu dantiisa ka hormariyay midda madaxweynaha, taasi oo uu ku tilmaamay taariikh mucjiso.

“Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, oo Xamza kula yaaban meel-marinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee madaxweyne iyo ku-xigeen.

Waxa uu intaas kusii daray “Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taasi, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah.”

Sidoo kale wuxuu u duur-xulay in Xamza uusan markii horeba xilkaan ku haysan manfac, uuna sidaas u doorbiday in uu ku qanco qorshaha madaxweynaha oo uu hadda meel-marintiisa ku howlan yahay.

“Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).”

Arrintaan ayuu Fahad ku macneeyay sadaqo siyaasadeed, wuxuuna yiri “Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.”

Xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza ayaa wada dadaallo lagu meel-marinayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo dhaqan-gelinta heshiiskaas.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo

Somalia appoints high-profile envoy to strengthen diplomatic ties with Kenya

President Hassan Sheikh Mohamoud of Somalia has named Jabril Ibrahim Abdulle as his new ambassador to Kenya, marking a significant step toward promoting collaboration and mending diplomatic ties. This strategic decision signals a significant shift in the diplomatic landscape, aiming to reinvigorate the previously strained relations between the two East African nations. 

Under the previous presidency of Mohamed Abdullahi Farmajo, tensions between Kenya and Somalia escalated, leading to the expulsion of Kenya’s envoy from Mogadishu and a detrimental impact on bilateral trade and regional stability. The elections of Presidents Mohamoud and Ruto, however, have breathed new life into the diplomatic discourse between the two countries. 

Abdulle, a former presidential candidate, assumes his role at a critical juncture when Somalia and Kenya are jointly combating extremist groups such as Al-Shabab and Al-Qaida affiliates. His extensive experience in peace-building and state-building, particularly his instrumental role in the formation of Somalia’s current federal government, positions him as a seasoned diplomat capable of navigating complex geopolitical challenges. 

Abdulle’s appointment has received praise from regional analysts, including Abdullahi Mohamed, who lauds his understanding of the historical relationship between the two nations. “Jabril Abdulle understands the historical relationship between the two countries. He is familiar within Kenya’s establishment, positioning him to cultivate a strong strategic partnership,” stated Abdullahi.

What sets Abdulle apart is not only his diplomatic acumen but also his profound understanding of the historical ties between Kenya and Somalia. Having lived and worked in Kenya for several years, he appreciates Kenya’s significant contributions to Somali peace and reconciliation initiatives, as well as the formation of transitional and federal national governments.

The timing of Abdulle’s appointment is opportune as both countries look to enhance their partnership, collaboratively counter terrorism, strengthen regional stability, and build robust economic cooperation. President Mohamoud’s move underscores a commitment to forging a fresh, cooperative path and marks a departure from previous strained relations. 

As Somalia and Kenya embark on this promising journey of renewed friendship and collaboration, Mr. Abdulle’s appointment promises enhanced diplomatic engagement, stronger economic ties, and contributions to regional stability and prosperity. The international community watches with anticipation as the two nations set the stage for a Joint Commission for Co-operation (JCC) early next year in Nairobi, aiming to discuss and agree on matters of mutual interest, ranging from security activities and defense to agriculture, trade, intelligence exchange, health, education, and the continuous review of the visa regime. The potential reopening of borders between the two countries is also on the agenda, aiming to facilitate the movement of people and enhance the trade of goods and services. 

In a resounding show of approval, Somali business communities with substantial investments in Kenya’s economy are warmly welcoming the appointment of Mr. Jabril Ibrahim Abdulle as Somalia’s new ambassador to Kenya. These business leaders, who have poured billions of Shillings into various sectors of Kenya’s economy, see the appointment as a positive step towards fortifying the economic and diplomatic ties between the two neighboring nations. 

Abdulkadir Nur, a prominent businessman engaged in real estate business, expressed deep gratitude on behalf of the Somali business community, stating, “We’re deeply grateful for President Mahmoud’s choice to appoint an envoy who enjoys the support of both countries.” This sentiment is echoed by many others who view Abdulle’s appointment as a crucial catalyst for the improvement of bilateral relations.

Nur lamented the recent strained relations, emphasizing the enduring bond between Kenya and Somalia. “God made Kenya and Somalia neighbors for eternity; we share common values, culture, and our history is cemented by blood,” he stated passionately. He voiced confidence that the new envy will play a pivotal role in not only strengthening economic ties but also in providing essential embassy services for the Somali community residing in Kenya. 

The Somali business community sees this diplomatic move as an opportunity to mend relations and pave the way for increased collaboration, which could have a positive impact on regional stability and economic prosperity. As Ambassador Abdulle takes on his role, expectations are high among the business circles for a renewed era of cooperation and shared growth between Kenya and Somalia.

In the last year, President Mohamoud and President Ruto have engaged in over eight bilateral meetings, underscoring the establishment of a strong and close relationship between the two leaders and emphasizing their dedication to fostering a robust strategic partnership.

Madaxweyne Xasan oo safiir cusub u magacaabay Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii uu Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee Kenya, ahaana safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi.

Danjiraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo mar isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeeyay Kenya.

Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tegi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ay sidoo kale beddeshay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo isagu soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka.

Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Si kastaba, Safiirka cusub ayaa waxaa horyaalla howlo muhiim, oo ay ugu horeyso in uu fududeeyo in dib loo furo xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

DF oo WAR cusub ka soo saartay ka qeyb-galka SSC ee tartanka kubadda cagta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marka ka hadashay ka qeyb-galka SSC-Khaatumo ee tartanka kubadda cagta dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in SSC- Khaatumo ay ka qeyb-gali doonto tartanka kubadda cagta haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.

Shuruudahan ayuu wasiirka ku sheegay inay yihiin kuwa farsamo, ayna lagama maarman tahay in ay SSC-Khaatumo soo dhameystiro, si ay 15-ka bisha December ee sanadkaan uga qeyb galaan tartanka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in SSS-Khaatumo looga baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan soo dhisaan xiriirka kubadda cagta SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo SSC-Khaatumo looga reebay tartanka, isaga oo xusay inay dadaal xooggan ku bixiyeen sidii SSC uga qeyb noqon laheyd tartankan.

Waxaa xusid mudan in maalmo un kahor SSC-Khaatumo ay magacowday guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC, taasi oo uu sameeyay Xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha SSC-Khaatumo, si ay usoo buuxiso shuruudaha.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mowqifka dowladda federaalka oo ahaa aqoonsiga maamulka KMG ah, ayaa dhabaha u xaareysa maamul rasmi ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Abiy Ahmed ‘oo weerar culus ku qaaday’ Isaias Afwerki

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu warramay inuu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ugu yeeray mid “neceb oo kasoo horjeeda” Itoobiya.

Warbaahinta YouTube-ka ee Anchor Media, oo si aad ah ugu dhow dowladda Itoobiya, ayaa ku warantay in Abiy uu arrintan soo hadal qaaday mar uu kulan la lahaa saraakiisha xisbigiisa Prosperity Party.

“Waxaa la ogyahay in Abiy Ahmed uu si ba’an u dhaleeceeyay Madaxweyne Isaias Afwerki intii lagu jiray shirkii madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa intaas dheer, Abiy ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Waxaan muddo dheer ka warqabay in Isaias uu haysto dareen ka dhan ah Itoobiya. Waxa aan rajaynayey horumar, laakiin mowqifkiisii Itoobiya-diidka ah ayaa wali taagan.”

Intii uu socday dagaalkii dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF, Abiy Ahmed ayaa sheegay in waxa Eritrea ay u sameysay Itoobiya markii taliska ciidankeeda waqooyi la weeraray, aaanu dal kale sameyn karin.

Hase yeeshee, ilo-wareedyo ayaa sheegay in xiriirka Abiy iyo Afwerki uu xumaaday markii dowladda Abiy ay magaalada Pretoria heshiis kula gashay TPLF, taasi oo soo afjartay dagaalkii labada sano socday.

Sida lagu heshiiyey, waxaa la filayey in kooxda TPLF ay hubka dhigto, balse taasi ma dhicin, iyadoo sida la sheegayo kooxda ay haysato cudud ka kooban ugu yaraan 200,000 oo askari oo hubaysan. Dowladda Eritrea ayaa kooxda TPLF u aragta halis.

Sida la tuhunsan yahay, khilaafka u dhexeeya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (iyo guud ahaan Eritrea) ayaa cirka isku shareeray kadib markii Abiy Ahmed uu sheegay bishii October ee sanadkan uu sheegay inay tahay inay dekad ka helaan Badda Cas, si kasta oo ay ku timaado.

Talaadadii toddobaadkii hore, Abiy Ahmed ayaa khudbad ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya. Waxa uu sheegay in hadalkiisa uu ula jeeday inuu doonayo in laga wada xaajoodo arrimaha ku saabsan badda, islamarkaana aysan dowladdiisa damacsaneyn inay dagaal la gasho dal na.

Ka sokow Eritrea, hadalkiisa ayaa walaac ka abuuray dalalka kale ee deriska ah qaarkood, sida Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waxaa hadda jirta cabsi la dareemi karo oo laga qabo in dagaal uu ka dhex-qarxo Itoobiya iyo Eritrea.

CC Shakuur oo si qayaxan u weeraray Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal ku dhaliilayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay in bedela markii ay xukunka qabsadaan.

Cabdiraxmaan oo u muuqda inuu ku dhegahadlayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta si guud ugu dhaliilay in aysan cashar ka baran waayihii lasoo maray.

“Silsalada waayaha siyaasada Soomaalida waa kuwo isku eg, dhacdooyinkuna iyagoo isku mid ah ayey soo noqnqodaan, sababtuna waa in aan cashar laga baran waaya-aragnimada iyo tijaabooyinkii halista lahaa ee la soo maro,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Nin saaxiibkeey ah ayaa i waydiiyey, war ninyahow madaxda Soomaalidu maxay u miir la’yihiin markii ay xukunka hayaan, haddii ay xilka ka degaana dad macquul ah u noqdaan.”

“Waxaan ku iri, xukunku wuxuu leeyahay sarqaan ruuxa miyirka ka qaada, haddii ruuxa madaxda ahi dad karti, aqoon, iyo ku dhac leh xusho, gacanta ayey qabtaan, laakiin haddii uu arursado kuwo ka gabada ama sacab, iyo sax weeye ku yiraa, sarqaanka ayuu ku socdaa, ilaa uu ka gaaro halkii uu odaygii Soomaaliyeed ka yiri;-

“Markii aan tabar hayeyna talo ma hayn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aad u diidan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka nidaamka hoggaaminta dalka, qorshahaas oo sababaya in wax laga bedelo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in dalka laga hir-geliyo nidaam madaxtooyo oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka ah, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, qorshahaan ayaa diidmo adag kala kulmaya siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in shir weyne ka dhan ah qorshaha uu damacsan yahay Xasan Sheekh ay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale.

Markii uu dhawaan furmo kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay horgeeyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in loo guuro nidaam madaxtooyo iyo qodobo kale oo wax badan ka bedelaya dastuurka dalka.

Soomaaliya iyo 5 waddan oo kale oo Azerbaijan ku saxiixay…

0

Baku (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo shan waddan kale ayaa magaalada Baku ee ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay xeer cusub.

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan ayaa Baku ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa wax badan ka qaban doonta arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dowladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa ujeeddadeedu u weyni tahay in wax laga qabto caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada, si ay horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Lix waddan oo xubin ka ah ururka oo ay ugu horreeyaan Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa saxeexay xeerka xarunta shaqada, intii uu socday kalfadhigani, taasi oo waddarta guud ee dalalka saxeexay ka dhigaysa 16 dal.

Dowlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay maanta saxeexdo xaruntan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay xaruntani qarankeena iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waqtiga uu Xasan Sheekh qabsaday oo lagu tilmaamay ‘mid aan macquul ahayn’

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Machadka Royal United Services Institute ee London, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. 

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba sidee ayay suurtgal u tahay in Al-Shabaab dalka hal san looga saaro.

Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faalloodda arrimaha amnig,a oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay adag tahay in Al-Shabaab dalka looga saaro halka sano ee madaxweynaha uu qabtay hadii aan wax laga baddelin qaabka dagaalku uu hadda u socdo. 

“Ma aha wax macquul ila ah in Al-Shabaab dalka looga saaro hal sano waayo, waxaan oganahay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin roobabka dalka da’ay iyo daadadka xoogga leh, khilaafka siyaasiga ah iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo aan mideeysan hadii ay yihiin kuwa jooga Puntland, Jubaland iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri.

Ciidanka ATMIS ayuu sheegay haddii ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2024 -ka ayadoo aan Al-Shabaab laga saarin guud ahan waddanka ay dhici karto khatar weyn taas oo khasbi doonta in si kale loo wajaho Al-Shabaab.

“Haddii ay ciidanka ATMIS baxaan marka la gaaro 2024-ka hadii aan la sameey sadex arrin midkood waxaa dhici doon khatar weyn oo sida Afghanistan oo kale ay suurt gal tahay in ay dhacdo hadii aysan daka Soomaaliyeed isku imaan xilgaas ka hor oo aysan heshiis ka gaarin arimaha ay isku hayaan oo aan xooggana la saarin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Madaxweynaha ayaa yiri “Diiradadu waxay ahayd ciribtirka haraadiga Al-Shabaab.” Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Xasan oo maanta xaqiijin kara guushiisii ugu weynayd ee muddo xilleedkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay maanta ku biiri kartaa dallada bulshada Bariga Afrika. Muqdisho ayaa sanado badan raadineysay xubinimada ururkan sababa isbeddelka dhaqaalaha iyo socdaalka gobolka.

Marka la eego xilliga la aqbalay in la dhageysto oo ficil ahaan loo qaatay codsiga Soomaaliya iyo xilliga uu soo baxayo go’aanka aqbalidu, waxay Soomaaliya noqon doonta dalkii ugu dhaqsiyaha iyo deg-degta badnaa ee gala ururkaan.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya madasha codka loogu qaadayo Soomaaliya, waxaana madaxweynuhu shalay galab gaaray magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si uu u xoojiyo ololaha dalkiisa.

Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad.

Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo kooxdiisa kala shaqeynaysa mashruuca ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa dalka ku yeelan doonna diiwaan guul ku suntan, haddii codeyntani ay maanta “Haa” ku dhamaato.

Madaxda dalalka East African Community ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Shirkaan waa kii 23-aad ee heerka madaxda sare ee ururkaan.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad isbeddel amni ah iyada oo la dirireysa argagixiso caalami ah. Dalalka ururkaan ku jira waxay fahamsan yihiin baaxada kheyraadka aan weli la isticmaalin ee Soomaaliya iyo sida uu gobolka uga faa’iideysan karo qoddobka kheyraad waddaaga, xoriyadda ganacsiga iyo canshuuraha mideysan.

Dadka diidan ku biirista Soomaaliya ee ururkaan ayaa qaar waxay xujo ka dhigayaan in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya ay weli tahay caqabad aan laga boodi karin oo ka faa’iideysan karta fursadaha socdaalka iyo ganacsiga ee laga faa’iidi doono ku biirista ururkaan iyo dhinaca kale dayacaada ka muuqata dhanka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Balse dalalka u ololeynaya in Soomaaliya la aqbalo codsigeeda ayaa aqrinaya fursadaha dunida ku hardameyso ee dhex ceegaga Soomaaliya balse aan helin hal abuur uga faa’iideeya dalka iyo gobolkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay dhowr waddan oo ku jira dallada bulshada Bariga Afrika bilihii lasoo dhaafay. Villa Somalia waxay sheegtay in dhamaan dalalkaasi uu madaxweynaha kala hadlay ahmiyadda ay gobolka u leedahay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto ururkaan, xirfada ganacsi iyo howl-karnimada dadka Soomaalida ah iyo kheyraadka ceegaga dalkaan geeska Afrika ku yaalla oo u baahan maalgashi caalami ah iyo mid heer gobol ah.

Rejada Soomaaliya ee ah in maanta “Haa” loogu codeeyo waa mid aad u sarreysa. Haddii ay sidaas u dhacdo waxay noqon doonta guushii ugu weynayd ee nidaamka Xasan Sheekh soo hooyo tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay madaxweynahan 68 jirka ah.

Xasan Sheekh ayaa haddii uu maanta dalka ku daro dallada bulshada Bariga Afrika wuxuu dhameystiri doona mid kamid ah lixda qoddob ee laga sugayo inuu ku xaqiijiyo muddo xileedkiisan labaad.

SOMALILAND oo jawaab ka bixisay sheegashadii dowlada Itoobiya ee dekada Berbera

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ay ku sheegtay inay kula jirto wada-hadallo ku saabsan dekedda magaalada Berbera.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

Isaga oo ka jawaabaya ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Dr. Ciise Kayd wuxuu ku adkeystay in aysan waxaba ka jirin sheegashada Itoobiya.

“Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday.

Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi waysay shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World.

“Itoobiya waa ay bixin waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa.

Dad badan oo ku nool Geeska Afrika oo Soomaalidu ugu horeyso ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto badaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin.

Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri. 

Xabbad-joojin afar maalin ah oo ka billaabatay Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xamaas ayaa billaabay xabbad-joojin afar maalmood ah saaka oo Jimce ah.

Sidoo kale wadaa lagu wadaa in Xamaas ay sii daayaan 13 haween iyo carruur Israa’iil ah oo la haystayaal ah isla maanta, iyo in ay gargaar bini’aadannimo uu soo gaaro marinka Gaza ee go’doonsan.

Xabbad-joogintan ayaa ah tii ugu horreeyay ee dagaalka socday toddobada toddobaad.

Xabbad-joojintu waxay bilaabatay 7-dii aroornimo ee xilliga Gaza, taas oo ka dhaqangashay waqooyiga iyo koonfurta Gaza, waxaana ku xigta sii-daynta qaar ka mid ah in ka badan 200 oo la-hayste oo Xamaas ay qafaasheen intii uu socday weerarkii Islaamiyiinta ee 7-dii bishii hore ee Oktoober, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaal ku sugan Qatar.

Tiro maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil lagu sii deyn doonaan is-weydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Gargaar dheeri ah ayaa loo qorsheeyay in uu ku qulqulo Gaza, waxaana la haystayaashii ugu horreeyay oo ay ku jiraan haween da’ ah la sii deyn doono 4-ta galabnimo, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majid Al-Ansari.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu intaas ku daray in tirada guud ee la sii deyn doono afta maalmood ee xabbad-joojinta ay gaari doonto 50 qof.

Masar ayaa sheegtay in 130,000 oo litir oo shidaal ah iyo afar baabuur oo gaas ah la geyn doono Gaza maalin kasta marka xabbad joojinta la bilaabo, waxaana maalin walba Gaza soo geli doona 200 oo baabuur oo gargaar ah.

Xamaas ayaa ku xaqiijisay khadleeda Telegram-ka in dhinacooda ay qaateen xabbad-joojinta.

KENYA oo weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay ciidamada Kenya ku qaadeen goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal dagaalyahan, ayna ku dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen goobta ay ku sugnaayeen xubnaha, ayna ka heleen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin iyo waxyaabo kale.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Kenya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Kenay ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, ayada oo ujeedka uu yahay in la xaqiijiyo amniga, lagana hortago weerarada hubeysan ee kooxda.

Si kastaba, waxaa ka horreeyay weerar kale oo dhowaan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaan jiray dhaqaatiir, kadib weerar ay booliisku ku qaadeen xeruntooda oo ku taalla deegaanka Fafi oo isna hootsga ismaamulka Garissa.

Daawo: Haweeney xaamilo ah oo 6 bilood Guriceel ugu xiran qaan 52 kun oo dollar ah

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan kiiska Hooyo Xaamilo ah oo 6-bilood ku xiran saldhigga degmada, hooyadaas waxaa loo heystaa lacag dhan 52 kun oo dollar.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Xaawo Cabdullahi Nuur, waxay dhashay sagaal carruur ah, hadda waxay leedahay uur bila dhamaystay, waxay ka shaqey jirtay dhoofinta Ariga jarka ah, waxayna khasaartay lacag dhan $52 kun.

Dadkii ku lahaa lacagta ayaa dacweeyey, waxaana lix bilood ka hor lagu xiray xabsiga Guriceel, ninkii ay u dhashay carruurta ayaa xabsiga ku dhex furay, isagoo ka cararaya qaanta lagu yeeshay gabadhaan, sid ay u sheegtay warbaahinta.

Weriyaal loo ogolaaday inay wareystay ayaa Hooyo Xaawo shalay ku booqday xabsiga, waxay sheegtay sababta loo xiray, waxay ka deyrisay xaaladeeda caafimaad, waxayna sheegtay in lagu xiray qol neef-diid ah oo ah kan ugu nolosha adag qolalka maxaabiista.

Baahintaas kadib, waxaa cirka isku shareeray kiiska Hooyo Xaawo, dad badan ayaa ka carooday sida loola dhaqmay haweeneydaan xaamilada ah, ayadu waxay ka soo jeedaa Dhuusamareeb, balse ninka furay ee 9-ka cunug ay u dhashay, hadana ay uurka u leedahay ayaa ka soo jeeda Guriceel.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Hudey ayaa caawa ka hadlay kiiskaan, wuxuu sheegay in isagu uu u yeeray warbaahinta, si dadka wax heysta loogu bandhigo qaanta loo heysto gabadhaan, sidoo kale wuxuu beeniyey in qol neefdiid ah lagu xiray gabadha.

Sidoo kale Xaawo oo mar kale maanta warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in booliska ay ka heshay wixii ay gacan u awoodeen, balse iskeed ay isaga xanuunsaneed, ciqaab gaar ahna aan loogu geysan xabsiga.

Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Guriceel oo is abaabulay ayaa Maamo Xaawo maanta ka soo damiintay xabsiga, sidaas ayey ku timid banaanka lic bilood kadib, waxaana lagu wadaa in dhawaan laga bixiyo lacagtii lagu lahaa oo hadda uruurinteedu ay socoto.

Hoos ka daawo