25.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Ceelbuur oo uu duulaan ku wajahan yahay

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in xaalad baqdin ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, tani oo ka dhalatay arrimo isbiirsaday.

Dadka reer Ceelbuur oo markii horeba ka walaacsanaa in waxyeelo ka soo gaarto gulufka ballaaran ee ciidamada ku soo yihiin magaaladaasi ayaa waxaa ugu darsamay maleeshiyada Al-Shabaab, oo waxgaradka deegaanka ka dalbaday inay keenaan dhallinyaro xoog leh oo magaalada ka difaaca waxa ay ku sheegeen cadowga.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo Isniintii la kulmay waxgaradka deegaanka ay khasab kaga dhigeen inay keenaan dhallinyaro difaacda magaalada, iyagoo tusaalayay in Ciidamada Dowladda Federaalkaba ay la socdaan maleeshiyaad deegaanka ah oo doonaya in ay la dagaalamaan dagaal-yahanadooda.

Waxgaradka deegaanka ayaa la sheegay inay horjoogeyaasha Al-Shabaab u sheegeen inaanay suurtagal ahayn in dhallinyaro aan tababar lahayn loo adeegsado dagaalka.

Hase yeeshee horjoogeyaasha Shabaabka ayaa la sheegay in ay waxgaradkaasi ku baqdin geliyeen, haddii aanay kala shaqayn difaaca magaalada ay u arki doonaan kuwo la safan colka ku soo fool leh magaalada.

Arrinta kale ee baqdinta ku kordhisay dadka reer Ceelbuur ayaa ah guuxa diyaaradaha dagaalka ee tan iyo shalay laga maqlayay magaaladaasi iyo deegaanada hoostagga.

Ciidamada iyo xoogaga deegaanka ee lagu diyaariyay magaalada Dhuusamareeb iyo hareeraheeda ayaa la sheegaya in maalmaha ina soo aaddan ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidan kale oo deegaanka ah oo loogu talagalay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa la sheegay in Isniintii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku sii jeedaan jiidda bari ee Gobolka Galgaduud.

Tani ayay Shabaabka uga dhigan tahay laba kala daran mid dooro, waa midee inay dagaalamaan oo dagaalka ay ku la’daan iyo midda kale oo ah in ay isaga baxaan magaaladaasi, oo sidaasi ay Ceelbuur ku waayaan.

Shabaabka ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe, ka dib markii horaantii sanadkan ay gacantoodu ka baxday Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa 16-kii bishii January la wareegay magaaladaasi.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in si weyn loogu diyaargaroobay hawlgalka militari ee kooxaha argagixisada looga saarayo Ceelbuur.

Bulshada Gobolada Dhexe iyo Soomaalida inteeda kale ayaa si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyadan ka soo cusboonaaday bartamaha dalka.

Xaaladda Itoobiya oo kasii dareysa iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Markii dowladda Itoobiya iyo xoogaggii TPLF ee gobolka Tigray ay ku heshiiyeen bishii Nofembar ee sannadkii hore inay soo afjaraan khilaafkooda, diblamaasiyiinta ayaa heshiiskaas nabadda ku tilmaamay waa cusub oo u beryay waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Qaar badan oo ka mid ah dadka gobolka Axmaarada, oo ay dariska yihiin Tigray, isla markaana taageera siiyay ciidamada federaalka xilligii dagaalka Tigray, ayaa heshiiskan u arka mid dhabar ka toogasho ah, oo ku guuldaraystay inuu wax ka qabto welwelka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay dagaal kale.

Sagaal bilood kadib, saadaashaasi waxay u egtahay inay rumoobayso. Dagaal aad u ba’an ayaa toddobaadkii hore ka dhacay gudaha Axmaarada, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyada Fano ee deegaanka iyo ciidamada federaalka, waxayna taasi keentay in dowladu ay soo rogtay xaalad degdeg ah, isla markaana ay ciidamo kusoo daad gurayso jiidaha hore ee dagaalka.

Fano waa maleeshiyo aan rasmi ahayn oo aan lahayn haykal talis oo si guud loo yaqaan.

“Fano oo taageero ka helaysa beeralayda iyo shacabka Axmaarada waxa ay isku dayi doonaan inay ka adkaadaan ciidamada ammaanka federaalka iyo isbahaysigooda, ugu danbayna waxa ay xilka ka xayuubinayaan Abiy” sidaa waxa yiri Tewodrose Tirfe oo ah gudoomiyaha ururka Amxaarada ee Maraykanka oo u ololeeya danaha Fano.

Temesgen Tiruneh, oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya, masuulna ka ah dhaqangelinta xaaladda degdegga ah, ayaa sheegay in hadafka Fano uu yahay “inay xoog ku afgembiyaan dowlad deegaanka Amxaaradaa, kadibna ay usoo jeestaan nidaamka federaalka.”

Dagaalkii labada sano socday ee Tigray wuxuu geystay burbur, waxaana ku dhintay tobannaan kun oo qof. Waxaa ka qeybgalay ciidamo ka socday dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, waxayna ku khasabtay tobannaan kun inay u qaxaan bariga Suudaan.

Dagaalkaas, ciidamada federaalku waxay ku wajaheen dagaal-yahanno aad u adag oo daacad u ah xisbiga talada haya ee Tigray, kuwaas oo mar qura boqollaal kiilo mitir usoo jirsaday dhanka caasimadda Addis Ababa.

In kasta oo Fano aysan ahayn mid si fiican u qalabaysan ama aanu u habaysanayn, haddana waxa ay si weyn u halis gelin kartaa dawladda, haddii halgankeedu uu helo taageero ballaaran, sida ay sheegeen falanqeeyeshaashu.

Axmaarada ayaa ah gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, waxaana ku nool in ka badan saddex laab dadka Tigrayga, waxaana qaybo ka mid ah Amxaarada ay magaalada Addis Ababa u jirtaa 50 km oo keliya.

“Xukuumadda Abiy uma badna inay ka badbaado kacdoonka joogtada ah ee ka socda gobolka Axmaarada, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee sii kordhaya ee dalka,” ayuu yiri Addisu Lashitew, oo ka tirsan Machadka Brookings.

Senator Sareedo oo arrin culus ku eedeysay hoggaanka Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo laga soo doortay Puntland ayaa soo saartay qoraal garnaqsi ah oo ay ku muujineyso culeyso madaxtooyada Puntland ka heysta xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metela qabaa’ilka deegaanada maamulkaas.

Senator Sareedo waxay qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Mashaariicda arrimaha bulshada yaan la siyaasadayn.”

Waxay sheegtay in xildhibaanka laga soo doorto Puntland markii uu yimaado Muqdisho aysan u sahleyno in uu wax u soo dhiciyo dadkiisa, iyadoo sheegtay inay caqabada koowaad kala kulmaan madaxda Puntland.

“Xildhibaanka dawladda federalka soo aada markuu halkaan yimaado stateku waxay dhahaan adigaa is matala, marka sidee nalooga filanayaa inaan dad lamid noqono oo wax soo dhicinno oo u dagaalanno deegaankeenna iyo dadkiisa maba haysto garab iyo gaashaan tone?” ayey tiri Senator Sareedo.

Waxay sheegtay in maamul goboleedyada kale ee dalka ay xildhibaanada ku matala dowladda federaalka mashaariicdooda u dhiciyaan, balse Puntland madaxwayne kasta oo yimaada uu yiraahdo “aniga mooyaane cid kale oo PL matasha ma jirto.”

“Hadhow baa lagu oranayaa maxaad Puntland kusoo celisay oo maxaan soo celiyaa state aan matalo meesha maba joogee? Xamar waan iska joogaa uun, sida aan ognahayna Puntland meel qof aqoon leh uu shaqo ka waayo ma ahan,” ayey tiri Senator Sareedo.

Sidoo kale Sareedo waxay intaas ku sii dartay in dadka reer Puntland ay ka xayiran tahay mashaariic badan, iyadoo sababta ku sheegtay in hoggaanka Puntland aysan fasixin wax aysan dan ugu jirin.

“Maanta waxaa xaniban dhamaan madhaariicdii dadwaynaha PL anfacsan jireen, waxayna rabaan hogaanka PL in la soo daayo midii ayaga jeebkooda wax u taraysa, bal midda bulshada wax u taraysay fasaxa oo macalimiinta qaata, oo mashruucii biyaha sii daaya, oo kii caafimaadka sii daaya, markaas kaalaya kistiina qaata,” ayey qoraalkeeda ku tiri Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo ka mid ah Senatorada laga soo doortay Puntland.

Xog: Al-Shabab oo xayiraad kusoo rogay Hormuud – Maxaa la isku hayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Onilne u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Khilaafkaan ayaa ka soo bilowday amar ka fuli waayey dhanka maamulka shirkadda Hormuud oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo saartay nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay hindiseen in la joojiyo lacagta mushaarka ah ee taleefanadooda loogu diro ciidamada qaranka Soomaaliya, balse maamulka shirkadda Hormuud ayaa diiday inay fuliyaan amarkaas.

Intaas kadib Al-Shabaab waxay xayiraad ku soo rogeen ilaa 35 xarumood oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale xogta aan ka heleyno gobollada qaar waxay sheegeysaa in Al-Shabaab ay ku mareen dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkada Hormuud inay u guuraan shirkadaha kale ee isgaarsiinta.

Kooxda Al-Shabaab waxay gebi ahaanba horay u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howlgalayay deegaanada ay joogaan.

Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud , balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas.

Gaadiidka Hormuud hadda isagama gudbo goobaha ay kooxdaasi dalka ka joogto, waxaana socda qorshe ay Al-Shabaab dadka ugu weecinayaan isticmaalka shirkadaha kale ee bixiya adeega isgaarsiinta.

Faah-faahinta qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War deg deg ah oo soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu ka dhacay waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi.

Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxaas waxaa lala beegsaday gaari Prado ah oo wadada marayay.

Ilaa hadda lama ogaan cidda wadatay gaarigaas ee la bartilmaameedsaday, balse dadka nala hadlay waxay xaqiijiyeen in qaraxu uu haleelay gaariga.

Wadada uu qaraxaani ka dhacay ee 21-ka Oktoobar waxay ka mid tahay goobaha ugu badan ee Al-Shabaab ay dhigaan qaraxyada loo adeegsado miinada soo boodada ah.

Kooxda Al-Shabaab oo awoodi waysay inay Muqdisho soo geliso qaraxyadii ay ku soo rari jireen gaadiidka ayaa weli adeegsata qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay yareeyaan beegsigii joogtada ahaa ee Al-Shabaab ay u geysa jireen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda.

Hase yeeshee weli waxaa dhaca falal liddi ku ah amniga caasimadda, inkastoo ay sidii hore ka yartay amni darradu, dowladda ayaa ciidan gaar ah u xil saartay sugidda amniga Muqdisho.

Ciidankaas oo lagu magacaabo boolis-militaar ayaa ku guuleystay inta badan xaqiijinta amniga Muqdisho, balse wel;I waxaa dhacaya falal amniga liddi ku ah.

Macallimuu oo dood ka keenay magacyada guutooyinka cusub ee ciidanka Xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka falceliyay magacyada qaar ee loo bixiyay guutooyinka cusub ee ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo loogu magac daray qaar kamid ah saaxabadii Nabi Muxamed NNKH, sida Cumar Binu Khadaab, Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid

Macallimuu ayaa arrintan su’aal ka keenay, isaga oo yiri “Sow ma noqon karo Islaam Soomaali ah?”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday waxa xilligan kusoo beegay in magacyadadan la adeegsado, isaga oo tiilmaamay inay yihiin kuwii ay jecleysteen xubnaha  Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in arrintan ay tahay su’aal taagan oo muujineyso in la’is dhiibay, sida uu hadalka u dhigay.

“Sow ma noqon karo Islaam Soomaali ah? Maxaa keenaya in guutooyinkii CXDS xilligan aan ugu magac darno magacyadii ay jecleysteen amiirada Shabaab. Guutada 28aad ee Abu-Cubeyda waan maqlaayay . Ma is dhiibinay?” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Dhawaan ayaa waxa la shaaciyay magacyo cusub oo loo bixiyay guutooyin ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo horey aan loogu bixin jirin, waxayna arrintan timid xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Guutooyinka qaarkood waxaa hadda la geeyay furimaha hore  dagaalka, si ay ula diriiraan Al-Shabaab oo laga xoreynayo Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Magacyadan kuwo kamid ah, waxa horey xeryahooda tababarka iyo unugyadooda dagaalama ula baxay ururrada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa dhankeeda qabta in magacyada wanaagsan si kasta oo ay Al-Shabaab ula baxeen inay sax tahay in loo bixiyo ciidamada Xoogga dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood ayaa sheegay in magacyadan cusub horey aan ciidanka loogu bixin jirin, balse uu aad u soo dhaweynayo in hadda lagu baraarugo magacyadan oo uu yiri wadamo badan oo islaam ah ciidankooda iyo kuliyaddaha ciidamada, way u bixiyaan, isagoo tusaale u soo qaatay Sucuudiga iyo Iiraan.

“Aad baan ugu faraxsanahay, in hadda guutooyinka qaar loo bixiyo Cumar Binu Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib, dad islaam ah weeye, innagu markii hore waxan ula bixi jirnay dadkeenii halyeeyada ahaa iskuulada, jaamacadaha iyo kuliyaddaha ciidamada” ayuu yiri.

Haween lagu qabtay gaari siday qaraxyo oo la geeyay maxkamadda ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay afar haween ah oo ah xaasaska Al-Shabaab, isla-markaana loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay wadeen gaari siday walxaha laga far sameeyo qaraxyada.

Afarta haween ayaa waxaa lagu kala magacaabaa 1-Caasho Muxudiin Maxamuud, 2-Khadra Maxamed Ciise, 3-Naciimo Faarax Sheekh Doon, 4-Sahra Xuseen Ciise.

Haweenkan ayaa la qabtay 21-kii April ee sanadkan 2023-ka, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow oo ay ugu tageen raggooda oo ka tirsan Al-Shabaab, waxay xilligaas kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen haweenkan ayaa laga helay agabka laga sameeyo qaraxyada, sida moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin.

Sidoo kale waxaa haweenka lala qabtay darawalkii gaariga ku waday iyo ninkii iska lahaa baabuurkaas oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasho Muxudiin oo ka hor hadashay maxkamadda ayaa qiratay inay Kunyo-barrow ugu tegtay ninkeeda oo Al-Shabaab ah, isla-markaana la qabtay soo laabashadeeda.

“Inaan Kunyo-barrow tegay ninka i qabo oo joogo ayaan ugu tegay kana soo laabtay, aniga Al-Shabaab ma’ihi isaga ayaa ah, kuna guursan Al-Shabaab ahaan, isaga oo i qaba ayuu noqday” ayay tiri Caasho Muxudiin Maxamed oo kasoo muuqatay maxkamadda ciidanka.

Sahra Xuseen Ciise oo ku jirta afarta haween ee kasoo muuqday maxkamadda ayaa iyadu tiri “Marna wuu imaadaa marna uu baxaa ninkeyga, mana aqaano meel uu ka shaqeeyo”

Baaraha kiiskan ee maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa isna goobta ku soo bandhigay agabka kala duwan ee lagu qabtay gaariga siday walxaha qarxa.

“Gaariga Layla Calaawiga ah qalabka saarnaa wuxuu ahaa 69 moobeel oo niiclayaal ah, siddeed xirmo isteeg oo koola maastaro ah, 7 kashawiito, 5 bokis oo kaloofis ah oo marka waxyaabahaas la sameyn lahaa gacmaha la gashan lahaa ah, mid kamid diinamooyinka dabka dhaliya, biro iyo fiilooyin yar yar” ayuu yiri baaraha kiiska.

Dhanka kale darawalka gaariga oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Nuune ayaa ku dooday in qalabkan uu usoo dhiibay nin dulaal ah, isla-markaana uusan ogeyn inuu qarax ahaa.

“Waxaa alaabta kasoo qaaday Kunyo-barrow dulaal ayaana isoo saaray, 5 dollar lacag ah ayaana ku waday” ayuu ku dooday darawalka gaariga.

Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa ka dabatay maxkamadda ciidamada in afarta haween loo ciqaabo marin habaabinta ay sameeyeen iyo qarinta qaraxa loo soo dhiibay, halka darawalkana ay dalbatay in laga qaado tallaabo ku aadan u adeegidda kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, wuxuuna shaaca ka qaaday in maxkamadu ay dib kasoo sheegi doonto go’aanka ka dhanka ah eedeysanayaasha.

Madaxweyne Laftagareen oo diyaarad ku tegay Buurhakaba kadibna runta sheegay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar u baxay ayaa diyaarad u qaatay degmo weyn oo magaalada Baydhaba u jirta wax yar qiyaastii illaa 65 kiilo mitir.

Lafta Gareen ayaa ka dagay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalayanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Koonfur Galbeed.

Ujeedka uu u tegay halkaas ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleema saarka guddoomiyaha cusub ee golaha deegaanka ee degmadaas oo doorasho kusoo baxay.

Madaxweynaha ayaa runta sheegay marka uu tegay magaalaa Buurhakaba, wuxuuna shaaciyay in magaaladaan oo muhiim ah ay muddo dheer uga maqnaayeen daruufo amni dartood, gaar ahaan go’doominta ay kooxda Al-Shabaab geliysay degmada Buurhakaba.

Waxa uu tilmaamay inay ka xishoonayeen muddadaas inay diyaarad usoo raacaan degmadan oo uu tilmaamay in 64 KM oo kaliya ay u jirto magaalada Baydhaba.

“Waxyaalaha ugu badan ee maqnaashahayaga Buurhakaba keenaayay inaan imaan weyno daruuf jirtay oo waad ogtihiin Buur iyo Baydhaba waxay isu jiraan 64 KM, waxaana ka xishooneynay inaan diyaarad usoo raacno” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Cabdicasiis Lagfta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ku rajo weyn yihiin in dhowaan la qaado howlhgal culus oo la’isugu furayo deegaanada Koonfur Galbeed.

“Annaga oo baabuur saaran oo jidkaan dheer soo mareyno inaan Buur tegno, joogno, kasii tegno, hadana ku soo noqono waayay waxaan ilaah ka rajeyneyno” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu faray maamulka cusub in qorshiisa koobaad uu ka dhigo furista waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee gobolka Baay.

“Maamulkaan loo doortay degmada Buurhakaba waajibaadka ugu horreeyo oo saaran isaga iyo shacabkiisa oo gacmaha is haysta in Baydhabo iyo Buurhakaha dhexdooda mar dambe uusan sii go’naanin oo la’isu socdo” ayuu kula dardaarmay maamulka cusub ee degmada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab la filayo in xoogiisa uu ka dhaco gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed.

Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka oo go’aan ka gaaray arrinta Khadiija Aadan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa war kasoo saaray xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Daahir, kadib fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka China, kaas oo ay ka qayb-gashay Nasra Abuukar oo gashay kaalinta u dambeysa.

Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan IAAF ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay Khadiija Aadan Daahir.

Bogga IAAF oo lagu keydiyo dhamaan magacyada guddoomiyeyaasha dalalka kala duwan ee ku jira xiriirka ayaa waxaa hadda laa saaray magaca Khaddijo, ayada oo lagu beddalay guddoomiye ku xigeenka xirriika, Faarax Cali Macallin, kaas oo xilkan sii heyn doono.

Arrintan ayaa ka dhigan in xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka uu go’aan ka gaaray xilka qaadista guddoomiye Khadiija Aadan oo iyadu horay ugahortimid tallaabada laga qaaday, taas oo ku timid, kadib soo jeedib ka timid wasiirka dhlinyarada iyo ciyaaradaha.

Wasiir Maxamed Barre ayaa warqada uu shaqada uga joojiyay Khadiija Aadan Daahir ku sheegay inuu iyada iyo madaxda kale ee  xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isaga oo ku eedeeyey sumcad dil qaran.

Dhankeeda Khadiija Aadan Daahir oo markaas soo jawaabtay ayaa ku dooday in aysan u joojin doonin dhaleecaynta loo soo jeediyay, iyada oo aaminsan in aanay samayn wax qalad ku ah shaqadeeda, balse waxaa hadda soo baxay go’aanka rasmiga ah ee xiriirka IAAF.

Si kastaba, arrintan ayaa daba socota fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo dhawaan ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Nasra oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay.

Ciidanka DF oo burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab

0

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus iyo duqeyn maanta ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya Saaxibada Caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Mukayle oo hoostaga magaalada Buulo-Burde.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu bartimaameedsaday Garaash ku yaal deegaanka oo kooxdu ay ku diyaarineysay qaraxyo.

Warka dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in halkaas lagu burburyay illaa afar baabuur oo qaraxyo lagu xiray.

Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaaday in meesha lagu laayay xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin inta ay la’egtahay tiradooda.

“Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobtaas waxaa ku halaagsamay maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta qaraxyada” ayaa lagu yiri warka kooban ee ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in dowladdu ay dib ka bixin doonto faah-faahinta natiijada rasmiga ah, maadaama uu weli socda howlgalka ka dhacay agga Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli ah mdi kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada xoreynta, waana halka uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka oo dhan.

Gurmadkii Al-Shabaab oo u muuqdo mid la kala jaray

DHuusamareeb (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaqa ballaaran ee ka socda Gobollada Dhexe ayaa la sheegaya in uu culeys weyn ku keenay maleeshiyada Al-Shabaab ee ka hawlgala goboladaasi, isla-markaana uu u muuqdo mid meesha ka saaray gurmadkii ay ka heli jireen dhanka Gobollada Koonfureed.

Wararka laga helayo dhulka Shabaabka ka maamulaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya inaanu dhaq-dhaqaaq aan badnayn ka jiro goobaha ay Shabaabku kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanu jirin wax gurmad ah oo illaa iyo hadda Al-Shabaab uga yimid dhinaca Gobolada Koonfureed, taas oo loo aaneynayo ciidamada oo isku ballaarinaya xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo iyagoo ka baqdin qaba weerarada dhanka cirka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horaan cududdooda isugu geeyay deegaanada hoostagga Magaalada Ceelbuur, si ay halkaasi uga difaacdaan gacan ku haynteeda. Shabaabka ayaa la sheegay inay dhufeysyo waaweyn ka sameysteen deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo lagu tilmaamay difaacooda hore ee ay ka difaacayaan magaaladaasi.

Ciidan xoog leh oo lagu diyaariyay deegaanada Galmudug ayuu yoolku yahay in ay ku dhaqaaqaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, si halkaasi uga saaraan mintidiinta.

Goobaha ay ciidamadu ku adkaato in ay ka gudbayaan ayaa la filayaa in ay dhanka cirka ka taageeraan diyaaradaha saaxiibada caalamiga, oo door muuqdo ku yeelan doono wejiga labaad ee hawlgalkan.

Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono hawlgal wadajir ah, oo Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay baaqiga kaga yihiin Galmudug.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne kux-igeenka Galmudug ayaa sheegay in illaa toban kun (10,000) oo askari loo diyaariyay hawlgalka lagu xoreynayo dhulka Galmudug.

Villa Somalia ayaa culeyska saareysa in wareegga hore ee hawlgalka ay ciidamadu qabtaan deegaanada Galmudug, marka xigtana ay u qalab qaataan daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe).

Barnaamijka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah inaanu waqti badan kaga bixin gulufka lagu dhameystirayo haraadiga Shabaab ee Gobollada Dhexe.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa lagu kala dhantaalay awooddii Shabaabka Gobolada Dhexe, xilligaasi oo ay lumiyeen inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Hirshabelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ayay tahay in uu dardargeliyo hawlgalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu hawlgalku socdo kormeeri doona jiidda hore iyo goobaha laga la wareego Shabaabka.

Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa noqon doona culeyskii ugu weynaa ee ay wajahaan Shabaabku, ka dib muddo lix iyo toban sano ah oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Shabaabka ayaa sheegta in ay yihiin Urur Islaami oo jihaadi ah, balse Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa naqdiya sheegashadoodaasi, marka aad eegto sida xaqdarada ah ee ay u banneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Daawo: Sacdiya Yaasiin oo su’aal ka keentay dagaalka dowladda ee ku aaddan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar oo shalay hadal ka jeedisay baarlamaanka ayaa ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya.

Sacdiya ayaa su’aal ka keentay qaabka ay dowladda u wajaheyso dagaalka Musuqa oo hadda loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa weydiisay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, sida ay isku qaban karto arrinta la xiriira dagaalka Musuqa, ayada oo uu dhisneyn guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuq-Maasuqa oo muhiim u ah dagaalka hada socda.

“Wasiir su’aal ayaan qabaa guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa oo aan dhisneyn iyo ololaha ay ka shaqeneyso dowladda ee Musuqa, sidee isku qabaneysaa?”

Intaas kadib wasiir Xasan Macallin oo hadalka qaaatay ayaa shaaca ka qaaday in Musuqa uu yahay dambi, isla-markaana dambiga ay aragti kala dhexeyso dowladda Soomaaliya.

“Musuq-maasuqa dambi waayay dambi iyo dowladdana inay aragto ayaa ka dhexeysa, haddii ay dowladdu dambi aragto ay wax ka qaban weyso dowladdaasi howsheeda way gabtay Masuqa waa dambi oo weliba dila dowladnimada” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Sidoo kale wuxuu ka jawaabay su’aasha xildhibaan Sacdiya, isaga oo tilmaamay in wasaaradda ay haatan ku howlan tahay dhismaha guddiga la dagaallanka Musuqa.

“Su’aal muhiim ah ayaa keentay guddiga Musuq-maasuqa la dirirayay aaway? wuxuu kamid yahay guddiyada ay hadda wasaaradda ku howlan tahay inay dhisto” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socda dagaalkii ugu ballaarnaa ee Musuqa, kaas oo xabsiga loo dhigay rag badan oo haatan ay ku socoto maxkamadeyn, kuwaas oo loo haysto inay lunsadeen lacago malaayiin dollar ah oo ah xoolo dadweyne.

Xamza oo laba qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha safiirka, ahna safiir ku xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon.

Labada mas’uul ayaa waxa ay isla soo qaadeen laba qodob oo kala ah xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada waddan iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan leh oo uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

“Way ka go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib kulanka uu la yeeshay sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Dhinaca kale Danjire Shane Dixon oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa isaguna ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo qorshayaasha kale ee la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda iyo shacabkeeda.

Mareynkanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna fuliyaa duqeymo, isaga oo sidoo kale tababar iyo qalab siiyay ciidanka Danab.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay dowladda Soomaaliya dardar-gelineyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo loo diyaariyay in ka badan 10 kun oo askari.

Daawo: DF oo 7 bilood ku diyaarisay 15 kun oo askari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray gulufka ka dhanka ah Shabaab.

Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar garow xoogan ku jirtay 7-dii bilood ee lasoo dhaafay, si loo wajaho wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

“Todobadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lagu jiray diyaar garow in badan dadka waxa ay si weydiinaayeen dowladda halkee ku maqan tahay?, dagaalladii dib u xoreynta miyay istaageen? dagaallada dib u xoreynta ma istaagin waxaa lagu jiray diyaar garow” ayuu yiri.

Wasiirka amniga gudaha ayaa sheegay in haatan la diyaariyay, isla-markaana la qalabeeyay illaa 15 kun oo askari oo ka qayb-galay dagaalka culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaa la diyaariyay oo la tababaray oo la qalabeeyay, qaybo kamid ahna ay tababar ku jiraan illaa ciidan gaarayo 15 kun, ciidankaas oo sida aad la socotaan tan iyo bishii Ramadaan illaa maanta isbeddalka weyn ee laga dareemay amnigan caasimada uu qayb ka yahay” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ciidamadan ay hadda aadeen furimaha dagaalka, si ay usoo afjaraan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka badankiisa hadda waxa ay aadeen furimaha dagaalka, marka in ciidanka la diyaariyo la qalabeeyo, raashinkiisii la diyaariyo abaabul la galo waa howl adag” ayuu yiri.

Haalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan u socdo abaabulkii ugu dambeeyay gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdda koo furta iyo bartamaha dalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada ayaa haatan gudaha magaalada Dhuusamareeb oo uuu jooga arrimo la xiriira hagidda wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Daawo: Guutada Gumac oo lasoo bandhigay iyo xogta halka ay ka hawlgali doonaan

Muqdiso (Caasimada Online) – Ciidanka Guutada Gumac ee Xoogga Dalka ayaa lagu soo bandhigay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Gordon ee Magaalada Muqdisho, xilli uu shalay booqanayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Guutada Gumac waa garab ka mid ah Ciidankii Xoogga Dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritrea, horaana dalka dib loogu soo celiyay. Ciidamadan ayaana muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Xerada General Gordon ee Degmada Hodan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan loogu talagalay in ay ka hawlgalaan daanta galbeed ee Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la hawlgeli doona Ciidanka Qaybta 27-aad ee Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ee lagu diyaariyay deegaanada dhaca webiga jiinkiisa, laga soo bilaabo min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka gudbaan biyaha webiga, iyagoo barbar socon doona ciidamada kale ee lagu abaabulayo Gobolka Shabellaha Dhexe ee ujeedkoodu yahay inay Shabaabka ka saaraan dhinaca galbeed ee gobolkaasi. Shabaab ayaa Hirshabelle ka haysta deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlayay Xerada General Gordon ayaa sheegay in Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ay qabaan tababar uu heerkiisu sarreyo.

“Waad ka warqabtiin dalka waxaa ka socdo dagaalkii Khawaarijta, ciidanka keliya ee aan dhihi karno tababar lagu la dagaalamo nimankaas Khawaarijta ah, waxaa qaba waa Ciidankan Ilaalo Qaran, awoodda iyo waqtiga uu ku qaatay tababarada haddii la fiirsho, wuxuu wax badan ka duwan yahay ciidamada hadda hawlgalada galay ama ku jira,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Waxaan marka rabnaa inaan ka faa’iideysano Ciidanka Ilaalo Qaran, maanta xilliga lagu jiro waa xilli runtii ay joogto guusha yaa helay. Nimankii waa jaban yihiin, wayna jabeen, hawada iyo dhulkee ka jabeen, dhulkii ay weerarada ka gaysan jireen bishii ugu dambeysay lama weerarin, mana soo aadin.”

Waxa kaloo uu yiri “Maanta waxaan rabnaa Ciidanka Ilaalo Qaran kaalintooda inaan uga faa’iideysano, waxaan rabnaa inay noqdaan raggii qaadan lahaa sharafta iyo haybadda ee Ciidamada Qalabka Sida. Maanta oo bahashu geba-gabo tahay inay noqdaan ciidanka kuwa magaca yeesha.”

Jananka ayaa Guutada Gumac ku booriyay in ay u diyaargaroobaan, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgalka ballaaran ee dalka ka socda.

“Waxaan rabnaa marka in ciidanku uu diyaargaroobo, waxaana rabnaa inuu u diyaargaroobo faltan, hadda awooddiina intii way ka badan tahay, taakuleynta cirkuna intii way ka badan tahay, maantana waxay joogtaa guusha yaa helay oo qaatay, ciidanka ku guuleystay waa kee in la yiraahdo ayay joogtaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ku dhawaad dhowr iyo toban kun oo askari ayaa la qiyaasaya in hadda ay u diyaarsan yihiin wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka Gobolada Dhexe.

Shan carruur ah oo si arxan darro ah loogu dilay DDS

0

Jijiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil wadareed xalay carruur loogu geystay deegaanka Qorof oo hoostaga degmada Gallaadi oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Falkan argagaxa leh oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 5 carruur ah, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu salka ku hayo aano qabiil, ayada oo carruurta hal goob lagu wada dilay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Xilliga la dilayay carruurta ayaa waxa ay ka yimaadeen aroos, waxaana la sheegay inay seexdeen meel u dhow dugsigooda Qur’aanka, kadib halkaas loogu yimid, laguna dilay.

“Waa fakadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka, lamana yaqaano waxa ay ku laayeen carruurta” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dhmmaan shanta carrruur ee goobta lagu dilay ayaan qaan-gaarin, waxaana la sheegay in midka ugu weyn uu jiray 13 sanno, halka kan ugu yarna uu ahaa 6 sanno jir.

Carruurta ayaa sidoo kale laba kamid ah waxay ahaayeen agoon, kuwaas oo horay aabahood, sidaan oo kale loogu dilay aano Qabiil darteed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca is-maamulka Soomaalida Soomaalida oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama si lama filaan xalay loo laayay illaa 5 carruur ah oo aan waxba galabsan.

Idiris Alteeso oo xalay lagu xiray magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay magaalada Hargeysa lagu xiray Idiris Alteeso oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga.

Alteeso oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa caasimada Hargeysa ayaa waxaa xabsiga dhigay Booliska Somaliland, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xilliga la xirayay Idiris Alteeso ayaa lasoo wariyay inuu ku sugnaa mid kamid hoteellada ku yaalla xaafadda Jigjiga Yar, halkaas oo lagu soo waday, kadibna xasbiga la dhigay.

Ninkan ayaa kamid ah dhalinyarada, sida gaarka ah wax ugu qoro baraha bulshada, gaar ahaanna facebook-ga, wuxuuna ka hadlaa arrimo kala duwan.

Sababta loo xiray ayaa lagu soo warramayaa inay la xiriirto qoraallo uu horay uga qoray Somaliland oo la xiriira dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale oo quseeya Hargeysa,

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda iyo saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan xarigga Idiris oo hadal heyn badan dhaliyay.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka caanka ka ah baraha bulshada iyo fannaaniinta marka ay tegaan deegaanada maamulkaas, gaar ahaan Hargeysa.

Haddaba sidee looga falceliyay xarigga Idiris Alteeso?

Qaar kamid ah dadka isticmaalaha baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta Idris waxaana kamid ah Ifraax Maxamed oo tiri “Somaliland ayaga dadka caanka ah oo la xiraaa may caanimo ka raadisaa horta waaba fahmi la ahee?. Somaliland qofkii taga qasab miyaa in la xiro yaab wlh?.

Maxamed Faarax ayaa isaguna qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Muuse Biixi wax walba ma ilaawo”.

Cabdiqaadir Samadoon ayaa isna si kaftan leh uga hadlay wuxuuna yiri “Laandheere liinta dhanaan miyaa mise macaan?”.

Sawirro: Guuleed oo Xamar kula kulmay la-taliyaha sare ee ka socda Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la kulmay Xamse Warfa oo ah La-taliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka.

Cabdikariin Guuleed iyo Xamse Warfa oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Somaliland iyo sidii taageero caalami ah loogu heli lagaa dib u bilaabidda wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay La-taliyaha sare Xamse Warfa iyo dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, sida ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku sii dhiiri-geliyey Soomaalida xilalka ka qabatay dowladaha caalamka inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan dalkooda, si Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag uga helaan dunida.

Cabdikariin Guuleed ayaa tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha  Somaliland wuxuu waday xog uruurin iyo talooyin ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada.

Gudaha dalka magaalooyinkii uu tegay Guuleed waxaa ka mid ahayd magaalada Baydhaba ee Koonfur Galbeed, isagoo talooyinkooda ka soo dhageystay dhaqanka iyo qeybaha bulshada magaaladaas.

Ergayga ayaa weli wada la tashiyada ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallo mar kale ay masiirkooda ka yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Intii uu talada dalka hayey madaxweyne Farmaajo ayey fashilmeen wadahadalladii ugu dambeeyey ee dhex maray dowladda federaalka iyo Somaliland.

Hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u qorsheysan in Somaliland ay la furto wadahadallo ka mug weyn kuwii hore, si natiijo looga keeno gooni isutaagga ay ku dhawaaqday Somaliland.

Sawirro: Kulankii golaha sare ee Jaamacadda Muqdisho oo lasoo geba-gebeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee u socday Golaha Sare (Board-ka) ee Jaamicadda Mogadishu University, oo uu guddoomiye ka Yahay Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.  

Shirkaan, oo ahaa shir looga hadlayey xaaladda waxbarasho ee Mogadishu University iyo sidii loo sii ballaarin lahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Sare ee Jaamacada. 

Waxaa si gaar ah kulanka diiradda loog saaray xaaladda Mogadishu University iyo waxqabadka sanadlaha ah oo la iska waraysanayay, waxaana halkaas khudbado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

“Waxaan soo gunaanadnay shirka board-ka Mogadishu University جامعة مقديشو oo lagu qiimeeyay hawlihii sanadkii hore ee 2022, laguna ansixiyay miisaaniyadda iyo hawlaha sanadka 2023-24,” ayuu yiri Baadiyow. 

“Board-ka wuxuu bogaadiyay maamulka Jaamacadda oo horumar wayn ka sameeyay adeegsiga teknoolojiyada, gaar ahaan furidda online program-ka,” ayuu yiri gudgoomiyaha Mogadishu University Prof. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo halkaas ka hadlay.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan, waxaana la isku raacay, in la saxo wixii dhacay horayna loola socda jaamacadaha caalamka iyo kuwa dalalka dariska ah ee waxbarashada meelo fiican ka gaaray. 

Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi Office, Kenya

Xog: Shabaab oo hubeeyey shacabka Ceelbuur, xabsi dhigay odayaal ka dalbaday…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Galmudug, gaar ahaan Ceelbuur iyo Ceelgaras ayaa cadaadis ku bilowday dadka shacabka ah, maadaama uu ku soo wajahan yahay duulaan culus.

Kooxda ayaa dadka shacabka ku amartay in qof kasta uu qori qaato oo dagaalamo, iyagoo dadka u sheegay inay duulaan ku soo yihiin ciidamo ‘gaalo ah’ iyo kuwo Soomaali ah oo la socda, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku nool magaalooyinkaas.

Al-Shabaab waxay dadka ku tashkiilinayaan inay difaacdaan diinta iyo deegaanadooda, iyagoo ‘Gaalo’ ugu sheegay ciidmada qaranka ee doonaya inay kooxda ka xoreeyaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Dadka aan ka hadalnay waxay noo sheegeen in odayaasha dhaqanka qaar ay kooxda si cad ugu sheegeen in shacabku aysan dagaalami karin, isla markaana ay ku talinayaan in si kale wax loo maareeyo.

Sidoo kale, odayaal ku sugan Ceelbuur ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ka dalbadeen inay isaga baxaan deegaanka, si shacabku uga badbaadaan in lagu dul-dagaalamo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Al-Shabaab waa ay xirxireen dhamaan odayaashii u soo jeediyey dalabka ah inay isaga baxaan Ceelbuur, maadaama ay ku soo wajahan tahay awood aysan u babac-dhigi karin.

Sidoo kale dad ku sugan deegaanka Ceelgaras oo degmada Ceelbuur hoos taga ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay hubeeyeen qof kasta oo dagaalami kara, iyagoo dadka ku amraya inay difaacdaan diinta iyo deegaankooda.

Sidoo kale, kooxdu waxay diiday in laga qaxo oo shacabku ay banaanka uga baxaan deegaanada hoos taga degmada Ceelbuur, waxayna dadku cabsi badan ka qabaan gulufka dagaal ee kaga soo wajahan dhinac kasta.

Diyaar garowga howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ayaa heer gabagabo ah maraya, waxaana la xaqiijiyey in howlgalkaan ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka oo duqeymo ka fuli doona goobaha laga saari waayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.