25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Daawo: Maxaa diiday safarkii Barkhad Batuun uu maanta ku iman lahaa Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka baaqday safar uu qorsheeyay inuu maanta kusoo gaaro Muqdisho, si uu uga qyab-galo aaska Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaanka oo hadal siiyay warbaahinta Hargeysa ayaa xalay shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka qayb-galo Janaasanada Marxuumadda, isaga oo sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha siyaasadda, maadaama ay is hayaan Soomaaliya iyo Somaliland.

“Runtii geerida qaraabada iyo qoyska ku tacaluqeysa kolley wax siyaasad ah geli meyso, waana ku han-weynahay ducadeeda iyo god-galkeeda inaan goobjoog ka noqdo” ayuu yiri.

Khadar Batuun ayaa safarkiisii ka baaqday, kamana soo qayb-gelin Janaasanada Marxuumadda oo maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Hargeysa waxaa kaliya ka yimid hal qof, waana Boqorka guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan oo kasoo qayb-galay aaska loo sameeyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Aniga oo qura ayaa maanta ka imid Hargeysa, laakiin wafdiga kale way noo suurageli weysay” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan oo wareysi siiyay Telefishinka Universal.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta baajisay safarkii Barkhad Batuun Jaamac, wuxuuna sheegay in daruuf jirto uu u imaan waayay Xamar, balse ma shaacin wax ay tahay.

“Khadar daruufo kale ayuu u baaqday, laakiin wuu jeclaa inuu yimaado oo Janaasadeeda ka qayb-galo, laakiin Ilaahey ayaan u qorin” ayuu ku jawaabay Boqorka.

Allaha u naxariistee Khadiija Diiriye ayaa si weyn u garab istaagtay Barkhad Batuun, kadib guushiii uu kasoo hooyay doorashadii Somaliland, iyada oo munasaabad dagaal-deg ah ugu qabatay Muqdisho, kadibna u aruurisay lacag ay ugu talagashay inuu gaari ku iibsado.

SSC oo go’aan culus ka qaadatay doorashada Puntland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamd ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka maamulka Puntland.

Garaadka ayaa ugu horreyn meesha ka saaray walaaca ay dadka SSC ka qabaan doorashada Puntland, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan.

Waxa uu tilmaamay in qadddiyadda SSC-Khaatuma aysan marnaba gorgortan ka gali doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in meel kale looga taliyo dadkeeda.

Sidoo lale waxa uu intaasi ku daray in halganka loo galay SSC ee ka billowday magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad gaaray illaa 700 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkani maamul buu leeyahay go’aan buu gaaray. Maamulkaasi meel cad buu yaallaa. Meel lagasoo cesho ma ay jirto. 700 qof oo rag iyo dumar leh ayaa u shahiiday in aan dadkaan cid dambe u talinin,’ sidaasi waxaa yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.”

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay inay jiraan dad doonay in xildhibaano kasoo jeeda SSC ay ku metalaan maamul goboleedka Puntland, maadaama doorasho la galayo.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa warar muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay oo sheegayay in Garaadada SSC ay doonayaan inay saxiixaan 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante ku lahayd Puntland.

Sidoo kale go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Puntland ay ka socota xulista xildhibaanada cusub oo diiwaangelintooda uu bilaabay guddiga xallinta khilaafaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo uu uga sii daray khilaafka ka dhashay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi.

Xildhibaano is-abaabulay oo qaaday tallaabo ka dhan ah xukuumada Xamza (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano dhowr ah oo ku midoobay magaca ‘Kudladda Toosin Qaran’ oo soo saaray bayaan ay eedeyn culus ugu jeedinayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar oo ka mid ah kudladaan xildhibaanada ah ee abaabulan ayaa akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay “Kudlada Toosin Qaran” oo aad loogu eedeeyey xukuumadda ‘Danqaran.’

“Xukuumadda way ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, heshiisyo Qaranka halis ku ah oo qarsoodi ayey xukuumadaan la gashay dalal kale, Ra’iisul wasaare Xamza waan in uu hor imaadaa Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayaan.

Kudladaan waxay sheegtay in xukuumaddu ay dayacday dadkii ay saameeyeen fatahaada ka dhashay roobkii deyrta, isla markaana aysan jirin cid gargaar gaarsiisay qoysas badan oo ku tabaaleysan gobollada dalka.

“Waxay xukuumaddu ku mashquushay dastuur bedel aan heshiis lagu aheyn oo halis ku ah qaranka, boob ayaa ku socda xoolaha dadweynaha, wax is maqal ahna kama dhex jiro hey’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka kudladda.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay inay u yeereen guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka, kaas oo baarlamaanka ka hor sheegay in caalamku uu Soomaaliya soo gaarsiiyey raashin ku filan dadka u baahan, balse aysan heynin kharash ay dadkaas ku gaarsiiyaan raashinka iyo gargaarka ku jira bakhaarada Muqdisho.

“Waxaan is weydiinay maxaa kharash loogu khasaarinayaa xafladaha bilaa micnaha ah, maadaama la weysan yahay kharash gargaarka caalamku na siiyo lagu gaarsiiyo qoysaska u baahan ee fatahaaduhu ku saameeyeen gobollada dalka?”

Xildhibaanada ayaa sheegay in qorshaha wax looga bedelayo dastuurka uu u muuqdo kali-talisnimo iyo awood marooqsi, “waa halis weyn, wixii shalay la diidayna maanta cidna laga yeeli maayo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay soo jeediyeen dastuurka la dhameystiro, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed kala geynaya, “waxaa jirta in xukuumadu ay qaar ka mid ah dalalka caalamka la gashay heshiisyo qarsoodi ah oo la diiday in baarlamaanka la hor keeno,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Haweeney dishay seygeeda oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay haweeney loo haysto inay dil bareer u gaysatay seygeeda iyo askari isna dil ka gaystay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle, isla markaana ah20 jir ayaa kasoo muuqatay Maxkamadda oo dhageystiga kiiskeeda ka billowday Beledxaawo.

Hodan ayaa dishay seygeeda oo lagu magacaabay jiray Marxuum Aadan Cali Aadan Cali oo 30 jir ahaa, sida uu sheegay guddoonka Maxkamadda oo akhriyay eedeedda.

Marxuum Aadan Cali ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Booliska degmada Beledxaawo, wuxuuna dilka ay Hodan u gaystay uu dhacay 10/11/2023-ka.

Dilka ayaa yimid kadib muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo Hodan oo Maxkamadda ka hor sameysay qiraal ku aadan dhacdadaasi.

“Way jirtaa laakiin dood sharci ah ayaan ka qabaa” ayay tiri Hodan Diiriye Xuseen oo ka hor hadleysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale baaraha kiiskan oo goobta ka hadlay ayaa soo bandhigay caddeymo muujinayo inay dilka fulisay haweeneydan oo ugu dambeyn ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

“Baarista waxaa iiga soo baxay inay marxuumka gacanteeda ku dishay Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle” ayuu isna yiri baaraha kiiska.

Waxaa kale oo Maxkamadda Ciidamada kasoo muuqday Ibraahim Ismaaciil Dhimbil oo isna loo haysto dilka askari kale oo ay ka wada howlgalayeen degmada Beledxaawo.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa Maxkamadda ka codsaday inay u naxariisto, dibna ugu celiso xorriyaddooda.

Ugu dambeyn guddoonka Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan, sidaasna uu ku xiran yahay dhageysiga kiiska labada eedeysane.

Muxuu ka dhigan yahay dilka Macallin Aadan kadib sanado lagu raadinayey $10 milyan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”.

Warbaahinta Ciidanka milateriga ee Soomaaliya oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin waxay sheegeen in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay 10 malyan oo dollar ayadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta ee Kenya bishii Janaayo 2020.

Kumuu ahaa Macallin Ayman?

Khaliif Daa’uud oo loo yaqaanno Macallin Ayman wuxuu macallin madrasa ka ahaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Wuxuu si gaar ah al shabaab ugu qaabilsanaa weerarrada koofurta Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ahaa, sida ay ilo kala duwan sheegeen aasaasihii kooxda Jaysh Ayman oo u badan dagaallameyaal Al shabaab ka tirsan laakinse ka soo jeeda Kenya.

Kooxdaas waxaa kaloo ku jira ajaanib iyo Soomaali kale oo Al Shabaab ka tirsan. Waxaa la aaminsan yahay macallin Ayman in uu dhashay 1973.

Maxaa laga ogyahay Jaysh Ayman?

Warar ilo kala duwan aan ka soo xigannay waxay sheegayaan in qiyaastii 13 sano ka hor la aasaasay kooxdan. 2013 ayey Al Shabaab kooxdan u xilsaareen inay weerarro weerarro ka gaystaan dalal ay Kenya ka mid tahay.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in ay raggii kooxdaas ugu waaweynaa ee uu ku jiray Macallin Ayman qaarkood ay noolaayeen, marka laga reebo Mussa Asad oo ahaa dagaallame Kenya u dhashay.

“Waxaa loo arkaa inay ahaayeen jabhadda ugu adag ee Al Shabaab ka tirsan, xubnaheedana u baahan yihiin inay maraan hanaan adag marka la xulayo. Tababar adag oo lix bilood ilaa sannad ah ayey maraan, waxaana ku jira in la lugeeyo masaafo aad u dheer oo boqolaal kilo mitir ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo xigatay jariidadda The Star ee ka soo baxda Kenya.

Madaxda Kooxdan hogaaminaysay ayuu wargaysku sheegay inay kala ahaayeen Amir Ramzi, Habib Karongo, Axmed Iimaan Cali, iyo Macallin Ayman.

Muxuu dawladda Soomaaliya uga dhigan yahay dilka Macallin Ayman?

Dawladda Soomaaliya waxay bilihii la soo dhaafay wadday guluf xoog leh oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu hormuud ka ahaa.

Wuxuu u dhaxeeyey Ciidanka dawladda iyo miliishiyooyinka deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab, wuxuuna xoogiisa ka socday gobollada Dhexe, hase yeehee waxay duqaymo badan oo xagga cirka ah ka dhacayeen gobollada jubbooyinka, waana halka la qorshaynayey in laga bilaabo wejiga labaad marka la soo afajro dagaallada ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dilka Macallin Ayman ayey dawladda Soomaaliya u aragtaa guul weyn oo u soo hoyatay. Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga wuxuu BBC u sheegay inay dharbaaxo weyn ku tahay Al Shabaab dilka sarkaalkaas.

“Hogaan muhiimadaas lahaa geeridiisa wakhti badan ayey ku qaadayansaa Al Shabaab in ay kaga soo kabsadaan. Qaab dhismeedka kooxda ayaa hadda la burburiyey, ayadoo la daciifiyey awoodoodii iyo jahadii ay u socdeen.”

“Waxaa kaloo muhiim ah in sirdoonka Soomaaliya uu ka warqabo hogaanka Al Shabaab iyo meelaha ay kala joogaan. Horumar ayey u tahay dawladda maadaama uu ninkan xuduudda ka gudbiyey hawlgallada Al Shabaab,” Ayuu yiri Kaboole.

Wuxu kaloo intaa ku daray Al Shabaab ay niyad jabinayso geerida Macallin Ayman, ayna adkaanayso inay ka soo kabtaan “Weli waxaa jira arday uu wax baray, laakin istaraatijiyadoodii iyo jihadi ay u socdeen ayaa laga hortagay, wakhti ayeyna ku qaadanaysaa inay is abaabul kale sameeyaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Wuxuu intaa ku daray in mar kastoo weerarrada lagu hayo ay xoogaystaan ay adkaanayso inay helaan fursad ay ku aargoostaan.

Mar uu ka jawaabayey Kaboole farriinta ay dirayso in hogaamiye weyn oo Al Shabaab ka tirsan lagu dilay magaalo ay ku xoog badan yihiin ayuu yiri “in ciidanka Soomalida ay Al Shabaab madaxdooda beegsadeen ayaa ah farriin muhiim ah, dadkuna waxay arkayaan in hogaamiyeyaasha kooxda la baacsanayo,” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inay niyad jabinayso dadka hadda ka dib doonaya inay ku biiraan Al Shabaab.

Weerarka lagu dilay Macallin Ayman ayaa ku soo aadaya ayadoo dhawaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu Soomaaliya ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddada 30ka sano ah, iyo xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso billowga wajiga labaad ee dagaalka ay kula jirto Al Shabaab oo gobollada koofureed laga billaabi doono.

Isha: BBC

Goob uu shir uga socday saraakiil Al-Shabaab ah oo duqeyn culus lala eegtay

0

Sablaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed taas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday inta u dhexeysa tuulada Haawaay iyo degmada Sablaale ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen saraakiisha la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegay in xubnaha halkaas ku sugnaa uu ku jiray sarkaalka Al-Shabaab u qaabilsan howlgallada gobolka Shabeelaha Hoose iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in xilliga la beegsanayay saraakiishaas inay ku jireen shir, waxaana jira khasaare kasoo gaaray duqeyntaasi, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi cirka ah ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn kale oo ka dhacday gobollada Jubbooyinka, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka.

Duqeyntaas ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayada oo la burburiyay qorshe iyo abaabul ay ka wadeen halkaasi, sida ay shaacisay dowladdu.

“Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, waxaan howlgalkalooga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed dowladda.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deegaanka, laguna xoreeyay dhul ballaaran.

Dowladda MALAYSIA oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah maraakiibta ISRAEL

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Dowladda Malaysia ayaa soo saartay awaamiir ay dalkeeda kaga mamnuuceyso shirkadda maraakiibta Israel ee ZIM.

Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa lagu sheegay in xayiraadda degdegga ah ee lagu rogay shirkadda maraakiibta ee ZIM ay jawaab u tahay ficillada Israel ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Israel ay xasuuq ku hayso shacabka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay ku xadgudubtay mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada.

“Mamnuucidda ayaa jawaab u ah ku xadgudubka Israel ee mabaadi’da aasaasiga ah ee bani’aadantinimada iyo shuruucda caalamiga ah ee ku aaddan xasuuqa joogtada ah iyo naxariis darada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Golaha Wasiirada Malaysia ay sanadihii 2002-2005 ay u ogolaadeen shirkado ka diiwaan-gashan Israel inay ku soo xirtaan Malaysia, go’aamadaas oo hadda la laalay.

“Dowladda Malaysia ayaa go’aansatay in aysan aqbalin in maraakiib ka babanaya Calanka Israel ay ku soo xirtaan dalkeeda,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Kuala Lumpur ay xayiraad ku soo rogtay markab kasta oo u socda Israel in shixnadiisa ka soo dejiyo Dekedaha Malaysia, si isagoo faaruq ah uu ugu socdaalo Israel.

“Waxaa intaas dheer in markab kasta oo u socda Israel inuu shixnadaha ku soo dejiyo Dekedaha Malaysia,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Kuala Lumpur ay ku kalsoon tahay in go’aankeedaan aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin ganacsiga caalamiga ah.

“Malaysia waxay ku kalsoon tahay in go’aankani aanu saamayn doonin dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Anwar Ibrahim.

Shirkadda ZIM oo fadhigeedu yahay Magaalada Haifa ee Israel ayaa ah shirkad xamuul oo caalami ah, iyadoona lagu tilmaamo mid ka mid ah labaatanka shirkadood ee ugu sarreeya dunida, marka ay noqoto xamuulka badda.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay hub iyo raggii watay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen waqooyiga gobolkaasi, gaar ahaan degmada Caabudwaaq iyo agagaarkeeda.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo shaqsiyaadkii watay, sida uu shaaciyay taliyaha qaybta booliska gobolka Galgaduud, Qalbi Axmed Cali.

Taliyaha ayaa xusay in dadka watay qoryaha ay gacanta kusoo dhigeen ay ku xireen saldhigga degmada Caabdudwaaq, ayna ku hayaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidamada waxa ay ku guuleysteen inay in badan oo kamid dadkaas ay qoryihii kasoo xareeyaan, iyaga laftigoodana ay saldhigga keenaan oo ay kusoo xiraan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkaas ay u badan yihiin dhalinyaro haysata hub sharci darro ah, balse waxa uu tilmaamay inay haatan ku bilaabeen hub ka dhigis.

“Dhalinyarada qoryaha wadata oo qaybo badan isugu jirta qaybo marka ay ciidanka u yimaadaan hubka ku wareejinaayo waan uga mahadcelineynaa, inta kale oo hartay waan rajeynayaa inay la shaqeeyn doonaan ciidanka” ayuu mar kale yiri taliyaha boolisku.

Waxaa kale oo uu yiri “Cid laga ogolaan doono qoray sharci darro ah inay ku dhex wadato magaalada ma jirto, maadaama waxa lagu sameeynaayo aysan aheyn wax sax ah”.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ogoaan doonin in hub sharci darro ah lagu qaato magaalada dhexdeeda.

“Insha allah ciidanku waxa ay sii wadi doonaan shaqadooda ahayd cid kasta oo degmada dhexdeeda ku wadata qoray sharci darro ah inay ka howlgalaan” ayuu sii raaciyay.

Inta badan waxaa deegaanada Galmudug ka dhaca dhibtooyin amni, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay inta badan maamulkaas ka gaystaan maleeshiyaad hubeysan.

Aqriso: Taariikh nololeedkii Khadiija Maxamed Diiriye

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa shalay magaalada Jabuuti ku geeriyooday Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, kadib xanuun asiibay.

Khadiija ayaa kamid aheyd wafidiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ee ka qeyb-galaya Madasha Aragti-Wadaag ee lagu qabanayay dalka Jabuuti.

Waayihii ay soo martay

Waxa ay 2 April 1964 ku dhalatay magaalada Muqdisho, iyada oo barashada Qu’aanka ku bilawday hayaankeeda waxbarsho.

Waxa ay 1972 illaa 1979 Dugsiga hoose iyo dhexe ku baratay Dugsiga Hassan Dhagey ee ku yaala magaalada Jowhar, waxayna Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacad ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Xirfadaha Shaqo

1981-1982: Bare Dugsiga Dhexeee Hassan Dhagey Burey – Jowhar – Soomaaliya
1982-1983: Xogheynta iyo Maamulka Xisaabaadka Dugsiga Sare ee Beeraha Jowhar
1983-1984: Maamulka Xarunta Xiriirinta Labada Gobol ee Hiiran iyo Shabellaha Dhexe – Buurane
1984-1990: Mashruuca Fidinta Beeraha 1990-2000: Ganacsato iyo Guri Joogto

Doorka Siyaasadeed

Waxa ay AUN Khadiija leedahay 23 Sano oo Khibrado Siyaasadeed ah, iyada oo soo qabatay xilalkan:

  • 2000-2004: Xildhibaan Dowladii Carta lagu soo Dhisay (TNG)
  • 2004-2009: Xildhibaan Dowladii Impagathi lagu soo dhisay (TFG)
  • 2004: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Dalyeelka Qoyska XKMG
  • 2005-2006: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka XKMG
  • 2006-2007: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha XKMG
  • 2008-2009: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska XKMG
  • 2008-2009: Siihayaha Wasiirka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Bii’ada XKMG
  • 2009-2010: Xildhibaan Baarlamaankii lagu Biiriyey Djibouti
  • 2009-2010: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga XKMG Dhirta iyo Daaqa XKMG
  • 2010-2011: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga
  • 2011 : Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Biyaha, Batroolka Macdanta iyo Tamarta XKMG
  • 2011-2012: Guddoomiyaha Guddiga Cilmi Baarista, Tignaloojiyada, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka KMG
  • 2012: Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya
  • 2013: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arr. Bani’aadanimo ee Golaha Shacabka BJFS
  • 2014: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJF
  • 2016: Wakiilka u matalaaya Soomaaliya IPU-IGAD Women CAUCUS
  • 2017: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF
  • 2017 – 2020: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS
  • 2020 – 2022: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS
  • 2022: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF
  • 2022: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Daawo: Maydka Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka waisirkii haweenka iyo xaquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay waddanka Jabuuti.

Diyaarad gaar ah ayaa maydka marxuumadda kasoo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa haatan socda qaban qaabada aas qaran oo wasiiradda loogu sameynayo magaalada Muqdisho, waxaana ku howlan guddi gaar ah oo ay u xil saartay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya aaska madax kala duwan oo ka tirsan dowlada dhexe, mas’uuliyiin hore, ehellada marxuumadda iyo dadweyne kale.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay sanadkii 2004.

Geerideeda waxaa ka tacsiyeeyay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada iyo mas’uuliyiintii hore ee dalka.

Dowladda oo shaacisay khasaare culus oo Shabaab ka soo gaaray howlgal ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal culus oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri warkaan.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo dhacay goor galab ah looga hortegay koox Shabaab ah oo qorsheyneysay weerarro culus.

“Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sheegay inuu jiro taxadar culus, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, iyadoo lagu guuleystay in laga hortago dhagaro badan oo Shabaab ay soo maleegayeen, sida lagu sheegay qoraalkaan.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsan cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.”

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay dowladda federaalka waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxa ay diiradda Koowaad saaraysa ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah ee Al Shabab, waxaana sannadkan dagaalka lagu xididada siibayo laga gaaray guulo waa weyn.”

Daawo: DF oo shaacisay halka lagu aasayo Khadiija Diiriye oo ku geeriyootay Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in meydka Allaha u naxariistee wasiir Khadiija Diiriye berri loo qaadi doono magaalada Muqdisho, si halkaas loogu sameeyo aas qaran.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in meydka marxuum Khadiija Diiriye berri laga deji ayo Muqdisho, iyadoo la abaabulay qorshe aas qaran loogu sameynayo.

Guddi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa loo xil-saaray qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo wasiir Khadiija.

“Khadiijo door firfircoon ayey ka soo qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dowladda oo qirsan in waqtigeedii ugu badnaa ay u soo hurtay qarankaan waxay go’aansatay in dib loogu celiyo Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo marxuum Khadiija Diiriye,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomalaiya.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in Marxuum Khadiija ay ku jirtay madaxdii Soomaaliyeed ee lagu casuumay shirka Heritage ee Jabuuti ka socda, balse ay xanuunsatay, kadibna la dhigay isbitaal.

“Markii aan ka soo degnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayey xanuunsatay, isbitaal ayaa la dhigay, dadaal badan ayaa la sameeyey, qaliin yar ayey martay, balse amarkii Alle ayaa maanta dhacay oo ugu dambeyn waa ay geeriyootay,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Allaha u naxariistee Wasiir Khadiijo ayaa dowladnimada Soomaaliya ku soo dhexjirtay 23-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka mid aheyd baarlamaankii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ilaa ay hadda ka geeriyootana waxay aheyd xildhibaan heer federaal ah.

Waxaa la sheegay inay ifka uga tagtay lix qof oo ay dhashay, 12 jeer ayey soo noqotay wasiir, waxayna aheyd qof laga jecelyahay siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka daawo wareysiga

Somaliland oo war kasoo saartay dagaal dhimasho leh oo ka dhacay Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa faah-faahisay dagaal shalay buurta Naaso Hablood ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray ciidanka Millateriga iyo shacab hubeysan.

Dagaalkan oo sidoo kale markale dhex-maray ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa millateriga ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muran dhuleed, kaasi oo qeybo kamid ah millaterigu ay dageen kadibna ay kusoo weerareen maleeshiyaad hubaysan oo dhulka sheeganaya.

Waxa uu shaaciyay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 6 qof, oo askar iyo shacab iskugu jira.

“Niman shacab ah ayaa soo weeraray ciidankii halkaa deganaa, nin way ka dileen, nina way ka dhaawaceen, kadibna labada ciidanba way ku gurmadeen, markii dambena waxaa la isla gartay in ciidanka qaranka ku noqdo xeradiisa oo howsha loo daayo Booliska,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Booliska Somaliland.

Dhinaca kale, Abaanduulaha Guud ee Miilateriga Somalilad Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Bullaale ayaa sheegay in dagaalka ay markii dambe kusoo biireen niman milateri ah, oo uu sheegay inay dhulka lagu muransan yahay sheegtaan.

Raggan milateriga ah ayuu sheegay inay weerar ku qaadeen ciidankii Booliska ahaa ee dhulka la isku haysto la geeyay, kadibna ay halkaasi ku dhinteen saddex askari.

Ugu dambeyntiina waxay si cad u sheegeen in arrinta dagaalka, askarta dhimatay, magtooda iyo aaskoodaba lagala soo xiriirayo oo keli ah xafiisyada labada ciidan, islamarkaana aanay shaqo ku laheyn beelo iyo odayaal toona, sida ay hadalka u dhigeen.

Deegaanada Somaliland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dagaallo salka ku haya muran dhuleed, kuwaasi oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Madaxda sare ee dalka oo war kasoo saaray geerida Khadiija

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka, oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa qoraal kasoo saaray geerida ku timid AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Allaha u naxariistee, Wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Jabuuti ku geeriyootay, kadib xanuun deg deg ah oo asiibay.

Ugu horreyn, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wasiir Khadiija, isaga oo ku tilmaamay mid qalbi taabad ah oo aad u xanuun badan.

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Khadiijo ay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradda kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay. Aamiin, Aamiin”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey,’’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna tacsi tiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Wasiir Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxa uu xusay inay kamid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona kamid ahayd ka qeyb-galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina marxuumad Khadiija Diiriye Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay CEELDHEER

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gudaha u galay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay iskaga carareen, kadib markii ay ka war heleen gulufka ku wajahan.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo hogaaminayay howl-galka ayaa xaqiijiyay in lagu xoreeyay deegaanada bariga Galgaduud dhaca ee hoostago degmada Ceeldheer.

Ciidamada ayaa hadda howl-gal miino baaris ah ka wada wadooyinka soo gala degmada Ceeldheer iyo kuwa ka baxa.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii u horreysay ee ciidamada dowladda ay qabsadaan degmada Ceeldheer, hase yeeshe dagaal-yahaanada Shabaab ay dib ula wareegay kadib markii ay iskaga baxeen ciidamada, ayada oo ugu dambeyn markale maanta ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gulufka dagaal ee Shababa ka dhanka ah ayaa si habsami leh u socda, ayada oo shalay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ahaa Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Sidoo kale maalmo kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Si kastaba, Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

Wasiir KHADIIJA Maxamed Diiriye oo maanta geeriyootay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, waxaa goordhow magaalada Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, sida ay ehelkeeda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jabuuti, ayada oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku sugan halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Khadiija ay maanta qalliin ku gashay dalka Jabuuti, ayada oo la qorsheynayey in loo qaado dalka Turkey, balse waxay ay geeriyootay waxyar kahor markii la rabay in la qaado.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay 2004.

Geerida Wasiir Khadiija ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku tilmaamay Wasiir Khadiija mid kamid ah halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya.

“Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey,’’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Sawirro: Geelle oo 4 arrin oo weyn ku amaanay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya.

Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Mudane Geelle ayaa dhankiisa waxq uu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban.

Geelle ayaa si gaar ah u xusay guusha laga gaaray dagaalka ay dowladda iyo shacabka kula jiraan Al-Shabaab, qaadista cuna-qabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga socda deeganka Jeex-jeex iyo buurta Yacgoos oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug, xilli gobolka uu ka socda guluf culus oo ka dhan ah kooxda.

Howl-galka ayaa waxaa qaaday ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is?kaashanaya kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaanadaas, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ciidanka ayaa dhankooda warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab, uuna wali uu socdo dagaalka.

Howl-galka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey kooxda, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

IMF oo Soomaaliya u ansixisay deyn cusub oo malaayiin ah

0

New York (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano IMF ayaa Soomaaliya u ansixisay dayn cusub oo 100 Milyan  oo dollar ah.

Guddiga sare ee hay’adda ayaa shaaciyay in lacagtaan ay ku bixineyso muddo saddex sano ah gudahood, kadib markii dhawaan Soomaaliya laga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa.

IMF ayaa sheegtay in taageeradan dhaqaale ay tahay mid lama huraan ah oo lagu taageerayo Soomaaliya, si looga caawiyo dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Ujeedka waxa ay hay’adda ku sheegtay in la xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, kadib dayn cafinta, ayada oo diiradda la saarayo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha.

“Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo kasoo baxay hay’adda lacagta ee IMF.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista barta dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Sidoo kale taageeradaan dhaqaale ayaa daba socota heshiis ay bishii November ee sanadkan ay gaareen dowladda federaalka iyo IMF, kaas oo ku saabsanaa in dalka la siiyo $100 milyan oo dollar, oo dayn ah, laguna taageerayo miisaaniyadda dowladda

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan New York kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa u gudbiyay dalab culus, isaga oo ka codsaday in Soomaaliya ay ku garab istaagaan himilooyinkeeda kale.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dalbaday inay ka gacan siiyaan tayeynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo maalgashiga caalamiga ah, taas oo hadda laga soo jawaabay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay gaartay guullo waa weyn, sida dayn cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka & ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika.

Xog: Mucaaradka oo aqbalay codsi uga yimid Xasan Sheekh iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho toddobaadkaan waxaa lagu wadaa inay shir ku yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, shirkaas waxaa looga hadlayaa dooda ka taagan wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka.

Mucaaradka iyo madaxtooyada ayaa raba in la dhameystiro dastuurka, balse waxaa la isku diidan yahay qorshe uu Xasan Sheekh rabo in wax looga bedelo qodobada qaar.

Khamiista toddobaadkaan ayaa lagu wadaa in shirkaasi uu ka furmo Muqdisho, inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa Muqdisho soo gaaray.

Xubnaha sida weyn u diidan wax ka bedelka dastuurka qaabka ay u wajaheyso Villa Somalia waxaa kamid ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ka mid ah siyaasiyiinta ku soo laabtay dalka, si ay kaalintooda uga qaataan kiiskaan.

Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, gaar ahaan qodobada ay ku diidan yihiin Madaxweyne Xasan.

Caasimada Online, waxay ogaatay in Xasan Sheekh uu mucaaradka ka codsaday inay joojiyaan kulamada ay uga ololeynayaan qorshihiisa, ilaa inta uu kala kulmayo, una sharaxayo faa’iidada dalka ugu jirta hanaanka uu wax u rabo.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay aqbaleen codsigii Xasan Sheekh, waxayna joojiyeen kulamadii ay doonayeen inay Muqdisho ka bilaabaan, Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in shir xasaasi ay uu Muqdisho uga furmo mucaaradka iyo madaxtooyada.

Sheekh Shariif ayaa shalay u amba baxay deegaanka Burkaderin oo hoos taga degmada Cadale, halkaas oo lagu heshiisiinayo beesha uu ka soo jeedo oo dagaal aano qabiil ah oo khasaare culus ay isku gaarsiiyeen maleeshiyaad kala taabacsan labo jifo oo walaalo ah.