25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka gaaray xaaladda Gaza

0

New York (Caasimada Online) – Ka dib maalmo badan oo wadahadalo xooggani ay ka socdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ugu dambayn waxaa Golaha Ammaanku meelmariyey qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la geeyo marinka Gaza, ka dib markii Maraykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, uu ka aamusay.

“Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas-GreenField oo ah danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

Linda ayaa intaas ku dartay, in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiita, iyada oo ugu baaqday labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas-ba inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxay sheegtay in Maraykanku uu “aad uga niyad-jabsan yahay” inaan qaraarkan lagu soo darin, in la cambaareeyo weerarkii Xamaas ay ku dishay 1,200 ee Israa’iiliyiinta ah.

Ruushka oo qaraarkan ka aamusay ayaa isagu doonayey in la xoojiyo luuqadda uu ku qoran yahay qaraarkani, isaga oo ku tilmaamay qabyo qoraalkii ugu dambeeyey ee ay dabada ka riixaysay Washington inuu ahaa “mid aan nuxur badan xambaarsanayn”.

Diplomaasiyiinta ayaa tan iyo maalintii Isniinta waxay ka shaqaynayeen qaraar qabyo qoraal ah, oo ay soo diyaariyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, iyaga oo doonayey in lagu qanciyo Maraykanka, inaanu adeegsan codkiisa diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.

Qaraarkan ugu dambeeyey ayaa la fududeeyey luuqadda lagu qoray, waxaana laga saaray in si toosa loogu baaqo xabbad-joojin degdeg ah, taas bedelkeeda waxaa dhinacyada loogu baaqay inay abuuraan jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waara. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa haatan ka soo horjeeda xabbad-joojin lagu baaqo, iyaga oo ku doodaya inay caawinayso kooxda Xamaas.

Sawirro: Mahad Salaad oo caawa qaaday tallaabo hadal-heyn badan abuurtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa si lama filaan ah ku tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho xilli ay aad u camirneed.

Dad badan oo dhalinyaro ah ayuu xeebta ugu tegay Mahad Salaad, isagoo salaan la maray, kana xog wareystay xaaladaha amni ee magaalada.

Durbadiiba hadalheynta tallaabada uu qaaday Mahad Salaad ayaa qabsatay baraha bulshada, waxayna dadka Muqdisho aad u falanqeynayaan amniga caasimadda.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhif iyo naadir aheyd in la arko ama fagaarayaasha xasaasiga ah sida Liido uu tago Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.

Hadal-heybta ugu badan waxay ka dhalatay kalsoonida uu qabay Mahad Salaad oo dadka dhexgalay, kuwaas oo sawirro la galay, sidoo kale waxay dadka qaar sheegayeen in uusan wadan ilaalo badan.

Amniga magaalada Muqdisho oo soo hagaagaya ayaa suurta gelay in madaxda ugu sareysa qaranka ay kalsooni ku tagaan goobo uu amnigoodu xasaasi ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Taliyaha NISA waxaa lagu amaanaa waqtiga uu geliyey sugidda amniga caasimadda, sidoo kale hey’adaha kale ee amniga sida booliska ayaa ammaan ku helay shaqada muuqata ee Muqdisho laga qabtay sanadkaan.

Liido ayaa ka mid aheed goobaha ugu weeararada badnaa Muqdisho waayihii amni darrada, sidoo kale waxaa habeen iyo galab kasta xeebta isugu tagta dhalinyaro badan oo jawi ku soo qaata xeebta, dadka Muqdisho ayaa aad u mahddinaya amniga caasimada oo soo hagaagaya.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo dadka Soomaaliyeed ka codsaday hal arrin oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tanaasulaan, isku dulqaataan, isna kaashadaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay taageerada caalamku uu siiyo Soomaalida, sida deyn cafinta, qaadista cunaqabateyntii hubka iyo kabka miisaaniyadda, intaas oo taageero ah iyadoo dadkeenu ay ka helaan dad shisheeye ah wuxuu sheegay Madaxweynuhu in hadana siyaasiyiinta iyo dadka qaar ay wax kasta oo dan-guud ah hordhigayaan xujo ah “la ilama tashan.”

Madaxweynuhu wuxuu dadkiisa Soomaaliyeed ka dalbaday in aysan juhdinku bixin wax aan waxaba u tareyn, sida hadallada gefka ah, mucaaradnimada aan hadafka laheyn, shakiga iyo cabsida.

“Waxaa halkaan na dhigay kala shaki aan qabno, dalkaan qof inta garabka saarta la carari karaahi ma jiro, reer hebel ama nin hebel ayaa sad-bursi watee ka dhig kuma jiri karnee aan iskaashi iyo wadatashi ku dhisano dalkeena,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu codsaday in dowladnimada loo ogolaado inay korto, “hey’adaha dowladda markii ay talaab horay u qaada maagaan hadii la dhaho fiiri xumaantii ay samey jireen ayay soo wadaane, waxay noqa doontaa in la kala cabsado oo shaqo kasta laga cabsado,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa balan qaaday in dowladiisa aysan samey doonin qalad ku talagal ah, balse wuxuu xusay inay wax ka qaldami karaan oo bini’aadam ay yihiin, balse ay dadaali doonaan, “hadaan qaldano waa naloo sheegi karaa, ma ahan inaan dhahno ma anagaa hebel wax noo sheegi karaa? Maya ma dhici doonto taasi,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halka ay maanta ay Soomaaliya joogto aysan aheyn meel lagu sii nagaa karo, “waa inaan horay u soconaa oo deg degnaa inagoo iska ilaalineyna inaan kufno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa qiray in 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya sameyneysay hormar, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in halkaan meel ka sareysa uu gaari karay dalkaan, laakiin dadka Soomaaliyeed ay ayagu lugaha is qabteen.

Hoos ka daawo

Dagaal 70 xubnood looga dilay Shabaab oo ka dhacay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in maleeshiyaad ka badan 70 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa galay godad waaweyn oo gabaad u ahaa kooxda Al-Shabaab, halkaasna waxaa lamsheegay inuu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo looga guuleystay kooxda.

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee Shabaab lagu weeraray waxaa lagu magacaabaa Aboodin, wuxuuna ka tirsan yahay gobolka Jubada Hoose.

“70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Dadka deegaanka Aboodin ayaa noo xaqiijiyey in kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen halka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo wata meydad tiro badan iyo dhaawacyo.

Sidoo kale warbaahinta Jubbaland waxay baahisay qeyb ka mid ah muuqaal laga duubay dagaalka lagu dilay xubnahaas Shabaabka ah oo toos u socda, ciidamada Danab ayaa laga duubay muuqaalkaas, waxaana la arkayaa iyagoo toos u dagaalamaya.

Maalmahaan Shabaab-ka dagaalamaya Jubbaland waxaa ku socda howlgallo culus, habeen hore galbeedka Kismaayo howlgallo ka dhacay waxaa lagu laayey horjooge sare iyo maleeshiyaadkiisii, kuwaas oo halkaas lagu soo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Jubaland.

Sidoo kale duqeymo culus ayaa ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Jilib, waxaana lagu beegsaday xubno sare oo Shabaab ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Daa’uud Khaliif, kaas oo horay Mareykanku uu madaxiisa u dul dhigay 10 milyan oo dollar.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamada, deegaanada Jubbaland waxaa toos uga bilowday wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in Jubaland iyo K/Galbeed uu ka bilowdo markii Galmudug iyo HirShabeelle lagu soo xoreeyo wajiga koowaad.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, shaaciyeyna arrin ka go’an

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa ka hadlay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka la amray inay dhaqaaqaan, isla markaana lagu howlan yahay sidii Shabaab loogu furi lahaa furimo dagaal oo hor leh, si khatartooda loo dhaafiyo umadda.

“Maalin kasta dhaar iyo sidaan ayaan yeeleynaa kuma jireyno, kama caajiseyno ciribtirka Shabaab, waa naga go’antahay waana soconaa, cabsi gelinta iyo wixii ay ku samey jireen dadkaan kuma sii fiirsa karno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadu ay maalin kasta jaraan Kiilo-mir hor leh, isla markaana ay dowladiisa ka go’antahay inay muddo kooban ku soo afjarto kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hal fursad ay u furan tahay horjoogayaasha Khawaarijta, taasi oo ah inay isku dhiibaan dowladda, xubnaha ajaanibta ahna ay dib ugu laabtaan dalkoodii.

“Fursada kaliya ee maanta ay heystaan waa in kuwa Soomaalida ah ay dadkooda iyo dowladooda isku soo dhiibaan, kuwa ajaanibta ahna ay ku laabtaan dalkoodii,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo aysan iska dhaafi doonin Shabaab, taas oo sababi doonta inay sii wadaan xasuuqii ay ku hey-jireen shacabka Soomaaliya.

“Dadkeygu ha ogaadaan maalin walba ciidanku horay ayey u socdaan dhul cusub ayey xoreeyaan, dalkeenu waa balaaran yahay, meelo howd ah oo ay ku dhuuntaan ama inay gaadmo wax ku dilaan waa iska dhici doontaa, waana dabeecadaha dagaalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidamada dadka deegaanka oo ku shaqeeya duruuf adag, “Waxaa nagu waajib ah in ciidamdaas aan abaabulno oo garab istaagno, hiil iyo hoo, nin kasta waxa uu awoodo ayey maanta nooga baahan yihiin,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkey oo xirtay 304 qof oo lala xiriiriyey Daacish

0

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa xiray 304 qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kadib howlgallo wada socda oo laga fuliyey gudaha dalka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Ali Yerlikaya ayaa sheegay in tuhmanayaasha lagu xiray 32 gobol oo dalka ka mid ah, balse intooda badan ay ku sugan yihiin saddexda magaalo ee ugu weyn Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir.

Howlgalka oo loogu magac daray “Geesiyada-34” ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay sirdoonka booliska iyo cutubyada la-dagaalanka argagixisada, Yerlikaya ayaa sidaas ku sheegay barta X.

Weli ma jiro wax macluumaad oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha.

Daacish ayaa weeraro dhowr ah oo dhimasho badan ka geystay dalka Turkiga, waxaana ka mid ahaa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul 1-dii Janaayo, 2017, weerarkaas oo ay ku dhinteen 39 qof intii lagu jiray dabaal-degga sanadka cusub.

Ma cadda haddii howlgalkii ugu dambeeyay uu qeyb ka yahay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo kahor dabaal-degga sanadka cusub.

“Ma jiri doonto wax nasasho ah oo ay helaan argagixisada, sababtoo ah nabadda, midnimada iyo wadajirka qarankeena aan jecelnahay,” ayuu yiri Yerlikaya. “Dadaalka sare ee ciidamadeena amniga dartiis, dagaalkeenu wuxuu usii socon doonaa si aan kala go’ lahayn.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa X soo dhigtay muuqaal muujinaya howlgallada, oo ay ku jiraan ciidamada la-dagaalanka argagixisada oo albaabo jebinaya, gacmaha ka xiraya tuhmanayaasha, islamarkaana u sii kaxeynaya gaadiidka booliska.

AP, VOA

Xasan Sheekh oo maanta si cad usoo bandhigay qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta salaadda Jimcaha kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isagoo xusay in mar kasta wax laga bedeli karo dastuurka dalka, maadaama marxaladuhu ay is rogrogayaan.

“Looma dhama ma taagnaa karno walaalayaal, laakiin intii macquul ah wax kasta wadatashi waa la geli karaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in shaqada dastuurka ay hortaallo baarlamaanka, “Sameynta dastuurka, dhameystirkiisa iyo dhaqan-gelintiisa waxay hortaalla BFJS, taasi waxay ku cadahay dastuurka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in baarlamaanku uu heysto waqti ku filan, isla markaana cid kasta laga tala-geli doono dhameystirka dastuurka, “Sida ay u dhigan tahay shuruucda kasoo baxaysa baarlamaanka waa mid qoran ee wax qof gaar ah jecelyahay ma ahan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in wax lala carari doono ama la la dedejinayo aysan jiri doonin, sidoo kale wuxuu u sheegay baarlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed in dalkaan uu waqti badan ka soo lumay, isla markaana ay muhiim tahay in shuruucdiisa lagu dhameystro muddo kooban.

“Shaqada dastuurka waxaan soo bilownay markii la i doortay 2012-kii, seddax baarlamaan oo kan ku jiro ayuu soo maray iyadoo aan la dhameystirin, hadda sababta aan ka shaqeyntiisa u sii bilownay waa in dib u dhaca laga baxo oo baarlamaanka 12-aad aan lagu soo dhisin dastuur qabyo ah,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale maxaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku kalsoonaadaan baarlamaanka ay soo doorteen, “sidoo kale dadku kalsooni haku qabeen in talo ay ku yeela doonaan dastuurka, wuxuu ku soo gaari doonaa si kasta oo la awoodo, ma dhaceyso in baarlamaanka uu dhaho baarlamaanka naga dambeeya ayaa dastuurka dhameystiraya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa balan-qaaday in dalkaan aysan ka dhici doonin awood sheegasho dowladeed, isla markaana uu dalku ahaa doono dumuquraadi, “Ukeedada dowladeyda ma ahan cabsi gelin iyo awood sheegasho, hadana inta meel fariisano ma dhihi doono reer hebel ayaan u xayiranahay,” ayuu yiri.

Xog: Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan gaar ah ka yeeshay arrimo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay ka wada hadleen arrimo xasaasi ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin muranka dastuurka iyo kan doorashada Puntland.

Xogta kulankaas ma aheysan baahin Villa Somalia iyo Cumar Cabdirashiid midkoodna, balse Caasimada Online ayaa ka heshay ilo xog ogaal ah oo ka agdhow dhinacyada.

Cumar Cabdirashiid ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha, habeen hore ayuu dhacay kulankooda, waxaana la sheegay in Cumar uu talooyin badan siiyey Xasan Sheeekh.

Arrimaha sida weyn loo gorfeeyey waxaa ka mid ahaa wax ka bedelka iyo qabyotirka dastuurka oo muran badan uu ka dhashay sida uu wax u rabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa gadaal ka riixaya qorshe meesha looga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, si madaxweynuhu u yeesho awood badan, iyadoo lagu bedelayo madaxweyne ku xigeen uusan awood badan sii doonin dastuurku.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Cumar Cabdirashiid waxay ka wada hadleen khilaafka doorashada Puntland, sida ay wax u socdaan iyo doorka kaga aadan dowladda federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu qaatay inta badan talooyinkii uu u soo jeediyey ra’iisul wasaarihiisii hore Cumar Cabdirashiid oo muddo ay soo ahaayeen saaxiibo dhow oo siyaasadeed, kulankaas kadibna waxaa la sheegay in Cumar uu u safray dalka dibadiisa.

Siyaasiyiin badan ayaa dood ka qaba hanaanka loo wajahayo wax ka bedelka dastuurka, waxaana socda qorshe lagu sii balaarinayo wadahadallada madaxtooyada iyo mucaaradka, inta aan baarlamaanka la horgeyn barnaamijka wax ka bedelka dastuurka.

Caalamka ‘oo qiray’ awoodda DF Soomaaliya kadib qaadistii cunaqabateynta hubka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xayiraadda hubka ee dhowaan laga qaaday iyo soo iibasashada hubka culus, kadib markii ay su’aallo ka dhasheen sida loo maareynayo hubkaas, si uusan gelin gacan kale.

Xuseen Macallin Maxanuud oo ah lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha ayaa ka hadlay su’aalaha ku geedaaman awoodda dowladda federaalka ee ku aadan xakameynta hubka, maadaama loo fasaxay iibsashadiisa.

Lataliyaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay bishii September kasoo gudubtay dhammaan shuruudihii hubinta si loo ogaado awoodda ay u leedahay arrintaan, sidaas darteedna lagu aamini karo qorshahaas in ay fuliso, ayada oo kadib laga qaaday cunaqabateynta

Sidoo kale wuxuy hoosta ka xariiqay in caalamka uu qiray in dowladda dhexe ay awood u leedahay maareynta hubkan, kadibna ay sidaas ku timid aaminaadda iyo kalsoonida buuxda ee la siiyay dowladda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in cid kasta aysan soo iibsan karin hubka waa weyn, uuna baahan tababar iyo awood gaar ah, taas oo haatan kaliya leedahay dowladda federaalka.

“Caalamka waxa uu qiray in Dowladda Soomaaliya ay gaartay awoodda maaraynta hubkaas waaweyn ee naga xayirnaa ma ahan hub qof weliba uu isticmaali karo waayo isaga ayaa u baahan tababar, haddii aan tusaale usoo qaato Taangi qof weliba ma wadi karo, ma haysan karo mana hagi karo oo soo iibsashadiisu wax sahlan ma ahan oo waa wax marka ay ugu yar tahay Dowlad soo iibsan karto,” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in awooddeeda isugu gaynayso sidii ay u dhaqangelin lahayd shuruucda lagu maamulo hubka si looga hortago in dalka uu soo galo hub gaar ahaan kuwa waaweyn ee xayirnaa oo aanay si fudud qof weliba usoo iibsan karin.

Si kastaba, waxaa haatan socdo qorshe ku aadan meelmarinta xeerka xakameynta hubka oo hoyaalla baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo maray akhrinta 1-aad, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay hab maamulka awood ee hubka soo galaya dalka iyo in la xadeeyo hubkaas si aanay dhibaato horleh u keenin.

Ciidamada dowladda oo kaabiga ku haya deegaano ay joogaan Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay haatan isku uruursanayaan aagga buurta Yacgoos oo todobaadkanay  kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa barbar socda duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal ku garaacaan dhulka howdka ah ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa sanad ka badan ka socda howlgallo dhul iyo cir ah, kuwaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shaabaab oo qorshuhu yahay in laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Xog: Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda Saciid Deni oo u weecday musharaxiin kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay. 

Mas’uuliyiinta oo ay ku jiraan wasiiro iyo wasiiro ku xigeenno ayaa si qarsoodi ah ugu biiray ololaha doorashada musharrixiinta kursiga kula loollamaya Siciid Deni.

Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni, maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.

Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.

Saciid Deni ayaa hadda u muuqda inuu marayo isla dhabbahaas, waxaana tani ay meesha ka saari kartaa hamigiisa ah in mar kale dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.

Liiska sagaalka xubnood ee ka imaanaya Sanaag iyo Haylaan ayaa lagu wadaa in dhawaan loo gudbiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada iyo ansixinta Baarlamanka Puntland.

Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.

Xog ku saabsan kulanka Axmed Qoor Qoor iyo Cabdikariin Guuleed + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland.

Labada mas’uul ayaa ugu horreyn iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan deegaanada Galmudug oo ay haatan ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Intaas kadib labada dhinac ayaa waxa ay sidoo kale ka wada-hadleen arrimo ku aadan sidii loo sameyn lahaa wadatashiyo ku aadan sii amba qaadida wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay xog ku aadan kulanka uu la yeeshay Qoor Qoor, wuxuuna sheegay inuu la wadaagay talooyin ku aadan shaqada hortaallo xafiiskiisa.

“Waxaan caawa kulan muhiim ah la qaadanay aniga wafdigeyga madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie (Qoor-Qoor), kullanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaan diiradda ku saarnay ahmiyadda Wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ugu haboon ee looga miradhallin karo, waxaa uu Madaxweynaha nala wadaagay tallooyin wanaagsan oo door muhiim ah ka qaadanay dedaalada uu wado Xafiiskeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inuu sii joogo caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb, isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

“Inta aan joogno caasimada Galmudug ee dhuusamareeb waxaan sidoo kale la kulmi doonaa labada golle ee DOWLADDA Galmudug iyo Bulshada deegaanka, kuwaas oo aan ka dhageysan doono doodahooda ku wajahan ka gun-gaarista Wadahadallada DFS iyo Somaliland” ayuu sii raaciyay Mr. Guuleed.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ka sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada-hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.

Waa kuma amiirka cusub ee dalka Kuwait ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya?

Kuwait (Caasimada Online) – Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.”

Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaana uu ku eedeeyay in ay danta shacabka wax u dhimayaan.

Waxaanu yiri “Waxaan khudbadeheenii hore ku adkaynay in ay jiraan xuquuqo qaran oo ay waajib tahay in ay fulaan, kuwaas oo hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta qaranka iyo shacabkaba dan u ah, sidaa darteed ma aynaan arag wax isbedel ah ama sixid ah oo arrintaas lagu sameeyay, balse arrintu waxay gaartay markii awoodaha fulinta iyo sharci dejintu ay is kaashadeen oo ay isla garteen in la dhaawaco danaha dalka iyo dadkaba.”

Dowladda Sheekh Axmed Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax oo uu dhalay Amiirka geeriyooday ayaa istiqaaladeeda u gudbisay Sheekh Mishaal.

Sheekh Mishaal waxa uu la wareegay xilka Amiirka cusub ee Kuwait kadib geeridii Amiir Nawaf Al-Ahmad Al-Sabaax ee December 16-keedii, 2023-ka, isaga oo 86 jir ah, kadib markii uu xukumay Kuwait saddex sano.

Sheekh Meshaal waxa uu la wareegay dhaxal sugaha 7-dii Oktoobar, 2020-kii, isagoo raacaya talada Amiirka geeriyooday iyo ballan qaadka daacadnimada ee golaha Shacbiga.

Sheekh Mishaal waxa uu dhashay sannadkii 1940-kii, waana wiilka toddobaad ee uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Kuwait, Sheekh Axmed Al-Jaber Al-Sabaax, waxaana ay walaalo yihiin Amiirka geeriyooday.

Hay’adaha amniga

Sheekh Mishaal waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay dugsiga Al-Mubarakiya Nizamiya ee dalka Kuwait, kadibna waxa uu u wareegay dalka Ingiriiska oo uu ka bartay culuunta Booliska, halkaas oo uu ku biiray kulliyadda Booliska ee Hinden ee dalka Ingiriiska oo uu ka qalin jabiyay sannadkii 1960-kii.

Sheekh Mishaal ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ragga ugu muhiimsan ammaanka Kuwait, isagoo madax ka ahaa waaxda baarista guud sanadihii 1967-dii ilaa 1980-kii. Hay’addan oo uu gacantiisa ku hayay, ayaa loo beddelay maamulka hay’adda nabadsugidda dowladda oo magacan weli sidata.

Sannadkii 2004-tii waxa uu noqday Taliye ku xigeenka ciidanka qaranka oo ay la socotay darajada Wasiirnimo, ka horna waxa uu noqday Madaxweynaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka oo uu ka soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sheekh Meshaal Al-Sabaax ayaa saameyn xooggan ku dhex leh Ciidanka Ilaalada Qaranka oo ah Hay’ad Millateri oo ka madax bannaan ciidanka xoogga dalka iyo booliska, waxaana ay ujeeddadeedu tahay in ay gacan siiso Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adaha Amniga Qaranka iyo in ay ka qeyb qaataan ujeeddooyinka difaaca ee qaranka.

Sheekh Mishaal waa dhif in lagu arko warbaahinta. Amiirkii hore ee Kuwait, Sheekh Jaber Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa 1977-dii u magacaabay madaxa waxa ay ugu yeeraan Diwan ee ah ama khuseeya barnaamijyada hiddaha iyo gabayada caanka ah.

Waxa kale oo uu guddoomiye sharafeed kasoo noqday ururka duuliyayaasha Kuwait ilaa 1973-kii, waana mid ka mid ah aas-aasayaashii iyo guddoomiye sharafeedkii ururka Amateurs Radio ee Kuwait.

Sida laga soo xigtay mareegaha ilaalada ee Kuwait, Sheekh Mishal waxa uu aad u jecelyahay ugaarsiga iyo safarrada dhulka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait

Sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait ayaa soddon sanno kadib dib u bilaabay xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

Heshiiskaan oo ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay, Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.

Heshiiskaan oo qeyb ka ahaa barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u bilaabay wada shaqeyntii u dhaxeysay labada dhinac kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow 30 sanno oo Soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dowlad la’aanta.

Sanduuqa Horumarinta dalka Kuwait ayaa burburkii kahor Soomaaliya ka taageerayay fulinta mshaariic badan oo muhim ah oo ay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dowladda Kuwait ayaa horraan ka qayb qaadatay caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo u qorsheysay lacago si wax loogu qabto dadka ay abaaruhu halakeeyeen.

Isha: BBC

Xog cusub oo laga helayo markabka weyn ee kooxda Soomaalida ay soo afduubteen

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa markabka weyn ee Ruen ee biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya, kaasi oo ay saaran yihiin 18 qof oo shaqaale ah, sida uu sheegay Midowa Yurub.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn.

Ciidamada EUNAVFOR ayaa tibaaxay in ay kala shaqeynayaan mas’uuliyiinta Soomaalida sidii loosoo furan lahaa markabka la afduubay Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo intaa ku daray in haybta iyo dalabaadka afduubayaasha ay weli tahay qarsoodi.

Haddii la xaqiijiyo in falkan ay geysteen burcad badeed Soomaali ah, waxa ay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto tan iyo sanadkii 2017-kii.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaalad ammaan ee badda ay ka jirto Badda Cas markii Xuutiyiinta Yemen ay begesadeen maraakiibta ganacsiga iyaga oo taageeraya Xamaas ee Gaza.

Dhanka kale, shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku dambeeyaan.

DF Somalia oo soo saartay 22 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta todobaadlaha ee looga hadlo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Warbixinta oo ka kooban 22 qodob ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, taas oo ay mar kasto.shaaciso wasaaradda warfaafinta.

Halkan hoose ka akhriso qodobada:-

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

4- Madaxda qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

6- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Djibouti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee aragti wadaagga Machadka Heritage, kaas oo diiradda lagu saaraya kobcinta dhaqanka nabadda ee Geeska Afrika.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo ka qeybgelaya tartanka madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

18- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

21- Ciidamadda Xoogga Dalka oo Khawaarijta Al Shabab ka saarey Mesagawaa iyo Ceel Dheer oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.   

 

 

Fal-celin xasaasi ah oo ka dhalatay wadooyin caawa loo xiray Saadaq Joon iyo xaaskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, Xildhibaan Saadaq Joon iyo xaaskiisa Heybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caawa loo xiray wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa la sheegay inay ka soo adeeganayeen Suuqa Banaadir Mall oo ku yaalla laamiyaraha Soobe, waxaana la xiray jidadka soogala aaggaas.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay arrintaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad u falanqeynaya wadooyinka Muqdisho ee caawa u xiran Saadaq Joon, xaaskiisa iyo Taliyaha booliska dalka Jabuuti.

Dooda ugu badan ayaa ku saleysan in muwaadiniinta dalkaan aysan laheyn wax tixgelin ah, maadaama si fudud loo hakinayo dhaqdhaqaaqooda oo laga xiranayo wadooyinka, iyadoo loo deynayo dad kale.

Xiliga la xiray wadooyin oo ah fiid hore ayaa sabab u noqday in saxmad badan ay ka dhalato arrintaan, maadaama ay xayirmeen dad badan oo hoyaad u ahaa guryahooda.

Maalmahaan Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna dhawaan u yimid ka qeyb galka munaasabadii sanadguurada 80-aad ee aasaaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la qabtay shalay.

Sidoo kale Xildhibaan Saadaq Joon iyo Xaaskiisa ayaa maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, waxayna caawa isku soo raaceen ayaga iyo Taliyaha inay soo dukaameystaan.

Haseyeeshee dad badan oo dhibsaday wadooyinka loo xiray ayaa hadallo xanaf leh caawa ku baahinaya baraha bulshada, si gaar ah dhalinyarada reer Muqdisho oo aad ugu badan isticmaalka jidadka la xiray.

Inta badan waxaa la xiraa wadooyinka Muqdisho markii ay marayaan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, dadkuna waxay isku dayaan inay ogaadaan cidda markaas loo xiray wadada, balse markii caawa la isku sheegay in xubnahaas loo xiray jidka waxaa ka dhalatay hadal heyntii ugu badneed.

Al-Shabaab oo dhexda ka afduubtay ciidan safar u ahaa…

0

Marka (Caasimada Online)- Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay, qaarna nolosha ku qabatay askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii ay wadada u galeen.

Seddax askari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxday deegaanka Lambar-komton ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna u socdeen degmada Marka ee isla gobolkaas.

Kooxda Shabaab ayaa jidka u gashay askartaas, waxaana dhex maray dagaal culus, iyadoo markii dambe laga awood batay askartii dowladda.

Dagaal culus oo socday ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ka dhacay halkaas, askartii dowladda oo Al-Shabaab ka dishay shan dagaalame ayey ka dhamaatay rasaastii, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Hal askari ayaa ka dhimatay askartii jidka loo galay ee dowladda, halka labadii kale ay Shabaab gacanta u galeen iyagoo nool.

Askarta u gacan gashay Al-Shabaab waxaa lagu kala magacaabaa Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartaas u gashay inta u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, wuxuuna dagaalkaasi dhacay 10-saac oo habeenimo.

Aweys iyo Maxamed waxay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyagoo nool, balse dhaawac ah, deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose ayaa naloo sheegay inay Shabaab geeyeen askartaas.

Jubaland oo war culus ka soo saartay dagaal lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo ay wadeen ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo Shabaab looga saaray dhowr deegaan.

Afhayeenka Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha Shabaab lagu gaarsiiyey howlgalladii laga fuliyey galbeedka Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay Shabaab ka dileen sarkaal sare iyo 12 ka mid ah ilaaladiisa, wuxuu sheegay inuu ahaa nin laga yaqiinay galbeedka Kismaayo oo dhibaato badan ku hayey shacabka deegaanadaas.

“Wuxuu ahaa Amiir aad ugu weyn gudaha kooxda, shacabkana aad u dhibaatey jiray, xalay ayey ciidamadu dileen ninkaas iyo ugu yaraan 12 maleeshiyaad ah, howlgalladaas oo socday maalmo iyo habeeno badan wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Jubbaland ayaa qiray in howlgalkaas markii looga guuleystay Al-Shabaab ay ciidamadu dib uga soo baxeen deegaanadii, isagoo go’aankaas ku tilmaamay inuu ahaa xeelad ciidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in howglladaas ay kaga hortageysay weerarro oo kooxda Al-Shabaab ay soo abaabuleysay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Mareykanka oo war kasoo saaray geerida Khadiija Diiriye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay geerida ku timid Allaha u naxariistee wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti, kadibna maanta maydkeeda laga soo dajiyay magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay aas qaran.

Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga murugoodeen geerida naxtinta leh ee ku timid Khadiija Diiriye.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday marxuumadda ay door muhiim ah ku lahayd u dhaq-dhaqaaqida arrimaha haweenka Soomaaliyeed oo ay hadda wasiir u ahayd.

“Waxaan aad uga murugonay geerida ku timaaday Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye, oo aheyd ol’ole arrimaha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u dirtay ehellada wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo dheer kasoo shaqeyneysay dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa eheladeeda”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka mid aheyd xildhibaanada ugu muddada dheer baarlamanka Soomaaliya, oo ay ku jirtay ku dhowaad 20 sano, tan iyo markii dowladda federaalka ee hadda jirta la aas-aasay sanadkii 2004.

Hungary iyo Turkey ma waxay u heshiiyeen Sweden?

0

Budapest (Caasimada Online) – Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey oo ku aadan ansixinta codsiga Sweden ee xubinnimada NATO, waxaa sidaas maanta sheegay ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orbán.

Orbán ayaa sheegay inay u taallo baarlamanka Hungary inay go’aansadaan xilliga ay doonayaan inay arrintan u codeeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan jirin rabitaan weyn oo xildhibaanada xisbiga talada haya ee Budapest ay u qabaan inay ansixiyaan dalabka Sweden.

Ku-biirista Sweden ee NATO ayaa waxaa muddo hortaagan diidmada Turkey iyo Hungary ee ah inay ansixiyaan.

Orbán wuxuu sheegay bishii September in Hungary aysan ku degdegi doonin ansixinta ka mid noqoshada Sweden ee NATO, taasi oo horseeday dib u dhaca kale oo ku yimid hanaanka oo tan iyo sanadkii hore ku xayirnaa baarlamanka dalkiisa.

“Ma jiro heshiis ka dhaxeeya Hungary iyo Turkey,” oo ku saabsan dalabka Sweden ee NATO, ayuu yiri ra’iisul wasaare Viktor Orban, isagoo intaas raaciyay “ansixinta waxaa go’aan ka gaari doona oo kaliya baarlamaanka Hungary… marka sharci-dajiyayaashu ay go’aansadaan in wakhtiga la gaaray. Weli rabitaan badan uma qabaan go’aankan.”

Budapest ayaa sheegtay, in wax ay ugu yeertay eedeymaha aan loo qiil dayin ee siyaasiyiinta Sweden ay ku sheegeen inay tirtay xuquuqdii dimoqraadiyadda, ay sabab u tahay dib u dhigista ansixinta dalabka Sweden.

Baarlamaanka Hungary, oo hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, ayaa shaqadiisa dib u billaabi doona bartamaha Febraayo.

REUTERS, VOA