25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Nin dil kasoo gaystay Nairobi oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Axmed Cabdiraxmaan ayaa ku eedeysayn inuu dil kasoo gaystay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, kadibna uu usoo baxsaday dhanka magaalada Muqdisho.

Ninkan waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu dilat marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan oo kamid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi, kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in ninkan si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoona Cadaalada hadii allaah idmo” ayaa mar kale lasii raaiyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Ugu dambeyn taliska ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga iyo soo qabashada eedeysanayaasha la baadi goobayo

“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amni daro ah, la soo xariir Xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed 991” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Muqdisho oo hadda ka deggan, sidii hore isla markaana uu soo hagaagayo amnigeeda ayaa waxaa haatan howlgallo ballaaran ka wada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Khadiija Maxamed Diiriye – Marwadii Soomaaliyeed ee birta aheyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa Khamiistii magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee DFS, Xidigtii Siyaasadda Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxa salaadda Janaasada lagula tukaday teendhada Afisyoone, waxa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda, Ku Xigeenka RW ,Madaxdii dalka soo martay, Wasiirro, Xildhibaanno labada gole iyo mas’uuliyiin aad u fara badan.

Aniga Marxuumadda waxa aan ka nimid isku magaalo oo waxa aan aqiin xilligii gabarnimadeeda maadaama aan saaxiib aheyn qaar ka mid walaalaheed oo aan isla soo kornay .

Khadiija waxa dhalay Maxamed Diiriye Xaashi oo ahaa oday magac leh, xarrago badan oo toosnaan iyo qurux Ilaah u dhaliyay ,dabeecad iyo reer magaalnimana ay u dheereyd. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Dowladda Hoose ee Jowhar. Hooyadeed Aamina Axmed Colow (Aamina Yaake) waxa ay aheyd qof Bulshaawi ah oo saaxiibo badan.

Khadiija in kasta oo ay ku dhalatay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ,waxa ay ku soo barbaartay magaalada Jowhar oo reerkoodu ilaa hadda ay deggan yihiin.

Waxa ay dugsiga Hoose/Dhexe uga baxday dugsigii Burey oo markii dambe loo bixiyay Dugsiga Xasan Dhageey. 1979 markii ay galaaska lixaad ka baxday oo waxbarashada dusgiga dhexe ku ekeyd ayaa waxaa ay gashay Dugsigii Tababarka ee Xalane iyada oo ka mid noqtay Macalimiintii la dhihi jiray Biibiyo.

Waxa ay Bare ka noqtay isla dugsigii ay dhigan jirtay sanado kooban. Khadiija M.Diiriye Allaha u naxariistee maadaama ay aheyd qof aad u firfircoon, waxa ay durbo u wareegtay xafiisyo kala duwan oo maamulka gobolka Sh/dhexe, waxase ay ku raagtay oo ugu waqtiga dheeraa Mashruucii Fidinta Beeraha oo ay la shaqeysay tan iyo burburkii dowladdii Meliteriga.

Khadiija markii ay dagaalada sokeeye bilowdeen waxa uu saldhig u ahaa dhalinyarada reer Jowhar ,xilli ay dalka ka jireen dagaallo sokeeye oo ba,an.

Khadiija Maxamed Diiriye 4 arrimood waa lagu xusuusan doonaa.

  1. In ay aheyd gabadhii ugu waqtiga dheereyd oo Wasiir aan ka dagin waqtiyo kooban maahee 23 sano ee la soo dhaafay tan iyo Dowladii Carta ee 2000. Kartideeda ku xaqiisay in ay tahay Xiddig siyaasaseed oo laga maarmin.
  2. Khadiija waxa ay xaqiijisay in ay ka xorowday liidanaan Soomaalida dhexdeeda oo dadka ay isku beesha ka soo jeedaan lagu riixo oo waxa ay meel iska dhigtay arigtada inferiority complex iyada oo rumeysneyd inaanu jirin qof ka sarreeya shaqsiyadeeda in uu Alle ka cabsi dheer yahay maahee.
  3. Khadiija waxa lagu yaqiin dad isku heyn, gurigeeda waxa uu ahaa Kaam wax laga cuno oo daraasiin dad ah ay isugu yimaadaan waqtiyada cuntada. Qof naxariis badan , waxa ay hooyo u aheyd wiilkeeda Daaha oo lix ku ahaa caruurta 5ta ah ee ay dhashay ,qofkii ka reeba caruurteeda Daaha waa ay u caroon jirtay. Daaha waa wiil yar oo naafa ah oo hooyadii dhashay ay deyrisay dibaddana ku tuurtay.
  4. Khadiija wax hanti ah kama sameysan waqtigaa dheer oo ay siyaasadda ku jirtay . Khadiija dadka reer Jowhhar-ka aad ayay ugu weynaayeen . Hadda ka hor iyadoo i bareysa Madaxweyne C/laahi Yusuf oo ay Wasiir ka aheyd dowladiisa ayaa nin la yiraahdo Xuseen Cali Seylaan oo Madaxweynaha la shaqeynayay uu yiri ninkan waa Wariyaha BBC ,Khadiija ayda inta ay soo boodday ku tiri waa walaakeey iga yar. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Allaha u naxariisto wuxu igu yiri ” Hadii Khadiija aad walaalkeed tahay ,hadda ogow anna wiilkeyga baa tahay”

Ilaaheey dambigeeda ha dhaafo.

Halka arin ee aan geerideeda deg degga ah ay muhiim tahay in ay inna xusuusiso waa in mowdku inanga fogeyn, dadka masuuliyiinta dowladda ah ay ogaadeen in sidaa iyo si ka fudud loo dhimanayo, loona baahan yahay in amaanada dadweynaha loo hayo loo guto si Alle ka cabsi uu ku jiro, dhamaanteenna aan halkaas wad aadi doonno.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu

Daawo: FIRDHIYE oo amar culus soo saaray kadib tallaabadii Isimada SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ka ah ee SSC-Khaatuma oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ka hadlay arrimaha soo kordhay ee ku aadan doorashooyinka maamul goboleedka Puntland.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa ugu horreyntii boggaadiyay tallaabadii ay shalay ay qaadeen Isimada Dhaqanka SSC oo shaaciyay inay ka baxeen Puntland.

Hoggaamiyaha ayaa sii xoojiyay go’aankaasi, wuxuuna soo saaray amar ku socdo dhamaan dadka reer SSC, isaga oo ku dhowaaqay in aysan jiri doonin qof kasoo jeeda deegaankooda oo ka qayb-geli doona doorashada ka dhaceysa maamulka Puntland.

“Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland” ayuu yiri Firdhiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka SSC-Khatuma, ayna tahay in lagu ixtiraamo, maadaama ay dhisteen maamul gaar ah.

“Cid walba waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyaha KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xiriirka labada maamul, wuxuuna sheegay in SSC iyo Puntland uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer iyo walaalnimo, ayna sii adkayn doonaan.

“Shacabka labada Maamul ee Puntland iyo SSC-Khaatumo waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad qotodheer kaas oo aanu markasta xoojin doonno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Arrintan ayaa keentay jahwareer kale oo siyaasadeed, maadaama ay horay Puntland ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

Xaalka Soomaaliya ee maanta iyo xiisadda gobolka oo si weyn looga deyriyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si weyn uga deyriyay xaalka Soomaaliya ee maanta iyo xiisadda ka taagan gobolka iyo guud ahaan dunida.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadkeenii qabiil iyo deegaan ay qoorta iskula jiraan, halka siyaasiyiintiina ay dano yaryar wada eryanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhallinyaradii waxay iska dhaadhiciyeen in ayan wax teri karin, halka aqoon-yahankii, culimadii iyo ganacsatadii ay xaydaabkooda ka soo tilaabi la’yihiin,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dunida ay ku socoto tabartaada ku tasho, haddii aynaan isdaba qabana, nala qaybsan doono ama nala qalan mar kale.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Marinka Baabul Mandab oo 12% ganacsiga adduunka maro ayey Xuutiyuuntu doonayaan in ay xiraan, halka Maraykan iyo xulufadiisa isku soo gaashaan-buuraysanayaan in ay ka hortagaan.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku kala booday heshiis ay ka gaari lahaayeen sida loo maaraynayo Biyaha Wejiga Niilka iyo Biya Xireenka Al-nahda (Renaissance Dam), iyadoo ay Masar sheegtay in ay isdifaacayso.

Itoobiya ayaa qudheeda ku goodiyeysa in ay lama huraan tahay in ay bad hesho, waxkasta oo ay ugu kacdaba.

Labo dagaal oo midkood Bariga Dhexe ka socdo kan kalana Yurub ka aloosan yahayna way taagan yihiin.

Loolaankii awoodaha dunida si xawli ah ayuu ku socda, Maraykan iyo Yurub oo isku dhinac ah, Shiinaha iyo Ruushka oo dhanka kale ah, iyadoo dawladaha miisaanka dhexe lehna isku diyaarinayaan in ay ku gorgortamaan dheelitirka ama dhinac istaagga labada midkood.

Waa laba kala fog xaalka maanta Soomaali ku sugan tahay iyo xiisadda gobolka iyo dunida ka taagan.

Dadkeenii qabiil iyo deegaan ayey qoorta iskula jiraan, siyaasiyiintiina dano yaryar ayey wada eryanayaan, dhallinyaradii waxay iska dhaadhiciyeen in ayan wax teri karin, halka aqoonyahankii, culimadii iyo ganacsatadii ay xaydaabkooda ka soo tilaabi la’yihiin.

Dunida waxay ku socotaa tabartaada ku tasho, haddii aynaan isdaba qaban, waa nala qaybsan ama nala qalan mar kale.

KENYA oo sarkaal sare oo ciidan u xirtay Shabaabnimo

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay soo qabtay sarkaal kamid ah ciidamada dalkaas oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena weerarta dalkaasi.

Sarkaalka lasoo xiray ayaa ka howl-galayay deegaanka Likono ee ismaamulka Mombasa, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Booliskeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.

Warbixino dabagal ah oo lagu sameeyay ninkan ayaa muujinaya inuu jiro tuhun xoogleh oo ku aadan inuu si hoose ula shaqeynaya Al-Shabaab, uuna qorayay dhalinyaro cusub, isaga oo sidoo kale wata shaqadii uu hayay dowladda, maadaama uu yahay sarkaal boolis ah.

Sidoo kale waxaa haatan bilaabatay maxkamadeynta sarkaaalkan oo loo haysto 4 dacwadood oo ay ka mid yihiin la shaqeynta Shabaab iyo inuu colaad ka horinayay gobolka,

Sarkaal lasoo xiray ayaa horay sidaan oo kale gacanta loogu soo dhigay, kadib shaki soo galay, balse waa uu iska bari yeelay, kadibna sidaas ayaa lagu sii daayey.

Laamaha ammaanka Kenya oo kiiskan gacanta ku haya ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaankood ay natiijada las wadaagi doonaan warbaahinta.

Kenya ayaa waxaa inta badan howlgallo culus ka fulisa kooxda Al-Shabaab oo beegsata ciidamada booliska iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla gudaha waddankaasi.

DF oo sheegtay in la dilay 130 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo lagu weeraray Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaacisay khasaaraha Al-Shababa lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, waxayna sheegtay in lagu laayay in ka badan 130 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in laga soo furtay hub kala duwan, lana burburiyo goobo ay gabaadka dhiganayeen muddo aad u dheer.

“Inta ay socdeen howlgalladan waxaa la dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarijta, waxaa laga soo furtay hub, waxaana la burburiyay goobo gabaab u ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda laga saaray dhul ballaaran, sida howdka Shabeelow, waddada muhiimka ah ee Caadley, buurta Yacgoos iyo deegaanka baraag Ismaaciil oo dhammaan ka wada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Glamudug.

Waxaa kale oo la xoreeyay degmada Ceeldheer, magaalada Masagawaa iyo deegaanada hoos yimaada oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale howlgallo kuwaan lamid ah oo jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay howdka Shabeelaha Dhexe iyo Jubbooyinka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa intaas kusii dartay inay sii socon doonaan howlgallada, ujeedkana uu yahay in kooxda Al-Shababa laga xoreeyay guud ahaan dalka.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka difaaca shacabka waxaa ka go’an inay sii labo laabaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta inta ay ka xaqiijinayaan in dalkeena ay ka caribitaan Khawaarijta” ayaa ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Maxaa iska bedelaya saami qeybsiga Puntland kadib ka-bixitaankii SSC-Khaatumo?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo shalay shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa, waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo joogo oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan u tartami doonin xilka madaxweyne ku ixgeenka maamul goboleedka Puntland oo ay horay u lahayd Beesha Dhulbahante, haddana uu ku metalayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah siyaasi kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

Gudoomiyihii hore ee dalladda ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Faysal Axmed Warsame ayaa sheegay in arintan ay saamayn ku yeelanayso doorashada hadda howsheedu ka socoto Puntland, taasna ay keeni doonto in doorashada hadda lagu gali doono 49 mudane oo baarlamaanku noqonayo marka laga reebo kuwa Khaatumo.

Faysal wuxu sheegay in kooramka oo seddex meelood laba marka u buuxsamo la qaban karo doorasho madaxweyne.

Laakinse wuxuu sheegay Faysal in “saamaynta ay arrintan ku yeelanayso doorashada ay tahay dib u dhac ku yimaada doorashada oo laga yaabo in aysan wakhtigeeda ku qabsoomin, iyo khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala mucaaradka iyo dawladda oo ku saabsan sida loo wajahayo go’aanka garaaddada.”

Sidee u ekaanayaa baarlamaanka Puntland?

Sida muuqata waxaa is badal ku imaanayaa tirada xildhibaannada baarlamaanka Puntland ka dib go,aankii Isimmada dhaqanka ee Khaatumo.

Mudanayaaasha baarlamaanka ayaa ah 66 xildhibaan oo ka kooban dhamaan gobollada Puntland hase yeeshee waxay u muuqataa in hadda ay noqonayaan 49 mudane oo kaliya.

Ka sokow in Sool iyo Buuhoodle ay leeyihiin tirada ugu badan ee hal beel ku leedahay baarlamaanka Puntland, waxay haddana sidoo kale leeyihiin gudoomiye xigeenka labaad ee Barlamaanka oo inta badan noqonayey mudane ka soo jeeda degmada Buuhoodle.

Faysal Axmed Warsame gudoomiyihii hore ee dalladda bulshada rayidka ee Puntland ayaa sheegay in ay saamayn ku yeelanayso hanaan dhismeedka Puntland oo lagu heshiiyey 25 sano ka ka hor.

“Waxan is leeyahay waxay ahayd in go’aanka la siiyo waqti dhamaan dhinacyadu uu quseeyo laakin haddana waa muhiim in la ixtiraamo rabitaanka dadka khaatumo go’aanka ay Isimmadoodu ay gaareen” ayuu yiri Faysal.

Saami qaybsiga siyaasadeed ee Puntland

Hanaanka awood qaybsiga ee Punland waa hanaan aan meelna ku caddayn, xitaa dastuurka maamulkaas sida loo qaybsanayo Madaxweynaha, ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hase yeeshee Sool ayaa inta badan hesha Madaxweyne xigeenka, tiro wasiirro ah iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowladda, iyo taliyeyaal ciidan marka la eegana waa tiro aan yarayn.

Sida ku cad go’aanka Isimmada Khaatumo cid iyaga ku matali doonta puntland ayey sheegeen inaysan jirin oo maamul gooni ah ay leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Dallada PUNSA ayaa qaba in haddii dowladu isku daydayo in dadka ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ay sifo sharci ahayn ugu dhigaan Xildhibaano ay keeni karto khatar iyo khilaaf hor leh oo dhinacyda soo kala dhex gala.

Maamulka Puntand ma ka sii shaqayn doonaa SSC?

Puntland ayaa hadda ka kooban 9 gobol sida ku dhigan dastuurka maamulkaasi kuwaasoo kala ah, Mudug, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Cayn, Sool, Karkaar iyo Gardafuu.

Haddii sida Isimmada Khaatumo ay hadda go’aamiyeen u hirgalo qorshaha waxay ka dhigan tahay in maamulka Puntland uusan ka shaqayn karin gobollada hadda ay Khaatumo sheegaynayaan oo ah Sool iyo Cayn.

Faysal Ahmed, gudoomiyihi hore ee Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntlnd ayaa sidan sheegay ‘’Waxay u baahnaan doontaa waqti si ay u kala guuraan Puntland iyo Khaatumo arintaasna waxay ila tahay inay u taallo xukuumadda cusub ee timaada Puntland iyo Maamulka Khaatumo.

Puntland ayaa ah maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ka dhasha Soomaaliya kaas oo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Puntland waxaa iminka laga bilaabay xulista xildhibaannada, maamulkana wax jawaab ah kama bixin go’aanka garaaddada, ayadoo maalmo ay naga xigaan xilligii lagu dhawaaqi lahaa liiska xildhibaannada baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyey xil ka qaadis cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Nasa Cige oo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isku-duwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa qoraalka lagu eryey nuqul ka mid ah ugu mahadceliyey la-taliyihiisii hore wakhtiga uu u soo shaqeeyey dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka, si waafaqsan danaha iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka xilka looga qaaday la-taliyaha.

Qoraalka Villa Somalia laguma shaacin sababta xilka looga qaaday la-taliyaha, kaliya waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday, si loo hor mariyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta badan xilalka kama qaado saaxiibadiisa siyaasadda, waana sababta dad badan ay u daneynayaan inay ogaadaan waxa keenay go’aankaan xil qaadista ah.

Doon gaadiid badan kasoo qaaday Dubai una socotay dekedda Hobyo oo gubatay

0

Hobyo (Caasimada Online) – Dab xooggan oo sababay inay basbeesho ayaa galabta ka kacay Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, taas oo u socotay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Doontaas ay siday badeeco gaadiidka yaryar ee raaxada u badan.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Wasiir Abshir ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan dabka qabsaday Doonta, balse waxaba aysan ka badbaadin hantidii saarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12-kii bishan kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, waxayna u socotay dekadda magaalada Hobyo ee Galmudug.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato, waana la badbaadi waayey oo waxaa gubtay dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirtay bagaash iyo ku dhawaad 100 gaari.

Ganacsato badan oo degta Galmudug ayaa lahaa hantida gubatay, waxayna doonayeen in badeecada iyo gaadiidkaas ay kala soo degaan dekedda Hobyo oo hadda u shaqeysa si ku meel gaar ah.

Dekedda Hobyo ayaa la qorsheynayaa in dhawaan lagu bilaabo dhisme, waxaana dhawaan magaalada isugu tegay oo soo saxiixay madaxweynaha Galmudug iyo ganacsatada deegaanka, si bilowga sanadka cusub loo bilaabo dhismaha.

Shabaab oo weerar culus ku qaaday Daarunicma – Maxaa halkaas ka dhacay galabta?

0

Daarunicma (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay inay Shabaab la wareegaan deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad badan ku soo weeraray Daarunicma, kuwaas oo watay sideed gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku riiqmay.

Ciidan badan ayaa xoogga dalka ka joogay Daarunicma, sidoo kale macawiisleyda deegaanka ayuu ciidan badan ka joogay deegaankaas, kuwaas oo dagaal culus la galay Shabaab-kii weerar ku soo qaaday.

Ciidamada ayaa dib uga gurtay deegaanka, waxaana gudaha u galay Shabaab-kii soo weeraray Daarunicma, balse waxaa la sheegay in galabta gabal-dhicii ay isaga baxeen.

Ciidamada oo isugu tegay duleedka deegaankaas ayaa mar kale dib isku soo abaabulay, si ay deegaanka uga xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la sheegay in hortood ay ka baxeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa Arbushaad, isla markaana ay iska caabiyeen kooxdii soo qaaday duulaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in weerarka ay ku dileen Maleyshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo caawa meydadkoodu ay dhexyaalaan deegaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa beeniyey in degaanka ay la wareegeen Al-Shabaab, iyagoona sheegay in gacanta  ciidanka ay ku jirto Daarulnicma, balse dadka deegaanku waxay Caasimada Online u sheegeen in magaaladaas ay muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab.

 

War cusub oo kasoo kordhay kiiska Cabdi Iley

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa maxkamadda ka hor sheegay in marqaatiyaashii difaacayay ay xireen oo ay garaaceen ciidamada booliiska dalkaas.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay dhageysiga dacwadda mid ka mid ah marqaatiyaasha Cabdi oo horey u laalay eedeymaha loo heysto, balse hadda dib loo bilaabayo.

Waxaa uu sheegay in shan ka mid ah dadkii marqaatiyada u ahaa sadex maalin kadib xabsiga loo taxaabay markii ay maxkamada ka baxeen.

Afar ka mid ah shanta marqaati ee la sheegay in ay booliisku gacanta ku hayaan ayaa la dhaariyay si ay ugu marqaati furaan maxkamadda maalintii Talaadadii, sida uu BBC-da u sheegay qof ku si dhow ula socada kiiska dacwadd ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Bishii Agoosto ee sanadkii hore, ayaa Cabdi Maxamed waxaa lagu amray inuu iska difaaco eedeymaha ka dhanka ah Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya gaar ahaan Qeybta 1-aad ee La-dagaalanka Argagaxisada iyo Dastuurka.

Cabdi Iley oo muddo siddeed sano ah hoggaaminayey Deegaanka Soomaalida ayaa wajahaya dacwad uu xeer ilaaliyuhu u soo bandhigay oo ay ahayd in ay iska difaaco taas oo ah “kacdoon hubeeysan oo uu sameeyay iyo dambi uu ka galay dawladda oo ah in uu hurinayay dagaal sokeeye”.

Si kastaba, Cabdi Maxamed waxa uu horay maxakamadda u keenay ilaa 128 marqaatiyaal ah kuwaas oo difaacayay, kadib markii bishii hore ee November ay bilaabatay dhageysiga marqaatiyaasha, iyadoo ilaa Talaadadii isbuucii hore la dhagaystay 23 marqaati.

55 Al-Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday dhul howd ah oo u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley oo ka tirsan gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka hadlay duqeyntaasi ayaa sheegay in lagu dilay 55 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena la dhaawacay ina ka badan 40 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in la burburiyay saldhigyo ay kooxda ku lahayd halka loo yaqaano Howdka Jeexjeexa oo ah goob ay kasoo abaabuli jirtay weerarada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan lagu gubay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo lasoo wariyay inay goobta ku basbeeleen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guula ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana duqeymahan barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan Mudug.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Al-Shabaab laga saaray deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobollada dhexe, kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanada maamulka Galmudug.

Daawo: SSC-Khaatumo iyo Puntland oo kala baxay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo saaray go’aanno ka dhan ah dowlad goboleedka Puntland oo haatan galeysa doorasho.

Isimada ayaa soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa, waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo joogo oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan u tartami doonin xilka madaxweyne ku ixgeenka maamul goboleedka Puntland oo ay horay u lahayd Beesha Dhulbahante, haddana uu ku metalayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah siyaasi kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

“Qodobka labaad wuxuu yahay in aa la’isku sharrixi karin xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ama madaxweyne u dhashay reer Khaatumo inuusan iska sharixi karin xilligan Puntland” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka ay soo saareen isimada SSC-Khaatumo.

Waxaa kale oo lagu yiri bayqaanka “Guddiga xallinta khilaafaadka waxaa ku jira laba qof oo reer Khaatumo ah waxaan caddeyneynaa inaynan metalin reer Khaatumo, isla markaana waxaa ka codsaneynaa inay is casilaan”.

Ugu dambeyn waxay isimadu baaq u direen Puntland iyo shacabkeeda, iyaga oo u rajeeyay nabad iyo doorasho wanaagsan

“Walaalaha reer Puntland waxaan ugu baaqeynaa nabad-gelyo, wanaag iyo doorasho wanaagsan” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo dacwad culus ka gudbiyay safiirka UK

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda SSC-Khaatuma ayaa dacwad ka gudbiyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, kaas oo ay u jeediyeen eedeymo culus.

Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 10 Mudane, ayaa waxa ay kala yihii:- 1-Senator Cabdullahi Xirsi Timacadde 2-Xildhibaan Sahro Cabdullahi Cigaal 3-Xildhibaan Cabdullahi Xasan Rooble 4-Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir 5-Xildhibaan Cabdullahi Warsame Bidhaan 6-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Kayse 7-Xildhibaan Cabdullahi Ibraahim Warsame 8-Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Cumar 9-Xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed 10-Senator Samiiro Xaaji Maxamed.

Warqadda ay soo saareen oo ku qoran Engelishka ayaa waxa ay socod siiyeen wakiilada kale ee beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xubnaha laga soo doorto SSC-Khaatuma ayaa danjire Michael Nithavrianakis ku eedeeyayinuu faragelin ku hayo arrimaha SSC, uuna kasoo horjeedo rabitaanka dadkeeda.

Mudanayaasha soo saaray qoraalkan cabashada ah waxa ay tilmaameen in safiirku si gaar ah u bartilmaameedsanayo deegaanadooda, uuna taageerayo Somaliland, sidoo kale uu ixtiraami waayey diblumaasiyadda iyo xeerarka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad – oo odhanaya “Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtiraamo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrimaha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu xad-gudub sameeyay, uuna ixtiraami waayay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama SSC ay kamid tahay dowladda dhexe.

In dhowaanahaan ayaa waxaa taagnaa arrintan, kadib markii hoggaanka sare ee SSC uu eedeeyay dowladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay aaminsan tahay in aan wax maamul kale ah laga samayn karin xaduudkii ay iyadu horay u jeexday, xilligii gumeystaha.

 

Gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab oo duqeyn culus lagu burburiyay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen qaybo kamid ah koonfurta gobolkaasi oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in diyaaradaha ay ka gaysteen howdka u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley ee koonfurta gobolka Mudug.

Warararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta oo dhacday saaka aroortii hore lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab, kuna diyaarinayeen qaraxyo.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu buruburiyay saldhigyo waa weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

“Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaiyay “Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabab”.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lala eegtay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen xubnaha Al-Shabaab, kuwaas oo isla  goobta ku basbeelay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaas ee ay guula ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana duqeymahan barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan Mudug.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Al-Shabaab laga saaray deegaano iyo degmooyin ku yaalla gobollada dhexe, kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanada maamulka Galmudug.

Weerar loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorey oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Seybiyaano ayaa waxaa gaystay nin ku hubeysnaa Mindi ama Toorey oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Ninka ayaa la sheegay inuu ku qaylinayay Allaahu Akbar, kadibna uu beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla halkaasi, waxaana ka dhashay dhaawaca hal askari.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in isna la toogtay ninka weerarka gaystay, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Dhaawac ninka ayaa sidoo kale la geeyay isbitaalka, waxaana hay’adaha amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi.

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya toogashada ninkan, isla markaana ay ku hareereysan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shababa, isla markaana uu weerarka sidaas ku qaaday, balse laamaha amniga ayaa ku haya baaris.

Nooca weerarkan ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho waxaana badanaa weerarada lagu qaado ciidamada ay ahaayeen kuwa toos ah ama qaraxyo, sida horay u dhici jirtay.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay maalmihii u dambeeyay daganeyd xaaladda Muqdisho oo shaqo fiican laga qabtay marka loo eego sidii hore.

Villa Somalia oo shaacisay in Shabaab lasoo afjarayo bisha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in kooxda Al-Shabaab lagu soo afjari doono laba bil gudahood, loogana xoreyn doono dalka. 

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay, in illaa iyo bisha Febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda Al-Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo HirShabeelle. 

La-taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u billowday, kadib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen. 

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda. 

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisiii koobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor bisha February ee 2024,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka. 

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda Alshabaab. 

La-taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.

Kooxaha burcadbadeeda oo markab labaad ku afduubtay xeebaha Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga  leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego.

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

Xog: Sida loo hareereeyey markabka weyn ee xeebaha PUNTLAND lagu haysto

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida uu sheegay Wasiirka Dakadaha Gaadiidka Badda iyo ka hortaga Dambiyada Baddaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax waxaa wali deegaannada xeebaha ee bariga Puntland ku afduuban muddo todobaad ah Markab nooca qaada shixnaha ganacsi oo ay haystaan burcad baddeed Soomaali ah.

Markabka oo lagu magaaco Ruen, lagana leeyahay dalka Bulgaria ayaa ku sugnaa biyaha badda cas markii kooxda burcad badeedka Soomaalida ay afduubayeen, kuwaas oo dhanka xeebaha Puntland la soo aaday markabka.

Sida ka muuqata sawirro sattelite-ka oo ay Puntland la wadaageen ciidamada ku sugan biyaha caalamiga ee Soomaaliya ayaa muujinaya halka uu hadda ku sugan yahay markabka.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in markabka uu hadda ka hareeraysan yahay badda iyo barrigaba, ayna dhanka badda ka joogaan saddex Markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada caalamiga, halka barrigana ay ciidamada badda ee Puntland (PMPF) ay ka go’doomiyeen oo ay ka jareen xirirka dhanka dhulka ah.

Markabka ayaa hadda ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo sida wasiir Saalax sheegay uu baroosinka dhigtay oo taagan yahay labadii maalmood ee ugu danbaysay ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay samaynayey.

Tiradda burcada badeedda markabka afduubtay

Ragga burcad baddeeda ah ee iminka afduubka ku haysta markabka Ruena ayaa dhan 16 qof, kuwaas oo toddobaadyo ka hor doon kaluulmaysi oo laga leeyahay Iran ka afduubay xeebaha bari ee Puntland kuna soo qafaashay markabkan oo marayey biyaha caalamiga ee badda cas.

Intii ay ku jireen howlagalka afduubka raga burcad badeedda ah waxaa dhaawac soo gaaray mid ka mida shaqaalaha saaran markabka oo wadar ahaan dhan 18 shaqaale ah, sida uu sheegay wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yaasiin.

“Ninka dhaawaca gaaray waa madaxii Injineerrada markabka, kaas oo dhaawac uu gaaray markii ragga burcad baddeedda ah ay korayeen markabka, shirkadda iska leh markabka ayaa xiriir ay la samaysay waxay u sheegeen dhaawaca ninka gaaray, ka dibna waxay ogolaadeen in dhaawaca laga soo dajiyo markabka si loo daweeyo, markii hore waxaan doonaynay in xeebta Xaafuun oo markabku mareyey laga soo qaado dhaawaca laakiin markii danbe waxay ogolaadeen in doon yar oo ka tagtay Markab dagaal oo Spanish ah soo qaaddo ninka dhaawaca ah, waxaana hadda lagu dabiibayaa markabka Spain ee badda ku sugan,” ayuu yiri wasiir Saalax.

Shaqaalaha saaran markabka ayaa kala ah 8 u dhashay dalka Bulgaria, 9 u dhashay Myanmar iyo hal ka soo jeeda dalka Angola.

Maxay tahay talaabada la qaadayo

Axmed Yaasiin ayaa sheegay in hadda qorshuhu yahay sidii loo soo furan lahaa markabka iyo shaqaalaha saaran ee gacanta ugu jira burcad baddeeda.

“Puntland waxaa ka go’an inay qaaddo howlgal lagu soo furanayo markabkan iyo shaqaalaha saaran, ayadoo dhanaka kalena talaabo looga qaadayo kuwa afduubtay, marka aan dhamayno qorshaynteena ayaan qaadaynaa talabadaas, waana ku filannahay inaa qaadno howlgalkaas,” ayuu intaa ku daray wasiir Axmed.

Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay in sidoo kale ciidamada amaanka ee Puntland ay ku daba jiraan cid walba oo xiriir dhanka dhulka la samaysay ragga burcadda ah ee markabka saaran, ayna tallaabo ka qaadayaan.

Xeebaha u dhow Puntland, gaar ahaan dhanka xeebaha bari ee badweynta hindiya iyo badda cas waxaa ka dhacay weeraro ay gaysteen kooxo burcad baddeed ah oo afduubyo gaystay kuwaas oo ay ka mid ahayd doon u rarnayd ganacsto Soomaali ah oo rag burcad baddeed ahi ay ka afduubeen deegaan xeebeedka degmada Eyl.

Isha: BBC

Sawirro: Guuleed oo wasiiro iyo xildhibaano kula kulmay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna haatan ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wada hadallada DFS iyo Somaliland ayaa kulamo ka bilaabay magaalada caasimad ah ee Dhuusamareeb.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay shir gaar ah la yeeshay wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug, isaga oo la sameeyay wada-tashi gaar ah, sida uu shaaciyay xafiiskiisa.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kulankaas intiisa badan looga hadlay dib u bilaabiddda wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jira.

“Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa  xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka GALMUDUG, kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga.

Mr. Guuleed oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyay sooyaalka wada hadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed.

Intaas  kadib waxa uu xubnaha uu la kulmay ka dhageystay firadahooda iyo doodaha ku xeeran arrintan, iyaga oo ergeyga la wadaagay tallooyin wax tar u leh wada hadallada.

Kulamadaan ayaa bud-dhig u ah in lahelo aragti mideysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergey Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa horay ula kulmay madxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay ka wada hadleen arrimo ku aadan sidii loo sameyn lahaa wadatashiyo ku aadan sii amba qaadida wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo kasoo sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.