26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Sawirro: Soomaaliya oo si rasmi ah maanta ugu biirtay Midowga Ururada (OACPS)

0

Brussels (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay waddamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhex-mara xubnaha ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub (EU).

Munaasabad ka dhacday xarunta ururka Africa ee Brussels ayaa waxaa heshiiskaasi ku saxiixay Danjiraha Soomaaliya ee dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde).

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa waxay isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul insaanka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Heshiiskan ayaa waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ku dhowaad $5 bilyan laga cafiyay.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.



Mareykanka oo billaabay barnaamij fududeynaya keenista qaxooti cusub

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ee uu hadda madaxda ka yahay Joe Biden ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka.

Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale fursad u heysta in keenista dadka qaxootiga ay ku lug yeeshaan qof kasta, kooxaha diinta iyo ururada bulshada qaarkood.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah hindisaha loogu magac-daray Welcome Corps, ayaa u ogolaanaya koox ka kooban shan ama in ka badan oo muwaadiniin Mareykan ah ama dadka heysta deganaashaha joogtada ah, in ay codsan karaan qof ama qoys si ay mas’uul uga noqdaan keenitaankooda gudaha Mareykanka.

Kooxdan shanta ah ayaa ku guuleysan kara keenitaanka dadka ay rabaan haddii ay shakhsiyaadka la keenayo buuxiyaan shuruudaha laga rabo isla markaana ay ku gudbaan baaritaannada dhanka amniga, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dadka la filayo in barnaamijkaan ay ka qeybgalaan ayaa waxaa ka mid ah qoysaska iyo qaraabada qaxootiga, kooxaha diinta, ururada u dooda dadka isku jinsiga ah iyo halyeeyada u soo dagaallamay Mareykanka.

Sarah Cross, oo ah ku xigeenka kaaliyaha xogheynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wareysi ay siisay Reuters ku sheegtay, in muwaadiniinta Mareykanka ay doonayaan in ay caawiyaan qaxootiga isla markaana kafaalo-qaadka uu sidaasi ku fududaa doono.

Marki hore, inta badan qaxootiga soo galayo Mareykanka ayaa waxaa Mareykanka u soo gudbi jiray Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Joe Biden, oo dimoqraadi ah ayaa hadda xusul-duub ugu jira sidi uu mar kale ugu guuleysan lahaa jagada madaxweynaha, marka la gaaro doorashada soo socota ee 2024.

Sidaasi daraadeed ayaa waxa uu dhaqaajiyay, barnaamijyo dhowr ah oo qaxootiga u ogolaanaya in ay Mareykanka ku soo galaan hab shari ah. Maamulka Biden ayaa isaga oo barnaamijkan u sii maraya tiigsanaya in sannadka 2024-ka uu keeno ilaa 10,000 oo qaxooti ah. Guud ahaan sannadkaas ayaa qorshuhu uu yahay in la keeno qaxooti dhan 125,000.

VOA + Reuters

Dowladda oo shaacisay in la dilay Macallin Ayman

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeyn 17-kii bishan December ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, taasi oo la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogg Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheegay in duqeynta Jilib lagu dilay horjooge Khaliif Daa’uud oo Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Taliayaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in in 17-kii bishan duqeynta Degmada Jilib ka dhacdayn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macallin Ayman.

Macallin Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro ka dhacay gudaha dalka Kenya, oo lala beegsaday saldhiggii Mareykanka ee Manda-Bay iyo ciidamda Kenya, iyo weerarro badan oo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed.

Macallin Ayman ayaa waxaa xayiraad saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jaysh-Ayman’ oo ah guuto Al-Shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa abaal marin lacageed madaxiisa saaray Macallin Ayman, iyadoo loo daba joogay weerarkii Manda-Bay oo askar Mareykan ah iyo Qandaraaslayaal lagu dilay.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay inuu qaaday duqeyn cirka ahoo 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, kaasoo aanay magacaabin, balse aanu jirin wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo dhiggiisa Jabuuti?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan gara ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Kulankan ayaa waxaa labada ra’iisul wasaare ku wehlinayo wasiiro ka kala tirsan xukuumadaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyaguna yeeshay kulamo doceeyo.

Qoraal kooban kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu faahfaahiyay kulankaas iyo waxyaabaha ay uga wada-hadleen labada dhinac.

“Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah Ee Soomaaliya iyo Jabuuti” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirarkiisa sii wada ayaa xalay la kulmay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada ayaa ra’iisul wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ee ay ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenna.

Ugu dambeyn Xamza Cabdi Barre ayaa  sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u tegay u furitaanka madasha Heritage, kaas oo uu shalay ka daah-furay dalkaasi, isaga oo khudbad ka jeediyay ku sheegay in nabaddu ay fure u tahay albaabada naga xiran ee horumar la taaban karo kaga gaari karno dhinacyada amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda.

Ciidanka xoogga dalka oo bur-buriyay fariisimo Al-Shabaab ku laheyd howdka

0

Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen duleedka degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa qaaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid Binu Waliid, kuwaas oo isku fidiyay dhulka howdka ah ee kala qaybiya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in goobayha la burburiyay ay isku uruursanayeen xubnaha kooxda, isla markaana laga hortagay dhagar ay kasoo maleegayeen halkaasi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay guulaysteen, isla markaana ay u dhaceen sida ay qorsheeyeen, ayna sii wadi doonaan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Aagga Ruun-Nirgood ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Bangiga Adduunka oo wafdi culus usoo diray Muqdisho kadib dayn-cafinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray wafdi culus oo ka socda Bangiga Adduunka.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo ay kamid yihiin wasiiru-owlaha wasaaradda maaaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Suleymaan Sh Cumar.

Wafdigaan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Ngaruko oo ah agaasimaha fulinta xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 dal oo Afrika ah, Soomaaliya-na ay ka mid tahay, ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Dr. Ngaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta ganacsiga, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.

Sidoo kale Dr. Floribert Ngaruko ayaa kulan gaar ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula qaatay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cigae iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay qorshayaasha dpwladda iyo fursadaha maal-galineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya, maadaama dowladdu ay ku guuleysatay hannaankii deyn cafinta.

Dhinaca kale, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa isna xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Agaasimaha ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13-ka bishaan December ee aynu ku jirno.

Mudane Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Sidoo kale waxa uu xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda Dan-Qaran ee isku filnaansho dhaqaale.

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaasi ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Muxuu yahay qorshaha saraakiisha ka socda Jabuuti iyo Itoobiya ee Muqdisho yimid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka socota booliska dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta soo saaray Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan 80-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan sanadkii 1943-kii.

Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray maanta duhurkii, halka taliye ku xigeenka ciidanka booliska dalka Itoobiya uu Muqdisho yimid galabta, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey saraakiil Soomaaliyeed oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Cismaan Kaniif uu horkacayo.

Saraakiisha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka munaasabadda weyn ee sanad guurada ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan berri 20-ka December.

“Maanta uma heysto in aan imid dalka kale, Soomaaliya waa dalkeyga, waxaa iigu dambeysay 1987-kii aadbaan ugu faraxsanahay soo kabashada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhankiisa, Taliye Xigeenka Boliiska Itoobiya Mr. Musfin Abebe Badeye oo isna warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay iskaashiga dhamaan hay’adaha Amaanka Gobolka, si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida Geeska Afrika.

Taliye Kaniif ayaa soo dhaweyntii labada Taliye ka sheegay in booliska Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii ay iskaashi buuxa ula sameysa lahaayeen booliska wadamada deriska ah oo Jabuuti iyo Kenya ay ugu horeeyaan.

“Booliska Jabuuti iyo kan Soomaaliya waa iskugu kaana mid, waqti aad u fog ayaa igu dambeysay Soomaaliya, sharaf ayey ii tahay in maanta aan Muqdisho ka soo dhaadhaco, markaan soo baxayey saraakiil badan oo ka tirsan booliska Jabuuti ayaa iga codsaday inaan Muqdisho keeno, laakiin waxaa ii saamixi weysay duruufta,” ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Taliyaha ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha booliska Jabuuti wuxuu sheegay in taageerada ay siinayaan Soomaaliya ay tahay abaal ay horay ugu gashay Soomaaliya dalkooda, Jabuuti idinka ayaa cagaha u taagay, abaalka dadka Soomaaliyeed ma gudi karno.”

Qorshaha ay saraakiishaan ka kala socota Jabuuti iyo Itoobiya ay Muqdisho u yimaadeen ayaa ah inay ka qeyb galaan munaasabad weyn oo berri ka dhaceysa Muqdisho, taas oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ugu dabaal-degayaan sanad-guuradioda 80-aad, boolisku waa hey’adda ugu faca-weyn dowladda Soomaaliya.

 

Somaliland oo shaacisay inay qabatay hub loo waday…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo maanta hadal siiyay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamooda badda ay gacanta kusoo dhigeen hub fara badan oo loo waday burcad-badeeda.

Kaahin ayaa sheegay inay u maleynayaan in hubkaas la doonayay in lagaga howl-galo xeebaha Somaliland, ayna leeyihiin kooxaha burcad-badeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankeennu waxa uu ku dadaalaa xeebaheenna inta masuuliyadeennu tahay in uu ilaaliyo hub fara badana waa la qabtay, laashash loogu talay in Xeebaha Somaliland lagaga hawl-galo oo laba ahna waala qabtay, oo loo malaynayo in dadka loo soo dhiibay ay yihiin budhcad badeed ama argagixiso,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu wasiirku ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay Badda Cas, gaar ahaan weerarada burcad-badeedda oo maalmihii lasoo dhaafay la dareemay.

Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay qaybteeda ka qaadanayso ilaalinta xeebaha  oo baryahan  ay ka dhaceen falal amni daro oo la xiriira budhcad badeednimo.

Maxamed Axmed Kaahin ayaa xusay in arrintan ay Somaliland kala macaamili doono caalamka, isaga oo tilmaamay  in laga soo gudbay xiligii ay dowlada Soomaaliya sheegan jirtay xuduudaha iyo xeebaha Somaliland, sida u hadalka u dhigay.

“Somaliland waxa ay leedahay xeeb dherarkeedu yahay 850 kilo mitir, mana oglin wax dhaqdhaqaaqa oo xeebteeda laga fuliyo ilaa nalala soo xidhiidho” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo kooxaha burcad-badeeda Soomaaliya ay mar kale dib usoo cusboonaaday, kuwaas oo maalmo kahor meel u dhow xeebaha Boosaaso ee gobolka Bari ku afduubtay markab oo uu ka dul babanayay calanka Malta.

Hadalkii cajiibka ee Xamza oo ugu dambeyn rumoobay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xamza Cabdi Barre inkasta oo uu ku cusub yahay miisaanka sare ee siyaasadda Soomaaliya, haddana dhinaca kale wuxuu ahaa siyaasigii koowaad ee madaxda sare ee dalka ka tirsan oo durba sheega sida uu u diidan yahay inuu subax walba albaabkiisa ku arko askari ajnabi ah oo aan Muslim aheyn oo ka ilaalinaya dad Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxa uu sii daayay hadal ay ajnabiga Soomaaliya jooga aad u dhibsadeen xilli uu maalmo kooban joogat xafiiska bishii Juun 2022.

Xamza ayaa markaas sheegay in aysan qaban Soomaalida in ay aqbalaan in Madaxtooyadda ilaaliyaan gabar Afrikaan ah oo Muslim aheyn, ayna ka waardiyeyso dad Soomaali ah.

“In aan aqbalo in meesha hadda ka imid ee deganahay ee Madaxtooyada in ay gabar Afrikaan ah oo miskiin ah oo Muslim aheyn oo Salaad iyo Diin Ilaahay aan shaqo ku laheyn inay i waardiyeyso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Ha lagu badbaadiye haddii ay cid kale ka badbaadinayaan macquul ayay ahaan laheyd laakiin in walaalka laga badbaadiyo wax la qaadan karo ma ahan. Weli caqligeena wuu gedisan yahay suurta-gal ma ahan.”

Inkasta oo dad badan ay dureen doodda Xamza, haddana waxaa dhinaca kale dadka qaarkii u muuqday inuu damiir hadlay uuna u socday dhinac loo baahan yahay oo ahaa in ciidan Soomaaliyeed loo dhiibo amaanadda xafiisyada sare ee dalka iyo amniga madaxda.

Hal sano iyo dhowr billood kadib hadalkii Xamza ayaa dhab noqday, xalay ra’iisul wasaaraha wuxuu ku hoyday gurigiisa isaga oo uusan ilaalineyn askari ajnabi, xafiiskiisana waa laga hor wareejiyay gabadhii ajnabiga aheyd ee uu diiday inuu ku qanco inay ilaaliso oo ay Soomaali kale ka ilaaliso.

Amniga xafiiska madaxweynaha, midka ra’iisul wasaaraha iyo kan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa 16 sano kadib waxaa Axadii si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada loo yaqaano 77.

Waxay arrintaasi qeyb ka tahay bixitaanka guud ee ciidanka Midowga Afrika oo Soomaaliya joogay lix iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Xamza hadda waa Soomaali u shaqeynaya Soomaaliya, ayna ilaalinayaan ciidan Soomaaliyeed oo malaha ka nasiib badan ra’iisul wasaarayaal badan oo xilka uga horreeyay oo aan fursadaan kale helin, waxaana cajiib aheyn inuu diidmadiisa ajnabiga soo hormarsaday.

Faah-faahinta hoobiyeyaal lala beegsaday Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka dhacay koonfurta gobolkaasi.

Howlgalladan ayaa waxa barbar socday hoobiyeyaal ay ciidamada huwanta ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Caad ee Mudug.

Ilo dadka deegaanka ayaa innoo sheegay innoo sheegay in madaafiicdaas oo aad kuwa xoogan khasaare uu kasoo gaaray kooxda Al-Shabaab, ayna ka carareen halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inta ay baxsad ku jireen xubnaha Al-Shabaab uu la rogmaday gaari, isla markaana uu halkaasi kasoo gaaray khasaare kale oo xoogan.

Deegaanada ay ka baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxaana la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, isla markaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Sidee ayaa looga falceliyay heshiiska madaxda Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa xalay heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Saddexda mas’uul ayaa si wadajir ah u qaabilay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada oo uu dhowaan magacaabay Saciid Deni, waxayna isku raaciyeen in sidiisa loo daayo, si loo guda galo xulista xildhibaanada cusub iyo arrimaha kale ee doorashada.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraacii uu ku yimid Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December.

Haddaba sidee looga falceliyay heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda Puntland?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay xalka laga gaaray doorashada, ayaga oo soo dhoweeyay heshiiska madaxda Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdirashiid Gurxan oo kamid ah dadka ka hadlay heshiiskan ayaa soo dhoweeyay wuxuuna yiri “Waa arrin la wada sugayay saan camal inay dhacdo”.

Jibriil Cabdullaahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Awalba waxiina filim annaga noo jileysaan ayey ahaayeen”.

Cabdulqaadir Cali ayaa isuguna yiri “Masha Allah dalku doorasha xasiloon buu u jihaystay. Xadaarad!”.

Seynab Maxamed Cali oo kamid ah gabdhaha ka falceliyay xalka la gaaray ayaa tiri “Biyo meel godan bay isugu yimaadaan”.

Maxamed Cabdi ayaa ku jawaabay “Heshiis waa wax wanaagsan, waana ku mahadsan tihiin in khilaafkii halkaas kusoo dhamaaday, deegaankuna doorasho laysla ogol yahay u jihaystay”.

Garaad Xirsi ayaa dhankiisa yiri “Abwaanka markii hool kii laga soo qufushay miyuu wadahadal door-biday?”

Xaawo Deggan ayaa iyaduna tiri “Maasha allah guul iyo gobonimo Alle hanoo daayo madaxdeenna”.

 

 

 

Shiinaha oo noqday dalkii u horreeyay ee ka jawaaba dhaqaale la’aanta SODMA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynka Musiibooyinka  (SODMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lacag dhan 1,000,000 oo dollar kala wareegay dowladda Shiinaha, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

SODMA ayaa horey u shaacisay in ay soo food-saartay dhaqaale la’aan xooggan, islamarkaan aysan hayn lacagtii ay u isticmaali laheyd daabulida gargaarka, si loo gaarsiiyo dadka gurmadka u baahan.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu dhawaan yiri agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA.

Haddaba, Deeqdan lacagta ah ayaa waxaa maanta Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka toos ugu wareejiyey safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Mudane SaH.E Fei Shengchao.

Lacagtani ayaa waxaa loogu talagalay gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño, sida uu sheegay Guddoomiye Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu in sheegay in deeqdaan lacageed ay dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu daabulo raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

“Safiirka Shiinaha oo noogu yimid xarunta SoDMA wuxuu na guddoonsiiyay lacag gaareyso hal milyan oo dollar oo loogu talagalay arrimaha fatahaadaha ee Elnino ay sababtay, taas oo ku bixi doonto raashin ay iyaga soo wadaan” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda, maadaama ay garab istaageen dadka dhibaateysan.

“Waxaan runtii aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda garab istaagga aan markii koowaad ahayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Dowladda Shiinaha waxay uga duwan tahay dowladaha kale, iyadu toos ayay u caawisaa dadka Soomaaliyeed waxooda waxay toos u taabtaan dadka”.

Shiinaha ayaa horay deeq lacageed oo gargaar ah ugu deeqay dowladda federaalka, taas oo wax looga qabtay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubbaland.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo daadad is wata oo ku dhuftay qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Mid ka mid ah musharaxiinta maamulka PUNTLAND oo ku geeriyooday shil gaari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho, kaasi oo uu ku geeriyooday mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland.

Suldaan Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Afguduud) oo kamid ahaa siyaasiyiinta u sharaxnaa xilka madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday shilkaasi gaari.

Laamaha ammaanka maamulka ayaa xaqiijiyay geerida musharaxa, ayada oo la sheegay in gaari uu la socday oo ahaa Land Cruiser oo xawaare saa’id ah ku socday uu kula rogmaday  deegaanka Qayaadsame ee gobolka Bari.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaasi oo looga diyaar garoobayay soo dhawayn in loogu sameeyo.

Allaha u naxariiste, marxuumka ayaa maalmo kahor kasoo dagay magaalada Boosaaso, halkaasi oo uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suldaan Afguduud ayaa markaas sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa, balse waxaa kasoo hormartay qadarta rabbi.

Markii laga tago inuu ahaa musharax madaxweyne, sidoo kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay dhismihii maamulka Puntland.

Goorma ayey ciidamada ATMIS faarujinayaan dekeda iyo garoonka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay noqon doonaan goobaha u dambeeya ee ciidanka ATMIS ay ka bixi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda CabduLqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ayaa shaaciyay arrintaan, isaga oo sheegay in qorshaha bixitaanka uu u socdo sidii loogu tala-galay.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku jiraan kuwa ugu muhiimsan ee ATMIS ay ciidankeennu kala wareegayaan, ayna yihiin qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askarta shisheeye.

“Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qeybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan. Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in goob walba oo dalka kamid ah dowladda Soomaaliya iyo ciidankeeda ay ku filnaadaan weeyi,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mr Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka ATMIS gebi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka cusub ee bilaabanaya ee 2024-ka, ayna kahor si tartiib-tartiib ah ciidamada Soomaalida ay ula wareegayaan goobaha ay ka baxaan kuwa howl-galka Midowga Afrika.

“Goob walba oo laga baxayo waa muhiim, dhulkeena Soomaaliyeed meelba meeshii kale waa ka muhiimsan yahay. Meel walba oo ATMIS ku harsan tahay waxaa la wareegi doona ciidamada Soomaaliya.”

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalmo kahor ciidanka ATMIS kala wareegay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, taasi oo ay maanta amnigeeda sugayaan ciidamada Soomaalida kadib 16 sano oo ay gacanta ku hayeen ciidamada shisheeye.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howl-galka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd, taasi oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso

Mareykanka oo war culus ka soo saaray howlgal uu ka fuliyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga warbixiyey duqeyn cirka ah, 17-kii Bishan December fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalkaas.

Duqeyntaas ayaa lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dhacday meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, waxaa weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee degmadaas ku sugnaa.

AFRICOM waxay intaas ku sii dareen in duqeyntaas aysan wax khasaare ah oo kale uusan ka soo gaarin dad shacab ah.

Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykannka.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo awooda kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan degmada Jilib, waxayna sheegaan inay tahay caasimadda kooxda, maadaama uu gacanta ugu wadajiro gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay warbixin uga soo saartay duqeyntaan, waxayna shaacisay geerida sarkaal weyn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kale dowladda ayaa warbixinteeda horay ugu cadeysay in diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen duqeyntaas.

Natiijo rasmi ah oo laga soo saaray baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka Xasan

0

Istanbul (Caasimada Online) – Baaritaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xasan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa.

Darawalkii mootada Yunus Emre Göçer, oo ku dhintay shilka, ayaa sidoo kale natiijada lagu shegay in uu lahaa khadka labada.

Waxa la sheegay in Göçer uu sameeyay khaladka ah in uusan si fiican u fiirin muraayadda gadaale ee laga fiiriyo baabuurta kaa dambeeysa, isla markaan uu leexday dhanka midig yareeyna xawaare sare oo uu ku socday taas oo keentay in shilku dhaco.

Warkii ay hore dowladda Turkiga uga soo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa dhowaan sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya .

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud .

Ka dib dhimashadii Göcer 6-dii Disembar goobta shilku uu dhacay waxaa loo diray guddi khabiirro ciidanka taraafikada ee wadooyinka ah.

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin Khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin.

Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlayay wakaaladaha ayaa yiri: “Darawalkii gaariga, oo boqolkiiba 100 khaladka lahaa waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay walaac ka qabaan in eedaysanaha uu soo laabto ama lasoo qabto maddaama hadda arrinta ay kasoo wareegtay toddobaad oo aan wax tallaabo ah la qaadan.

Wasiirka caddaaladda Turkiga waxa uu sheegay in baaritanka arrinta ku saabsan uu sii socon doono isla markaana qof kasta uu sharciga u hoggaansami doono.

Isha: BBC

Sawirro: Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaano cusub iyo howlgal culus oo socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo saaka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka ka fuliyeen gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka waxay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ah Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli uu socdo howl-galka, islmarkaana Shabaab-ka lagu baacsanayo dhulka howdka ah.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.

DF oo eedeymo yaab leh ku soo oogtay gabar caan ka ah baraha bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay la hor geeyey gabar caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, taas oo lagu magacaabo Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa caan ku ah magaca Bishaaro Balaayo, waxaana loo heystaa muuqaalo anshax-xumo ah oo barteeda TikTok ay ku baahisay.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaran oo war ka soo saaray kiiska gabadhaas ayaa shaaciyey in maanta la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.”

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Go’aankaan waxaa la sheegay inay wada qaateen hey’adaha garsoorka iyo wasaaradda diinta, waxaana la beegsanayaa xubnaha baahiya muuqaalada anshaxa ka hor imaanaya, iyadoo laga bilaabay Bishaaro Idiris.

Gabadhaan ayaa lagu maxkamadeyn doonaa eedeymaha loo heysto, wuxuuna kiiskeedu noqonayaa mid ku cusub maxkamadaha dalka, dad badan ayaa dowladda uga mahadceliyey go’aankaan lagu dhowrayo dhaqanka.

Dowladda Mareykanka oo wajahaysa cadaadis weyn oo la xiriira Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa waxaa lagu cadaadinaya in uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee uu ka geysto gudaha Soomaaliya, kadib kororka khasaaraha rayidka ah.

In ka badan 20 hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga kamid ah ayaa ka dalbaday wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibanayaasha duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka in ay il gaar ah ku eegto codsiyada qoysaska ehelladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Maraykanka uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hay’addahan xuseen in saraakiisha Mareykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Mareykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa waxaa lagu muujiyay kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Kiisaskan ayaa ka kooban dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Warqadda ayaa muujineysa dhibanayaal ay kamid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4-jir ahayd, kaddib markii bishii April ee 2018-kii uu Mareykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel-buur.

Luul walaalkeed Abuubakar Daahir ayaa sheegay in dhibanayaasha qoyskiisu ahaayeen dad rayid ah, haddana milatariga Mareykanka aysan weli reerkiisa siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan .

“In ka badan 5 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ay dhacday duqayntaas, laakiin ma aanan awoodin inaan helno cadaalad. Mareykanku xitaa ma uusan aqoonsan jiritaankeenna,” ayuu Abuubakar Daahir ku yiri warbixin wargeyska The Continent.

Sidoo kale waxaa lagu xusay warqadda in wasaaradda difaaca ay gacanta ku hayso saddex milyan oo doollar oo maaliyad sannadle ah oo uu bixiyo Koongareeska Mareykanka.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu tal-galay si loogu abaal-mariyo dhibbanayaasha rayidka ah iyo kuwa ka badbaaday howl-gallada Mareykanka.

Pentagon-ka ayaa sannadkii hore shaaciyay qorshe howleedka ka-hortagga iyo ka-jawaabista dhibaatada rayidka, oo ay ku jiraan ballan-qaadyo lagu horumarinayo maaraynta xogta iyo kor u qaadida awoodda milatari, balse taasi waxba kama tarin waxyeellada rayidka ee ay geystaan weerarrada Mareykanka.

Si kastaba, Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar uu galaafta nolosha rayid badan oo Soomaali ah, iyada oo weli maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero la-dagaalanka argagaxisada.

Huruuse ma waxaa wadata Villa Somalia oo dhiseysa mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa shalay ku dhowaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Huruuse ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Puntland ayaa aadeysa doorasho guud. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markale u tartamaya xukunka, siyaasiyiinta uu aadka uga didsaneyn ayuu kamid yahay Huruuse.

Inkasta oo ay jiraan dad Huruuse ku xiraya dowladda dhexe, haddana waxaa jira xogo sheegaya in ra’iisul wasaare Xamza iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ay mar hore kaarkooda Puntland saarteen musharax kale, taas oo Abshir Huruuse ka dhigeysa nin isagu garabka isku sida.

Laakiin weli booska madaxweyne Xasan Sheekh ma cadda.

Doorashadii Puntland ee 2019-kii madaxda dowladda federaalka ah ee xilligaa xilka hayay ayaa hal musharax kaarkooda saartay, kaasi oo ku haray wareegii koowaad ee doorashada.

Balse hadda waxaa loo badinaya inay Villa Somalia cilaaqaad wanaagsan la leedahay inta badan musharaxiinta raadineysa kursiga madaxtinimada Puntland.

Waxaa jira dad aaminsan in Huruuse u wacnaan laheyn inuu booskiisa arrimaha dibadda uu sii joogo oo uu u dhakado kursiga ra’iisul wasaaraha, maadaama xilli walba wax isbeddeli karaan, haddana sida muuqata waxa uu dookhday inuu tijaabiyo calaf siyaasadeedkiisa.

Ninkan ayaa dhinaca kale ka tirsan urur siyaasadeedka Puntland ka dhisan ee la yiraahdo Mideeye, kaasi oo uu hoggaamiyo Asad Diyaano. Ururku laba musharax ma wada dhisi karo, tarahana waxaa markaan laga leeyahay Garoowe oo uu Abshir kasoo jeedo mana hayno illaa iyo hadda war sheegaya in ururka Mideeye ay ku qanceen inay dhistaan Huruuse oo ay xoogeeda iskugu geeyaan musharaxaas.

Fursada Abshir Huruuse aad uma xoog badna xilligaan, laakiin doorashada Puntland maadaama ay Xildhibaannada aad u kooban yihiin wax walba ayaa macquul ka ah.

Huruuse waa mid kamid ah xubnaha ugu jeebka buuran dadka raadinaya kursiga madaxtinimada Puntland.

Xiriirka kala dhaxeeya kooxda Saciid Deni oo aan xumeyn, taraha ay Puntland ku dhaqmeyso waqtiga fog oo markaan maraya reerkiisa, saaxiibadiisa Mideeye iyo diiwaankiisa shaqo ee dowladda federaalka ah ayaa Huruuse ka dhigaya mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Puntland ee mudan in laga waramo.