26.1 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Khilaafkii doorashooyinka PUNTLAND oo heshiis laga gaaray (Aqriso qodobada)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa heshiis ka gaaray Khilaafkii arrimaha doorashada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in saddexda mas’uul ka heshiiyeen murankii ka taagnaa arrinta doorashada 2024.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland. 

Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda: 

1- In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2- In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023. 

Dhinaca kale, heshiiska kadib ayaa madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamanka, ayaa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland. 

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Waxayna guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.

Taliyaha Booliska Jabuuti iyo saraakiil sare oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Taliyaha iyo wafdiga saraakiisha ah ee uu hoggaaminayo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ugu horreeyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa sheegay in uu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta Berrito ah 20 December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya, si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aas-aaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aas-aaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta waddamada caalamka.

Sawirro: Xamza oo gaaray dalka JABUUTI + Ujeedka

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti.

Sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, safarka Xamza Cabdi Barre ee dalka Jabuuti ayaa uu daaran ka qayb-galka shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage, oo ka qabsoomaya dalkaasi.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, taasi oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Heritage oo sanadle loo qabto ayaa waxaa inta badan waxaa lagu soo bandhigo doodo cilmi ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya, siyaasadaha saameynta ku leh Soomaaliya iyo Soomaalida iyo qodobo kale.

Madasha ayaa la filayaa inay kasoo qeyb-galaan mas’uuliyiin ka socota dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, sidoo kalena waxaa qeyb ka ah aqoon-yahano fara badan iyo qaar kamid ah ururada bulshada.

Xasan oo safar deg deg ah ku tegay Kuwait + Ujeedka

0

Kuwait (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dowladda Kuwait.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas Mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulamy.

Inta badan madaxda dalalka Carabta ayaa isugu tegay dalka Kuwait, si ay ugu tacsiyeeyaan dowladda iyo shacabka reer Kuwait oo dhawaan uu geeriyooday Amiirkoodii.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid noqday madaxda dunida Muslimka ee ka qeyb galay tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmad.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageera Soomaaliya, sidoo kale waa xubin muhiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta.

Sheekh caan ka ah dunida oo hal arrin ku amaanay gabdhaha Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekha caanka ah ee Muft Menk ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii muuqaal uu soo duubay uuna kaga hadlayay arrimo dhowr ah, uu ku ammaanay haweenka Soomaalida.

Sheekhan oo khudbad Jimcihii lasoo dhaafay ka jeedinayay masjid ku yaalla dalka Koofur Afrika, ayaa ammaanay sida ay u asturan yihiin gabdhaha iyo haweenka Soomaalida.

“Xoogaa kahor waxaan idiin sheegay in dadka ka yimid Soomaaliya aad dadka kasoo dhex saari karto durba markaad meesha soo gasho, dadkaanna ma aysan dhigin xijaabkooda. Haweenka walaalahey ee Soomaaliya kasoo jeeda hambalyo, mabruuk ayaan idiin leeyahay,” ayuu yiri sheekha.

Sheekha ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaalida inay tusaale u noqdaan dunida. Wuxuu intaa raaciyay inuu tegay dalal dhowr ah oo adduunka ah uuna mar walba la dhaco asturnaanta haweenka Soomaalida.

“Waxaan mar walba iraahdaa Subxaanallaah, bal eeg dadkan mar walba waxay u asturan yihiin si qurux badan.” Ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay in inkastoo dadka Soomaalida guryahooda laga soo barakiciyay, haddana diintooda aysan ka bixin wadnahooda.

Hadaba waa kuma Sheekh Muft Menk?

Mufti Dr Ismail Menk waa wadaad caan ah oo Muslim ah wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray dalka Zimbabwe. Wuxuu Shareecada ka bartay magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga wuxuuna heystaa shahaadada sare ee Hanuuninta Bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda Aldersgate.

Mufti Menk oo da’diisu ay 50 ku dhowdahay ayaa aad looga yaqaannaa dunida wuxuuna ku jiraa “500 ee Muslimiinta ugu Saameynta badan Dunida” tan iyo 2010.

Malaayiin qof ayaa ku xiran barihiisa bulshada. Dad badan ayaa ku taageera qaabka uu wacdiyada u jeediyo oo ah kuwo soo jiidasho leh uuna mararka qaar ku cabbiro wixii uu shakhsi ahaan lasoo kulmay.

Mufti ayaa u safra dunida isagoo dadka kula taliya inay is wanaajiyaan isuna gargaaraan.

Isha: BBC Somali

Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee DF oo maanta bilaa wasiir ah iyo xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa noqotay wasaaradii labaad oo kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn dowladda federaalka ah ee maanta aan laheyn wasiir kadib markii uu is-casilay Wasiir Abshir Huruuse.

Sidoo kale waxaa horey wasiir la’aan u noqotay wasaaradda amniga, oo kamid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii safiirka dalka Qatar loo magacaabay wasiirkii wasaaradaasi Mr. Doodishe.

Wasaaraddahan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan uu soo buuxiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa sidoo kale soo baxeysa in ra’iisul wasaaraha uu qorsheynayo sameynta isku shaandheyn ballaaran oo xukuumadda ah, waana midday ay muddo bilaa wasiir u tahay wasaaradda amniga, ayay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu si adag ula hadlay Golaha Wasiiradda, isagoo saluug ka muujiyay kaalintooda arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, si gaar ahna isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa markaas waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel-mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay.

Si kastaba, Buuxinta labada wasaaradood ee muhiimka ah ayaa lala sugaya isku shaandheyn ballaaran oo dhawaan ra’iisul wasaaraha uu ku sameyn doono xukuumadda, taasi oo galaafan doonta xubnaha aan weli wax ka goyn qorshaha uu wato madaxweyne Xasan.

Mareykanka oo $5 Milyan ku raadinaya ninka labaad ee ugu sarreeya Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa lacag abaal-marin ah oo gaareysa Shan Milyan oo dollar u ballan-qaaday inay siineyso ciddii soo sheegta xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay ama far muuqda ninka labaad ee awood ahaan ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab.

Ninkan uu Mareykanka dul dhigay madaxiisa 5 Milyan ayaa lagu magacaaba Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka Amiirka Al-Shabaab, waana ninka ku xiga Amiirka kooxda Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abuukar ayaa muddo dhowr sano ah soo ahaa madaxa garabka Jabhadda Al-Shabaab, isaga oo kadib noqday taliyaha milateriga Al-Shabaab, ayada oo ugu dambeyntiina loo dalacsiiyay booska uu hadda hayo ee Ku-xigeenka Amiirka Ururka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Abuukar Cali Aadan ayaa bishii January ee 2018-kii ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah, sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa Abuukar ku dartay liiskeeda argagixisada.

Al-Shabaab ayaa lagu tilmaama garabka ugu ballaaran ee ugu hantida badan kooxaha la howl-gala Ururka Al-Qaacida, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kooxda Al-Shabaab inkasta oo saldhigyadeeda Soomaaliya yihiin ayaa haddana waxay weeraro argagixiso ka fulisa waddamada deriska sida; Kenya iyo Ethiopia.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, islamarkaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009-kii, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.

Xasan oo ku laabanaya furimaha dagaalka kadib xujo culus oo meesha ka baxday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ayaa dib u bilaaban doona dhawaan, kaasi oo uu hakad ku yimid tan iyo markii ay dalka ka curteen roobabku.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laaban doona gobollada dhexe, si uu u xaqiijiyo hadafka ugu weyn ee umadda Soomaalidu leedahay maanta, kaasi oo ah in laga adkaado kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan ayaa dib ugu laabanaya la-dagaalanka argagixisada, isaga oo meel soo saaray arrimo waaweyn oo qabyo ka ahaa dowladnimada Soomaaliya, oo ay kamid yihiin;

  1. Deyn cafinta Soomaaliya.
  2. Xubinimada ururka bulshada Bariga Afrika ee EAC.
  3. In dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka oo sanado badan saarneyd Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku dhowaad 15 sano la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee adduunka ugu dhaqaalaha iyo ciidanka badan, balse mid kamid ah sababihii dheereeyay dagaalka argagixisada ka dhanka ah ayaa dhawaan soo afjarmay, waana nuuca hubka.

Ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa argagixisada waxay ahaayeen laba dhinac oo hubkooda kala weynayn, kala casriyeysneyn oo dhinacaas isku itaal ka ah.

Soomaaliya hadda waa laga qaaday cuna-qabateentii hubka, waxaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u furan inay soo iibsato hub casri ah oo si ba’an u gumaadi kara argagixisada, xilli dhinaca kale uu adduunka laba jibaaray cuna-qabateynta hubka ee saaran kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sida laga soo xiganayo illo Sirdoon argagixisada ayaa si weyn uga walaacday in dowladda Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateyntii hubka, taasi oo hadda saamixi karta inay dowladda soo iibsato hub si ba’an wax u gumaadi kara oo soo gaabin kara cimrigii ay argagixisada aaminsaneyd in uu dagaalkooda qaadan karo.

Doodda farqiga hubka ee argagixisada iyo ciidanka xoogga dalka waxay aheyd mid muddo taagneyd, waana qodob kamid ah sababihii cuna-qabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, si ay ugu sahlanaanto inay ka adkaato argagixisada.

Inkasta oo soo iibsiga hubka uu dhaqaale badan uga baahan yahay dowladda, haddana waxaa sidoo kale xusid mudan fahamka isticmaalka hubka casriga ah, oo la aaminsan yahay in aysan askarta Soomaalida badi u tababarneyn aanay u baahan yihiin in hadda loo diyaariyo, sidoo kale ilaalinta amaanada hubkaas ee ah in uusan gacan qaldan gelin ayaa kamid ah waajibaadka waaweyn ee horyaalla dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo bilaa argagixiso ah ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn la qeybsan karto caalamka, oo ay heli karto maalgashi caalami ah maadaama ay leedahay kheyraad badan oo dabiici ah oo weli la isticmaalin.

Dadka Soomaalida ayaa isha ku haya sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu faa’iideysto qaadista cuna-qabateynta hubka, una soo gaabiyo dagaalka argagixisada oo wiiqay dhaqaalaha, xasiloonida iyo horumarka guud ee Soomaaliya.

Xeer Ilaalinta oo billowday beegsi cusub iyo shaqsigii u horreeyay oo maanta lasoo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa billowday beegsiga dadka dhaqan xumada ku baahiya baraha bulshada, ayada oo maanta soo xirtay Bishaaro Idiris Maxamed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro oo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah.

Muuqaaladaasi ayay sheegtay Xeer Ilaalinta Qaranka inay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa isla maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xireen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Bishaaro Idiris ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay ku xad-gudubtay anshaxa iyo dhaqanka, wuxuuna kiiskeeda uu billow u yahay beegsiga dadka baraha bulshada ku baahiya waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Waxaa muddooyinkii dambe baraha bulshada, oo si weyn u isticmaasho Soomaalida kusoo badanayay dadka sameynaya waxyaabo ka baxsan anshaxa suuban iyo dhaqanka, waxayna dadka qaarkood ay qabaan inay tahay tallaabo lala soo daahay wax ka qabashada dhaqanadaasi.

Si kastaba, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa si rasmi ah u billowday beegsiga shaqsiyaadka waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka ku faafiya baraha bulshada, ayada oo sida Bishaaro Idiris oo kale la horgeyn doono maxkamadda, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay is-casilaada Huruuse

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta ku dhowaaqay inuu is casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland.

Is-casilaadda Huruuse ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, kadib markii qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, uuna hadda kadib diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Siyaad Shaafici: “Maah-maah: Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo, waxaan ka baqayaa in aad wasiirnimadii iyo madaxweyne maamul-goboleed weyso.”

Axmed Xasan Xaaji ayaa waxa uu yiri “Waxay ila tahay waa go’aan geesinimo leh wallow ay jirto maah-maahdii ahayd miro gunti ku jira mira geed saaran looma daadiyo. Hase yeeshee waa geesinimo kalsooni xoogani ka muuqato.”

“Ina adeer sooma ogid in aan Puntland laga ogoleyn qof dowladda dhexe ay riixeeyso. Xilkaada maad iska heysatid Jaalle Wasiir,” ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Cabdifataax Axmed ayaa isna waxa uu yiri “Wasiir waxaaba geesinimo ah in aadan xaydha jecli beerka jecli aadan samayn sidii raga qaybtii sanadka sameeyeen iyaga oo gacanta midig wax ku haysta ay bidixda wax kale ku doonteen.”

Cabdullaahi Soofe: “Miro guntigaaga ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo inadwr waa deg-degtay adoo xilkaga haysta ayaa la rabaa inaad raadsato hanka kugu jira, inkasto warar hoose sheegayeen inadan ku qanacsanayn shaqada wasiirka arrimaha dibada oo aad u ma madax bananayn.”

“Waxaad isku diyaarineysa inaad Puntland dumiso, xilkan xil ku dhamo ma lahan,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdiraxmaan Saciid.

Cabdixakim Saciid Arax ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Guul iyo gobonimo waa dadaashay inta xilka haysay, cuna-qabateyntii hubka in laqado waa ku dadaashay.”

“Aad ayaan uga naxay go’aankaas tuntii anigoo fahamsan sababta hadana intii Huruuse xilka hayay waxaan marag ka aheyn siyaasad arimo dibadeed degan oo waxtarna u aheyd dowladnimadeena,” ayuu yiri Dhageey oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Cabdifatah Xareed: “Nasiib iyo mustaqbal wanaagsan ayaa kuu rajeynaa mudane Wasiir.”

Cawaale Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Adeer wasiir waad is dadajisay, Puntland wax ba ka soo qaadi mayside, armay kuu fiicnan lahayd in aad wasiirnimadaada ka sii bariisaysid. Khayr waa iska imanayaaye.”

“Shaqo wanaagsan ayaad qaranka u qabatey waxan rajeynayaa in deegzankaga Puntland kugu aaminan kalsoonida si aad u hormariso,” ayuu yiri Sakariye Fante.

Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad kusoo rogtay agaasimaha W/Gaadiidka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar xayiraad safar ah oo lagu soo rogay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Bashiir Macallin Cali Xasan oo loo haysto eedeymo musuq ah.

Maxkamadda oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay inuu codsi usoo gudbiyay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ay tilmaamtay inuu baaris ku hayo agaasimaha.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan loo haysto inuu musuq-maasuqay deeq lacageed oo ka timid dowladda Shiinaha, taas oo uu maamulay Bashiir Macallin Cali.

“Waxaa xayiraadda loo sababeeyay in xafiiska HG uu baaris ku haayo habka loo maareeyay deeq lacageed oo Safaaradda Shiinaha ka timid oo uu maamulay Bashiir Macallin Cali Xasan, ayna heleen xog ah inuu ka bixi rabo dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Warqadda ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu sheegay inay aqbashaday codsiga Hantidhowrka, ayna xyiraad safar kusoo rogtay Agaasime Bashiir.

“Waxay aqbashaday Maxkamadda codsiga Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ee xayiraadda, waxayna go’aamisay in xayiraad safar la saaro eedeysane Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayaa la raaciyay qoraalka.

Maxkamadda ayaa fartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay fuliso amarkan, inta ay baarista ku socoto Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Waxay fareysaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay safarka ka joojiyaan Bashiir Macallin Cali Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, inta ay baarista socota” ayaa mar kale lagu yiri amarka ay soo saartay Maxkamadda Gobolka.

Bashiir Macallin Cali ayaa kamid ahaa raggii ku caan baxay dagaalkii siyaasadeed ee ay lala galay Farmaajo, waxaana xilkan loo magacaabay kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh.

 

Sawirro: Maxaan ka ognahay waxa ay yihiin ciidanka shalay la wareegay Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanno Koofiyad Casta iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada dalka oo horey ay amnigeeda qeyb ka mid ah wax uga sugi jireen ciidanka howgalka ku meel gaarka ah ee ATMIS.

Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS ayaa wareejiyey amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo sidoo kalena ay daggan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.

Qaybta koowaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud mas’uul uga ahaa ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku yaallaan xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka tan iyo sanadkii 2007-dii.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur, oo wareysi siyay BBC-da ayaa sheegay in qorshaha la wareegitaanka amniga guud ee maxtooyada Soomaaliya uu ahaa qorshe in muddo ah socday, haddana lagu guuleeystay.

“Dhowaan waxaa dalka ka baxay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, meelaha ay joogaan ee ay wareejiyeen waxaa ka mid ah madaxtooyada oo ay ku yaallaan saddex xafiis ee dalka ugu sarreeysa oo kala ah madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan ra’iisul wasaaraha oo in muddo ay joogeen oo ammaankooda loo xil saaray,” ayuu yir Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay si buuxda ula wareegeen ammaanka madaxtooyda iyo madaxda dalka, ayada oo haddii loo baahdana ay gacan siin doonaan ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda.

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 77-aad ee loo yaqaanno Koofiya Casta oo hadda si buuxad ula wareegay ammaanka Madaxtooyada, ayaa iyagu markii horaba qayb uga ahaa sugidda ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay ku suganaayeen waddooyin dhowr ah oo soo gala madaxtooyada, kuwaas oo kala ah;

• Waddada Sayidka
• Isgoyska Tiyaatarka
• Waddada Ceelgaabta
• Waddada Shimbiraale

Maxey yihiin ciidanka Koofiya Casta?

Axmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Koofiya Casta ay yihiin kuw si gaar ah loo soo xulo marka la qaadanayo, maaddama ay ilaalinayaan ammaanka guud ee madaxada dalka.

“Waa ka duwan yihiin ciidanka kale, marka la soo xulay oo waxa laga fiiray meel badan oo ay ka mid yihiin sumcada qofka,caafimaadkiisa iyo aqoonta,” ayuu yir Afcadeey

Waxaa uu sheegay in ciidanka la siiyo tababaro kala duwan maaddaama ay ilaaliyaan ammaanka madaxda ugu sareeysa dalka lehna awoodda ay ku sugnaa ammaanka guud .

“Muddo badan ayaan joogay madaxtooyada ciidanka xog dhab ah ayaan ka haya, markii horena xayndaabka madaxtooyada oo dhan waxaa joogay ciidanka waa ku filan yihiin ammaanka guud,” ayuu u sheegay BBC-da Senator Afcaddeey.

Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidanka lagu soo tababaro dalal badan oo ka mida adduunka ayna haystaan qalab ku filan.

“Maddaama ay ciidanka yihiin kuwa loogu talgalay in ay ilaaliyaan madaxada si gaar ah ayaa loo soo xulay, waxaana lagu soo tababaray dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Uganda, Itoobiya iyo jabuuti, waxaa kale oo jirta in Midowga Yurub xataa uu tababar siiyo.”

Tallaabadaan ayaa hordhac u ah lawareegidda amniga guud ee Soomaaliya ee ciidanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka ilaa dhammaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xarumaha kale ee dowladda ee wali gacanta ay ku hayaan ciidanka ATMIS kala wareegi doonaan ciidanka Soomaaliya.

“Garoonka iyo dakadda oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka waxaana filayaa in ayaga aan kala wareegi doonno ugu dambeyn”.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo dekadda weyn ee Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal beeleedka Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-Sugidda dowlad goboleedka HirShabelle Macalllin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo Jimcihii laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray dagaal khasaare culus dhaliyay.

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka HirShabeelle ayaa si gaar gaar ah ula kulmay dhinacyada dagaalku dhexmaray, iyagoo ka codsaday in colaadda la joojiyo, si aan mar kale deegaannada loogu dagaalamin oo dhiig kale u daadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhinacyada la kala dhex-dhigay ciidamo, si ay u joojiyaan dagaalka. Xaalada deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco ayaa deganaa saacadihii ugu dambeeyey, mana jirio wax dagaal ah oo socda.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa la keenay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo gobolka wada-daga, waxaana dagaalada qaarkood lagu guuleystay in la joojiyo, balse mar kasta dib ayey usoo laabataan.

Wasiirkii arrimaha dibadda Somalia oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa goordhow ku dhowaaqay inuu is casilay, sababo la xiriira musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Huruuse ayaa oo qoraal soo saaray ayaa ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo u gudbiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wasiirka oo xilkan soo hayay muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa ayaa sheegay inuu iskiis u go’aansaday inuu ka tago shaqada, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray.

“Bismilaah. Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu ku yiri is casilaadiisa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadda kadib uu diiradda saari doono ololihiisa doorashada Puntland, si uu ugu helo waqti, una galo diyaar ku aadan doorashadaasi.

“Waxaan xilkan uga tegay si ikhtiyaarkeyga ah iyo inaan ku biiro oo waqti iyo madax banaani u helo ololaha doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland” ayuu mar kale ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray wasiirku.

Abshir Huruuse wuxuu u mahadceliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, maadaama ay muddo soo wada shaqeeyeen, isaga oo xukuumaddiisa u rajeeyay guul iyo horumaro kale.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dowladnimada, si looga gaaro horumar iyo barwaaqo.

Ajaaniib usoo dagaal tegay Soomaaliya oo la qabtay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen dhulka buuraha ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku sugan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow laamaha amniga Puntland ayaa innoo xaqiijiyay in howlgalladaas oo la sameeyay muddooyinkii u dambeeyay lagu soo qabtay xubnihii ugu badnaa oo ajaaniib ah, kana barbar dagaalamayay kooxdan.

Warbixinada la helaya ayaa muujinaya in xubnahaasi ay kor u dhaafayaan illaa 20, isla-markaana lagu qabtay howlgal ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ajaaniibtan ayaa waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Itoobiya, Sudan, Marooko, Yemen iyo dalal kale.

Xubnaha ajaaaniibta ee haatan usoo gacan galay Puntland ayaa hadda waxaa ku socdo baaritaano dheeraad ah, ayada oo la filayo in lasoo saaro Maxkamad deg deg ah.

Puntland ayaa howlgallo culus  ka wada buuraha Galgalga oo ay ku sugan yihiin xubno ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Inta badan waxaa dhulka buuraleyda ah ka dhaca dagaallo dhex-mara labada, kuwaas oo inta badan sababay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalladan ka dhacay gobolka Bari ayaa dhinaca kale kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay ku jiro marxalad doorasho oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo xoogleh.

 

Daawo: Maxaa kala qabsaday Wasiir Roobow iyo ninkii lacagta laalushka u geeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

“Anaga oo mowduuc Xaj ka shaqeynayay nin baa noo keenay lacag badan oo laaluush ah noo keenay, ma u baahni oo ma rabo ayaa ku dhahay, ninkii xoogga wuu dhibsaday, wajiga uu ka dhididay waa kacay waa fariistay ma u baahni aan ku dhahay waa iga tagay,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninkaas uu markale isaga oo Muqdisho ku sugan uu usoo watay masuuliyiin, si loogu fuliyo waxa uu rabo, hase yeeshe uu haddan ka diiday, “Lacagta idinka oo la qarqaraya ayaad keenaysan ee ha noo keenin ee haysta lacagtiina.”

“Waa nin akhyaar ah oo hebel dhihi maayo, Soomaaliya ayaa isku aragnay oo cid kasta oo aniga cadaadis igu sameyn kartay oo masuul ah ayuu soo watay oo wasaaradda ayuu igu yimid, waxaas iyo waxaas ayaa raba ee fuli, fulin maayo ayaa ku dhahay, aad ayuu u xanaaqay oo wuu naga tagay.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in haddii uu maalinkii ugu horreysay uu ka qaadan lahaa lacagta laaluushka aheyd uu addoon u noqon lahaa, maadaama masuulka uusan xor aheyn inta uu qaadanayo laaluushka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninkii galabkii horena ila joogay ee galabkana ila joogay waxaa ku idhi ninkaan ma ujeeda siduu u xanaaqay maalintii haddaan lacagtiisa qaadan laheyn addoon ayaa u noqon laheyn, war waa ogtihiin ee imaamula ina dhihi lahaa waana maamulo laheyn. Qofka masuulka ah wuxuu xor yahay inta uusan laaluushka qaadan.”

Wasiir Roobow ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la iska ilaaliyo laalushka oo Ilaahay laga baqo, isaga oo bulshadana ku booriyay in laga waantoobo bixinta laaluushka.

“Masuulka Ilaahay ha uga baqo, ka u geynaya ayaa ka daran ee yaan xafiisyada lacag loogu geynin, xuquuqdiina ayaa helaysa idinka oo hal cent la idinka qaadan ayaa leeyahay.”

Hoos ka daawo

Goorta uu dhaqan-galayo heshiiska Soomaaliya ee ku biirista ururka EAC (Aqriso)

0

Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku saxiixay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, ku biirista rasmiga ah ee Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika.

Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Uganda ayaa lagu saxiixay dhaqan-galka xubinimada Soomaaliya, iyada oo goobjoog ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh, dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni iyo madaxweynaha South Sudan.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan dabaal-yaqaadii bishii November, laakiin xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ayaa Jimcihii ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Qariirada Soomaaliya ayaa lagu daray qariirada ururka, taasi oo bedeshay sawirkii sanadaha badan ee ururkaan.

Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in afafka, dhaqanada iyo dabeecaduhu ay mar hore soo mideeyeen bulshooyinka ku jira ururkan iyo Soomaalida, taasin ay ka dhigan tahay inay jiraan waxyaabo dabiici ah oo isku soo jiidaya bulshooyinka dallada bulshada Bariga Afrika.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa isweydiinaya xilliga uu heshiiskan dhaqan-galka noqon doono, oo ay Soomaalida ay bilaabi doonto fulinta qoddobada lagama maarmanka ah ee xubinimada iyo hirgelinta sharciyada.

Marka koowaad waa inuu heshiiskan maraa baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa waxaa laga rabaa in ay heshiiskan geeyaan baarlamaanka, kadibna uu ansixin ka helo labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu u noqdo mid rasmi ah, kadibna waxaa bilaaban doonta fulintiisa.

Marka la eego faa’iidooyinka uu xambaarsan yahay waxay u badan tahay inay labada Aqal ee Soomaaliya ay aqbali doonaan kadibna waxay Soomaaliya dhisi doonta wasaaradii qaabilsaneyd bariga Afrika, sida uu yahay xeerka dalalka ku jira ururkaan.

Fulinta qoddobada faa’iidada u leh dadweynaha ayaa masaafo jirta, waxaana loo badinaya inay ku xiran tahay xawaaraha ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan laba sano ayay qaadan kartaa inay Soomaalida helaan fursadaha ku jira ku biirista dalladan, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, shaqooyinka iyo socdaalka.

Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah loogu xirmi lahaa adduunka, oo Soomaalida ay ka faa’iidaysan laheyd halka ay juquraafi ahaan uga taallo adduunka iyo kheyraadkeeda dabiici ah.

Dalladaan waxa uu sheegay inay tamar iyo sare u kac xagga ahmiyada ah ka heli doonto muhiimada juquraafiyadeed ee Soomaaliya. Waxaase dhinaca kale jira duruufo aan la iska indho tiri karin oo ay tahay in Soomaalida ay xal u hesho sida argagixisada, qabyaalada iyo faham darrada federaalka, waa haddii ay rabto inay si dhab ah ula fal-gasho caalamka.

Ciidanka DF oo la wareegay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhigyadan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Caadooley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaasi.

Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa haatan kusii siqaya aagga buurta Yacgoos, halkaas ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.

DF iyo maamulka G/Banaadir oo ka shiraya 3 qodob oo saameynaya caasimadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay daah-furay shirka wadatashiga dib-u-cusbooneysiinta qorshaha horumarinta qaranka 9-aad ee sandka 2024.

Qorshaha shirkaan looga tashanayo ayaa waxaa fulinteeda iska kaashan doona maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XFS, Agaasimaha Guud ee Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah, oo kamid yihiin;

  1. Soo gudbinta waxyaabihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.
  2. Baahiyaha waaweyn ee hortabinta u leh horumarinta Gobolka, si loogu daro qorshaha qaranka 9-aad ee sanadka 2024.
  3. In la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya maamulka gobolka iyo wasaaradda qorsheynta qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu bogaadiyay tallaabooyinka socda ee lagu xoojinayo horumarinta caasimdda iyo in lala jaanqaado qorshaha horumarunta qaranka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay muhiimada horumarka caasimada, iyada oo hortabin la siinaayo qorshaha u degsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Sawirro: Ciidamada xoogga oo ka hor tegay khatar culus, lana wareegay deegaano cusub

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaano cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa maanta howlgalo lagu guuleytay fuliyey goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray galabta.

Guutada 24-aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyin ka baxa degmadaas Ruun-nirgood.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow.

Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaano muhiim ah oo Caad ay ku jirto.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale oo aad u badan ayaa ku sugan furinta Shabeelow, kuwaas oo hoggaaminaya howlgalka xoreynta dalka.