27.3 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Doodda wax ka beddelka dastuurka oo bilaabatay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guda-galay doodda qodobo kamid ah qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG.

Guddiga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah ayaa guda-galay ka doodista iyo meel-marinta qodobada 1-aad illaa iyo 62-aad ee 4-ta cutub ee ugu horreeya qabyo qoraalka wax ka beddelka Dastuurka KMG oo ay guddiga u soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Xubnaha guddiga ayaa qodobada loo soo gudbiyey ku samaynaya wax ka bedel, sixid, siiqayn iyo toosin, si ay u soo saaraan soo-jeedinta kama dambaysta ah ee la horgaynayo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

3-dii December ayey aheyd markii guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ay kulan wada-jir ah ku yeesheen magaalada Muqdisho. kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho.

Kulankaasi oo ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya.

Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii baarlamaanada dowlad-goboleedyada ay saluug ka muujiyeen howlaha socda ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka, iyaga oo sheegay in laga reebay guddiyada wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka.

“Ma jiraan guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda dalkaan, baarlamaanada dowlad goboleedyada wax talo wadaag ah kuma lahan shuruucda lasoo dhisayo ee dalka,” ayaa lahu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenada baarlamaanada dowlad-goboleedyada, markii laga reebo Puntland.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.

La-wareegistan ayaa imaneysa kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayey ciidamada xoogga dalka kula wareegeen amniga Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga madaxda dalka.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacan siinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

Arrintan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo soo gaba-gabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howl-galka ATMIS.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd, taasi oo muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

Puntland oo xog xasaasi ah ka bixisay Markab lagu afduubtay xeebaha Somalia (Dhageyso)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo La-dagaalanka Denbiyada Badda ee Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka warbixiyey Markab Jimcihii lasoo dhaafay ay afduubteen kooxo loo maleynayo burcad-badeed.

“Ragga afduubtay markabka waxay u abaabulan yihiin sidii burcadii, baasuukayaal iyo BKM ayey ku hubeysan yihiin, sawirrada uu Satarleydu ka qaaday waxay muujinayaan inay gaarayaan 15 qof,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland.

Wasiirka ayaa u waramay VOA isagoo ku sugan magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in dembiyada noocaan ah dhowr jeer laga hor tegay.

“Inta badan fal dembiyeedka noocaan ah waxaan ku burburi jirnay xeebaha, laakiin kan waa dhacay ka tabatagiisa ayaana ku howlanahay,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin.

Wuxuu sheegay in maanta uu xeebaha Soomaaliya ka soo galay dhanka Xaafuun, isla markaana ay toos ula socdaan, wuxuuna sheegay inuu socdo howlgal lagu badbaadinayo markabkaas.

“Markabka la qafaashay wuxuu u socdaa tartiib oo xawaare badan malahan, Markab kale oo ciidan oo Hindiya laga leeyahay ayaa daba socda, waana ka daba dhowyahay, dhanka gacankana waa laga soo baxay, waxaan rajeyneynaa in tuugada la qabto, saacadaha soo socdana aan soo gudbino xogta Markabkaas oo bad qaba, insha allah,” ayuu yiri wasiirku.

Markabka la afduubtay waxaa la sheegay inuu siday waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha, balse lama sheegin dalka uu u rarnaa.

Markabkaan oo weli badda ku dhex socda ayaa lagala socdaa Map-ka, wuxuuna wasiirku sheegay in biyaha Soomaaliya uu soo galay maanta duhurkii.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa goordhoweyd lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjoogahan sare ee ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daray in horjoogaha la beegsadey uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaallada.

Howl-galka ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

Si rasmi ah weli looma shaacin horjoogaha la beegsaday magaciisa, iyo waxa kasoo gaaray howl-galkan dhanka cirka ah ee ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waa tallaabo kale oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar-jabinta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay “xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab” si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Maxaa laga yiri arrintii yaabka laheyd ee ay sameysay kooxda Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ayaa shalay waxaa kasoo hor muuqday oo la geeyay 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaasi oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Khadar Maal: “Markaa maxaa ciyaalka maxkamada laga keenay maa meel dhaqan celin ah la geeyo oo la waaniyo way yar yar yihiin oo waanaga way qaadanayaan.”

Safiyo Maxamuud ayaa isna waxa uu yiri :Masha Allah dowladda dadaalkeeda Allaha la garab istaago.”

Fa’iisa ayaa sidoo kale waxay tiri “Wejiga dhabta ah ee Al-Shabaab waa kaas.”

“Waxaan maqli jiray caruurta iyo dumarka ayey kaxeeystaan laakiin hadda waa ay ii cadaatay midaasi,” ayuu yiri Keynaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Saciid Ibraahim ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan qabaa ilmaha yar yar in dhaqan-celin loo sameeyo maadaama maskaxda laga xaday.”

Ruun Sagaal Geed ayaa waxay tiri: “Waa la soo qasbe safadaha dambiga fududeeyo ha loo fiiriyo caruurta.”

Villa Somalia oo shaacisay natiijada safaradii ugu dambeeyay ee Xasan uu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in safarada shaqo ee uu galay madaxweyne Xasan ahaayeen kuwo miro-dhal ah, sida; shirkii amniga Soomaaliya ee New York iyo deyn cafinta, iyo kulamadii Mareykanka.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Xasan ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka ee magaalada Washington, ku-simaha ku-xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahad-celiyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Mudane Xasan ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guullo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.

Guddiga uu magacaabay DENI oo qaaday tallaabo cusub oo uga sii dareysa xiisadda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu dhawaan magacaabay Deni ayaa maanta soo saaray jadwalka iyo shuruudaha laga rabo musharixiinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, taas oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Garoowe.

Guddigan oo welu lagu muransan yahay ayaa maanta shaqo bilaabay, kadib markii xalay ciidamada PMPF ee ka amar qaata Saciid Deni ay la wareegeen xarunta baarlamaanka.

Shuruudaha uu guddiga soo bandhigay ayaa gaaraya illaa siddeed qodob, waxayna kala yihiih:-

1- Inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay, da’diiusuna aanay ka yareyn 30 sano.
2- In aan xaquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga ilaalin 5tii sano ee la soo dhaafay.
3- Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dusgsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta
4- Inuu keensado habraacii soo xulista xubinimada reerkiisa
5- Inuu keensado shahaado dugsi sare ama wax u dhigma
6-Inuu keensado laba sawir iyo taariikh nololeedkiisa (CV)
7- Inuu keensado warqadda dambi la’aanta.

Sidoo kale waxaa guddiga xallinta khilaafaadka uu sheegay in jadwalkan uu maanta bilaabanayo, kuna egyahay illaa 25/12/2023-ka.

“Qabashada codsiyada iyo faylasha qofka buuxiyay shuruudaha kor ku xusan waxay bilaabaneynsaa 17/12/2023, waxayna ku egtahay 25/12/2023” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xulista xidhibaanada cusub kadib waxaa xigi doona doorashada madaxtooyada oo ay weli isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland

Daawo: 7 jir fal argagax leh loogu gaystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, taas oo lagula kacay wiil yar oo todobo sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen Waalidiintiisa.

Wiilkan yar oo dhiganayay mid kamid ah iskuulada ku yaalla degmada Xamarweyne ayaa la faraxumeeyay, sida ay sheegeen Waalidiintiisa oo la hadlay Telefishinka Dalsan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in falkaas uu gaystay waardiyihii iskuulka uu dhigayay wiilka, kadibna uu baxsaday.

“Wiilkeyga ayaa musqusha ku jiray, wuuna la galay waardiyaha, kadibna falal xumadaan ayuu ku sameeyay xittaa waa dilay” ayay tiri wiilka yar hooyadiis.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in kiiskan ay u gudbiyeen saldhigga degmada, isla-markaana la xiriray dad uu jiro maamulihii iskuulka, si loo soo qabto eedeysanaha

“Annaga marka ay dhacdadaas dhacday iskuulka ayaan aadnay, ninkii waa nagala qariyay, maamulahaa lasoo waday saldhigga ayaa la geeyay hadda dacwaddii ayaa socota” ayay raacisay.

Ugu dmabeyn waxay ay farriin u dirtay dowladda Soomaaliya oo ay ka codsatay in cadaalad loo raadiyo wiilkeeda oo ay tilmaamtay in uu dhibane u yahay falka lagula kacay.

“Waxaan codsanayaa in meel la’iis saaro wiilkan cabashadiisa oo xuquuq islaami ah aan ku socono oo ninkaan meel la ii saaro” ayay mar kale tiri hooyadu.

Dhacdadan aragagaxa leh ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka iyo ehellada wiilka yar, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Ciidamada Soomaaliya oo maanta gaaraya guul taariikhi ah kadib 16 sano (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya ee looga arrimiyo dalka waxaa 16 sano kadib maanta si rasmi ah ula wareegaya ciidamo Soomaali, kuwaas oo beddalaya ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee muddada dheer ilaalinayay amniga Madaxtooyada.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay maanta wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwo dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaali ah ay la wareegaan Madaxtooyada?

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in la wareegitaanka amniga madaxtooyada ay wax weyn uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay guul taariikhi ah oo la gaaaray.

“Waxay uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed guul wayn oo dhinac taariikhda ah oo la gaaray, kuna tusineysa halka uu marayo dib u dhiska dowladnimada” ayuu yiri Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeed ay ku filan yihiin ilaalinta amniga madaxda qaranka iyo sidoo kale xarumaha ay leedahay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa in ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliya ay difaacayaan sidii ay horay dhiigooda ugu hureen u ilaalin doonaan dhammaan xarumaha iyo hay’adaha ay leedahay dowladda Soomaaliya” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay leeyihiin awood lagu kalsoonaan karo, taas oo ah mid ay ku wajaheen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka JFS waxay ku guuleysteen in kooxaha duulaanka ku ah dowladnimada Soomaaliya ay ka saaraan dhul ballaaran, tusiyeen caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay diyaarka ugu yihiin inay hanan karaan amniga dalka oo dhan” ayuu sii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Turkiga oo war cusub kasoo saaray dilkii uu geystay wiilka madaxweyne Xasan Sheekh

0

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul, waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir Turkish ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo ciidamo horleh geeyay xarunta baarlamanka Puntland + Qorshaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ay la wareegeen xarunta baarlamaanka maamulkaas, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Saciid Deni.

Ciidamada ayaa u daatay gudaha xarunta, waxaana ay la wareegeen amniga guud ee dhismaha ay ku shiraan Golaha Wakiilada Puntland.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada ay dooneyso in halkaas ay gayso guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Deni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Deni uu rabo in guddiga uu shaqo bilaabay, kaas oo diidmo kala kulmay guddoonka golaha iyo xubnaha mucaaradka.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu xubno badan kusoo darsaday guddiga uu magacaabay, taas oo ay diidan yihiin musharixiinta la tartameysa, maadaama la galayo olole doorasho.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la’isku fahmi waayey dadaalladii & waa-waanta socotay ee lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta doorashada oo ay weli dood ka taagan tahay.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran, ayada oo lagu sii dhawaanayo xilligii doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saameynta khilaafkan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Maxay tahay farriinta cusub ee DF ay u dirtay Al-Shabab?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa booqday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kadib markii laga saaray Al-Shabaab.

Dayax oo khudbad ka jeediyay deegaankaas ayaa farriin culus u diray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay isaga tagaan gobolka Mudug, maadaama lagu jebiyay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in aysan dabka kusii shidin dhalinyaro u sheegay inay soo qaldeen, kuwaas oo ka barbar dagaalamay kooxda, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaan leenahay war gobolka ka aruursada wixii idinka yaalla kala tega, ilmaha yaryarka ah ee aad qaldeysaan oo dadkoodii aad kasoo marin habaabiseen oo aad dabka kusoo shubeysaan meesha ka qaada dadkooda u celiya intaa ayaan u direynaa Shabaab” ayuu yiri

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday doorka dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay u istaageen xoreynta deegaankooda.

“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada gobollada dhexe, isaga oo kula dardaarmay inay sii wadaan halganka.

“Waajibaadkiinii aad Ummadda ugu adeegeyseen baad gudateen, waxaan idin leeyahay horay u socda waxyarbaa dhiman ee xididada u siiba” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan howlgallada, waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo inta badan lagu laayo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Daawo: DF oo soo bandhigtay ciidamo carruur u badan oo Al-Shabaab laga qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda ciidamada ayaa Sabtidii la horgeeyey 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaas oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa Deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Markii dhamaantood la hor keenay Maxkamadda Ciidamada waxay mid mid uga sheekeeyeen sidii loogu qanciyey, qaarkoodna loogu qasbay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Ragga la hor keenay maxkamadda waxaa ku jira horjoogayaashii Shabaab u qaabilsanaa kaceynta carruurtaan qafaalan ee loo waday dagaalka iyo kuwii ku waday gaadiidka.

Xeer ilaaliyaasha maxkamadda ciidamada walabka sida ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan baaritaanka kiiskaan ay ku sameeyeen, sida loo kala leeyahay dembiga laga galay caruurtaan qafaalan, iyagoo maxkamadda ka codsaday in carruurtaan loo sameeyo dhaqan celin, maadaama aysan qaan gaarin.

Hoos ka daawo

Xog: Ciidanka ATMIS oo 16 sano kadib maanta ka guuraya Villa Somalia – Yaa bedelaya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay maanta banneeyaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay muddo dheer sugaayeen amnigeeda, maadaama ay ku sugan yihiin madaxda qaranka.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay maanta wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa amniga Villa Soomaaliya maanta wixii ka dambeeya la wareegaya ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ah oo beddalaya ATMIS.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwa dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xaryooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlayay guushii deyn cafinta ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay dhisida ciidanka Xoogga iyo la wareegida amniga dalka.

“Waxaa noo dhiman oo dhawaan aan xaqiijin doonaa xoreynta qaybaha ka dhiman dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga dalka, marka la gaaro, Insha Allah dabayaaqada sanadka soo socda,” ayuu horay u yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana maalmo kahor laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, taas oo muhiim ah dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo sawirrada ciidanka la wareegaya amniga Villa Somalia

Sawirro: Ciidamada Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaan cusub

0

Shabeelow (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug, masuuliyiin iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday deegaanka Shabeeloow iyo saldhigyadii Al-Shabaab ee ku yaallay Miyiga deegaankaas.

Deegaanka Shabeelow ayay maanta ciidamadu gudaha u galeen, kadib muddo todobaadyo ah oo ay dul deganaayeen, sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa wixii maanta ka horeeyey ku sugneed gudaha deegaankaas.

Taliyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la kulmay Saraakiisha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee khawaarijta ka saaray Shabeeloow.

Sidoo kale waxay soo arkeen saldhigyadii ay ku lahaayeen dhulka Miyiga ah ee deegaanka Shabeelow oo lagu arkay raadadkii Khawaarijta oo dadka ka yaabiyey.

Ciidamada ayaa saldhigyadii Shabaab ugu tegay lafo dad oo la aaminsan yahay inay yihiin dagaalyahanadii looga dhaawacay dagaalada oo geeriyooday, waxaana la sheegaa in kooxdu ay dhameystirto oo disho xubnaha ka dhaawacma.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta ayaa maalmihii lasoo dhaafay Khawaarijta ka xoreeyay deegaanada Shabeeloow iyo Cimaamad oo ka mid ahaa saldhigyada Al-Shabaab ee ugu waaweyn koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa hada kaabiga ku haaya Deegaanka Caad, waxaana Khawaarijta Al-Shabaab lagu baacsanayaa dhulka hawdka ah ee gobolka Mudug, gaar ahaan miyiga deegaanka muhiimka ah ee Caad.

Howlgalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa hadda u bilowday si xowli ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda kooxda laga saaro deegaanada dhaca koonfurta Gobolka Mudug oo hadda guluf culus uu ku wajahan yahay.

Qorshe culus oo Xamaas ay ka waday Yurub oo la ogaaday

0

Berlin (Caasimada Online) – Iyadoo kooxda Xamaas ay dagaal ba’an kula jirto ciidamada Israa’iil muddo labo bilood ah ayaa xiisadaasi waxay ku sii baaheysaa dunida, gaar ahaan qaaradda Yurub.

Booliska dalalka Jarmalka iyo Denmark ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe ay kooxo hubeysan oo taabacsan Xamaas ay ku dili rabeen dadka Israa’iiliyiinta ee ku nool Yurub, kuwaas oo ay ku tilmaameen xeelado ay ururku samaynayeen.

Saddex qof ayaa lagu xiray Jarmalka, saddex kalena Denmark iyo mid Holland lagu xiray, iyadoo ra’iisul wasaaraha Denmark ay ku tilmaantay shirqoolkaas mid halistiisa leh.

Saraakiisha Xamaas ayaa lagu eedeeyey inay keenaan hub kayd ah oo laga keenay meel aan la shaacin oo Yurub ka tirsan, lana keeno Berlin, si ay u weeraraan xarumaha dadka ka soo jeeda Israa’iil, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Jarmalka.

Jarmalku waxa uu sheegay in 4 ka mid ah todobada qof ee looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Xamaas ee maamula marinka Qasa, kuwaas oo dagaal aan hore loo arag kula jira maamulka Israa’iil.

Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Yurub, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Haya’add la yiraahdo Community Security Trust (CST oo tala ka siina amaanka iyo ilaalinta dugsiyada dadka ka soo jeeda Israa’iil iyo goobahooda kale ayaa sheegtay in warka weerarrada uu saamayn walaac leh ku hayo UK.

Hay’adaha sirdoonka Britain iyo kuwa reer galbeedka ayaa horay uga digay in dagaalka Israa’iil uu sare u qaaday khatarta weerarrada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta ku nool Yurub.

Afhayeen u hadlay hey’adda CST ayaa yir, “Taariikh ahaan, Xamaas waligood ma muujin xiisaha ay u qabaan fulinta weeraro argagixiso meel ka baxsan Israa’iil . Waxa jiray hal ama laba goobood sannadihii la soo dhaafay iyaga oo ku xidhan laakiin ma jiraan wax miisaan weyn leh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Laakiin haddii ay tani isbedel ku tahay siyaasadda Xamaas si ay u fuliso weerarrada ka dhanka ah bulshada Israa’iiliyiinta ah ee ka baxsan gobolka, iyadoo la raacayo Iran iyo Hezbollah, taasi aad ayay u khusaysaa. Waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku yimid khatarta lagu hayo bulshooyinka dadka ka soo jeeda Israa’iil. Waxaa jira walaac weyn haddii xarunta Xamaas ay ku amarto dadka Xamaas ee Yurub jooga inay weerar qaadaan.”

 

Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye oo xukunno adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macallin Axmed) oo labaduba lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Daaciish.

Labadaan nin ayaa horay uga tirsanaa Al-Shabaab, balse markii dambe waxa ay u wareegeen dhanka kooxda Daacish, iyaga oo uga howlgalayay magaalada Muqdisho.

“Cabdiqani iyo Axmed ayaa horay uga mid ahaan Khawaarijta Alshabaab bale usoo digo rogtay Daacish. Waxa looga tashkiiliyay mid waliba aaladda xiriirka dadweynaha gaar ahaan Telegramka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada 16-kii October ee sanadkan, waxaana ciidamada ay qabteen Cabdiqani oo watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnuur oo ku yaalla xaafadda  Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley,

Sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga soo helay agabyada loo istcimaalo qaraxyada, kadib baaris dheer oo ay ku sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan December ee sanadka 2023-ka.

Garsoorka oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya Gaashaanle Xassan Cali Nuur (Shuute).

Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunnada ay ku rideyso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish ee soo galay gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Muxuu Xaadoole ka yiri isbeddalka amniga Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbeddalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho, isaga oo bogaadiyay hay’adaha amniga ee ka shaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir.

Xaadoole oo khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa ayaa qiray in ciidamada ay shaqeeyeen, ayna wax badan ka qabteen dhibaatooyinkii amni ee ka jiray caasimada.

“Dhammaan jawiga Muqdisho waa isbeddalay dadka magaaladaan ku nool ayaan kamid ahay markaan sii soconno iyo markaan soo soconnaba qarax baa dhici jaray” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Hadda subaxdii markaan soo baxaayo waxaan arkaa askar taag taagan wadada war askartaas u duceeya oo u hambalyeeya oo niyadda u dhisa”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale farriin u diray hay’adaha amniga, wuxuuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga.

“Iyagana laamaha amniga waxaa laga rabaa inay dadaalka sii wadaan, haddii ay yihiin Boolis, Nabad Sugid iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri Xaadoole.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo soo jeediyay in la taageero ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Ugu dambeyn waxa uu soo dhaweeyay qaadista cunaqabateynta hubka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay wax badan ka tari doonto soo afjarida kooxda Al-Shabaab.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo howlgallo ka socdaan dalka, kuwaas oo lagula dagaalamayo Shabaab, waxaana iska kaashanayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada DF Soomaaliya oo hareereeyay deegaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay guluf culus ku qaadeen deegaanka Yacgoos ee gobolkaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay hareereeyeen deegaankaas oo ku yaallo dhul buuro ah, waxayna haatan ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ujeedka ayaa inay Al-Shabaab laga saaro deegaankaas oo ay muddo dheer ku sugnayd, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaq ka wada buurta deegaanka Yacgoos, si ay isaga difaacdo duulaanka ciidamada Xoogga iyo kuwa dad deegaanka ee ku dhow deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan.

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana gobolkaas gaaray ciidamo horleh oo ay gaysay dowladda dhexe.

Maalin kahor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen saldhig wayn oo ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taalla duleedka degmada Xararardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka hawdka ee ku yaalla gobolkaasi.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta

Koox Soomaali ah oo weerar guuleystay ku qaaday markab aad u weyn oo laga leeyahay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab ay leeyihiin ciidamada badda Spain ayaa ku baxay markab ganacsi oo ka diiwaan-gashan dalka Malta, kaasi oo la rumeysan yahay inay afduubteen burcad badeedda Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay ciidamada Midowga Yurub ee la-dagaalanka burcad badeedda.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasi oo howlgallo ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weeraradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Xarunta hawlgallada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan “markab la sheegay inay burcad-badeeda afduubteen,” kaasi oo lagu magacaabo Ruen, xilli uu marayey meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Socotra ee u dhow Soomaaliya.

Xubin ka mid ah kooxihii hore ee gacan ka gaysan jiray abaabulka weerarada lagu qaado maraakiibta, oo ku sugan Puntland, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu maqlay in burcad-badeedda ay u suurta-gashay in ay qabsadaan markab.

“Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcad-badeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada xeebta ah ee Qandala.

Ma uusan shaacin magaca doonta, islamarkaana mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Howlgalka EUNAVFOR ayaa sheegay in markabka dagaal ee Victoria ee Spain loo diray goobta weerarka, “si uu usoo ururiyo macluumaad dheeri ah, una qiimeeyo tallaabooyinka la qaadi karo.”

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in markabka Ruen ay afduubteen burcad-badeedda.

Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in ay warbixin ka heshay sarkaal ka tirsan ilaalada markabka oo sheegay in shaqaaluhu aysan gacanta ku hayn markabka, oo hadda ku sii jeeda Soomaaliya.

Markabka Ruen waxaa maamula shirkadda Bulgare ee dalka Bulgaria, sida ku cad xogta shirkadda Equasis ee kaydisa xogta maraakiibta.

Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isaga oo shareecanaya dhanka Soomaaliya abaare 2:26 pm Jimcihii, sida ku cad xogta shirkadda LSEG ee la socota dhaqaaqa markaaiibta.