25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ciidamada UGANDA oo khasaare lagu gaarsiiyey qarax ka dhacay MARKA

0

Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda lagula beegsaday duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj bartamaha magaalada, waxaana qaraxu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada dowladda Uganda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee ATMIS, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in qaraxa, kadib ay rasaas  fureen ciidamada la qarxiyey oo markii dambe sii watay socdaalkooda.

Taliska guud ee howlgalka ATMIS ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaas qaraxa ah, balse kama hadlin khasaaraha soo gaaray ciidamadooda.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana shaacisay in askar ka tirsan ciidamada Uganda ay ku dileen, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Int badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta & bartamaha dalka.

BF oo fasax galay xilli laga sugayey ansixinta golaha wasiirada lasoo dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la siiyey fasax 15 maalmood ah, si acmaasha Xajka iyo munaasabadda ciidul Adxa ay u soo gutaan.

Warqad uu soo saaray Xoghayaha golaha shacabka ayaa xildhibaanada lagu faray inay fasax yihiin 15-ka maalmood ee soo socota, iyadoo lagu wargeliyey in 16-ka bishaan ay ku soo laabtaan kulamada golaha.

“Mudane Xildhibaan, anigoo fulinaya amarka guddoomiyaha golaha, waxaan idinku war gelinayaa in xubnaha golaha la siiyey fasaxii Xajka iyo Ciidul Adxa, oo idiin bilaabana 1-da Luuliyo, kuna eg 15-ka bishaan,” ayaa lagu waqadda.

Qoraalkaan ayaa xildhibanada looga codsaday inay ka soo laabtaan fasaxaas maalinta Sabtiga ee 16-ka Luuliyo, si loo guda galo howlo ay ku jirto ansixinta xukuumadda cusub.

“Maadaama ay ansixintii golaha wasiirradu soo dhowdahay, waxaa xildhibaanada laga codsanayaan inay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka, maalinta Sabtida ah ee 16-ka July, si guluhu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu fasaxay xildhibaanada.

Shaqooyinka ugu horeeya ee xidhibaanadu ay qaba doonaan markii ay kasoo laabtaan fasaxaan waxaa ka mid ah, ansixinta golaha wasiirrada ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo dhisi doono.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka oo kulamo wadajir ah maalmihii lasoo dhaafay ka lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka ayaa maalin ka hor ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd burburkii kadib.

Ra’iisul Wasaare XAMZA oo xilal cusub magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa agaasimaha xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Xamza ayaa madaxa hab-maamuska ee xafiiskiisa u magacaabay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdillaahi Shariif, kaas oo kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, taas oo soo dadajisay in markale loo magacaabo jagadaasi.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xabaale ku yaal Muqdisho oo meydadkii ay banaanka usoo baxeen iyo halis ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad halis ah ayaa ka taagan xeebta degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay banaanka u soo baxeen xabaalaha Iskuul Boluusiya oo badda kaabiga ku haya.

Hirka badda oo karkaarada soo dhaafay ayaa banaanka u soo saaray lafaha meydadkii ku aasnaa qabuuraha ku yaalla halka loo yaqaano iskuul Boluusiya ee degmada Xamar-jajab.

Goobtaas ayaa caan ku ah fagaaraha lagu toogto dadka la qisaasayo, waxaana ku yaalla qabuuro aad ugu dhow xeebta, kuwaas oo hadda ay baddu soo gaartay.

Soomaaliya ayaa gashay xilligii xagaaga, waxaana caasimadda Muqdisho maalmahaan ka da’aya roobka xagaaga, iyadoo xiligaan oo kale ay is bedesha cimillada badda.

Dadka ku nool quryaha xiga xeebta, gaar ahaan degmada Xamarjajab ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda ka jirta qabuuraha Iskuul Boluusiya, oo meydad hor leh lagu sii aasayo maalin kasta.

Warbaahinta gudaha oo maanta warbixino ka soo diyaarisay goobtaas ayaa soo bandhigtay qoysas meydadka ehelkooda kala baxa qabuurahaas, si goobo kale ay ugu aastaan iyo xabaalo ay biyaha baddu banaanka u soo saareen.

Hoos ka daawo warbixin ay ka diyaarisay Dalsan TV

Fanaanad Khadra Daahir Cige oo geeriyootay – Dhageyso wareysi laga qaaday 1976

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaanadii weyneed Khadra Daahir Cige oo muddooyinkaan ku xanuunsaneed Hargeysa.

Qaar ka mid ah ehellada Marxuum Khadra Daahir oo ku sugan Hargeysa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerideeda. Waxay ku geeriyootay Isbitaal mudooyinkii dambe lagula tacaalaayey xaaladeeda caafimaad oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Khadra Daahir Cige ayaa ka mid aheyd fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed, waxayna aad fanka uga dhex muuqatay beri-samaadkii, inkastoo waayihii dambe ay ka fariisatay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida Marxuum Khadra Daahir wuxuu ku yiri, “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.”
Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.
Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.”
 Hoos ka dhageyso wareysi ay 1976-kii siisay Radio Muqdisho

Xog: Madaxweyne Xasan oo berri u baxaya safar dibadda ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u safraya magaalada Ankara, kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda Turkiga uu ka helay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay tagaan Turkiga wuxuu Xasan Sheekh la kulmi doonaa Madaxweyne Erdogan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Turkiga, waxaa la sheegay inay u qorsheysan tahay inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.

Sidoo kale xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweynuhu safarka Turkiga kadib uu booqa doono wadamo kale oo dhaca Geeska Afrika, sida Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya oo sanadihii dambe xiriirkoodu xumaa, hadda Kenya waxay u hanqal taageysaa inay heshiisyo rasmi ah la gasho dowladda Soomaaliya ee hoggaanka uu u qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog: DF oo shatiyo siineysa laba Banki oo horey Itoobiya darteed loogu diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay bixiso shatiyada laba Banki oo mid laga leeyahay waddanka Turkiga midna laga leeyahay dalka Masar.

Arrintaan ayaa dib u dhacday dhowr jeer kadib markii nidaamkii madaxweyne Farmaajo uu ka caga jiiday in ogolaansho ganacsi la siiyo labadaasi Banki, sababo la xiriiray saameyntii ay Itoobiya ku laheyd Soomaaliya.

Bankiga Ziraat ee Turkiga oo kamid ah Bankiyada ugu qadiimsan wadankaas ayaa kamid ah bankiyada la filayo inuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya fasax u siiyo inay gudaha dalka ka howlgalaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisii ayaa dhowr jeer hoos isaga dhigay arrintaan, ayada oo sababta ugu weyn ay aheyd Bankiga Masar, sababo la xiriira xiisadda Qaahira iyo Addis-Ababa.

Sidoo kale ganacsatada bankiyada ee Soomaaliya ayaa dhankooda taageersanaa diidmadaas, iyagoo ka cabsi qabay inuu tartan culus ka dhasho, taasi oo saameyn ku yeelan karta ganacsiyadooda.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku amray guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya in labadaasi Banki la siiyo shatiga.

Labada Banki ee la siin doono ogolaanshaha ay kaga shaqeysan karaan Soomaaliya waxaa ku jira bankiga ganacsiga ee Masar, waxaana xubin muhiim ah oo arrintaan wax kala socday, balse diiday inaan xigano magaciisa uu sheegay in sababihii uu Farmaajo u diidanaa shati siinta bankiyadaan inay la xiriirtay diidmadii siyaasadeed ee u dhaxeysay maamulkiisa iyo dowladda Masar maadaama labada Banki mid laga leeyahay wadanka Masar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad ugu dhawaa dowladda Itoobiya taasoo diidan in dalalka saaxiibka la ah inay dhinaca kale soo dhaweystaan dowladda Masar oo ay xurguf xooggan kala dhaxeyso.

Waxaa jirta kala aragti duwanaan la xiriirta in Bankiyo iyo shirkado caalami ah dalka ka howl billaabaan. Ganacsatada dareynsan inay imaan karaan shirkado ka xoolo iyo farsamo aad uguma riyaaqsana bilaabashadaan, laakiin dhinaca kale waxaa jira shacab aaminsan in loo baahan yahay inay dalka soo galaan shirkado caalami ah oo ay taasi mar abuureyso tartan xiiso leh marna ay fasiraad ka bixineyso inuu dalku soo hagaagayo amni ahaan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamaha asbuuca soo socda booqanaya wadanka Turkiga halkaas oo uu kula kulmi doono dhigisia dalkaas Erdogan.

Ka hor booqashadaan rasmiga ah, wuxuu rabaa madaxweyne Xasan Sheekh sida ay illo wareedyada noo sheegeen in bankiga Siraat ogolaansho la siiyo, balse ma cadda haddii ay dhici doonto.

Lama yaqaano sida ay Bankiyada Soomaalida u arki doonaan tallaabadaan.

Sawirro: Masjid aan noociisa horey loogu arag oo laga furayo magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta ayaa maanta loo soo bandhigay Masjid cusub oo dhawaan laga furi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo ku yaalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa qarashka lagu dhisay masjidka bixiyey ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, kaasoo masjidka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.

Sheekh Axmed Nuur Cali ayaa ah milkiilaha ugu sarreeya ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad bixiso adeegga isgaarsiinta iyo adeegyo kale.

Masjidka ayaa waxaa loo dhisay qaab aad u sarreeya oo ka duwan masaajida kale ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna u egyahay Masjidyada ku yaalla dalka Turkiga, ayada oo dhismihiisa uu socday sanado,

Masjidka waxa uu sidoo kale leeyahay qeyb waxbarasho oo jiif iyo cunto leh oo ah laba dabaq, sidoo kalana wuxuu leeyahay masjidka Parking loogu talagalay in la dhigto gawaarida.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Masjidka laga dhinac dhisay sidoo kale dhowr dabaq oo laga dhigayo goobo dukaameysi, kuwaasi oo qeyb ka ah xeendaabka Masjidka.

Ma cadda lacagta ku baxday dhismaha Masjidka, hase yeeshee marka la eego quruxdiisa iyo naqshadda, waxaa cad inay tobanaan milyan oo dollar ay ku baxday.

Masjidka ayaa la furi doonaa maalinta Ciidda ee soo socota oo ku beegan 9 Bishan July, waxaana la qorsheenayaa in lagu dukado saaladda Ciidda.

Taageerayaasha Rooble oo xeelad nooc cusub ah uga adkaanaya kuwa Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si weyn u xoogeystay dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dagay Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo hadda u muuqda inuu weji kale yeeshay.

Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Farmaajo ee baraha bulshada looga yaqaano CBB ayaa maalmihii ugu dambeeyey sii xoojiyey aflagaadada ay u geysanayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dagaalkaan soo billowday markii uu qarxay khilaafkii Farmaajo iyo Rooble.

Taageerayaal u badan xubno kasoo jeedo Somaliland, Sool iyo Soomaalida Kenya oo u muuqda inay yihiin kuwa abaabulan ayaa si joogta ah u aflagaadeeya Rooble tan iyo markii uu Rooble ku guuleystay inuu joojiyo doorashada kursigii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Taageerayaasha Rooble oo ay ka muuqato caro weyn oo ay ka qaadeen aflagaadada lagu hayo Rooble ayaa waji kale u sameeyey dagaalka kadib markii ay billaabeen inay xubnaha ugu waaweyn CBB ay dhimasho uga diiwaan geliyaan akoonadooda Facebook si loo xiro, taasi oo ay ku guuleysteen.

Dagaalka ayaa waxaa laga billaabay guddoomiye ku-xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka amniga Cali Yare Cali oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha CBB, waxaana loo diiwaan geliyey dhimasho sidaas ayaana lagu xiray akoonkiisii Facebook.

Sidoo kale waxaa shalay dhimasho hawada looga saaray boggii Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah shaqsiyaadka baraha bulshada uga caytama Farmaajo kadib markii ay Facebook kusoo qortay qoraalo lagu aflagaadeenayo looguna gefayo Rooble.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa weli ku guuleysan la’ inay soo celiyaan akoonada la xiray.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa horey looga bartay inay dadka kasoo horjeeda akoonada Facebook ka xiraan, balse waxaa hadda muuqato in looga adkaanayo dagaalka baraha bulshada ka socdo maadaama lala yimid nashqad middooda ka duwan.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kooxda Farmaajo u arkayeen cadowgooda koowaad, waxayna taas keentay inay baraha bulshada ka billaabaan aflagaado loo geysanayo madaxweynaha cusub iyo xubnaha la safan.

Midowga Yurub oo Xasan Sheekh u fasaxay lacagtii laga xayiray FARMAAJO

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dowladda federaalka ah Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo looga jawaabayo markii dowladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Midowga Yurub dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna Annette Weber soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa noqotay mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara Soomaaliya tan iyo burburkii kadib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Axmed Madoobe oo amar culus kasoo saaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta la kulmay wakiilada hay’adaha kala duwan ee ka howlagala deegaanada Jubaland ayaa soo saaray amar culus.

Kulankan waxaa diiradda lagu saarayey sidii hay’adaha ka howlagala guud ahaan Jubaland ay gacan oga geysan lahaayeen taakuleeynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada Jubaland iyadoo oo lagu amray hay’adaha in Degmooyinka cusub ee Jubaland kusoo kordhay sida Buurdhuubo iyo Dhoobley ay gaarsiiyaan mashariicyada hormarineeyd iyo adeegyada aas aasiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale u sheegay Wakiilada hay’adaha in muhiimada ugu weyn ee kulankiisa uu yahay sidii muhiimad gaar ah loo siin lahaa dhalinyarada wax ku baratay gudaha Jubaland marka ay timaado shaqaalaysiinta.

Wakiilada hay’adaha ayaa soo gudbiyey qorshayaal lagu caawin karo dadka kubarakay gudaha deegaanada Jubaland iyagoo sheegay in ay door weyn ay ka qaadan doonaan sidii fursadaha shaqo ee jiro looga fa’iideeyn lahaa dhalinyarada wax ku baratay deegaanada Jubaland.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gen. Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Ingineer Ismaciil Axmed Garas, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan.

 

Ilhaan Cumar: Nin Soomaali ah ayaa aniga oo daawanaya lagu dhuftay 38 xabbadood

Ilhaan Cumar, oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa ka qayb gashay shir ay bulshada ka yeesheen arrimaha qalalaasaha hubka, waxa ayna isbarbardhig ku samaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo magaalada Minneasopolis.

Ilhaan ayaa sheegtay dhinaca qalalaasaha ay Minneapolis ku liidato marka lala barbardhigo xeryada Dhadhaab.

“Muddo lix sano ah waxaan nasiib u yeeshay in aanan arkin wax qalalaase ah ilaa inta aan usoo guurayay Minnesota,” ayay tiri Ilhaan.

Hase yeeshee markii ay tagtay Mareykanka ayay, sida ay sheegtay, la kulantay dhacdooyin argagax leh.

‘Waxaan daawanahay nin Soomaali ah oo lagu dhuftay 38 rasaas ah’

Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay.

Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah.

“Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qpf lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis.

“Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,” ayay tiri.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Soomaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka.

Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

“Waan garanayaa sida uu u eg yahay qalalaasaha noocaas ah ee hubka, balse waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan soo qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qaxooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah.”

Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da’deedu markaas waxay ahayd 12 sano.

Siduu u dhacay dilka ninka Soomaaliga ah?

Toogashada labaad ee ay Ilhaan ka sheekeysay waa dhacdadii uu ku dhintay Abuu Qaasim Jeylaani oo ahaa 28 jir, kaasoo ay booliska dileen sanadkii 2002-dii.

Waxaa la toogtay isagoo wata baangad.

Dda goob joogeyaal ah ayaa sheegay in marka Jeylaani rasaasta lagu furayay uu ku qaylinayay “Allahu Akbar, Allahu Akbar”, sida uu qoray wargayska Daily Mail oo kasoo baxa UK.

Waxa uu dhagaha ka furaystay hadalladii ay booliska uga dalbanayeen in uu baagadda iska dhigo.

Muddooyinkii dmabe waxaa dalka Mareykanka si xoog leh uga taagnayd dood ku saabsan in la xakameeyo isticmaalka hubka kaddib markii ay dhaceen toogashooyin isdaba joog ahaa oo lagu dilay dad ay ku jiraan carruur iskuul lagu weeraray.

Xildhibaannada Aqalka Senate-ka ee gobolka New York ayaa hadda ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in hubka aan loo jeedin ee darka hoostooda kagu qarsado lala galo goobaha xasaasiga ah.

Meelahaas waxaa ka mid ah dhismeyaasha dowladda, xarumaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, goobaha waxbarashada iyo sidoo kale fagaaraha Times Square.

Isha: BBC Somali

Waa tuma Jaamacadda Soomaaliyeed ee soo saartay madaxweyne iyo 7 R/W?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlay munaasabadaha soo dhaweynta ah ee ay ardayda Soomaaliyeed  ee wax kusoo bartay dibadda u sameeyeen ra’iisul wasaaraha cusub Soomaaliya, waxaayana ugu dambeeyey ardayda wadanka Malaysia.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale xusay inay jiraan munaasabada kale oo ay dhigeen arday wax kusoo bartay Sudan, Turki iyo wadamo kale, uuna boggaadinayo tallaabadaasi.

Haddaba waa Waa tuma Jaamacadda kaliya ee soo saartay madaxweyne iyo 7 ra’iisul Wasaare?

Yuusuf Garaad ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay tahay jaamacadda kaliya ee soo saartay madaxweyne, ugu yaraan 7 ra’iisal Wasaare, wasiirro iyo danjireyaal fara badan oo ka howlgala qaar ka mid aha wadamada caalamka.

“Ma is weydiisay, waa tee Jaamacadda keliya ee soo saartay Madaxweyne, ugu yaraan 7 Ra’iisal Wasaare, Wasiirro Ka badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu, Danjirayaal ay ka mid yihiin New York, Washington, Moscow iyo qaar kale oo badan, boqollaal Xildhibaan iyo Senetar, Madaxweyneyaal Goboleed iyo waliba Guddoomiyeyaal Gobolka Banaadir?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Jawaabtu waa JUS oo u taagan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah maskax, maal, aqoon iyo Ajende Soomaaliyeed,”.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Soomaali ka soo qalin jebisay Malaysia ayaa dhowaan xaflad ku qabsaday Muqdisho. Ra’iisal Wasaare Xamsa oo iyaga ka mid ah ayaa ka qeyb galay.

Waxaa ka horreeyay Soomaalida Sudan ka soo qalin jebisay iyo kuwa Turkiga. Intaa iyo kuwa laga yaabo in aanan xusuusan xafladahoodaw waxaan idin leeyahay hambalyo.

Waa aqoonyahanno dalka hooyo wax u soo bartay. Waan bogaadinayaa iyaga iyo kuwa Talyaani, Masar, Sucuudi, Kenya, Ethiopia, Uganda, South Africa, India, Pakistan, China, Ukraine, Norway, Netherlands, Cuba, Russia, Canada, UK, USA iyo dalal kale oo badan wax ku soo bartay iyo kuwa hadda dalal kale u jooga waxbarasho.

Laakiin ma is weydiisay, waa tee Jaamacadda keliya ee soo saartay Madaxweyne, ugu yaraan 7 Ra’iisal Wasaare, Wasiirro Ka badan oo ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu, Danjirayaal ay ka mid yihiin New York, Washington, Moscow iyo qaar kale oo badan, boqollaal Xildhibaan iyo Senetar, Madaxweyneyaal Goboleed iyo waliba Guddoomiyeyaal Gobolka Banaadir?

Jawaabtu waa JUS oo u taagan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah maskax, maal, aqoon iyo Ajende Soomaaliyeed.

Kor Allah ha ka yeelo iyada iyo Hoggaankeeda, Macalimiinteeda iyo ardaydeedaba – kuwii Hore iyo kuwa hadda joogaa.

Sidoo kale, dhammaan Soomaalida wax ku bartay Jaamacadaha kale ee dalka iyo dibaddiisaba.

Burburkii ka dib, JUS waxaa dib u soo nooleeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, xilligiisii koowaad.

Tarsan oo shaaciyey arrin ay Soomaaliya iyo Kenya ku qasban yihiin inay sameeyaan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay soo hagaagayey, kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tarsan oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in labada dal oo daris ah aysan kala maarmin, isla-markaana ay labada dhinacba baahi u qabaan xoojinta xiriirkooda.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaali fara badan ay ku nool yihiin gudaha dalkaasi, ayna ku leeyihiin ganacsiyo waa weyn, sidaas darteed ay tahay in laga fakiro mustaqbalka dadkaasi Soomaaliyeed iyo hagaajinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada shacab.

“Dowladda Kenya iyo annaga oo deris ah waxa aan nahay labo dowladood oo aan kala maarmi Karin, waxa aan leenahay xuduud dheer. Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkaan ku shaqeysta, si nabad ah oo xasilooni ah oo ay raali ka yihiin Dowladda Kenya iyo mas’uuliyiintooda, sidaas awgeed waxa ay dadka Soomaalida aad waxa ay ugu baahan yihiin in aan xoojino xiriirkeena, xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya muhiim ayuu inoo yahay iyagana sidoo kale oo lama kala maarmo labada dal” Danjire Maxamuud Tarsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku qasban yihiin inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shahaab oo weeraro ka fuliso labada wadan.

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya aysan gooni u kala taagnaan karin, isla-markaana ay leeyihiin hal cadow oo ah kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya iyo Kenya ma jiro dal gooni u taagnaan kara waayo waxaa naga dhaxeeya hal cadaw oo ah Shabaab oo dhibaato ku ah xasiloonida iyo degenaashiyaha Soomaaliya iyo Kenya, haddii aan gacmaha is qabsano anaga iyo Kenya shaki kuma jira in aan jebin karno oo aan ka guuleysan karno ka bacdina aan u jeesan karno sidii aan u dhisan lahayn dhaqaaleena una hagaajin lahayn waddamadeena” ayuu markale raaciyey Danjire Tarsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan la filayo la furo xadka labada dal, sidoo kalena dib loo bilaabo keenista qaadka ka yimaada magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Nin hubeysan oo weerar ka geystay BAARDHEERE oo isna toogasho lagu dilay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta nin hubeysan uu weerar ka geystay degmada Baardheere, kaas oo markii dambe isna toogasho lagu dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amaanka.

Ninka hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada nabad sugida iyo qof shacab ah oo la socday, waxaana askariga soo gaaray dhaawac fudud, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga uu iska caabin sameeyey, isla-markaana ay sababtay rasaasta uu furay inuu ku geeriyooday ninkii hubeysnaa ee Shabaabka ahaa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamoka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawac askariga kasoo qaaday goobta, isla-markaana sameeyeey baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha Baardheere oo la hadlay warbaahinta ayaa amaanay askariga ka hortegey weerarkaasi, isla-markaana dilay ninka weerarka kusoo qaaday, waxayna shaaciyeen in tani ay qayb ka tahay feejignaanta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgal halkaasi.

Baardheere ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo, waxaana inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Gedo.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ciidamada Xoogga Dalka ay xoojiyeen howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolkaasi.

Villa Somalia oo shaacisay inay dhinteen qaar kamid ah wiilashii loo qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo marti ku ahaa  barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa si cad u sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka Eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen.

Cabdikariin ayaa intaas raaciyey in dhalinayada dhimatay waalidiintood ay akhbaartu gaartay, isagoo balan qaaday in waalidiinta aan helin xogta in wiilashoodii dhinteen uu isagu siinayo.

“Waxaan kuu qorayaa lambarkeyga ee ila soo hadashii waalidka aan wiilkiisa dhintay warka ka heyn, anigaa xogta siinayee,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo qof su’aal weydiiyey u jawaabayey.

Barnaamijkaan oo ahaa mid su’aalo lagu weydiinayey Afhayeenka ayuu sidoo kale ku shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradaas dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Mar la weydiiyey su’aal aheyd in lacag dhan 50 milyan madax-furasho loogu heysto dhalinyaradaas ayuu ka meer meeray inay ka jawaabo, wuxuuna weriyaasha Soomaaliyeed u soo jeediyey in ayagu ay baaraan xogtaas.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay balan qaadeyso in dhalinyaradaas inta ka nool dalka dib loogu soo celinayo, iyagoo tababaran oo dalka anfacaya.

“Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed xilli ay uga baahi badan yihiin ma jirto maanta inay helaan 5-kun oo wiil oo tababaran, waa lakeenayaa, waalidiinta Soomaaliyeed-na waa ay ka war hayaan caruurtooda inta dhimatay, inta noolna waa ka war hayaan, waana la keenayaa inta nool,” ayuu yiri Cabdikariin.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amnigu ahmiyad gaar ah u leeyahay, isla markaana askarta ku maqan Eritrea ay muhiim u yihiin qorshaha amni ku soo dabaalidda dalka ee madaxweynaha.

Hoos ka daawo

Sawirro: Puntland oo xal u heshay shidaal la’aantii ka jirtay deegaannadeeda

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland oo ah dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa xal u heshay shidaal la’aan muddooyinkii lasoo dhaafay ka jirtay deegaanada maamulkaasi, waxayna keensatay markab weyn oo sida shidaal fara badan.

Markabka oo maalmihii lasoo dhaafay taagnaa xeebaha Puntland ayaa xalay kusoo xirtay dekedda weyn ee Boosaaso, iyadoo halkaas ay buux dhaafiyeen booyadaha shidaalka.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan ay leedahay shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana shidaalka iska leh ganacsato reer Puntland ah oo soo rartay.

Sawirro laga soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa la arkayaa gaadiidka shidaalka oo isaga kala gooshaya halkaasi, waxayna bilaabeen in magaalooyinka kale u daabulaan shidaalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in arrintan ay wax ka bedasho shidaal yarida ka taagan deegaanada Puntland, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo meeshii ugu sarreysay gaaray.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa maalmihii la soo dhaafay aheyd mid mashquul ah, waxaana ka dhoofayey xoolo loo iibgeynayay wadamada Carabta.

Si kastaba, shidaalkla dunida ayaa sare u kacay, kadib duulaankii uu Ruushka ka qaaday dalka Ukraine, waxaana saameynta ugu badan dagaalkaas ka dhexlay dalalka Afrika.

 

Xasan oo dalab culus u diray Jaamacadda Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay fiidkii dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gheit.

Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar oo ah Danjiraha  JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, ayaa  xusay in farriinta Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aadannimo oo ku aaddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirrada arrimaha debedda Carabta oo berri looga hadli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya uu Ergeyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad macluul ah.

Sidoo kale ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku dartay in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ah  ay ka dillaaceen koloriin iyo jadeeco.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta ifafaalaha abaaraha ee dalkiisa uu la ildaran yahay iyo saameynta xun ee ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan Soomaaliya si ay ula tacaasho dhibaatada baaxadda leh ee halista ku ah malaayiinta qof eeaan aan waxba galabsan.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka dalalka Carabta si ay u caawiyaan dalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe degdeg ah oo dalalka Carabta iyo gobolkaba si loo yareeyo khatarta musiibooyinka.

Hoggaamiyaha Taalibaan ee loo haystay inuu dhintay oo lagu arkay meel fagaare ah

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee ururka Taliban ayaa booqashadiisii ugu horraysay ku tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah waddanka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Mullah Hibatullah Akhundzada ayaa lagu soo warramay in uu khudbad ka jeediyay kulan ay ku sugnaayeen qiyaastii 3,000 oo aqoonyahanno diimeed ah, kuwaasoo isugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha ku saabsan “midnimada qaran”.

Ma jirin wariye madax bannaan oo loo oggolaaday in uu ka qayb galo kulankan, oo ka dhacay meel amnigeeda si wayn loo sugayay. Cod laga soo duubay khudbaddii hoggaamiyaha ayaa la baahiyay.

Hase yeeshee lama arkin wax muuqaal ama sawir ah oo laga soo qaaday Mullah Haibatullah. Dad codkoodu aad u sarreeyo ayaa si farxad leh u qayliyay kaddib markii lagu dhawaaqay in uu goobta joogo Mullah Haibatullah, uuna hadli doono.

Dadka u kuur gala arrimaha Taliban iyo kuwa dhaliila ayaa in muddo ah sheegayay in Mullah Haibatullah uu geeriyooday sannado badan ka hor, Balse ilo wareedyo kala duwan ayaa horay BBC-da ugu sheegay in hoggaamiyahan uu nool yahay.

Khudbadda uu hadda ka jeediyay Kabul ayuu dagaalyahannada Taliban ugu mahad celiyay tallaabadii ay Afghanistan ku qabsadeen sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu sheegay in “guushaas aysan ahayn mid ku eg Afghanistan oo kaliya balse sidoo kale u riyaaqeen Muslimiinta guud ahaan caalamka”.

Sidoo kale waxa u muuqday inuu ka hadlayo dhaleeceynta sii socota ee beesha caalamku ay Taliban ugu jeedinayaan sida ay dumarka ula dhaqmaan, gaar ahaan sharciyada dhawaan lasoo rogay ee uu ka mid yahay midka dumarka khasabka uga dhigaya inay indho-shareerka xirtaan.

“Alle ayaa mahad leh, hadda waxaan nahay waddan xor ah. [Shisheeyaha] waa in uuasan amar na siinin, nidaamkan annaga ayaa iska leh annaga ayaana go’aannadiisa gaarayna,” ayuu yiri, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Bakhtar, oo ku hadasha afka xukuumadda Taliban.

“Waxaan xiriir dhinacyo kala duwan leh la leenahay Alle, ma aqbali karno awaamiirta kuwa kale ee Alle uusan jeclayn.”

Ilaa hadda, kulanka ay aqoonyahannada diimeed ee Taliban isugu imaadeen loogama hadlin mowduuca ku saabsan waxbarashada gabdhaha. Dugsiyada sare ee gabdhaha ayaa wali xiran meelo badan oo ka mid ah dalkaas. Dumarka looma oggolaanin in ay kulankan ka qayb galaan.

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee ugu sarreeya Taliban ayaa goor sii horraysay yiri: “Dumarku waa hooyooyinkeenna, walaalaheen, aad baah u xushmaynaa, haddii wiilashoodu ay kulanka joogaan taas micnaheeda waa in iyaguna ay sidaas ku joogaan, waana qaabkaas sida ay uga qayb galeen shirka.”

Ururrada iyo shakhsiyaaska u dooda xuquuqda dumarka Afghanistan ayaa arrintaas uga jawaabay si caro leh.  Dhowr ka mid ah dadkaas oo isugu jira rag iyo dumar ayaa BBC-da u sheegay in kulankaas “uusan ahayn mid lagu matalo haweenka”, balse uu yahay isku day ay Taliban ku sharciyeysanayaan xeerarkooda.

BBC

KENYA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 10 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu faah-faahiyey howlgal ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dalkaasi, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka dalka Soomaaliya, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Sariira iyo Kulbiyow oo ka tirsan Keymaha Boni lagu dilay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo baxay ciidamada difaaca Kenya ee KDF ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay goobta ka baxsadeen, kuwaas oo lagu raad-joogo.

Sidoo kale milatariga Kenya ayaa xusay in ragga la dilay ay isku dayeen  inay u soo gudbaan dhanka Kenya, balse ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Kenya.

Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood, kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar ka tirsanaa kooxda Al-Sshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa Kenya, kuwaas oo aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana Kenya ay ka tirsan tahay howlgalka ATMIS.