27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Beyle oo loo haysto kiis musuq oo la xiriira dad ay qaraabo yihiin + Caddeymo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa loo haystaa kiis musuq-maasuq oo xasaasi ah oo la xiriira dad uu shaqaaleeyey oo meelo badan ka qaato mushahar.

Sida ku cad, dokumentiyo ay heshay Caasimada Online, xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ogaaday in Beyle uu si sharci darro ah u qortay shaqaale wasaarado kale ka qaata mushahar, kuwaasi oo uu ka qeyb-geliyey mashruucyo kale.

Xafiiska Hanti-dhowrka oo dhawaan u yeeray Bayle, ayaa waxa uu wasiirku ku gacan sayray yeeristaas, oo waxyaabihii loo haystay ay kamid ahaayeen in shaqsiyaad ay qaraabo yihiin ay sifo sharci darro ah ku qaatan mushaaharaad iyo gunnooyin joogto ah oo meelo kala duwan kasoo gala.

Xubnahan ayaa dowladda bil kasta ka qaadanayey lacago tobanaan kun oo dollar ah, oo dhowr meel kasoo galayey, lacagtaas oo xitaa wasiirada iyo guddoonka baarlamanka aysan qaadan.

Baarista uu sameeyay Hanti-dhowrka oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa waxa lagu ogaaday in saddexda shaqsi ee kala ah; Liibaan Aadan Obsiye, Nuur Cali Cumar iyo Cabdullaahi Xuseen Nuur uu Wasiir Bayle u codsaday inay si ereg ah ula shaqeeyaan, ayaga oo ah shaqaale rasmi ah oo ka qoran Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo siineysa mushaharaad dhowr ilo ah.

Khaladka uu baarista ku ogaaday Hanti-dhowrka ayaa waxa kamid ah in saddexda shaqsi ay haysan ogolaasho heshiis Ereg oo waafaqsan sharciga shaqaalaha rayidka ay mushaar, gunno iyo kharashaad hotel ka wada-qaadanayeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashaariic hoos taga Wasaarada Maaliyada oo ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

“Waa in Liban, Nuur iyo Cabdullaahi ay dib u celiyaan dhamaan lacagihii ay ka heleen Mashaariicda ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Sidoo kalana waa in Wasaaradda Maaliyadda ay heshiis waafaqsan Sharciga Shaqaalah Rayidka Qoddobkiisa 41-aad ay la gashaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda haddii ay Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in ay howlihii loo ergaday shaqsiyaadkani usii wataan, kana helaan lacagahooda mashaariicda hoostaga Wasaarada Maaliyada ama Miisaaniyadda Wasaarada,” ayaa lagu yiri talo soo-jeedin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ka dalbaday Wasaaradda Maaliyadda inay dhowrto shuruucda maamulka Maaliyada iyo kala baxsanaanta waajibaadka shaqo ayna si deg-deg ah u joojiso qabashada Payment Voucher (F3) ee uu idman Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Shaqaalahan ayaa sida la ogaaday qaraabo la ah Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle, waxayna wasaaradiisu ka bixin jirtay kharashaadka Hotel-ka, iyada oo siin jirtay gunooyin iyo lacago kale oo sharci darro ah, ayaga oo ka diiwaan-gashan yihiin Wasaarad kale.

Bayle ayaa wajahaya kiisas musuq-maasuq intii uu joogay Wasaaradda, ayada oo dhawaana ay dood adag ka dhalatay xisaab-xirkii miisaaniyadii afarta sano ee dowladdii hore, taasi oo loo xil-saaray guddi baaris ku sameeya.

Hoos ka aqriso dokumentiyada kiiska baarista oo ay heshay Caasimada Online

Sawirro: Aadan Madoobe, Rooble iyo Mahdi Guuleed oo safarro dalka uga baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano, wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jira ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyagoo ku kala wajahan magaalada Nairobi iyo boqortooyada Sacuudiga.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa u amba-baxay dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan Acmaasha Xajka.

Sidoo kale wafdi kale oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed uu hoggaaminayo ayaa galabta u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo berri uu uga qeyb gelayo shirka madaxeedka wadamada IGAD oo berri furmaya.

Horay waxaa dalka uga maqnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamiyo oo xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku casuumnaa shirka IGAD ee berri ka furmaya Nairobi, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in loo diray Mahad Guuleed, maadaama ay Madaxweynaha u suurta geli weysay inuu ka soo gaaro.

Haatan waxaa dalka ku sime madaxweyne ka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo markeedii labaad maamuuskaan heleysa maalmo gudahood, maadaama ay safar dalka uga wada baxeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Daawo: Dhac nooc cusub ah oo ka billowday Muqdisho iyo qoys guriga loogu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa markii u horeysay hab aan hore loo arag u jabsaday guriga qoys degan xaafada Black-Sea ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhac baaxad weyn ka geystay.

Qoyska dhaca loo geystay gurigooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda burcada ah ay albaabada gurigooda u jabsadeen hab casri ah, maadama aysan ka muuqan garaafo.

Sidoo kale waxay sheegeen inay qaateen dahab, telefoono qaali ah iyo Laptop-yo ay lahaayeen dadka ku noola guriga, kuwaasi oo illaa hadda aan meel lagu sheegin.

“Si casri ah oo aan hore u arag ayay u jabiyeen guriga, waxaa noo soo dhacay dad aan ku qiyaasay shan illaa lix nin oo hubeysan oo bistoolado iyo tooreeyo wata. Waxay bilaabeen inay baskoolado nagu qabtaan oo baaran alaabta guriga,” ayuu yiri qof kamid ah qoyska la dhacay oo la hadlay warbaahinta.

“Waxay naga qaateen saddex telefoon oo waaweyn, telefoono niiclaha ah, saacado, laptop HP ah iyo dahab illaa 80G ah waa nagala qaatay, meel jaban oo dhib weyn loo geystay ma jiraan wixii yaaleyna waa nagala qaatay.”

Dhinaca kale dadka xaafada Black-Sea oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la kulmeen dhac lamid ah midka qoyska xalay loo geystay, ayaga oo carabaabay in haddii tuugada wax dhacaya ay waayan alaab ay qaatan ay kufsi u geysanayaan dumarka ku nool.

“Caawa hadduu maqan yahay habeen dambe wuu imanaya. Waxaa ku nool nahay khal-khal, canshuurna waa nagala qaada. kuwa dowladda sheeganaya hubka ayaga ayuu ka imaada, raga bistoolado ayey wataan halkee ka keenen hubka.”

Tuugada dhaca ka geysata gudaha magaalada Muqdisho ayaa kusoo badanaya magaalada, ayada oo xiligaan lasoo baxay hab la yaab leh oo lagu jabsanayo guryaha xaafada, sida xalay ka dhacay degmada Howl-Wadaag.

Xog: Dib u habeynta NISA iyo dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa dib u habeyn xoog leh ku wada Hay’adda NISA, kadib markii uu xilkaasi la wareegay 29 May 2022.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu Mahad Salaad isbedello waaweyn ku bilaabay Hay’adda si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii Sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo uu awoodda ugu sareysa lahaa Fahad Yaasiin Xaaji.

Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA inaysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.

Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh aad ugu dhow ayaa loo dhiibay shaqada ugu adag, waxaana isagoo waqti iska lumin si degdeg ah u bilaabay nadiifinta Hay’adda iyo sidii uu meesha uga saari lahaa saameynta Fahad Yaasiin.

Tallaabooyinka ugu waaweyn ee Mahad Salaad qaaday waxaa ka mida:

– Isbedel degdega oo lagu sameeyay hoggaannada NISA, sida Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Gobolka Banaadir iyo

– Xilal ka qaadista xubno halis loo arkay oo toos ugu xirnaa Fahad Yaasiin.

– Dib u soo celinta Gaadiidka iyo ciidamadii iyo hubkii Hay’adda ee ay heysteen Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane.

– Xariga ciidamo iyo saraakiil isku dayey inay baxsadaan

– Magacaabidda qaar ka mida saraakiishii ku dhowaa Fahad Yaasiin

– Iyo Dabagal ku bilowday kiisaska waaweyn ee Hay’adda lagu eedeeyay xilligii Farmaajo iyo Fahad

Arrimahan oo dhan waxaa barbar socday dadaallo uu agaasimaha cusub ee NISA ku doonayo inuu si buuxda u maamulo hay’adda NISA oo xaalad adag ku jirtay xilligii kala guurka, isaga laftiisana uu ku eedeeyay inay ku milantay Alshabaab.

Isbedellada waaweyn ee la filayo inay gasho Hay’adda NISA ee hoggaanka cusub ayaa waxaa ka mida:

– Xalinta iyo Arrinta Gobolka Gedo oo Hay’addu si dadban u maamuli jirtay xiligii Farmaajo

– La tacaalidda saraakiisha halista ah ee Hay’adda awoodda ku lahaa xilligii Fahad Yaasiin

– Baaritaanka iyo bandhigga kiisaskii waaweynaa ee NISA ku lug yeelatay xilligii Farmaajo iyo Fahad.

– Soo celinta sumcadii Hay’adda NISA ee lagu tuhmay la-shaqeynta Alshabaab

– Gudashada xilka rasmiga ah ee loo dhisay NISA oo ah sugidda Amniga iyo ka hortagga caddowga gudaha iyo dibadda oo ay ugu horeyso Alshabaab.

Dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin dhex maray ee dib u habeynta Hay’adda NISA wuxuu u muuqdaa inuu wejiga hore ku guuleystay Mahad Salaad, lama oga natiijada wejiga labaad oo la bilaaban doona marka Fahad Yaasiin bilaabo inuu soo bandhigo xogta uu ka hayo Mahad Salaad.

Xiasgo: Goobjooge

Dhageyso: Bankiga Dhexe oo shaaciyey sababta shatiyo loo siiyey bankiyo caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabadii ay Soomaaliya markii ugu horraysay shatiyo ku siisay laba banki oo laga leeyahay dibedda.

Labada Banki ayaa lagu kala magacaabaa Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay dalka Turkiga

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in labadan banki ay kasoo baxeen shuruudihii bankiga dhexe, isla markaana ay bixin doonaan adeegyada bankiyada ee shirkadaha.

“Waqti dheer ayey qaadatay howshaan, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo banki caalami ah loo ogolaanayey inuu dalka ka shaqeeya waxaa marka hore diyaarinay xeerkii lagu hagi lahaa, kadib waxaan u dirnay shuruudaha laga rabo wayna soo buuxiyeen runtii,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ugu horeysay oo ay bankiyadaan soo dalbadaan aqoonsiga uu bandhiga dhexe dalka kusoo rogay xayiraad ku saabsan inaan la diwaan gelin karin bankiyo dibadda laga leeyahay, isagoo taas sabab uga dhigay in waqtigaas la diiwaan geliyey 13 Banki oo gudaha laga leeyahay kuwaas oo ay aheyd in la siiyo waqti ay ku kobcaan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey adeegyada ay bankiyadaan qaban doonaan ayaa yiri “ Waa Bankiyo waa weyn oo jira oo haddaba shaqeeya waxay doonayaan inay laan ka sameystaan Muqdisho kadibna ay bixiyaan adeeg Banki oo weliba kuwa shirkadaha ah, sanad kasta waxaa la eegi doonaa in Bankiyada ay kasoo baxeyn shuruudihii lagu siiyey Leysinka”

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo wax laga waydiiyey shuruudaha ay bankiyada ku xireen ayaa sheegay inay kamid tahay shuruudaha inay Bankiga dhexe dhigaan lacago Malaayiin ah oo ra’sumaal ah iyo inay ku dhaqmaan shuruucda loo dajiyey oo ay kamid tahay inay leeyihiin xeerar adag oo lagu maamulo, shaqaale xirfad leh iyo qalab casri ah.

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in bankiyadaan ay yihiin kuwa lagu aamini karo hantida shacabka Soomaaliyeed taasiina ay daliil u tahay in bankiga dhexe uu ku qancay wuxuuna ugu baaqay inay isticmaalaan maadaama uu sheegay in bankiga dhexe ay dhigi doonaan lacag aad u badan oo damaanad ah.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in bankiga dhexe uu diyaariyey shaqaale xirfad leh oo kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doona marka ay bankiyadaan bilaabaan adeegooda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

Sawirro: R/W Xamza oo la kulmay Tiina Intelmann kadib go’aankii Midowga Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa looga hadlay “Xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda,”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadcelshay booqashada Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann, isaga oo kaga mahadcelshay kaalinta ay ku leeyihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga Hambalyeesay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre xilka culus ee loo igmaday kaas oo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay 15 Juun 2022 Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya ayada Midowga Yurub uu 2-dii ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dowladda federaalka ah Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo looga jawaabayo markii dowladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

 

Baarlamanka Puntland oo go’aan culus soo saaray iyo DENI oo jawaab ka bixiyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan ka yeeshay Garoowe ayaa diiday inay ansixiyaan dhamaan xubnaha garsoorayaasha ee uu dhawaan madaxweyne Saciid Deni u magacaabay maxkamadda sare maamulkaasi.

Ugu horeyn kulanka golaha ayaa waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo ku aadan ansixinta xubnaha hoggaanka maxkamadda sare ee Puntland.

Sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka waxaa codeysay 43 xildhibaan, waxaana  ka hor yimid 11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, sidaas daraadeed xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare Puntlabnd ayaa kalsoonida ku heli lahaa 34 mudane.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo jawaab deg-deg ah bixiyey ayaa ku gacan-seeray go’aanka baarlamaanka, wuxuuna markale dib u magacaabay xubnaha la diiday ee maxkamadda sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay isla xubnihii la diiday, oo uu guddoomiye u ah Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).

Tallaabada uu qaaday Deni ayaa muujineyso inuu ka carooday go’aanka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ku diideen xubnaha maxkamadda sare ee mamaulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad
Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.
Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Ciidamada HARAMCAD iyo NISA oo maanta gudaha u galay Bakaaraha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay gudaha Suuqa Bakaaraha ay ka sameeyeen Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda oo gudaha u galay suuqaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), waxaana ciidamadu ay sidoo kale isku fidiyeen, xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, xaafadda Daaru-salaam iyo degmooyin ka mid ah qeybta bari ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka, sida uu shaaciyey taliyaha Booliska qaybta goblka Banaadir ee xalay kormeerka ku tegay Suuqa Bakaaraha.

Farxaan Qaroole ayaa intii uu socday howlgalka xog wareystay ganacsatada Bakaaraha oo uu wax ka weydiiyey amniga guud ee Suuqaas oo ah kan ugu weyn Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladaan oo looga gol-leeyahay xaqiijinta amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir

Boolisku ma shaacin natiijada kasoo baxday howlgalkan iyo haddii ay jiraan in dad lagu soo qab-qabtay iyo in kale.

Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal ammaan dari ayaa haddana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Booliska Soomaaliya.

DENI oo maanta u baxaya SAFAR dibadeed + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga billaaban doonto booqasho qaadan doonto dhowr cisho.

Safarka madaxweyne Saciid Deni oo aan horey loo sii shaacin ayaa la xiriiro arrimo siyaasadeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Deni ayaa marka hore sii mari doono dalka Kenya, waxaana la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono madax Kenyaan ah iyo siyaasiyiinta Soomaalda ee ku dhaqan halkaasi, gaar ahaan kuwa degan magaalada caasimada Nairobi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu kadib u bixi doono dhanka  Imaaraadka Carbta oo uu marti-qaad ka helay, isaga oo la shiri doono madaxda dalkaas.

Booqashadaan ayaa kusoo beegantaya xilli  uu dhawaan dalkaasi booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo heshiis cusub lasoo galay madaxda sare ee dalka Isu Tegga Imaaraadka, kadib dhowr cisho oo uu ku sugnaa magaalada Abu Dhabi.

Saciid Deni oo hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna waayey jagada ra’iisul wasaaraha ayaa horey saluug uga muujiyey, sida uu wax ku bilaabay madaxweyne Xasan.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland oo toos ugu xiran xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan isaga daba laa-laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo haatan u muuqdo inuu booska kala baxay Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha 1-aad ee Farmaajo.

Taariikh nololeedka xubnaha uu magacaabay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Hoos ka aqriso xubnaha la magacaabay iyo taariikh nololeedka oo kooban:

1. Maxamed Abuukar Zubeyr – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed ayaa waxaa uu heystaa darajada Master-ka Maamulka, International Islamic University Malaysia. Waxa uu heer koowaad ee Jaamacadda ku bartay maamulka Ganacsiga, Jaamacadda SIMAD ee Muqdiso.

Sidoo kale waxa uu ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka, wuxuuna soo noqday agaasimaha Qorsheynta wasaaradda caddaaladda. Waxa uu macallin ka soo noqday Jaamacadaha Ummadda iyo SIMAD.

2. Farxaan Maxamed Jimcaale – Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada.

Farxaan ayaa waxa uu darajada labaad ee Master-ka ka heystaa xiriirka Caalamiga ah, Queen Mary University of London. Waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Warbaahinta, Birkbeck, University of London.

Sidoo kale waxa uu hoggaaminayay qeybta Af-soomaaliga ee Telefinshinka BBC, wuxuuna ka soo shaqeeyay Raadiyaha BBC, laanta Afsoomaaliga. Waxa uu ka soo howlgalay warbaahinta Qaramada Midoobay ee IRIN.

3. Cabdullaahi Shariif Cabdi – Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdullaahi ayaa waxa uu haystaa darajada labaad ee Master-ka Dublamaasiyadda iyo xiriirka Caalamiga ah, Ethiopia Civil Service University. Waxa daraja koowaad ku bartay Cilmiga horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, Hope University Mogadishu, Somalia.

Sidoo kale waxa uu ahaa macallin, wuxuuna ka soo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar. Waxa kale oo uu ahaa xubin ka mid ah saraakiisha Baratakoolka XAfiiska Ra’iisul Wasaaraha.

4. Cali Cabdi Awaare – La taliye Arrimaha Dib u heshiisiin.

Waxaa uu bartay maamulka gaacsiga, wuxuuna kasoo baxay dugsiga tababarka macallinnimada ee Xalane.

Sidoo kale waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowlada goboleedka Putland, waxa kale oo uu la taliye kasoo noqday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

5. Kamal Guutaale – Latalaiyaha Amniga.

Waxa uu bartay darajada Master-ka ku bartay Gaacsiga Caalamiga ah iyo Maamulka Istraatiiyadaha, University Malaya, wuxuuna daraja koowaad ee jamacadda uu ku bartay maamulka Nidaamka Xogta, International University of Africa, Khartoum, Sudan.

Sidoo kale waxa uu la taliye sare ka noqday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedka Galmudug. – Waxa uu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

6. Dr Hodan Cusman – La taliyaha xiriirka Caalamiga ah.

Dr Hodan ayaa waxay darajada PHD ku sameysay Cilmiga xiriirka, Zhejiang University, Hangzhou, China.

Sidoo kale waxay darajada labaad ee Jaamacadda ka sameysay Luqadda Shiieeska iyo dhaqanka Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay daraja koowaad ee jaamacadda ka diyaarisay maamulka ganacsiga, Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay soo noqotay:

· Aasaasaha xaruta culuumta bariga Afrika ee ee jaamacadda Xhejiang, China.
· La-taliya saree ee arrimaha xiriirka, wasaaradda haweenka dowladda Soomaaliya.
· La-taliyaha xiriirka arrimaha Shiinaha ee madxtooyada Soomaaliya.

7. Haashim Maxamed Cali – Agaasiamaha maamulka iyo maaliyadda.

Waxa uu darajada Master-ka ka heystaa xisaabaadka iyo maaliyadda, Islamic University in Uganda. Sidoo kale waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Xisaabaadka, University of Science & Technology in Sana’a Yemen.

Waxa uu macalin kasoo noqday Jaamacadda Musdisho, wuxuuna kasoo howl-galay Bangiga Dahabshiil. Waxa kale oo uu maamul iyo maaliyad madax uga noqday African Relief Fund xafiiskooda Muqdisho.

Daawo: Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay dadkii xajka ka aaday sanadkaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Seylici oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay khilaafka arrimaha xajka ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa beeniyey in wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya ay ka wadahadleen arrimaha Xajka, isagoo qaran dumis ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee Muqdisho iyo Garowe ka dhoofay, si ay u soo xajiyaan.

“Waxaan beeninayaa hadal ka soo yeeray wasiirka diinta iyo awqaafta Muqdisho oo yiri waxaan Madaxweyne ku xigeenka ka wadahadalnay arrimaha xajka, waxaan umadda reer Somaliland u cadeynayaa in wax wadahadal ah aana la yeelan qof ka tirsan qaranka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in wasiirkaas uu ku xad gudbay sharafteyda iyo tan qaranka Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wasiirku uu si aan habooneyn u qeybiyey arrimaha xajka, wuxuuna sheegay in Somaliland ay tahay qaran, taas oo ka dhigay in dowladda Sacuudiga ay ka doonayaa qoondadoodii xajka.

“Umadda Somaliland waxay boqortooyada Sacuudi Carabiya uga fadhisaa xuquuqdooda islaamiga ah oo 31-sano ay hagal daacineysay, xukuumadda Somaliland, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka iyo culumadu waxay go’aan ku gaareen in sanadkaan aan ka harno xajka oo Somaliland aan laga xajin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Seylici.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Somaliland waxaan u sheegeynaa in cidii meelo kale ka dhooftay ama u baryo tagtay inay meel u dhacday qarankaan go’aanka qaatay oo ay dhinac mareen.”

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey toogasho dhimasho leh oo ka dhacday dalka DENMARK

Copenhagen (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn dalka Denmark, halka kuwa kalena uu dhaawacay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

Taliyaha bilayska Soeren Thomassen ayaa sheegay in ujeedka weerarka aanu caddayn, isla markaana aanu meesha ka saari karin in ficilkaani uu yahay “fal argagixiso”.

Raiisel wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah. Waxay tacsi u dirtay ehellada dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay,iyadoo ugu baaqaday dadka dalka Denmark, in ay midoobaan ayna is taageeraan xilligana adage e lagu jiro.

“Denmark waxaa ka dhacay weerar naxariis darro ah. Caasimadeena quruxda badan oo badanaa aad u nabdoon ayaa lagu bedelay ilbiriqsiyo,” ayay tiri

Qoyska boqortooyada Denmark ayaa sheegay inay aad uga damqadeen “Dadkii ku dhintay, qaraabadooda iyo dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey”.

“Weli si buuxda uma naqaano dhibaatada dhacday, balse waxaa muuqata in dad badan ay naftooda ku waayeen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qoyska boqortooyada.

Eedeysanaha weerarkan suuqa laga dukaameysto ka dhacay ayaa markii la xiray waxa uu haystay qori iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen. Ninkaan lagu eedaynayo inuu weerarka gaystay ayaa sidoo kale booliisku ku tilmaameen nin “Danish ah” waxaana uu wajihi doonaa su’aalo maanta oo isniin ah .

Booliisku waxay sheegeen inaysan haynin wax calaamad ah oo muujinaya in kooxo kale ay ku lug lahaayeen weerarka ka dhacay, waxayna ku booriyeen milkiilayaasha dukaamada inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falkaan oo laga yabao in ay hayaan.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 isugu jira dukaamo iyo makhaayado. Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in cabsi ay soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay suuqa,xilligii weerarku uu dhacayay.

Mid ka mid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Isabelle ayaa u sheegtay warbaahinta Denmark: “Si lama filaan ah ayaanu u maqalnay rasaas, waxaan filayaa in aan maqlay toban xabbadood, ka dibna aan ku dhex cararnay suuqa, waxa aanu ku dhuumanay suuli, halkaas oo aanu isugu nimid dad gaaraya 11 qof”.

Wax yar ka dib toogashada, qoyska boqortooyada Denmark ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay xaflad soo dhaweyn ah oo uu qaban lahaa Amiir Frederik. Qaar ka mid ah hoggaamiyasha dalalka deriska la ah Denmarka ayaa cambaareyay werarka , waxayna tacsi u direen qoysaska dadkii wax ku noqday.

BBC

Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Ankara?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, oo caasuumaad uu ka helay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si weyn Ankara ugu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda waxay xoogga ku saari doonan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku guda jiro booqashada uu ku joogo dalkaas, wuxuu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed, sida Jaaliyadda iyo ganacsatada, si uu uga xog-wareysto xaaladooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandooska ee Isparta, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah ciidamada xoogga Soomaaliya.

Sababta magacabista uu sameeyey R/W Xamza ay uga duwan tahay kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta sameeyey xilal magacaabistii koowaad ee xafiiskiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee June.

Xamza wuxuu magacaabay illaa iyo 8 qof oo isugu jira maamulayaal iyo la-taliyayaal. Jihooyinka dadka la magacaabay ay ka imaanayaan ama xisaab ahaan ay kasoo jeedaan ayaa xiiso iyo dhug u yeeshay magacaabista uu sameeyey ra’isul wasaaraha.

Dadka la magacaabay ayaa kala ah:

Zubeyr waxaa loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha, ninkaan wuxuu horey u soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka ee dowladda federaalka ah.

Nin beesha shanaad kasoo jeeda, muddo aad u dheer ma dhicin in qof beesha shanaad kasoo jeeda loo magacaabo xilka ugu sarreeya xafiiska ra’isul wasaaraha, taas oo Xamza durba siisay sawir fiican.

Qofka labaad ee isna maanta la magacaabay waa suxufiga mudada fog jiray Farxaan Maxamed Jimcaale, kaas oo loo magacaabay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, ahna agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo hadda ah Tifaftiraha BBC TV ayaa loo arkaa mid si weyn ugu haboon booska loo magacaabay.

Qofka seddexaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cali Cabdi Awaare oo reer Puntland ah, kaas oo loo magacaabay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta.

Qofka afaraad waa Haashim Maxamed Cali oo loo magacaabay agaasimaha maaliyadda ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka shanaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cabdullaahi Shariif oo reer Gedo ah, kaas oo laga dhigay madaxa hab maamuuska ra’isul wasaaraha.

Ninkaan ayaa in muddo ah ka tirsanaa xafiiska ra’isul wasaaraha, xilligii uu Xasan Cali Kheyre talinayey wuxuu ka tirsanaa waaxda hab maamuuska ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka lixaad oo Drs. Hodan Cusmaan oo reer Laascaanood ah, taas oo laga dhigay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Drs. Hodan ayaa horey uga soo shaqeysay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, taas oo dhinaca kale Xamza ka dhigeysa in xulashadiisu aysan ku jaan go’neyn inuu diido dadkii la shaqeeyey nidaamkii hore ee Farmaajo.

Qofka todobaad ee uu ra’isulwasaare Xamza magacaabay waa Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo xilligii ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre madax ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur waxaa loo magacaabay la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda iyo isku duwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka sideedaad ee la magacaabay waa Kamaal Daahir Guutaale oo horey u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, hadana kamid ahaa la-taliyaashii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo isna hadda loo magacaabay la-taliyaha arrimaha ammaanka ee ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre.

Sideedaan xubnood ee maanta la magacaabay mid kamid ah ayaa ra’isul wasaaraha la wadaaga xisaabta Afmadow, laakiin xubintaas oo ah Dr. Axmednuur wuxuu horey u soo noqday xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha iyo madaxa hey’adda NRC ee  heer gobol, taas oo ka dhigan in qibradiisa lagu xushay.

Xubnaha maanta la magacaabay 2 waa reer Puntland, 3 waa reer Jubbaland, 2 waa reer Hirshabelle, midna waa reer Galmudug.

Sida uu ra’isul wasaare Xamza u qaabeeyey magacaabistiisii koowaad waxay muujineysaa dheeli tirnaan, dhaqan siyaasadeed oo la aqbali karo iyo xulasho xirfad ku saleysan.

Daawo: Booliska oo Muqdisho ku soo bandhigay wiil 8 cisho si yaab leh qoys ugu xirnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil mudo 8 cisho ah u xirnaa qoys u heystay inuu ka xaday Maacuun ay sheegeen inay ku iibinayeen suuqa Bakaaraha, waxaana ka soo baxay amarro adag oo ka dhashay arrintaan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraaíd qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska wiilkaan maalmaha badan u xirnaa qoys wax ku sheeganayey, isagoo shaaciyey in wax uu cuno loo diiday mudadii uu silsilada ugu xirnaa qoyskaas.

“Waxaa la yaab ah in Hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay isku raacaan inay guriga ku xirtaan muwaadin Soomaaliyeed ee hadana loo diido in la siiyo biyo iyo cuno toona, iyadoo lagu eedeynayo wax aan xaqiiqo loo heyn oo aan la baarin, qabow iyo roob ayaa kula da’ay halkii lagu xiray,” ayuu yiri Afhayeenku.

Sida uu cadeeyey afhayeenku wiilkaan ayaan la geyn wax saldhig boolis ah 8-dii beri ee reerkaan uu u xirnaa, ugu dambeyntiina booliska oo ka war helay ayaa ka sii daayey maanta, iyadoo saldhigga Howlwadaag lagu xiray qoyskii gurigooda ku xirtay wiilkaas.

“Markii boolisku uu ka war helay dhacdadaan tallaabo ayaan ka qaadnay qoyskii waxaan ku soo xirnay saldhigga, waxaan leenahay bulshada way dhici kartaa in qof wax inka xado ama inka dhaco, laakiin waxaa tallaabo qaadi kara oo wax xiri kara booliska, saldhigii oo kuu muuqda qof lug kama xira kartid, waana dembi adag, qoyskaana maxkamad ayey ku muteysteen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka booliska oo shirkaan jaraa’id ku qabtay degmada Howlwadaag ayaa sheegay in falkaan uu qoyskaas ku muteystay maxkamad, isla markaana ay hor geyn doonaan, si uu cadaalad u helo wiilkaan ay iska xirteen iyagoo xatooyo ku eedeynaya.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/GRE4vktN1qM?t=1

Safarka Xasan ee Ankara iyo qorshaha xakameynta Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedelkii ka dhacay Soomaaliya 15-kii, May ee sanadkan waxa uu soo jiitay indhaha dalal badan oo ku hardamayay in ay gacan saar dhow la yeeshaan dowladda dhexe. Waddamada uu loolanka adag u dhexeeyo waxaa kamid ah xulufada  ay hor-kacayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Dowladda Qatar. A rrintaan ayaa u baahan in Soomaaliya ay ku wajahdo siyaasad dibadeed oo xasilan.

Nidaamkii uu hoggaaminayay madaxweynahii xilka ka degay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu u janjeeray dhanka Qatar, iyada oo ay taasi keentay in uu xumaado xiriirkii Imaaraadka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, halka hoos u dhacay wada shaqeyntii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeysay Masar iyo Sacuudiga.

Soomaaliya oo joqoraafi ahaan ku taalla goob istiraatiiji ah, mid walba oo ka tirsan waddamadaan waxay u leedahay muhiimad gaar ah, haddiise dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh aysan la imaan qorshe siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah, waxaa suuragal ah in laba culeys oo xooggan uu dalku wajaho, kuwaas oo kala ah, mid amni iyo mid dhaqaale­.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ol-olahiisii doorashada ku galay hal ku dhigga “Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah” ayaa waxaa uu safarkiisii ugu horreeyay uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna dhowr maalmin uu halkaasi joogay la isla gartay in la iska kaashado waxyaabo badan, dadka qaar ayaa u fasiraya in Soomaaliya isbedelka ka dhacay uu soo dhoweyn doono Imaaraadka, taas bedelkeedana uu meesha ka saari doono xiriirkii soke ee Qatar.

Inkasta uu madaxwene Xasan Sheekh uu safar kale maanta ugu ambabaxay dalka Turkiga waxay falanqeeyeyaasha siyaasaddu qabaan in ajendeyaal aan la shaacin doonin uu hor dhigi doono Xukuumadda Ankara, kuwaas oo ay kamid yihiin sidii Xiriirka Muqdisho iyo Dooxa uu u noqon lahaa mid wanaagsan, Dowladda Turkigana ay u noqon laheyd mid dowrkaasi ka shaqeysa.

Walaaca ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya qabto ayaa ah, in dowladda Qatar ay xiriir dhow la yeelato dhinacyada ka aragtida sida Ururada Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka iyo in Qatar ay maal-geliso mucaarad siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga oo hadda Soomaaliya ku leh saldhig militari oo lagu tababaro ciidamadda dowladda Soomaaliya waxa uu si dhow xiriir ula leeyahay Qatar, waxaana suura-gal in qorshaha Soomaaliya ay aqbasho Xukuumadda Ankara, balse waxaan la ogeyn sida Qatar ay uga jawaabi doonto dalabka ceynkaan ah iyo in uu jiri karo sharuudi ka imaan kara.

Inkasta oo diblumaasiyadda aysan suura-gal aheyn in la isku sameeyo faragelin, haddana dal bur-bur kasoo baxaya sida Soomaaliya waxaa dhib weyn ku noqon kara in uu la kulmi khilaafaad diblumaasiyadeed oo dhabar jab ku noqon kara dib u kabashadiisa.

Sida Ilo-wareedka qaar ay sheegayaan, haddii qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu guuleysto waxaa dowladda Soomaaliya ka yaraan doona culeys siyaasadeed uu horay dalka u wajahayay xilligii madaxweyne Farmaajo uu talada joogay. Mar kale, haddii arrinta Carabta xal loo helo, waxaa mar kale dowladda Xasan Sheekh horyaalla in ay xal diblumaasiyadeed u raadiso arrinta Kenya iyo Xiriirka hoos u dhacay ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha uu maanta magacaabay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub.

Ra’iisul Waaaraha ayaa magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:

1. Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Jareer Weyne/Shiidle.

2. Farxaan Maxamed Jimcaale, Afhayeenka ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha warbaahinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Hawiye/Xawaadle.

3. Cali Cabdi Waare, La-taliye arrimaha dib u heshiisiinta – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Majeerteen.

4. Haashim Maxamed Cali, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Sheekhaal.

5. Cabdullahi Shariif Cabdi, Agaasimaha hab maamuuska xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Mareexaan.

6. Drs. Hodan Cusmaan, La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah – Beesha Dhulbahante.

7. Dr. Axmednur Maxamed Cabdi, La-taliyaha sare ee siyaasadda iyo isu-duwaha baraamijyada ee ra’iisul wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Ogaadeen.

8. Kamal Guutaale, La-taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Habar-gidir/Saleebaan.

Magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka Mareykanka oo war cusub kasoo saaray siyaasadda ‘Hal Soomaaliya’

Minneapolis (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa mar kale xaqiijiyey in Washington ay joogteeneyso siyaasaddeeda halka ah ee ku wajahn Soomaaliya, ayna aqoonsan tahay xuduudaha Soomaaliya ee la aas-aasay xilligii xoriyadda.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka aheyd dabaal-degga toddobaadka xoriyadda Soomaaliya.

“Siyaasaddeena waa sideedii 62-kii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo ah Soomaaliyada taariikhiga ah, oo leh xuduudaheeda taarikhiga ah tan iyo markii Somaliland-tii British-ka ay dooratay inay ku biirito Somaliland-tii Italia, ee ay aas-aaseen dalka,” ayuu yiri danjire Andre.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in aqoonsi madax-banaani ama wada-hadal ku saabsan ay tahay inay go’aan ka gaaraan Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uu beddeli doono siyaasaddiisa ah Hal Soomaaliya haddii labada dhinac ay isku raaci karaa in wax laga beddelo maqaamka.

Dhinaca kale, safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqti aad u xiiso badan balse waxa uu qiray in ololihi doorashada ee daba dheeraaday uu ahaa mid niyadjab leh.

“Waxaad arki kartaa in dib usoo noolaanshaha Soomaaliya ay dhaqaaqeyso, waa laba tallaabo oo horey loo qaadayo iyo tallaabo dib loo qaadayo, balse taas waa dhaqanka bani’aadamka ee meel kasta. Ma jiri doono horumar joogto ah,” ayuu yiri.

Hadalka safiirka ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal ugu jirto inay Mareykanka ka dhaadhiciso inuu ula macaamilo si gaar ah, oo ka madax-banaan dowladda federaalka.

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa 10-kii June 2022 meel-mariyey Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland

Sharcigaas ayaa la filayaa inuu u gudbo qalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Turkiga, waxaa la sheegay inay u qorsheysan tahay inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

Xamza oo magacaabay la-taliyeyaal iyo agaasimayaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub.

Ra’iisul Waaaraha ayaa magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, waxaana xubnaha la magacaabay ay ka yihiin: 

1- Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa loo magacaabay afhayeenka ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Farxaan ayaa ah suxufi rug caddaa ah, oo horey uga soo shaqeeyey BBC Somali.

2- Cabdullaahi Shariif Cabdi ayaa loo magacaabay agaasimaha hab maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

3- Haashim Maxamed Cali ayaa loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

4- Cali Cabdi Waare ayaa loo magacaabay la-taliyaha arrimaha dib u heshiisiinta ee ra’iisul wasaaraha

5- Kamaal Guutaale ayaa loo magacaabay la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha. Kamaal ayaa horey usoo noqday agaasimaha Villa Somalia ee muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

6- Dr. Axbdinuur Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay la taliyahasarre ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

7- Drs. Hodan Cusmaan ayaa loo magacaabay la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor sii horeysay magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha u magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.