26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

CIIDAMADA dowladda oo hubkii ugu badnaa iyo raggii watay ku qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo fulinaya amarkii shalay kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ka sameeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa iska kaashaday Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana laga sameeyey degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Waaberi, Hodan iyo Dharkeenley oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka amni darrada ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey howlgalladaan ayaa xaqiijiyey in lagu soo qabtay maandooriye, hubkii ugu badnaa iyo raggii watay.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo dhigay waxyaabaha maanka dooriyaha oo aas-aas u ah amni darrada, sidoo kale waxaa lasoo qabtay intii lagu guda jiray howlgalka hub si sharci darro ah loogu watay magaalada oo aan ka diiwaangashaneen laamaha amniga iyo dad hub sita oo aan aheyn askar,” ayuu yiri Cabdifutaax Aadan Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan ciidamada ammaankana ay u taagan yihiin u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana bulshada Soomaaliyeed inaan u caddeyno ciidanka Booliska iyo laamaha amniga oo iskaashanaya waxay har iyo habeen u taagan yihiin laamiyada in loo adeego bulshada”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay kooxaha ciyaal weerarada ee dhibaatada ku haya xaafadaha magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay isku beddeleen gaangiistaro dadka dila, isaga oo ku goodiyey inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciyaal weero micnahoodii wuxuu ahaa asalkoodii ciyaal xaafad ka kacay, laakiin hadda waxay isku beddeleen gaangis dad qalato ah, mana aqbali doono hooyo Soomaaliyeed iyo aabe Soomaaliyeed oo daba ordaya shaqsi soo qaatay baangadaha lagu qalo xayawaanada xittaa ayaan oran karaa oo xoolaha ay dadka cunaan ka baxsan”. ayuu yiri afhayeenku

Amniga Muqdisho ayaa maalmahaan faraha kasii baxayey, waxaana soo kordhay rag hubeysan oo dhac geysanaya, iyada oona xaaladdu ay gaartay meeshii ugu darneyd.

R/W Xamza oo wada-hadal la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta wada-hadal la yeeshay safiirka dalka Sacuudiga, Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo booqasho gaar ah ugu tegay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’uusul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee uu soo saaray Xamza.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub xilkiisa, wuxuuna u rajeeyey in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ra’iisul wasaaraha uu ku howlan soo dhisidda xukuumaddiisa, gaar ahaan ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.

Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan, waxaana dalkan oo boqortooyo ah uu mashaariiic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.

Qarax lagu dilay SARKAAL sare oo ka dhacay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-gaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil oo ka tirsan degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baabuur uu watay taliyaha rugta tadaamun ee Booliska Soomaaliya, Cabdi Madoobe, sida ay xaqiijiteen goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka qaraxa lal eegtay uu geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac kale.

Xaaladda goobta ayaa ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

DF oo go’aan ka soo saartay noocyada dharka ay ardaydu ku dhigtaan iskuullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay nooca dharka ay qaadanayaan ardayda dhigata dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, kaas oo la mideynayo wixii ka bilowda sanad dugsiyeedkaan 2022-2023.

“Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa ay ku wargelinaysaa Iskuulada, waalidiinta iyo guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed in la dhaqan gelinaayo Siyaasada Qaran ee labiska ardayda heerarkooda Kala duwan laga bilaabo Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2022-2023,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu kala cadeeyey noocyada dharka ay qaadanayaan ardayda dhiganeysa fasallada kala duwan ee iskuulka.

Noocyada dharka hadda kadib loo ogolyahay ardayda ayaa kala ah, wiilasha dhigta dugsiga hoose Shaati cad iyo Surwaal buluug ah, markii uu u baaso dugsiga dhexe wuxuu qaadanayaa Shaati Jaalle ah iyo Surwaal cadeys ah, halka markii uu u gudbo dugsi sare uu qaadanayo Shaati cad iyo Surwaal cadeys ah.

Dhanka gabdhaha wasaaraddu waxay go’aamisay in gabdhaha dhiganaya dugsiga hoose ay xirtaan Xijaab iyo Goono buluug ah, markii ay gabadhu u baasto dugsi dhexe waxay xiraneysaa Xijaab iyo Goono jaalle ah, halka markii ay u baasto dugsi sare ay gabdhuhu xiranayaan Xijaab iyo Goono cadeys ah.

Go’aankaan lagu mideynayo dharka ay xirtaan ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee dalka ayaa saameynaya dhamaan iskuullada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida ku cad bayaanka wasaaradda waxbarashada.

Xasuuq xooggan oo mar kale ka dhacay dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa Isniintii sheegay inuu dhacay xasuuq ay fallaagadu ka gaysatay gobolka Oromia, halkaasi oo jabhadda dowladdiisa ka soo horjeedda lagu eedeeyo in ay beegsato dadka rayidka ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ma uusan sheegin tirada dadka la dilay, laakin Ururka Amxaarada Mareykanka oo soo xiganaya ilo wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP, in ay rumeysan yihiin in 150 ilaa 160 qof lagu dilay weerarradaasi.

Wakaaladda wararka AP ayaan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso tirada dhimashada ee uu sheegay ururkan oo sheegay in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada la beegsaday, uuna dilku bilowday aroortii hore.

“Xubnaha kooxda Shene ee ka baxsanaya weerarrada ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa khatar ku haya muwaadiniinta ku nool galbeedka Wellega,” Abiy ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu Isniintii ku dabaacay bartiisa twitter-ka, isagoo intaa ku daray in ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo fallaagada. “Shacabka ku nool deegaanka Qellen Wellega ee gobolka Oromada waxaa lagula kacay gumaad,” ayuu yiri.

Hadalka ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya saddex toddobaad kadib markii boqolaal qof oo rayid ah oo ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada lagu dilay isla gobolkaasi, weeraro lagu eedeeyay in uu gaystay ururka OLA oo ay dawladu u taqaano Shene. Jabhadda ayaa beenisay eedeyntaasi, waxayna taa beddelkeeda ku eedeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanku in ay weerrada ka dambeeyaan.

Xiriirka isgaarsiinta ee deegaanka ayaa la jaray ilaa duhurnimadii shalay.
Gumaadkan ayaa sii kordhinaya cadaadiska ku socda xukuumadda Abiy ee ah in ay wax badan ka qabato ilaalinta dadka rayidka ah iyadoo mowjado qalalaase qowmiyadeed ah ay weli ka sii socdaan dalkan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Weerarada lala beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool guud ahaan Itoobiya ayaa kordhay sannadihii u danbeeyay sababo la xiriira xiisadaha siyaasadeed, taariikheed iyo qowmiyadeed.

Qowmiyadda Axmaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan Itoobiya, balse looga tirada badan yahay gobollada kale, ayaa si isdaba joog ah loo beegsanayay.

Dad badan ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay gobollada Benishangul Gumuz iyo Oromia saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo kaliya. Bishii hore, goobjoogeyaal ayaa u sheegay AP in in ka badan 400 oo qof oo rayid ah lagu dilay weerar 18-kii June lagu beegsaday qowmiyadda Axmaarada ee deggan deegaanka Tole ee gobolka Oromia.

Muxuu Xasan Sheekh ku macneeyey xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Turkiga?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilmi-baarista arrimaha bulshada ee SETA ayaa si qota dheer uga hadlay faa’iidooyinka laga dhaxlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa sheegay xiriirka labada dal uu aad u xooggan yahay siyaasad iyo diblomaasiysad ahaanba, sidoo kale dhinaca taageerada amnigana uu leeyahay istaraatijiyad iyo wada-shaqeyn ka dhan ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada caalamiga ah.

Sidoo kale horumarinta dhaqanka iyo xiriirka ka dhexeeya labada shacab eek u saleysan dhaqaalaha iyo ganacsiga ayuu sheegay madaxweynuhu inuu sii korayo, taas oo laga arki karo maalgashiga muudqa ee labada dal.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay ku naaloodeen xiriir taariikhi ah, kaas oo ku qotoma ia-ixtiraam iyo iskaashi tan iyo markii ay Soomaaliya heshay gobonimadeeda 1960kii. Hase ahaatee, xiriirkan waxa uu sii laba kac-leeyey markii uu booqasho taariikhi ah Soomaaliya ku yimi Agoosto 2011, Mudane Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, markaas oo ay Soomaaliya ku jirtay xaalad bani’aadannimo oo ba’an,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ku macneeyey ka go’naahashaha shucuubta iyo hoggaanka labada dal, kaas oo lagu adkeynayo xiriirka.

“Dhammaan kulamadii aan la yeeshay madaxweyne Erdogan, xubnaha dowladda Turkiga, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, Soomaaliya waxaa loo arkaa meel ka guda ballaaran fursad kaliya. Waa meel ay dowladda Turkiga iyo dadkeeda dareensan yihiin in ay dadka Soomaaliya kala kaashan karaan bedelidda xaaladda adag, taas oo nolosha dadka Soomaaliyeed bedeli karta, una abuuri karta fursado si wadajir ah looga faa’iideysto, haddii ay ahaan lahayd iskaashiga siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa Iskaashiga Turkiga ee dhinaca amniga wuxuu ku macneeyey mid faa’iido weyn u ah dadaallada dowladda Soomaaliya uga adkaaneyso Al-Shabaab, si xasillooni loogu soo dabbaalo dalka.

Tababbarada Booliska Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada ee gudaha dalka iyo Turkiga, iyo xarunta tababbarrada ee TURKSOM ee Muqdisho, ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay kuwo cajiib ah.

“Soo saaridda ciidamo, horumarinta xirfadaha ciidamada hadda jira waxa ay muhiim u yihiin amniga qaranka Soomaaliya xilli aan dooneyno in aan mas’uuliyadda amniga kala wareegno Hawlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Africa 2024-ka.   Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay sidoo kale ku naaloodaan xiriir xooggan oo la xiriira dhinaca aqoonta iyo wadaagga xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqada argagixisada iyo, waliba hore u socodka, arrimahani waa kuwo ay naga go’an tahay in aan sii xoojinno.”

“Turkiga waxa ay hore, iyo haddaba door muhiim ah ku leedahay is bedellada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo si joogta ah oo deeqsinimo leh uga taageerta dowladda Soomaaliya miisaaniyadda laga soo bilaabo maamulkeygii hore ee 2012 ilaa iyo hadda. Kabkaas miisaaniyadeed wuxuu muhiim u yahay taageerada dowladda Soomaaliya ee hawl-fulinta iyo ku guuleysiga hirgalinta tubta is bedellada dhaqaale ee ay jeexday hay’adda Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF).” Ayuu yiri.

Wuxuu Xasan Sheekh intaas ku sii daray, “Waxaan ku rejo weynnahay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageeradan faa’iidada leh xilli Soomaaliya ay ka shaqeyneyso in ay hore u waddo dhabbihii ay ku gaari lahayd isku filnaansho dhaqaale. Taas waxaa dheer, iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha maalgashi ee Turkiga ee meelaha muhiimka ah ee dakhliga laga soo saaro sida Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, kuwaas oo gacan ka geysta sare u qaadidda dakhliga gudaha iyada oo loo marayo maalgashigooda haddii ay ahaan lahayd dhisidda kabaabeyaasha dhaqaale, taasi waxa ay caawineysaa barnaamijyada is bedellada dhaqaale iyo in faa’iido laga sameeyo.”

“Mustaqbalka fog, xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga horumar weyn ayuu ku tallaabsan doonaa haddii ay noo suurtagasho in aan sare u qaadno maalgashiga iyo isu socodka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan waaxaha tartanka ka jiro ee Soomaaliya iyo fursadaha Dhaqaalaha Badda (The Blue Economy). Haddii aan Soomaaaliya nahay, waxaan arritan u aragnaa siyaasad dhaqaale oo faa’iido leh, waana sii wadi doonnaa in aan dowladda Turkiga kala shaqeyno ajandahan, anaga oo ka eegeyna faa’iidada ay u leedahay labadeenna bulsho iyo dalba,” ayuu yiri.

“Waxaa barbar socda iskaashiga iyo taageerada waxbarasho, maalgashiga dowladda Turkiga ku sameyso bixinta adeegga dadweynaha aas aasiga ah ee gudaha Soomaaliya sida tababbarrada caafimaad iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho, waa mid saameyn weyn oo muuqata leh. Cisbitaalka waxaa ila furay madaxweyne Erdogan markii uu soo booqday Soomaaliya sanadkii 2015-kii waana cisbitaalka ugu weyn ee ugu horumarsan Soomaaliya, waxa uu door weyn ka qaatay ka jawaabiddii Soomaaliya ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo waliba shaqada maalinlaha ah ee lagu badbaadiyo nolosha dadka iyada oo la marayo habraacyo kale.”

“Dhinaca gargaarka bani’aadannimo, Turkiga waxa uu ahaa saaxiib ay Soomaaliya si joogta ah ugu tashato. Maanta, dowladda Turkiga waxa ay wali kaalin ka qaadaneysaa xaaladda xanuunka badan ee haatan taagan iyada oo u mareysa hay’adda Turkiga ee Wada-shaqeynta iyo Isku xirka  (TIKA). Hase yeeshee, iyada oo hore loo soconayo, dowladdeyda waxaa ka go’an in ay xal waara u raadiso masiibooyinkan soo noq-noqda ee la xiriira isbedellada cimilada taas oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, si daranna waxyeello ugu geysata dalal sida keyga (Soomaaliya), taas oo ay sabab u tahay awood yarida aan u leenahay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha looga hortago is bedellada cimilada, waxaa taas sabab u ah dhaqaaleheena yar balse kobcaya.”

“Waxaan ku soo gunaanadayaa, khibradda Soomaaliya ee faa’iidada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid saameyn weyn oo togan leh. Turkiga waxa ay wali barbar taagan tahay Soomaaliya iyo dadkeena xilli aan ku guda jirno hayaanka aan ku baadi-goobeyno xasillooni iyo horumar. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ku qotomaa horumarinta nolosha dadkeenna iyo ka wada-shaqeynta sidii aan heer ka sii sareeya hadda siduu yahay aan u gaarsiin laheyn xiriirkeena Iyada oo taas laga duulayo, waxaan ku kalsoonahay in xiriirka labada dal sii xoogaysan doono xilli aan si wadajir ah ugu dhaqaaqi doonno mustaqbal horseeda fursado ay gundhig u yihiin in la wada guuleysto,” ayuu Xasan Sheekh ku soo gabagabeeyey khudbadiisa.

 

Heshiiskii ay DF ku fasixi laheyd qaadka Kenya oo dib u dhacay + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay heshiis lagu saxiixi lahaa in dib loo fasaxo Qaadka dalka Kenya ee loo suuq geyn jiray gudaha Soomaaliya oo hadda xayiran ku dhowaad laba sano.

Wasiirka beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya isagoo taas sabab uga dhigay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxauud uusan ka qeyb galin shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo madaxxweynaha dalkaas Erdogan.

Peter Munya ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo saxiixi doono heshiiskaas, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey inuu dib usoo noqon doono xiriirkii ganacsi ee ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo burburay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse markii dambe la ogaaday inay aheyd arrin siyaasadeed.

Waxaa kadib la fasaxay qaadka Itoobiya oo heshiiskiisa loo xiray xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Farmaajo iyo dad xulufo la ah, kuwaasi oo ka sameeyey lacag malaayiin dollar ah.

Ganacsatada Kenya ayaa si maalin ah waxay suuqa Qaadka ee Soomaaliya ka heli jireen lacag lagu qiimeeyey in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay dowladda Kenya fasixadda Qaadka uga badalato waxyaabo kale sida in dal ku galka loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in dalka Kenya loo dhoofiyo kulluunka Soomaaliya.

Qorshaha 3 geesoodka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la sharxay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, hadii ay ogolaadaan, isla markaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah.

Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah cudud milatari, mid fikir iyo mid dhaqaale.

Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo horay xilliyo kala duwan u soo noqday Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Booliska ee maamul goboleedlka Puntland ayaa laga wareystay waxa uu ka dhigan yahay istiraatiiji ahaan hadalkii madaxweynaha.

Jeneraal Cabdi Yare oo la hadlay VOA ayaa aad u soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha iyo fahamka uu ka heysto xaaladda dalka, gaar ahaan maareynta marxaladaan dagaalka ah ee dowladdu ay kula jirto fikirka xag-jirka ah.

Wuxuu qiray in Soomaaliya aysan ka guul gaarin hafdkii dagaalka Al-Shabaab ee soo bilowday 15 sano ka hor, isagoo wax laga calool xumaado ku tilmaamay dhalinyarada la qalday ee duurka lagu laayo maalin kasta, iyaguna dadka laaya.

Jeneraal Cabdi Yare oo cabiray sida ugu fudud ee kooxdaan looga taqalusi karo ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu u muuqdo mid guuleysa kara, iyadoo dalka dhan guluf dagaal looga qaadayo kooxda argagixisada ah.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay ku qasbanaa doonaan inay wadahadal galaan ama is dhiibaan, sidoo kalena ay suurta gal tahay in dalka dhan laga ciribtiro, maadaama dadka Soomaaliyeed ay u heelan yihiin nabad iyo kala dambeyn taaba gasha.

Hoos ka dhageyso wareysiga Jananka

Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo isku haya laba arrin oo la xiriirta Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Nidaam walba oo ka dhasha Soomaaliya tan iyo 2009 wuxuu lahaa koox jilib culus ah oo ku xisaabsan inay dhisteen madaxweynaha markaas la doortay, waxaa loo yaqaanaa milkiilayaal fara maran.

Wax loo jeedo kuma bixiyaan guusha laakiin xataa inay qaarkood la joogeen dhowrkii cisho ee u dambeysay guuleystaha ayaa siisa darajada kooxda talada haysa.

Badankood xilal ayey helaan qaarna deg deg ayey mucaarad u noqdaan. Tixanayaashaan weli ma dhammaan, balse hadda xoogaa isbadal ah ayaa jira maadaama la sameeyey xisbiyo ku-meel gaar ah.

Nidaamka hadda dhashay ee Soomaaliya waxaa ugu xoog badan kooxda loo yaqaano UPD, waa xisbi ku-meel gaar ah, waa dhowr xisbi oo isku tagtay, waxaana ugu tun roon Daljir iyo PDP.

Guushii madaxweyne Xasan Sheekh kadib dhowr qof oo kooxdaan ka tirsan ayaa xilal la siiyey sida Mahad Salaad, Xamza Cabdi Barre, Xuseen Macallin iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Hadda waxaa loo fadhiyaa dhismaha xukuumadda cusub. Laba cisho ka hor madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu casho u sameeyey milkiilayaasha faraha maran ee kooxdiisa.

Qof kamid ah dadkii ka qeyb galaya kulankaan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu uga mahad celiyey kooxda kaalintoodii guushii 15-kii May. Wuxuu u sheegay inuu safaro geli doono kadibna uu meeleyn doono oo uu dowladda xilal ka siin doono intooda aan hadda xilalka heyn.

Dooda kooxda dhexdeeda taalla waa xooggan tahay. Xubnaha xil doonka ah ee kooxda waxay badi qabaan inay iyagu xilalka isku tixaan oo ay dhagaha ka fureystaan dhinacyada kale ee siyaasadda, gaar ahaan marka ay timaado qeybinta golaha wasiirada.

Laakiin xubno uu ra’iisul wasaare Xamza ku jiro waxaa la sheegay inay qabaan in maadaama ay xukunka sare haystaan inay fiicnaan laheyd inan xilalka qeybiyaan, gaar ahaan in xukuumadda wax laga siiyo musharaxiintii mucaaradka oo ay qaar xubno wataan, madaxda maamulada oo iyaguna xubno wata iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo iyaguna shaqsiyaad wasiiro u raba.

Ra’iisul Wasaaraha kama qeyb gelin kulankaas cashada ah. Doodaan dhex wareegeysa kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee ah xukunka aan haysano ee aan xilalka qeybino iyo maya ee aan wax walba inagu qaadano waxay leedahay laba faa’ido iyo laba khasaaro.

1- Faa’idada

Haddii la dhiso xukuumad midnimo qaran ah waxay xiiso iyo taageerayaal badan u yeeli doontaa nidaamka cusub oo hadda caajis badan ka muuqdo. Waxay yareyn kartaa naceybka dowladda cusub, waxay dib u dhigi kartaa mucaaradnimada, waxayna keeni kartaa siyaasad ka marag kacda wixii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ololeeyey oo aheyd ahmiyad siinta isku heynta dhinacyada siyaasadda.

Tani waa faa’ido qaran. Haddii xubnaha UPD xilalka wasiirada lagu tixo iyadu waa faa’ido shaqsiyadeed oo Xasan Sheekh ayaa noqonaya siyaasi abaal leh oo saaxiibadii wax ka dhistay qurxiyey.

Labadaas faa’ido faraqiga u dhaxeeya qofna uma raadinaya fasiraad

2- Khasaaraha

Haddii xukuumadda lagu koobo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa deg deg u dhallan doona mucaarad dhowr jiho ah, baarlamaanka dhexdiisa, musharixiinta mucaaradka, maamul goboleedyada iyo kooxda Farmaajo oo markii horaba gaar u taagneyd.

Waxaa dhici karta in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa afarta sano difaac iyo wax iska caabin ay uga dhammaato.

Khasaaraha labaad waa mid kooban. Haddii xukuumadda la fidiyo oo laga dhigo mid loo dhan yahay waxaa macquul ah in xubno Xasan Sheekh lasoo ololeeyey inay kuraas waayaan kadibna ay mucaarad noqdaan ama ay madaxweynaha ku eedeeyaan mid aan abaal laheyn.

Labadaasi khasaaro mid Xasan ayey gaar u tahay midna dowladda. Inkastoo ay macquul tahay in laga fakaro xal dhexe oo isku heyn kara dhinacyada oo dhan haddana dadka arrimaha xukuumadda faaqidaya waxay leeyihiin Xasan Sheekh iyo Xamza waxaa isku garba taalla faa’ido guud iyo mid gaar ah oo kala doorasho u baahan iyo dhanka kale dagaal siyaasadeed saf ballaaran ah iyo mid kooxda dhexdeeda ka imaan kara oo isaguna kala doorasho u baahan, waxaana la eegayaa halka ay wax dhigaan maalmaha soo aadan.

Sawirro: Xil-wareejin maanta ka dhacday xafiiska Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa maanta xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasibada xil-wareejinta ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska.

Sidoo kale waxa uu Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fududeeyo.

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha mudnaanta u leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu xoghayaha cusub ka codsaday dhammaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada xafiiska in lala shaqeeyo, si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.

Xasan Sheekh ‘oo ku gacan sayray’ casuumaddii Uhuru

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka qayb-geli doonin shirka hogaamiyeyaasha dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, kaasi oo maanta ka furmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan oo lagu waday inuu ka dego magaalada Nairobi ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Turkiga ee Ankara, halkaasi oo ay uga socdaan wada-hadalo uu la yeelanayo madaxda dalka Turkiga.

Xasan ayaa goor dambe ku wargeliyay Uhuru Kenyatta in uusan kasoo qeyb-gali doonin shirka IGAD, oo ay dowladda Kenya dooneysay in madaxweyne Xasan uu kasoo qeyb-galo shirkaas, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence oo soo xiganaya mas’uuliyiin Kenyaan ah.

Dowladda Kenya ayaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya u arkeysay fursad muhiim ah oo looga wada-xaajoon karo arrimo dhaqaale iyo ganacsi, oo ugu horeeyo sida la fahamsan yahay dib u furida qaadka.

Baaqashada shirka ee madaxweyne Xasan ayaa waxay siyaasiyiinta Kenyaanka ah ku tilmaameen halaag iyo rajo xumo ku yimid dib ufurida ganacsiga qaadka, oo ay xukuumadda Nairobi rejo badan ka qabtay tan iyo markii la doortay madaxweynaha.

“Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha midkood inuu shirka kasoo qeyb-galo, kadibna Soomaaliya lagala heshiiyo inay fasaxdo Qaadka Kenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin Keenyaan ah, laakiinse rajadii dadku filayeen god dheer ayay kusii dhacday,” ayuu yir Sylvanus oo ah siyaasi Kenyaan ah.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay in madaxweynaha uu safarkiisa labaad ee kadib dib u doorashadiisa ku tagi doono magaalada Nairobi, maadama xiligaas ay soo gaartay casuumad rasmi ah oo ay u fidiyeen madaxda dalka Kenya.

Hase yeeshe waxa uu isbedel lama filaan ah ku yimid qorshaha safar ee madaxweyne Xasan oo xiligaan ku sugan dalka Turkiga, isaga oo ka cudur daartay aqbaalada casuumada iyo ka qeyb-galka shirka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli waxay heystaan fursad weyn oo ay uga gudbi karaan sooyaalka xiisado daba-dheeraaday oo saameeyey shucuubta labada wadan.

Labadaan dal ee dhacda Geeska Afrika, waxaa si weyn isugu milan danaha shacabkooda, waxayna faa’iido weyn ka heli karaan iskaashi iyo is-aaminaad dhex-marta, sida ay qabaan quburada ka faalloota arrimaha gobolka.

Inta badan xiisadihii dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku hayeen kiiskii go’aanka caalamiga ah laga qaatay ee badda dhacda xuduuda labada dal, kaas oo hadda Kenya aysan u furneyn wado ay ku sii wado murankiisa.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya waxay si weyn isugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho uga soo qeyb-galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xiriirkeeda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo go’aan ka gaaray wada-hadal lala galo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha tilmaamay in ugu dambeynta dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha Soomaaliya, si khilaafka lagu dhameeyo si nabdoon.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay’addo dowli ah.

Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, ayada oo kooxdu hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo.

Madaxweyne ku-xigeenkii Kenya oo sheegay inuu ‘qabiil Soomaali ah kasoo jeedo’

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida ee caanka ah.

Hadalkan ayuu ka jeediyay isusoobax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habasweyne ee ismaamulka Wajeer, halkaas oo uu booqday isbuucii lasoo dhaafay.

Erayadiisa ayaa abuuray hadal-hayn aad u ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Mr Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca wayn dalka Kenya, uguna taageerada badan, ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qabiilkiisa – oo lagu magacaabo Wakamba – “looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Mirifle”.

Waxaase hadalladiisa ay u muuqdeen kaftan uu la wadaagayay Soomaalida badan ee ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.

Khudbadda uu arrintan ku sheegay ayuu sidoo kale uga hadlay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u wanaagsan.

“Hadda waxaan leennahay dowlad saaxiib la ah Muqdisho. Xitaa Madaxweyne Uhuru maalin dhawayd wuxuu u tagay halkaas caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.”

“Aniga arrimaha Soomaaliya waxaan ka shaqaynayay tan iyo markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda. Aniga waxaan iri dadka Wakamba-da ah ee dhinacaas waxaa lagu magacaabaa Digil iyo Mirifle,” ayuu yiri Musyoka.

Tani waxay ka dhigan tahay in Kalonzo Musyoka uu hadalkiisa ula jeedo in isaga qudhiisa uu “kasoo jeedo Digil iyo Mirifle”, isagoo sidoo kale ka hadlay qabiillo kale oo Soomaalida ka tirsan oo uu bartay.

Siyaasigan oo muddo dheer olole ka waday Kenya ayaa hadda ku guda jira ololaha doorashada bisha August la filayo in ay ka dhacdo Kenya.

Markii ugu horraysay sanadkan waxa uu ka maqan yahay tartanka booska madaxweyne ku xigeenka Kenya oo uu dhowr jeer oo lasoo dhaafay u hanqal taagayay isagoo la safan musharaxa hadda u taagan kursiga madaxweynaha, Raila Odinga.

Mr Odinga ayaa markan ku xigeenkiisa u xushay haweeney rug caddaa siyaasadeed ah oo lagu magacaabo Martha Karua, taasoo noqon doonta gabadhii ugu horraysay ee xilka Madaxweyne ku xigeenka ka qabata Kenya, haddii uu guulaysto Raila Odinga.

Loollan adag ayuu Odinga kala kulmayaa murashaxa kale ee sida wayn ugu cad cad doorashada, William Ruto.

Waa kuma Kalonzo Musyoka?

Kalonzo Musyoka waxa uu degmada Mwingi ku dhashay 24-kii bishii December ee sanadkii 1953-kii.

Waa 68 jir dhalay saddex carruur ah. Waxa uu hoggaamiyaa xisbi siyaasadeedka Wiper oo saamayn xoog badan leh.

Intii ud ahsxaysay 1993-kii ilaa 1998-kii waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dowladdii Daniel Arap Moi.

9-kii bishii January ee sanadkii 2008 ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Kenya, xilkaas oo uu hayay ilaa 9-kii bishii April ee sanadkii 2013-kii.

Isha: BBC

DF oo ku dhowaaqday HOWLGAL culus oo laga fulinayo Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah burcadda hubeysan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kale xilliyada habeenkii ah ka geysta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, C/fitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey in howl-galladaasi oo ay fulin doonaan qaybaha ay ka kooban yihiin ciidamada inay ka bilaaban doonaan gudaha caasimada si looga hortego amni daada.

“Laga bilaabo maanta waxaan bulshada gobolka Banaadir u xaqiijineynaa in guud ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan kala harin qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, qaybaha kala duwan ee gobolka, fadhiyada madaxa-bannaan iyo ciidanka gaarka ah dhammaan taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu amray in laga wda howlgalo muddo koobana lagu soo afjaro carruurtaasi gaangiska ah ee caadeestay inay Ummadda hantidooda qaataan, dhiigoodana daadiyaan,” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in inta badan dhibaatooyinka iyo dhaca shacabka lagu geysto mootooyinka nooca Bajaajta, isla-markaana ay ku raadjoogaan.

“Waxaan heynaa mootooyin badan oo u adeega tuugada, dadyowgii raacana u geeya tuugada si loo dhaco oo hantida looga furto,” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray milkiilayaasha mootooyinkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay marka hore hubiyaan qofka ay ka kireysanayaan mootooyinkooda.

“Waxaan kaloo rabaa inaan halkan farriin uga diro milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta ee kireeya shaqsi walba oo mootadaada aad ka kireyneyso, waa inaad u heysaa caddeyn dambi la’aan ah,” ayuu markale yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo wargeliyaan kooxaha dhaca geysta iyo sidoo kale kuwa ka ganacsada maandooriyaha oo uu tilmaamay inay iyagujna la dagaalamayaan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa faraha ka baxayey amniga caasimada oo ay kusoo kordheen rag hubeysan oo dhacaya shacabka, waxaana ugu dambeeyey dilkii loo geystay  Macalin Cismaan Axmed Macow oo moobeyl dartiis loogu dilay Dharkenley, kaas oo ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan tan Horseed.

Rag hubeysan oo Macallin Jaamacadeed maanta ku dilay Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah dil ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa howlwadeennada Jaamacadda Horseed oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa Hormuudka Kulliyadda Economic iyo Magement Sciences, sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacaddaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Macalinka ay dishay gacan ka xaq-darran, wuxuuna maamulka Jaamacadda uu Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

“Maamulka, Maclimiinta iyo howlwadeenada jaamacada Waxaa ay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan Hormuudka kulliyadd (Economic and Magement Sciences ) Ustaad Cusmaan Axmed Macow oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Mugdisho. Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allah ha inaga wada siiyo qabrigiisana Allah ha u waasiciyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacadda Horseed.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in sidoo kale marxuumka ay ka qaateen taleefan iyo sidoo kale agab kale oo uu watay, xilli uu marayey agagaarka suuq-yaraya Dharkenley.

Dhinaca kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo baaris ka sameeyey halkaas, balse ma jirto cid lagu soo qabtay.

Magaaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo shacabka ku dhaqan caasimada.

Godka Laftagareen – Maxaa ka socda Koonfur Galbeed?

Maamulka ka jira gobolka Koonfur-Galbeed  (KG) wuxuu December 18, 2018 ku  yimid doorasho aan hufnayn, kacdoonkii carada shacbiga ka dhashayna waxaa lagu demiyay dhiiga. Maamulka dulmigaas ku askunmay ee Cabdulcasis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu mudda xileedkiisa ku eg yahay waxay ka yar shan bilood.

Maamulkaas  waxay dadka ku tilmaamaan inuu yahay mid kelitalis ah oo “Qoysaysan,” mana aha mid daah furan, wuxuu adeegsadaa cabsiggelin baahsan, cabburin, jirdil, iyo xabsi. Weriyayaal ay u suurtowday inay arkaan xabsiga ayaa soo tebiyey in maxaabiista badidooda ay naafoobeen jirdil aawadiis, kuna xiran yihiin qolal aan lahayn dariishado hawo, iyo iftiin ka galaan. Raashin rasmi ah ma haystaan, lamana booqon karo.

Waxay kalaoo, sheegeen in maxaabiista ay ka mid yihiin wiilal iyo gabdha da’yar. Wararka weriyayaasha soo tebiyeen waxay waafaqsan yihiin cabashada waaliddiinta maxaabista laga soo duubay (Amaandhoorey, Baidoa News 28/6/2022).

Waxaa ka sii daran, in dhawaan la aasay maxbuus 16 jir ah oo la dilay kaddib markii la yiri wuxuu ka cararay xabsiga. Wiilku waxuu lugaha iyo gacmahaba uga naafoobay xabsiga, orod iska daaye xitaa ma awoodin inuu sarajoogsado. Takhaatirtu waxay ku sheegeen inuu u geeriyoon doono dhiig la’aan haddii aan deg deg lagu shubin.

Waaliddiintiisa waxay sheegeen in si kasta oo ay isugu dayeen inay arki waayeen ubadkooda. “Hal mar ayaa mudda gaaban naloo fasaxay Ramadaankii.” Waxay yiraahdeen waxa aan aragnay waxay ahaayeen humaag baniaadan, balse laguma tilmaami karo dad nool. Waxay yiraahdeen maxaabiista waa wada naafo aan istaagi karin.

Wiilka la dilay Maxamed Cali iyo dhallinyarada kaleba waxaa lagu soo eedeeyay inay ka mid yihiin Al Shabaab caddayn la’aan. Wiilashu waxay ahaayeen dhallinyaro hay’ad samafal ah ay kaalmaysay si ay isubixiyaan dhaqaale ahaan.

Toddobaadkan Laftagareen wuxuu Koonfur-Galbeed  ka  mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed. Wasiirka Amniga Maxamed Isaaq Cabdi ayaa June 25, 2022 sii faafaahiyay in la joojiyay hadal siyaasadeed si aan amniga gobolka khal khal loo gelin. Amarku wuxuu ka dambeeyay markuu  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Ibraahim Macallim Nuurow ‘Shiino” uu ku dhawaaqay inuu yahay musharrax goddoomiye.

Dabcan maamulka waxaa qoorsho u ah inuu kolka hore uu ku kororsado muddo xileedkiisa sannad iyo bar. Waxaa xusuus mudan in xildhibaannada Barlamaanka Koonfur-Galbeed aysan mushaahar qaadan lix bilood, inkastoo maalmahan dambe qaar la siinayo kaararkii loogu talaggalay taakulaynta barakacyaasha abaaraha ee dhooban gobolka.

Waxaa iyadana xusuus mudan in lataliyaha Koonfur-Galbeed  xagga sharxiga Dr. Axmed Sheekh Abdullahi “Maadka”, inuu dhawaan iska casilay shaqada kaddib markii talo laga dhagaysan waayay, siduu ku yiri warayasigii warbaahinta Amaandhoorey. Wuxuu intaas ku daray in muddo xileed kororsi aysan ku jirin Dastuurka, damiirkiisana uusan u fasaxayn inuu hawl ka qabto maamulka uu ku timaamay inuu “qoysaysan” yahay. Waxaa weli bannaan jagooyin hoose iyo sare leh sida kuwii ka tagay shaqada, kuwii noqday xildhibaanno, iwm.

Booqashadii Baydhabo ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh mar la qaatay shir albaabbda u xiran yihiin guddoomiye Laftagareen. Waxay ka hadleen waxba kaamasoo shaacbixin, balse madaxweynaha khudbadiise dambe ayuu kusoo daray inuu “gebi ahaanba hor istaagayo mooshinka Xamar ay kasoo abaabulayaan xubno kasoo jeeda beelaha Koonfur-Galbeed  oo ka soo horjeeda maamulka Cabdulcasiis Laftagareen,” (Warqaad 3/6/2022).

Waxaa muuqata inuusan Laftagareen u sheegin in mooshinka la abaabulayo uu yahay keliya mid ka soo horjeeda muddo xileed kororsi. Xasan Sheekh wuxuu kaloo u sheegay Laftagareen in “haddii aad guddoonka gobolka kusoo noqonaysid iyo haddii kaleba ay khuseeyso dadweynaha Koonfur-Galbeed”.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay laba xil

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay labo xubnood oo la-taliyeyaal cusub u noqonaya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta.

Xildhibaan hore Naciimo Maxamed Gacal ayuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay la-taliyihiisa dhanka arrimaha bulshada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la-taliyihiisa dhanka xiriirka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta u magacaabay Cali Yuusuf Cusmaan, wuxuuna Sheekh Aadan Madoobe xoghaya guud ee golaha shacabka faray inuu soo dhameystiro habraaca maamuuska la-taliyeyaashaan iyo meel marinta magacaabidooda, si sharciga waafaqsan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabidaan sameeyey maanta inta uusan safar ugu amba-bixin dalka Sacuudiga, si uu u soo xajiyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa horay xildhibaan hore Maxamed Idiris Ganey u magacaabay la-taliyihiisa dhanka sharciga.

 

Sawirro: NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ay fuliyeen ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Intii lagu jiray howlgalladii xalay laga fuliyey degmooyinka Muqdisho, waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, baangado, bistoolado iyo agabyo kale oo dadka shacabka ah ay ku furanayeen.

Taliye Warbac oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ay u gudbinayaan booliska, si baaritaano loogu sameeyo.

Taliyaha hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo howlgalkii xalay hoggaaminayey ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay tuugada dhaca u gaystay.

Taliyaha ayaa dadkii uu la kulmay wuxuu u sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgallo ka dhan ah tuugada, isla markaana ay ka go’antahay hadda kadib in gacanta lagu soo dhigo qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

 

DENI xaq ma u leeyahay dib usoo celinta xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay ku gacan-seeray go’aankii baarlamaanka maamulkaasi oo iska diiday inuu ansixiyo xubnihii uu soo magacaabay ee maxkamadda sare, isaga oona markale dib usoo magacaabay isla xubnihii ay diideen golaha wakiilada ee Puntland.

Haddaba xaq ma leeyahay DENI inuu soo celiyo xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

 Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah xubnaha diiday ansixinta mas’uuliyiinta maxkamadda sare ayaa faah-faahiyey arrintaasi, wuxuuna markale ka hadlay sababaha ay ku diideen, isagoo shaaciyey inay tahay wax caadi ah oo ka mid ah shaqada baarlamaanka.

“Waa iska caadi shaqada baarlamaanka ayey ka mid tahay markii xubno lasoo gudbiyo golaha wasiirada ha ahaadeen ama maxkamado ha ahaadeen cid kasta oo xasaanad u baahan xubnaha baarlamaanka waa ku kala aragti duwanaadaan,” ayuu yiri xildhibaanka.

Cawil ayaa sidoo kale soo hadal qaaday jawaabta kasoo baxday Saciid Cabdullahi Deni ee ku aadan inuu markale dib usoo celiyey isla xubnihii la diiday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxeweynuhu uusan xubnahaas ku soo celin karin golaha inta uu jiro kalafdhigaan.

“Xaqiiqiyan madaxweynaha xubnahan sharciyan dib uguma soo celin karo golaha, inta kalfdhigaan uu jiro,” ayuu markale yiri Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay warqadda shalay kasoo baxday madaxtooyada Puntland ee lagu shaaciyey dib u magacaabidda xubnaha maxkamadda sare.

“Laba siyaabood-baa xubnahaan lagu soo celin karaa mid waxaa weeye madaxweynuhu wuxuu leeyahay diidmo qayixan oo isla wareegtadii kusoo celinayo, taas ma uusan isticmaalin ee wuxuu isticmaalay qodobka 90-aad oo ka hadlaaya maxkamadaha iyo garsoorka magacaabistooda, marka waraaqdaan hadda madaxweynaha uu soo qoray ma’aha waraaqad si sharci ah ku timid,” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Si kastaba, waxaa shalay codeysay illaa 43 xildhibaan, waxaana ka hor yimid xubnaha maxkamadda sare  11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, waxayna xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 mudane.

500 oo qof oo haraad iyo Gaajo ugu geeriyooday magaalada BAARDHEERE

0

Baardheere (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee haatan ka jirta Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhimasho fara badan laga soo warinayo deegaanada qaar ee ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta gudaha dalka.

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo warbixin siinayey ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha oo booqday degmadaasi ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee ka jira halkaasi.

Warbixinta kasoo baxday maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanadoodii oo ay sameeysay abaarta.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa xaqiijiyey inay Baardheere ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo qof, kuwaas oo isugu jiro carruur iyo waayeel.

“Waxaa magaaladaan ku dhintay oo saameynta abaarta u geeriyooday dad ka badan 500 oo qof oo u badan carruur iyo dad waayeel ah,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysaska haatan soo maciin biday degmada aysan heysan cunno, biyo iyo wax kasta oo uu u baahan yahay bani’aadamka.

‘Waxa walbo oo dadka bani’aadamka ah ay u baahnaayeen dadkaan ma heestaan hoy haddii ay tahay, caafimaad, cunno iyo daryeel nooc kasta ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu maamulka degmada Baardheere ku baaqay in gurmad deg-degga ah laga soo gaaro qoysaskaasi, si loo bad-baadiyo noloshooda.

“Meeshaan abaarta waxay ku reebtay saameyn xoogan, waxaan codsaneynaa in wixii la tari karo dadkaasi la taro,” ayuu markale yiri mas’uulka u hadlay maamulka Baardheere.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan, taasoo saameysay dadka & duunyada, waxaana haatan socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.