25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan Sheekh oo shaaciyey dalal ay Al-Shabaab lacag u dirto iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa lacagaha canshuuraha ah ee ay ka qaado gudaha Soomaaliya u dirta dalalka Mozambique iyo Nigeria, sida uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedinayay ciidamo kamid ah kuwa lagu tababaro Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in lacagahaas ay kooxda Al-Shabaab ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalka Mozambique iyo Nigeria, si ay usii wadaan falalka arxan darada ah.

“Lacagta ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayey dibada u diraan, ka Mozambique iyo Nigeria ka dagaalamaya taburacaadka laga aruuriyo Soomaaliya ayaa loo geeya. Faktii hore lacag waa ka imaan jirtay hada teena loo qaada oo loo geeya,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda qorshe ka leedahay sidii looga soo afjari lahaa meelaha kala duwan ee Al-Shabaab ay ka hesho lacagaha baada ah ee u bixiso Zakawaadka iyo Canshuuraha.

“Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda u jooga, ka baadiyaha u jooga ee Zakada u aruuriyay, ka u aruuriya taburacaadka jihaadka waa in aan gacanta ku dhigno.”

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay dhan walba uga adkaan laheyd kooxda Al-Shabaab, oo sanadihii u dambeeyay ku xoogana gudaha Soomaaliya.

“Ninkii ka tanasula fikirka xagjirnimada ee Al-Shabaab ee ka tanusla in uu dhiig Soomaaliyeed daadiya, qirtana in uu qaldana oo uu dadka Soomaaliyeed cafis weydiisto, Wiil Soomaaliyeed waaye waa noo soo noqonaa waa naga tirsan yahay.”

R/W Boris Johnson oo is-casilay balse sheegay in…

Boris Johnson ayaa maanta iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.

“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,” ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Johnson, oo 58 jir ah, ayaa ku dhowaaqay inuu iscasilayo kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, balse wuxuu sheegay inuu si hayn doono xilka ra’iisul wasaaraha illaa laga helo qofkii beddeli lahaa.

Waqtiga lagu soo dooran doono hoggaanka cusub ee xisbiga Tory ayaa lagu dhowaaqi doonaa toddobaadka soo socda kadib saddex sano oo qalalaase uu hareeyey.

Johnson ayaa sheegay inuu “ka murugsanaa inuu ka tanaasulo shaqada ugu wanaagsan dunida,” wuxuuna qiil u sameeyey inuu u dagaalamayey illaa sacaaddii ugu dambeysay kadib markii shacabka ay doorteen bishii December 2019.

Sacaado kahor ku dhowaaqista Johnson, hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayey.

Hase yeeshee Starmer ayaa sheegay “in isbeddel dowlad oo ku habboon,” loo baahan yahay, wuxuuna dalbaday in codka kalsoonida laga qabto baarlamanka taasi oo horseedi karta doorasho guud.

Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.

“Is-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan.”

Taageerada Johnson ayaa baaba’day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.

Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.

AFP + REUTERS + VOA

Erdoğan oo sheegay arrin ay Soomaaliya tusaale u tahay

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya waa tusaalaha ugu weyn ee muhiimadda dhaqaale, nabadda bulshada iyo xasiloonida Afrika ay uleedahay Turkey, waxaa sidaas Arbacadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay Ankara wadajir ugu qabteen dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Erdoğan wuxuu sheegay in Turkey ay Soomaaliya siisay gargaar u dhigma $1 bilyan 10-kii sano ee ugu dambeeyey. 

Tallaabooyinka ay wadajirka u qaadeen Turkey iyo dowladda Muqdisho 2011-kii waxay gacan ka gaysteen dib usoo nooleynta dalka oo xilligaas qarka u saarnaa burbur, ayuu yiri Erdoğan. 

“2011-kii Soomaaliya waxay qarka u saarneyd burbur sida ay beesha caalamka sheegtay. Sidaas darteed 2011, waxaan ku tagnay booqasho rasmi ah si aan caalamka ugu dirno farriin ah inaan garab taaganahay walaalaheen Soomaaliyeed,” ayuu ku daray. 

Madaxweyne Erdoğan, oo xusaya sida tallaabooyinka ay qaadeen labada dal ay u caawiyeen Soomaaliya, ayaa sheegay in xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkey uu sanadkii tegay ahaa $363 milyan, halka uu 2013 ka ahaa kaliya $2 milyan.

Safaaradda ugu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka waxay ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayuu yiri Erdoğan, isaga oo intaas ku daray in dalkiisa uu taas ku faano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisana uga mahad-celiyey Turkey maal-gashiga ay ku sameyso Soomaaliya. 

Iskaashiga Ankara iyo Muqdisho “waa mid aad u togan oo sii koraya maalin iyo habeen kasta,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Erdoğan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka ku jooga booqasho afar maalmood ah wuxuu kusoo dhoweeyey qasriga madaxtooyada oo xaflad heer sare ah loogu qabtay Arbacadii. 

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah kahor ka hor inta aanay kusoo biirin wufuud, oo aysan wada qaban shir jaraa’id.

Xoojinta xiriirka labada dal iyo tallaabooyinka sare loogu qaadi karo iskaashiga ayaa ugu weynaa arrimaha laga wada-hadlay.

Booqashadan ayaa aheyd tii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago Turkey tan iyo markii uu xafiiska dib ula wareegay bishii May. Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne usoo ahaa 2012 illaa 2017.

Daawo: Ciidamo weeraray guriga agaasime ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan hubeysan ayaa shalay la wareegay guri ay magaalada Muqdisho ka degan tahay Maryan Aadan Amiin oo loo yaqaano Maryan Isxilqaan, oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Taliska ciidanka Nabad sugidda gobolka Banaadir ayaa ku baxay dhacdadaas, kadib markii laga war helay in guri ay la wareegeen maleeshiyaad hubeysan, iyadoo ciidankii qabsaday laga saaray guriga.

Gurigaan oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan muran salka ku haya milkiyadiisa, waxaana shalay xoog looga saaray qoyska Maryan Isxilqaan.

Ciidan uu watay Taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin  Warbac ayaa gaaray guriga, waxaama laga saaray ciidankii qabsaday oo qaab qabiil u abaabulnaa.

Maryan Isxilqaan oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska R/Wasaaraha ayaa degan gurigaas la isku heysto waxayna ku maqan tahay dalka dibadiisa.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta kula hadashay gurigaas kadib markii laga saaray ciidankii qabsaday, waxayna sheegtay in Maryan ay caafimaad ugu maqan tahay dalka Turkiga, balse carruurteeda ay degan yihiin guriga.

Maamo Jawaahir ayaa cadeysay in hey’adaha ammaanku ay ku soo baxeen arrintaas isla markaana ciidankii qabsaday laga saaray guriga, iyadoo uusan dhiig ku daadan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Dadweyne careysan oo gubay xarunta degmada Beled-Xaawo + Sababta

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dibad-bax rabashada wata uu ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi, kaas oo ay dhigeen qaar ka mida dadka deegaanka oo isugu soo baxay degmadaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa kasoo horjeeday dhalinyaro ay ciidamada Nabad Sugidda dowladda ku xir xireen magaaladaasi, kuwaas oo loo geystay jirdil, sida ay ku doodayaan ehellada.

Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxayaasha oo ku qeylinayey erayo ka dhan ciidamada NISA ay gudaha u galeen xarunta degmada Beledxaawo, ayna dab qabad-siiyeen.

Sidoo kale waxa ay taayaro ku gubeen waddooyinka magaalada, taas oo sababtay inay rasaas ku furaan ciidamada ammaanka, si loo kala eryo dadweynaha careysan.

Inta la xaqiijiyey waxaa rasasaasta ay fureen ciidamada ku dhaawacmay illaa 3 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, waxaana kadib kala cararay dibad-baxayaasha.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana xiisadda ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo oo la hadlay dibad-baxayaasha, si loo qaboojiyo xiisadda.

Sidoo kale waxaa haatan bilowday dadaal ku aadan sidii wax looga qaban lahaa cabashada dadkaas ee ku aadan dhalinyarada ay xireen ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Gobolka Gedo oo ay weli xiisado siyaasadeed ka jiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsa ka tirsan kuwa Xoogga dalka, kuwaas oo ay geysay dowladdii hore ee Farmaajo.

Baarlamaanka Puntland oo markale ku gacan-seeray tallaabadii SACIID DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaana baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa markale diiday xubnaha maxkamadda sare ee 4-tii July markii la ansixin waayey uu dib usoo magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha wakiilada ayaa cod aqlabliyad leh uga horyimid tallaabada uu qaaay madaxweynaha Puntland, waxaana 30 ka mid ah ay diideen dib u soo celinta mas’uuliyiinta Maxkamadda sare, 3 xubnood ayaa sidoo kale ka horyimid, halka 7 xildhibaan oo kale ay ka aamuseen.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay in madaxweyne Saciid Deni uu dib usoo celiyo isla xubnihii ay horey u diideen ee maxkamadda sare.

“Xubnaha garsoorka ee waaya codka kalsoonida golaha wakiilada dib looguma soo celin karo, mana jiro qodob sharci ah oo arrintaas bannaynaya,” ayuu yiri goluhu..

Dhinaca kale guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa arrintan u xil-saaray guddi gaar ah oo kasoo baaran daga khilaafka ka dhashay diidmada xubnahaan iyo dib usoo celintooda.

Go’aanka kasoo baxay golaha wakiilada ee Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka uu ka maqan yahay Madaxweyne Saciid Deni oo safar ku aaday dalka imaaraadka.

Si kasataba, lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto xukuumadda, maadaama markale uu baarlamaanka iska diiday xubnaha maxkamadda sare oo uu guddoomiyaha u yahay Axmed Maxamed Taaran, kuwaas oo muddo ku soo shaqaynayey xasaanad la’aan.

Su’aalo ka taagan QARAXII lagu dilay Xaashi Cumar oo aysan sheegan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo badan ayaa ka dhashay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay Xaashi Cumar Xasan oo ahaa Nin mudo dheer ku xirnaa Talyaaniga oo lagu waayey denbi loo heystay muddo 19 sano ah.

Qaraxan ayaa ahaa nooca lagu beegsado shaqsiyaadka, waxaana loogu xiray Gaari Noca Prado ah o uu watay, isagoo qaraxu ku qabsaday xilli uu mareyay xaafadda Macmacaanka, Waaxda Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley, isagoo u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxa kasoo gaaray.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar, inkastoo qaraxyada nooca lala beegsaday ay fuliyaan Al-Shabaab, taasoo keentay inay soo baxaan su’aalo badan oo ku sabasan cidda qarxiysay iyo sababta loo beegsaday?

Xaashi Cumar waxaa la xaqiijiyey inuu ahaa qof shacab ah oo kala bar cumrigiisa ku qaatay xabsi ku yaalla Talyaaniga, kadibna markii uu xoriyadiisa iyo lacag magdhow helay, dib u bilaabay nolol caadi ah, isagoo markan la joogay hooyadiisa iyo qoskiisa oo deganaa meel u dhow goobta lagu qarxiyey.

Axmed Cumar oo la dhashay marxuum Xaashi Cumar ayaa sheegay inuu ahaa qof shacab ah oo muddo dheer dhibanaa, waxa ku dhacayna ay qornaayeen, balse aanay ogeyn cidda la beegsatay.

“Muddo ka badan 19 sanno oo uu ku jiray Xabsi gardaro ah, waxa uu ka soo baxay xabsigii, Dalka ayuu ku soo laabtay. Waxa uu bilaabay howlo samafal sida ceel uu ka qoday Miyiga. Waxaa uu maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Mogadishu ilaa haddana ma jirto cid sheegatay. Ma aheeyn Nin ku xiran koox siyaasadeed ama Dowlad,” ayuu yiri Prof. Yaxye Caamir oo ka mid ahaa dadkii mudadda dheer u dooday inuu kasoo baxo Xabsiyada Talyaaniga.

Xaashi ayaa marii Talyaaniga ay sii daayeen waxaa la siiyey lacag magdhow ah oo gaareysa tiradeeda rasmiga ah la isku khilaafay. Wararka qaar ayaa ku sheegay 3 milyan oo dollar halka kuwa kalena ay ku sheegeen 5 milyan oo dollar, taasi oo hadda tuhun kale dhalineysa kadib dilkiisa.

Al-Shabaab ayaa shalay  sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo lagu dilay Maxamed Axmed Madoobe oo ahaa taliyaha rugta tadaamun ee ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee deggan Afgooye, laakiin weli ma sheegin qaraxa lagu dilay Xaashi Cumar.

Xigasho: Goobjooge

XILDHIBAANNO ka tirsan Koonfur Galbeed ‘oo lagu rasaaseeyey’ BAYDHABO

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay is hortaag lagu sameeyey, xilli ay doonayeen inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Xildhibaanadaan oo kasoo horjeeda Madaxweyne Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in xilligaas ay ku socdeen inay ka qayb-galaan kulan ay xildhibaanadu ku lahaayeen halkaasi, balse ay u diideen ciidamada gaarka ah ee ka howl-gala dhismaha xarunta madaxtooyada.

Cabdalle Shiin oo ka mid ah xubnahaas ayaa wareysi uu siiyey Shabelle TV wuxuu ku sheegay in rasaas lagu furay, kadibna la jirdilay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa tihiin ma garaneyno ee naga laabta ayey dheheen, kadib xabad ayey nagu fureen wayna jirdileen dhibaato ayey noo geysteen,” ayuu yiri xildhibaan Cabdalle Shiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay daba socoto dhaarinta xildhibaano uu ku tilmaamay in si sharci darro ah baarlamaankii oo xiran loo dhaariyey, kuwaas oo ay wadatay madaxtooyada Koonfur Galbeed, isla-markaana ay iyagu ay kasoo horjeesteen.

“Dhacdada maanta dhacday waxay la xiriirta arrin dhacday 4-tii bisha oo aheyd xildhibaano sifo aan sharciga waafaqsaneyn loo keenay golaha, iyada oo weliba baarlamaanka uu xiran yahay in la keeno oo la dhaariyo,” ayuu markale yiri xildhibaan Cabdalle Shiin.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uusan ogoleyn sharciga, isla-markaana uu doonayo inuu sameysto muddo kororsi horleh.

“Waxa nagula cadaadiyey waxaa ka mid ah xeer hoosaadka iyo dastuurka annaga aan ka hadalnay dartiis ayaa albaabka nalooga celiyey wax sharci ah ma rabaan madaxweyne Cabdicasiis wax sharci ah ma rabo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanku.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan xaalad siyaasadeed laga dareemayo magaalada Baydhabo, waxaana billowday abaabul xoogan oo looga soo horjeedo maamulka Lafta Gareen oo wajahaya xaalad adag oo ku aadan muddo xileedkiisa sii dhamaanaya.

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay saraakiisha ATMIS?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxa uu Taliyaha Secter Five ee ciidamada ATMIS, Jeneraal Ndizigiye Elie kala hadlay sugida amniga iyo dardar-gelinta howl-galada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu kala qaatay warbixin la xiriirta la-dagaalanka Al-Shabaab iyo howl-galada looga sifeynayo kooxda deegaanada maamulka HirShabelle ee hogaamiyo madaxweyne Guudlaawe.

Degaannada maamulka HirShabelle ayaa waxaa aad ugu xoogan ururka Al-Shabaab, iyaga oo bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan.

HirShabelle ayaa sidoo kale waxaa ka taagan xaalado adag oo ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan, barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

Xiriirka ganacsi ee dhaxmaray Soomaaliya iyo Turkiga 10-kii sano ee ugu dambeysay

Safaarada Turkiga ee Mogadishu waxaa la furay 1979-kii, lkn 1991 dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya awaadeed ayaa albaabada la isugu dhuftay.

Sanadii 2011`ka abaaro xoogan oo ku dhuftay Soomaaliya darteed ayuu Turkigu gudaha u soo galay mar labaad asigoo kaalmo gargaar u wado shacabka Soomaalida oo markaas abaar xun la daalaa dhacayay. Cawinaadaas waxa ay ku kaceysay lacag dhan 201 Milyan Dolar.

1/11/2011 ayaa dib loo furay safaaradii Turkiga ee Mogadisho. Maanta labada dal xiriirka ka dhaxeeyo dhan walba aad ayuu u xoooganyahay.

Waxaan qoromadaan ku eegeynaa xiriirka ganacsiga dibada ee ka dhaxeeya labada dal ee walalaha ah weliba angoo eegeyna 10`kii sano ee ugu dambeysay (2011-2020).

10-ki sano ee ugu dambeysay (20211-2020) waxaa si xowli ah u kordhaayay ganacsiga dibada ee u dhaxeeya labada dal walalaha iyo saaxibada ah ee Somalia iyo Turkiga. İnkastoo ganacsiga labada dhinac uu san ahey mid dheeli tiran isla markaasne dowlada Turkiga ay tahay tan faa!idada ugu badan ka hesha.

Xajmiga ganacsiga ee labada dal ka dhaxeeya Sanadii 2011`ka waxa uu qiimo ahaan ahaa 42 Milyan Dolar, waa xiligii dowlada Turkiga ay Soomaliya gudaha u soo gashay iyadoo cawimaad la soo gaartay shacabka soomaliyeed oo markaas abaaro daran la tacaalyay.

Wixi cawimadaas kadabeysay dowlada Turkiga waxa ay bilowday in ay ka shaqeyso soo kabashada dowladnimada Somaaliyeed iyadoona bilowday in ay ka shaqeyso dhisida kabayaasha dhaqaalaha, arimaha bulashada iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

(Kabyaasha dhaqaalaha: wadooyinka qaar , dekada Mogadisho, garoonka diyaaradaha Mogadisho. Arimaha bulshada: Xarumo cafimaad iyo goobo waxbarasho) .

6 sano kadib (2016) xajmiga ganacsi labada dal waxa uu kor u dhaafay 100 milyan dolar asigoona noqday 118 milyan oo dolar.

219`kii 4 sano kadib marka loo eego sanadii 2016 xajmiga ganacsi waxa uu kor u dhaafay 200 milyan oo dolar asigoona noqday 250 milyan oo dolar.

Sandkii la soo dhafay ee 2020`ka xajmiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu noqday guud ahaan 270 milyan dolar ( dhoofin: 4 milyan oo dolar , soodhoofin 266 Milyan ee dolarka mareykanka).

Lacagta Soomaaliya ka soo gasho ganacsiga dibada ee Turkiga kala dhaxeeya waa 4 Milyan Dolar, halka lacagta dolwada Turkiga ay ka faa`ido ganacsiga kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay 266 milyan, Taas waxa ay cadeyneysaa faa`idada xad dhaafka ah ee dowlada Turkiga ay ka hesho ganacsiga dibada ee Soomaaliya kala dhaxeeya.

20 sano kadib (1991-2011) markii uu dib u bilowday xiriirka wadashaqeyn ee labada dowladood, dhanka kale waxaa is dhaxgal iyo ganacsi is dhaafsi u bilowday labada shacab.

Ganacsato Soomaali ah ganacsigooduna ku xirnaa qaar kamid ah dalalka Bariga Dhaxe, Shiinaha iyo qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa bilaabay in ay ganacsigooda iyo wax soo dhoofintooduba u wareejiyaan dalka Turkiga, ganacsatada Soomaalidu waxa ay bilaabeen in ay xiriir ganacsi la sameystaan shirkada Turkigada taas oo sabab unoqotay in waxbadan laga soo dhoofiya Turkiga isla markaasne ganacsiga arimaha dibada ay dowlada Turkiga uga faa`ido badato Soomaaliya.

Sida garafkaan ka muuqata waxaa 10`kii sano ee ugu dambeysay sare u kac xoogan ku imaaday soo dhoofinta badeecada laga soo dhoofinayo dalka Turkiga.

2011`kii badeecada ganacsatada Soomaalida ay ka soo dhoofiyaan dalka Turkiga qiimo ahaan waxa ay aheed 39,5 Milyan Dolar, 10 sano kadib soo dhoofinta badeecadaha dalka Turkiga waxa ay qiimo ahaan ku kaceysaa 266 Milyan Dolar, taas oo kadhigan in uu jiro korar %573’ Waa korarka ku imaady qiimaha badeecada laga soo dhoofinayay dalka Turkiga inta u dhaxeysay( 2011-2020).

Ka hor inta aysan Turkigu marlabaad gudaha usoo gelin Soomaliya (Kahor 2011) , xajmiga ganacsi ee labad dal ka dhaxeeyay qiimo ahaan waxa uu ahaa 42 Milyan Dolar , badeecada ganacsatada Soomaalida ay u dhoofiyaan Turkiga dakhliga ka soo xaroodo waxa uu ahaa 2,4 Milyan Dolar oo keliya.

Sida garaafka ka muqata 10 sano gudahood dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga dakhliga ka soo xarooda waxa uu noqday 4,8 Milyan oo dolar(2020) taas oo ka dhigan in uu jiro kobac dhan %100.

Marka aan fiirino garaafkaan kor ku xusan waxaa inoo muuqaneysa in xajmiga ganacsi ee labad dal ka dhaxeeyo uu si xowli ah kor ugu socday 10 kii sano ee ugu dambeysay, qaasatan waxaa uu aad u sii kobcay 5`tii sano ee ugu dambeysay ( 2016-2020). Xiligaas uu ahaa 118 Milyan Oo Dolar asigoona 2020`ka gaaray 270 Milyan Dolar taas oo ka dhigan in shnatii sano (5) ee u gu dambeysay uu kobcay %128.

Dabcan qeybsiga 270`ka Milyan Dolar sida aan horay u soo xusanaba 266 Milyan Dolar oo ka mid ah waxaa faa`ido ahaan u qaatay dalka Turkiga, halka Soomaaliya ay ku soo aaday 4 Milyan Dolar oo keliya.

Sida caadiga ah waxaa loo baahnaa in ganacsiga dibada ee labada dal ka dhaxeeyo uu noqdo mid isku dheeli tiran oo labada dhinacba qarashaadka ka baxaya iyo dakhliga soo galayo uu isku mid ahaado ( X=M) .

Tusaale dakhliga Soomaaliya uga soo xaroonayo wax dhoofinta ama badeecada ay u iib geyso Turkiga waa in uu haqab tiri karaa qarashaadka ay wax uga soo dhoofsaneyso dalka Turkiga.

Wakhti xadirkaan Soomaaliya dakhliga ka soo galo badeecada ay Turkiga u dhoofiso waa 4 Milyan oo Dolar keliya, halka qarashaadka uga baxo marka ay Turkiga wax ka soo dhoofineyso yahay 270 milyan Dolar. Taas oo ka dhigan in Soomaaliya sanadkii 2020`ka ganacsigii ay Turkiga la gashay in ay jeebkeeda ka bixisay 270 Milyan Dolar kuna dhacday gacanta dalka Turkiga. Dhanka kale jeebka Turkiga waxaa ka soo baxay keliya 4 Milyan oo dolar. (4 Milyan Dolar-270 Milyan dolar = -266 Milyan Dolar). Sida awadeed qabayada dhnka ganacsiga dibada (Foreign Trade Deficit) ee Soomaaliya kala dhaxeeya Turkiga ku noqoneysa -266 Milyan Dolar.

Hadii aan fiirino keliya sanadkii ugu dambeeyay ee 2020`ka , dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga kana soo xaroonayay dakhli 4 Milyan Dolar ah ((4,802,387/266,142,490) =0.018*100=1.8) keliya %1.8 ayuu dakhligaas ha qabtirtay soo dhoofintii Soomaaliya ee Turkiga kuna kaceysay 270 Milyan oo dolar.

Xaalada amni xumida ee Soomaaliya ka jirta marka ay soo hagagto waxaa la rajeynaa in shirkadaha ganacsiga Turkiga iyo kuwa Soomaalidaba ku soo dhiiradaan maal gashiga Soomaaliya isla markaasne dhoofiyaan badeecooyinka Soomaaliya lagu soo saaray taas oo ka dhigan in wax dhoofinta Soomaaliya ee Turkiga iyo dunida kalaba kor u kici doonto Mustaqbalka hadii alle idmo.

W/Q: Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics)

PUNTLAND oo toogasho ku xukuntay rag dilal ka geysan jiray GAALKACYO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah laba nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna dilal ka geysteen Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa dhageysatay gal-dacwadeedka xeer ilaalinta ka diyaarisay kiiskan iyo difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane, ka hor inta aysan ku dhawaaqin xukunka oo maanta soo baxay, kadib fadhiyo kala duwan oo ay maxkamaddu ka yeelatay dacwadda.

Sida ay shaacisay maxkamadda Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre yaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay Al-Shabaannimo.

Xasan iyo Cabdikhaaliq ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inay dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in labada nin ee la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka maanta lagu ridday.

Puntland ayaa horey sidaan oo kale xukunno dil ah ugu fulisay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyey shakabaddii lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Si kastaba, kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku xoogan deegaanada Puntland, waxaana ay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ka geystaan magaalooyinka maamulkaasi.

Daawo: Xasan Sheekh iyo Erdogan oo wadajir u shaaciyey natiijada wadahadalkoodii maanta

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan ‘miro-dhal ah’ la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii uu la yeeshay dhiggiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.

“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.

“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, dowladda Turkiga waxay ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah.

Sidoo kale, labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi, halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.

“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhankiisa, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.

Hoos ka daawo

Daawo: Axmed Madoobe oo weeraray Farmaajo, kana hadlay arrimo kale oo xasaasi ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta furay kalfadhigga 4-aad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan madaxweynayaashii is bedalay ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Axmed Madoobe oo weeraray siyaasadii Farmaajo uu dalka ku hoggaaminayey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka badbaaday nooc ‘kaligii talis ah oo aad u halis badan.’

Wuxuu sheegay in Jubbaland ay soo martay xaalad adag oo taliskii Farmaajo uu geliyey, isagoo baarlamaanka Soomaaliya uga mahad celiyey in aysan dib u dooran Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu Xasan Sheekh ku tilmaamay masuulkii ugu haboonaa ee hoggaanka dalka loo dooran lahaa, isagoo rajo badan ka muujiyey inuu ka dhabeyn karo hal-heyskiisa ah “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

“Dhibka ugu badan anaga ayuu nasoo gaaray shanti sano ee lasoo dhaafay, wuxuu dalku galay nidaam ah ‘hadaan sidaan la yeelin, waxaana idinku dhacaya’ maanta is bedal ayaa yimid, kumana qadi doono, marka waxaan codsaneynaa maadaama dhibaatadii ugu badneed ay nagu dhacday in si gaar ah naloo xasuusto,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlayey wuxuu yiri, “Madaxweynaha cusub khibrad ayuu lahaa, wuxuu garanayaa waxa uu ka shaqeynayo, waan uga mahad celinayaa baarlamaanka dalka is bedalka ay dalka ugu hiiliyeen.”

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo rajo badan uu ka muujiyey in sanadaha dhow laga guuleysa doono, isagoo aad ugu mahad celiyey ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland oo joogto ula dagaalama kooxdaas.

“Al-Shabaab waxay bulshada u dhex galeen sida ‘Suuska’ waxay odayaasha iyo ganacsatada ugu hanjabaan inay u sameeyaan waxay doonaan, Al-Shabaab waxay sameynayaa been abuur, xubnihii laga dilo waxay ku sheegaan shacab, waxayna soo diraan dhaqanka beelaha, arrintaasina nama qabato, ee halaga feejignaado,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha abaaraha, isagoo codsaday in gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu ku saameysay Jubbaland oo ka mid ah deegaanada ugu daran ee dadka iyo duunyada ay abaartu ku saameysay.

Hoos ka daawo

Wareysi: Maxay tahay sababta uu madaxweyne Xasan uga baaqday shirka IGAD?

Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa faahfaahin ka bixiyey safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku joogo wadanka Turkiga iyo kulamada weli uga socda dalkaas.

Cabdikariin ayaa sheegay in madaxweynuhu uu weli wadahadallo kula jiro dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo si kooban u dulmaray faahfaahinta goobihii uu booqday intii uu joogay wadankaas.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxweynaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA waxaa la weydiiyey sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday shirkii lagu casuumay ee madaxda urur goboleedka IGAD oo shalay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaa isku soo aaday kulamadii madaxweynaha uga bilowday Turkiga iyo shirka Nairobi, wafdi heer sare ah oo Soomaaliya metelaya ayaana loo diray shirkaas oo waa ka qeyb galeen, marka Soomaaliya waxaba kama aysan baaqan,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdikariin oo sii hadlayey ayaa sheegay in labo madal oo heer sare ah maanta Soomaaliya lagu kala metelayo, kuwaas oo kala ah shirka IGAD ee Nairobi iyo kulamada madaxweynaha Soomaaliya uga socda dalka Turkiga oo muhiim u ah dalkeena.

Shir madaxeedka IGAD oo shalay ka furmay dalka Kenya waxaa Soomaaliya ku metelaya oo ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Madaxweynaha oo shirkaas lagu casuumay ayaa u safray Turkiga kadib casuumaad uu ka helay hoggaamiyaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, waxaana Ankara uga socda wadahadallo toos ah oo maanta u bilowday.

Wararka ay heleyso Caasimada Online waxay sheegayaan in saacadaha soo socda lagu wado in labada Madaxweyne ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo labada dal ay gelayaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga afhayeenka madaxtooyada

Qaar ka mid ah deeqdii loogu talo-galay abaaraha ‘oo la musuq-maasuqay’ (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii u horeysay ku eedeeyay hay’addaha deeqaha bixiya inay musuq-maasuqeen deeqaha loogu tala-galay dadka ay saameysay abaartu.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hay’addaha deeqaha bixiya ay diiwaan-gelinta dadka abaaraha saameeyeen ay u mareen hanaan musuq-maasuq iyo nin jecleysi.

“Waxaa leeyahay degmada Mahaday iyada oo hore u tabaaleysneyd waa lagu takri falay. Hay’addaha caalamiga ah ee dadka wakiilada kasoo dhiganaya dhibaatada lagu qabo waxa waaye EVC+ dadka lagu soo kaalmeeyo umadda beeraleyda iyo xoolaleyda si xalaal ah looma gaarsiiyo, kala bar ama ka badan ayaa markasta laga qaata lacagta loogu tala-galay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wakiilada hay’addaha deeqaha bixiya ay ku tagri-falaan lacagaha deeqaha ah ee loogu tala-galay dadka abaaraha sameeyeen, islamarkaana si deg deg ah looga soo gaaro.

“Waxaa iga codsi ah in degmada Mahaday si toos ah waxeeda loo soo gaarsiiyo NGO-da local-ka ah, waxay madaxa la gashay in 4.5 loo isticmaalo, umadda kale ee barka ah ma gaarto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dalbay in waxba kama jiraan laga soo qaado liis dhawaan laga qoray degmada, kaasi oo uu sheegay inaysan u dhameyn dadka deegaanka oo lagu qortay nin jecleysi iyo si loo musuq-maasuq lacagaha loogu tala-galay dadka abaartu saameysay.

Si kastaba, Eedeynta uu Guddoomiyaha u jeediyay hay’addaha deeqaha bixiya ayaa imanaya xili ay hay’adduhu u badeleen deeqaha ay bixiyaan lacag, maadama aysan deegaanada gaarsiin karin raashin iyo agab.

Darboweyne: Madaxweyne Xasan Sheekh waa in uu si deg deg ah xilka uga qaadaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaalada amni ee dalka, gaar ahaan dhaca ay geysanayaan kooxo burcad ah oo kusoo badaneysa caasimada dalka ee Muqdisho.

Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay in arrintaas sabab u tahay habacsanaanta taliyeyaasha ciidamada, isaga oo usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu xilka ka qaado taliyayaasha ciidamada oo xilalka loo dhiibay xiligii dowladii hore.

“Madaxweynaha laguma xumeyn karo, taliyeyaashii ciidamada sow sidoodi ma aha qof uu taabtay miyaa jira waa maya. Ninka ku fikiraya Xasan Sheekh ku xumee ma xumeynaysaan Xasan ee naftiina ayaa ku xumeynaysaan iyo dadkiina,” ayuu yiri.

“Waxaa la hadla taliyeyaasha ciidamada, oo waxa ka raba in la sugo amniga magaalada Muqdisho, yuusan ku fikirin berri ayaa xilka laga qaada wixii isku qasmaya ha qasmo. Haddii la qasmo qof kaaga fool xun ma jirto, taariikhda waa ku sheege tii Ilaahayna meel ayey ku taalla.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in taliyayaasha ciidamada xil iska saaran amniga caasimada, ka hor inta aysan waayin xilkooda, maadama uu gobolka Banaadir yahay canshuur bixiyaha ugu weyn ee dalka.

“Magaalo madaxda dhexdeeda ayaa shalay la iskugu xabadeeyay si qeyrul caadi ah. Wax la qaadan karo ma aha. Waxa idinka codsana Ilaahay ka cabsada waxa la leynayo dadkeena waaye.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay rabaan in gobolka Banaadir uu noqdo mid hela xaq iyo xaquuqdiisa oo ugu horeyso amni buuxa oo la isku haleyn karo, islamarkaana uu xil ka saaran yahay.

Dowladda oo laba diyaarad oo ciidamo ah kaa dajisay Beledweyne + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dajisay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Ciidamada laga dajiyey magaalada Beledweyne ayaa gaaraya illaa 100 askari oo ka tirsan Gorgor, kuwaas oo magaalada Beledweyne lagu geeyey laba diyaarayood.

Ciidamada ayaa watay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la dajiyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Ujeedada ciidamadaan loo geeyey magaaladaas ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen howlgalka gobolka Hiiraan looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Maanta Beledweyne tagay ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo kusoo biiraan 200 oo kale iyo gaadiidka dagaalka si loo xoojiyo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online, madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa ciidamadaan ka dalbaday dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa muddo 4 asbuuc ah wuxuu ku sugan yahay deegaanada u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo kuwa dowladda ah.

Ciidamada dowladda ayaa dhawaan deegaano badan oo hoos taga Matabaan waxay kala wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo halkaas ku lahaa saldhigyo ciidan.

Magaalada Beledweyn ayaa waxaa horey u joogay 300 ka tirsan ciidamada Gor-gor kuwaas oo halkaas la geeyey waqtigii doorashada xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Daawo: Xasan oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyey qasriga madaxtooyada Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh maanta loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Madaxweynaha ayaa waxaa usoo baxay oo soo dhoweyntiisa hormuud ka ahaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, halkaasi oo wada-hadallo rasmi ah ay goordhow uga billowdeen.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.  

Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan oo qodobo dhowr ah looga hadlayo. 

Labada madaxweyne ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. 

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

 

Sawirro: XAASHI CUMAR oo lagu dilay Muqdisho kadib 17 sano oo uu ku xirnaa Italy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lagu dilay Xaashi Cumar Xasan, xilli uu ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in marxuumka loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu dhaawac soo gaaray mar dambe u dhintay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday marxuumka oo ahaa nin qurbajoog ah, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xaashi ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana si weyn loo yaqaano, waxaana si aad ah loogu xasuustaa xabsigii laga soo daayey ee wadanka Talyaaniga.

Wuxuu muddo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga, iyada oo loo heystay dilka gabar wariye  ah iyo kaamiriiste u dhashay dalkaas oo la dilay sanadkii 1994-tii. Ilaria Alpi iyo kaamiriiste Milan Hrovatin ayaa u shaqeynaayey Warbaahinta RAI ee dalka Talyaaniga.

Maxkamadda magaalada Rome ayaa ugu dambeyn dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana sidoo kale ay u xukuntay lacag lagu sheegay 3 illaa 5 milyan oo Europe ah.

Sikastaba, dilka Xaashi ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo haatan ay ka billowdeen howlgallo ay ku dhawaaqday dowladda.

Sawirro: Danjire Maxamed Cabdullaahi oo la kulmay Wasiirka A/Gudaha Serbia

Belgrade (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ugu tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas Mr. Aleksander Vulin.

Danjiraha ayaa ayaa wasiirka la yeeshay kulan wax ku ool ah, waxayna labada masuul ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dalka ee Soomaaliya iyo Serbia.

Waxaa si gaar ah kulankii maanta diirrada loogu saaray iskaashiga dhanka ammaanka ee Soomaaliya iyo Serbia, sidoo kale tababarada oo aad muhiim ugu ah labadda dal ayaa lagu gorfeeyey kulankaas.

Dowladda Serbia xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo ah mid soo jireen ah, “Serbia waxay noo leedahay muhiimado kala duwan oo ay ka kow tahay dhismaha dowladnimada iyo kaabayaasheeda,” ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed.

Kulanka ay maanta yeesheen Safiirka Soomaaliya ee Serbia iyo wasiirka arrimaha gudaha dalkaas ayaa ku dhamaaday is faham iyo in labada dal ay yeeshaan iskaashi joogto ah, gaar ahaan dhinacyada tayeynta hay’adda nabad-geliyada ee Soomaaliya.