25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo kumanaan qof kula ciiday Masjidka Cali Jimcaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. 

“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii Soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa”. 

Waxaa qarashka lagu dhisay masjidka bixiyey ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, oo ah saamilaha ugu sarreeya shirkadda isgaarsiinta Hormuud, kaasoo masjidka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

Axmed Madobe oo shaaciyey qorshe ay DF ku heshiiyeen

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta khudbad u jeediyey ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dalbaday inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo lagu soo jiray difaac iyo dhufeys, balse hadda aan la sugi doonin weerar dambe oo Al-Shabaab ay soo qaadaan.

Wuxuu shaaciyey in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ay la galeen heshiis ah in Al-Shabaab lagu dhaqaaqo, isagoo ciidanka ka balan qaaday in safka hore ee dagaalka uu geli doono.

“Dhowr sano oo aan iska fadhinay weerarna nagu socday waa soo dhamaatay hadda waxaa lagu heshiiyey in Shabaab dagaal lagu qaado, dowladda cusub waxaan ku heshiinay in qorshaha koowaad uu u noqdo dagaalka Al-Shabaab, ciidanka waxaan ka bedeleynaa gaadiidka iyo dareyska, waana dalacsii doonaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, saraakiisha ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ay ciidanka ku soo booqa doonaan furimaha dagaalka.

Wuxuu ciidanka ku amaanay inay gargaaraan dadka ka soo hayaama deegaanada ay ka soo barakiciyaan Al-Shabaab, “Waxaan ku farxaa markii qoys soo hayaamay uu ii sheego in ciidamadu ay caawiyeen oo siiyeen cunadii ay heysteen,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo

Muxuu Xasan Sheekh ka damacsan yahay Haramcad? – Villa Somalia oo ka jawaabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shantii sano ee la soo dhaafay magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya, marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida. 

Waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadal haynta ugu badan.

Eedeymo badan oo loo jeediyay madaxda cidamadaas ayaa marar badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed u gudbiyeen dawladda Turkiga oo Soomaaliya ka caawisay tababarkooda.

Meelaha la geeyay ee muranka badan uu ka dhashay waxaa ka mid ah gobolka Hiraaan oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed, taasoo si weyn loo cambaareeyay. Balse dowladda Farmaajo ee xilligaasi ayaa sheegtay in ciidammadaasi loo adeegsaday sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab oo kali ah.

Siyaasiyiinta waagaasi sida weyn u dhaliiilay farmajao waxaa ka mid ahaa madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Haddaba muxuu hadda ka yeelayaa madaxweyne Xasan Sheekh ciidamada uu ashtakoonayay? 

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo. 

Dige ayaa yiri “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan boliiska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.”

Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar uu todobaadkaan ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida. 

Sidoo kale ciidamdaan waxay ka mid ahaayeen kuwa ay ka cabanayeen siyaasiyiinta Soomaalida waqtigii dawladda madaxweyne Farmaajo. Agaasime Dige oo aan wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha.

“Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige.

“Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.” 

Maxay yihiin Ciidamada Harmacad?

Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay.

Isha: BBC

Daawo: Booliska gobolka Banaadir oo shaaciyay arrin yaab leh – Jilaca oo ka mid noqday maandooriyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu baraarugay nooc cusub oo maan-dooriye ah, kaas oo laga isticmaalo magaalada Muqdisho, lagana sameeyo bahalka loo yaqaano Jilaca, sida ay shaaciyeen booliska Soomaaliya.

Taliyaha hoggaanka diinta iyo dhaqanka ee booliska Soomaaliya Mire Axmed Mataan oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in bahalkaas ay isticmaalaan dhalinyarada daraagiska isticmaasha ee ku nool magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo sharaxay qaabka maan-dooriyaha looga sameeyo Jilaca ayaa sheegay in hadda ay ku baraarugeen arrintaan, kadib howlgallo ka dhan ah maan-dooriyaha iyo ciyaal weerada oo Muqdisho ka bilowday habeenadii lasoo dhaafay.

“Horta waa arrin la yaab leh, Jilaca wuxuu ka mid noqday maandooriyaha, waxaa laga jarayaa dabada, kadib dabka ayaa la saaraya, waana la daboolayaa, markii uu karkaro oo qaac sameeyo ayaa la soo fariisanayaa daboolkaa laga qaadayaa, qaaciisa ayaa sanka loo dhiganayaa, kadibna waa lagu sarqaamayaa,” ayuu yiri Taliye Mire Mataan.

Wuxuu sheegay in qofkii ursada qaaca Jilaca la kariyey uu sarqaamayo, “Dhalinyarada isticmaasha waxay kuleeyihiin qofkaan dhac dhacaya waa Jilaceysan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyuhu.

Sidoo kale Taliye Mire Axmed Mataan ayaa sheegay inuu jiro nooc cusub oo daraagis ah, kaas oo laga sameeyo labo kaniini oo biyo lagu qaso, kadibna la isku duru.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa sidoo kale marti ku ahaa barnaamijkaan, waxayna balan qaadeen in noocyo badan oo daraagis ah oo ay qabteen ay bulshada u soo bandhigi doonaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh iyo Xamza Barre oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciida Carafo, iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyey ciidamada Qaranka.

“Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan, isagoo  dadka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, wuxuuna kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ciidamada Qaranka ka codsaday in maalmaha ciida ay si laba jibaaraan dadaalkooda, si nabad geliyo ay ugu ciidaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale ayaa u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee walaalahooda tabaaleysan ugu gargaaray munaadabadaan ciida awgeed, isagoo codsaday in la gargaaro dadka tabaaleysan.

“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda  gudanaaya waajibaadka xajka.”

Hoos ka daawo

Xildhibaano ku gacan sayray amarkii uu ugu yeeray xeer ilaaliyaha guud ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku dhawaaad lix kamid ah looga yeeray xafiisk Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku gacan seyray inay tagaan magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cabdalla Cali Cabdi (Shiine) oo kamid ah Xildhibaannada loo yeeray oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed uusan wax awood ah u laheyn in uu u yeero xildhibaanada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha uu iska magacowday madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, islamarkaana aan la horkeenin si ay u ansixiyaan.

“Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed mooshin iyo soo jeedin ka timaada qaar kamid ah Xildhibaannada koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaadi karaa, sidaas si lamid ah in markii la Magacaabay waxay aheyd in lana horkeeno mana dhicin, waana sharci darro Xeer Ilaaliyaha,” ayuu yiri Xildhibaan Shiine.

Amarka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Koonfur Galbeed ee loogu yeeray lixda Xildhibaan ee kamid ah Baarlamaanka maamulkaas ayaa imaneysa kadib markii shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ay ku sheegeen inay marnaba aqbali doonin muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ansixiyay 20-kii bishii April ee sanadkii 2020-ka in la isla simo muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Ciidan militari oo sabab yaab leh u weeraray saldhig boolis oo ku yaalla Muqdisho iyo dagaal culus oo ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa maanta weeraray Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal dhex-maray raga weerarka soo qaaday iyo ciidamadii ku sugna Saldhiga.

Wararka ayaa sheegay ain Ragga weerarka qaaday ay gaarayeen illaa lix, ayada oo ay kasoo baxayaan warar kala duwan cidda ay ahaayeen, waxayna wararka qaar ay sheegayaan inay ahaayeen Ciidamo Millateri ah oo Saldhiga looga soo xiray rag saaxiibadood ah oo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iska hor-imaadka ragga hubeysan iyo ciidamada Saldhiga ayaa waxaa ku dhintay illaa Afar qof oo kala ah, labo kamid ah raggii weerarka soo qaaday iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo qof shacab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada boolisa saldhiga degmada Yaaqshiid ay nolosha ku qabteen labo kamid ah raggii soo qaaday weerarka, kuwaasi oo lagu xiray saldhiga degmada.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan weerarka maanta, ayada oo weerarkan uu noqonaya kii labaad ee noociisa oo kale ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, ayada oo ka horeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhiga booliska degmada Xamarweyne.

Xiriirka SOOMAALIYA iyo Turkiga oo labakacleeyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii July 3, 2022, booqasho laba maalmood ah ugu ambabbaxay dalka Turkiga, toddobaadyo uun ka dib markii uu ka soo laabtay Imaaraadka. Dadweynaha Soomaalidu waxay u arkaan Turkiga inuu yahay saaxiib dhab ah oo dadaalkiisa hufan mudan yahay ku dayasho caalam.

Balse, dadka saluugsan in martiqaadkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah laga siiyay mudnaanta kii Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo ka dambeeyay ayaa ku dhaliilaya madaxtooyada inay u baahnayd ka fiirsasho taxaddir leh.

Qalafsanaaanta diblomaasiyadda khaliijka waxaa muujinaya in isku soo dhawaanshihii Imaaraadka oo ahmiyadiisu ahayd amniga iyo xasilloonida siyaasadda dalka lana jaanqaadayey isbeddelka ka socda gobolka, uu si uun dhiillo u geliay Dooxa.

Warbaahinta dalka oo soo xiganayso ilo ku dhaw Xasan Sheekh ayaa leh madaxweynuhu wuu dareensan yahay arrinka waana ku talajiraa in xiriirka Qadar uusan dayacmin oo uu xitaa diyaar u yahay inuu Turkiga la kaashado.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay Turkiga iyo Qadarba la lahayd xiriir leexleexad lahayn oo dhinacyo badan leh (difaaca, maalgashiga, ganacsiga, gargaarka bini’aadannimo, waxbarshada, caafimaadka iyo diblomaasiyadda). Booqashada ayaa la filayaa in dib loogu eegay arrimaha aan isku aragtida laga ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dood cilmiyeed uu soo qabaqaabiyay machadka SETA ayaa sheegay in rubac qarnigii la soo dhaafay dhammaan caalamka uu taageerayay Soomaaliya balse, taageerada Turkiga ay ahayd “mid gaar ah oo ka duwan.” 

Waxaase astaan wanaagsan ah goolka diblomaasiyadeed ee uu Xasan Sheekh ka dhaliyay Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu ka baaqday shirka IGAD. Nairobi waxay malaynaysay in si gooni ah ay u xallin doonto arrinta qaadka. Fartiinta Xasan Sheekh ayaa musharrixiinta madaxtinimada Kenya ku qasbaysa inay la yimaadan hindise macquul ah oo ay kula dhaqmaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Soomaaliya iyo Turkiga waxay ka baaraandegayaan sidii loo dhiirriggelin lahaa maalgashiga lagama maarmaanka u ah sahminta shidaalka badda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Waxaase su’aallo dhaliyay isku soo beegmida booqashada Ra’iisulwasaaraha Talyaniga Mario Draghi ee Turkiya iyo dheeraynta mudda joogista Xasan Sheekh.

Waxaan qarsooneen in shirkadda Eni Energy oo sahminta dhulbadeedka Soomaaliya shati uga qaadatay Kenya dhegna u jalaqsiin baaqii joojinta ka hawlgalka aaga ay danaynayso Soomaaliya. Inkastoo wajigabaxaas uu jiro, haddana ma aha markii ugu horreysay oo Ankara, Roma, Dooxa iyo Muqdisho uu dhexmaro wada shaqeyn. 

Soomaaliya waxay haatan u baahan tahay maalgashiga caalamka oo dhan. Xasan Sheekh waa madaxweynihii xiriirkii Soomaaliya iyo Turkiga oo ku koobnaa gargaarka bini’aadantinimo u rogay mid ganacsi iyo maalgashi, kuna dhiirriggeliyay xilli adag shirkadaha Turkiga inay maalgashtaan dekedda Xamar iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shaki kuma jiro in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu cagta saari doono waddo cad mustaqbalka fog, haddii isku kalsoonida lagu kabo wax wada qabsi saami wadaag ah.

Isha: Jamhuuriyadda

KENYA oo shaacisay ‘xiriir dhex-maray Xasan Sheekh iyo Uhuru iyo arrin laga heshiiyey’

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira heshiiska qaadka loo iib-keenaayo Soomaaliya ayada oo sheegtay in madaxweynayaasha labada dal ay xiriireen heshiisna ka gaareen arrintan

Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in heshiiskan lagu waday in toddobaadkan lagu saxiixo Nairobi balse uu dib u dhac ku yimid, wuxuuna ganacsatada ugu niyad qaboojiyey in dhowaan la saxiixi doono.

Peter Munya ayaa sheegay in dib u dhaca uu sababay safarkii madaxweynaha Soomaaliya ku tegay dalka Turkiga, kaas oo shalay kasoo laabtay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiska dhawaan la saxiixi doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay madaxweynayaasha labada dal ay xiriir sameeyeen, isla-markaana ay ka wada-hadleen in hore loo sii wado wada-hadallada labada dhinac.

“Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Villa Somalia oo aan la xiriirnay way ka gaabsatay inay xaqiijiso heshiiskan.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse markii dambe la ogaaday inay aheyd arrin siyaasadeed.

Waxaa kadib la fasaxay qaadka Itoobiya oo heshiiskiisa loo xiray xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Farmaajo iyo dad xulufo la ah, kuwaasi oo ka sameeyey lacag malaayiin dollar ah.

Sawirro: Ra’iisul Wasaarihii hore ee JAPAN oo la dilay

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.

Ayada oo soo xiganeysa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Abe ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta qaranka ee NHK waxay tiri “ra’iisul wasaarihii hore wuxuu ku dhintay isbitalka magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaasi oo lagu daweynayey. Wuxuu ahaa 67 jir.”

Geerida ayaa waxaa sidoo kale weriyey warbaahinta kale ee Japan sida wakaaladaha wararka Jiji iyo Kyodo.

Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka, iyo ayada oo uu socday ololaha doorashooyinka deegaanka ee dhacaya Axadda.

Goor sii horeysay ra’iisul wasaare Fumio Kishida ayaa ka baaqday masraxa ololaha wuxuuna diyaarad qumaatiga u kacda u raacay caasimadda Tokoyo, halkaasi oo uu kula hadlay weriyayaasha isaga oo codkiisa aad u dabacsan yahay.

“Ra’iisul rasaarihii hore Shinzo Abe waxaa lagu toogtay Nara, waxaana la ii sheegay inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata,” ayuu yiri.

“Waxaan ku duceynayaa in ra’iisul wasaarihii hore Abe uu badbaadi doono. Waxaan cambaareynayaa weerarkan arxan darrada ah ee dhacay ayada oo lagu jiro olole doorasho oo ah aas-aaska dimoqraadiyadda.”

Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Nara waxyar kahor 12-kii duhurnimo, halkaasi oo Abe oo 67 jir ahaa uu ka jeedinayey khudbad ayada oo ilaalo ay joogeen, balse daawadayaasha ayaa awooday inay si fudud ugu soo dhowaadaan.

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey isaga oo taagan masraxa markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Ugu yaraan laba xabad ayaa u muuqday in la riday.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ay qabteen ninka lagu tuhmayo toogashada oo loo xiray tuhun ku saabsan isku day dil.

Warbaahinta gudaha ayaa ninkaas ku sheegay 41 jir lagu magacaabo Tetsuya Yamagami, ayaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo boolis, waxaana dhowr warbaahin ay sheegeen inuu horey uga tirsanaa ciidamada Maritime Self-Defense Force ee badda.

AFP + VOA

“R/W Xamza kama fileyn inuu sidaan yeelo Mudulood”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa eedeyn culus u jeediyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay in durba uu faquuq ka billaabay xafiiskiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Muxiyadiin ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in Xamza dhammaan dadkii uu xafiiskiisa u magacaabay uusan kusoo darin hal qof oo Mudulood, xili uusan weli soo dhisin xukuumadiisa, oo sida la rumeysan yahay halbeeg u noqon laheyd hab maamulkiisa.

“10 qof ayaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeynaysa hal qof oo Mudulood ahna kuma jiro waa diidnay, maalin cad ayaa diidnay ee hada wada-shaqeynteena iyo walaalnimadeena rabtid aan wax isku darsano,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in canshuur bixiyayaasha ugu badan ee dowladda uu yahay gobolka Banaadir, islamarkaana ay tahay inay ka muuqdaan xafiiskasta oo dowladda, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Boqolkii konton dadka ka shaqeynaya xafiiska waa inay ahaadaan dadka deegaanka ee gobolka Banaadir. Canshuur bixiyayaasha Jubbaland ugu badan waa Mudulood waa ogyahay Axmed Madoobe adigana waa ogtahay (Xamzow) Ilaahayna waa og-yahay, canshuur bixiyaasha ugu badan marka Hawiye laga soo tago waa Mudulood.”

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Shalay ayay aheyd markii aan Axmed Madoobe taageereynay, maanta kama fileyn in la yiraahdo Mudulood xafiiska ra’iisul wasaaraha hal qof ma ka istahilaan in laga siiyo, laakiin Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa istaahila in nala yiraahdo nama qabato.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in uu dib u eegis ku sameeyo arrintaas, maadama dadka gobolka Banaadir ay keyd u yihiin, oo weli dadkooda diyaar ula yihiin difaac.

“Xamzow waxaa ku leeyahay hogaanka Soomaaliyeed waa Mudulood waxay ku noqdeen Ilaahay ayey ka dhigay, deegaankeeda ayey ku noqdeen, canshuur bixintooda ayey ku noqdeen, ciidankooda faraha badan ee qarankooda difaacaya ayey ku noqdeen, waxay ku noqdeen ma aha wax ay iyaga iska dhigeen waa wax Ilaahay ku siiyay quluubtooda iyo niyadooda fiican.”

Al-Shabaab oo jawaab kulul ka bixisay arrin uu shaaca ka qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in kooxda ay lacag u dirto ururo ka dhisan dalal kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay lacagaha canshuuraha ah ee ay ka qaado gudaha Soomaaliya u dirto dalalka Mozambique iyo Nigeria, oo ay ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalkaas.

“Lacagta ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayey dibada u diraan, ka Mozambique iyo Nigeria ka dagaalamaya taburacaadka laga aruuriyo Soomaaliya ayaa loo geeya. Faktii hore lacag waa ka imaan jirtay hada teena loo qaada oo loo geeya,” ayuu yiri.

Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaas uu yahay mid lagu qoslo, islamaraakana aan sal iyo raad toona lahayn.

“Hadallada Xasan Sheekh waxay caddeyn u yihiin inuu fulinayo danaha gumeystaha, uuna shirkado shisheeye iyo danahooda ka hormarinayo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in hadallada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qayb ka yihiin “qorshe midaysan oo ay Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkey ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan.” 

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in madaxweynaha Soomaaliya uu, sida hadalka loo dhigay, u gogol xaarayo qorshihii dalka dhaqaalihiisa lagu burburin lahaa, dowladahaasna loogu gacan gelin lahaa. 

Al-Shabaab ayaa ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan qorshe ay sheegtay in lagu doonayo in lagu boobo hantidooda.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay dowladda qorshe ka leedahay sidii looga soo afjari lahaa meelaha kala duwan ee Al-Shabaab ay ka hesho lacagaha baada ah ee u bixiso Zakawaadka iyo Canshuuraha.

“Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda u jooga, ka baadiyaha u jooga ee Zakada u aruuriyay, ka u aruuriya taburacaadka jihaadka waa in aan gacanta ku dhigno.”

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay dhan walba uga adkaan laheyd kooxda Al-Shabaab, oo sanadihii u dambeeyay ku xoogana gudaha Soomaaliya.

“Ninkii ka tanasula fikirka xagjirnimada ee Al-Shabaab ee ka tanusla in uu dhiig Soomaaliyeed daadiya, qirtana in uu qaldana oo uu dadka Soomaaliyeed cafis weydiisto, Wiil Soomaaliyeed waaye waa noo soo noqonaa waa naga tirsan yahay.”

Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAAL ka socda GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo haatan ka socdo qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay deegaanka Shaatolow oo ku yaalla inta u dhexeyso degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Xoogga Dalka, xilli ay howlgal ka wadeen wadada xiriirisa labadaasi degmo, waxaana kadib, sidaas ku qarxay dagaalka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana dhawaqa rasaasta laga maqlayo meelo ka baxsan halka uu ka socdo iska hor imaadka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socdo inta u dhexeyso degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan dagaalyahanada Al-Shabaab ay jareen wadada dheer ee xiriirisa labadaasi degmo, taas oo keentay xaalad go’doon ah.

Gedo oo ay haatan ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa haddane ka taagan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Ninka Muslimka ah ee laga yaabo inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain

London (Caasimada Online) – Sajid Javid waa nin muslim ah oo ku dhashay dalka Britain waaliddiintiisuna ay ka soo jeedaan dalka Pakistan.

Sajid Javid wuxuu soo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Xoghayaha Wasaaradda Caaafimaadka ee UK kaddib marki ay xilka iska casishay xogahayihi hore Amber Rudd’s.

2019-kii wuxuu iisu soo taagay hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaasi haya balse waxaa cod bixinta kaga guuleystay Boris Johnson.

Mr Javid, oo ka soo jeeda qoys Pakistani darawal ah wuxuu UK yimid 1960, wuxuuna ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada, dowladda hoose iyo xoghayaha arimaha gudaha.

Ninkani 52 jirka ah, marki ugu horreeyey baarlamaanka dalkaasi wuxuu soo galay 2010-kii, wuxuuna si weyn uu u taageersanaa iney UK ka sii mid ahaato midowga yurub halka ay Midowga Yurub ka bixi lahayd.

Dhinaca kale Borris Johnson wuxuu shaaca ka qaaday inuu xilka iska casilayo, taasoo ka dhigan iney UK ka dhaceyso doorasho lagu dooranayo hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka iyo Raysal wasaaraha.

Waxay ku qasbanaan doonaan inay xaqiijiyaan taageerada xildhibaanada, iyadoo labada musharax ee ugu dambeeysa ay u u codeyn doonaan xubnaha xisbiga Muxaafid-ka.

Haddaba waa kuwamaa musharraxa fursadda ugu wanaagsan haysta? Xusuusnoow Xildhibaannadan iyo Wasiirradan intooda badan ayaan weli sheegin iney rabaan jagada hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo iyo Raysal Wasaaraha balse waa kuwa laga warsugayo.Kuwa kalana waxaa laga yaabaa iney soo baxaan.

Qaar ka mid ah musharrixiinta kale ugu cadcad aan eegno

Ilaa iyo hadda Wasiirrada iyo Xildhibaannada la sheeegay iney jagooyinkaasi daneynayaan kuwooda ugu cad cad tiradooda waxaa lagu sheegay iney yihiin ilaa iyo 12, waxaanna halkan ku soo qaadaneynaa labada musharrax ee kaalamaha hore kula jirro Sajid Javid.

1. Rishi Sunak

  • Wasiirki hore ee Maaliyadda oo Arbacadii xilka iska casilay
  • Wuxuu muujiyey rabitaan ah inuu noqdo Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka oo uu baddalo Boris Johnson
  • Tani iyo 2015-kii waa xildhibaan laga soo doorto Deegaan Doorashada Yorkshire

2. Liz Truss

  • Waa wasiirka arrimaha dibadda UK
  • Waana haweeneydi labaad oo wasiir ka soo noqoto wasaaradda arrimaha dibadda UK
  • 2010-kii ayaa marki ugu horreeysay xildhibaannimo loog soo doortay Waqooyi GAlbeed ee Nortfolk, iyada oo mataleysa xisbiga Muxaafidka

Xubnaha kale liiska ku jira waxaa ka mid ah:

Nadhim Zahawi, wasiir cusub ee dhaqaalaha
Jeremy Hunt, Xildhibaan Barlamaan
Suella Baverman, Xeer IlaaliyahaGuud
Penny Mordaunt, Xildhibaan Barlamaan
Ben Wallace, Xoghayaha Gaashaandhigga
Tom Tugendhat, Xildhibaan Barlamaan
Steve Baker, Xildhibaan Barlamaan
Priti Patel, Xoghayaha Wasarada Arrimaha Gudaha
Grant Shapps, Xoghayaha Wasaaradda Gaadiidka

Xubnaha xisbiga talada hayana waxay doonayaa Xoghayaha Wasaaradda Gaashaan dhigga Ben Wallace inuu noqda xubinkii baddali lahaa Borris Johnson.

Isha: BBC

Qorshaha Raila Odinga ee Soomaaliya oo walaaciyey Uhuru iyo sirdoonka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Isaga oo og inaan laga jecleyn Muqdisho, ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ahna musharax madaxweyne ee doorashada 9-ka August, Raila Odinga wuxuu dhowaanahan qaadayey tallaabooyin uu doonayo inuu kusoo jiito mas’iiliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Mowqfiyo hore oo uu qaatay, oo ay ugu weyneyd inuu taageeray mdax-banaani ay hesho Somaliland, ayaa Odinga ka dhigay shaqsi aysan Soomaalida eegi karin.

Hase yeeshee, isaga oo hadda doonaya in haddii la doorto uu ku dhowaado dowladda cusub ee Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Odinga wuxuu ballan-qaaday inuu dib u furi doono xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Musharaxa isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa ballan-qaadkan sameeyey isaga oo dhowaan safar ku maray gobolka waqooyi bari Kenya ee Soomaalida ay degto.

Hase yeeshee ballan-qaadyada Odinga ayaa walaaciyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ahna ninka uu taageerada ugu xooggan ka haysto iyo sidoo kale sirdoonka Kenya oo heegan culus ku jira kahor doorashada 9-ka August, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence.

Sirdoonka ayaa ka walaacsan halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab ee kasoo gudubta xuduudda islamarkaana weerarada ka fulisa waqooyi bari Kenya. Inkasta oo xuduudd ay xiran tahay, haddana dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyey Mandera, Gaarisa iyo Wajir. 

Agaasimaha sirdoonka Kenya Philip Kameru, dambi baaraha booliska Hillary Mutyambai, agaasimaha madaxtooyada Robert Kibochi iyo wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa dhammaantood kula taliyey Kenyatta inuu iska fogeeyey hindisaha Odinga.

Saraakiisha amniga ayaa ka ashtakooday inaan lagala tashan hindisaha, inkasta oo Odinga uu helay warbixinadii amni ee ugu dambeeyey kuwaas oo hoosta ka xariiqay halis ku saabsan in Al-Shabaab ay weeraro ka fulin karto Nairobi iyo Mombasa inta lagu guda jiro ololaha doorashada,

La-taliyeyaasha Kenyatta ayaa sheegay inaan weli la gaarin xilligii laga hadli lahaa isu soo dhowaansho, madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan u billaabay inay ka wada-hadlaan nashqad lagu soo celin karo xiriirka diblomaasi ee labada dal iyo la-dagaalanka argagixisada.

Kooxda madaxweynaha ayaa dooneysa intaas beddelkeed uu Odinga diiradda saaro hindisooyinka ay isku aragtida ka yihiin sida xal u helidda “muranka xuduuda badda” labada dal iyo dib usoo celinta dhoofintii qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Oding-ka ayaa doorashada madaxweynaha kula tartami doona madaxweyne ku-xigeenka iminka William Ruto.

Xasan Sheekh iyo tuugada XAMAR – Farriin ku socota madaxweynaha Soomaaliya

Hooyo iyo caruurteeda gurigeeda joogta oo habeen tuug usoo dhacay oo wixii reerku agab mobile, lacag, dahab iyo computers lahaa aruursaday. Hooyo iyo caruur tuug u soo dhacay oo intuu agab gurigii ka waayey hooyadii fara xumeeyey. Aabe aroortii u kalahayey shaqadiisa oo inta tooreey lala dhacay mobile kiisii laga qaatay. Macalin jaamacadeed oo telefoonkiisii dartiis naftiisii loo gooyey. Hooyo bakaaraha u socota oo dhegihii tuug kala baxay. Waxaas oo dhan waa amni darada magaalada Xamar maalmahaan nolosheedii saameysay. 

Maanta haddii qof shacab ah uu toorey magaalada Xamar la’aado waa la baaraa waana la xirayaa, hadana habeenkii saq dhexe rag ku hubeysan oo bastoolado iyo bajaajyo watana dharkii booliiska ayaa guryihii iyo xaafadihii magaalada Muqdisho dhacaya, yaa fashilkaas ku dhacay amnigii magaalada muqdisho iyo booliiskii iska leh?

Magaaladu malaha miyaa duq magaalo? Magaaladu malaha miyaa amni booliis? Madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu malaha miyaa la taliyeyaal amni?

Waxaan shaki ku jirin in dhabarka loo saaraayo falalkaan amaan darada ah ee faraha ka sii baxaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waayo taliyaha booliiska, kan nabad sugida, kan NISA, kan military ga iyo duqa magaalada muqdisho iyo dhamaan waxa ka tala bixiya amniga gaarka iyo kan guud waa kuwa ku yimaada rabitaanka madaxweynaha.

Haddii aan nahay dadka shacabka ah ee degen magaalada Muqdisho, waxaan u sheegeynaa in ay na soo wajahday cabsi weyn habeenkii. Waxaan baaldiyo iyo majarafado iyo digsi saarnaa habeenkii albaabada iyo daaqadaha. Waxaan seexanaa hurdo jaqaftii aad maqasho aad u maleyneyso tuug albaabka soo jebinaaya. Waxaan madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeynaa in kuwa dhaca iyo kufsiga geysanaaya habeen walba aysan ahayn tuugo iyo daroogeysteyaal kaliya ee ay la socdaan qaar ka mid ah booliiskii loo xilsaaray ilaalinta iyo sugida amniga. Xataa booliiskii waxaa ay noo diideen in aan sameysano ilaalo xaafada ka tirsan oo ilaaliya xaafadaha habeenkii, waayo nin booliis ah oo raba inuu habeenkii inta dharka bedesho isku bedelo tuug ayaa hor taagan xitaa in aan sameysano ilaalo ay xaafaduhu bixiyaan lacagtooda sida suuqa bakaaraha oo kale. Waxaad arkeysa xerada booliiska horteeda oo calaqii, qaadkii iyo weliba dumar jirkooda ka ganacsadaa ay hor fadhiyaan ayagoo badeecooyinkooda ka gadaaya booliiskii. 

Waxaan kula talineynaa madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu amniga faraha ka sii baxaaya gacan bir ah ku qabto kana suuliyo magaalada raggaan daroogeysteyaasha, ciyaal weerada, booliiska kuwa tuugada ah iyo dhamaan dadka ku caawinaya falalkaan danbiga ee magaaladii ka dhigaya magaalo amni daro looga guuro. Magaaladaan waa joogaan rag amniga yaqaan kuna soo celin kara sida Sheekh Mukhtar Robow iyo Khaliif Axmed Ereg iyo rag kale oo la mid ah yaqaana amniga iyo maamulka. Ragaan maanta haya amniga iyo maamulka magaalada muqdisho ha ahaadaan duq magaalo iyo madaxa booliiska iyo laamihiisa kala duwan, waa ku fashilmeen amniga. Jaale Madaxweyne sidaan wax ku socdaan waxaa la rabaa in lagu ciyaaro sumcadaada iyo hiigsigaaga dawladeed ee wax ka badal sida wax u socdaan.

W/Q: Ali Osman
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Somaliland iyo Ethiopia oo HESHIIS afar qodob ah ka gaaray XIISAD taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo Ethiopia ayaa waxay shalay magaalada Hargeysa ku saxiixdeen heshiis cusub, kaasi oo meesha ka saaray xiisada qaadka oo maalmihii dambe taagneyd.

Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in qaadka Ethiopia ay joojinayaan, kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago dheeri ah oo lagu kordhiyay, taasi oo uu meesha ka saaray heshiiska cusub.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii Wafdi heer sare ah oo ay wasiiro ku jiraan oo ka socda dowladda Ethiopia ay shalay gaareen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wafdiga Ethiopia ayaa intii ay joogeen Hargeysa waxay la kulmeen madaxda maamulka Somaliland, halkaasi oo labada dhinac ay ku kala saxiixdeen heshiiyo cusub oo kor u qaadaya xiriirka labada dhinac iyo danaha ka dhaxeeya.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd iyo La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Ridwaan Xuseen.

Qoddobada heshiiska ayaa u dhigna sidan;

1. Somaliland iyo Ethiopia waxay aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xiriirkii dheera ee soo jireenka ahaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay.

2. In maanta wixii ka dambeeya (7/7/2022) dib loogu celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta ee hore loo dajiyay.

3. In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinka noocaas oo kale, sameysana daraasad ka hortagaysa oo xal loogu helo

4. In lasii wado heshiisyadii hore si loo dhameeyo kuwaasi kala ahaa; Baayac-mushtarka, Gaadiidka iyo Isku-socodka iyo horumarinta dekedda Berbera.

Soomaaliya: Midowga Yurub oo $120 milyan ugu deeqay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa lacag dhan 120 milyan oo Yuuro ugu deeqay howlgalka ATIMIS, ex AMISOM ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya, waxaana lacagtan meel-mariyey xubnaha guddiga siyaasadda iyo ammaanka ee ururkaasi.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee howlgalka ATMIS, si loo dardargeliyo shaqada adage e hortaalla.

Sida uu Midowga Yurub sheegay lacagtaan ayaa waxaa lagu kordhiyey lacagta uu ururka siin jiray howlgalka oo dhaqaalaha ku baxa ay bixiyaann reer galbeedka iyo UN-ka.

Taageeradan ayaa waxa ay sidoo kale gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibkiisa.

Howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2007-dii ayaa socda ilaa iyo hadda, balse qorshaha ayaa wuxuu yahay in lasoo gabagabeeyo 2sano gudahooda, si ay amniga u la wareegaan ciidamada Soomaaliya oo haatan usii diyaar garoobaya sugidda amniga dalka oo dhan

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka qayb-qaadanayo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, wuxuuna soo diray gargaar bani’aadanimo oo isugu jiro cunto iyo daawooyin, si wax looga qabto xaaladda deg degga ah ee ka dhashay abaaraha ku dhuftay dalka.

Madaxa maareynta musiibooyinka Ururka Midowga Yurub, Janez Lenarcic oo ka hadleysay deeqdan ayaa shaaca ka qaaday in loogu tala-galay Soomaaliya 815,000 oo dollar oo lagu gaarsiinayo gargaarka bani’aadanimo deegaanada ay haatan ku dhibaateysan yihiin dadka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaaladdii ugu adkeyd bani’aadanimada ee ka dhalatay abaarta ka jirta dalka, waxaana socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda dhexe.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan oo fagaare lagu toogtay

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa isbitaal loola cararay kaddib markii lagu toogtay munaasabad ka dhacday magaalada Nara ee galbeedka Japan.

Shinzo Abe ayaa la toogtay labo jeer, iyadoo xabbada labaad ay uga dhacday dhabarka, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Wararka ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay la xiray.

Duqii hore ee Tokyo, Yoichi Masuzoe ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Abe oo 67 ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Ninka la rumeysan yahay inuu toogtay mas’uulka waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga, faah-faahin bandanna lagama hayo xaaladda Abe, sida uu warbaahinta u sheegay xoghayaha xukuumadda dalka Japan Hirokazu Matsuno

“Sabab kasta ha ahaatee, falkan waxuushnimada ah marna looma dulqaadan karo, si adagna waan u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Muuqaallo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasoo aan la xaqiijin karin, waxayna muujinayaan shaqaalaha caafimaadka oo ku hareeraysan Shinzo Abe bartamaha meel waddo ah, iyadoo markaas kadibna loola cararay isbitaalka.

Abe ayaa markii uu weerarku dhacay waxa uu khudbad u jeedinayay dad isugu soo baxay magaalada Nara oo ay ka socdaan ololaha doorashada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay arkeen nin ay tilmaameen inuu qori weyn gadaal ka soo ridayay.

Rasaastii ugu horreysay ayaa u muuqatay inay seegtay laakiin xabbada labaad waxay uga dhacday dhabarka. Isla markiiba waxa uu ku dhacay dhulka isaga oo uu dhiig ka qubanayo. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo aan isku dayin inuu baxsado.

Shinzo Abe wuxuu watay koox boolis ah oo ammaankiisa sugaysa, Laakiin waxa ay u muuqataa in qofka toogashada geystay uu weli awooday inuu dhowr mitir u jirsado isagoo aan wax xannibaad ah kala kulmin ilaalada Abe.

Toogashada ninkan caanka ah horeyna u soo noqday ra’iisul wasaaraha ayaa aad looga naxay gudaha Japan.

Isha: Bbc

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh: “Hanti ma lihi”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay hantidiisa isaga oo shaaciyay in uusan laheyn daaro dhaadheer iyo hanti badan.

Xasan Sheekh, oo hadalkan jeediyey isaga oo la hadlayey ciidan Soomaaliyeed oo lagu tababarayo Turkiga, ayaa sheegay in uusan isku mashquuli jirin lacag urursi, wixii uu helana uu uga faa’iideyn jiray caruurtiisa iyo dhalinyarada qaraabada ah, si ay u dhameystirtaan waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

“Maal-qabeen ma ihi, daaro badan ma lihi, wax badan oo la iga dhaxlo hada dhinto malihi. Maalina irsaaqada ciriiri igama galin, weli kama fikirin reerka maanta maxay cunayaan,” ayuu yiri.

“Ilaahay irsaaqada iguma dhibin laakiin maalqabeen ma ihi, aniguna maalka ma daneyn jirin haddii aan lacag helana inta xooga meel dhigto ayaa ilmaheyga wax ku baran jiray, ilmo kale oo qaraabada ah ama agoon deriska ah ayaa ku kaalmeyn jiray.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan guryo iyo apartment-yo ku laheyn dalalka dibada, gaar ahaan Turkiga iyo Kenya oo inta badan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxdii hore ay ku leeyihiin.

“Aniga iyo waxa aan dhalay midna apartment kuma laha Istanbul iyo Nairobi, idinka oo og dad yar-yar oo dhaqaalahooda aad u yar yahay ay meel walba uga dhisan yihiin daaro iyo apartment-yo.”

Si kastaba, Inta badan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayaa dalalka dibada ka iibsada guryo, iyaga oo qoyskoodana ugu nool yihiin dalka dibadiisa, islamarkaana usoo shaqo tagay dalkeena.