25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan oo markii u horeysay kala saaray maalinta xoriyadda iyo maalinta midnimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay waxa uu kala saaray labada maalmood ee 26 Juun iyo 1-da Juulay oo hore maalmo xorriyad ugu astaysnaa.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo labadaas maalmood loogu kala astayn doono dhacdooyinkii ay gaarka u kala lahaayeen, sida uu ka sheegay xaflad loogu dabaal-degayay sanad-guurada 62aad ee 1-da Juulay oo xalay ka dhacday aqalka madaxtooyada.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan ayaa waxay dadka siyaasadda falan-qeeya ku doodayaan inay tahay mid lagu saxayo sooyaalka dhacdooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida caadiga ah dal kasta waxa uu leeyahay maalin gaar ah oo ugu astaysan xorriyaddooda, mana jirto dal maalin wax ka badan u dabaal-dega dhismahooda.

Go’aanka Xasan ee uu ku kala soocay muunadda maalmaha 26 Juun iyo 1-da Juulay, ayaa si ay u noqoto mid midha dhasha waxa muhiim ah in loo sameeyo sharci, islamarkaana lagu faafiyo wareegto rasmi ah.

26 Juun: waxay ahayd maalintii koowaad ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay ciid Soomaaliyeed, sidaas darteed in maalintaas lagu asteeyo xorriyadda isirka iyo dawladda Soomaaliyeed waxay ka dhigan tahay taariikh iyo Sooyaal ummadeed oo la maamuusay iyo halgan iyo dedaal bulsho oo la sharfay.

1-da Juulay: Waa maalintii dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed la aasaasay, waxa ay ku timid Jamhuuriyaddaasi doonis iyo dedaal nafhur leh oo ay bixiyeen Soomaalidii waxgaradka ahayd ee hormuudka u ahayd dadkooda.

Si kastaba, Dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxaa ku jira dhacdooyin xiisahooda leh oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed wax badan ka baran karaan, waxaana ugu mudan in 1-da Juulay ay noqotay maalintii doonistaas iyo dadaalkaasi uu midho dhalay.

Heshiis yaab leh oo ay qeyb ka tahay Israel oo laba Jaziirad loogu wareejinayo Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Israel, Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa ku dhow inay heshiis ka gaaraan maqaamka Jaziiradaha ku yaalla Badda Cas ee Tiran iyo Sanafir, waxaa sidaas ku warantay warbaahinta Axios ee Mareykanka. 

Labada Jaziirad, oo ku yaalla aagga muhiimka ee Marinka Tiran ee Badda Cas, ayaa waxaa hadda maamula Masar, hase yeeshee Qaahira ayaa 2017-kii sheegtay inay madax-banaanidooda ku wareejin doonto Sacuudi Carabiya. 

Si kastaba, arrintan ayaa dib loo dhigay saabtoo ah labada Jaziirad waa kuwo ka caagan militariga, waxaana ku sugan xoogag kormeerayaal caalami ah, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Camp David ee 1997-kii ee Masar iyo Israel, kaasi oo damaanad qaaday in maraakiibta Israel ay si xor ah u maraan Marinka Tiran.

Israel ayaa ogolaatay in Masar ay Jaziiradahan ku wareejiso Sacuudi Carabiya, ayadoo shuruudda ay tahay inay militariga kasii caaganaadaan, sidoo kalena maraakiibta Israel ay sii wadaan inay si xor ah u maraan marinka. 

Balse, way adkaatay in heshiiska la dhameystiro sababtoo ah Israel iyo Sacuudi Carabiya ma lahan xiriir diblomaasiyadeed, sidaas darteedna ma saxiixan karaan heshiis. 

Axios ayaa ku warrantay in saraakiisha ay nashaqadeeyeen qorshe dhib badan, oo Sacuudi Carabiya ay saxiixeyso heshiiska ayada oo Masar-na ay sii wadi doonto inay militariga ka ilaaliso, islamarkaana marin nabdoon siiso maraakiibta Israel.

Mareykanka ayaa noqon doona hubiyaha heshiiska, wuxuuna warqad hubanti u diri doonaa Israel. Ciidanka ka kooban dhowrka dal ayaa isaga tegi doona Jaziiradaha kahor inta aan lagu wareejin Sacuudiga, sida ay ku warrantay Axios. 

Saraakiisha Israel ayaa u sheegay Axios in ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya ee Israel Naftali Bennet iyo kan beddelaya Yair Lapid ay labaduba ansixiyeen qorshahan.

“Dhibka wuxuu ahaa sida ay Sacuudiga u saxiixi karaan heshiis lala galo Israel, ayaga oo aan dhab ahaan heshiis la galeyn Israel. Wax khilaaf ah kama taagna nuxurka,” ayuu sarkaal Israeli ah u sheegay Axios.

Sanaddii 2020, dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa xiriir rasmi ah la yeeshay Israel.

Sacuudi Carabiya weli ma sameyn sidaas, inkasta oo la rumeysan yahay in xiriir aan rasmi ah uu ka dhex-jiro labada dhinac, waxaana toddobaadyadii dhowaa xoogeystay xan ku saabsan in laga shaqyenayo heshiis rasmi ah.

Axios waxay ku warrantay in ka sokow heshiiska Tiran iyo Sanafir, Sacuudi Carabiya ay sidoo kale u ogolaan doonto diyaaradaha ganacsi ee Israeli ee u safraya China iyo India, inay isticmaalaan hawadeeda, laga billaabo toddobaadkan.

Blinken oo farriin culus usoo diray dowladda Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa farriin taageero oo xooggan usoo diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya oo maanta u dabaal-degaya maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo.

“Aniga oo matalaya dowladda Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 62-aad ee Maalinta Qaranka,” ayuu Blinken ku yiri war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Wasaarrada Arrimaha Dibedda. 

“Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa dadaalladiina ku aaddan dhisidda bulshooyin adkeysi leh, dhisidda kobac dhaqaale oo loo dhan yahay, iyo sare u qaadidda amniga Soomaaliya iyo dersikeeda. Waxaan wadaagnaa yoolka ah in ummaddiina ay hesho mustaqbal dimuqraadi, barwaaqo, iyo nabad ah,” ayuu yiri

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in lasii wado iskaashiga xooggan ee Washington kala dhaxeeya Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo-wareedyo diblomaasi, Washington ayaa waxaa ka go’an inay si xooggan ula shaqeyso oo taageero amni siiso dowladda cusub ee Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre. 

Blinken ayaa kaalin xooggan ku lahaa in la qabto doorashadii lagu doortay Xasan Sheekh, ayada oo tallaabooyinkii uu qaaday oo ay ku jireen xayiraado la saaray siyaasiyiin Soomaali ah ay hoggaamiyeen in doorashooyinka la qabtay, meeshana laga saaray isku dayadii dib loogu dhigayey.

Inkasta oo aan la magacaabin shaqsiyaadkaas, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu ku jiro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo horey u ahaa muwaadin Mareykan ah iyo shaqsiyaad isaga ku dhow sida Fahad Yaasiin, iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada Soomaaliya.

Maalin kadib doorashadii Xasan Sheekh, Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in dib loo soo celinayo ciidan gaaraya 700 askari oo uu Soomaaliya ka saaray madaxweynihii hore Donald Trump, taasi oo muujisay sida ay qaati uga taagnaayeen nidaamkii Farmaajo. 

James Swan oo ballan-qaad u sameeyey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ballan-qaad culus u sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu shacabka Soomaaliyeed usoo diray hambalyo ku aadan maalinta 1-da Luulyo.

James Swan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu shacabka Soomaaliyeed kala qeybgalo dabaaldagga maalmaha xorriyadda, oo uu sheegay inay qaas u tahay shacabka Soomaaliyeed si ay muujiyaan madaxbannaanidooda.

Ergayga ayaa sheegay isagoo ka faa’ideysanaya dabaaldagga inuu ka xafiis ahaan diyaar u yahay inuu sii xoojiyo taageerada ay Qaramada Midoobay siiso dowladda dhexe, maamulka goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliuyeed si ay mustaqbalka dhow uga baxaan dhibaatooyinka haysta.

Waxa uu sheegay inuu Soomaalida u rajeenayo mustaqbal wanaagsan oo sal u noqda Nabad iyo Barwaaqo, isagoo carabka ku adkeeyey inay taas u baahan tahay dadaal dheer iyo inay dhexda u xirtaan.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa u qornaa sidaan:

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

Wuxuu ku celinayaa sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan.

Maxaa ka fulay ballan-qaadkii sanadkaan loo sameeyey xujeyda Soomaaliyeed

Makka (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa sanadkaan adeegga Xajka siisay 63 Shirkadood oo sanadkaan qaaday xujeyda Soomaaliyeed, waxayna wasaaradda sheegtay inay kala xisaabtami doonto masuuliyadda loo dhiibay.

Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa horey u sheegay in wasaaradda iyo shirkadaha ay ku heshiiyeen in sanadkaan wax badan laga badalo adeegii loo qaban jiray xujeeda.

Waxaa jiro qodobada qaar ee heshiiska ku jiray oo aan la fulin iyo kuwii aan loo fulin sidii lagu heshiiyey, waxaana muuqata inaysan jirin kormeerayaal ka socda wasaaradda oo daba-gal ku sameenayo sida loola dhaqmay xujeeda.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxyaabaha ka suurtagalay ballan-qaadkii wasaaradda iyo shirkadaha sanadkaan la siiyey qandaraaska iyo kuwii aan la fulin.

  1. Huteelada la dajiyey

Shirkadaha iyo wasaaradda ayaa sanadkaan ku heshiiyey in xujeyda Soomaaliyeed la dajiyo meel xaramka u jirta ugu yaraan 1KM.

Inkasta oo heshiiskaas uusan sidii la rabay u hirgelin oo xujeyda la dajiyey meel 2K u jirto Xaramka, haddana marka loo eego sanadihii hore waxaa muuqata isbadal ku yimid Huteeladii la dajin jiray.

Xujeyda oo intooda badan ah dad waayeel ah oo socodka dhibayo ayaa dhibaato ku qabo inay Shanta Salaad u lugeeyaan Xaramka oo u jiro 2KM, iyadoo weliba laga soo qaaday lacag aad u badan.

  1. Cuntada Xujeyda

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkaan heshiiska lacagta laga qaaday xujeyda oo ah 5,200 Dollar ay ku jirto cunto la siinayo xujeeda Soomaaliyeed, balse taas ma suurta gelin, waxaana xaqiijinay in xujeyda ay cuntada soo iibsadaan.

Huteelada la dajiyey Xujeyda oo ah seddex Hotel oo isku dhagan ayaan laheyn wax maqaayad laga cuno raashin, waxayna xujeyda ku qasbanaadeen inay tagaan maqaayado ka fog hoteelada ay dagan yihiin, halka qaar kalana ay cuntada ka iibsadaan gabdho cuntada ku iibiyo meelo u dhow Hotelka.

Xujeyda wadamada kale kasoo xajiyey ayaa waxaa Huteeladooda loogu geeyaa raashiinka seddexda waqti, weliba iyadoo wadamada qaar dadka kasoo xajiyey laga soo qaaday lacag ka yar midda laga qaaday xujeeda Soomaalida.

  1. Teendhooyinka Mina

Wasiirka ayaa sheegay inay shirkadaha qaaday xujeyda lagula heshiiyey inay sanadkaan xujeyda dajiyaan teendhooyin u dhow dhagax tuurka.

Inkasta oo aan la gaarin waqtigii xujeyda loo qaadi lahaa Mina, haddana sida aan ku helnay xogta waxaa sanadkaan xujeeda la dajin rabaa teendhooyin aan ka fogeyn halkii markii hore la dajin jiray oo aheyd meel 5KM u jirta dhagax tuurka.

Xujeyda Soomaalida ayaa sanadihii hore waxaa la dajin jiray meel ka baxsan xeendaabka Mina oo ka tirsan Musdalifa, balse sanadkaan maadaama xujeyda ay yar tahay waxaa suurta-gashay in la dajiyo teendhooyinka ku yaalo Mina balse aad uga fog dhagax tuurka.

Xujeyda Soomaalida ayaa ku qasban inay daqiiqado badan usoo lugeeyaan dhagax tuurka si ay dhagaxa u tuurtaan.

IGAD oo war kasoo saartay colaada sii hureysa ee Ethiopia iyo Sudan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo ka hadlay xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Sudan ayaa ugu baaqay in labada dal is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda.

Ururka oo xubno ka yihiin labada dal ayaa sidoo kale waxay u soo jeediyeen madaxda labada dal inay si fir-fircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.

Baaqan ayaa imanaya ayada oo Arbacadii uu Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay bilaabaan wada-hadal ku saabsan muranka soohdinta.

Itoobiya iyo Sudan ayaa hadda midba midka kale ku eedeynaya “daan-daansi”, kaasi oo ka dhashay dhacdo dad lagu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii hore.

Sudan ayaa waxay go’aansatay inay dacwad rasmi ah u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Itoobiya, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadaas ay go’aansatay inay si deg-deg ah ugu yeerto safiirkeeda u fadhiya Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa hore isaga fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay dileen toddobo askari oo Sudani ah oo maxaabiis ahaa, ayaga oo dhankeedana Sudan ku eedeysay in ay daan-daansi millatari ka waddo Itoobiya.

Si Kastaba, Itoobiya iyo Sudan ayaa muddo dheer ku muransanaa xuduudka Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay la-degaan beeraley Itoobiyaan ah oo Sudan ay ku andacooneyso in uu ku jiro xuduudkeeda.

Sidee xayeysiimaha iyo farriimahaaga loogu daabici karaa Caasimada Online? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Caasimada Online iyo Caasimada TV ayaa billaabaya baahinta xayeysiinta ganacsiga, ogeysiisyada, tebinta munaasabadaha gaarka ah iyo farriimaha wacyigelinta ah laga billaabo 1-da July 2022.

Shirkadda Key Message oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa noqoneysa wakiilka rasmiga ah ee warbaahinta Caasimada, iyada oo ay dhammaan macaamiishu kala xiriiri karaan dhammaan macluumaadka ku saabsan shuruudaha iyo fursadaha, islamarkaana ay ka helayaan talooyin ku saabsan sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo.

Caasimada Online oo 10 sano jirsatay waa warbaahinta ugu saameynta badan Soomaaliya ee Online ah. In ka badan 10 milyan oo jeer ayaa la soo booqdaa bishii, taas oo ay ku kasbatay xogaha ay bulshada Soomaaliyeed u soo gudbiso ee huban.

Fursaddan ayey ganacsiyada iyo hay’aduhu uga faa’idi karaan gaarista malaayiin qof oo si joogto ah ugu xiran website-ka, iyo baraha bulshada Internet-ka, iyaga oo adeegyada iyo wax soo-saarkooda ku gaarsiin kara macaamiil cusub oo sare u qaada wax iibintooda.

Waxaa sidoo kale fursadda ka faa’iideysan kara bulshada kale ee doonaya in munaasabadahooda gaarka ah loo tebiyo, sida kulamada, shirarka iwm.

Key Message waa shirkad ka shaqeysa ra’yul caamka iyo xiriirka bulshada oo ka howlgasha Geeska Afrika oo khibrad weyn u leh xayeysiiska ganacsiga, qaabeynta farriimaha wacyigelinta, iyo dejinta istraatiijiyadaha warbaahineed ee shirkadaha waaweyn. 

Key Message waxay horey u caawisay shirkado waa weyn oo ka dhisan Soomaaliya iyo gobolka, waxayna ka sokow inay kugu xirto Caasimada Online, ay si gaar ah kaaga caawin kartaa diyaarinta istraatiijiyadaha warbaahineed. 

Faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaa: 

Key Message
PO.Box: 1131 Mogadishu, Somalia
C5 Jowhara Building, Afgoi road, Mogadishu, Somalia
Direct: 855143
WhatsApp +252 61 0328888
E-mail: [email protected]

Safiir uu magacaabay wasiir shaqada laga joojiyey oo mataleysa SOOMAALIYA

Vienna (Caasimada Online) – Safiirad Ebyan Salah Mohamed oo Soomaaliya ugu howl gasha Geneva, ayaa shalay geeysey magaalada Vienna, Austria Warqada Safiirnimo in ay tahey Ergeyada Joogtada ee Soomaaliya ee Vienna, Austria.

Warqadda safiiradda laga gudoomay waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabbdisaciid Muuse Cali, oo uu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble 24-kii May 2022 kadib eedeymo musuq-maasuq.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, warqadda safiirka waxaa saxiixa Madaxweynaha Jamuurayada Federaalka marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, ama hadii uu isaga go’aansado in uu magacaabo safiir.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in warqadda magacaabista Ebyan ay ku taariikheysan tahay 29-ka March 2022, balse ra’iisul wasaare Rooble markii shaqada ka joojiyey Cabdisaciid uu sheegay inaysan waxba ka jirin dhammaan magacaabistii uu sameeyey wixii ka dambeeyey 1-da Janaayo 2022.

Sidaas darteed, magacaabista Ebyan ayaa isku darsatay in markii horeba aan loo marin nidaam sax ah, haddana xitaa haddii loo mari lahaa lagu nasakhay warqad ra’iisul wasaare oo waxba kama jiraan looga soo qaaday.

Wasiir Cabdisaciid iyo Safiirad Ebyan ayaa ka dhuuntay hanaankaas iyagoo qaaday waddo aan sharci aheyn.

Hadaba: Maxaa la gudboon Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Waxyaabaha waa weyn ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh tiirarka u ah waxaa kamid ah isla xisaabtan iyo waliba ilaalinta dastuurka sida dhowr jeer uu ku celceliyay madaxweynaha iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub.

Soomaaliya ayey sharaf dhac u tahay in qof ku xad dubay shuruucda dalka iyo dastuurka inuu dalka matalo taa oo dhaawac ku ah sharafta Soomaaliya.

Waxaa la gudboon dowladda in 24 saac dalka ugu soo celiso Safiirad Ebyan Salah, si wax loogu weydiiyo sharci iska dhagotirka ay ku dhaqaaqdey iyo in dowlada ay furto baaris ku aadan, sida ay ku dhacdey arrintaan.

Midda kale, Safiirad Ebyan Salah ayaa ah safiirad ilaa 17 sano ku dhow.  Waxaa Safiirad Ebyan Salah soo magacaabey Allah u naxaristee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabbdullaahi Yusuf, weli ma dhicin waxeyna dalka safiir u tahay 17 sano.

Sida caadiga ah 10 sano marku safiirka gaaro waxey dalalka caalamka ku soo xareeyaan dalkiisa si uu wax u baro da’da soo koreysa ee raba in ay noqdaan diblomaasiin mustaqbalka.

Hoos ka arag warqadaha lagu magacaabay Ebyan iyo warqaddii Rooble ku nasakhay magacaabista Cabdisaciid ee kadib 1-da Janaayo 2022.

W/Q: Sarah Haji

Nuxurka khudbaddii XASAN SHEEKH ee xalay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka gumeystihii Talyaaniga iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa dul istaagay mudnaanta uu siinayo xaqiijinta Soomaali heshiis ah. 

Madaxweynaha ayaa xusay in dhibaatooyinka curyaamiyey dowladnimadda Soomaaliyeed, tan iyo xornimadii kaddib, ay ugu horreyso qalbi jabka iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaartay dowladdooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhayo dhibaatooyinkii dhacay, dowladduna ay mudnaan siineyso heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo xal u helidda tabashooyinka jira.

“Dhibaatadii dhacday dalkan, muddadii xoriyadda la qaatay kaddib waa dheerayd, waa faro badneyd, laakiin kuwii ugu xanuun ka badnaa waxaa ka mid ah dhibkii waqooyi ka dhacay, waana waxa ilaa maanta dhowr iyo soddon sano kaddib wali aanu la tacaaleyno oo aan u la’ nahay xal waara. Kalsoonidii barigaa jabtay, dhaawicii gaaray kalsoonida dhex taallay shacabka Soomaaliyeed in aan ka soo kabanno waxay sii maraysaa dhowr iyo soddon sano. Khibradda ugu fiican ee aan taas ka baran karnana waa in qalbiga dadka Soomaaliyeed la ilaaliyo, dhawacna aan loo geysan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in xornimada dalkeenna loo soo maray halgan dheer, kaas oo sababay in 26-Juun ee sanadkii 1960-kii ay noqoto magaalada Hargaysa goobtii ugu horreysay oo laga taago calan Soomaaliyeed oo xor ah, ayna tahay maalintaasi maalinta xoriyadda, halka 1-da Luulyo ay ku astaysan tahay Maalinta midnimada.

“26-ka Juun waxa ay taariikhda dalkeenna ku gashay in ay tahay maalinta ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciid Soomaaliyeed. Maalinta dhabta ah ee la dhihi karo maalinta xoriyaddana waa maalintaas. 1-da July-na waa maalintii midnimada oo ay Labada qeybood ee Soomaaliyeed ee la qeybiyey ay sameeyeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in dalka ay ka jirto xaallad adag oo ka dhalatay saameynta abaaraha, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha.

Vladimir Putin oo si weyn uga carooday go’aankii Erdoğan- Muxuu sameyn doonaa?

Moscow (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa isbaddalay mowqifkii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu ku diiddanaa in dalalka Sweden iyo Finland ay ugu biiraan isbahaysiga NATO, balse go’aankaas waxa uu u muuqdaa mid ka careysiiyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Labadan waddan ee ka tirsan Yurub ayaa cabsi dhanka amnigooda ah dareemay kaddib markii uu Ruushka weeraray Ukraine.

Sweden iyo Finland labaduba waxa ay baddaleen siyaasaddoodii ku aaddanayd in aysan dhinac la safanin, iyagoo hadda go’aansaday inay qayb ka noqdaan isbahaysiga militeri ee NATO.

Waxa ay noqon doonaa dalalka 31-aad iyo 32-aad ee xubnaha ka noqonaya gaashaanbuurta reer galbeedka.

Muxuu Erdogan u baddalay mowqifkiisa?

Waxaa lagu soo warramay in Turkiga uu uga hor istaagay Sweden iyo Finland ku biiritaanka NATO si uu Mareykanka uga helo dano uu ka leeyahay.

Washington ayaa uga careysan Turkiga arrimo dhowr ah, gaar ahaan ku lug lahaanshaha xaaladda Suuriya, u dhawaanshaha Ruushka, sida uu ula dhaqmo Kurdiyinta iyo arrimo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Maalintii Talaadada, maamulka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in Turkiga uu diiday in uu aqbalo sidii wax looga baddali lahaa dhammaan arrimahaas.

Bulent Aliriza, oo ah agaasimaha Xarunta cilmi baarista caalamiga ah ee Think Tank, oo fadhigoodu yahay Washington, ayaa wargayska Los Angeles Times ku yiri: “Erdogan waxa uu doonayaa in uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Biden”.

Taas ayaa sabab u ah in uu oggolaaday rabitaanka Sweden iyo Finland, sida uu qabo khabiirkan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

Mar uu Trump sanadkii 2019-kii erdogan kusoo dhaweeyay Aqalka Cad ayuu sheegay in uu taageero u yahay madaxweynaha Turkiga.

Balse Biden ayaa tan iyo markii uu madaxweynaha noqday dhowr jeer khadka telefoonka kula hadlay Erdogan.

Dhanka kale, madaxweyne Erdogan ayaa saaxiib la ahaan jiray Putin, balse taas waxay u muuqataa in uu saameyn ku yeelan karo isbaddalka cusub.

Dalalka bartamaha iyo bariga Yurub, sida Romania, Bulgaria, Slovakia, Slovenia, Latvia, Estonia iyo Lithuania ayaa horay cadow uga dhigtay Ruushka kaddib markii ay ku biireen NATO sanadkii 2004-tii.

Turkiga ayaa NATO ku biiray sanadkii 1952-kii, isagoo dareemayay in uu xubin muhiim ah ka noqon doono waddamada reer galbeedka. Laakiin ilaa hadda Ankara waxay kasoo horjeeddaa siyaasadaha NATO.

Muxuu samayn doonaa Putin?

Putin ayaa aaminsan in haddii ay Ukraine ku biirto NATO uu Mareykanku xoojinayo awooddiisa militeri ee gobolka, taasna ay khalkhal galinayso amniga Ruushka.

Wali go’aan rasmi ah lagama gaarin goorta ay Ukraine ka mid noqonayso NATO, laakiin waxaa si rasmi ah hannaanka xubinnimadooda u guda galaya Sweden iyo Finland.

Intii uu socday wadahadalka ku aaddan mowduucan oo markii hore uu Turkiga kasoo horjeestay, Putin wax war ah kama uusan soo saarin.

Laakiin maalin kaddib markii uu mowqifka dowladda Erdogan isbaddalay, Putin ayaa soo saaray digniin aaw u culus.

Vladimir Putin, ayaa isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ku eedeeyay in uu ku jiro hammi boqortooyonimo, xilli gaashaanbuurta reer Galbeedka ay ballan qaadeen in ay taageero buuxda siin doonaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay waddanka Turkmenistan ayuu sheegay in Ruushka uu jawaab ka bixin doono tallaabo kasta oo ay waddamada Sweden iyo Finland ku hormarinayaan awooddooda militeri.

Hadalka Putin ayaa loo fasiran karaa in uu Ruushku tallaabo militeri ka qaadi doono dalalkaas marka ay awooddooda kordhiyaan.

Waxaase xusid mudan in ficilkaas uu horseedi karo isku dhac toos ah oo dhex mara Moscow iyo Washington, maadaama NATO uu u yaallo xeer dhigaya haddii waddan xubin ka ah isbahaysiga la weeraro ay dhammaan waddamada kale ka barbar dagaallamayaan.

Gole cusub oo Puntland looga dhawaaqay oo soo saaray 9 qodob oo xasaasi ah

Garowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo Madaxda ururrada siyaasadeed ee ka jira deegaanada Puntland ayaa ku dhawaaqay kudlad loogu magac daray ‘Golaha Wadatashiga Waxgaradka Puntland’ waxayna soo saareen war-saxaafadeed oo ay uga hadlayaan xaaladda Puntland.

Golahaan oo soo saaray qoraal ka kooban 9-qodob ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo arrimaha bulshada ee Puntland ay sii cakirmeyso, waxayna xukuumadda Deni ku eedeeyeen guul darrooyin siyaasadeed oo waaweyn.

Waxay bayaankaan ku sheegeen in Puntland ay wajaheyso hubanti la’aan ka taagan doorashooyinka guud oo soo dhow, waxayna tusaale u soo qaateen hanaankii loo maamulay doorashooyinkii goleyaasha 3-da degmo iyo tii baarlamaanka federaalka.

“Goluhu wuxuu u arkaa xukuumadda hadda jirta in aysan suura geli karin hanaan doorasho oo lagu kalsoonaa karo iyo natiijo qanci karo,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankaan.

Sidoo kale golahaan ayaa xukuumada Madaxweyne Deni ku eedeeyey inay dayacday doorkeedii difaacidda iyo hormarinta gobollada Sool iyo Sanaag, iyagoo cambaareeyey caburin ay sheegeen in Somaliland ay ku heyso bulshada gobolladaas.

Golahaan ayaa walaac ka muujiyey xaalad dhaqaalo xumo iyo sicir barar ah oo ka jirta Puntland oo sababi kara in deegaanadaas laga hayaamo, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna iclaamiyeen shir deg deg ah.

Waxay soo dhaweeyeen magacaabidda iyo kalsoonida baarlamaanka ee uu helay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay deg deg u xaliso tabashada reer Somaliland.

Hoos ka akhriso bayaanka  

Sawirro: Xasan Sheekh oo ubax dhigay Daljirka daahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Haweeney madow ah oo taariikh cusub ka sameysay dalka Mareykanka (Aqriso)

Washington (Caasimada Online) – Kitangi Brown-Jackson ayaa loo dhaariyay inay noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, taas oo taariikhda ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka, iyada oo ku biirtay wakhti garsooreyaasha midigtu ay aqlabiyadda maxkamadda ku muquuniyaan xukunnada muhiimka ah.

Jackson, oo 51 jir ah, ayaa ku biirtay kooxda bidixda ah ee maxkamadda oo aqlbiyad ahaan leh 6-3. Dhaarinteeda ayaa imaaneysa iyada oo madaxweyne Joe Biden uu ku beddelay garsooraha hawlgabka ah ee Stephen Breyer, waxayna ka mid noqoshadeedu imaaneysaa lix maalmood kadib markii ay maxkamaddu laashay sharcigii Roe v. Wade ee dumarka Mareykanka u oggolaanayay ilmo iska soo rididdka.

Breyer, ayaa ahaa xubinta ugu da’da weyn maxkamadda, waana 83 jir, wuxuuna si rasmi ah uga fariistay shaqada Khamiista maanta ah.

“Si qalbi buuxa ah, waxaan ku aqbalay mas’uuliyadda adag ee ah taageeridda iyo difaaca dastuurka Mareykanka iyo ku dhaqanka caddaaladda iyadoon cabsi iyo eex lahayn,” ayay hadal ay soo saartay ku tiri Jackson.

Ra’yi ururin ay samaysay Reuters/Ipsos toddobaadkan ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka Maraykanka ah – 57% – aysayn ku kalsooneyn maxkamadda kadib go’aankii ilmo iska soo rididka.

Jackson waa garsoorihii 116-aad, haweeney lixaad iyo qofkii saddexaad oo Madow ah oo ka shaqeeya Maxkamadda Sare tan iyo markii la aasaasay 1789.

“Ketanji waxay u fasiri doonaa sharciga si xikmad iyo caddaalad ah” ayuu yiri Stephen Breyer.

Aqriso: BF oo guddi u saaray baaritaanka miisaaniyadda dowladdii hore + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u saaray Guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka.

Guddiga cusub ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas sida Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka, inkasta oo uu ku adkaystay Wasiirka Maaliyadda inuu soo gudbiyay xisaab-xirka afartii sano ee dowladdii hore.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood, oo shan kamid ah yihiin Xildhibaano iyo Labo Senator, kuwaasi oo kala ah;

1. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
2. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
3. Xildhiban Cabdiraxmaan Cadde Cabdow
4. Xildhibaan Enjineer Saadaq
5. Xildhibaan Cabdiqafaar Xaange
6. Senator Saciid Cawke
7. Sentor Cabdixakiin Maalin

Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen Miisaaniyadda sanadka 2022-ka, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay dood adag ka yeesheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiir Bayle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

C/Weli GAAS oo shaaciyey arrin ay tahay inay sameeyaan Xasan Sheekh iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marna soo noqday madaxweynihii Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore May ee sanadkan 2022.

Gaas oo u warramay BBC ayaa marka hore shaaca ka qaaday in adduunka ay wax caadi ah ka tahay in madaxweyne uu ra’iisul wasaare u xusho qof ka tirsan xisbigiisa, wuxuuna tilmaamay inay arrin wanaagsan tahay, maadaama madaxweyne Xasan uu ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Bare oo qayb ka ah xisbiga UPD, kaas oo la siiyey kalsoonida.

“Laba qof oo isku xisbi ka yimid inay madaxweyne iyo ra’iisul wasaare isku noqdaan waa wax caadi ah oo aduunka ka jira, waana wax wanaagsan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xusay in kaliya looga baahan yahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay shaqeeyaan, una adeegaan dalka iyo dadka.

“Annaga intaa kaliya naguma filna waxaa la rabaa isku xisbi ha noqdaan, saaxib ha ahaadaan, laakiin in haddane shaqo la qabto ayaa muhiim ah,” ayuu sii raaciyey.

Horey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga hadlay arrintaan, gaar ahaan sida loo maareyn doono hadii ay is khilaafaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qiray inay is khilaafi karaan isaga iyo Madaxweynaha, balse kalsooni badan uu ku qabo in khilaafkaas uusan gaari doonin heer dowladnimada Soomaaliya ay wax uga halaabaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Bini’aadan ayaan nahay waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan rajeynayaa in meel xun aysan gaarin oo ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa u curtay isbedel cusub, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Farmaajo, waxaana dowladda cusub laga war dhowrayaa sida ay u wajahdo xaaladaha taagan, kadib marka la dhameystiro xukuumadda.

Fanaan BK: Madaxweynuhu wuxuu igu yiri Xiddigihii Geeska ku noqo + Video

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaankii hore ee Xiddigaha Geeska ee magaalada Hargeysa, Maxamed Saciid BK ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay waayihiisa cusub iyo isbeddelka noloshiisa, kadib markii uu isaga baxay gebi ahaan Fanka.

Maxamed BK oo u warramay MM Somali TV ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin xiiso leh oo soo maray intii uu ku jiray Fanka iyo hadda sida ay tahay xaaladdiisa nololeed.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday kulan dhex-maray isaga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada kulmeen, kadib markii uu shaaciyey inuu ka baxay Fanka.

BK ayaa shaaca ka qaaday in markii ay wada kulmeen Madaxweynaha inuu ka dalbaday in uu dib ugu soo noqdo Xiddigaha Geeska ee ka dhisan magaalada Hargeysa.

“Markii u dambeysay waxaan ku kulanay Hargeysa waxa ay aheyd markii aan ka imid London waxaa ii yeeray Cali Waran Cadde, dabadeedna madaxweynuhu wuxuu igu yiri waxaad ku noqotaa Xiddigihii Geeska, halkaas ayuu ugu buush gareynayey, teedna anniga waxaan ku iri maya, kuma noqonayo,” ayuu yiri Fannaankii hore ee Maxamed Saciid BK.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaguna uu ka dalbaday inuu taageero isbeddelka cusub ee ku yimid nololshiisa, gaar ahaan kooxda uu dhisay ee la dagaalanka qabyaaladda.

“Team-kaan kale ee la dagaalanka qabyaaladda ayaan wataa dee kaa aniga igu taageer baan ku iri, maalintaas ayaa igu dambeysay,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey intii uu Fanka ku jiray wiixii ugu dhibka badnaa ee uu la kulmay ayuu sheegay in mar isagoo qayilaya shaax loogu daray Sunta Waraabaha, si loo dilo, balse wuxuu tilmaamay in la dhigay isbtaalka ugu dambeyna uu Ilaahey bad-baadiyey.

“Sunta Waraabaha ayaan cabay, laakiin Ilaaheybaa iga bad-baadiyey markaasaa igu darneyd. Shaaxbaan aad u jeclaa ayaa la’iigu daray” ayuu markale yiri Maxamed BK.

Halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-

Daawo: Xamza oo shaaciyey arrin uu dhibsaday oo uu ugu yimid madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu tageerayay oo caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dhowr arrimood nasiib darro ku ah umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo lama huraan ay tahay in deg deg looga soo kabsado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in uusan aqbali karin in gabar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo aan muslim aheyn ay ammaankiisa sugto oo ka ilaaliso dad kale oo Soomaaliyeed.

“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo heysta dhul qani ah ay gaajo iyo harraad u dhintaan, iyagoo u muuqda biyaha webiyada mara qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhibka ka taagan in la isaga kala safro dalka gudihiisa, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in safar kasta oo maagaalo ka tirsan Soomaaliya loo aadayo ay waajib tahay in diyaarad la raaco.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo khudbadaan ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo hotel Jazeera ay ugu sameeyeen ardaydii wax ku soo baratay dalka Malaysia oo isagu uu ka mid ahaa ayaa balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta xaaladaan cakiran.

Hoos ka daawo

Boqorka Malaysia: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Malaysia oo dhacda koonfur bari ee Aasiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xoogan, iyada oo labada dal ay lee yihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu muhiimsan tahay waxbarashada.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuala Lumpur, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo xalay magaalada Muqdisho uga qayb-galay munaasabad lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiriirka labada wadan, wuxuuna sheegay shacabka iyo dowladda Malaysia ay aad u jecel yihiin Soomaaliya.

“Dowladda Malaysia aad ayey ula socotaa arrimaha Soomaaliya, weliba waxa ay u hayaan kalgaceel gaar ah wanaag, xushmad iyo qadarin gooni ah,” ayuu yiri danjire Mardaadi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jeceyl yihiin in mar uun ay yimaadaan Soomaaliya “Waxaa marwalba niyadooda ay ku hayaan goormaan Somalia tageynaa?” ayuu raaciyey.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia ayaa sidoo kale ka sheekeeyey sheeko dhex-martay isaga iyo boqorka dalkaasi mar uu kala qayb-galay xaflad Afur ah.

“Habeen xaflad afur ah annaga oo wada joogno boqorka wuxuu ii sheegay aniga waayeel ayaan ahay cumri ayaan joogaa wuxuu yiri waxaan rabaa inta aan anniga xilka ka tegin, mise aan dhimanin inaan Soomaaliya mar tego, intaas ayey ka taagan yihiin madaxda Malaysia,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay danjiruhu in dowladda Malaysia ay aad Soomaaliya uga caawisay dhanka horumarinta waxbarashada, wuxuuna shaaca ka qaaday in arday lagu qiyaasay 8000 illaa 9000 inay kasoo qalinjabiyeen jaamacadaha ku yaalla wadankaasi.

Maxaa ka jira in 50 milyan oo dollar oo heysto askarta ku muqan dalka Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlayey Telefishinka Somali Cable ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen marti kala duwan oo lagu casuumay barnaamijkaas oo ah mid falan-qeyn ah.

Cabdikariin Cali ayaa wax laga weydiiyey dhalinyarada ku maqan Eritrea oo ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in loo heysto in $50 milyan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey arrintaasi ayaa beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Soomaaliya, Uganda ciidan ayaa loogu tababaray, oo Masar waa loogu tababaray, oo Sudan waa loogu tababaray, Turki waa lagu tababaray, xittaa Yurub saraakiil qaar loo qaaday way jiraan, Ameerika ragbaa loo qaaday, weli miyaad aragtay askari Soomaaliyeed oo la leeyahay lacag ayaa loo heystaa?” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale wuuxu intaasi kusii daray “Waxaa waa iska huu-haa, waana hadal kuturakuteyn ah wax macna lehna ma’ahan,”.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi oo gaareyso 5000 askari dhawaan lagu celin doono dalka, isla-markaana ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

“Askartaas waa ciidan Soomaaliyeed way imaanayaan maanta maalin looga baahi badan yahay ma jirto, waxaaana rajeyneynaa inay ka qayb qaadan doonaan xoreynta dalka,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib maalmo markii ay Muqdisho isku soo bax ku qabteen waalidiinta dhalay wiilashada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu ku caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ilmahooda oo ka maqan dhowr sanno.

Maamulka Hoyga Xamar oo war culus ka soo saaray xiisada dhulka la isku heysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhulka iskuulkaas ee ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaar madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey magacyada labo ganacsade oo uu sheegay in dhulkaas ay ku heystaan, sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku guul dareystay inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan uu kala hadli rabay.

Waxaa xusid mudan in dhulkaas ay leedahay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa hadda degan dugsiga Hoyga Xamar, wuxuuna guddoomiyaha dugsigaasi sheegayaa in Madaxweynaha uu la wadaagi doono Decomentyada dhulkaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Hoyga Xamar ayaa sheegay in ganacsatada ku heysata dhulkaas ay hadda xusul duub ugu jiraan in warqado ay ka saxiixdaan masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Khilaafka ka taagan dhulkaan ayaa mudo soo jiitamayey, wuxuuna soo cusboonaaday maalmo ka hor, iyadoo la sheegay in ciidamo hubeysan ay yimaadeen dhulkaas, in kastoo garabka kale ay beeniyeen inay ciidan keensadeen.

Hoos ka daawo guddoomiyaha dugsiyada Hoyga Xamar