25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sacuudiga oo shaaciyey maalmaha Carafo iyo Ciidul Adxaa ee sanadka 2022

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaac ka qaaday in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo), taasi oo ka dhiggan in la ogyahay maalinta ay ku beetgan tahay munaasabadda Ciidul Adxaa ee sanadka 2022.

Sacuudiga waxay sheegeen in bisha Carafo xalay laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegan 8-da July oo Jimco ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka July 2022.

Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan in la arkay bisha Dul-Xijjah iyo in kale iyo maalinta ay u bilaabaneyso Ciidul-Adxa.

Dalalka Malaysiya, Indonesia iyo Burunai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ee Carafa, iyadoo dalalkaasi ay Ciidul Adxaa u bilaabnaeyso Axada 10-ka July 2022.

Dalalka islaamka ee Carabta ah ayaa inta badan Sacuudiga ku raaca dhalashada Bilaha Dulxajj iyo Ramadaan, halka dalal kale ay si gaara u maamushaan aragtida billahaasi.

Bisha Carafo ayaa waxay kaga duwan tahay bilaha Ramadaan iyo Shawaal inaan la isku khilaafin, waxaana bilshada Carafo badanaa lagu raacaa dowladda Sacuudiga oo ka mas’uul ah goobaha barakeysan ee Xajka. 

Muuse Biixi oo cod u qaaday xeer doodiisa ay taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladda dalka iyo noloshada guud ee bulshada.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu gudo galay dood iyo falan-qayn uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaasi oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.

Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, wuxuuna tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xidhiidha maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.

“Madaxweynaha ayaa dood iyo falan-qayn dheer kadib qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meel-mariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankii Golaha Wasiirada.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ahna guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha uga warbixiyey kulamo maalmahanba u socda guddida dhaqaalaha oo wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee Somaliland.

Waxa uu sheegay inay guddi ahaan tallaabooyin badan oo la xidhiidha yaraynta sicir-bararka iyo la dagaallanka abaaraha hore u qaadeen, islamarkaana ay kulamo badan la qaateen madaxda shirkadaha korontada dhaliya iyo shirkadaha kale ee saamaynta ku leh waxyaabaha daruuriyaadka u ah nolosha bulshada.

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa isaguna golaha u sharraxay siyaasadda qaran ee diiwaanka zekeda oo maanta golaha loo qaybiyey.

Albaani ayaa ku dheeraaday sida ay siyaasaddani fure ugu tahay in dadka baahani ay helaan kaalmo joogto ah oo ay ku daboolaan baahiyahooda, loona midayn lahaa sekeda dalka oo dhan.

 

HIRSHABELLE oo tallaabo qaaday maanta, kadib…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska HirShabelle oo kaashanayaa saraakiisha milatariga ee ka howlgala deegaanada maamulkaas ayaa si wadajir ah howlgal uga sambeeyey gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna ku qaadeen isbaarooyin dhowr ah.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, waxaana sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow Xasan, taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad ciidamada Xoogga Korneyl Saney iyo maamullada degnooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee howlgallada laga sameeyey.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmooyinka dhaca dhanka xeebta, gaar ahaan Warsheekh, Cadale iyo Raage Ceelle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudane Axmed Mayre Makaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaadeen jidgooyooyinkii yiilay halkaasi, wuxuuna faray guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ciidamada ammaanka inay sii adkeeyaan amniga.

“Waxaan rabnaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada milatariga inta ku qoran ay iska xil-saaraan sida hadda loo soo nadiifiyey sidaas inay isaga xil-saaraan howshaasna ay u adkeeyaan,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/ Dhexe.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay howlgalka, wuxuuna shaaciyey inay ku faraxsan yihiin in ka maamul ahaan wadada laga qaaday isbaarooyinkii lagu dhibaateyn jiray shacabka.

“Maanta, shalay iyo daraad waxaa ku jirnay howlgal lagu nadiifinaayo saddexda degmo ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee xeebta ku taallo, sidaad ogtigiin deegaanadaan waxaa ku badatay tuugada iyo niman jidka kusoo booda marka Ilaahey Mahadiisa waayey howlgal wadajir ah ayaan sameyntay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga ee Warsheekh.

Tallaabada ay qaaday HirShabelle ayaa jawaab u ah qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka ku dhaqan degmooyinka howlgallada laga sameeyey iyo dadka ku safra waddada marta xeebta, kuwaas oo ka cabanayey kooxo hubeysan oo isbaarooyin soo dhigtay wadadaasi.

Daawo: Maxay salka ku heysaa dooda dheeraatay ee miisaaniyadda dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay socotay dood ku saabsan akhrinta miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, waxaana muuqata inay daba dheeraatay doodaan.

Wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wadajir ah oo labada aqal ee baarlamaanka ay su’aalo ku weydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Wasiir Beyle oo wajahay su’aalo badan ayaa muujiyey is difaac, waxaana su’aalaha ku soo noq-nqoday ka mid ahaa mashaariicda laga hir-geliyo gobollada dalka iyo hanaanka loo qeybiyo oo saluug ay ka muujiyeen xildhibaano badan.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ahaa xoghayihii guddiga maaliyadda ee baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay in aysan suurta-gal ajeyn in la ansixiyo miisaaniyadaan, iyadoo aan la cadeyn sababta baarlamaanka loo hor keeni waayey xisaab xirka miisaaniyadda 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Senator Cabdixakiin oo wareysi arrintaan ku saabsan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey sawir aad ugu baahay baraha bulshada oo muujinaya xildhibaanada oo si isku mid ah dhafoorada u heysta, wuxuuna ku macneeyey in mowduuca laga hadlaayey ee miisaaniyadda uu yahay mid xasaasi ah.

Hoos ka daawo

Daawo: Yaasiin Farey oo BF ka hor sheegay in dhaqaale badan laga jartay NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa maanta baarlamaanka ka hor sheegay in hey’adaas aysan miisaaniyad ku filan ku laheyn dowladda.

Yaasiin Farey oo su’aal weydiinayey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeysay ay hoos u dhacday miisaaniyadda hey’adaas ay ka hesho wasaaradda maaliyadda.

“Hey’adda NISA sanadkii hore iyo sanadkaan miisaaniyadda ku baxda hoos ayey u dhacday, maxay tahay sababtu wasiir, ma waxaa jirta cadaawad gaar ah oo NISA loo qaaday, mise hey’adda ayaan muhiim aheyn?” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guud ahaan miisaaniyadda ku baxda hey’adaha ka shaqeeya ammaanka dalka ay aad uga yartahay markii loo eego hey’adaha kale.

“Lacag ka badan hal milyan oo dollar ayaa laga reebay miisaaniyadda ay ku shaqeyso hey’adda NISA, maxay ku timid arrintaas? faahfaahinteeda ayaan ka rabnaa wasiirka maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yaasiin Farey.

Ugu dambeyntii xildhibaanka ayaa soo jeediyey in miisaaniyada sanadkaan aan lagu ansixin sida loo qorsheeyey, maadaama aysan muhiimad gaar ah siineyn la dagaalanka cadowga iyo gurmadka abaaraha oo ah baahiyaha ugu badan ee dalkeenna ka jira.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan oo warbixin kasoo saaray xaaladdiisa caafimaad iyo arrimo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn,” ayaa yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, wuxuuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan oo ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

Xujeydii SOMALILAND oo xeelad cusub ku dhoofay kadib diidmadii maamulka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xujeydii sanadkaan ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka dhoofay garoomada magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xujeydaan ayaa ka safray gudaha Somaliland maadama ay xukuumadda ka biyo diiday tiradii loo qoondeeyay ee xajka sanadkaan, ayada oo go’aan ku gaartay haddii aan wax laga badalin aysan dadkeeda soo xajin doonin.

Horaanta bishaan ayey aheyd markii ay xukuumadda Somaliland si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

” Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban,” ayaa lagu yiri bayaan 1-dii bishaan kasoo baxay kulan ay yeesheen madaxweyne kuxigeenka Somaliland, culimada iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka.

Sidoo kale waxaa xiligaas bayaankaas lagu yiri “Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni doontaa in dadkayagu aanay xajin sanadka.”

Somaliland ayaa ku dooday in arrimaha Xajka ay siyaasadeysay dowladda federaalka, inkasta oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta uu ku dooday in si wanaagsan loo maamulay qeybinta qoondada ay Soomaaliya ka heshay dowladda Sacuudiga.

Si kastaba, Xujeydii Somaliland ee sanadkaan ayaa iskood u go’aansaday inay ka dhoofaan deegaano kale oo ay u galeen safaro dheer, taasi oo ay horseed u tahay cadaadiska xukuumadda iyo xifaaltanka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Beesha reer Waasato oo degta degmada Ceel Barde ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaan xiriirka u jartay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku eedeysay inay uga maqan tahay xuquuq ay ku leeyihiin maamulka.

Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe) oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay isku hayaan iyaga iyo maamulka Lafta Gareen.

Axmed Yoobbe ayaa ku eedeeyey in Koonfur Galbeed ay caqabado fara badan ay tirsanayaan shacabka ku dhaqan degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool.

“Waxaa keenay inay Koonfur Galbeed degmada Ceel Barde xiriirka u jartay waxaa weeye caqabado badan oo kaga yimid Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Nabadoonku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halkii wasiir ee ay ku lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed inuu u wareejiyey beel kale, sida uu ku dooday Nabadoonka.

“Waxaa ka mid ah kow maamulkii oo yimid Cabdicasiis Lafta Gareen wuxuu sameeyey halkii kursi ee wasiirka aan ku laheyn koonfur Galbeed wuxuu u wareejiyey beel ka mid ah beelaha daga Bakool” ayuu ku yiri wareysiga Nabadoon Axmed Loxos Maxamuud (Yoobbe).

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ku kacay in uu sameeyo inuu kala tashado degmada Ceel Barde dad aan u dhalanin, kolkey caqabadaas imaaday oo markii horeba aan waxba ku heysanin haddane uu kala diray maamulkii degmada waxaas oo dhibaato ah annaga oo qabna ayuu halkii kursi ee an ku laheyn dowladda dhexe ayuu beel kale siiyey,”.

Nabadoonka oo hadalkiis sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay u dagaalami doonaan xuquuqdooda, wuxuuna ka warbixiyey ciidamo ay ku soo bandhigeen Ceel Barde, kuwaas oo uu tilmaamay inay dhisatay beesha, si ay isugu difaacdo, haddii lasoo weeraro.

“Ciidaankaas waxaa u baahan deegaanka, kolka ay Koonfur Galbeed dhibka qul-qulata ay ku heyso degmada Ceel Barde iyo nawaaxigeeda la’arkay ayaa waxaa ka tashaday deegaanka Ummadda deggan, waana ciidan loogu magac daray (Caano ka dhan),”

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Koonfur Galbeed, illaa ay arrintooda kasoo fara-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle oo faahfaahiyey deyn ay DF Soomaaliya ka qaadatay hay’adda IMF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa maalintii labaad oo xiriir ah hortegay xildhibaanada labada Gole oo baarlamaanka oo ka doodaya miisaaniyadda 2022 iyo xisaab xirka 2017-kii illaa 2021-kii

Bayle oo su’aallo adag ay weydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacag ay dowladda federaalka kasoo deynsatay IMF, 2021-kii, taas oo shaki weyn laga muujiyey waxa ay tahay iyo qaabka loo maareeyey.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qiray in lacagtaas ay isugu jirto deyn iyo deeq sida uu hadalka u dhigay.

“Lacagta SDR si ay deyn u noqoto shuruud ayey leedahay, haddii aysan waqti lagu bixiyo laheyn waa Grant, waxa u dhexeeya labadaas ayaa jira. SDR waa lacag loogu-talagalay markii ay dalalku qilqiil galaan waa markii labaad oo IMF ay lacagtaasi bixineyso, markii aad hesho lacagtaas ayaa la bixiyaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Bishii August 2021 ayaa lacagtaas la qaybiyey dalku xaggee joogay markaas, xaggee xildhibaano joogeen? dalkan in la badbaadiyo ayaa lagu talagalay”

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay xisaab celinta lacagtaasi, uuna caddeymaheeda horkeenayo baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka hala geeyo waxaan diyaar u nahay xisaab celinteeda, annigu lacagtaas ma oran marna waa Grant ,” ayuu markale yiri wasiirku.

Inta badan xildhibaanada madasha ka hadlay ayaa ku cel-celinayey in wasiirku aysan caddeyn jawaabihiisa, ayna dalbanayaan inuu sugo, maadaama ay tahay xisaab.

Si kastaba, Bayle ayaa wajahaya tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirka dowladda, isaga oo diiday inuu xortago xeer ilaalinta qaranka oo Isniintii u yeertay.

Daawo: R/W Xamza oo balan-qaad cajiib ah u sameeyey Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay si rasmi ah xilkiisa ula wareegay ayaa aad ugu mahad celiyey Ra’iisul Wasaarihii xafiiska ku wareejiyey Maxamed Xuseen Rooble, isagoo u balan qaaday in taariikhdiisu aysan duugoobi doonin, inta uu joogo xukunka.

Wuxuu sheegay inuu ahaa nin dadaal iyo Alle beri dalkaan uga soo samata bixiyey xaalad quus ah oo niyad jab badan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed, “Wuxuu Rooble dalka ka soo gudbiyey marxalad xusuus ku reebtay cidii ka naxeysa dalkaan, waxaan xusuusanaa sidii ay dadkeenu u niyad jabeen iyo halistii ay gashay Soomaaliya,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xusuus badneyn, “Kii dadka laayey iyo kii samata bixiyey bilo kadib isku mid ayey noqdaan, aduunkana sidaasi kama jirtee qiimeyn gaar ah ayuu qof walba yeeshaa,” ayuu yiri.

Xamse ayaa Rooble ugu lab qaboojiyey in markaan uu rajeynayo in hadda kadib ay xusuusta dadka Soomaaliyeed dheeraa doonto, isala markaana ay xukuumadiisa ka qeyb qaada doonto in aan la ilaabin wanaagii iyo samata bixintii uu dalka u hor seeday.

“Waxaan balan qaadeynaa inta xukuumadaani jirto inaan dadka ku xusuusino marar badan, siyaabo kala duwan ayaan dadka kuu soo hor istaaji doonaa, waxaana kaa xusi doonaa munaasabado kala duwan, aadna waan kuugu mahad celinayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafladii xil wareejinta khudbad ka jeediyey.

Hoos ka daawo khudbadii oo dhameystiran

 

Khadiija Al-Makhsuumi oo shaacisay dhibaatooyin haysta safaaradaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Al-Makhsuumi oo hore u aheyd safiirka Soomaaliya ee Pakistan ayaa markii u horeysay shaacisay in safaaradaha dibedda ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin ay kow ka tahay dhaqaalo xumo baahsan.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in dhaqaalaha miisaaniyada ugu jira safaaradaha dibadda ee Soomaaliya aysan siday tahay u gaarin, ayada oo wasiirka ka dalbatay kulankii baarlamaanka in uu cadeeyo sababaha ay u fuli weyday.

“Safaaradaha culeyska haysta waa mid la dareemi karo oo intaas sanadooda ay ku jiraan. Waxaa raba in aad dareentan safaaradaha wadamada ajnabi jooga ee lacagtaas soo galin daruufahee ku noolan karaan,” ayey tiri.

“Haddii aan la siin karin lacagtaas waa in Wasiir u cadeysa baarlamaanka, safaaradaha iyo madaxweynaha arrimahaas dhibaatada taagan.”

Dhinaca kale, Xildhibaanad Khadiijo ayaa dalbatay in Wasiirka Maaliyada uu 6-dii bilood halmar hor-yimaado Baarlamaanka si loo kor joogteyo in sideeda u fusho miisaaniyada ay ansixiyaan.

“Wasaaradda Maaliyada waxay u baahan tahay in lix bilood kasta in lala hadlo sidii wax u qabsadeen iyo sida wax loo bixiyo la ogaado oo halkan keenaan lix bilood kasta.”

Ugu dambeyntiina waxay dalbatay in guddi loo saaro si ay ula socdaan culeysyada haysta wasaaradaha dowladda federaalka iyo in sidii loogu tala-galay u gaaran dhaqaalaha ugu jira miisaaniyada.

DF oo JAWAAB ka bixisay eedayn uga timid Somaliland

Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay eedeyntii uu timid maamulka Somaliland oo aheyd in dowladda Somaaliya ay isku darsatay tiradii xujayda Somaliland ay xaqa u lahayd iyo toodiiba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan aysan shacabka Somaliland qeyb ka ahayn dadka xajinaya sababo la xiriira arrintaas.

Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta ee soomaaliya Cumar Cali Rooble oo edayntaasi ka jawaabayay ayaa sheegay in arrinta xajka aan la siyaasadeyn isla markaana aan lagu qaybsan hab ku saabsan qabiil iyo maamaul goballeed Intaba.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in sanadkaan xajkaan si wanaagsan ay u maamushay, isla markaana loo xilsaaray guddi qeybinayay, iyada oo aan loo fiirin arrimo qabiil 5,206 Ruux oo Soomaaliya ay ka heshay Sacuudiga.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray wasiirka in uu la xiriiray Madaxweyne kuxigeenka Somaliland uuna u sheeay in aysan jirin qoondo la xiriirta xajka oo loo qeybiyay qabiil ama maamul Goboleed.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in qaar kamid ah Shirkadaha uu la xiriiray, isla markaana uu ka codsaday in ay ugyaraan degaannada Somaliland ka qaadaan ilaa 800 oo Ruux, balse Xukuumadda Somaaliland ay diiday.

Maamulka Puntland ayaa horay u diiday tirada u degaannadaas looa qadayo Xajka, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku tagri fashay qoondadii Xajka ee loogu talay.

Sanadkaan ayaa Soomaaliya waxaa la siiyey 5 kun oo Xaaji sababo la xiriira cudurka COVD19 oo loo yareeyey tirada guud ee sanad kasta xajin jirtay taasoo keentay in la isku qabsado qaabka loo qeybsanayo tirada yar ee dowladda Soomaaliya la siiyey.

Xamza oo si rasmi ah uga shaqo billaabay xafiiskiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay xafiiskiisa oo ku yaala gudaha Madaxtooyada, kadib markii uu shalay xilka kala la wareegay.

Xamza ayaa isla maanta kulamo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hogaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulamada la qaatay uga mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan shaqadooda.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaraha kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee xafiiska, isagoo warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Xamza oo xilka loo magacaabay 15-kii bishaan ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay uu bilaabay wada-tashiyo ku aadan sidii uu usoo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada, oo ay doonayaan inay kasoo muuqdan siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Waxaa lagu wada in maalmaha soo socda uu Xamza kulamo la qaadan doono saamileyda siyaasadeed ee dalka, ka hor inta uusan soo magacaabin Golahiisa Wasiirada.

Ciidamada Sudan oo weerar culus ku qaaday Ethiopia iyo deegaano ay qabsadeen

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Sudan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Ethiopia ee ku sugan xuduudda, xilli ay xiisad xooggan ka dhex-qaraxday labada dal. 

Weerarka ayaa yimid kadib markii la dilay toddoba askari oo reer Sudan ah oo ay qabteen ciidamada Ethiopia 22-kii June, islamarkaana meydadkooda lasoo dhigay waddooyinka ayada oo sawirradooda la wareejinayey baraha bulshada. 

Ethiopia ayaa Isniintii beenisay eedeymaha Sudan ee ah inay qabteen islamarkaana dileen toddoba askari oo Sudanese ah iyo dad shacab ah, waxayna dilka ku eedeysay maleeshiyo deegaanka ku sugan. 

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa horey u ballan-qaaday inay ka aargudan doonaan weerarka Al-Fashaga. 

Ciidamada Sudan ayaa gantaallo culus ku garaacay xuduudda, balse lama soo werin wax khasaare ah, sida uu sheegay Assefa Ashege, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Amhara ee Ethiopia.

Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan deegaanada Jabal Kala al-Laban, Barkhat, Tesfai Adawi iyo al-Fashaga, sida uu sheegay sarkaal Sudanese ah. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen dhowr askari oo Ethiopian ah. 

Laba ilo-wareed oo ku sugan deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada Sudan ay la wareegeen maamulka deegaanka Jabal Kala al-Laban, islamarkaana ay burburiyeen saldhig militari oo halkaas ku yaalla. Ma cadda haddii saldhigga ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ama maleeshiyo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka QM oo ku saabsan dilkan.  

Muranka ka taagan deegaanka al-Fashqa, oo ka tirsan xuduudadaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan balse ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah, ayaa xoogeystay sanadihii tegay, xilli labada dal ay u dhaxeyso xiisad kale oo ka taagan biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile. 

Hanti-dhowrka iyo ergeyga gaarka ah oo kulan muhiim ah la yeeshay B/Adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha, Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Isu-duweyaasha Mashaariicda muhiimka ah ee Bangiga Adduunku uu maal-galiyo.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arrimaha gurmadka abaaraha iyo xoojintooda, ayada oo warbixinno qotodheer looga dhageystay Isu-duweyaasha qaar kamid ah mashaariicda muhiimka ah ee qaybta ka noqon doona dadaalada looga jawaabayo abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Kulanka maanta ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu daah-furay lacag dhan 25 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay Taakulaynta Abaaraha.

Mashruucaan ayaa waxaa maal-gelinaaya Bangiga Adduunka, kaasi oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka ku nool dhulka miyiga ah ee Soomaaliya, waxaana maamuli doona dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalada adag oo abaareed, ayada oo uu Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha uu dadaal badan ku bixinayo sidii taakulo iyo gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa.

Ciidamada DF oo howlgal culus xalay ka sameeyey MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ku qaybta booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmada Hodan oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka ammaan darri, gaar ahaan dhaca.

Taliyeyaasha horkacayey baaritaanadaasi ayaa wariyeyaasha u sheegay in gacanta lagu soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan falal amni darro ah, kuwaas oo lagu hayo baaris dheeri ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in ay soo qabteen waxyaabo maanka-dooriya, sida Xashiish iyo Calaq, oo ay tilmaameen ina qayb ka yihiin amni darrada.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, inta laga xaqiijinayo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa xaaalado amni darro, sida dhac, dilal qorsheysan iyo dhibaato ay geysanayaan kooxo ciyaal weero ah.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Aadan Madoobe iyo LAFTA GAREEN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha abaaraha, gaar ahaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Madaxweynaha iyo guddoomiyaha ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka lagu soo qaaday arrimaha Koonfur Galbeed, maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan maamulkaas oo dhawaan geli doono doorasho guud.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ka mid ah xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Lafta Gareen.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay noqdeen laba garab oo iska soo horjeeda.

Si kastaba, xiisadda ayaa xoogeysatay markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay aad isugu dhawaayeen Lafta Gareen oo si weyn xildhibaano daacad u ah isaga soo saaray doorashadii soo dhamaatay ee Somalia.

Ra’iisul Wasaarihii Allah waafajiyay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal sokeeye 

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilka Ra’iisul Wasaarahii hore mudane Maxamed Xuseen Rooble kadib munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa la magacaabay habeenkii 17ka September 2020 kadib markii la saxiixay hishiiskii 17-ka September, kaas oo laga ilaalinayay inuu erey ku yeesho oo kaliya ka ahaado fuliye, laakiin Hishiiskaas hargalintiisa waxa sida la la ogyahay uu ku dhamaaday gacmaha Ra’iisul Wasaaew Rooble.

Hishiiskaas 17 September waxa uu ahaa mid madax iyo manjo la isaga xiray oo loogu talagalay in aan waligiis hirgalin, sababta oo ah waxaa ka horeeyay Dhuusamareeb kow iyo labo oo wareerin siyaasadeed ahaa maadaama NN ay kaliya u caddeyd waddo la yiraahdo muddo kororsi.

Waxa dalku galay mugdi iyo xaalad jahawareer ah oo dadka Soomaaliyeed ay aamnineen in dalku uu la galayo faraha colaad sokeeye, waxa ciid lagu jaray waddooyin badan, waxaa magaalada soo galay maleeshiyaad la baxay badbaado qaran. Rooble oo uu diirnaxaya dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ayaa ilaah uu waafajiyay  inuu yiraahdo Maya isaga oo kaashanaya Madaxda Dowlad Goboleedyo qaarkood.

Dhib halkaa kuma harin ee waxaa bilwoday lug jiid toos ah, qolyihii NN waxa ay yareysteen awooddii Ra’iisul Wasaare. Rooble waxa ku dhacay cadaadis dhan walba ah. Markuu xaqiiqsaday in aan luqaafo laga deyneyn ayuu goostay in uu yac iska yiraahdo duulaanka dul saarnaa.

Rooble waxa uu muujiyay calool adeyg xad dhaaf ah, waxa uu goostay in dalka uu doorasho ka hirgaliyo taas oo aheyd wadiiqada kaliya ee lagu kala badbaadi karay iisaguna aanu tartamin sidii dhici jirtay. Waxa soo maray maalmo adag. Mid ka mid ahaa maalmahaas waxaa ka md ahaa 27 Dec 2021 oo Bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqadii ka joojiyay Ra’iisul Wasaarihii Rooble. Waxa xigay in isla subixii lagu yiraahdo Xafiiskaaga ma tagi kartid. Subaxaas Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu u sheegay taliyayaasha ciidamada inuu xafiiskiisa tagayo,dastuuriyan aan xilka laga qaadi karin oo waliba u lugeynayo, waana uu ka dhabeeyay oo lug buu maalintaa xafiiskiisa ku galay.

Maalinta labaad ee mixnadda aheyd waxa ay aheyd waa maalintii dhaarinta Guddoonka Gollaha Shacabka, Taliyihii Booliska General Xijaar waxa uu sheegay in aanu damaanad qaadi karin amniga doorashada Guddoonka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka yimid maalintaas Geneva ayaa ku sugnaa hoolka VIP Garoonka Aden Cadde si looga dhabeeyo in doorashada Guddoonku ay qabsoonto, waxa u yimid oo ku soo biiray Madaxweynaha hadda Xasan Shiikh, Madaxweynaha Puntland Deni, Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo Cabdkariin Guuleed oo dhamaantood Musharraxiin ahaa.

Dad badan oo ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka, Musharraxiinta qaarkood, Rooble sida uu doorashada uga dhabeeyay mucjiso ayay aheyd iyo lama filaan.

Rooble wuxuu mudan yahay in wixii uu dalka u qabtay raxmaanka kadib in isaga looga mahad celiyo.

Waxaa farxad ii ah in aan ka mid ahaa dadkii sida dhow ula shaqeeyay.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Daawo: Xasan Sheekh oo tijaabo cusub laga qaaday maanta iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay xaaladdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga waayey xanuunka COVID-19, kadib markii uu maanta maray baaritaan lagu sameeyey, sida uu shaaciyey afhayeenka madaxtooyada Cabdikriin Cali Kaar.

Afhayeenka oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa xaqiijiyay in baaritaankii galabta lagu sameeyay madaxweynaha uu muujiyey inuu ka caafimaaday xanuunkaas, isla markaana uu dhawaan la hadli doono bulshada.

“Madaxweynaha waxaa la baaray mar kale, waana laga waayey xanuunkii, waxaan umadda Soomaaliyeed ee xogta madaxweynaha raadineysay la wadaagayaa in maanta baaritaankii madaxweynaha la marsiiyey uu muujiyey in ka caafimaadan Covid-19,” ayuu yiri Cabdikriin Cali Kaar.

Sidoo kale Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sida ugu dhaqsiyaha badan dadk ula hadli doono, una soo shaqo geli doono, iyadoo weli la raacayo tilmaamaha caafimaadka.

Hadalkaan ayaa rajo gelinaya dadka Soomaaliyeed oo ka walwalsanaa xanuunka laga sheegay madaxweynaha cusub ee dalka oo laga sugayo dhismaha dowlad adag oo baahi badan ay u qabaan dadka Soomaaliyeed oo ka soo baxay xaalad hubanti la’aan ah.

Hoos ka daawo

Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga jawaabay weeraro uga socda baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Ra’siiul wasaraaha cusub Xamse Cabdi Barre ayaa si dadban uga jawaabay weerarro baraha bulshada uga socday maalmihii lasoo dhaafay.

Rooble oo jeediyey khudbad dheer ayaa sheegay in soo hadal qaaday rag uu tilmaamay inay sheegteen culumo iyo aqoonyahano oo been abuur iyo dacaayado ku faafiya masuuliyiita, wuxuuna hadalkiisu dadka soo xasuusiyey weerarradii ay baraha bulshada u mariyeen xubno ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis.

“Dalkeena waxaa ku soo badanaya dhaqamo xun oo ay sameynayaan dad sheeganaya darajooyin ay ixtiraamaan dadka Soomaaliyeed, sida Sheekh iyo Aqoonyahan, waxay sameynayaan been abuur iyo dacaayado, wuxuuna carrabkooda iyo qalinkoodu noqday wax la ijaarto, waxaana kireysta qofkii ama kooxdii dan gaar ah leh,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan dadka caadeystay dhaqamadaas oo hoos waxa ugu sheegaan,”Qof kasta oo siyaasadda looga guuleysto, waxaa haboon inuu sugto waqti kale, balse uusan maciin bidin waxyaabhihii aan aragnay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhawaad 2 sano Ra’iisul Wasaare uu ka ahaa dalka uu maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, “Waxaan si niyad ah idinkaga codsanayaa inaad la shaqeysaan Xamse,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Rooble wuxuu u mahad celiyey Farmaajo, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fursad ii siiyay in aan dalka u adeego, Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagga ii muujiyay, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo cid kasta oo igu garab gashay howshii adkeyd ee aan soo galnay.”

Hoos ka daawo khudbadii Rooble