25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Maxay ku heshiiyeen Cabdiraxman Cabdishakuur, Kulane iyo Saadaq Joon?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hadal heynta ugu weyn ee maanta waxay aheyd kulan xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex-maray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Seddexda Nin hadda waxay ka wada tirsan yihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda, laakiin waxaa u dhaxeysay tabasho weyn oo la xiriirtay dhacdooyinkii dhacay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xalay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor wuxuu dalbaday inuu arko Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortay Galmudug, intooda hadda ku sugan Dhuusamareeb, markii uu xoogaa socday kulankii caadiga ahaa Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu codsaday inuu gooni u arko Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana la sheegay inay markaas xafiiskiisa gaarka ah horay usii fadhiyeen Saadaq Joon iyo Kulane Jiis.

Kulanka dhinaca Qoor Qoor, Kulane iyo Joon wuxuu ka ahaa mid qorsheysan, balse Cabdiraxmaan waxaa looga dhigay kedis, haddaba markaas kadib maxaa dhacay?

Xogta aan kula wadaageyno waxaan ka qaadnay mid kamid ah Afarta siyaasi ee kulmay xalay. Qoor Qoor ayaa hadalka qaatay wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda cafiska, inay muhiim tahay in loo midoobo danaha Galmudug, inuu seddexdoodaba isagu madax u yahay iyo inuu rabo inuu Cabdiraxmaan cafiyo labada Nin ee kale.

Labada Nin ee Kulane iyo Saadaq Joon isku kiis maaheyn. Cabdiraxmaan iyo Kulane waxay isku hayeen siyaasad, balse markii ay Nabad sugiddu weerartay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane kama tirsaneyn hey’adda Nabadsugidda, kumana jiro dadka ku eedeysan weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ee lagu laayey ilaaladiisii.

Kala aragti duwanaanta u dhaxeysa kooxda Farmaajo iyo Cabdiraxmaan, ayaana sal u ah khilaafka Cabdiraxmaan iyo Kulane, labadaas Nin kiiskooda waa fududaa, wuxuuna Qoor Qoor ka codsaday inay madmadowga meesha ka saaraan oo ay si calool fiyowbi leh u macaamilaan.

Kiiska Saadaq Joon isagu wuxuu la xiriiray weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur bartamihii bishii December 2017-kii.

Saadaq Joon wuxuu ku jiraa Lix qof oo uu dacwad ka gudbiyey xisbiga Wadajir. Xalay ma aheyn markii koowaad oo ay is arkeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Saadaq Joon oo marar badan ayey is arkeen oo ay wada shaqeeyeen, intii lagu jiray dagaalkii loo bixiyey (Badbaado Qaran), balse xalay toos ayaa loo dul istaagay kiiskaan.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay xigto hoose yihiin Saadaq Joon ayaa cudurdaar beeleed iyo mid hogaamineedba ka bixiyey eedda uu CC Shakuur Warsame u heysto Saadaq Joon, wuxuuna codsaday inuu Cabdiraxmaan cafiyo oo hadda kadib la wada shaqeeyo.

Saadaq Joon wuxuu goobta raali gelin ku siiyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kulane isna wuxuu ka cudur daartay haddii ay jiraan wax tabasho ah oo dhankiisa kasoo gaaray.

Kadiba waxaa hadalka qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu aqbalay cafiska iyo garowshiyaha ay labadaasi Nin ka bixiyeen dhacdooyinkii lasoo dhaafay, waxaana la isla qaatay inay si dhow u wada shaqeeyaan dhammaan xubnaha laga soo doortay Galmudug.

ROOBLE oo magacaabay guddi cusub oo ka kooban 34 xubnood ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban 34-qof oo isugu jira wasiirro, qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo xubno ka socda bulshada rayidka, waxaana guddigaan hoggaami doona ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in guddigaan uu ka shaqeyn doono dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee saameynta ba’an ay ku yeelatay abaarta ka jirta gobollada dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Guddigan uu hormuudka u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kala ah:

1 – Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
2 – Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3 – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4 – Mudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
5 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
6 – Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
7 – Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
8 – Mudane Cabdicasiis Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
9 – Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
10 – Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
11 – Mudane Cabdirisaaq Daahir Maxamuud: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
12 – Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
13 – Sheekh Bashiir Axmed Salaad
14 – Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
15 – Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
16 – Marwo Caasho Geelle Diiriye
17 – Marwo Aamino Xaaji Cilmi
18 – Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
19 – Marwo Batuulo Axmed Gaballe
20 – Mudane Cabdi Axmed Baafo
21 – Mudane Cabdi Aadan Hoosow
22 – Mudane Dr.Maxamed Xaaji
23 – Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
24 – Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
25 – Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
26 – Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
27 – Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
28 – Liibaan Cabdi Cali
29 – Aamina Axmed Samatar
30 – Cali Maxamed Maxamuud
31 – Yaasmiin Cabdi Maxame
32 – Cabdi Ciise Diirshe
33 – Kamaal Daahir Guutaale
34- Shucayb Cabdullaahi Xasan

Goorta ay dhaceyso doorashada kursiga uu rabo Fahad oo la shaaciyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa goordhaw shaaciyey jadwalka doorashada lix kursi, kuwaas oo kursiga HOP#86 uu ku jiro.

Kursigaas waxaa la sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu doonayo inuu soo qaato, sidoo kale Fahad ayaa damacsan inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Maalinta Axadda ah ee soo socota ee 20-ka bishaan ayaa la shaaciyey in doorashada kuraasta uu ku jiro kan Fahad Yaasiin uu damaacinayo lagu doora doono magaalada Beledweyne.

Maalin ka hor ayaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Muudey loo diiday inuu aado magaalada Baraawe, isagoo doonaya inuu u tartamo kursigii uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay.

Si Cabdiweli Muudey uusan Fahad Yaasiin ugu cariirin tartanka guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa la sheegay in loo dhafiyey kursigiisa, in kastoo aan weli la dooran, hadana Muqdisho ayaa lagu xayiray.

Labada kursi waa kala duwan yihiin, hase yeeshee Fahad iyo Muudey ayaa isku beel ah, taasi waxay Villa Somalia ku abuurtay cabsi ah in Muudey uu sii difaaca karo booskiisii hore, hadii lasoo siiyo kursigiisa.

Shanta kursi ee kala ee HirShabeelle ay ku soo saartay Jadwalkaan ayaa kala ah:

1 – Hop#274

2 – Hop#109

3 – Hop#15

4 – Hop#74

5 – Hop008

Saacadihii u dambeeyey waxaa jiray xogo tilmaamaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qorsheynayo in doorashada kursigaas dib loo dhigo, hase yeeshee lama oga sida uu ugu suurta geli waayey damacaas.

6-aad kursi ayaa bilow u ah doorashada 25-ka kursi ee taalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kooxda Madaxweyne Farmaajo ayaa magaaladaas geysatay ciidan la aaminsan yahay in lagu maamuli doono doorashada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku sugan dhamaan madaxda ugu sareysa maamulka HirShabeelle.

Shaki isku day afgambi oo ka dhacay JABUUTI iyo Geelle oo tallaabo qaaday

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ay saacadihii la soo dhaafay xabsi guri ka dhigtay Taliyayaasha ciidamada booliska iyo Millateriga dalkaas.

Taliyayaashan ayaa waxaa looga shakiyay qorshe ka dhan ah madaxweyne Geelle, islamarkaana ay doonayaan in awood ciidan xukunka uga wareejiyaan madaxweynaha muddo dheer ee dalkaas.

Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim oo ah Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti iyo Korneyl Cabdilaahi Faarax oo ah Taliyaha Booliska dalkaas ayaa la dul dhigay ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo ka bixi karin gurigooda, sida ay sheegayaan warar madax banaan oo lahelayo

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu eedeyo in uu yahay kali-talis ayaa ka wal-walsan in awood ciidan lagu dhaafiyo xukunka Jabuuti, oo uu maamulayay in ka badan 22 sano.

Waxa uu inta badan qabtaa doorashooyin uu iskaga jeedinayo indhaha caalamka, ayada oo dalkaasna uusan ka jirin mucaarid xoogan oo ka hor imaan kara, waxaana la rumeysan yahay in afgambiga la sheegayo uu taageero badan heli lahaa, maadama uu dalkaas Nin kali ah ka talinayay sanado badan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo wakiilada beesha caalamka ee C6+?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ku saaabsan doorashada la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka, xilli ay muddo kooban ka harsan tahay mudadii loo qabtay dhameystirka doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wakiilada beesha caalamka ee C6+ u sheegay inay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan marnaba cidna lagu xad-gudbin, oo doorashadu noqoto mid daah-furan.

Waxa uu markale ku celiyay in aan la aqbali doonin in ciidamada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada, ama inay dad gaar ah u adeegsadaan in lagu boobo kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay ciidamada qeybahooda kala duwan inay ku eekaadan kaalintooda sugida amniga, iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay beesha caalamka cadaadis xoogan ku saarayo xukuumadda in la dadajiyo doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo hore loogu cayimay in lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan.

Cali Yare Cali ma Farmaajo ayaa dhabarka xijiyay mise Qoor Qoor ayaa u bareeray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa shalay laga hor-istaagay inuu u safro magaalada Guriceel si uu kadib usii beegsado magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabanayo doorashada kursiga HOPP#147, oo uu Cali kamid yahay Dadka u sharaxan.

Sidaa warbixinadeenii hore idinkugu sheegnay, Qoor Qoor wuxuu rabaa inuu kursigaas kusoo baxo Mahad Salaad, oo isaga ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay.

Cali Yare iyo ciidan la socday ayaa loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waa 24 saac kadib markii ay dhar-baaxadaan oo kale ku dhacday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Sida ugu fudud ee hadda la isku joojiyo waxay noqotay in diyaaradda loo sheego in la duqeyn doono haddii ay isku daydo inay timado maamul goboleed aan raali ka aheyn.

Sidoo kale digniin ganacsi ayaa ku filan diyaaradaha oo ah inaysan mar kale usoo safri doonin deegaankaas, waa adag tahay in la helo diyaarad hal maalin u burburineysa Ganacsigeeda ama duuliye diyaar u ah inuu ka dago garoon aysan maamulkiisa ogoleyn.

Si walbaba, Cali waa loo diiday inuu u safro Galmudug. Qoraal uu boggiisa ku faafiyey wuxuu Cali Yare ku sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isagoo sheegay inuu la hadlay saraakiisha NISA.

Haddaba Cali Yare oo hadda u muuqda inuu weynayo kursigii uu mudada naawilayey ayaa waxaa soo baxaya inuusan garab sax ah ka heysan Farmaajo marka ay timaado kiiska xildhibaanimada.

Ilo-wareedyo muhiim ah waxay inoo xaqiijiyeen inuu u tagay Farmaajo si uu Qoor Qoor ula hadlo, markii ay sadddexda nin wada hadleyna wuxuu Qoor Qoor ku adkeystay inuusan Cali Yare waxba u heyn, waxaana lagu kala tagay si aan fiicneyn, Calina wuxuu ku adkeystay inuu u safro Galmudug.

Illaha aan la hadalnay waxay xaqiijiyeen in maamulka Galmudug uu go’aan buuran ku lahaa in safarka Cali la joojiyo.

Haddaba Qoor Qoor miyaa isaga bareeray Cali Yare mise dhanka Farmaajo ayaa isbeddal ka jiraa?

Dadka sida dhow ula socdo howsha kursigaan waxay leeyihiin Farmaajo maadaama uu Qoor Qoor uu kuraas badan usoo saaray oo xubno badan oo NISA ah uu kuraas soo siiyey waxaa lagu tixgeliyey aragtidiisa kursigaan, wuxuuna Farmaajo ku badashay kiiska kursigaan kuraas badan oo deegaanka ka taalay.

Mid kale oo dadka qaarkiis isla dhex marayaan ayaa jirta taas oo ah in Farmaajo lagu qanciyey xilli hore inuu badalo musharixiisa kursiga HOP#147 iyadoo lagu qanciyey inay adag tahay in Cali Yare uu kursiga kasoo dhex qaato qabiilkiisa, markaas kadibna waxaa la sheegay in liiska kooxda Farmaajo ee Galmudug inuu ku xooganaa ninka la yiraahdo Cabdicasiis Ashakir oo kamid ah la taliyaasha Farmaajo.

Dad aad xog-ogaal ugu ah arrintaan waxay ku warameyn in kulankii ugu dambeeyey ee Farmaajo iyo Qoor Qoor ee kuraasta Galmudug ku saabsanaa inuu Farmaajo miiska soo saaray Cabdicasiis Ashkir kadibna uu Qoor Qoor diiday.

Ashkir hadda wuxuu joogaa Dhuusamareeb, wuxuu olole xooggan ugu jiraa kursiga HOP#147, waana ninka Labaad ee ugu cadcad kursigaan marka laga tago Mahad Salaad.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo aad daacad ugama ahan inuu arko Cali Yare Cali oo xildhibaan ah, haddana ma rabo inuu isaga qaato eedda uu Cali Yare ku weynayo kursiga, wuxuuna rabaa ayaa la leeyahay inuu Cali ku baxo gacanta Qoor Qoor.

Wixii ka dambeeyey dagaalkii Guriceel ee Galmudug iyo Ahlu Sunna, Qoor Qoor wuxuu toos u go’aansaday inuu kursigaan ku dhiso Mahad Salaad ayey leeyihiin xubnaha ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug, Cali Yare waxaa xilligaas lagu eedeeyey inuu taageero buuxda siinayey kooxda Ahlu-Sunna.

Marka lasoo hooriyo xaalka kursigan Qoor Qoor iyo qabiilka waxay xoog badan gelinayaan Mahad Salaad, Farmaajana ma rabo inay Cali Yare kala dhintaan haddana ma rabo inuu si daacad ah ugu cadaadiyo Qoor Qoor inuu Cali Yare Kursi siiyo.

Nabad iyo Nolol howshooda kale ee Galmudug sidii ay rabeen ayey ku socotaa, kursigan waxay tijaabinayaan haddii uu qaadan karo Cabdicasiis Ashkir, laakiin ma rabaan inay ku dhiig baxaan oo ay waqti badan geliyaan.

Xaalka Cali Yare kama bilaaban Qoor Qoor kumana dhammaan ee wax Nin saaxiibadii u jiifaan hurdo been ah ayey leeyihiin dadka inta badan xogta ka hayo Kursigaan.

Wasiir ka tirsan maamulka GALMUDUG oo is-casilay

0

Dhuusamaareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdinaasir Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isla markaasna uu dib faahfaahin uga bixin doono sababta uu isku casilay.

Cabdinaasir  Geelle ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada oo uu soo dhigay bartiisa Facebook

Bismilaah,

Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka   Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.

Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.

Macallimuu: Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga bad-baaday qaraxa (Wareysi)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.

“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.

Waxa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.

“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.

Waxa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.

“Markaan gaariga saartay laptop-kii aan watay ayaa waxaan arkay xariga kabta oo iga furan. Anigoo xiranaya ayaa waxaan arkay qof isa soo maqiiqay oo meel aan fogeyn soo cararaya. Waxaan xusuustaa in albaabka gaariga qeybtiisa dambe aan ku riixay oo aan jug ku siiyay. Laakiin xoog iyo xeelad qofkaa looga baxsan karay ma jirin ee awoodda Alle ayaa i badbaadisay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.

“Markii uu qaraxa dhacay dhulkaan ku dhacay. Qiiq madow iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay. Markii hore waxaan is lahaa ugu yaraan qeyb kamid ah jirkaaga ayaa maqan, laakiin markii aan dhulka ku dhacay ayaan gacanta isku hubiyay. Alxamdullilah, waxaan arkay inuu jirkeyga taam yahay,” ayuu ku jawaabay Macallimuu.

Weriyahan hore uga tirsanaa BBC-da ayaa sheegay in inkastoo uu qaraxyo iyo weerarro badan kula kulmay Muqdisho, haddana uu rabo in uu ku laabto caasimadda Soomaaliya.

“Dhul kale ma qabo oo aan Soomaaliya ahayn. Anigoo intaan ka dhalinyar ayaan soo maray caasimadaha 15 dal oo Yurub ah, qaarkoodna aan ka soo shaqeeyay, weligeyna kuma fekerin in aan is dhiibo,” ayuu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan maanta Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqeeyay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Dhammaadkii bishii February 2019, Macallimuu ayaa ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Maka Al-Mukarama iyo goobo u dhaw, waxaana ka soo gaaray dhaawac fudud , gaar ahaan gacanta.

“Waxaan ku cararay duleel uu derbiga huteelka ku sameeyay gaarigii qarxay,” ayuu sheegay Macallimuu.

Sanadkii 2016, Macallimuu ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen huteel ku yaalla xeebta Liido.

“Balli dhiig ah ayaan ku jiray muddo ka badan laba saacadood. Waxa uu dhaawac xun iga soo gaaray wejiga. Bilooyin badan ayaa la igu daweynayay cisbitaallo ku yaalla Nairobi iyo London,” ayuu Macallimuu u sheegay BBC.

Sanadkii 2013, Macallimuu ayaa la kulmay weerar ay A-Shabaab ku beegsatay xaruntii UNDP ee Muqdisho, iyadoo ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii uu watay.

Macallimuu ayaa sheegay in marar badan ay qoyskiisa kala taliyeen tegidda goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, gaar ahaan maqaayadaha.

Waxa uu tilmaamay in weerarkii huteel Elite uu saameyn ba’an ku yeeshay, isla markaana uu aad uga naxay in saaxiibkii ay wada fadhiyeen uu daqiiqado gudahood ku waayo.

Maxkamadda Ciidamada oo DIL toogasho ku xukuntay Xasan Maxamud Dhiblaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ahaa askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, balse horey dil ugu geystay qof shacab ahaa.

Maxkamadda ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan oo la xiriira dil uu askarigan u geystay Marxuum Maxamed Cawil oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo dilkiisu bishii August sanadkii 2019-kii ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Tarabuunka.

Dhiblaawe oo falkaas dilka ah, kadib baxsaday ayaa waxaa mar dambe, gaar ahaan September isla 2019-kii  ganacata ku soo dhigay ciidamada ammaanka, kadib waxaa lagu wareejiyey hay’adaha baarista iyo xeer ilaalinta maxkamadda, si ay ula wareegaan.

Kadib xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horteeda la yimid qiraalka eedeysanaha, sedax marag, baarihii Kiiska, xaanshida dhimashada marxuumka oo ay u dheertahay waaran uu xafiiska xeer ilaalinta u jaray eedeysanaya, markii uu baxsaday, kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saartay, waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe dil toogasha oo ah qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay G/lle Maxamed Cabdi Muumin.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

QOOR QOOR oo kulan isugu keenay CC Shakuur, Saadaq Joon iyo Kulane + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay saq-dhexe kulan foolka fool ah isugu keenay siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis) oo saddexdooduba loo doortay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is cafin, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartay kulankaasi.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa kula dardaarmay saddexdaan xubnood inay ka shaqeeyaan horumarka dalka, gaar ahaan inay si dhab ah baarlamaanka ugu metelaan Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa waxaa cadaawad dhinac weliba leh kala dhexeysay labadaan nin oo ka mid ah kooxda sida weyn ula shaqeyso madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Saaqdaq Joon ayaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isaguna lagu dhaawacay, kadibna la xiray, isaga oo mar dambena la saaray maxkamad.

Dhankiisa Cabdullaahi Kulane ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee uu siyaagan u hayey takanaha, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ee aadka ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, saddexdaan xubnood oo lagu wada doortay Dhuusamareeb, kuna cusub Golaha Shacabka ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad dalka, kaasi oo soo dooran doono madaxweyne cusub.

 

 

CC Shakuur oo ka fakaday shirqool wax u dhimi karay musharaxnimadiisa M/Weyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kalena ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa culeys xoogan kala kulmayey Villa Somalia, oo ay sanadihii dambe si weyn isku hayeen.

Villa Somalia ayaa si weyn iskugu dayday inay dhaafiso kursiga uu ku guuleystay Cabdiraxmaan, ayada oo shaqsiyaad magac leh u diyaarisay inay isku soo taagan tartanka, kuwaas oo markii dambe ku haray rabitaanka beesha iska leh kursigaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Dad badan ayaa is weydiinayay in Cabdiraxmaan kursi ka soo heli doono Dhuusamareeb, hadii Cabdiraxmaan uu soo waayi lahaa kursiga beeshiisa ee golaha shacabka waxay caqabad weyn ku noqon laheyd damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda, taasi oo ay rabeen kooxda Farmaajo.

Way adkaan laheyd inuu gado dood ah inuu hoggaamin karo Soomaali, haddii uu jufadiisa hoose kasoo weyn lahaa kursi xildhibaan, taasi oo ka sokow xilka madaxweyne dhaawici laheyd sumacaddiisa guud.

Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu kursiga kusoo qaatay si sharaf leh oo weliba la dhihi karo wuxuu yahay musharaxa xildhibaan ee kaliya ee isaga oo aan ka tegin mabda’iisa kursi kasoo qaatay madal ay ku xoogan yihin cadowgisa.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Si kastaba, Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo 25-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Xog: Rooble oo billaabay qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah kursiga uu rabo Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada qorshe dib loogu dhigayo doorashada kursiga uu doonayo inuu u tartamo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee #HOP086, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, wuxuuna ku amray in dib loo dhigo doorashada kursiga #HOP086 oo la filayo inay Beledweyne ka dhacdo toddobaadka socda.

Rooble ayaa guddoomiyaha u sheegay in tartanka kursigaan la qaban doono marka uu dalka dib ugu soo laabto xildhibaankii ku fadhiyey ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo mar kale rabo inuu u tartamo kursigan kaasoo hadda dalka uga maqan arrimo caafimaad.

Inta badan xubnaha guddiga doorashada ayaa ka horyimid qorshaha uu wado Rooble ee lasoo marsiiyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal, waxayna ku adkeysteen in doorashada kursigaan lagu qaban doono waqtigii loogu talagalay.

Rooble oo ay horey isku qabteen Fahad Yaasiin ayaa xoogiisa isugu geynaya sidii kursigan loo dhaafin lahaa Fahad Yaasiin oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, ama ugu yaraan loo gelin lahaa tartan furan.

Waxaa muuqata in qorshaha Rooble ay si weyn uga hor yimaadeen xubnaha guddiga, mana la garanayo tallaabada xigta ee uu qaadi doono maadaama tan ay ka fashilmatay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ciidan badan geysay magaalada Beledweyne ayaa qorsheneysa inay soo saarato xildhibaano uu ka mid yahay Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu u tartami doono guddooniye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawirro: Safaaradda Somalia ee dalka Kenya oo yeelatay dhisme weyn oo cusub

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa isbeddel weyn laga dareemaya safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, marka loo eego marxaladihii kala duwana ee ay safaaradu ku soo shaqeysay 16-kii sanno ee u dambeeyay.

Isbeddeladan oo ah kuwa ishu ay qabaneyso ayaa waxaa ka mid ah: dhismaha safaaradda oo la balaariyay, masjid weyn oo laga dhisay gudaha safaaradda, dadka howlaha shaqo u yimaada safaaradda oo loo diyaariyay qeybo gaar ah iyo nidaamkii shaqo ee safaaradda oo ay hufnaani ka muuqato.

Safaaradda oo aan maanta booqasho ku tegay ayaa waxaa kula kulmay dad howlo shaqo u yimid, waxaanna dadkaasi ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan howlaha safaaradda.

“Madaxdu waa 2 nuuc, mid marka uu xilka hayo xitaa isaga oo wax qabanaya ayuu mudnaanta siinaya dantiisa shaqsiga ah, midna wuxuu aamisan-yahay ummadda xilka kuu dhiibatay taariikh kaga tag: Safiir Tarzan waa dadka ay ka go’an tahay marka xil loo dhiibo inuu ummadda si daacadnimo ah ugu shaqeeyo, kana soo dhalaalo kaalintiisa,” waxaa sidaas yiri Ganacsade Muxudiin Cali oo kamid ahaa dadkii aan kula kulmay gudaha safaaradda

“Dib u fiiri taariikhdiisa weli dadku way xasuustaan wixii uu ku qabtay Gobolka Banaadir, nalalka jidadku ku dhegan maamulkiisa ayaa qabtay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo sheegay in uu kamid yahay dadka ku faraxsan isbeddelka dhanka horumarka ah ee ay safaaradu ku tillaabsatay.

“Waxaan ka shaqeeyaa “Agency” howsheenu waxay tahay soo saarista viisooyinka, waxaan tegay safaarado badan oo Afrikaan iyo Asian ah, waa ka maseeri jiray safaaradahaasi marka aan howl u tago, maanta marka aan arko sida safaaradeenu u shaqeyneyso waa ku faraxsanahay in safaaradeenu u ekeeto ama la tartami karo safaaradaha caalamka” ayuu yiri Cabdinaasir Xassan, isaga oo intaasi raaciyay in dhulka safaarada weliba ay ku fadhido uu yahay dhul dalkaagii oo kale ah.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa xiligaan waxay tahay safaarada ugu weyn dhisme ahaan marka loo eego dalalka Afrika safaaradahooga ku yaala dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, safaarada ayaa xiligaan ka duwan safaaradii hore ee ay ku shaqayn jireen safiiradii soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay ee Danjire cali amerika iyo Danjire Jamaal.

Safaaradii hore oo ahayd mid kiro ah oo ay deganeyd safaarada ayaa ahayd dhisme aad u yar oo aysan ku habooneyn safaarad, balse safaaradan ayaa ah mid aad u wayn balac ahaan iyo dhisme ahaan, waxayna ka kooban tahay qeybo kala duwan, sida qeyb dadka ay fadhiistaan, qeyb bakin ah, qeyb adeega safaarada ay ku shaqayso, qeyb gaar ah oo ah qeybta qadashada Baasaboorka iyo xareenta iyo qeyb kale oo ah qeybta dadka balanta leh ay fadhiistaan, bulshada Soomaaliyeed ayaa xiligaan helay safaarad dhameestiran.

Sidoo kale Safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan ayaa waxa uu howlo muhiim ah xiligaas ka waday safaarada, intii aan ku guda jiray Howlahayga shaqo oo aan ugu kuur galayo safaarada, waxaa indhahayga qabanayeen Danjire Tarsan oo la hadlayo shacabka ku sugnaa qaybta Sugista Pasaporka, asaga oo waydiinaya xaaladooda iyo in shaqada si fiican loogu wado.

Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu dadka ku war-galinayay inay xirtaan Maaska, maadaama xanuunka Covid-19 uu ka jiro dalalka caalamka gaar ahaan dalka Kenya, waxa uuna kula dardaarmaayay in ay kala fogaadaan si ay u yaraato qatarka Xanuunka Covid-19.

W/Q: Wariye Abdihakim Elmi Hassan
Email: [email protected]

Sawirro: Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS oo isku soo sharraxay HOP#187

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey musharraxnimidiisa kursiga HOP#187 ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa isla maanta qaatay shahaadada musharaxnimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Dr Cali Saciid Fiqi oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187,” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay guddiga.

Kursiga uu haatan isku soo sharraxay Fiqi oo si gaar ah loogu xiray ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Shariif Sheekuna Maye oo ka tirsanaa Baarlamaankaii 10-aad ee dalka.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa horey isaga oo ahaa safiirka Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, haddase wuxuu u xuubsiinayaa Golaha Shacabka, isaga oo taageero weyn ka helaya Madaxweyne Cabdiciis Lafta Gareen.

Sidoo kale ninkan waxa ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayada oo wararka ay intaas ku darayaan inuu doonayo inuu u tartamo guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

Xubnaha kale ee maanta qaatay shahaadada musharaxnimada waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo u tartamaya HOP#194.

Koonfur Galbeed oo maamullada ugu horreysa doorashada ayaa soo saartay xildhibaano u badan dhalinyaro, kuwaas oo bedalay rugcadaayaashii muddada kusoo jiray Baarlamaanka.

Maxaa xal u ah boobka ku socda doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dunida kale waxay eegayaan waxa ka socda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxuu xaalkoodu marayaa “Allow dhan u bixi” balse siyaasiyiinta ayaa jilaya ruwaayad natiijadeeda lasii ogyahay sida ay ku dhamaaneyso, waana boobka doorashada.

Wey adag tahay in Faallo lagu soo koobo heerka uu gaaray boobka lagu hayo doorashada Soomaaliya ee masiirka malaayiinta qaran iyo qurba joogta leh, balse aan soo yara koobno dhacdooyinka boobka muujinaya iyo laba geesoodka uu ka socdo daadka la raacsiiyay aftidii shacabka.

Kahor dhammaadka muddo xileedkii madaxda wali joogta, 2020-kii waxaa lagu hungoobay qabashada doorasho dadweyne – qof iyo cod ah oo dalka laga qabto, taas badalkeed waxaa 17-kii September la ogyahay inuu soo baxay heshiiskii caanka baxay ee doorashada dad-badan, kaas oo isku bedelay doorashada boobka ah ee maanta socta.

Waagaas dad badan oo caqli u saaxiib ah waa sii ogaayeen in ay adagtahay isfahan doorasho xalaal ah oo ka yimaada laba geesoodka isku heysta siyaasadda oo kala ah muxaafid iyo mucaarad, taas waxaa sii xoojisay maamul goboleedyada dalka oo labada geesood kala jiray – laba toos loogu tiirinaayay in ay mucaarad ku yihiin madaxda federalka iyo seddax in ay taabacsanyihiin loo xisaabiyay.

Waxay keentay in doorashada oo inta ugu badan ka dhaceysa maamul goboleedyada ay ku bilaabato boob, kuma ekeyn oo kaliya Aqalka Sare sida ay dadka qaar filayeen, balse waxaa xulasho iska soo horjeeda noqotay dhamaan doorashadii xildhibaanada BFS oo hadda kala bar ku dhaw, inta la soo saaray.

Shaki kuma jiro in sababta boobka iska soo horjeeda ay tahay in la boobo guud ahaan talada dalka. Waxaana isku heysta oo kala boobaya madax hadda joogta, kuwo horay dalkaan u soo maamulay iyo madaxda maamul goboleedyada oo mid walba damac gaar ah uu ku jiro.

Mar haddii boobka doorashada Soomaaliya uu noqday wax aan laga cabsan, laga xishoon, laga gamban, oo baarlamaanka la soo geliyay rag horay ugu caan baxay dhacdooyin aan la mahdin, iyo dabeecado ka fog dowladnimada, dhalinyaro aan caqliga ka qaan gaarin iyo rag loogu soo saaray ku jebinta rag kale, oo waxa Soomaalidu u taqaan rag iska celis laga dhigay taladii dalka, sow ma muuqato in loo baahan yahay ka fekerka waxa xal u noqon kara doorashadaan boobka ku socta ee u muuqata in ay sidaan ku dhamaaneyso.?

Mar haddii xaaladdu taagan tahay xagee la maraa, ma sahlana wadadu, waxaase jirta in qof walba uu si u arko xalka. In baarlamaanka 11-aad ay soo galeen dadka aan la wada soconno, haddana ay kursiga ugu sareeya doonayaan musharaxiin iska soo horjeedda oo waliba aad isku neceb, kuna koobneyd mucaaradnimo oo kaliya, waxaan la huri doonin in bulshadu ka fekerto badbaadinta Qaranka.

Qarankaan hora u jabay oo doorashadiisa la boobay, waxaa hada ku soo wajahan doorashadii madaxtinimada oo haddii aan laga fiirsan dhali karta xaalad xun oo dhulka la gasha dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa na sugeysa kala doorashada in ay xaaladdan iyo mid ka daran sii socto iyo in la daba qabto hambada yar ee ku hartay dowladnimada Soomaaliya.

Maanta inta badan waxaa noo muuqda musharaxiin is neceb oo xitaa ay adag tahay in midkii guuleysta ay aqbalaan inta kale, waxaa kale oo noo muuqda in baarlamaanka hadii aanu imaan qof isku wada kara, uu noqon doono goob lagu dagaalo, aag lagu kala xirto, la isuguna dhex hanjabo.

Gunaanadka waxaa talo iyo aragti looga baahan yahay muwaadin kasta, waxaase jirta in ragga is haya ee mucaarad iyo muxaafid leh uusan maanta midkood ka muuqan awoodda isku wadidda dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya, mar hadii lagu kala qeyb sami karo natiijada ugu dambeysa ee cod bixinta.

Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinta dambe ee maanta yeelan doono shir ku saabsan xaaladda xaaladda Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha taagan gaar ahaan amniga dalka, doorashooyinka yo abaaraha.

Kulanka oo furmaya lixda Maqribnimo (6:00pm) ee xilliga geeska Afrika ayaa  si gaar ah loogu gurfeyn xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay & arrimaha bani’aadanimada.

Sidoo kale waxaa kulankan khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeedin doono wakiilka xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo ka warbixin doono xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo wixii ka dhaqan-galay heshiiskii doorashada.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale kulankooda kusoo qaadi doono howlgalka AMISOM oo mustaqbalkiisu gabagabo yahay, si looga tashado qorshaha kala guurka ah ee Somalia.

Francisco Madeira oo ah madaxa howlgalka AMSIOM ayaa isna shirkan ka hadli doono wuxuuna jeedin doonaa khudbad ku saabsan waxqabadkooda iyo mustaqbalka AMISOM.

Howlgalka AMISOM oo saddex bilood loogu daray waqtiga ayaa dhammaanayo 31-ka Maarso ee sanadkan 2022-ka, balse waxaa loo beddali doonaan mid KMG ah.

Shirka Golaha Ammaanka QM ay ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli dalka uu jiro xaalad kala guur ah, ayna weli socota doorashada Golaha Shacabka.

Ciidamada DF oo howlgal ku qabtay rag hubeysan

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeleeha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qab qabtay rag hubeysan.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Gololeey, Siigoole, Masiirey,
Buula cajuusa, Lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan oo dhamaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Wanlaweyn, Ismaaciil Sheekh Abuukar oo horkacayey howlgallada ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay in lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac u geysaneysay dadka shacabka ah, kuwaas oo lagu raad joogay.

Ismaaciil Sheekh Abuukar ayaa sidoo lale sheegay inay sii socon doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga ee ay haatan wadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada deegaanka inay garab siiyaan ciidamada ammaanka, ayna kala shaqeeyaan nabadgelyada.

Wanlaweyn ayaa waxaa marar badan ka dhacay iska hor imaadyo hubeysan oo sababay khasaare kala duwan, kuwaas oo waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay rayidka.

Si kastaba, gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli ku jiro xaalad amni xumo ah, waxaana usii dheer weerarada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Jabuuti oo ogolaatay inay dib u soo celiso hanti ay u heysay Soomaaliya (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay dib ugu soo celiso dhismayaal uu ku jiro dhismihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, faraciisa dalka Jabuuti.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in safaaraddu ay ku guuleysatay in dowladda Jabuuti ay u ogolaato in hantidaas ay dib ugu soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo aad ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale.

“Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay oo dadaal dheer kadib ugu dambeyntii waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad oo sanad iyo dhawr bilood ku magacaaban safiirka Soomaaliya u jooga Jabuuti ayaa sheegay in markii uu xafiiska tegay uu dadaal dheer u galay sidii hantidaas ay dib ugu soo laaban laheyd gacanta dowladda Soomaaliya.

“Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Intii uu xukunka joogay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, mad-madow badan ayaa galay wadashaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, inkastoo uusan jirin khilaaf weyn oo sababi kara inay kala tagaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hoos ka daawo Salaad Cali Jeelle oo sharaxaya heshiiskaas

Sawirro: Taliyihii hore ee NISA iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaan ayaa u sharaxan kuraasta beeshooda ee taalla magaalada Beledweyne, halkaas oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato doorashada golaha shacabka.

Wasiir Cabdirisaaq iyo Cabdullahi Sanbaloolshe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa cadeeyey inay Beledweyne u tageen ka qeyb galka doorashada golaha shacabka.

Si weyn ayaa isha loogu wada hayaa hanaanka uu hoggaanka HirShabeelle u maamuli doono doorashada kuraasta golaha shacabka ee talla magaalada Beledweyne.

Arrinta xasaasi ka dhigeysa doorashada kuraasta magaalada Beledweyne taalla, waa in kooxda Farmaajo ay dadaal xoog leh ku bixineyso sidii saameyn togan ay ugu yeelan laheyd doorashada kuraastaas, waxaana ka mid ah kursi ay la doonayaan Fahad Yaasiin oo aan laga jecleyn Beledweyne.

Sidoo kale beesha ugu weyn qabaa’ilka dega Hiiraan ee Xawaadle ayaa aad isha ugu heysa sida hoggaanka HirShabeelle uu u maareeyo doorashada kuraastooda.

Beeshaan sanad ka badan waxay aad u diidaneed inay aqoonsato hoggaanka HirShabeelle, balse dhawaan waxaa xal hor dhac ah laga gaaray khilaafkii jiray, laakiin siyaasiyiinta beeshaas ayaa qaba in heshiiskaas uusan sii jiri doonin hadii boob lagu maamulo kuraasta Xawaadle.

Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay bah-dilka lagu sameeyey Muudey iyo Cali Yare Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay isku-deygii shalay iyo maanta lagu hor istaagay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo ka dhoofayay garoonka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo rabay inay u kala safraan Baraawe iyo Guriceel ayaa loo diiday inay ka duulaan garoonka Aadan Cade, si aysan u doonan kuraas kamid ah Golaha Shacabka, oo ay isku taagi lahaayeen.

Fiqi ayaa ayaan-darro weyn iyo xad-gudub ka dhan ah dowladnimada ku tilmaamay in garoonka Muqdisho uu isku bedeley isbaaro u taalla madaxda dawlad goboleedyada qaarkood, ayna ka celinayaan qofkii ay rabaan.

“Muudey, Cali Yare iyo kuwo kale oo u alalaasayey sanado ka hor kuwii celinayey madaxdii hore ee dalka in maanta ayagii ay ku timid ma ahan wax lagu farxo waayo labada mar waa xadgudub waxa la sameeyey, ilamana haboona in lagu farxo sharcidarro iyo xadgudub qof lagula kacay si kasta oo aad u kala aragti duwan tihiin!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in wadada kaliya ee furan ay tahay in aan loo kala harin sidii la isku dhaafsiin lahaa kooxda Farmaajo, oo caadeystay xad-gudubyada aan loo meel-dayin, kuwaasi oo qaar kamid ah ciqaabtooda marayaan kuwo kamid ah xulafada.

“Dhacdadani waxay waxbari doonta kuwa nacamlayn baradka ah mar haddii kuwii waaweynaa sidaas loo galayo in aan ayaga loo daahayn mar haddii ninkii golaha shacabka u afduubay Farmaajo iyo midka banaanbaxyada barakacayaasha iyo aflagaadaynta u qaabilsanaa lagu bahdilay garoonka Muqdisho, ma jiro qof ka badbaadaya xadgudubkaas si kasta oo loogu kala dhowaada Farmaajo!.”

Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.