28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof

0

Maxaas (Caasimada Onine) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga lehayaa qaraxyadii mataanaha ahaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Dhimashada ayaa haatan gaartay illaa 35 qof, halka dhaawacuna uu yahay 40 kale, sida uu Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska dowlad ee goboleedka Hirshabeelle.

Xasan Kaafi ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin rayid ah, isla-markaana ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugnaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen,

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan Kaafi Maxamed.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa illaa 10 qof oo isku qoys ah, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska, kaas oo la hadlay VOA-da.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku soo dhaawacmay qaraxyadaas, waxaana xalay isbitaalka Erdogan ku booqday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla maamulkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah, isaga oo mid mid u dul-tagay askarta iyo shacabka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Madaxweyneaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawacantana uu Eebbe u boogo dhayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, wuxuuna ku soo aaday xilli uu dagaal uga furan yahay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Si kastaba, mid kamid ah qaraxyadan waxaa  lala eegtay guriga uu degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa guriga, halka labaadna isna lagu weeraray guri uu dagan yahay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Xubno iska casilay guddigii A/Madoobe ee Laascaanood kadib markii laga horyimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Xildhibaan oo kamid ah guddigii uu Talaadadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay xaaladda ka taagan Laascaanood ayaa gebi ahaanba iska casilay xubinimadii guddigaasi.

Xildhibaanadan oo kala ah Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) iyo Cabdillaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad) ayaa waxay si wada-jir ah warqada ka bixida guddigaasi ugu socodsiiyeen Guddoomiye Aadan Madoobe.

“Anaga oo ah Xildhibaanada hoos ku saxiixan oo kamid ah guddiga gaarka ah oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS u magacaabay in ay kasoo warbixiyaan xaaladda magaalada Laascaanood, markii aanu tixgelinay dareenka Xildhibaanada beelaha Direed waxaan go’aansanay in aanu iska casilno ka mid ahaanshada guddiga,” ayey ku yiraahdeen qoraalkooda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka xun yihiin rabshadaha ka taagan Laascaanood, iyaga oo tacsi u direy dadkii ku geeriyooday magaaladaas, halka inta dhaawacantayna Alle uga baryeen inuu siiyo caafimaad deg-deg ah.

“Waxaa baaq nabadeed u direynaa maamulka Somaliland iyo shacabka Laascaanood in ay nabadda ka shaqeeyaan, wixii farqi ah ee jiraba wada-hadal lagu dhameeyo.”

Is-casilaadan ayaa imaneysa saacado un kadib markii qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland ay ka horyimaadeen guddigaasi.

Guddiga loo magacaabay Laascaanood ayaa waxa loogu tala-galay in uu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaaladaasi ee gobolka Sool, halkaasi oo ciidanka Somaliland ay ku dileen 20 qof oo shacab ah.

Xildhibaanada ka horyimid guddigaas ayaa sababta ay ku diidan yihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aanay ahayn qaab sax, iyo sidoo kale in xubnaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood, sida ay hadalka u dhigeen.

PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay rag dilal ka geystay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal loo heysto dilka Allaha u naxariistee marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar oo maalmo ka hor lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha Gaalkacyo waxa ay ugu dambeyn ku soo qabteen eedeysanayaasha, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Faysal Sheekh Cali oo ka hadlay dhacdadaan ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumiinta, wuxuuna kadib faray laamaha amniga soo qabashada raggaas oo maanta ugu dambeyn gacanta lagu dhigay.

Faysal Sheekh ayaa u mahadceliyay ciidamada howlgalka sameeyay, wuxuuna tilmaamay in sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka waqooyiga magaaladaasi.

”Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baaritaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu dambayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Wuxuu maamulka intaasi ku daray in ragga gacanta lagu soo dhigay la hor keeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ragga ku jira gacanteena waxa la horgeyn doonaa Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaaladda” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu baaq culus u diray bushada deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada reer Gaalkacyo.

“Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wadajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Midnimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka.

Gaalkacyo oo u kala qaybsan koonfur iyo waqooyi, isla-markaana ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo salka ku haya aano qabiil iyo isku hor imaadyo dhex-mara maleeshiyaad ku sugan gudaha magaaladaasi.

Xasan oo shir isugu yeeray golaha wasiirada + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeelan doono xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya, isaga oo shir guddoomin doono kulanka todobaadlaha ee Golahaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadli doono xaaladda guud ee waddanka, gaar ahaan ammaanka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu wargeliyay kulankan, si ay usoo xaadiraan, warbixino ugu gudbiyaan Madaxweynaha oo todobaadkan kala qay-galaya shirkooda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir guddoominaya Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha u jeedin doono warbixin ku aadan arrimaha soo kordhay, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Gabagabada ayaa la filayaa in ay warsaxaafadeed soo saaraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada, ay u faahfaahiyaan waxyaabaha kasoo baxay kulanka muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadaal xoogleh wada ayaa dhowaan jeediyay khudbad gaar ah oo uu kaga hadlay waxqabadkiisa, dagaalka Al-Shabaab iyo shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmo kahor lagu soo dhameeyay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab oo weli ka socda gobollada dalka, waxaana usii dheer weerarada qaraxyada ah oo ay u dambeeyeen labadii qarax ee shalay ka dhacay gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxyadan ayaa sababay dhimashada illaa 35 qof iyo dhaawac kasii badan 40 qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dhageyso: Wiil 11-qof oo qoyskiisa ah lagu dilay qaraxyadii maanta oo ka warramay

0

Maxaas (Caasimada Online) – 10-qof oo hal qoys ah ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana arrintaas laga wareystay Jaamac Maxamed Cali oo Hooyadiis iyo Aabihiis ay ku jiraan dadka lagu laayey gurigooda.

Jaamac wuxuu sheegay in markii ay qaraxyadu dhaceen uu ku suganaa guri kale oo u dhow guriga ay ku geeriyoodeen 10-ka qof ee waalidka iyo walaalaha u ahaa, wuxuuna dhacdadaan uga waramay Idaacadda VOA.

“Walaalow musiibo ayaa cideydii ku dhacday saakay intii salaadda subax lagu jiray, 10 qof oo ehelkeyga ah oo hooyo iyo aabe ay ku jiraan ayaa halgoob ku geeriyootay, sidoo kale gabar iyo wiil walaalahey ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyadii Maxaas ka dhacay,” ayuu yiri Jaamac oo sheegay in isagu xiligaas uu ku sugnaa guri kale oo ku xigay kan dadkaan lagu dhex laayey.

Sababta loo bartilmaameedsaday qoyskiisa ayaa la weydiiyey Jaamac, wuxuuna sheegay in waxa ka dhacay magaalada ay musiibo ahaayeen, isla markaana ragii geystay aysan laheyn bartilmaameed gaar ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gurigaan oo ku yaallay bartamaha magaalada uu u dhawaa saldhigga booliska ee degmada Maxaas, “Hadda hadii aad aragto goobtii, waxaad is leedahay meeshaan waligeed guri lagama dhisin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jaamac oo aad u murugeysan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa ka hadlay arrinta reerkaas ku wada geeriyooday qaraxa, isagoo sheegay in gurigiisa iyo kan reerka lagu laayey ay isku dheganaayeen, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

“Qoyskaas Allaha u naxariisto waxaan aheyn deris, gaarigii koowaad ayaa gurigooda ku hor qarxay, kadibna wuxuu baabi’iyey gurigii ay ku noolaayeen qoyskaas iyo wixii guri u dhawaa oo dhan,” ayuu yiri Guddoomiye Muumin Maxamed.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku sii daray, “Anigu guriga dadkaas lagu laayey kan ku dhegan ayaan deganaa, ajal ayaa loo dhintaa oo Alle waa nagu badbaadiyey, qoyskaas oo 11 qof ka koobnaa ayuu hal qof ka badbaaday.”

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sidoo kale sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, 42 qof oo ka mid ah dadkaas waxaa dhaawacyadooda deg deg loogu qaaday Muqdisho, kadib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Hoos ka dhageyso wareysiga Jaamac

2,000+ al-Shabab militants killed in Somalia in 4 months, says PM

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced that over 2,000 al-Shabab militants had been killed in the past four months of operations against the group. 

He made the announcement during a meeting with top security officials, including the intelligence chief and military and police commanders, on the security developments in the country and the arms embargo on Somalia.

During the meeting, Prime Minister Barre stated that the government is committed to eliminating al-Shabab and that time is running out for the militants as the offensive is preparing to open more fronts. 

These developments come on the heels of a New Year’s address by President Hassan Sheikh Mohamud, in which he promised to strengthen and equip the National Army Forces to accelerate the ongoing offensive against al-Shabab in central and southern Somalia. 

Unfortunately, the efforts to defeat al-Shabab were overshadowed by a tragic event on Wednesday, when at least 19 people were killed in a double suicide bombing attack targeting a military facility in the Mahaas district of the Hiran region. 

The facility was located in the heart of the government’s offensive against al-Shabab. Al-Shabab claimed the attack, and witnesses described the blasts as occurring near a restaurant not far from a district administration building, with the explosions being heard throughout the town. 

Among those killed were both security forces and civilians, including soldiers and journalists who were embedded with the military.

In addition, the Prime Minister announced that the government would make an effort to remove the arms embargo on Somalia by establishing an executive and technical committee to work on implementing the planned targets. The committee aims to lift the arms embargo within a year. 

With the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the Somali government has been conducting operations against al-Shabab to eliminate the group.

These operations have resulted in territorial gains, but the group remains a significant threat.

Sawirro: Go’aano laga soo saaray shirkii Xamza, Mahad Salaad iyo saraakiisha kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey xaaladda amniga dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd “cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer,” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay howl-gallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay, sida lagu sheegay warbixintaan.

Ra’iisul Wasaaare Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddu dadaal-gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu soo jeediyay shirkaan dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee dowladda ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

KHASAARAHA qaraxyadii maanta oo aad u kordhay iyo xog cusub oo la shaaciyey

0

Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay isugu jiraan shacab u badan haween iyo carruur, sidoo kale askar iyo saraakiil ciidan ayaa lagu dilay qaraxyadaas.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa caawa warbaahinta u sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay guddoomiye Muumin.

42 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas ayuu sheegay guddoomiyuhu in deg deg loogu qaaday magaalada Muqdisho, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sheegay in diyaaradaha soo qaaday dadkaas ay dirtay dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Maxaas aysan laheyn garoon diyaaradeed, taas oo ka dhigay in dadkaan lagu soo qaaday diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxay ku weerareen magaalada, iyadoo dadku ay weli hurdayaan.

Ugu yaraan laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa loo adeegsaday qaraxyadaan, waxaana goobaha la beegsaday ka mid ah, gurigii uu Xildhibaan Jacfar ka deganaa magaalada, inkastoo uu ka maqnaa iyo guriga guddoomiyaha Maxaas Muumin Maxamed.

Gaadiidka qarxay ayaa magaalada Maxaas kasoo galay dhanka deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in Wabxo oo weerarkaan laga soo abaabulay ama lasoo marsiiyey ay ciidanka dowladdu mar ka xoreeyeen kooxda, balse ay dib uga soo laabteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil ka hor safar ku tegay degmada Maxaas ayaa halkaas ka sheegay in Maxaas ay astaan u noqa doonto halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa soo saaray amarro culus oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warqad uu soo saaray guddiga nabad-galyada gobolka Bari ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada, xili si weyn loogu kacsan yahay madaxweynaha maamulkaasi.

“Mudaneyaal maadama lagu jiro xilli xasaasi ah loona baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo Adkaynta Nabad-gelyada, Midnimada & xasiloonida guud, waxaa muddo kooban la joojiyey in Huteellada magaalada Boosaaso lagu qabto shirar & xaflado aan fasax qoraal ah looga haysan guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka haysato guddiga nabad-galyada gobolka Bari oo uu gudoomiye u yahay Cabdirisaaq Cali Siciid.

Guddiga Nabad-gelyada ayaa waxa kale oo uu sheegay in Huteellada lagu qabsanayo xafladaha siyaasadeed ay maamulka gobolka ka qaatan warqad fasax ah 24 saac ka hor qabashada munaasabadda.

Ugu dambeyntiina, saraakiisha booliska gobolka ayaa iyagana lagu amray inay fuliyaan awaamirtan, si dhowna ula socdaan arrintaan.

Awaamiirtan cusub ee ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa imaneysa xili maalmihii dambe ay xiisad siyaasadeed ka taagneyd maamulkaasi, taasi oo salka ku haysa hanaanka Deni u maamulayo doorashada.

Shalay ayay aheyd markii Madal Siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda.

Waxay ka digeen in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland.

Maareeyihii hay’adda tayo-dhawrka Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shaqo joojinta Maareeye Cali Yaasiin Gurbe ku sababeeyay wada-shaqayn la’aan ka timid iyo curyaamin habsami u socodka waajibaadka ku xusan qoddobka 7-aad faqradiisa 5-aad sharciga jaangoynta iyo Tayo-dhawrka.

“Wasiirka markuu arkay Maareeyaha guud khilaafka iyo wada-shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa guddiga sare ee hay’adda (Boardka) iyo Maareeye ku-xigeenka kuna saleysan wada-tashi la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed ayuu xeeriyay go’aankan.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sidoo kale Gurbe ka joojiyey ku howl-galida xilka Maareeyaha, ayada oo Maareeye ku-xigeenka hay’adda uu faray inay si ku-meel gaar ah ugu shaqeyso xilka Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

“Waxaa dhamaan hay’addaha wada-shaqeyntu kala dhaxeyso hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed laga codsanayaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee sii-hayaha xilka Maareeyaha, Marwo Xaawo Axmed Xasan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan si musuq-masuuq ahna loo isticmaalay.

Gurbe ayaa la sheegay in uu baal-maray tallooyinka iyo soo-jeedinada Wasaaradda, iskana indha-tiray kala shaqeynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha hay’adda, sida lagu sheegay qoraalka.

Sawirro: Beenabeene oo dhambaal uu ka siday Xasan gaarsiiyey Amiir Sheikh Nawaf

0

Kuwait City (Caasimada Online) –  Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamuud Beenabeene ayaa sheegay in dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya uu gaarsiiyey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiir Beenabeene ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dhambaalkaan uu Amiirka ugu dhiibay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas.

Sidoo kale labada wasiir ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dal, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey wasiirka qorsheynta iyo maalashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri.

Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.”

Kuwait oo ka mid ah dowladaha Carabta ayaa sidoo kale ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, maadaama ay ka wada tirsan yihiin dowladaha ku midoobay Jaamacadda Carabta iyo ururro kale.

Shariif iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray musiibadii maanta ka dhacday degmada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qaraxyadii saaka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, halka ay caafimaad deg deg ah Alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen.

“Bismillahi, waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa kale oo qoraalkiisa uu ku yiri “Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo.”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa asaguna qoraal uu ka soo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay Maxaas, wuxuu u dhigna sidan:

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii ay ka baxeen iyo Ciidankii ay ka tirsanaayeen, gaar ahaan kuwii ay goobta wada joogeen, askartii, saraakiishii, iyo dadkii rayadka ahaa ee lagu dilay weerarkii naf- haliga ahaa ee ay kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee argagexisada Al-shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu danbigooda dhaafo, naxariistiisa iyo janadiisa ku abaalmariyo, inta dhaawaca ahna caafimaaad degdeg ah siiyo. Aamiin.”

Aroornimadii hore ee saaka ayaa qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawac tiro kale ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa ismiidaamin ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle.

Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka, balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay.

Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Xildhibaanno ka horyimid guddigii uu Aadan Madoobe u magacaabay Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya, gaarahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland, ayaa ka horyimid guddi gaar ah oo shalay uu magacaabay guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddigaas ayaa loogu tala galay inuu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool, halkaasi oo ciidanka Somaliland ay ku dileen 20 qof oo shacab ah.

Xildhibaannada ayaa sababta ay guddigaan ku diidanyihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aanay ahayn qaab sax, iyo sidoo kale in xubanaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood, sida ay hadalka u dhigeen. 

Nuuradiin Col, oo ka mid ah xildhibaanadaas, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la baaro xaaladda Laascaanood, balse ay doonayaan cid awood u leh inay tagto Laascaanood, oo xog-gaal ah, islamarkaana aan caadifadeysneyn, sida uu hadalka uu dhigay.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah xildhibaanada aan lagu kalsoonaan karin, sababtoo ah buu yiri “qaarkood wareysiyo ay horey u bixiyeen ayaa laga dheehan karaa waxa ay aaminsan yihiin iyo waxa ay soo bandhigi doonaan.”

“Caadifad baa ka muuqata, arrinta dadkii buunbuuninayay ayaa guddiga ka mid ah, marka waxaan diidanahay dadk sidaas oo kale ah inay guddiga ku jiraan,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xildhibaano ay arrintan kala hadleen guddoomiyaha kahor inta aan guddiga la magacaabin, islamarkaana hadda ay qorsheynayaan inay isku yimaadaan oo mar kale ay la kulmaan Aadan Madoobe.

Xubnaha Guddigan ee xildhibaannada ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow
2. Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame
3. Xildhibaan Cabdikariim Cumar Xuseen
4. Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye
5. Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada)
6. Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar
7. Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel qaad)
8. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro)
9. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab)
10. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil 

Aaadan Madoobe oo tallaabo cusub qaaday kadib go’aankii mucaaradka K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa maanta isbeddal ku sameeyay guddiga u heshiisiinta ee uu dhowan u xil-saaray arrimaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib go’aan kasoo baxay xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Sheekh Aadan Madoobe beddalay laba xubnood oo ka mid ahaa guddiga, kuwaas oo uu maalmo kahor soo magacaabay, wuxuuna kusoo beddalay laba xubnood oo kale.

Maxamed Sheekh Xuseen Maxamed iyo Farxiyo Maxamed Yuusuf ayaa lagu soo diray guddiga, waxaana lagu beddalay Ibraahim Cabduqaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Barre.

“Wuxuu go’aamiyay guddoomiyuhu in wax ka beddal lagu sameeyo xubno kamid ahaa guddiga farsamada arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimd jadwalka furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu si rasmi ah u billowdo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista oo beri ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa dib loo dhigay illaa saddex cisho, arrimo farsamo dartood, waxaana la filayaa in wufuuda ay gaarto magaalada Baydhabo.

Sidoo kale madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha soo socda dib ugu laaban doonto xaruntiisa, si uu ugu sii diyaar garoobo shirkan oo uu iclaamiyay Aadan Madoobe, waxaana ka qayb-geli doono mucaaradka.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.

Dhowaan ayaa waxaa sidoo kale Baydhabo ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Gakbeed, kaas oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

 

15 civilians killed in twin car bombs in central Somalia

Mahas (Caasimada Online) – Somali authorities say at least 15 civilians were killed on Wednesday in a series of car bomb attacks in the central Somali town of Mahas carried out by the Al-Shabab militants. 

“Mahas town was attacked by terrorists this morning,” reported local security official Osman Nur. “The attackers used vehicles loaded with explosives and targeted a civilian area. It has been confirmed that nine civilians died, and several others were injured in the two explosions.”

The attacks occurred near a restaurant near a district administration building in Mahas. 

Among the deceased were women and children. Officials believe that the attacks were carried out using two Toyota Surf SUV vehicles that entered Mahas from the Wabho area in Galgadud, briefly taken over by government forces from Al-Shabab militants in November before the militants regained control.

The first blast targeted a house where government officials leading operations against Al-Shabaab were thought to be staying, although they were not present at the time of the explosion. 

In response to the attacks, police commander Osman Nur said, “The terrorist group, after having been defeated, has resorted to targeting civilians in desperation. However, this will not deter the people’s will to continue defeating them. The group has slaughtered innocent civilians in the explosions.”

The attacks come after a series of bloody incidents by Al-Shabab in recent months. 

On October 29, 130 people in the capital city of Mogadishu were killed in two car bomb explosions at the education ministry, marking the deadliest attack in the country in five years.

In August, at least 20 people were murdered in a 30-hour siege of a hotel in Mogadishu popular with politicians and government officials. And in October, a triple bombing in Beledweyne left 30 people dead, including local officials.

There have ongoing efforts by the Somali government and its allies to push back against Al-Shabab. In July, local clan militias “Macawisley” launched a revolt against the group in central Somalia. In September, President Hassan Sheikh Mohamud sent troops to support the fight. 

The army and militias have since retaken large areas of territory in the central states of Galmudug and HirShabelle with the help of US air strikes and the African Union force known as ATMIS. 

However, Al-Shabab has continued to carry out retaliatory attacks, demonstrating its ability to strike at the heart of Somali towns and military installations despite the offensive.

Yuu ahaa bartilmaameedka Al-Shabaab kadib qaraxyadii saaka ka dhacay MAXAAS”

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen khasaaraha ka dhashay qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ay saaka aroortii hore kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhintay illaa 15 qof oo ay ku jiraan haween shaax ku iibinayay goobta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraaan saraakiil iyo wariyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraxyadan lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga.

Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay  guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Guddoomyaha oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in ay ka bad-badeen qaraxyadaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen  kuwa ‘aragagixiso’.

Muumin ayaa sidoo kale intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse ma shaacin inta uu la’egyahay.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan,  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle.

Daawo: Sheekh Shibli oo Soomaalida u diray farriin ku saabsan kooxda Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay howlgallada looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab isaga oo bogaadiyay guulaha laga gaaray. 

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay baneysteen dhiigga dadka Muslimiiinta ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah qaraxyadii ay fuliyeen sida kii Zoobe oo kale.

“Waxa Soomaaliya ka socda waa dila Islaamka, waxey leeyihiin gaalo ayaa la dagaalameynaa oo Suuqyadi iyo Hoteelladi ayaa nag laga dhigayaa, gaalada kale ee joogta dalka oo innaga aheyn waa ayo marka laga reebo niman AMISOM oo taangiyo ku jira iyo kuwa Xalane difaac kaga jira maba la gaarayee,” ayuu yiri Sheekh Shibli. 

Waxa uu intaas ku daray “Gaalada la leynayo ee lagu jihaadayo oo dhiiggoodu xalaal yahay oo ilaahey loogu dhawaanayo oo inta muuqaallo soo duubaan ay leeyihiin murtidiinta ayaan nag ka dhignay waa ayo, waa Suuqa Zoobe iyo Hoteelladeena dadka joogo oo Muslimiin Soomaali ah.”

Sheekha oo goob fagaare ah khudbad ka jeedinayay ayaa sheegay in xukunka khawaarijta Al-Shabaab uu yahay in la laayo.

“Qof go’aankiisa uu yahay Muslim inuu laayo, shaqadiisa uu fulinayanaya ay tahay Muslim inuu gumaado, diin ahaana dhalan rogan, dhaqan ahaana dad gumaad ah oo xoolahoodu xalaal u yihiin oo dhiigoodu xalaal u yahay, dadka saas oo kale ah hadal iyo waan waan ah ma anfacdo, laaya meesha aad ku aragtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu Sheekh Shibli xusay in ijiid aan ku jiidee ay tahay in kooxda khawaarijta AL-Shabaab meel dhexe looga soo haro, waxa uuna tilmaamay inaysan laheyn Islaamnimo lagu daayo isagoo hoosta ka xariiqay in xalka kaliya uu yahay in laayo oo la iska dhiciyo. 

Waxa uu ugu dambeyntii Sheekh Shibli shaaciyay in xitaa dambi tahay in loo gargaaro isagoo in natiijadooda ay xun tahay haddii dadka lagu sii daayo, waxaana uu tusaale usoo qaatay dhiigga dadka Muslimiinta ah oo ay daadiyaan iyo inay xoolaha umadda xoog ku qaataan.

Hadalka Sheekh Shibli ayaa imanaya ayada oo gobollo ka mid ah dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxdan, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ugu dambeyn usoo jeesteen inay iska dulqaadaan cadowga maalin kasta gumaadaya. 

Hoos ka daawo Sheekh Shibli 

Daawo: CAWAD oo shaaca ka qaaday arrin uu Deni ka damacsan yahay Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan ka mid ah xubnaha isbeddalka doonka ah ee kasoo horjeedo madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas, gaar ahaan doorashada.

Cawad oo u warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsan yihiin doorashada soo socoto, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweyne Saciid Deni.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in aysan illaa iyo hadda kala cadeyn doorashada kusoo foodka leh Puntland, maadaama uu mugdi badan ka jiro dhinaca tartanka la geli doono.

“Maamulku ma wado doorashadii la yaqiinay, wuxuu soo jeedinayaa ama uu olole ugu jiraa doorasho aysan caddeyn halka ay u socoto oo ururo siyaasadeedka Puntland ay isku khilaafsan yihiin qaabka ay u dhaceyso” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Deni uu doonayo inuu sameyso muddo kororsi ama inuu boobo doorashada, sida uu ku dooday wasiir Axmed Ciise Cawad.

“Waxgaradka iyo siyaasiyiinta oo aan annigu ka mid ahay waxaan tuhmeynaa in aysan doorashada aheyn mid hufan waxa ay u egthay mid ujeedooyinka laga leeyahay laba midkood ay tahay in waqti kororsi maamulka jiraa uu sameysto ama inay u dhacdo si afduubid ah, sida hadda kahor maamulkan looga bartay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka maamulka Puntland.

“Annaga waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda.

Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey danjire Cabdifatax Cabdullahi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjirihii dowladda Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Danjire Cabdilfataax waxaa u dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabdifataax ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay sidii ay ula shaqeysay mudadii uu ahaa dinjiraha Muqdisho u joogay dowladiisa Itoobiya, isla markaana uu gudanayey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed oo ay la leeyihiin dalalka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay muhiimad gaar ah siineyso wanaajinta xiriirka wadamada gobolkaan Geeska Afrika, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda leh xiriir wanaagsan, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo soo doortay uu la yimid dabacsanaan siyaasadeed oo dunida ay kula jaan-qaadi karto dowladiisa cusub.

Guudlaawe oo farriin culus diray kadib qaraxyadii Maxaas

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudaalwe Xuseen ayaa war kasoo saaray qaraxyadii xooganaa ee saaka Al-Shabaab ay ka fulisay degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi tiraanyo leh u diray ehellada ay dadkoodii ku dhinteen qaraxyadaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in aysan niyad-jebin doonin weeraradaasi, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle.

Dhinaca kale wuxuu farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u midoobaan Al-Shabaab, kadibna ay ka qayb qaataan dagaalka ka socdo gobollada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa war kasoo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay gudaha degmada Maxaas, isagoo ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay weerarkaasi.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaa Allah ha siiyo,” ayuu isna yiri madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mid ka mid ah qaraxyadan waxaa lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga, halka qaraxaa labaad isna lagu dhuftay guriga guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane oo lasoo wariyay in uu badbaaday isku daygaasi dil.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan,  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle.