28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Somalia and UAE strengthen military ties with new agreement

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Somalia and the United Arab Emirates (UAE) have signed an agreement to strengthen military and security ties, as well as cooperate in anti-terrorism efforts, in an effort to improve strained relations between the two countries.

The deal was signed by Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur and his UAE counterpart, Mohammed bin Ahmed Al-Bowardi, on Wednesday evening in Abu Dhabi.

According to a statement by Nur, the agreement will help to strengthen the “institutional capacity-building of Somalia’s security forces” and aid in ongoing efforts to defeat Al-Shabab in Somalia.

Al-Shabab is an Al-Qaeda affiliate that has claimed thousands of lives in a campaign against the Somali government and international peacekeeping forces since at least 2007. 

Somali President Hassan Sheikh Mohamud has declared full-scale war against Al-Shabab as the group continues to carry out violent attacks in the country.

On Wednesday, the group was responsible for twin suicide car bombings in the central Somali town of Mahas, which killed at least 35 people and injured more than 70 others.

The UAE remains a “strategic partner in Somalia’s peace-building and state-building efforts,” Nur added. A UAE Defence Ministry statement read talks also focused on efforts to protect mutual interests. 

Relations between Somalia and the UAE have been chilly in recent years, particularly over Somali allegations of UAE interference in its internal politics.

Tensions reached a boiling point during the tenure of former President Mohamed Abdullahi Farmajo after Somalia seized $9.6 million from a United Arab Emirates plane in Mogadishu in April 2018. In response, the UAE closed a military facility and a hospital in Mogadishu and disbanded its military training mission.

Somalia released the money in February 2022, and prime minister Mohamed Hussein Roble apologized, which the United Arab Emirates accepted. 

President Mohamud, who led Somalia from 2012 to 2017 and started his second tenure last May, has made mending diplomatic relations with the UAE a top foreign policy priority. 

During a June 2022 meeting with UAE President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Somali President Mohamud expressed gratitude for the UAE’s longstanding support of Somalia and thanked Al Nahyan for the warm reception of the Somali people.

The leaders discussed ways to strengthen cooperation between their countries in various sectors, particularly concerning development and peace in Somalia. 

Al Nahyan reaffirmed the UAE’s commitment to supporting Somalia’s efforts to establish a peaceful and stable state and expressed a desire to assist the Somali government in construction, development, and stability. 

In return, Mohamud expressed a desire to expand cooperation between the UAE and Somalia across all fronts and contribute to regional stability and security.

The signing of the new defense cooperation agreement between Somalia and the UAE represents a significant milestone in the relationship between the two countries as they work to improve strained relations and strengthen cooperation in the face of shared challenges, such as terrorism and instability. 

The agreement will help to strengthen the capacity of Somalia’s security forces and support efforts to combat Al-Shabab. This terrorist group has claimed thousands of lives in its campaign against the Somali government and international forces.

Waa kuma Macallin Ayman – Sarkaalka uu Mareykanka ku raadinayo malaayiinta dollar?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Macallin Ayman-ka uu raadinayo Mareykanka ayaa waxa uu yahay hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawl-gallo ka fuliya gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaaca Mareykanka, sida uu sheegay Mareykanka.

Weerarkan oo dhacay aroor hore ayaa sidoo kale waxa lagu dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Macallin Ayman ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa saddex horjooge sare oo Shabaab ah oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay bishii Febraayo ee 2021 kusoo rogtay xayiraad dhan ah.

Ninkaan ayaa waxa uu dhowr jeer liisas ka dhan ah argagixisada kala soo muuqday Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karataay oo kaalin weyn ku dhex leh dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa qaba in Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay bariga Afrika ay tahay kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, wuxuuna sheegay inay masuul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku naf waayeen kumanaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dashay dalkiisa.

Arrinta u weyn ee Mareykanka u beegsanayo Al-Shabaab ayaa ah “inay sii wado qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka, danaha Mareykanka iyo saaxiibada shisheeye.”

Xildhibaan Sacdiiya Yaasiin Xaaji Samatar oo lagu daray liis caalami ah oo qiimo leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Reputation Poll International waxay soo bandhigtay liiska 100-ka qof ee ugu sumcadda badnaa qaaradda Afrika sanadka 2022-ka ee dhammaaday.

Shaqsiyaadka 100-ka ee ay hay’addu soo bandhigtay waxay isugu jiraan madax dowladeed, siyaasiyiin, shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxbarashada, gancsiga iyo madadaalada.

Shaqsiyaadkaasi waxaa ka mid ah Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxayna hay’addu sheegtay shuruudaha shaqsiyaadkaasi lagu doortay iney tahay daacadnimada, saameynta ay bulshada ku leeyihiin iyo sida ay bulshada uga dhex muuqdeen.

Shaqsiyaadka kale ee liiska lagu soo daray ee ka soo jeeda dalka Kenya waxaa ka mid ah Amina Maxamed Jibriil wasiirka hore ee arrimaha dibadda Kenya, Martha Karau oo ah haweneyda keli ah ee u tartantay jagada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya.

Dalka Itoobiyana waxaa liiska 100-ka ugu sumcadda badnaa Afrika 2022-ka uga jira  Madaxweynaha Itoobiya Sahle-werk Zewde, Wasiirka Caafiaamdka Itoobiya Lia Taddese iyo Warkineh Gabeyehu wasiirkii hore arrimaha dibadda Itoobiya.

Shaqsiyaadkaasi waxaa kale oo ka mid ah kuwa lagu soo xushay sumcadda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin oo nolosha bulshooyinka qaaradda Afrka isbeddelka ku keenay isla-markaana shaqa abuur iyo ganacsiyo dad badan noloshooda baddalay sameeyey.

Ujeedka laga leeyahay Liiska ay soo saartay hay’adda Reputation Poll International waxaa lagu sheegay in la aqoonsado isla-markaana laga markhaati kaco shaqsiyaadkaasi 100-ka ah saameynta wanaagsan ee ay ku yeesheen qaaraddan Afrika iyo caalamka intiisa kalaba sanadki tagay.

Soomaaliya oo ay liiskan uga jirto Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga soo doortay dhanka hoggaanka siyaasadeed.

Waxayna si gaar ah ugu muteysatay iney tahay haweeneydi ugu horreysay oo guddoomiye ku xigeenka Koobaad ka noqoto Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya isla-markaana buslahada dhexdeeda si weyn uga muuqatay.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiye ku xigeenka koobaad sanadki tagay u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorto.

Sacdiya waxay horay xildhibaan uga soo ahayd baarlamaankii kan ka horreeyay ee 10-aad, iyadoo si weyn loogu xusuusto mucaaradnimadeedii dowladdii Farmaajo.

Waxay sidoo kale ka mid ahayd xildhibaannadii ugu firfircoonaa ee ugu doodaha kululaa baarlamaankii uu xilligiisu dhammaaday, haddii ay tahay dhanka u doodidda haweenka, mucaaradka iyo weliba saami-qaybsiga siyaasadda Soomaaliya oo ay dhaliili jirtay habka 4.5 iyo saamiga Aqalka sare ee beelaha.

Sacdiiyo waxyaabaha hadal haynta ugu badan Soomaaliya ka abuuray waxay ahayd hadal ay ka sheegtay baarlamaanka xilli laga doodayey sharci arrimaha jinsiga ku saabsan oo baarlamaanka la horkeenay.

Muddadi ay sacdiiyo baarlamaanka Soomaaliya ka midka ahayd waxaa sida oo kale lagu xusuustaa arrima ay ka mid yihiin Firimbigi ay Farmaajo ku yeedhisay, hadalki ahaa ‘You have to apologized’, iyo Gurigii ay 1500 oo doolar oo kiro ah ka bixiso ee ay sheegtay iney laba sano gelin.

Isha: BBC

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar

0

London (Caasimada Online) – Fadeexaddii ruxday baarlamaanka Midowga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, kadib markii toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Dalka Qatar ayaa ka digay in baarista uu wado Midowga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midpwga Yurub.

Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midowga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. Labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baaritaan socday muddo sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midowga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Ujeedada ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midowga Yurub.

Qatar ayaa iyadu si weyn u diiday eedahan loo soo jeediyey.

Agaasime Mahad Salaad oo ka falceliyey tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa uga mahad-celiyay golaha wasiirada ansixinta Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, oo uu ku qeexay tallaabo muhiim ah.

“Ugu horreyn waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

“Sharciga NISA waxa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa shaqada amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka hortagga in dambiyo lagu geysto magaca Hey’adda.” 

Mahad Salaad ayaa ka codsaday labada Aqal Baarlamaanka JFS in ay ansixiyaan sharcigaan si NISA u noqoto Hey’ad sharci ku dhisan oo si hufan u gudata waajibaadka qaranka.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si rasmi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku howlgaleysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaamiirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Hay’adda NISA ayaa sanadihii dhowaa lagu eedeeyey inay siyaasadda ku milantay, islamarkaana shaqo ka dhigatay caburinta siyaasiyiinta intii ay ka shaqeyn laheyd amniga, inkasta oo tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh ay amniga un xoogga saareysay.

Putin oo ku dhawaaqay xabad joojin KMG ah iyo hoggaanka Ukraine oo…

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabad-joojin socon doonta 36 saacadood, taasi oo uu ku amray ciidamadiisu inay joojiyaan weerarada ay ka wadaan Ukraine, inta lagu jiro fasaxa mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka.

Dad badan oo haysta diinta masiixiga gaar ahaan Orthodox oo qaarkood ay ku nool yihiin Ruushka iyo Ukraine ayaa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ee bishan January ay tahay 6 iyo 7, waxay u dabaal degaan xuskooda gaarka ah.

Patriarch Kirill oo ah madaxa kiniisadda Orthodox ee ku taalla dalka Ruushka, si weyna u taageera duulaanka Putin ee Ukraine ayaa shalay wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan xilliga fasaxa ee diinta Kiristaanka, hase ahaatee waxaa arrintan diiday xukuumadda Ukraine oo ku tilmaantay inay tahay shirqool.

Ukraine ayaa amarka Putin ku tilmaantay inuu yahay mid ay ka muuqato munaafaqnimo.

Illaa haatan kama hadlin dawladda Maraykanku xabad-joojinta KMG ah ee ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu wado dadaalo uu ku rabo in madaxweyne Putin uu la yimaado xabad joojin hal dhinac ah.

US offers $10 million reward for information on Al-Shabab leader Maalim Ayman

Washington (Caasimada Online) – The US Department of State’s Rewards for Justice program announced on Thursday a reward of up to $10 million for information leading to the arrest or conviction of Maalim Ayman, leader of Jaysh Ayman, an al-Shabaab unit operating in Kenya and Somalia. 

Ayman is wanted in connection with the January 2020 terrorist attack on US and Kenyan personnel at the Manda Bay Airfield in Kenya, in which a US soldier and two US Department of Defense contractors were killed, and two other US service members and a third DoD contractor were injured.

Al-Shabaab, an al-Qaida affiliate based in East Africa, has claimed responsibility for the attack. 

The group, designated a Foreign Terrorist Organization and Specially Designated Global Terrorist by the US Department of State and a terrorist organization by the UN, is responsible for numerous terrorist attacks in the region that have killed thousands of people, including US citizens.

In a statement, the US Department of State said, “Al-Shabaab continues to plot, plan, and conspire to commit terrorist acts against the United States, US interests, and foreign partners. We will not rest until justice is served for the victims of this attack and their families.”

The Manda Bay Airfield is part of a Kenyan Defense Forces military base used by US armed forces to provide training and counterterrorism support to East African partners, respond to crises, and protect US interests in the region.

In November 2020, Ayman was designated a Specially Designated Global Terrorist by the US Department of State under Executive Order 13224. In February 2021, he was also designated by the UN Security Council’s Somalia Sanctions Committee.

“The attack on Manda Bay Airfield was a brutal and cowardly act of terrorism that will not be tolerated,” said the US Department of State. “We are committed to bringing those responsible to justice and will use all means at our disposal to hold them accountable for their actions.”

This reward offer is part of a larger US government effort to bring terrorists to justice and prevent acts of international terrorism. The Rewards for Justice program has paid over $250 million to more than 125 people since its inception in 1984.

Leading Somali Islamic scholar calls for hunt and kill of Al-Shabab members

Nairobi (Caasimada Online) – A leading Somali Islamic scholar, Sheikh Mohamud Shibli, has called for Somalis to hunt down and kill members of the Al-Shabab extremist group.  

Speaking at a public square in Nairobi, Sheikh Shibli denounced the group’s attacks on Muslims in Somalia and praised ongoing efforts to combat them.  

Sheikh Shibli said that the actions of Al-Shabab in Somalia are fundamentally opposed to Islam, as they indiscriminately attack and kill Muslims and Somalis in markets and hotels while claiming to be fighting infidels.  

“What is happening in Somalia is the killing of Islam. Al-Shabab says that they are fighting infidels, but they are bombing markets and hotels. There are no infidels in the country, except AMISOM and those in the Halane compound who are defending themselves, and Al-Shabab cannot approach them,” said Sheikh Shibli.  

He added, “The so-called infidels they are fighting, the ones they are attacking and whose blood is halal and whom they are getting close to Allah, the ones whose videos we watch being slaughtered are the ones in the Zoobe market and our hotels, Muslims and Somalis.”

The Sheikh said it is a duty to fight the “Kharijite” group because they do not deserve to be called Muslims, adding that the only solution is to kill and exterminate them.  

He also said it is a crime to help Al-Shabab and cited the blood they have shed and the extortion they have carried out against the Somali people.  

Sheikh Shibli’s call to action comes as fighting against Al-Shabab continues in some parts of Somalia. On Wednesday, at least 15 civilians, including women and children, were killed in a series of car bomb attacks in the central town of Mahas by the militant group. 

There have been ongoing efforts by the Somali government and its allies to push back against Al-Shabab, including a revolt by local clan militias in July and the deployment of troops by President Hassan Sheikh Mohamud in September.  

These efforts, aided by US air strikes and the African Union force known as AMISOM, have retaken large areas of territory in the central states of Galmudug and HirShabelle. 

However, Al-Shabab has continued to carry out retaliatory attacks, showing its ability to strike at the heart of Somali towns and military installations. 

Al-Shabab, which has pledged allegiance to Al-Qaeda, has been active in Somalia for over a decade and is known for its violent attacks on civilians, including bombings, kidnappings, and assassinations.  

The group has been particularly active in targeting hotels and markets, such as the one in Zoobe that Sheikh Shibli mentioned in his speech. 

It has also been responsible for high-profile attacks outside of Somalia, including the 2013 Westgate mall attack in Nairobi, Kenya, in which 67 people were killed.  

In recent years, the group has faced increasing pressure from Somali government forces and their allies, but it remains a significant threat to the stability and security of the region.

Mareykanka oo $10 milyan ku raadinaya Macallin Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ballan-qaadkan oo lagu soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sidoo kale abaal-marin doona cid kasta oo keenta xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, sida uu Mareykanka sheegay

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda.

Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika, ugana jawaabaan xasaradaha, una ilaaliyaan danaha Mareykanka ee gobolka.

“Al-Shabaab oo fadhiggeedu yahay Bariga Afrika, waa mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, waxaana ay mas’uul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Kooxdan argagixisada ah ayaa sii wadda qorshaynta iyo shirqoolid ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka, danaha Maraykanka iyo saaxiibada shisheeye.”

Isha: VOA

Turkey and Somalia strengthen judicial cooperation, sign new agreements

Ankara (Caasimada Online) – Turkey and Somalia have announced plans to strengthen their judicial cooperation, with Turkish Justice Minister Bekir Bozdag praising the efforts of the Somali authorities to end the activities of Turkish terrorist organizations in the country.  

During a meeting in the Turkish capital of Ankara, Bozdag revealed that the Somali authorities had handed over the management of schools belonging to these groups to the Turkish government. 

The two countries also plan to sign new agreements in the fields of human rights and justice.  

Somali Justice Minister Hassan Moalim praised the historical relations and common heritage shared by the two countries and highlighted the support provided by Turkey to Somalia. The two officials also discussed ways to develop their cooperation further. 

This comes as Turkey announced on Monday the appointment of Ibrahim Mete Yagli as its new ambassador to Somalia, replacing Mehmet Yilmaz, who has served in the role since December 2018.” 

Turkey has had a long history of relations with Somalia, dating back to the Ottoman Empire. In recent years, Turkey has become one of the major donors to Somalia, providing humanitarian and development assistance to the country.

In 2011, Turkey opened an embassy in Mogadishu, becoming the first country to do so since the collapse of the Somali government in 1991.

In addition to its development and humanitarian assistance, Turkey has also played a role in the stabilization of Somalia. Turkey has also provided training to Somali security forces.

The judicial cooperation between Turkey and Somalia is just one aspect of the broader relationship between the two countries.  

Both countries have expressed a desire to strengthen their ties further and cooperate in a variety of areas.

SOMALILAND oo shaacisay sababaha ay ciidamadeeda ugala baxday Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha ay ciidamadooda uga baxeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo todobaadkii labaad uu ka socdo kacdoon shacab oo rabshado xoogan wata.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka milatariga Somaliland oo u warramay warbaahinta ayaa marka hore ka hadlay dil ay xalay ciidanku ka geysteen Laascaanood, kaas oo loo geystay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in la xiray askartii ka dambeysay falkaasi, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doona si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Arrinta xalayto dhacday ciidanka qaranka ayay ka dhacday, cidii ay ka dhacdayna gacanta ayaanu ku haynaa oo way xiran yihiin, wixii ay yeeshaana maxkamad ayaa la geyn doonaa laba nin ayaanu arrintaa u haynaa waxay sheegayaan in uu isagu kaga horeeyay” ayuu yri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay maanta uga baxeen gudaha magaalada, wuxuuna sheegay in ay u turayaan dadka shacabka ah, si aysan markale u dhicin rabshado kale.

“Ciidanka qaranka xalay magaalada waa uu ka baxay xeryihiisa ayuu tegay annaga oo dhowreyno inaanu dhicin dhib intaa ka weyn,” ayuu markale yiri sarkaalkan.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay tixigeliyeen codsiga waxgaradka deegaanka oo uu sheegay inau dalbadeen ka baxaanka magaalada, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

Isaga oo sii hadlayey ayuu soo hadal qaaday maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaalamay ciidamada, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin dhalinyaro Jaadley ah oo ay cadiifad qaaday

“Niman dhalinyaro ah oo jaadleyaal ah oo cadiifad ay qaaday ayaa magaalada qoryo lasoo galay, odayaashoodii iyo garaaddkii beesha ayaa codsaday inaanu ciidamada soo gelin magaalada waanu u tixgelinay, iyaga u deyneynaa nabad-gelyada,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu sarkaalkan hoosta ka xariiqay in ay ka war sugayaan odayaasha iyo waxgaradka degaanka, haddii taladooda la diidana ay kusoo laaban doonaan Laascaanood.

“Haddii ay dhaafto tixgelintaas oo odayaasha iyo waxgaradka taladooda la diido ciidanka qaranka howshiisa ayuu qabsan doonaa,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Somaliland.

Magaalada Laascaanood ayaa gashay xaaladdii ugu darneyd, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Somaliland iyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi, kuwaas oo ka carooday dilalka qorsheysan ee alaaba loo geysto dadka haldoorka u ah bulshada reer Sool.

Xasan oo guddoomiyey shir lagu ansixiyey sharci isbedel weyn ku sameynaya NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, halkaasi oo lagu ansixiyey sharci isbeddel weyn ku sameyn doona hay’adda NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn faray xubnaha Golaha Wasiirada in ay joojiyaan shirarka lagu qabto dalka dibaddiisa, ayada oo la heli karo in lagu shiro gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu amar ku siiyay Ra’iisul wasaaraha iyo Golihiisa in la hubiyo mashaariicda hormarineed ee laga fuliyo dalka, si ay waxtar ugu yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Golaha kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaciyay in 2023 uu yahay sanadkii dib u xorreynta dalka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya aya maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida yeelato sharci rasmi ah tan iyo markii la aas aasay 8 January 1970.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si rasmi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku howlgaleysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaamiirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayada oo haatan uu dalka jiro dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya.

Somaliland army forced to retreat from LasAnod

LasAnad (Caasimada Online) – The military of the self-proclaimed republic of Somaliland, in northern Somalia, was forced to retreat to army bases on the outskirts of LasAnod on Thursday after anti-government protesters and local militias stormed the city.

There were reports of overnight skirmishes, but the number of casualties is currently unknown. 

Residents were celebrating their takeover of the city after a 11-day struggle in which they withstood various barriers including the use of force and lack of access to telecommunications.

The current protests, which have been ongoing for over a week, were sparked by the assassination of a prominent local figure, Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi, after he left a mosque.  

The killing has sparked outrage in the previously stable region and led to the deaths of at least 20 people after Somaliland forces used excessive force to quell the protest. Somaliland authorities also cut off internet and phone service in LasAnod.

Somaliland President Muse Bihi has apologized for the deaths of civilians in LasAnod and promised to investigate the incident. 

He has also pledged to withdraw troops from the town once stability has been restored. However, he has accused the federal government of Somalia and the regional government of Puntland of interfering in Somaliland affairs. 

In response, Puntland President Said Abdullahi Deni threatened a “military and political solution” if the situation in Somaliland persists. 

The town has been at the center of a longstanding border dispute between Somaliland and Puntland over control of the area for more than a decade. 

The impact of the violence on the local population has been significant, with many residents fleeing the city for fear of further clashes—those who remain live in fear and uncertainty, with the threat of violence hanging over them. 

The militias that have taken control of the town have made it clear that they will use force to achieve their goals and have threatened to burn down telecommunications firms if they attempt to shut off the internet and phones. 

The situation has also harmed the local economy, with businesses shutting down and people unable to go about their daily lives.  

The fear and uncertainty caused by the unrest have ripple effects in the broader region, potentially destabilizing the area even further.

The international community has expressed concern about the ongoing violence in LasAnod and called for an end to the use of excessive force.  

They have urged all parties to engage in dialogue to find a peaceful resolution to the conflict. 

However, despite these efforts, the situation remains volatile, and there is a real risk of escalating further. 

Sawirro: Dibad-baxyo ka billowday Boosaaso + Ujeedka

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta uu dibad-bax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Shacabka Boosaaso ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, si ay u taageeraaan kacdoonka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay todobaadkii labaad, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynaha isugu soo baxay Boosaaso ayaa sheegay in ay u dabaal-dagayaan qabsashada magaalada Laascaanood oo ay ka baxeen ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay taageero u muujiyaan reer Laascaanood, si ay u garab istaagaan, maadaama ay wajahayaan xaalad adag.

Xaaladda magaalada Laascaabood ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedkeeda, halka gudahana ay ka socdaan mudaharaayo waa weyn oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamadaasi.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Sawirro: Ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ma waxaa lagu wareejiyay Imaaraadka?

0

Abu Dubai (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay dalka Isu Tegga Imaaraadka, waxaana heshiiskan qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

“Iskaashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo ka falceliyay heshiiskan ayaa sheegay in qodobadiisa ay kamid yihiin in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea lagu wareejiyo Isu-tagga Imaaraadka, sidaasna ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay

Cali Yare ayaa shaaca ka qaaday in la burburiyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay khuburada ciidan ee Imaaraadka, isla-markaana uu markale ka howlgalo xerada General Gordan oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku wareejisay ciidankii lagu soo tabobaray Eritrea, heshiiska oo Abu Dhabi lagu saxiixay wuxuu qorayaa in dowladda Imaaraatka markale lagu wareejiyo kana howlgasho xerada ciidanka Jeneral Gordan iyaga oo maamuli doona habsami-usocodka xerada iyo ciidanka ku jira, sidoo kalana labada dowladood iska kaashadaan habkii ciidanka yimid loo howlgelin lahaa,” ayuu yiri Cali Yare.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Maanta maalin madoow iyo mugdi gudcur ah ayay kaga dhigantahay qaranka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Imaaraadka Carabta uu bixin doono dhaqaalaha ciidanka iyo agabka lagu howlgalin lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Sida heshiiska lagu qoray dalka Imaaraatka ayaa dowladda ka caawin doona dhaqaalihii ciidanka lagu howlgelin lahaa, agabkooda iyo dib-ucasriyeeynta xerada. Waxaa la buriyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay quburada ciidan ee Imaaraatka dib ayay dalka uga howlgeli doonaan muddo 14 maalmood (labo asbuuc) gudahood ah,” ayuu yiri.

Siyaasigan oo si weyn u macaarado dowladda federaalka ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay in ciidamadan oo xogtooda muddo la qarinayey lagu wareejiyo Imaaraadka.

“Waxaa nasiib darro ah in dowladdii ugu weyneeyd ee xogta ciidanka laga qarinayay muddada dheer maanta sahlan loogu gacan galiyay iyada oo la eegayo dano dhaqaale iyo qandaraasyo kooban,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Cali Yare Cali.

Halkan hoose ka daawo daawo sawirrada heshiiska.

Ciidanka S/LAND oo dagaal looga saaray Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay uu markale dagaal culus ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka soo horjeedo maamulka Hargeysa.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad rayid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland ay dib uga baxeen magaalada Laascaanood, waxaana saaka gudaha u galay maleeshiyaadka deegaanka ah oo diidan joogitaanka ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo lale waxaa lagu so waramayaa in ciidamada deegaanka ee la wareegay magaalada  ay dib u fasaxeen adeeggii isgaarsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay horay u xireen ciidamada Somaliland.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha.

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

DF oo billowday dadaal beesha caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billaabay dadaal aan waxba loola harin oo beesha caalamka looga dhaadhicinayo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran sanadaha badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka shalay kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa kala hadlay cunaqabateyntan, isaga oo sidoo kale uga warbixiyey miro-dhalka howlgalka dalka lagaga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed. 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey. 

Codsiga madaxweynaha ee la xiriira qaadista cunaqabateynta hubka ayaa hadda u muuqda mid dowladda ay ku bixineyso dadaal xooggan. 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale shalay guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay oo ay dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Somalia seeks lifting of arms embargo in battle against Al-Shabab

Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Republic of Somalia is ramping up its efforts to convince the international community to lift the longstanding arms embargo on the nation as the war on Al-Shabab militants intensifies.

The Somali government believes that obtaining weapons will give it a stronger position in the fight against the ongoing insurgency led by the Al-Shabab group, which has recently made significant gains.

The push to lift the arms embargo is being spearheaded by President Hassan Sheikh Mohamud, who on Wednesday met with ambassadors from various countries, including the United States, the United Kingdom, and Italy, as well as representatives from the United Nations, the European Union, and the African Union at Villa Somalia to discuss the issue.

During the meeting, President Mohamud emphasized the unity of the Somali people and government in their efforts to liberate the country and implored the international representatives to support their struggle, particularly in the push to lift the arms embargo on Somalia, which is seen as crucial to the fight against terrorism.

The President also highlighted the efforts of the Somali Armed Forces, working alongside the local population, in liberating various areas in the Middle Shabelle, Hiiraan, and Galgudud regions, demonstrating the government’s determination to rid the country of the terrorism that has hindered its development and progress.

In addition to President Mohamud’s efforts, Prime Minister Hamza Abdi Barre also held a meeting on the security situation in the country and the arms embargo on Somalia.

The Prime Minister emphasized the government’s commitment to lifting the embargo and proposed the establishment of a two-tier committee consisting of an implementation committee and a technical committee. The committees will work on the planned objectives of the Somali government to ensure the complete lifting of the arms embargo on the country, with a goal of implementation within a year.

The Prime Minister stated that the government is committed to eliminating Al-Shabab and that time is running out for the militants as the offensive is preparing to open more fronts.

The arms embargo on Somalia has been in place for nearly three decades, first imposed by the United Nations Security Council (UNSC) in 1992.

It was initially put in place in response to the civil war and the collapse of the government in Somalia, which led to widespread violence and humanitarian crises.

The UNSC has renewed the arms embargo on Somalia several times since its initial implementation, most recently in November 2022.

The arms embargo on Somalia is intended to prevent the proliferation of illegal arms and related material in the country and reduce the risk of violence and conflict. It prohibits the sale, transfer, or supply of arms and military equipment to Somalia, except in certain circumstances where the UNSC has authorized such transfers.

In recent years, there have been calls to lift or modify the arms embargo on Somalia, particularly from the Somali government and its allies, who argue that the blockade hinders their efforts to combat terrorism and provide security for the country.

However, opponents of lifting the embargo argue that the country’s fragile security situation and the risk of arms falling into the hands of terrorist groups make lifting the embargo a risky proposition.

Nevertheless, the Somali government and its allies continue to push for its lifting. They argue that the embargo hinders their efforts to combat terrorism and provide security for the country and that obtaining weapons would give them a stronger position in the fight against the Al-Shabab insurgency.

The international community, however, remains divided on the issue. Some countries and organizations, such as the United States and the European Union, have supported lifting the embargo. In contrast, others, such as the United Kingdom and the African Union, have voiced concerns about the potential risks and consequences.

Militariga UGANDA oo war kasoo saaray toogashadii ka dhacday xerada XALANE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa ka hadlay askari ka mida Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda oo Isniintii saddex askari ku dilay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Askarigan ayaa la sheegay in marka hore uu toogasho ku dilay nin askari ahaa, k dibna uu rasaas huwiyay askar kale oo dhawaqa rasaastaasi ku soo baxday.

Afhayeenka Ciidanka Lugta ee Uganda, General Felix Kulayigye ayaa sheegay in rasaastii dambe uu askarigaasi furay ay sababtay geerida laba askari oo kale.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la xiray askarigaasi, haatana la baarayo waxa dhacdadaasi sababay.

“Waa run in mid ka mid ah ciidankeena uu toogtay saaxiibadiis oo ku sugan Somaliya, halkaas oo loogu diray howl amni. Talisku wuxuu diyaariyay guddi baaritaan, si ay u baaraan sababta shilkan dhimashada sababay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta dalkaasi.

Afhayeenka ayaa yiri “Eedeysanaha waa la qabtay, waxaana hadda lagu hayaa xabsiga. Baaritaanada ka dib waxaa lagu soo oogi doonnaa dacwadda ku habboon.”

Maaha markii ugu horreysay oo askari ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika uu toogasho ka gaysto xeradooda ugu weyn ee dalka. Bishii May ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii nin askari ahaa uu toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa Militariga Uganda, ka hor inta uusan is dilin.

Uganda ayaa ciidanka ugu badan ku tabarucda howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo loo yaqaan ATMIS, markii horena la oran jiray AMISOM, kaasi oo ka kooban 22,000 oo askari. 

Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof

0

Maxaas (Caasimada Onine) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga lehayaa qaraxyadii mataanaha ahaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Dhimashada ayaa haatan gaartay illaa 35 qof, halka dhaawacuna uu yahay 40 kale, sida uu Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska dowlad ee goboleedka Hirshabeelle.

Xasan Kaafi ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin rayid ah, isla-markaana ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugnaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen,

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan Kaafi Maxamed.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa illaa 10 qof oo isku qoys ah, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska, kaas oo la hadlay VOA-da.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku soo dhaawacmay qaraxyadaas, waxaana xalay isbitaalka Erdogan ku booqday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla maamulkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah, isaga oo mid mid u dul-tagay askarta iyo shacabka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Madaxweyneaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawacantana uu Eebbe u boogo dhayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, wuxuuna ku soo aaday xilli uu dagaal uga furan yahay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Si kastaba, mid kamid ah qaraxyadan waxaa  lala eegtay guriga uu degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa guriga, halka labaadna isna lagu weeraray guri uu dagan yahay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.