27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Cabdillaahi Abokor Cismaan.

“Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.”

Xilkaan ayuu Biixi u magacaabay Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) oo uu ka soo beddelay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu xusay in uu la-tashiyo kala duwan ka sameeyay magacaabista masuuliyiinta cusub, uuna arkay aqoontooda, kartida iyo waaya-aragnimadooda.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Muuse Biixi uu xilkii ka qaaday Wasiirkii hore Hawlaha Guud xilli uu gobolada Bariga ugu maqna kaambeyn doorasho, lamana oga sababta soo dadajisay xil ka qaadistiisa.

Qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay MAXAAS

0

Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaallo gudaha magaaladaas, isla-markaana maqaayado lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho, dhaawac iyo burbura ka dhashay qaraxyadaas oo gilgilay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Maxaas ka bilaabeen howlgallo, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay in ay la beegsatay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan, xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

 

Xog: Kooxda Al-Shabaab oo dadkii deganaa ka saareysa degmada Ceeldheer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay amar ku soo rogtay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degmadaas.

Kadib markii ciidamada xoogga dalka ay maalin ka hor Al-Shabaab ka saareen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud cabsi badan ayaa soo wajahday kooxda.

Dadkii ku noolaa degmada Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee weli gacantooda ku jira ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen inay ka baxaan magaalada.

Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla xeebta badweynta Hindiya waxaa hadda ka socda barakac ay sameynayaan dadkii ku noolaa degamaas oo sanado badan ay Al-Shabaab xukumayeen.

Inkastoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababta ay Al-Shabaab u barakicinayaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceeldheer, hadana waxaa jira warar sheegaya in kooxdu ay qorsheyneyso inay baneyso degmadaas.

Ciidanka xoogga dalka oo duulaan ah ayaa ku wajahan Ceeldheer oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in Al-Shabaab aysan ku dagaalami doonin magaaladaas oo ay isaga bixi doonaan.

Al-Shabaab waxaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan u babac-dhigi karin hadii ay kula dagaalamaan Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla dhul Deex ah oo banaan, isla markaana aan laheyn howd la gabaadsado.

Sababta ay u barakicinayaan dadka waa inay ka badbaadaan duqeynta diyaaradaha dagaalka ee garab siinaya ciidanka xoogga dalka, iyagoo doonaya in shacabka ay u kaxeystaan dhulka howdka ah, si aan loo duqeyn.

Ugu yaraan labadii bilood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay isaga cararayeen deegaan ama degmo kasta oo lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin, waxaana xusid mudan in diyaaradaha dagaalka oo aad uga taxadaraya inay shacabka dhibaato gaarsiiyaan ay kooxda ku duqeeyaan dhulka howdka ah ee gabaadka ay ka dhigtaan.

Beegsiga diyaaradaha ayaa ka dhigan in aysan jirin meel ay Al-Shabaab ku badbaadayaan, waxayna meelaha qaar naf ka dayaan inay shacabka horay u kaxeystaan, si aan loo duqeyn oo shacabka dartiis loogu dhaafo.

Shabaab badan oo galabta lagu dilay Hiiraan iyo dagaalka oo ku fiday galbeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaan lagu magacaabo Buq-Goosaar oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay dagaalyanao ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 10 Shabaab ah ayaa maanta lagu dilay deegaankaas, kadib markii ay weerareen ciidanka dowladda oo garab ka helaya xoogagga hubka qaatay ee deegaanka.

Deegaanka Al-Shabaab lagu weeraray ee Buq-Goosaar ayaa dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne, waxaana halkaas si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka.

Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa baahisay in meydadka 10 dagaalame iyo 5 qori oo AK47 ah ay Al-Shabaab goobta uga carareen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka howlgalka ka socda HirShabeelle ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo ayaa hadda ku fiday galbeedka gobolka Hiiraan.

Inta badan deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle waxaa weli ku sugan Al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in howlgalladu ay hadda ku fideen qeybo ka mid ah galbeedka HirShabeelle.

In galbeedka loo jiheeyo ciidanka waxay ka dambeysay markii Al-Shabaab laga faro maroojiyey guud ahaan degmooyinka HirShabeelle, kadib howlgallo culus oo dhacay bilihii iyo todobaadyadii u dambeeyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay isaga cararto goobaha ay joogaan markii lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin – Ma xeelad militeribaa, mise tabar yari ay wajahayaan? Ma jirto cid ka jawaabtay weli su’aashaan.

 

Somaliland President apologizes for civilian deaths in LasAnod protests

0

Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland President Muse Bihi has taken responsibility for the deaths of civilians in LasAnod, a city in the breakaway region of Somalia, during ongoing anti-government protests.

Reports from hospitals in Hargeisa, the regional capital, indicate that most of the at least 20 civilians killed by security forces in the state died from bullet wounds. But in his remarks, Bihi put the death toll at three and stated that nine others were wounded.

“We are very sorry; we send condolences; the entire Somaliland shares the pain with you,” Bihi said in his statement, expressing regret at the loss of lives in LasAnod.

He promised to investigate the incident and withdraw troops from the town once stability had been restored but accused the federal government of Somalia and the regional government of Puntland of interfering in the affairs of Somaliland.

Bihi said Somaliland would not allow Mogadishu and Garowe to continue “interfering” in the region’s affairs.

President Hassan Sheikh Mohamud requested last week that the regional government and members of the security forces engage in immediate dialogue, emphasizing the need for stability in the region.

The president also condemned the use of excessive force by the security forces to quell the legal demonstrations.

On Tuesday, Puntland President Said Abdullahi Deni threatened a “military and political solution” if the situation in Somaliland persists. Deni refuted the claim that he was fully engaged in local political contests to the detriment of security in LasAnod.

He called on politicians and public intellectuals to come together to find a lasting solution.

Protests in LasAnod, the capital of the Sool region, erupted following the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi after he left a Mosque. The killing of a prominent figure has ignited outrage in the previously stable region.

The situation has led to condemnation from members of the international community. In a statement released on Sunday, the international community expressed their deep concern about the ongoing violence in LasAnod and the numerous civilian deaths and casualties that have resulted.

The statement called for calm and restraint and urged all parties to work towards de-escalating the situation and resolving tensions through dialogue.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the Somali government collapse and the civil war outbreak.

Despite its efforts, it has not been recognized as an independent state by any country or international organization.

Maxay tahay sababta loo soo fagay meydka Nabadoon Cilmi Hagar Guure? (Daawo)

0

Maxaas (Caasimada Online) – Meydadka todoba qof oo Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ku jiro ayaa dib looga soo fagay goob ay ku aaseen Al-Shabaab, waxaana mar kale meydadkaas lagu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa meydadkaan laga soo fagay god-weyn oo Al-Shabaab ay ku rideen laba maalmood kadib markii ay ku dileen dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceelqooxle ee gobolka HIiraan bishii 9-aad ee sanadkii dhamaaday.

Goobta laga soo fagay meydadkaan waa deegaanka Al-Kowthar oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab ay geeyeen meydadka 7-da qof ee Nabadoon Cilmi Hagar uu ku jiro, iyagoo gaari ku jiidaya.

Seddax bilood ka hor 29-kii Sebtember 2022 ayaa dagaalka lagu dilay raggaan wuxuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelqooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaday, xilli ay ku sugnaayeen ciidan badan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar ayaa ka mid ahaa odayaashii hoggaaminayey ciidankaas, waxayna Al-Shabaab u qabeen cadaawad badan, taas oo keentay in markii ay dileen ay meydkiisa gaari ku soo jiideen isaga iyo raggii kale ee ugu waaweynaa ciidankii Xawaadle looga dilay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa meydadka 7-daas nin ayaa u soo bandhigay shacabka ku nool deegaanka Al-Kowthar oo xiligaas ay Al-Shabaab u talinayeen, waxayna maalin kadib ku rideen hal god, iyagoo aan siin xurmadii diinta suuban ee Islaamku ay u jideysay meydka muslimiinta.

Meydadkaan oo laga soo fagay godkaas ayaa shalay dib loogu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo salaadii Janaasada lagula tukaday.

Culumadii, odayaashii dhaqanka iyo masuuliyiintii ka qeyb gashay aaska ka dhacay Maxaas ayaa sababta meydadkaan dib loogu soo saaray waxay ku macneeyeen in Al-Shabaab aysan u aasin si islaamnimo ku jirto, isla markaana ay ku xadgudbeen xurmadii uu lahaa meydka dadkaan ay dileen.

Hoos ka daawo aaska

Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyay xog dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa toddobaadkan diirada lagu saaray miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo dhawaan uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu ansixiyay baarlamaanka.

Miisaaniyadda sanadkaan oo korortay, kana badan tii sanadkii hore ayaa gaareysa $973,985,805, oo dollar, waxaana hore aad uga dooday xildhibaanada labada gole oo ugu dambeyntii ansixiyey.

Sanad kasta waxaa kororta miisaaniyadda dowladda, waxaana jira kobac dhaqaale oo dakhliga gudaha ka soo xarooda ah, sida ay qirayaan hey’adaha ku shaqada leh miisaaniyadda dowladda.

Galka Baarista ayaa qeybaha uu dul istaagay ee miisaaniyadda dowladda waxaa kamid ah dhaqaalaha ku baxaya safarada iyo la-taliyeyaasha, taasi oo sanadkaan loogu daray tobanaan Milyan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo qaabilsan xiriirka caalamiga waxa kharashaadka safarada iyo shirarka ugu jira shan boqol oo kun oo dollar, Wasaaradda qorsheynta Qaranka waxa ugu jira hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar, halka sanadkii hore ay ka aheyd boqol iyo toddoba & konton kun oo dollar.”

Muniir Sheekh Axmed oo ah aqoonyahan dhanka Bangiyada iyo Maaliyadda oo lagu wareystay Galka Baarista ayaa sheegay in kororka miisaaniyada uu inta badan ka yimid dakhliga dibedda laga helo.

“Lacagta lagu bixiyo la-talinta waxay muujineysa in waddanka uusan ku kalsooneyn inay howsha fulin karaan ayada oo aan lala talin,” ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyadda ayaa asaguna dhankiisa difaacay kharashaadka safarada iyo la-taliyeyaasha, isaga oo sheegay in qeyb muhiim ah ka yihiin howlaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Lacagahaasi marka loo eego howsha lagu qabanayo ma badan, laakiin waxay badan yihiin marka loo eego miisaaniyadeena yar iyo boqoleyda ay ka noqonayaan. Miisaaniyadeena yar ayaa soo saareysa in safarada ay badanayaan,” ayuu yiri.

“Safarada waxay noqonayaan dhowr arrimood, kuwa arrimaha dibadda lagaga shaqeeyo oo kulamada caalamiga ah ee qeybta ka nahay la tago, waa ogtahay waxay u baahan tahay lacag adag oo wafdi tago oo adduunkii kamid tahay ayey noqonayaan.”

Waxaa xusid mudan in miisaaniyada sanadkaan ay noqoneyso tii ugu badneyd abid ee ay meel-mariso dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran:

Madaxweyne Muuse Biixi oo digniin u diray dowladda federaalka iyo Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd Laascaanood, ayaa digniin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland, oo uu sheegay inay ka dambeeyaan xaaladda taagan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay xal ka gaarista qalalaasaha ka taagan Laascaanood, islamarkaana ay ku filan yihiin ka maamul ahaan xalinta mushkiladaasi.

“Waxaa ka shirnay dhibaatada Laascaanood ka taagan sidii loo xalin lahaa, waxaanu isla garanay in Somaliland ay ku filan tahay howlaheeda, oo ay xalin karto arrintaa. Waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan dadkii ku dhintay Laascaanood, oo si kadis ah oo lama filaana arrintaasi Laascaanood uga dhacday,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa muhiimadda koowaad ku sheegay sugida amniga, isaga oo tilmaamay in markaas kadib laga howl-gali doono dhibaatada dhacday iyo xalinteeda.

“Talaabada ugu horaysa ee aan qaadayno waxa weeyi in nabada magaalada si buuxda loo sugo, kadibna waxgaradka reer Laascaanood lagala shaqayn doono xal u helista dhibta taagan.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambayso dagaalka uu maamulka Deni uu sheegay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhulkeeda difaacayso, xataa haddii shanta maamul goboleed soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, isaga oo u digay siyaasiyiinta qaarkood iyo maamulka Puntland ee ku baaqay in Somaliland ay ka baxdo Sool.

Waxa uu markii u horeysay shaaciyay in Somaliland ay qabatay inta badan dadkii dilalka ka geystay magaalada Laascaanood, taasi oo sabab u aheyd in magaaladaasi ka billowdaan dibadbaxyada isku rogay rabshadaha.

“Laascaanood dadka lagu dilay 2009 ilaa maanta waa 40 qof, waxa la qabtay 32 qof, 8-na waa fakad, waxaa la xukumay 23, 7 kiis kooda ayaa socda, 2-na maxkamaduhu way siidaayeen, dadk la dilay 24 ayaa ah masuuliyiin Qaran, 16-na waa shacab lagu dilay waxay taageersan yihiin dowlada Somaliland.”

“Mushkilada Laascaanood Somaliland oo dhan ayaa iskugu tagaysa, anaga oo walaalahayo waxa gaadhay ka xun, waana nu xalin karnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Muuse Biixi.

Somaliland rejects AU’s call for dialogue after deadly protests

Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland, a self-proclaimed republic in northern Somalia, has pushed back the African Union (AU) over its comments on the security situation in LasAnod, a city that has experienced deadly clashes between anti-government protesters and security forces. 

The protests began a week ago and were ignited by the assassination of a youth leader and opposition Waddani party member, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi). 

At least 20 people have been killed in subsequent clashes between anti-government protesters and the security forces.

In a statement, Souef Mohamed El-Amine said, “The security situation in LasAnod town of Sool region continues to be volatile. ATMIS encourages the stakeholders to address their differences through dialogue and negotiations for the benefit of the locality.”

In response to the AU’s call for stakeholders to address their differences through dialogue, the Somaliland Foreign Ministry said, “The Government of Somaliland will not tolerate seditious statements by ATMIS that go beyond their mandate as the Republic of Somaliland is an independent country.”

The ministry also called upon the international community to “condemn the provocations by some neighboring administrations and to stand by the Government of Somaliland as it ensures the security and wellbeing of its citizens.”

“Finally, we call upon the international community to condemn the provocations by some neighboring administrations and to stand by the Government of Somaliland as it ensures the security and wellbeing of its citizens,” it reads. 

LasAnod, a city located in the disputed region of Sool between Somaliland and Puntland (a semi-autonomous region of Somalia), has been a source of contention between the two sides. 

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not gained recognition as a sovereign state by the international community. 

R/W Xamza oo magacaabay guddi doorasho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaanatay baarlamaanka 11-aad.

Guddiga doorasho ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxay ka kooban yihiin 9 xubnood, sida lagu soo saaray wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Xamza ayaa magacaabistan u cuskaday qoddobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah iyo go’aanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Mudane Xamza markuu arkay wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017, ayaa wuxuu magacaabay guddigaan.”

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

Xubnaha guddigaan ayaa waxay kala yihiin;

  1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
  2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
  3. Cabdi Hiis Udan
  4. Cabdishakuur Abiib Hayir
  5. Cabdullaahi Cabdi Aden
  6. Mowliid Mataan Salaad
  7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
  8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
  9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

Guddigaan oo isla maanta shaqo bilaabay ayaa waxa la wada sugaya sida ay ka yeelaan kuraasta banaan oo kamid yihiin kursiga laga xayiray Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin iyo kursiga uu baneeyay agaasimaha cusub ee Mahad Salaad.

Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland oo madal Deni ka dhan ah ku dhowaaqay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda.

Qoraal kasoo baxay Madashaan ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dowladnimada, xasiloonida, midnimada iyo saraynta sharciga dowladda Puntland.

“Madasha waxay u taagan tahay xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabad-gelyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8-da Janaayo, 2024.”

Sidoo kale waxay si weyn u cambaareyeen xasuuqa lagu hayo shacabka magaalada Laascaanod oo maamulka Somaliland si xoog ah ku haysto, sida ay sheegeen.

“Madashu waxay ka tacsiyeynaysaa dadka sida arxan darrada ah magaalada loogu laynayo. Waxay ugu baaqaysaa xukuumadda iyo shacabka Puntland in ay garab istaagaan kacdoonka shacabka reer Sool.”

Madasha ayaa waxay ka digtay in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland.

Madasha ayaa sidoo kale waxay soo saartay baaq ka kooban 7 qoddob, kuwaasi oo kala ah;

1. In shacabka reer Puntland ka digtoonaadaan dhagarta siyaasadeed iyo marin-habaabinta lagu dhex wado nidaamka doorashooyinka.

2. In hay’addaha amnigu aanay ku dhex-milmin siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna u hogaansamaan sharciga.

3. Madashu waxay bogaadinaysaa isimada Puntland waxayna ugu baaqaysaa in ay qaataan dawrkoodii shariifka ahaa ee ay kaga jireen xasiloonida iyo midnimada Puntland.

4. In la isugu yimaado shir wada-tashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda doorashooyinka Puntland.

5. In la joojiyo diiwaan-gelinta hubaysan ee xukuumadda wado si looga baaqsado isku dhac amni iyo shaqaaqooyin ka dhasha hanaanka doorashooyinka aan loo dhameyn.

6. Sixidda Khaladaadka ku jira habka dimuqraadiyeynta Puntland, iyadoo asaas looga dhigayo 13-kii qodob ee ururada siyaasadda Puntland soo jeediyeen.

7. Madashu iyada oo bogaadineysa taageerada deeq-bixiyayaasha, hadana waxay ka digaysaa in aysan qeyb ka noqon hanaan doorasho oo xasilooni-darro abuuri kara.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madashaan maanta lagu dhawaaqay ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Ugandan soldier kills 3 colleagues in a shooting in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – A soldier from the Special Command Forces (SFC) Unit, part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), shot and killed three of his colleagues at the Halane compound in Mogadishu on Monday, according to sources. 

The incident happened at the Aljazeera gate at Halane compound, the headquarters of the Ugandan Contingent of ATMIS, previously known as AMISOM.

According to an anonymous source, the suspect, a corporal, had a dispute with a lance corporal the previous evening. 

The following morning, the corporal is said to have followed his colleague to his quarters and shot him dead. As the suspect returned to his position, he also encountered another colleague and shot him. A third soldier who came to investigate the commotion was also shot and killed. 

The suspect reportedly ran out of bullets and was subdued and arrested by a nearby soldier before additional help arrived.

The Uganda People’s Defense Force (UPDF), which provides the majority of troops for ATMIS, initially declined to comment on the incident. However, UPDF spokesperson Brigadier General Felix Kulaigye later confirmed the shooting to New Vision Newspaper in Uganda and affirmed that the suspect would be tried by a field court martial in Somalia. 

The identities of the victims and the motive for the shooting have not yet been established. After the shootings, the entire camp was put on alert. 

This is not the first-time soldiers serving with ATMIS have been involved in shootings. 

In May 2019, several soldiers shot themselves, while in June of the same year, a UPDF captain shot a colleague before turning the gun on himself. 

In October 2022, the army’s appellate court overturned the death sentences of two soldiers who, along with three others, had been convicted of killing seven civilians in Somalia.

The Halane compound, where the shooting took place, is a heavily guarded area in the capital city of Mogadishu that serves as the main base for the African Union Mission in Somalia. 

It is located near the Aden Adde International Airport and is home to various international organizations and diplomatic missions. 

The compound has been targeted by terrorist attacks in the past, leading to increased security measures being implemented to protect the personnel stationed there.

The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) is a regional peacekeeping mission operated by the African Union with the approval of the United Nations. 

It is headquartered in the capital of Mogadishu and has the mandate to support the Federal Government of Somalia in its efforts to establish stability and security in the country.  

ATMIS primarily consists of troops from Uganda, Burundi, Ethiopia, and Kenya, with smaller contingents from other African countries.

Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane iyo khasaare ka dhashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano SFC ayaa la sheegay in uu toogasho ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Askarigaan oo qeyb ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay saddex askari oo ay wada shaqaynayeen ka hor inta aan la xirin, sida ay xaqiijiyeen illo-wareedyo amni.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askarigaan uu fiidnimadii Isniintii isku dhaceen saaxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Lance Corporal, islamarkaana ay toogashadu dhacday 5:45 subaxnimo.

“Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri illo-wareedkan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in askariga ay rasaasta ka dhammaatay, isla markaana askari kale oo ka ag dhawaa uu qabtay.

Falkaan oo ka dhacay afafka hore ee saldhiga Xalane ee taliska ATMIS ayaa waxa sidoo kale xaqiijiyay Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda, UPDF Brig Gen Felix Kulaigye oo markii hore ka gaabsaday.

Kulaigye ayaa marnabaka hadlin dadka la dilay, balse waxa uu sheegay oo kaliya in illaahadda aan la xaqiijin sababta ka dambeysay toogashada, ayna socdaan baaritaano hordhac ah.

Askariga toogashada ka geystay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa marka ay soo dhamaato baaristiisa in la maxkamadeyn doono.

Gaas oo weerar ku qaaday Muuse Biixi – “Horey ayuu dad badan ugu laayey Hargeysa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas oo wareysi gaar ah siiyay Universal TV ayaa si adag uga hadlay xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dr. Cabdiwel Gaas ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq shacab uu ka dhacay magaaladaas, kadib markii ay Somaliland awood u adeegsatay shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u weeraray madaxweyne Biixi, isaga oo ku eedeeyay inuu horay dad shacab ahaa oo dhigayay dibadbax nabadeed uu ugu laayay Hargeysa.

“Meeshaas waxaa ka dhacay xasuuq shacbi ogow madaxweyne Muuse Biixi shalay sidoo kale dad si nabad ah u banaanbaxayey oo lahaa doorashaa rabnaa ayuu magaalada Hargeysa ku leynayey. Marka Soomaalida waxa ay tiraahdaa nin hooyadii dilay aayadii har uma jeedo,” ayuu yiri siyaasiga caanka ee Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Waxa kale oo uu tilmaamay in reer Laascaanood beegsi lagu hayey muddo 15 sanno ah, islamarkaana la dilayey dadka u ah haldoorka, taasina ay keentay kacdoonka socdo.

‘Dadkaas dhib weyn ayaa muddo heystay 15 sano ayaa dadka labeentooda ah la dilayey cidbaana sheeganeysay inay mas’uul ka tahay dhulkaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay haboon tahay in rabitaankooda loo daayo shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, si ay go’aan uga gaaraan masiirkooda.

“Arrinta Sool, Sanaag iyo Ceyn fikirgeyga waa weeye dadkaas masiirkooda, ayaga ayaa u madax banaan, haddi ay rabaan dowlad goboleed gaar ah ha noqdaan, haddii kale ciddii ay rabaan haku biiraan, haddii ay rabaan ha hoos yimaadaan dowladda dhexe” ayuu sii yiri.

Horey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo aan si aan li fileyn uga hadlay arrinta Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ciidamo u adeegsatay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in xukuumadda ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso xaaladda Laascaanood.

“Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweynaha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, wasaarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliiska, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland,.

SOMALILAND oo ciidamo horleh geysay Laascaanood iyo barakac ka billowday

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli cirka ku shareeran xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ku dhawaad 10 maalmood ay rabshado ka socdaan, kadib markii dilal aan la garaneyn cidda geysata ay magaalada joogto ka noqdeen.

Cabdikariin Olol waa Weriye ka tirsan Idaacadda VOA, wuxuuna ku sugan yahay Laascaanood, isagoo ka warbixinayey xaaladda magaalada ayaa wuxuu sheegay in magaalada laga qaxay oo dadku ay banaanka magaalada deegaameysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay ciidan militeri ah oo aad u badan soo dhoobtay jidadka magaalada, taas oo shacabka u suurta-geli weysay inay sii wadaan dibad-baxyada oo joogsaday labadii maalmood ee u dambeysay.

Weriyahaan ku sugan Laascaanood wuxuu sheegay in xiisadaan ay wada saameysay guud ahaan gobolka Sool, “Xaaladda taagan cabsi badan ayey dadka ku abuurtay, gaadiid badan oo dadka qaxinaya ayaa magaalada lagu dhex arkayaa, wax ganacsi ahna ma socdaan,” ayuu yiri.

Isgaarsiinta magaalada ayuu sheegay in mararka qaar hawada laga saarayo, iyadoo lacagaha laga isticmaalo gobolkaas ay yihiin kaliya kuwa danabeysan ee taleefoonada la isaga diro.

Somaliland ayaa guud ahaanba internetka ka jartay gobolka Sool, waxaana maalin isgaarsiin la’aan ah kadib dadka loo fasaxay ku hadalka iyo lacag dirista taleefoonada oo kaliya, taas oo ka dhigan in ilaa hadda gobolka Sool uusan internet ka shaqeyn.

Ganacsigii magaalada ayaa xirmay, sida uu sheegay weriyahaan, waxaana aad u yar dadka lagu arkayo gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo dariiq kasta ay askar militeri ah soo dhoobtay Somaliland.

Gaadiidka qoysaska qaxinaya qaar ayaa ka imaanaya gobollo kale, taas oo muujineysa baaxadda barakaca la socda Laascaanood, xiisadaan ayaa salka ku heysa ku qanacsanaan la’aan maamul oo dadka magaaladu ay qabaan, kadib markii Somaliland ay wax ka qaba weysay dalilka ku socda haldoorka magaaladaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Weriye Cabdikariin Olol oo Laascaanood ku sugan:

Aadan Madoobe oo guddi 10 xubnood ah u xil-saaray Laascaanood + Magacyada

Laascaanood (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan xiisadda haatan ka taagan magaalada Laascaanood.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa guddi gaar ah oo xildhibaano ah u magacaabay arrinta Laascaabood, kaas oo ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in guddiga uu magacaabay uu warbixin kasoo diyaarinayo shaqaaqooyinka ka socdo magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa guddiga lagu faray inuu si deg deg ah u howlgalo, kadibna uu warbixintiisa dib ugu soo celiyo golaha oo ugu dambeyn go’aan kasoo saari doono xiisada ka jirta Laasacaanood.

Dowladda federaalka ayaa horey u cambaareysay rabshadaha ka socdo Laascaanood, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo rayid ah.

Xaaladda magaalada ayaa kacsanayd maalmahan iyadoo ay ka socdeen bannaanbaxyo daba socday dil toddobaadkii hore loo gaystay mid kamid ahaa siyaasiiyiinta degaanka.

Qulqulatooyinkaas ayaa sidoo kale keenay in ay rasaas adeegsadanaa  ciidamada Somaliland, taas oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen 20 qof iyo dhaawaca tobanaan kale.

Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii 10-aad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaasi.

Dhanka kale waxaa isa sii taraya baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Gaas oo laba arrimood ku ammaanay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna ra’iisul wasaare hore oo soo maray dalka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, kadib isbeddalkii ka dhacay Soomaaliya, 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Gaas oo uu warramay Telefishinka Universal ayaa aad u boggaadiyay shaqo wanaagsan oo uu tilmaamay inay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasigan ayaa si gaar ah madaxweynaha ugu amaanay go’aankiisa ku aadan xoreynta dalka, si loo saaro kooxda Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladdu ay fursad ka heshay kacdoonka shacabka ee ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo sare u qaaday dagaalka socdo.

“Madaxweynihu mudnaanta uu siiyay la dagaalanka Al-Shabaab runtii aadbaan u boggaadinayaa, waana waxa kaliya ee hadda lagu qiimeyn karo waxqabad dhab ah oo muuqda oo aan is oran karno dowladdu waa ay ku faani kartaa intaas weeye,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale wuxuu ku aamanay dowladda sida ay u shaqeynayaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

“Dowladdu waxa ay u muuqataa dowlad wadajirta oo madaxweyne, ra’iisul wasaare iyo wasiiro oo wada shaqeyno-bey u egyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in weli shaqo adag laga rabo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, maadaama ay yihiin saaxibo horay usoo wada shaqeeyay.

“Niman saaxibo ah oo isku xisbi ah ayey ahaayeen labadaa nin laakin shaqo ayaa laga rabaa,” ayuu markale yiri Cabdiweli Gaas.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaabm, kaas oo inta badan ka socdo gobollada dalka Soomaaliya.

Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin xaafada Durdur ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ah, kuwaas la geeyay goobaha caafimaadka ee Laascaanood, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarka xalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha qaar ee Laascaanood oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii labaad.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Dhankooda ciidamada Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dibad-baxayaasha, waxay maalmihii lasoo dhaafay toogteen dhowr qof oo shacab ahaa, kuwaas oo aan waxba galabsan.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Mucaaradka K/Galbeed oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ee uu fadhigooda yahay Muqdisho ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee ku aadan shirka dib u heshiisiinta ayaga oo miiska soo saaray shuruudo cusub oo ay tahay in la fuliyo kahor shirweynahaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh ee maamulkaasi.

Musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ayaa warqad u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isugu iclmaamiyay shirka dib u heshiisiinta, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen guddigii uu shalay u xil-saaray arrimaha dib u heshiisiinta.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in aan lagala tashan magacaabidda xubnaha guddigaas oo ka kooban illaa 7 xubnood, waxayna sheegeen inay u jan jeeraan hal dhinac.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aan la fulin ballamihii hore, gaar ahaan in xal loo helo dhacdadii Baydhabo iyo in ciidamada laga dul-qaaday gurigii ay qabsadeen ee mucaaradka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan lasii deyn weli dadkii lagu xir-xiray Baydhabo, kadib rabshadihii dhacay, taasi oo ka mid aheyd qodobada laga hadlay.

Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay horey usoo jeediyeen in tallaabo laga qaado saraakiishii fulisay weerarkii 23-kii bishii hore, si looga gaashaanto dagaal markale ka dhaca halkaas.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa dabaday in la fuliyo dhammaan shuruudahaan, si looga wada-hadlo xiisadda taagan, xalna loogu helo arrimaha koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran, waxaana loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta oo furmayo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota.

Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay, markii ay mucaaradka diideen muddo kororsiga Lafta-gareen oo ay hal sano ugu dareen xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna taas sababtay in uu dagaal ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

DF oo shaacisay caqabado ka hor taagan inay sameyso lacag shillin Soomaali ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qorshaha lagu sameynayo lacagta shilinka Soomaaliga iyo caqabadaha hor taagan.

Wasiir Cilmi ayaa shaaciyey in kolhore Soomaaliya loogu deeqay oo bangiga adduunka uu balan-qaaday inta badan badan lacagtii lagu soo daabici lahaa shilin Soomaaliga, balse weli xal loo helin farsamooyin kale oo dowladda looga baahanyahay iyo lacag gaareysa 30 milyan oo dowladdu aysan awoodin.

Wasiirka maaliyadda oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hor taagan in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga ee dadka Soomaaliyeed ay milkiyadda u lahaayeen, wuxuuna sheegay inay jiraan laba caqabadood oo kala ah:

1 – In lasoo daabaco lacagtaas waxaa ku baxaysa 70 Milyan, lacagtaasna miisaaniyadeena kama go’do, marka bangigga adduunka ayaa mar dhexe noo balan qaaday in ka badan 40 Milyan, waxaana lagu balamay in 30-ka kale la raadiyo, welina waa taagan tahay arrintaas.

2 – Arrinta labaad ee caqabadda ah waa dhinaca farsamada, sida in Bangiga dhexe uu isku diyaariyo sameynta lacagtaas, waxaa loo baahan yahay in bangigu helo qalabkii loo baahnaa iyo ilaalinta qiimaha suuqa ee lacagta la sameyn doono.

“Waxaa haloo loo baaha doonaa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis ka galaan sidii lacagtaas ay uga wada shaqeyn laheyd dalka oo dhan, wadahadalkaas heshiiskii lagu maamuli lahaa lacagtaas waa socdaa hadda,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay in heer wanaagsan uu marayo diyaar garowga sameynta lacagta shilin Soomaaliga, sida in bangiga dhexe uu awood u leeyahay, balse farsamooyinka qaar ay ka dhiman yihiin iyo in la hayo kala bar ka badan lacagtii lagu sameyn lahaa shilin Soomaaliga.

Lacagta shilin Soomaaliga oo hadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya qeybo ka mid ah ayaa noqotay mid aad u liidata oo wax dayactir ah aan helin, sanadihii badnaa ee dalku uu burburka ku soo jiray.

Inta badan dalka hadda lagama isticmaalo shilin Soomaali, gobollada ay lacagtaasi ka joogsatay waxaa ka mid ah Galmudug, Somaliland, Puntland, qeybo ka mid ah HirShabeelle iyo qeybo ka mid ah gobollada Jubbaland, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada xiga xuduuda Kenya, sida Beledxaawo.