Saameyn weyn oo ka dhalan karta fadeexadda musuq-maasuq ee ciidanka Danab

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadda wayn ee hareysay ciidanka kumaandooska Danab ayaa gaartay meeshii ugu xumayd, taas oo ay qiraal ka sameyay dowladda federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay musuqa lagu sameeyay raashinkii ciidankaasi.

Warka kasoo baxay dowladd dhexa, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in saraakiil sare loo xiray falkaasi, ayna socoto baaris dheeraad ah.

Sidoo kale arrintan ayaa waxaa si weyn uga carooday Mareykanka oo tababaro ciidankan, wuxuuna joojiyay taageeradii ciidanka Danab ee Soomaaliya.

Haddaba Saameyn intee la’eg ayaa ka dhalan karta musuqa ciidanka DANAB?

Korneel Yuusuf Xuseen Dhankad oo ka faalooda arrimaha amniga ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in waxa dhacay ay dhaawac ku yihiin ciidanka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay lid ku tahay ballan-qaadkii madaxweynaha ee la xiriiray la dagaallanka musuq-maasuqa ka dhex jiray hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Arrintaas waxay dhaawac wayn u gaysan kartaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Danab oo aan ognahay inay dowlado shisheeye ay gacanta ku hayaan, oo runtii kaalin muhiim ah kaga jiro howlgallada ka dhacaya waddanka” ayuu yiri Dhankad.

Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo lagula xisaabtamo shaqsiyaadkii ku kacay falkaasi, sida sharciga loo horkeeno.

‘Waa arrin u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto oo cid kasta oo ku lug yeelata in tallaabo laga qaado, waana ku rajo waynahay in laga howlgeli doono” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan saameyn ku yeelan karto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayna muraal xumo u keeni karto ciidanka Xoogga dalka.

“Ciidanka gebi ahaantiisa waxa ay ku geeni kartaa muraal xumo, haddii uu muraalka xumaado oo musuqu-maasuq noocaan oo kale ah uu yimaado inay kalsoonidii meesha ka baxdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeey Korneel Yuusuf Xuseen Dhankad.