Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday isbahaysi cusub oo ay Soomaaliya ku jirto

Riyadh (Caasimadda Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud  baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa qaabilay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Jordan, Ereteriya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti magaalada Riyad wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha.

Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Amiir Faisal bin farhan ayaa sheegay inay daneynayaan in xaalada gobolka ay noqoto mid degan oo aysan sii kicin mushkiladaha adduunka ka jira.

Soomaaliya ayaa meel muhiim ah kaga taal labada marin ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, waxaana muuqata in loolanka juquraafiga siyaasadda ee ka jira Gobolka inuu ka dhigi karo meel aad muhiim ugu noqon karta dalalka Caalamka, marka laga eego Istiraatiijiyad ahaa halka ay Soomaaliya ku taalo.