Ciidamada Somaliland oo xabsiga dhigay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland

Laascaanood (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee G/Sool, ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen Mas’uul ka tirsanaa Dowladda Puntland.

Mas’uulkan ay xireen Ciidamada Somaliland ayaa hore usoo noqday Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, waxaana lagu magacaaba Abuukar Cabdi Geelle.

Abuukar Geelle ayey ciidamadu soo xireen isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Maamulka gobolka Sool ayaa xarigiisa ku sababeeyay Abuukar Geelle inuu waday qorshe ka dhan ah Somaliland oo taageero loogu muujinayo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen inay Maxkamd hor-geyn doonaan Abuukar, kuwaasi oo sheegay inay hayaan cadeymo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo.

Abuukar Geelle ayaa xiligii Madaxweyne Gaas soo noqday Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, kaasi oo markii dambe xilkii iska casilay bishii October ee Sanadkii hore 2018.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com