Mareykanka: Waan dilnay madaxii Shabaab ee…

Washington DC (Caasimada online) – Afhayeen u hadlay xarunta Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiIjiyey weerarkii ay qaadey diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ku hubeysan gantaalada isla markaana laga hago dhulka ee loo yaqaan Drone todobaadkii hore in lagu diley taliye sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

Jeff Davis ayaa sheegay in ay dileen Cabdiraxmaan Sandheere oo loo yaqaaney Cukaash.

Afhayeenka Pentagonka ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay 02 Disiimber, waxaana uu ka dhacay tuulada Kunya Barrow, Jeff ayaa sheegaya in dilka Sandheere uu dharabaaxo kulul ku yahay ururka al-Shabaab.

Ururka al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Diyaaradaha Drone-ka ayaa badanaa weerarka qaada markii signal ama aalad kale loogu xiro ama loo dhigo halka bartilmaameedka u ah, waxaana ay xaqiijinta natiijada weerarkoodu qaadataa maalmo. Marar badan ayaa ururka al-Shabaab meel fagaare ah ku toogteen rag ay ku sheegeen in ay basaaseen hoggaamiyaashooda kuwaas oo diyaarado aan duuliye wadine ay dishey.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com