25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Ciidanka Badda Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab hub geeyey Soomaaliya

Dubai (Caasimada Online) – Ciidamada Bada Mareykanka ayaa Gacanka Cumaan ku qabtay Markab hadda ka hor hub geeyey Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Warka kasoo baxay ciidamada badda ayaa lagu sheegay in markabka gantaalaha xambaara ee USS Cole uu markabkan ku qabtay meel u dhow biyaha dalka Iran.

Markabka ayaa isticmaalayey marin ay inta badan adeegsadaan doomaha iyo maraakiibta hubka u geeya kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Waxaa saarnaa maadooyinka kiimikada ee loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa.

Markabkan ayaa sanaddii tagtay waxay sidoo kale ciidamada Mareykanka ku qabteen xeebaha Soomaaliya ayada oo ay saarnaayeen hub badan, waxaana lasii daayey markii hubka laga reebay. 

Bayaanka kasoo baxay ciidamada badda Mareykanka ayaa intaas ku daray in markabka la qabtay 6-dii Janaayo, waxaana saarnaa shan qof oo u dhashay dalka Yemen.

Qabashada markabka iyo kiimikada halista ah ee saaran ayaa timid ayada oo ay sare usii kacayaan rabshadaha dalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo iyo dagaal-yahanada Xuutiyiinta.

Jimcihii, ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dulay 100 kalena waa lagu dhaawacay dalka Yemen kadib duqeyn ay fuliyeen Sacuudiga. Weerarka ayaa lagu beegsaday xabsi ku yaalla Yemen, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaal dib loogu riixayo Xuutiyiinta.

Weerarka ayaa sidoo kale dhacay maalin kadib markii Xuutiyiinta ay weerar loo adeegsaday diyaarado drone ah ku qaadeen magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo lagu dilay saddex qof, lix kalena lagu dhaawacay.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka BALCAD + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax xoogan oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirto magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la geliyey goob maqaaxi oo ku taalla deegaankaas, isla-markaana ay fariistaan askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay weerarkan qaraxa ah, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiro askar iyo dad shacab ah oo xilliga uu dhacayey qaraxa ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan qaraxaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Muddooyinkii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelahay Dhexe, waxayna dhowaan la wareegtay degmada Balcad oo ay heysatay muddo kooban, walow markii dambe ay dib uga baxday gudaha magaaladaasi.

Ciidamada GALMUDUG iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay Caabudwaaq

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo u dhexeeyey Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo howl-gal ka waday magaaladaas iyo rag hubeysan oo ku sugnaa xaafadda ammaana ee magaalada Caabudwaaq, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in rasaaseynta labada dhinac ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkan, kaas oo ka mid ahaa dableyda hubeysan halka uu dhaawac soo saaray askari ka tirsan ciidanka Galmudug.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, welina ma jiro wax faah faahin ah kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, taas oo keentay in Galmudug ay magaaladaasi geyso ciidamo dheeraad ah.

Si kastaba, howl-gallada haatan socda ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii looga hortegi lahaa amnia dirrada iyo dilalka ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Lix arrin oo sabab u ah amni-darrada iyo dilalka ka socda magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay mar kale ku laabatay dariiqii dilalka tiro beelka ah. Walwalka iyo cabsida heysa Shacabka caasimadda ku nool ayaa laba jibaarantay labadii Bilood ee lasoo dhaafay.

Seddaxdii todobaad ee u dambeysay waa naadir Habeen ama Maalin aan Muqdisho lagu toogan qof shacab ah. Sida aan ogaanay seddax waji ayey dilalku leeyihiin.

Qaar waa kuwo qorsheysan oo laamaha amnigu sheegeen inay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, qaar waxaa fuliya burcad ka tirsan ciidanka dowladda oo rabta inay dhacaan dadka shacabka ah, kuwana waxaa dhaliya isticmaalka saa’idka ah ee daroogada oo si ba’an ugu faaftay caasimada Muqdisho.

Dadka magaalada waxay isku dhinac wadaan cabasho iyo aaska meydadka, mana muuqdo qorshe deg deg ah oo wax ka qabanaya arrintaan.

Dalku wuxuu ku jiraa xilli doorasho, dad badan waxay is waydiinayaan maxaa u sabab ah dhibaatooyinka amni ee caasimaddu la ciir-ciireyso maalmahaan?.

Dhowr arrimood ayaa loo arkaa sababta ka dambeys dhibaatadaan.

1- Dhaqaale la’aan

Caasimadda Soomaaliya waxay wajheysaa dhaqaale xumo, kaalmadii dibadda ayaa hoos u dhacday, ganacsatadii ayaa yareeyey dhaq-dhaqaaqooqda wax soo dajinta, iyagoo ka walaacsan xaalka siyaasadeed ee dalka.

Lacagihii kaashka ahaa ayaa badi dalka laga saaray, dhaqaale xumadaan waxay saameysay dhinac walba oo kamid ah Bulshada.

Mar walba oo magaalada dhaqaale la’aan ka dhacdo askartu waxay isku dayaan inay hunguriyeeyaan jeebka shacabka, iska caabinta ka dhalatana waxay badisaa geerida.

2- Madaxdii Ciidanka oo aaday Siyaasadda

Nidaamka Madaxweyne Farmaajo wuxuu hunguri siyaasi ah geliyey dhammaan hoggaamiyaashii ciidanka dowladda, Xamar waxaa Hoteellada fadhiya saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada.

Waxay raadinayaan xildhibaanimo ama nidaamka talada haya ayaa usoo dhiibay qof reerkooda ah oo la rabo inay xildhibaan kasoo dhigaan oo ay beesha kasoo iibiyaan.

Shaqada siyaasadeed ee loo diray saraakiishii ciidanka ayaa dhalisay firaaq amni.

3- Khilaafka madaxda sare

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo noqnoqday khilaafka madaxda sare ee dalka, ciidanka ayuu dhowr jeer kala qeybiyey khilaafkaan, mar walba oo madaxda sare ay isku dhacaan waxay hoggaanka ciidanka la kala saftaan madaxda is heysa, waxaana hoos u dhacda kala amar qaadashada ciidanka.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu qeyb ka yahay waxyaabaha sababay dayac amni ee ka jira Caasimadda Muqdisho, maadaama aysan askartu si buuxda iskula shaqeyn hadda.

4- Wada-shaqeynta la’aan ciidanka iyo Shacabka

Markii la joogo magaalada Muqdisho waxaa aad u yar cilaaqaadka ka dhaxeeyo laamaha Amniga iyo Shacabka, waxaana jirin kalsooni badan, askartu uma sameysno mana hayaan aragti lagu soo jiidan karo ama lagu dhex geli karo bulshada.

Halka dhanka dadweynaha taalo aragti sheegeysa ciidanka laftirkooda lagala kulmi karo dhibaato Amni oo ay tahay in laga fogaado oo aan lala macaamilin.

Waa la isku dan ah oo haddana is diidan .

5- Maandooriyaha

Caasimadda waxaa kusoo batay isitcmaalka iyo ka ganacsiga noocyada halista ah ee maandooriyaha. Magaaladaan muddo dheer waa ka bad qabtay dhibaatadaas, laakiin hadda si xooggan ayaa loo iibiyaa looguna dhex faafiyaa dhallinyarada iyo ciidanka.

Dagaal xooggan iyo wacyi gelin Diineed oo arrintaasi la xiriirta ma muuqato. Askartu iyagoo aan miirkooda joogin ayey rasaas ku furaan qofkii ay doonaan.

6- Ciqaab la’aanta dilaayaasha

Muqdisho waxaa ku badan askarta gacan ku dhiiglayaasha ah. Labadii Bilood ee lasoo dhaafay wixii Shacabka laayey waxay u badnaayeen Askarta Dowladda, badankood lama qaban lamana ciqaabin.

Mar walba oo la diciifiyo ciqaabta waxaa abuurma dambiilayaasha cusub.

Maxaa xal u ah dhibaatada Muqdisho?

Dad badan waxay qabaan in haddii hoggaanka ciidanka kasoo haraan siyaasadda oo shaqadooda xoogga saaraan oo khilaafka madaxda sare iyo hey’adaha amniga lakala ilaaliyo oo la abuuro aragti cusub oo ay ku wada-shaqeyn karaan Shacabka iyo hey’adaha Amniga oo si buuxda loola dagaalamo Daroogada oo sio deg deg ah loo ciqaabo gacan ku dhiiglayaasha oo ciidanka joogteeyaan roondada iyo ka war qabka magaalada waxaa la aaminsan yahay in xaaladda Muqdisho ay dhaami laheyd sida ay Maanta tahay.

Falcelin taariikhi ah oo ka dhalatay GO’AANKII DF ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka iyo inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya liiskii lagu daray ee argagixisada uga saareen Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa soo kala saaray qoraalo ay ku bogaadinayaan qaraarkii ay maanta qaadatay xukuumadda Rooble.

Hoos ka akhriso qoraaladii ay soo saareen siyaasiyiintaas:

Xasan Sheekh Maxamuud: “In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.” 

Shariif Sheekh Axmed: “Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.”

Cumar Cabdirashiid: Waxan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii  ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagaxx. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Well done PM @MohamedHRoble.

Axmed Madoobe: Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso. 

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.

Abshir Bukhaari: Mahadcelin ballaaran & bogaadin ayaan u dirayaa xurmadle Ra’iisal wasaare @MohamedHRoble & Golihiisa wasiirada oo maanta baabi’iyey wax-kama-jiraanna ka dhigay go’aankii dhagarta ahaa 2017 ee hoggaankii Nabad & Nolol @M_Farmaajo & @HassanAKhaire ay ugu gacan geliyeen galeen dowlada Itoobiya halgamaa Cabdikarim Sheekh Muse Qalbidhagax isla markaasna ay ugu aqoonsadeen ururka gobonimo-u-dirirka ahaa ONLF urur agagixiso. Go’aankaas waxa uu ahaa godob ay ka galeen shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed kuna magaca ummadda Soomaaliyeed.

Aadam Aw-Xirsi: Kani waa go’aan taariikhi ah. Run ahaantii, waa bar madow oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed laga fujiyey. Qaarkiin baa la gole iman doona “dan siyaasadeed ayaa go’aankan laga leeyahay.” Waxaan kuwaa ku leennahay “yeelko.” Boqol danood ha laga lahaado haddii la doono.

Wixii sax ahi waa sax, waxna nagama gelin ciddii dan kale ku dhex wadata, iyaduu mindhaa ajarku uga yaraanayaa.

Cashar: 

1- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in xafiiska looga dambayn doono. 

2- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in aysan nacamlayaashu is-garab taagi doonin markii ay xaaladdu is beddesho.

3- Waa in uu mas’uul kasta oo Soomaali ahi ogaadaa in go’aan kasta oo aan sharci iyo anshax ku fadhiyin ee ay isaga iyo nacamlayaashiisu meel ku xarriiqaan, in isagoo Xamar dhinac ka jooga — ama hadduu rabo xafiisyada dhinac ka fadhiya — qashinka uu qoro daaqadda laga tuuri doono.

Cabdiraxmaan Caynte: Xurmadle @MohamedHRoble wuxuu taariikhda Soomaaliya ka galay baal dahab ah, sida waddaniyadda leh ee uu uga dhiidhiyey gaboodfalkii foosha xumaa ee lagula kacay halgamaa Qalbidhagax markii loo dhiibay taliskii TPLF ee Itoobiya, iyo summadeyntii gurracneyd ee ONLF. Guuleyso

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: “Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.”

Axmed Macalin Fiqi: “Go’aankii maantay golaha wasiiradu ay gaareen wuxuu caddaynayaa in danbi kasta oo dalkan laga geysto haba soo daahee maalin un in cadaaladiisa la gaari doono! Haddii sharcidarro horey Barlmamaanku ugu tilmaamay go’aankii golaha wasiirada ee 06 September 2017, maantana raalli gelin laga bixiyey arrintaas, lagana noqday go’aankii qaldanaa, waxaa dhiman in ciddii k mas’uulka ka ahayd xadgudubkaas in sharciga la horkeeno, loona saaro guddi qaran oo baaritaan sax ah soo sameeya.”

Mahad Salaad: Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa Wasiirada in ay ka laabteen go’aankii ceebeed ee QALBI-DHAGAX lagu dhiibay, ONLF-na loogu gefey. Waxay ahayd bar-madow oo ku suntaneed dadka iyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Ra’iisul Wasaare waad ku mahadsantahay in aad naga xoreysay go’aankaas ceebeed ee Farmaajo iyo Khayre ay bideen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aad u soo dhaweeyey go’aankii ay galabta golaha wasiirrada Soomaaliya uga saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF.

Qalbi-Dhagax waxa uu sheegay inay qaateen raali gelinta xukuumadda Rooble, balse aysan cafi doonin xubnihii ka soo shaqeeyey in Itoobiya loo dhiibo, ururka ONLF-na lagu shaabadeeyo argagixiso, isagoo cadeeyey in kiiskiisa gacanta ugu weyn uu ku lahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Daawo: Beyle oo ka hadlay arrinta laga faafiyey ee Qalbi-Dhagax iyo ONLF iyo sida ay maanta wax u dhaceen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa iska soo duubay muuqaal uu ku beeniyey in maanta uu diiday go’aankii ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax looga saaray liiska argagixisada oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Xasan Cali Kheyre ay ku dartay.

Markii uu galabta soo baxay go’aankii ay xukuumadda Rooble ku saxday khaladkii hore ayaa waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey in Wasiir Beyle inuu ahaa codka kaliya ee diiday kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in mudadii uu socday shirka golaha wasiirrada uu soo jeediyey in dib loo dhigo ajendaha ku saabsan arinta Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in u jeedkiisu uu ahaa in kiiskaan loo maamuuso sida uu u weyn yahay, balse mar kasta uu taageersanaa halganka gobonimo u dirirka ah ee ONLF.

“Waxaan Internetka ku arkay warar been abuur ah oo dhahaya Beyle waxuu diiday in ONLF laga saaro liiska madow, arrintaasi waa been, markii wax la falanqeynayo waxa jira ajende, ajendaha nooguma jirin arrintaan, marka anigu waxaan soo jeediyey in kiiskaan muhiimadda uu leeyahay loo yeelo oo ajendaha lagu soo daro, aniga ka Beyle ahaan ma dhici karto in walaalahey ONLF aan dulmiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu sheegay in madaxda ONLF ay saaxiibo yihiin oo qaarkood ay horay u soo wada shaqeeyeen, haatana uu u aqoonsan yahay rag guul ka gaaray gobanimo u dirirkooda.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ra’iisul wasaaraha oo maanta ajendahaas nahor keenay oo muhiimadiisa siiyey kiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Hoos ka daawo

Qalbi-Dhagax oo sheegay tallaabo ay qaadayaan kadib go’aankii xukuumada Rooble

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo galabta golaha wasiirrada Soomaaliya ay ka saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo soo dhaweeyey go’aankaas, aadna ugu mahadceliyey xukuumadda Rooble.

Qalbi-dhagax ayaa tallaabadii maanta go’aan geesinimo leh ku tilmaamay, isagoo shaaciyey inay qaateen raali gelintii golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoo ku hadlaya magaca ururka ONLF.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu mahad celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuumadii Xasan Cali Kheyre ugu aqoonsatay argagixisada.

Qalbi-dhagax waxa uu sheegay in ONLF ay meel kasta dabaal degyo ka dhigeyso caawa, isla markaana ay soo saari doonaan war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku shaacinayaan soo dhaweyntooda go’aankaas.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay kula kulmeen magaalada Nairobi ee dalka, isla markaana uu xiligaas ka balan qaaday in burburinta go’aankaas ay mar un xukuumadiisu ka fariisa doonto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu qorsheynayey in mar hore la gaaro go’aankaan, balse ay jireen jid gooyo siyaasadeed oo uu kala kulmaayey xafiiska Farmaajo iyo dhinacyada taabacsan.

“Mas’uuliyadda koowaad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kadib markii la I dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas magtiisii anigaa dhiibaye, sidoo kale golaha wasiirrada isagaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubnood wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmiga ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

QARAX lagu dilay mas’uul oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Xasan Ganey oo ahaa guddoomiyihii waaxda 5-aad ee maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa goordhaw lagu dilay xaafadda Xoosh ee degmadaas.

Dilka Guddoomiyaha ayaa loo adeegsaday qarax miino oo lagu diyaariyey wada, waxuuna qaraxaas gaarigiisa haleelay salaadii Maqrib kadib.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guddoomiye Axmed Xasan uu goobta ku geeriyooday, sidoo kalena ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ilaalo u aheyd masuulka la dilay iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, welina wax war ah kama soo saarin hey’adaha ammaanka Soomaaliya ama maamulka degmada Kaxda.

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa aad u liidatay mudooyinkaan, waxuuna qaraxaan ku soo aadayaa iyadoo xalay degmada Wadajir lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Macow, isagoo ka soo baxay Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha.

Mustafe Cagjar oo war kasoo saaray go’aankii kasoo baxay xukuumadda R/W Rooble

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay maanta xukuumadda Soomaaliya uga laabatay qaraarkii uu horay u gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo ka dhan ahaa ururka ONLF.

Waxa uu sheegay in go’aankii hore ee ururka ONLF loogu daray liiska argagixisada uu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax),” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dhaleeceeyay ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

“Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.”

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ka laabtay go’aankii uu golaha 2017 ku gaaray in ururka ONLF loo aqoonsado urur argagixisio, wuxuuna sidoo kale sheegay inay khalad aheyd in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax loo dhiibo dowladda Ethiopia.

Golaha oo kulan maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inuu isku raacay “In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Golaha ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray kadib markii uu ogadaay “in dhiibista Qalb-Dhagax aan loo marin sharciga, sidoo kalena soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin.”

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6-dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

Golaha Wasiirada DF oo ka laabatay go’aankii ONLF iyo Qalbi Dhagax laga gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.

Hoos ka akhriso go’aanka xukuumadda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalaaka Somaaliya:

Ka dib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia;

Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah: 1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ; 2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;

Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;

Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.

Kad bib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;

Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Ayuu isku Raacay:

1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.

2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.

3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.

4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.

Daaw: Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa shaaciyey in uu ka haray in uu markale u tartamo kursiga uu ku fadhiyo.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in tartanka kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu uga haray maadama uusan aqoonsaneyn sharciga uu dalka ku aaday doorasho dadban, kaasi oo uu sheegay inay ka dhalatay sida ay wax u socdaan iyo boobka baahsan ee ka jira doorashada Golaha Shacabka.

“Labo xildhibaan oo aniga ku jira xiligii la ansixinayay sharciga doorasho dadban lagu aaday waa diideen, dad badan oo maalintaas ila yaaban markaa diiday hadda waxay igu taageereen go’aankaas masiiriga ah ee aan qaatay. Go’aankaas wuxuu ahaa mid ka turjumayay waxa aan siyaasada ka aaminsanahay, waxaa haddana idin muuqata foolxumada ka socota maamulada dalka oo ay baalmareen habraacyadii, iskana soo qoranayaan qofka ay rabaan,” ayuu yiri.

“Waxaa ku wargelinaya umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beesha iska leh kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#089 in aan difaacaneyn oo u tartameyn sababaha aan soo sheegay awgood.”

Sidoo kale waxa uu musharaxiinta kursiga uu iskaga haray u hanqal taagaya u soo jeediyay inay ilaaliyaan maamuuska iyo magaca kursigan, oo ku asteysan xor iyo xalaal, sida uu sheegay.

Ciyaar Jecel ayaa maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uga digay in uu isku dayo in uu musuq-maasuqo kuraasta Golaha Shacabka oo uu kamid yahay midka uu maanta iskaga haray tartankiisa.

“Doorashada waa inay noqoto mid qabiilada iska leh kuraasta si xor iyo xalaal ah uga tartamaan. Waxaa uga digayaa in la isku dayo fara-gelinta kursigan, waxaana qaba in haddii loo madax-baneyn waayo kursigooda, uu dhici karo qal-qal amni oo saameya guud ahaa Galmudug.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, kadib heshiis ay 9-kii bishaan gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo dhigaya in la soo gaba-gabeeyo 25 February ee sanadkaan, iyada oo ay soo if-baxayaan musuq-maasuq hor leh.

Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey. Cumar wuxuu kasoo jeedaa jeedaa Daarood/Ogaadeen/Bahgari.

Kursiga labaad HOP107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa. Maxamed wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Jidwaaq/Bartire.

Sidoo kale kursiga HOP120 ayaa waxaa loo doortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod. Asad wuxuu kasoo jeedaa beesha Dir/Layiile Cali/Reer Aw-saciid.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP111. Wuxuu helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod. Cabaas wuxuu kasoo jeedaa Jareerweyne/Shambara.

Cabdinuur Cali Aadan ayaa isna qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP028 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Axmed Cabdi Maxameed oo la tartamayey. Cabdinuur wuxuu kasoo jeedaa Hawiye/Gaaljecel/Doqondiide.

Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa isna ku guuleystay kursiga HOP093. Wuxuu helay 74 cod, halka Mahad Nuur Cismaan oo la tartamayey uu helay 24 cod, waxaana halaabay 3 cod. Dr. Saciid wuxuu kasoo jeedaa Dir/Biyomaal/Sacad.

Abiy Ahmed oo qorsheynaya tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta dagaalka TIGRAY

0

Mekelle (Caasimada Online) – Milateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna “ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto awood naga celinaysa in aan galno, waaynu geli doonnaa, cadawgana waanu ka saaraynaa.” ayuu yiri General Abebaw Tadesse.

Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay ‘gebi ahaan’ meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintaan inaysan u suurta gelin in uu wax faah faahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.

Toddobaadkan laba diblomaasi oo Maraykan ah ayaa u duulay Addis Ababa si ay u riixaan xabbad-joojinta, iyagoo isku dayaya inay dhisaan calaamado muujinaya kalsoonida xiriir dhex mara dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee lagu eedeeyay in ciidamada Itoobiya ay ka geeysteen gobolka Tigreega.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qoomiyadaha, halka Abiy uu sheegay in TPLF ay dooneyso in ay la wareegto awooddii qaran ee ay hore u haysay.

VOA + Reuters

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa si adag uga falceiyey doorashadii xubnaha Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay gudaha magaalada Garoowe.

Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashadaas, isaga oo su’aallo badan ka keenay, gaar ahaan waxa kalifay in doorashada lagu qbato xero ciidan dhexdeeda.

Sidoo kale wuxuu su’aallo kale ka keenay sida guddiga doorashooyinka u wejihi karo arrimahan iyo cidda ay tahay in lagala xisaabtamo.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda,” ayuu ku yiri qoraalka uu saaray Cumar Cabdirashiid.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dhacdooyinkan aad uga argagax badan yihiin wixii ay horay uga baqayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah doorashada socota.

“Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay,” ayuu sii raaciyey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Garoowe oo ah tii ugu horreysay xubnaha Puntland ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa aad loo dhaliilay, waxaana xubnaha la doortay ay aad ugu dhow yihiin madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, kadib heshiiskii Muqdisho ee Golaha Wadatshiga Qaran, kaas oo lagu caddeeyey in wax laga beddalo hannaanka doorashada oo ay cabasho ka keeneen mucaaradka, laguna go’aamiyey in la soo gabagabeeyo 25 Feberaayo ee 2022.

Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKA ka dhex-qarxi raba RUSSIA iyo UKRAINE

London (Caasimada Online) – Britain ayaa Sabtidii ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Ukraine, ayada oo sheegtay in sirdoonka Russia ay la xiriireen siyaasiyiin hore oo reer Ukraine ah, si qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qabsanayo dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ma aysan bixin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso eedeynteeda oo timid xilli ay xiisad u dhaxeysa Russia iyo Reer Galbeedka oo ka dhalatay ciidamada Moscow ay dhoobtay xuduudda Ukraine.

Moscow waa ay beenisay sheegashooyinka Reer Galbeedka ee ah inay qorsheyneyso inay qabsato dalka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain waxay sheegtay inay heshay xog muujineysa in dowladda Ruushka ay ka fakareyso in sharci-dejiyihii hore ee Ukraine Yevhen Murayev ay ka dhigto hoggaamiyaha dalkaas.

“Uma dulqaadan doonno shirqoolka Kremlin-ka ee ah in hoggaamiye taageersan Russia madax looga dhigo Ukraine,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qortay Wasiirka Arrimaha Dibedda Britain Liz Truss.

“Kremlin-ka waa ay ogyihiin in qabsasho militari ay noqon doonto khalad weyn, islamarkaana UK iyo saaxiibadeeda ay ciqaab adag kusoo rogi doonaan Russia,” ayey tiri. 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa ku gacan seertay hadalkan, waxayna ku qeexday “been abuur”, ayada oo ku eedeysay Britain iyo NATO “inay kasii darayaan xiisadda” Ukraine.

“Waxaan ku boorineynaa Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada daan-daansi iyo faafinta beenta,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia.

Warka kasoo baxay Britain ayaa yimid maalin kadib markii diblomaasiyiinta ugu sarreeya Mareykanka iyo Russia ay ku guul-darreysteen inay horumar ka sameeyaan wada-hadallada xal loogu helayo xiisadda Ukraine. 

Russia ayaa sameysay dalabyo ay ka mid yihiin in Mareykanka ay hakiyaan is ballaarinta NATO ee dhanka bari, ayna ballan-qaadaan in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto NATO.

Mareykanka ayaa ku gacan seeray dalabyadaaas, hase yeeshee wada-hadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay sii socdaan.

SOOMAALIYA oo sanadkan dalal kale uga kor martay qiimeynta awoodda militariga

0

Washigton (Caasimada Online) – Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo saartay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sanadkan 2022-ka ay sameysay isbaddal.

Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka kooban 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakistan iyo Brazil.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horreysay.

Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sanadkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor maray labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.

Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.

Dhanka kale, Israa’iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dhaafay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo booskeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay.

Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tababartkoodaba.

Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii.

36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa kasoo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale.

Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo.

Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaalinta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya.

Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo hadda ah waddanka 10-aad.

Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan

Masar, Koonfur Afrika, Aljeeriya, Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Suudaan, Tuniisiya.

Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika.

11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, 12- Kenya, 13- Chad, 14- Zambia, 15- Uganda, 16- Zimbabwe, 17- Ghana, 18- Mali, 19- Suudaanta Koonfureed, 20- Cameroon, 21- Niger, 22- Botswana, 23- Ivory Coast, 24- Tanzania, 25- Mozambique, 26- Jamhuuriyadda Kongo, 27- Eritrea, 28- Muritaaniya, 29- Namibia, 30- Madagascar, 31- Burkina Faso, 32- Gabon, 33- Afrikada Dhexe, 34- Sierra Leone, 35- Liberia, 36- Soomaaliya

Waa sidee awoodda militeri ee Soomaaliya 2022?

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan. Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedhaay 65 gawaadhida gaashaaman ah. Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $30,450,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Isha: BBC Somali

Ciidamada DF oo ka hortegay QARAXYO la qorsheeyey

0

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saaka ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamada Gorgor iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxyaale oo dhaca koonfurta magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen xubnahaasi oo diyaarinayey gaari lagu soo raray qarxyo oo la sheegaya in lala damacsanaa Guriceel.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo war kasoo saaray howl-galkaasi ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan 7 xubnood oo uu jiro sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Guriceel, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Daa’uud Shaambil.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ciidamadu gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo jaakadaha qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaajiriyay 7 xubnood oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee Magaalada Guriceel iyo lix kale oo la socotay, waxa ay wateen Gaari Surf ah & Jaakado kuwa qaraxyada lagu fuliyo, Ciidamada ayaa ku raad-jooga saddex kale oo ka baxsatay gacantooda,”  ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Dhanka kale taliyaha ayaa aad u boggaadiyey laamaha ammaanka iyo shacabka Guriceel, maadaama uu sheegay in si wadajir ah looga hortegay weerarkaasi, kadib xogo ay heleen.

Guriceel waxaa muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku ballaariyey deegaanada hoosyimaada magaaladaasi.

Jubbaland oo qabaneyso doorashada 6 kursi iyo xubnaha ku fadhiyey oo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka imaanaya Jubalanad.

Qaban-qaabada doorashada ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaallo xeebeedka Kismaayo, waxaana loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Illaa 12 musharrax ayaa u tartamaya kuraasta maanta doorashadooda la qabanayo, kuwaas oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Lixda kursi ee doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah: 1-Hop107 oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan, 2-Hop114 oo uu ku fadhiyey Cabdulqaadir Maxamed Cismaan, 3-Hop120 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, 4-Hop111 oo uu ku fadhiyey Maxamed Nuur Iftin Shambara, 5-Hop028 oo uu ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir iyo 6-Hop093 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed.

Tartanka ayaa waxaa gabi ahaan laga reebay xildhibaanadii horey ugu fadhiyey 5 kursi ee ay Jubbaland qabaneyso doorashadooda, waxaana xubnaha la shaaciyey ee tartamaya ay yihiin kuwa cusub, isla-markaana ay ku jiraan xubno aad ugu dhow Axmed Madoobe.

Dhinaca kale guddiga doorashada Jubbaland ee SEIT ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Sida uu qorshuhu yahay doorashada ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee sanadkan 2022-ka, si markaas loo guda-galo doorashada madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto, kadib markii ay soo noq-noqdeen muranada ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Golaha Wasiirada DF oo qorsheynaya go’aan culus oo la xiriira kiiskii Qalbi Dhagax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay Maanta isugu yimaadaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay kiiska Qalbi Dhagax iyo ONLF.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay soo saaraan go’aan ku saabsan in laga laabtay go’aankii ay xukuumadda Kheyre liiska argagixisada ugu dartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa raali gelin buuxda siin doona Qalbi Dhagax oo si sharci darro ah dalka looga dhoofiyey isla markaasna loo gacan geliyey Dowladda Itoobiya, inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Rooble ay baal dahab ah ka geli doonto Soomaaliya haddii ay saxdo qaladkii ay ku kacday xukuumaddii ka horeysay ee Ra’isulwasaare Kheyre.

“Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka furayaan halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigayaa qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay Facebook.

“25 August maalintii Qalbi dhagax amarka Farmaajo looga dhoofiyey garoonka Muqdisho iyo 06 September maalintii xukuumaddii Khayre ay sharciyaysay dhiibista Qalbi dhagax iyo liiska argagixisada in lagu daro ururkiisii ONLF waxay ahaayeen maalmo madow oo dawladnimada Soomaaliya iyo sharciga dalkaba meel looga dhacay, gefna laga galay halgankii ay u taagnaayeen Ururka ONLF.”

Fiqi ayaa intaas ku daray “Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa.”

Xildhibaano cusub oo lagu doortay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP 114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey.

Kursiga labaad Hop107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa. Sidoo kale kursiga HOP120 ayaa waxaa loo doortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod.

Doorashada ayaa sidoo kale haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta la qabto doorashadooda waxayna kala yihiin:-

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-