31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Tirada Soomaali ku dhimatay Faransiiska oo korortay

0

Lyon (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa musiibada ka dhalatay dab xoogan xoogan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka kacay dhisme ku yaalla bariga magaalada Lyon ee Faransiiska, halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay qoys Soomaali ah.

“Run ahaantii musiibo weynbaa ka dhacday dalka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Lyon Innaa Lilaali Waa Innaa Ileyhi Raajicuun Allaha u naxariisto dadka halkaa ku geeriyooday guud ahaan, qoysas badan ayaa ku jiray dhismaha, hal qoys oo Soomaali ah ayaana ugu darnaa,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse oo ka mid ah Soomaalida ku nool Lyon.

Tirada dhimashada ayaa haatan sii korortay waxayna gaartay ilaa 10 qof oo ay 6 ka mid ah yihiin qoys Soomaali ah oo kala ahaa Hooyo, afar carruur ah oo ay dhashay iyo gabar kale oo ay ilmo adeer ahaayeen, sida uu xaqiijiyey Maxamed Axmed Muuse oo la hadlay VOA.

“Hooyadii iyo afar carruur ah oo ay dhashay iyo inan kale oo ay ilmo adeer ahaayeen intaas ayaa ku geeriyootay lix qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse.

Sidoo kale wuxuu intilmaamay in ay dhaawacyo soo gaareen saddex wiil oo kale oo isla qoyska ka mid ah, kuwaas oo laba kamid ah ay kooma ku jiraan, halka kan kale uu dhaawac fudud oo jab ah soo gaaray, kadib markii uu ka booday dhismaha dabaqa gubtay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay ku howlan yihiin ka Jaaliyad ahaan aaska carruurta iyo hooyada ku geeriyootay dabka ka kacay bariga dalka Faransiiska.

“Iminka waxaa socdo nidaamkii wax loo aasayay ee loogu soo wareejinayey Jaaliyadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri Maxamed Axmed Muuse.

Dhanka kale Xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa haatan baaris ku heysa kiiskan, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dabkani aanu u billaabmin si kama’ ah.

Daawo: Xildhibaanada BF oo shaaciyay arrin halis ku ah oo ka taagan xarunta golaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kahor hadlay kulankii Golaha ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda amni.

Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka mid ah xubnaha hadlay ayaa sheegay in la beddalay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalinayey xarunta Golaha Shacabka, isla-markaana lagu beddalay ciidamo cusub oo uu tilmaamay in aysan garaneyn halka laga keenay.

“Golaha amnigiisa la’iskuma halleyn karo, maxaa yeelay ciidankii loo soo tababaray in uu waardiyeeyo Golaha badankooda waa laga saaray meesha waxaa ka maqan ciidan kor u dhaafaya 50,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka tirsan Golahaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan aysan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday, isla-markaana ay halis ku yihiin amnigooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan garaneyn xasaanadda xildhibaanka, sidoo kalena aysan akhrin karin magaca ID-ga sida uu ku dooday.

“Ciidan aan la aqoon ayaa la keenay meesha amnigeedana ayey qatar ku yihiin, mana akhrin karaan magaca ID-ga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagneyd dood la xiriirta amniga xildhibaanada, kuwaas oo walaac ka muujiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Muqdsho, kadib markii ay kordheen muranada xildhibaanada iyo ciidamada sugaya ammaanka.

Daawo: Amniga madaxda DF oo la adkeeyay iyo ciidan cusub oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta heegan buuxa galiyay guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hay’adaha dowladda ee VIP, si ay u kordhiyaan mas’uuliyadda saaran ee amniga madaxda iyo xarumaha dowladda.

Taliyaha guutada oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa maanta soo bandhigay ciidamadan gaarka ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana u xil-saaran amniga qaranka, gaar ahaan madaxda sare iyo hay’adaha dowladda kuwa VIP-da.

Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan loo diyaariyay inay ka hortegaan wax kasta oo halis ku ah amniga mas’uliyiinta qaran, isla-markaana ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, si ay iga hortegaan falalka liddiga ku ah amniga qaranka.

“Waxaa loo aas aasay oo ciidankan loo diyaariyay in wax kasta oo amni darro ah oo ku imaanaya mas’uuliyiinta qaranka iyo xarumaha inuu ka hortego, waana ciidan aad loo diyaariyay, loona carbiyay inay wax weliba dareemi karaan,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la kordhiyo tababarada ciidamadaan, si u helaan aqoon iyo gaadiid ay ku shaqeeyaan, si ay ulaba jibaaraan waajibaadka saaran ee amniga madaxda.

“Hadda waan sii dardar-gelineynaa dadaalka waxaan rajeynayaa in ciidankaan tababaro caalami ah helaan iyo gaadiid, kadibna Obareeshano fuliyaan,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba soo bandhigidda ciidamadan gaarka ah ee amniga madaxda dalka iyo hay’adda dowladda ee VIP ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo culeys xoogan soo saartay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Mahad Salaad oo maanta ka degay DOOLOW + Ujeedka

0

Doolow (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Mahada Salaad iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa Doolow ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka.

Agaasimaha NISA ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka, xilli ay maalmihii dambe xiisad siyaasadeed xoogan ka taagneyd Gedo.

Gobolka ayaa sidoo kale lagu wado inay ka bilaaban doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo Jimcihii ay halkaasi gaareen wasiirkii hore amniga dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare.

9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyooday degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax.

Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dowlad-gobaleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu kusoo beegmaya saacado un kadib markii Jubbaland ka dalbatay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas, ayada walaac xoogan ka muujisay xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooley ee gobolkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee kamid ah howl-galka ATMIS oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee degmada Qoryooley.

Dhawaaqa rasaasta ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga maqlayay guud ahaan degmada, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khaasaraha ka dhashay madaafiicda ay tuurayeen ciidamada Uganda iyo guud ahaan dagaalka ka dhacay degmada Qoryooley, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in uu jiro khasaare kooban.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda degmada Qoryooley ay xiligaan tahay mid degan, ayna si caadi ah u shaqeeynayaan isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howl-galka ATMIS. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ATMIS oo la xiriira weerarkaan.

Taliska booliska KENYA oo soo saaray amar cusub oo difaac u ah Axmed Rashiid

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Kenya Japhet Koome ayaa ciidanka booliska dalkaasi faray inay adeegsadaan hubkooda, isagana difaacaan tuugada, xili ay dacwad arrintaasi la xiriirta ay gudbisay IPAO.

Taliye Japhet ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha hay’adda IPAO oo ah tan kormeerta tacadiyada booliska Kenya.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uu taliyuhu ku difaacayo askariga Soomaaliga ah ee Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu suuqa Islii ku laayay.

Madaxa hay’adda IPAO Anna Makori ayaa si weyn u dhaleeceysay taliyaha booliska, ayada oo ugu baaqday booliska inay u hogaansamaan sharciga, ayna tixgaliyaan xuquuqda muwaadiniinta.

Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa dhamaadka bishii hore maxkamadda Milimani ee Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa hore u dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-dii December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhageysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaana la fahamsan yahay in dowladda Kenya ay taageersan tahay ninkaan, ayna isku dayeyso inay ka badbaadiso dacwadaan.

Axmed Rashiid ayaa sidoo kale waxa uu taageero ballaaran ka helaya shacab is abaabuley oo isugu jira qowmiyadaha kala duwan ee Kenya, kuwaasi oo ku doodaya in uu wax weyn ka qabtay amniga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay qeyb ka tahay xaafada Islii.

Fadeexadda ‘Qatargate’: Doha oo tallaabo ciqaab ah ugu hanjabtay Midowga Yurub

Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa maanta cambaareysay baaritaanada musuq-maasuq ee ay wadaan booliska Belgium iyo hakinta la-macaamilkii dalkan ee baarlamanka Midowga Yurub, ayada oo sheegtay in tani ay “si taban” u saameyn karto xiriirka labada dhinac iyo qeybinta gaaska dabiiciga ah.

Bayaan uu soo saaray diblamaasi Qatari ah ayaa si gaar ah ugu xusay mas’uuliyiinta Belgiam, wuxuuna ku adkeystay in la isticmaalay “xog aan sax ahayn.”

Booliska dalka Belgium ayaa xiray afar qof oo ay ku jirto madaxweyne ku-xgeenkii baarlamanka Midowga Yurub Eva Kaili, oo ah xildhibaan Greece ah kadib markii ay heleen lacag dhan 1.5 milyan oo Euro. Kaili ayaa xilka madaxweyne ku-xigeen laga qaaday Khamiistii. 

Lacagtan ayaa la tuhunsan yahay inay ka timid Qatar, waxaana baarlamanka Midowga Yurub uu todobaadkii hore dalbaday in Qatar laga joojiyo xiriirka baarlamanka.

Fadeexaddan oo loogu magacdaray “Qatargate” ayaa timid xilli dalal badan oo Yurub ah ay Qatar ka doonayaan inay siiso gaaska dabiiciga ah. Qatar ayaa sidoo kale aheyd xiriirka dalalka Yurub ee Afghanistan, waxayna kumanaan Reer Yurub ah ka caawisay in dalkaas laga soo saaro markii ay qabsadeen Taaliban.

“Go’aanka lagu soo rogay xayiraadda noocan oo kale ee takoorka ah ee xaddidaysa wadahadalka iyo iskaashiga Qatar ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn hannaanka sharciga, waxay saameyn taban ku yeelan doontaa iskaashiga amniga gobolka iyo kan caalamka, iyo sidoo kale wadahadallada socda ee ku saabsan tamarta iyo amniga adduunka,” ayuu yiri diblamaasiga.

“Waxaan si adag u diidaynaa eedeymaha dowladdeena la xiriirinayo dhaqan xumo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Qatar ma ahayn dhinaca kaliya ee lagu magacaabay baaritaanka, haddana dalkeenna si gaar ah ayaa loo dhalleeceeyay oo la weeraray.”

Sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta qaarkood, danaha Morocco ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan.

“Waxaan cambaareynta halka dhinac ah ee dalkeena u aragnaa mid looga walaaco,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dacwad oogayaasha Belgium ayaa sheegay inay baaritaan ku hayeen musuq-maasuqa baarlamanka Midowga Yurub in ka badan hal sano ka hor inta aan la qaadin howlgallada 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

“Waa arrin aad looga xumaado in dowladda Belgiam aysan wax dadaal ah ku bixin in ay dowladdeena kala hadasho xaqiiqada marka ay ogaadeen tuhunadaas,” ayuu yiri diblamaasiga.

Bayaanka ayaa lagu xusay xiriir “dhow” oo Qatar kala dhaxeeya Belgium.

“Dalalkeena way iskaashadeen intii lagu jiray Covid-19, Qatarna waa qeybiye muhiim ah oo gaaksa dabiiciga ah siiya Belgium,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qatar waxay dareemeysaa in si gaar ah loo beegsadaday sababtuna ay tahay xasaasiyadda kala dhalatay eedaha loo jeediyey Qatar ee la xiriira Koobka Adduunka iyo mart-gelinteeda. 

“Go’aanka ah in si gaar ah wakiillada hal waddan looga mamnuuco baarlamaanka Midowga Yurub ayaa muujinaya in xildhibaanada si weyn loo marin habaabiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waa nasiib darro in qaar ay ku dhaqmeen naceyb hore oo ka dhan ah Qatar oo ay go’aanadooda ku saleeyaan xog aan sax ahayn iyo war la dusiyey halkii ay sugi lahaayeen in baaritaanka la soo gabagabeeyo.”

Hanjaabadda Qatar ayaa imaneysa ayada oo Doha ay leedahay awood aan caadi aheyn oo ay ku ciqaabi karto dalalka Midowga Yurub, sababo la xiriira inay tahay dalka soo saara gaaska ugu badan ee dabiiciga ah ee caalamka, oo muhiim u ah guryaha Yurub xilliga qaboobaha iyo guud ahaan xilliyada kale.

Dalalka Yurub ayaa Qatar u jiheystay kadib markii Ruushka uu weeraray Ukraine, oo ay go’aansadeen inay yareeyaan ku tiirsanaantooda gaaska Moscow. 

 

 

Waxyaabaha aad u baahan tahay inaad ka ogaato xiisada siyaasadeed ee K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo idlaaday, kaasi oo afar sano ka hor loo dhaariyay xilka ugu sareeya maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Lafta-gareen waxay hal sano ugu dareen xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ahaa afar sano, kuwaasi oo ku sheegay sababta inay tahay iswaafajinta xil-heynta madaxweynaha iyo midda baarlamaanka oo hal sano kala horeeyay.

Shirar isdaba-joog ah oo Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed ayey ku qaadaceen muddo kordhinta loo sameeyay Lafta-gareen, iyaga oo sheegay in xil-heyntiisa ay ku eg tahay inta uu siiyay dastuurka.

Sidoo kale waxaa fashilmay sida muuqata isku dayo la rabay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka, kadib markii ay laba maalmood ka hor si wada-jir ah u soo wada saareen guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweyne Lafta-gareen in 5-ta January 2023 uu qabsoomi doona shirka dib-u-heshiisiinta.

Siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi oo markale Muqdisho shir ku qabtay ayaa War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay si buuxda u qaadaceen War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ee shirka dib-u-heshiisiinta.

Waxaa xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed uu shalay amray in aan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi, taasi oo saameynaysa askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka heysta hubka sharciga iyo kuwa aan sharciga ahayn.

Arrintaan ayaa soo ifbixineysa walaaca uu maamulka ka qabo in rabshado iska soo horjeeda ay ka dhacaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ee dowlad-gobaleedka.

Xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid lugaha la sii galeysa isdiidooyin siyaasadeed oo salka ku haya muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Odowaa oo sheegay sababta ciidanka uga baxaan degaanada ay qabsadaan qaarkood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay sheegay in ciidamada ay uga baxaan deegaanada qaarkooda qorshe uu ku dhisan yahay howl-galka socda.

Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galada xoreynta deegaanada ay iskugu jiraan laba nooc, kuwa ay sii joogaan ciidamada iyo kuwa kale oo ay burburiyaan markay qabsadaan.

“Howl-galku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tagtid in aad joogeysid, goobaha dagaalka qaar marka ciidanku gaaro waxaa loogu tala-galay in ay ku nagaadaan halka goobaha qaarkoodna loogu tala-galay in cadawga ku sugan laga saaro lana burburiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano, kuwaasi oo hoosyimaada gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

“Howl-galada kuma ekaanayaan gobolladaan, marwalba miisaanka howl-galku waxa uu saaran yahay meel, waxa aan dhihi karaa labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn.”

Dhowr jeer ayaa ciidamada huwanta si weyn loogu dhalleeceyay aagag ay dib uga soo baxeen, ayada oo saraakiisha ciidanku ay arrintaasi ku macneeyeen istiraatiijiyad ciidan.

Saraakiishaas ayaa sidoo kale hore u sheegay in xeelad dagaal dib uga gurtaan aagaga qaarkood, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku qasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen.

“Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga wareegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay bishii July, ayaa tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen sanado badan.

Jubbaland oo dalab la xiriira xiisada GEDO u gudbisay Ra’iisul Wasaare XAMZA

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka hadashay xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ka dalbatay in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in ka maamul ahaan walaac xoogan ka muujinayaan xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

“Dowladda Jubbaland waxay rajeynaysa in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay arrintaan wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah Dastuurka iyo xeerarka dalka u dagsan,” ayuu yiri.

“Jubbaland ayada oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah waxay qaadeysa tallaabooyin is-xigxiga oo xal u noqonaya xaalada gobolka, taas oo umadda gobolka Gedo gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.”

Waxa uu ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo inay garab istaagan nidaamka dowladnimada, kana hortagaan fowdada iyo qaska ay wadaan shaqsiyaadka ku howlan danahooda gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Inkasta oo uu madaxweyne ku-xigeenka shaqsiyaadkaas uusan carabaabin, haddana waxaa muuqata in uu ka hadlayo Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan oo dhawaan tegay gobolkaasi.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ka codsanayna inay arrintaan siiso mudnaanta ay leedahay, waayo arrinta gobolkaan oo la xaliyo waxay fure u noqoneysa la-dagaalanka argagixisada iyo dhismaha qaranimo Soomaaliyeed, maadama gobolka ku xeeran yihiin arrimo fara badan oo dhinacyo badan ka imaanaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu digniin u direy ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Gedo, oo uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, islamarkaana ka shaqeeyaan amniga oo kaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo, xili maamulka gobolkaasi uu si toos ah uga horyimid dowladda.

Ururada siyaasadda Puntland oo ku dhawaaqay tallaabo deg deg ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni in uu kala jebin ku waddo ururada siyaasadda, xili ay xalay kulan la qaateen.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururada siyaasadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in madaxweyne Deni uu ka leexday dhabihii dimuqraadiyadda, islamarkaana uu xagal daacinayo dhamaan dedaaladii socday ee ku aadana doorashada.

“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta.

“Ururada Siyaasada waxay ku baaqayaan in shirweyne isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Odayaasha, Culimada, Dhalinyarada iyo Haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ururada waxay u arkaan Guddiga doorashooyinka KMG “TPEC” inay yihiin kuwo aan dhex-dhexaad aheyn oo ku milmay xukumada talada haysa, oo aan lagu kalsoonaan karin sida ka muuqata tallaabooyinkii ay qaadeen iyadoon xal laga gaarin qoddobadii taagna.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Maadama madaxweynuhu ka weecday dhabihii dimuqraadiyadda, uu xagal daaciyayna dhamaan dadaaladii socday waxaan umadda la wadaagaynaa in wixii tallaabooyin ah ee aan loo dhameyn sida diiwaan-gelinta doorashada cawaaqib xumada ka dhalata uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynuhu.”

Ururada Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegen inay ka go’an tahay ka qeyb-galka iyo xaqiijinta doorashooyin xalaal ah, daahfuran, bulshadana dhaxalsiisa dowlad-wanaag, maamul daadjin iyo adeegyada dowladnimo oo dhameystiran.

Weerar kale oo lagu laayey Al-Shabaab badan oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqayn lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan December, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo muujineysa in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Weerar kale oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sabtidii waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

 Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2.

Maxamed Daahir Cali oo xukun dil ah lagu riday

0

Jowhar ( Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ee maamulka HirShabelle ayaa maanta xukun adag ku riday nin dhalinyaro ah oo fal dil iyo kufsi isugu jiray gabar da’yar ugu geystay duleedka magaalada Jowhar.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Cali ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ku heshay in dil bareer ah iyo kufsi u geystay Caasho Cabdullaahi Maxamed oo aheyd 17-sanno jir ku nooleyd deegaan dhaca duleedka Jowhar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Aamiin Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay ninkaan ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta Caasho Cabdullaahi.

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay ninkaan maanta la maxkamadeeyay inay gacanta kusoo dhigaan xilli uu baxsad ku jiray, waxayna kiiskaan ku wareejiyeen maxkamadda CQS oo ugu dambeyn  xukun ku riday gacan ku dhiiglaha.

15-kii bishaan ayey aheyd markii u horeysay ee maxkamadda ay u fariisatay dhageysiga dacwadaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa inta badan waxay xukuno kala duwan ku ridaa rag loo haysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo ay geysteen dilal iyo qaraxyo, balse waxaa aad u yar dad loo maxkamadeeyay inay kufsi iyo dil ay geysteen.

Xog: Sidee loo fuliyey, yaase fuliyey weerarkii lagu dilay Yuusuf Jingaab Wasiir?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkish-ka ayaa muhiim u ah guuldarrooyinka Al-Shabaab ku gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe, inkasta oo dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya aysan marnaba shaacin ku lug lahaanshahooda.

Rashid Abdi oo ah fallanqeeya ka tirsan Sahan Research ayaa rumeysan in dhulka Soomaaliya badankiis uu yahay mid ku habboon weerarada diyaradaha Bayraktar TB2.

“Dhulka Soomaaliya waa fidsan yahay, waxayna leedahay dhir dhuuban, maalmaha badankoodna ma laha daruur daboosha. Waa mid ku habboon diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 inay wax ku dilaan,” ayuu yiri Rashid Abdi.

Waxa uu intaas ku daray “Jihaadiyiinta waxay hadda si wada jir ah ugu cararayaan jeebabka dhulka cufan ee Jubbooyinka.”

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa muujinaya in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Kooxdan ayaa hadda laga xoreeyey inta badan maamul goboleedka HirShabeelle, kadib markii beelaha dega ay ayaga oo hubeysan si buuxda u garab istaageen ciidamada qaranka.

Koonfur Galbeed oo soo saartay awaamiir culus xili ay xiisad xoogan taagan tahay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay awaamiir culus oo la xiriirta dhanka amniga, xili ay weli taagan tahay xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu mamnuucnay in hub lagu dhex qaato magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayada oo fartay laamaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan qof walba oo ka talaabsada awaamiirtan soo socota:

1. Askari walba oo ka tirsan ciidanka militariga SNA ee qaybta 60-aad waxaa lagu amreyaa in ku sugnaado ama ku ekaado xeradiisa/xeradeeda, askarigii lagu arko asagoo/ayadoo magaalada dhexdeeda hub ku sita/sidata haba watee direyska ciidanka, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

2. Askari walba oo ka tirsan ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo nabad-sugida DKGS ee lagu arka isagoo/ayadoo direys la’aan ah hub ku sita/sidata magaalada dhexdeeda, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.

3. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo hadana haysta ogolaanshah wasaaradda amniga gudaha DKGS, haddii lagu arko isagoo/ayadoo u isticmaaleya/isticmaaleysa si ka baxsan sifadii ogolaanshaha hub qaadashada, waxaa lagala noqon doona ruqsadii loo siiyay hub qaadashada waana lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato.

4. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Amniga Gudaha DKGS, waxaa la fareyaa in muddo 10 cisho gudahooda ay la soo xariiraan wasaradda Amniga Gudaha laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18 December 2022-ka, cidii u hogaansami weyso amarka wasaaradda waxaa lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato.

5. Cid Allaale cidii lagu arko aydoo/isagoo hub ku sidata/sita magaalada Baydhabo dhexdeeda oo aan ka aheyn Ciidamada Ammaanka ah ee ku shaqada leh, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.

Dowladda oo soo bandhigtay mid kamid ah nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo lagu sheegay inuu kamid ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Shabaab-kii ku sugna gobolkaasi.

Waxay sheegtay in nabadoonkaan uu ka howl-gali jiray aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane, islamarkaana uu kooxda Al-Shabaab si gaar ah ugu qaabilsan ururinta Zakawaadka.

Nabadoonkaan ay dowladda soo bandhigtay ayaa waxa uu maanta isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee Shabeellaha Dhexe, kaasi oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa xusid in nabadoonkaan uu kamid ahaa dadkii Shabaabka horey usii raacay kadib markii laga saaray deegaanka Masaajidka Cali-Gaduud.

Duulaan culus oo lagu qaaday deegaannada Shabaabku weli ku dhuumaalaysanayaan ayaa waxay keentay in dad badan oo ka tirsanaa ay dib ugu soo laabtaan dhulkii la xoreeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u ballan-qaaday in aan la taaban doonin qofkasta oo isku soo dhiiba gacanta dowladda, kana soo baxa Al-Shabaab. Sidoo kale waxay dhowr jeer baaqyo kala duwan u dirtay weli dhalinyarada baaqiga ku ah kooxda ee la maran-habaabiyay, si ay naftooda ugu waayin dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada.

Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen xabsiga Baydhaba ka sii daayey maxaabiis badan

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhaba.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa qaar kamid ah xubnaha xabsiga laga sii daayey wuxuu ka bixiyey deymihii lagu lahaa, sida ay sheegeen masuuliyinta maamusha xabsiga iyo kuwo ka socday hey’adaha garsoorka.

Sababta uu Madaxweyne Laftagareen cafiska ugu fidiyey maxaabiistaan waxaa lagu sheegay inay la xariirto dabaal-degga sanad-guuradiisa 4-aad ee ka soo wareegtay inta uu xafiiska joogo.

Muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Laftagareen ayaa ku eg maalinta berritu ee 19-ka bishaan, waxaana taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kororsi hal sano ah oo baarlamaanka maamulkaas uu Laftagareen u sameeyey.

Abaabul ka dhan ah in Laftagareen uu xafiiska sii joogo ayaa ka socda Muqdisho oo inta badan siyaasiyiinta miisaanka leh ee ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed ay ku sugan yihiin.

Siyaasiyiintaan ayaa marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba, iyagoo xalay bayaan ay soo saareen ku sheegay in muddo kororsi aysan ogolaa doonin, waxayna cadeeyeen in marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba.

Hoos ka eeg sawirrada maxaabiistii lasii daayey

R/W Xamza oo Muqdisho ka iclaamiyey dagaal cusub oo aan aheyn kan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, isaga oo ku dhowaaqay dagaal ay xukuumadda ku baabi’ineyso musuq-maasuqa.

Xamza oo ka hadlay munaasabadaas ayaa ugu horeyntii sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada, islamarkaana caqabad ku ah horumar walba oo la sameyn lahaa.

“Musuq-maasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’iideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu hogaamiyo ay dardar-gelin doonto dhisidda hay’adaha iyo shuruucda la-dagaalanka musuq-maasuqa, si meesha looga saaro oo loolana dagaalamo musuqa dalka hormarkiisa la haray.

Soomaaliya ayaa sanadkii hore ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay hay’adda Transparency International.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay uga hortimid warbixinada hay’addaan oo ay shaacisay in aan la isku haleyn karin warbixinadeeda, ayna yihiin kuwa been abuura, hase yeeshe waxa aan la dafiri karin in dalkaan soo kabanaya uu musuq-maasuqa kamid yahay waxyaabaha ragaadiyay.

Cali Yare oo u jawaabay Axmed Macallin FIQI kuna baaqay in tallaabo laga qaado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin (Fiqi ah ee ku aadanaa in markale dib eegis lagu sameeyo kiiska mid kamid ah sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, una qaabilsanaayeen Muqdisho.

Dooddan ayaa timid kadib war cusub oo kasoo baxay ehellada Marxuum Maxamed Xaashi oo dilkiisa lagu soo eedeeyay inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay, kaas oo ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho oo ah qiysaasta Marxuum Maxamed Xaashi Faarax.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo dhankiisa ka falceliyay arrintaan ayaa ku baaqay in hubin lagu sameeyo kiiskan, dibna loogu laabto baarista.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Haddaba waxaa intaas kadib hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya jawaab kulul ka bixiyay siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali oo su’aal ka keenay fal-celinta Wasiir Fiq.

“Oo isagu soo Wasiirkii Gudaha ma ahan waa cidma cidda uu Facebook kala hadlayo?” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in hadalka Wasiirka uu ka hor imaanayo go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka Al-Shabaab, sidoo kalena uu qiil ui raadinayo kiis ay soo gunaanaday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne waxaan kugu casumayaa inaad dhageysato codkaaga oo ah qudbad aad October 1, 2022, ujeedisay bulshada aad Madaxweynaha u tahay adiga oo kor taagan meydka Shahiid, halyeey, Farxaan Qaroole.Mudane Madaxweyne maanta waxaa ku hortaalla xujo cad oo weyn, Maanta, December 18, Wasiir dowladaada ka mid ah ayaa si cad oo banaanyaal ah u jabiyay amarkaagii kana hor yimid go’aankii garsoorku gaaray. ayuu raaciyay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomalaiya inuu tallaabo adag ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha, isaga oo ku eedeeyay inuu jabiyay go’aankiisii ku aadanaa in saraakiisha sar sare ee Maxkamadda Ciidamada looga haro kiisaska la xiriira Al-Shabaab.

“Mudane Madaxweyne maadaama aad adigu tahay horumuudka dagaalka dalka looga xoreeynayo eeyaha naarta, Shacabku Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan tallaabada aad Wasiirkaaga ka qaadi doonto iyo inaadan wax tallaabo ah ka qaadin ok dagaalka eeyaha naarta lugula jiro ay saaxiibtinnimo kaala weynaan doonto oo dadka oo aan dhammaanteen wadadaada wada qaadi doonno,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Siyaasi Cali yare Cali.

Hadalkan ayaa dhaliyay dood xoogan oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Wasiir Fiqi, maadaama uu mugdi galiyay xukunka Maxkamadda Ciidamada oo hadal heyn dhaliyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka Ciyaaraha Fiinaalka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya xulalka Argentina & France oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar.

Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka Al-Shabaab.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqanayo waddankaan yar ee Qatar, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa safarkan kii ka horreeyay wuxuu ku tegay magaalada Washington, halkaas oo uu uga qayb-galay shirka iskaashiga Mareykanka iyo Afrika, isaga oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka.