31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Booliska MUQDISHO oo nolosha ku qabtay rag weerar culus soo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag nolosha lagu qabtay, iyagoo doonaya inay weerarro toos ah fuliyaan, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay iyaga iyo hubkooda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa soo bandhigay laba nin, Bajaaj iyo seddax qori, kuwaas oo doonayey inay weerarro ka fuliyaan degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan.

Sidoo kale waxaa Kaaraan lagu toogtay hal nin oo ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo doonayey inay weeraraan saldhigga booliska ee degmada Kaaraan, waxaana xusid mudan in ninka laga soo qabtay Kaaraan ay dhalinyarada degmadaas soo qabteen.

“Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa nolosha ku qabtay dhagarqabayaal hubeysan oo doonayey inay weerar ka geystaan degmada Kaaraan, waxaana halkaas lagu dilay hal dhagarqabe,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Sadiiq Doodishe ayaa intaas kun sii daray, “Howlgal kaler oo ay ka filiyeen ciidanka booliska Soomaliyeed degmada Deyniile ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe kale oo watay laba qori oo AK47 ah, oo halkaan aan ku soo bandhignay.”

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragaan lasoo qabtay ay aad u adeegsanayeen mooto Bajaaj-ta, “dhamaan howlaglladaas sameynay waxaan ku ogaanay in mooto Bajaajyo badan ay ku lug lahaayeen dembiyada dhacay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa shacabka Muqdisho u diray war-gelin ah inay ka taxadaraan mootooyinka, gaar ahaan dadka kala iibsanaya, isagoo kula taliyey inay Nootooyinka la tagaan oo kula wareegaan gadiidka ay iibsanayaan.

Hoos ka daawo

Wariye Jamaal Cismaan oo ka hadlay tarxiilkiisii Muqdisho iyo arrin ‘ay kula kacday’ DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa markii u horeysay shaaciyay is-hortaag lagu sameeyay xili uu soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wariye Jamaal oo shalay dib uga noqday Muqdisho ayaa muddo ku siman 24 saac ku sugnaa Hoteel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo loogu xanibay si uusan ugu sii gudbin magaalada.

Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in laga hor istaago gelista magaalada Muqdisho, islamarkaana laga tarxiilo caasimada Soomaaliyeed.

“Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah taliyeyaasha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ugu sababeeyay xanibaadiisa in uu bartimihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab, Mahad Karatee.

“Waa la kala fikir duwanaan karaa, baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la isdagaali karaa laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiiga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada.”

Barnaamijka oo Jamaal uu kasii daayay Channel 4 ayaa lagu haystaa inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab, isaga oo muujinayey inay dadku nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha argagixisada Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.

Laftagareen oo shuruud yaab leh ku xiray inuu xilka ka dego

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii uu baarlamaanka Koonfur-Galbeed muddo kordhin xileed u sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaa sii xoogeysanayay jahwareer siyaasadeed oo ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mowduucan, isagoo sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in iyaga oo keliya ay mar kale isbaddal ku sameyn karaan, isbedelkaas oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo. 

“Wixii ku saabsan [muddo-xileedka] ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,” ayuu yiri. 

Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd.

“Xeer iyo nidaam annaga aan sameysannay baa yaalla, nin iyo qof xanaaqsan, ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyaddeenna iyo nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama baddalayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. 

Muddo-xileedka madaxweyne Laftagareen oo ahaa 4 sano ayaa ku ekaa shalay oo ahayd 19-ka bisha Disembar, waxaana uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afar guuradii kasoo wareegtay markii la doortay.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo bandhigay shuruud uu xilka ku wareejin doono isaga oo sheegay in maamulkiisu ay xilalka oo dhan “ku wareejin doonaan qofkii hal tuulo ka soo qabsada Al-Shabaab.”

Xasan Sheekh oo soo saaray qoraal laba arrin gudbinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal ku aadan sanad-guurada ciidanka, kaasi oo uu hambalyo ku aaddan xuska sanad-guurada 79-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ugu diray Saraakiisha iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska iyo qoysaskooda.

Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xoojiyaan garab istaaga ciidamada dowladda, xili uu dalka ku jiro dagaal ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aasaaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka.

Sharaxaad cusub oo laga bixiyey muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen

0

Baydhabo (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Salaad Sheekh Xaayow ayaa si weyn u difaacay muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen, isaga oo sheegay in waddo sax ah loo maray arrintaasi.

Xaayow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhinacyada hadda kasoo horjeeda muddo kordhinta Lafta-gareen ay qaarkood hore u ogolaayeen go’aanka baarlamaanka, hase yeeshe dano siyaasadeed darteed ay dib uga soo celiyaan guux siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka Musharaxiinta ah ee Koonfur Galbeed ayaga og in arrintaas ay dhacday saddex sano oo marna ay ka hadlin ee ay taageereenba, qaar wasiiro iyo xildhibaano ahaayeen oo intuba ogol ahaayeen, hadda haddii ay dhacday rabitaan gaar ah iyo kursigii la waayay ayada oo laga xanaaqsan yahay lasoo cesho,” ayuu yiri.

“Afartii sano ee inta aysan dhicin is-waafajinta sida ay aheyd ayaa maanta ku eg, laakiin arrinta Baarlamaanka uu ansixiyay ayaa ah mida ka dhigeysa in muddo xileedka Cabdicasiis uu ku egyahay 19 Dec, 2023-ka.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Baarlamaanka ayaa gartay oo majirto cid ku khasabtay ama ka codsatay waxay is-waafajiyeen labada muddo xileed, mooshinkii cod baa loo qaaday oo waa la isku raacay. Dhamaan siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada waa la aqbalay oo waa loo riyaaqay, marka fikirkaasi ayaa la aamisan yahay oo waa sax.”

La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in marnaba ka maamul ahaan aysan ogoleyn diidmo ku aadan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan lagu dhawaaqay.

“Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ma aqoonsana wax diidmo ah oo ka jira dib-u-heshiisiinta, nimanka musharaxiinta mucaaridka markii hore waa soo dhaweeyeen shirkaas, laakiin hadda sida ay rabeen haddii tahay in la qabto xaflada dabaal-dega ka hor, wax sahlan ma ah qaban-qaabada shir dib-u-heshiisiin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shirkaas uu qabsoomi doono xataa haddii ay kasoo qeyb-gali waayan siyaasiyiinta kasoo horjeeda muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen, ayada oo ujeedka shirkaas uu markii hore ahaa xal ka gaarista xiisada taagan.

ITOOBIYA oo isbeddal ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay maanta dowladda Itoobiya ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha degmada Doolow, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Ururka Miidowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS.

Itoobiya ayaa ciidamadii muddada dheeraa ku sugnaa garoonka diyaaradaha degmadaasi qaaday, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, ayada oo lagu soo beddalay kuwa kale.

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayey ciidamadaasi, kuwa cusubna lagu soo dhoweynayey ayaa lagu qabtay degmada Doolow, Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan gobolka Gedo, Generaal Jamaal Xasan Sarey.

Taliyaha oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ciidamada la beddalay oo muddo sanado ah gacanta ku hayey garoonka, isaga oo soo dhaweeyay kuwa cusub ee yimid.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqyen dhow wada yeelan doonaan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Nabad Sugidda, si loo xaqiijiyo amniga gobolka Gedo.

Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan ka howlgalaan deegaanada maamullada Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Isbeddalkan lagu sameeyay ciidamada Itoobiya ee ku jira ATMIS, ayaa kusoo aaday xilli ay todobaadkan dib usoo cusboonaatay xiisaddii muddada dheer ka taagneyd gobolka Gedo.

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo xasaasi oo ka dhan ah nabadoonka beesha Roobow

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maamuus ka xayuubin ku sameeyay Nabadoonkii matalayay Mukhtaar Roobow, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka ayaa lagu sheegay in xilkii Malaaqnimo laga qaaday Malaaqii Beesha Leysaan, kaasi oo lagu magacaabo Malaaq Mad Eddow.

Wasaaradda ayaa tallaabadan ku sababeysay kadib markii eedeymo beesha dhexdeeda ah loo jeediyay Malaaq Mad Eddow, kuwaasi oo la xiriira takrifal awoodeed iyo kala qeybinta beesha Leysaan dhexdeeda, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda.

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed markuu garawsaday in eedeynta laga soo jeediyay ay dhab tahay, markuu aqoonsaday in markii hore ee xilka Malaaqnimada loo dhiibay aan loo marin hab dhaqankii loo mari jiray doorashada Malaaqa Beesha, wuxuu go’aamiyay in laga billaabo maanta wuxuu xilka malaaqnimo ee beesha ka qaaday Malaaq Mad Eddow.”

Sidoo kale waxay wasaaradda fartay nabadoonada beesha Leysaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo doortaan Malaaq u cadaalad fala oo beeshu ku kalsoon tahay.

Kadib warqad kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay lid ku tahay nabada iyo wada-noolaanshaha beelaha dega Bay iyo Bakool, iyaga oo ku eedeeyayna inuu ka dambeeyo madaxweyne Lafta-gareen.

Tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa sidoo kale waxa ka dhashay weydiimo la xiriira sida Malaaq ay duubatay Beel uu xilka uga qaadi karo masuul ka tirsan dowlad-goboleed, maadaama xilka nabadoonimo ay u caleemo saartay beeshiisa.

Dhoobo-Daareed iyo Saciid DENI ‘oo heshiis gaaray’

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo haatan dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa oo haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Dhoobo-Daareed oo muddo ka badan saddex sanno ka maqnaa Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan iska beddaleen xaaladda Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland waxaan moogahay saddex sanno iyo laba bilood meelahaas wejiga aan kaga tegay iyo kan aan maanta ugu imid waa kala duwan yihiin,” ayuu yiri Dhoobo-Daareed.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafkii kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Deni ee gacan ka hadalka sababay, wuxuuna xaqiijiyey in haatan ay ka heshiiyeen wixii horay u dhacay.

“Waa wax dhaca siyaasadda in lagu kala shakiyo oo la’isku qabto, waana ka heshiinay aniga iyo madaxweyne Saciid Deni” ayuu markale yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday ujeedka safarkiisa la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowgeeda.

“Aniga iyo wafdiga siyaasiyiinta ah ee ila socda waxaan u soconaa inaan reerka wax ka rarno,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland ayaa haatan isku diyaarineysaa doorashooyin guud oo kusoo foodleh, waxaana deegaanada maamulkaas kusii qul-qulaya siyaasiyiin fara badan, walow uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxtooyada iyo ururada siyaasadda.

Guddoomiyihii muddada u kordhiyey Lafta-gareen oo fasiraad yaab leh bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa fasiraad cusub ka bixiyey muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed waxay kordhiyeen muddo xileedka madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen shan sano, halka uu markii hore ahaa afar sano.

Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid ay isku waafajiyeen muddo xileedka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse aanay aheyn muddo kordhin.

“Waxaan u arkeynay arrin sharci ah ee mudo kororsi ma aheyn, markii aan tallaabadaas qaadnay waxaan muhiim u arkeynay in la is waafajiyo mudo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka,” ayuu yiri Fiqi.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka K/Galbeed wuxuu sidoo kale sheegay in go’aankaas si weyn looga dooday inta aan la qaadan, isla markaana la go’aamiyey in madaxweynaha hal sano loogu daro.

“Arrintaan markii laga dooday waxaa la isku qabtay in baarlamaanka 3-sano lagu soo kobo iyo in madaxweynaha sanad loogu daro oo baarlamaanka uu la dhameysto, marka waxaa batay fikirka ah in Madaxweynaha sanad loogu daro, sidaas ayuuna go’aankaan u dhacay,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.

Fiqi oo la weydiiyey waxa ka jira in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed uu weli quud-dareynayo ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aashaas.

Ugu dambeyntii Cali Saciid Fiqi ayaa ku baaqay in laga feejignaado in xukunka lagu diriro oo K/Galbeed qalalaase la geliyo, isagoo soo jeediyey in qof kasta uu masuuliyadiisa qaato.

Hoos ka dhageyso wareysiga

ILHAAN oo toddobaadkan kusoo wajahan Soomaaliya

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadhihii ugu horreysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. 

Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland.

Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Ilhaan ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada.

Laftagareen oo u jawaabay mucaaradka – “BADBAADO kama shaqeyneyso K/G”

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xalay u dabaal-degay sanad guuradii afaraad, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashada iyo doodda mucaarad kasoo horjeedo.

Ugu horreyn wuxuu si adag uga horyimid Badbaadada Koonfur Galbeed oo shalay looga dhowaaqay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna tilmaamay inuu ka xun yahay abaabulka qorshahaasi sidoo kalena xusay in aysan ka shaqeyn karin Baydhaba.

Laftagareen ayaa shaaca ka qaaday in kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada maamulkaasi.

“Badbaadada Koonfur Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, Badbaadada Koonfur Galbeed ninka raba Shabaab ayaa heystee haka badbaadiyo” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta mudda kordhinta ee maanta u bilaabatay, taas oo ay ka taagan tahay dood ay qabaan xubnaha mucaaradka ee jooga Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dooday inay arrintaan ay tahay go’aan Baarlamaan, isla-markaana kaliya uu ka laaban karo isla Baarlamaanka.

“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay  Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa. Shalay habkii loo maray ayey u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la’iska daayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Laftagareen.

Waxaa kale oo uu khubaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ku yiri “Qof xanaaqsan sharciyadeena iyo dowladnimada waxba kama beddeli karo”.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalada cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka, balse waxaa loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo dhacay shanka bisha  January ee sanadka 2023.

Daawo: Cali Jayte oo kasii digay arrin ay la damacsan yihiin xoogaga Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay jiidda hore ee dagaalka ayaa diray digniin ku aadan howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay haatan isku uruursanayaan xoogaga AShabaab, isaga oo sheegay inay bartilmaameedsan doonaan.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u carab baabay deegaanada kala ah Ceel God iyo Ceel Boore oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay burburiyaan meelaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xoogaga hubeysan, si looga saaro dhulka howdka ah.

“Nimankaas waa nooc faris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo,” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu sida weyn uga socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo inta badan looga saaray gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howllgallada haatan socdo, kuwaas oo ah kuwii ballaarnaa ee abid lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Wareysi: Mursal oo is barbar dhigay mudo korosigii Farmaajo iyo kan Laftagareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay baarlamaanka maamulkas, isagoo fariin u diray Madaxweyne Laftagareen.

“Cabdicasiis Laftagareen waxaan kula talinayaa afar sano ayaa meesha joogtay, hadaa wax qabatana ma qarsoomayaan, mudo kororsi in uusan socaneyn waad aragtaa, dood iyo muran ha gelin, isuguyeer siyaasiytiinta oo doorasho qabo, hadii aad tartameysana mar kale isku soo sharax,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sheegay in muran badan uu ka jiro mudo kororsiga Laftagareen, isagoo ku tilmaamay mid aan soca karin oo aan macquul aheyn, isagoo tusaale u soo qaatay mudo kororsigii ay hadda ka hor ku fashilmeen.

“Baarlamaanka markaas fadhiya mudo ma kororsa karo, anaga waad xusuusataan 2021-kii mudo ayaan kororsaneynaa toos uma aanaa dhihin ee waxaan dhahnay doorashada ayaa dib loogu noqonaa, marka madaxweyne xukunka haaya oo mudo kororsi sameeyey meelo badan oo ay ka hir-gashay ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Mursal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa ku taliyey in dib u heshiisiin loo furo siyaasiyiinta iyo beelaha tabashada qaba ee reer Koonfur Galbeed.

Dib u heshiisiintaan ayaa waxaa hore ugu dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Baydhaba.

“Dib u heshiisiintii uu iclaamiyey Sheekh Aadan Madoobe waxaan u arkaa mid muhiim ah oo loo baahan yahay in laga dhabeeyo, dib u heshiisiintaan waxaa loo sameynayaa nidaamka hadda talada haya, qabaa’ilada deegaanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas,” ayuu yiri Mursal.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: RAG hubeysan oo xalay lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen degmada Dharkenley ee gobolkaasi Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, inta uu socday howlgalkaas ka dhacay degmada Dharkenley.

Taliyaha Saldhig Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in raggaan soo qabteen, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka.

“Hadda kuwa gacanta lagu haayo habeen 3-aad ayaan ku guuleysanay inaan soo qabano meel la yiraahdo iga dabagey ayaa intooda badan kasoo qabanay waxay ahaayeen nimanka saacad kasta tooreyda dadka la dhaca oo moobeelada ka dhaca,” ayuu yiri Taliye Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay usii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada arrintaan, gaar ahaan maxkamadaha, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

‘Saldhiggu waa qabte, maxkamadna waa la geeyaa, annaga waan soo gudneynaa,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubey oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay raggan burcadda ah ayaa digniin adag u diray milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta, wuxuuna faray inay iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan mootooyinkooda.

“Nimanka tuugada ah ee la haayo waxay isugu jiraan kuwa ka gacan siinaayey dhinaca mootooyinka iyo caddeymihii oo lagu haayo waad ujeediin. Shacabka mootooyinka leh waxaan uga digeynaa inay ka fiirsadaan dadka ay mootooyinka u dhiibanayaan,” ayuu yiri.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu  ka dambeeyay dil xalay isla Dharkenley, kaas loogu geystay marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla halkaasi.

Taliska Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin tuhmane ah, isla-markaana ay haatan ku haayaan baaris ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa sare u qaaday howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii AQALKA SARE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee Golahaasi, kaasi oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowad ee Hindise sharciyeedka wasaaradda beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Sanatarrada Golaha Aqalka Sare akhrinta koowaad u dulmaray, iyadoo intaas kadib guddoomiye Cabdi Xaashi uu ku wareejiyay guddigii ku shaqada lahaa, si ay uga soo gutaan waajibaadkooda shaqo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa fadhigii maanta ee Golaha Aqalka Sare, waxa uu shahaado sharaf ku guddoonsiiyay xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cali Maxamed Jaamac.

Shahaada sharafta lagu maamuusay xogahayihii hore oo ka timid Sanatarrada Haweenka ayaa ka tarjumaysay hogaamintiisii wanaagsaneyd ee Aqalka Sare iyo dadaalkii uu geliyey horumarinta Golaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in sooyaalka Aqalka Sare uu baal dahab ah ka geli doono xoghayihii hore doorkii uu ku lahaa dhismihiisa, ayada oo Sanatarrada iyo xoghayaha cusub ay tilmaansan doonaan shaqada waddaniga ah ee uu soo qabtay.

Dowladda ”oo diyaarisay’ qorshe la xiriira deegaanada laga saaray AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa dardargelin doonto qorshaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo hadafkuna yahay inay la wareegaan dhulka ay maleeshiyadaasi maamulaan, dowladduna ay ka hirgeliso nidaamka dowliga.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac oo bogaadiyay hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood ayaa dhanka kale sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

Wasiirka oo soo hadalqaaday hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay cadowga, sida uu yiri. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada Al-Shabaab iyo horjoogeyaashooda.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay diyaarisay istiraatiijiyadda xigta xoreynta ee lagu xasillinayo goobaha la xoreyay.

Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegaya in iyadoo laga faa’iideysanayo gulufka ku furan Shabaabka ay dowladdu diyaarisay qorshe lagu xasillinayo dhulka la qabtay, laguna gaarsiinayo adeegyada muhiimka ah.

“Dowladda, iyadoo ka faa’iideysaneyso fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deegaanadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo.” Ayuu yiri Wasiirku.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa horaan ka shiray qorshaha dowladda uga yaalla dhulka laga saaro Shabaabka, si dadka deegaanadaasi ku dhaqan ay noloshooda horey u sii wataan.

Muddada ay hawlgaladu ka socdaan deegaanada Hirshabelle ayay Shabaabku lumiyeen inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Guulaha muuqda ee ay ciidamadu ka gaarayaan hawlgalada Hirshabelle ayay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ifafaalo wanaagsan u ah qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii Ururka Al-Shabaab ee dalka.

 

Sawirro: Maxkamaddii Al-Shabaab ee Ceel Cali oo la burburiyey

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad oo maanta qaaday howlgal culus ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka deegaanka Lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 15 KM dhanka xeebta ka xiga Lambar 50.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciidamada Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Shabeelaha Hoose.

“Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deegaankaas iyo maxkamad beenaad ay ugu yaraan Dadka,” aya lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shababa ee haatan ka socda halkaasi.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan waheysa kacdoonkii ugu ballaarnaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

 

DF oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, halka kuwo kale oo saraakiil ku jiraana ay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee ka howlgala deegaano hoos taga Aadan-yabaal oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka socdeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay seddax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa iskood isku soo dhiibeen maanta.

“Koox ka tirsan Khawaarijta Shabaab, kuwaas oo ka kooban afar xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in ninkaas sarkaalka ah ee lagu magacaabo Macalin Xudeyfa uu hoggaaminayey Shabaab-kii dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Warkaan ka soo baxay dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey dhul keyn ah.

“Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa ciisanka dowladda isku soo dhiibay Siciid Raage oo Al-Shabaab ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, sida lagu sheegay warkaan.

“Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku, waxaana ka go’an dowladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda guracan,” ayaa bayaanka dowlada lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta, kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.”

Xasan Sheekh oo shaaciyey in maalmo gudahood lagu soo celinayo ciidanka jira Eritrea

0

Minnesota (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Mareykanka ayaa shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo.

“Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.

Askartaan waxaa la xaqiijiyey in tababarkii rasmiga ahaa uu u dhamaaday sanadkii 2020-kii, balse mudo laba sano ah sababta ay uga maqan yihiin dalka ma jirto cid si rasmi ah ugu cadeysay bulshada.

Daawo: Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed oo looga dhowaaqay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta looga dhowaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan isbeddel.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay inay usoo istaageen badbaadinta koonfur Galbeed, ayna kasoo horjeedaan muddo kororsiga Laftagareen, ayaga oo ku dooday in maanta oo ah 19 December uu xilkiisa ku egyahay.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in kaliya ay ku qanacsan yihiin in la qabto doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed.

“Doorasho haa muddo kororsi maya,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo dhinaca kale xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ayaguna ganafka ku dhufteen dadaallada uu wado guddoomiye Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo maalmihii u dambeeyay dadaallo xoogan ka waday magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan loo ballasan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay Sheekh Aadan Madoobe oo dhacaya 5-ta Janaayo, 2023-ka.

Si kastaba, muranka hareeyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu ka dhashay muddo kororsiga halka sano ee ay xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulkaasi u sameeyeen Laftagareen, waxaana iska diiday xubnaha mucaaradka ee joogo Muqdisho.