31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka GAMBIA

0

Banjul (Caasimada Online) – Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay fashilisay afgambi militari, ayna xireen afar askari oo qorsheynayay inay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xiriirinayo afgambiga la sheegay inuu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii.

“Iyada oo lagu saleynayo warbixinnada sirta ah… qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay inay afgambiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay,” ayay dowladdu sheegtay Arbacadii.

Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sano oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey.

Jammeh qudhiisa ayaa xukunka afgambi kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro kahor inta aanu ku guuldarreysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii, taas oo uu ku guuleystay Barrow.

Xil ka qaadistiisa ayaa loo arkayay mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, walow ay jirtay niyad jab xooggan oo ay xukuumadda Barrow ka qabeen inay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca maciishada.

VOA + Reuters.

Gaari ay leeyihiin ciidanka KENYA oo la qarxiyay

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax loo adeegsaday oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qarxan ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo laba kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidankii saarnaa gaariga, halka uu dhaawac soo gaaray haweeney meesha ku sugneyd oo ka mid aheyd dadka deegaanka.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ee ka tirsan kuwa Kenya ayaa ilaalo ka hayey dhismo ka socda waddo ku taalla halkaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa dhankooda cabsi xoogan ka muujiyay kororka ku yimid weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan agagaarka xadkaSomalia.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka magaalada Gaarisa ee Waooyi Bari, Kenya.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada Kenya iyo rayidka.

Taalibaan oo xanibaad cusub kusoo rogtay haweenka

0

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasi oo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Inkasta oo ay ballanq-aadeen xukun ka jilicsan kii 20 sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indha-tiraya carada caalamiga ah.

“Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Afhayeenka wasaaradda, Ziaullah Hashimi oo warqadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray AFP ku xaqiijiyay amarkan.

Washington ayaa sidoo kale si adag u cambaaraysay go’aankan.

“Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka Afghanistan ku sugan. “Go’aankani wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa Taliban,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Talaadadii, afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu “aad uga xumaaday” xayiraaddan.

Mamnuucidda waxbarashada sare ayaa kusoo beegantay wax ka yar saddex bilood kadib markii kumannaan gabdho iyo haween ah ay imtixaanno jaamacadeed u fariisteen guud ahaan dalka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku haminayaan in ay mustaqbalka u doortaan macallinnimada iyo caafimaadka.

Jaamacadaha ayaa hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, waxaana lagu wadaa in dib loo furo bisha March ee 2023.

Daawo: Wasiirka Difaaca oo qariyey arrin Turkigu ka wado Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka hadlay dagaalka dalka ka socda ee lagu soo afjarayo Al-Shabaab, iyadoo wareysigiisa qeybtaan lagu dul istaagay dowladaha dhanka duqeymaha cirka ka taageera Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay Soomaaliya duqeymo ka fuliyaan, inkasta oo warbixino dhowr ah ay sidaas sheegayaan.

Wasiirka oo qiray doorka duqeymaha ee diyaaradaha Mareykanka ayaa diidan inuu kala cadeeyo in diyaaradaha Turkiga ay Al-Shabaab duqeeyaan iyo in kale.

“Aniga Turki ma ogi, laakiin Mareykanka diyaaradihiisu waa na caawiyaan,” ayuu yiri wasiir oo aad loogu celceliyey su’aal looga dalbanayey inuu kala cadeeyo arrintaan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celiyey dowladda Turkiga, isagoo qiray in ciidanka dagaalamaya ee Gorgor ay u soo tababartay Soomaaliya, balse wuxuu aad uga gaabsaday inuu ka jawaabo doorka Turkiga iyo duqeymaha Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkiga ayaa lagu arkaa hawada Muqdisho iyo deegaanada ay dagaaladu ka socdaan, iyadoo meelaha qaar sawirro laga soo qaaday, balse wuxuu sheegay Wasiir Jaamac in uusan waxaba ka ogeyn arrimaha diyaaradahaas.

“Ciidamadu waa kala talis duwan yihiin, aniga wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa i quseeya, howlgal ciidamada xoogga ay fuliyaan oo diyaarad Turki leeyahay ay ka qeyb qaataan anigu ma ogi,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Daawo: Sanbaloolshe oo si cajiib ah u difaacay hay’adaha amniga hal talana siiyey BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa si cajiib ah u difaacay hey’adaha ammaanka, isagoo tusaale macquul ah hor dhigay xildhibaanada golaha shacabka, kadib hadal kooban oo kulankii maanta ee golaha uu ka jeediyey.

Sanbaloolshe ayaa xildhibaanada kula dardaarmay in waqtigii la dhaliili lahaa hey’adaha ammaanka aan la gaarin, isagoo u soo jeediyey in loo jigeysto dagaalka Al-Shabaab oo wax kale aan lagu isku mashquulin.

“Shabaab-ka shaqadiisu waa in anaga la isku kaana mashquuliyo, marka dagaalka Al-Shabaab aan ka soo jeesano, mida kale hey’adaha ammaanka waa inay helaan waqti ku fulan oo ay wax ku qabtaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in xafiisyada ugu sareeya hey’adaha ammaanka uu joogi jiray oo dhibka ay leedahay uu soo arkay, “Howlaha ammaanka wax la isku tuurtuuri karo maaha, xildhibaanada cabashadoodana waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri.

Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar soo noqday taliyaha NISA ayaa xildhibaanada ka dalbaday in waxa dowladda ka dhex jira ee Shabaab-ka farxad gelinaya aan kulamada golaha la keenin oo guddiyadu ay gaar uga tashadaan.

“Hoolaha amniga si hoose haloo dhaqo, aan isku dul-qaadano, si masuuliyadi ku jirto aan howlahaan u xalino, mar dambena yaan golahaan la keenin muran amniga ku saleysan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Daawo: Odayaasha Ruun-nirgood oo isku dhiibay DF, soona bandhigay xog yaab leh

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa maanta ciidanka dowladda isku soo dhiibay odayaashii la shaqay jiray kooxda Al-Shabaab ee degmada Ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee Shabeellada Dhexe ay ka joogtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda oo la sheegay in hadda ay ku sugan yihiin hareeraha degmadaas Ruun-nirgood, waxaa maanta isku soo dhiibay odayaashii degmadaas oo lagu soo dhaweeyey deegaan lagu magacaabo Cadcadey oo hoos taga degmadaas.

Saraakiil uu ku jiro Jeneraal Gacmadulle ayaa soo dhaweeyey odayaashaas oo warbaahinta loo soo bandhigay, kuwaas oo ka warbixiyey sababtii ku kaliftay inay Shabaab-ka la shaqeeyaan.

Odayaashaan ayaa sheegay in khatar badan ay ugu jireen in diyaaradaha dagaalka ay laayaan, iyagoo kooxda aan ula shaqeyneyn doorashadooda oo rag la qasbay ay ahaayeen, sida ay sheegeen.

“Habeen hore waxaa na soo dul istaagtay diyaarad, waxay nagu shiday leyr weyn oo wax kasta laga arkaayo, waxaan is-weydiinay sababta nagu kalifeysa inaan sugno inta nalaka duqeynayo, sabuxdiina waan ka soo cararnay inteenii Alle na waafajiyey,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Sidoo kale odayaashaan ayaa warbaahinta u sheegay in wax faa’iido ah aysan ku qabin la shaqeynta Al-Shabaab, “Ninka ugu badan 8 bilood ayuu la joogay, wax doorasho ah ma anaa laheyn ee waan qasbaneyn,” ayuu yiri oday kale.

Jeneraal Gacmadulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ay odayaashaan isku soo dhiibeen ayaa yiri, “Allaah ayaa waafajiyey odayaashaan inay ka soo baxaan kooxda, hadii aysan ka soo goosa laheyn waxaa dhici laheyd ceeb-weyn oo Alle naga koriyey.”

Korneel Saney Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay inay kooxda kala wareegeen degmada Ruun-nirgood, in kastoo wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in magaalada aysan weli ciidanku gudaha u gelin, sidoo kale ma jirto cid ka madax-banaan ciidanka oo xiqiijisay in Al-Shabaab ay si buuxda uga baxeen Ruun-nirgood.

Hoos ka daawo

Qaadka Kenya ee la keeno Soomaaliya oo qarka u saaran inuu joogsado + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Bishii toddobaad  ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020.

Hase yeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen ‘sharci daro’ oo lagu soo rogay.

Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna.

“Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga.

Lacagahan dheeraadka ah ee ay ganacsatadu sheegeen in laga qaado ayay ku andacoodeen in ay qaataan dad ay ku tilmaameen “ma gafe” oo jooga dhanka Kenya, arrintaasna ay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday in uu wax ka qabanayo.

‘Inaan ganacsiga qaadka iska joojinno ayaan ku dhow nahay’

“Lacagtaas meesha ay u socoto annaga nalooma sheegin, ma gafe ayaa qaata,” ayuu yiri Bashiir oo ka mid ah ganacsatada qaadleyda ee Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in aysan garaneynin waxa ay yihiin dadka lacagta dheeraadka ah ka qaada.

“Lacagtu ma aha mid dhanka Soomaaliya laga qaado ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa,” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa.

Waxa uu intaas ku daray in ay qarka u saran yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan ganacsigooda, sababo la xiriira “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado, oo dhan shan doolar kiiladii ba, taas oo ka dheeraad ah lacagaha caadiga ah ee canshuurta ah.

“Shaqada jaadka in la iska joojiyo ayaan ku dhow nahay. dadka deymo ayaa farqaha ugu xiran, oo shaqadan in la iska joojiyo ayey u dhowdahay,” ayuu yiri.

Sacdiya Muxudiin Cali oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawr jeer dawlada Soomaaliya u gudbiyeen cabashadooda.

“Waan ku daalnay sida aan ula hadlaynay dowlada Soomaaliya, canshuurtooda keliye ayeey eegtaan, xitaa waan mudaharaadnay maalmo badan laakiin wax dheg jalaq noo siiyay ma laha. dad masaakiin ah oo lagu tunto ayaa nahay,” ayey tiri Sacdiya Muxdiin.

Caqabad ka jirta xitaa dhinaca Kenya

Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua oo ka mid ah meelaha Qaadka laga keeno, Maxamed Quraysh Macalim ayaa qiray in ay jirto “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado ganacsatada qaadka.

“Waxay soo billaabatay xilligii corona-há oo shaqada ay istaagtay haddana labada dowladood ay cilaaqad sameeyeen oo xoogaa shaqada naloo billaabay,” ayuu yiri.

Isagoo sii sharraxaya waxa ay lacagtaas tahay ayuu yiri: “Sida aan hadda u heysanno waxay nala tahay in ay yihiin qolooyin dhexda wax ka hagaagsaday. Dadkii Jaadka gadayay ee xagga Muqdisho ku ganacsanayay dhowr jeer bey dowladdaas u cawdeen oo ay xitaa bannaanbax dhowr jeer [sameeyeen], annaga lafteennana cabasho waan gudbinnay.”

Maxamed Quraysh ayaa xusay in suuqa xumaaday ay uga sii darayaan dhibaatada abaarta ka dhalaty iyo qiimaha nolosha ee sare u kacay, taas oo nolosha ku adkeysay ganacsatada qaadka iyo beeraleyda tacabta.

Arrintan ayaa waxay hoos u dhigtay qaadka horay Soomaaliya loogu dhoofin jiray.

Saddex sano kahor inta aan la joojin dhoofinta qaadka, 50 tan ayey ganacsatada maalin walba u diri jirin Soomaaliya laakin hadda waxay dhoofiyaan 19.2 tan oo keliya, sida uu noo sheegay maamulka ganacsatada qaadka.

Codsiga Ganacsatada

Bishaar Axmed oo dhanka Soomaaliya uga ganacsada Qaadka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan oo qiimihii hore ee ay Qaadka ku iibsan jireen lagu soo celiyo.

“Waxaan codsan lahaa, in Qaadka beeciisii hore lagu soo celiyo, shacabkana sidaa ayaa u roon, ganacsatadana jeebkooda sidaa ayaa u faa’ido badan oo u fiican,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee dhanka Kenya ayaa isna dhankiisa soo jeediyey in meesha laga saaro dallaaliinta si ay ugu ganacsadaan si xor ah.

Ballan-qaadka madaxweeynaha Kenya

Madaxweeynaha Kenya, William Ruto oo mahad naq u tagay magaalada Maua inta aan xilka loo dhaarinin ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu “si adag wax uga qaban doono dallaallinta dhibka ku haya”.

“Maadaama aad isoo doorateen waxaad ii dhiibteen ul aan ku garraaco dadkaan idin dhibaya, marka xilka la ii dhaariyo horay ayaan ka bilaabaaya dadkaan (dallaaliinta) inaan wax ka qabto,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto.

Madaxweeynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu toddobaadkaasi gudihiisa oo ah toddobaadka xilka loo dhaariyey la kulmayo madaxweeynaha Soomaaliya oo Kenya u joogay ka qeyb galka xafladda dhaarintiisa, wuxuuna yiri. “Waxaan la kulmaaya madaxweeynaha Soomaaliya, arintiinna Qaadka waxay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee aan kala hadli doono madaxweeynaha Soomaaliya”.

“Dalaalleyda yeysan idin cabsi gelinin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maadaama uu aad hoos ugu dhacay Qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya oo ahaa suuqa ugu ballaaran ganacsatada Qaadka Kenya, hadda waxay Qaadka intiisa badan u diraan gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Horay ayey caqabado waaweyn usoo wajaheen ganacsatada Qaadka, iyadoo dhowr sano ka hor ay mar dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gebi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday Qaadka uga imaada Kenya ka dib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada dal.

Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan wax uga weydiinno arrimaha ku saabsan lacagaha dheeraadka ah ah ee ganacsatada qaadka sheegeen in laga qaado noogama aysan soo jawaabin farriimaha aan u dirnay.

Isha: BBC

ERDOGAN oo u jawaabay Reer Galbeedka kadib markii Mareykanka iyo Jarmalka ay…

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka jawaabay dhalleeceynta Reer Galbeedka ee ku aadan xayiraadda siyaasadeed ee lagu soo rogay duqa magaalada Istanbul kahor doorashooyinka guud ee sanadka dambe.

Maxkamad ayaa toddobaadkii tegay ku xukuntay Ekrem Imamoglu in ka badan laba sano iyo bar xabsi ah, waxayna ka mamnuucday inuu xil qabto sababo la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul dowladeed” 2019-kii.

Kiiska ayaa ka dhashay doorasho muran badan dhalisay oo guushii hore ee Imamoglu la naskahay, kahor inta aan lagu celin oo uusan mar labaad ku guuleysan.

Imamoglu ayaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ay suurtagalka tahay inuu Erdogan kaga adkaan karo doorashada madaxweyne ee 2023.

Duqa magaalada Istanbul oo 52 jir ah ayaa xilka sii hayn doona illaa laga soo geba-gebeynayo kiiska racfaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa hoggaamisay dhalleeceyn caalami oo ka dhan ah maxkamadeynta.

Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyad-jabtay” halka Jarmalka ay ugu yeereen “jug culus oo gaartay dimoqraadiyadda.

Hase yeeshee madaxweyne Erdogan ayaa maanta u sheegay taageerayaashiisa in quwadaha shisheeye ay isku dayayaan inay kiiska u adeegsadaan inay ku faro-geliyaan siyaasadda Turkey kahor doorashada.

“Ma aragtaan injineerada siyaasadeed?” ayuu Erdogan weydiiyey taageerayaashiisa.

“Ma aragtaan quwadaha shisheeye ee dambi shaqsiyeed u adeegsanaya inay ku maamulaan siyaasadda dalkeena?”

Xukunka lagu riday Imamoglu ayaa kumanaan kun oo taageerayaashiisa ah isugu keenay waddooyinka magaalada Istanbul.

Qaar ka mid ah fallanqeeyayaasha ayaa rumeysan inay dhiiri-gelin karto ololaha mucaaradka Turkey ee sii liicaya—kuwaas oo weli ku muransan cidda ka hortagi laheyd Erdogan sanadka xiga.

Erdogan ayaa muddo saddex maalmood ah diidanaa inuu ka falceliyo xukunka.

Wuxuu kadib iska fogeeyey go’aanka isaga oo sheegay in weli racfaan laga qaadan karo.

AFP, VOA

DF oo war kasoo saartay ciidamada Eritrea laga keenay iyo qorshaha ay ka leedahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan maanta dalka dib loogu soo celiyay ay billow u yihiin qorshaha ay dowladda dib ugu soo wada celineyso ciidamadii Eritrea ku maqna mudada dheer.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay iyo kuwa soo socdaba ay tahay ka qeyb noqoshada howl-galada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda guud ahaan dalka.

“Ciidamadaan waxay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, sida aad la socotaan madaxweyne Xasan Sheekh muddo labo jeer ah ayuu ku laabtay Eritrea isaga oo dadaalo gaar ah ku bixinayo soo laabashada ciidamadaas si ay uga qeyb qaataan howl-galada socda, maanta ayey inoo suurta-gashay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo laabashada ciidamadaan ay dhabar-jab xoogan ku tahay Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.

Darawalka guddoomiye Mursal oo shaaciyay cidda u fududeysay ku biirista Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa shaaciyay in Ugaas ka tirsan beeshiisa u fudeydiyay inuu iska dhiibo deegaanada kooxdaasi.

Ninkaan oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen ayaa waxa uu ku sheegay cod ay ka baahisay warbaahinta Al-Shabaab in markii uu kasii baxayay magaalada Muqdisho uu la hadlay Ugaaska beeshiisa kadibna uu ku xiray horjooge ka tirsan kooxda.

“Habeen ayaa iskaga soo tagay xaafadeyda oo subaxii aan mooto soo raacay, telefoonkeyga iyo document-yadeydii waa kasoo tagay. Ceelasha ayaa imaaday oo uga sii gudbay Afgooye, yarkii Mootada ayaa ka wacay Ugaaska oo igu soo xiriiriyay qofka meesha ikeenay oo sidaas ayaa ku imaaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu Darawalka u ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka uu ku noola cabsi, maadama aysan jirin masuuliyad la iska saarayo amnigiisa, marka laga imaado marka uu gaariga u wado Mursal.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Xuseen uu ku biiro Al-Shabaab.

“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya. Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu yiri.

Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka Maxamed Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan.

Khilaaf ka dhex qarxay baarlamanka Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho  ayaa isku khilaafay doodda ku aadan amniga, gaar ahaan u yeerista hay’adaha amniga.

Dooda amniga oo maalmo soo taagneyd ayaa dhalisay khilaaf horleh oo ka dhashay in loo yeero qaar kamid ah hay’adaha amniga, si ay hor yimaadaan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan ku kala aragti duwanaaday, taasi oo keentay in ajendaha amniga la laabo ama dib loo dhigo.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kamid ah xubnaha dooda ka qayb-galay ayaa kulanka ka sheegay in aan hadda la joojin xilligii lala xisaabtami lahaa hay’adaha amniga dowladda, balse la joogo xilligii la sixi lahaa ama la toosin  sida uu ku dooday.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku taliyay in aan la siyaasadeyn arrimaha amniga, sidoo kalena aan laga faa’iideysan culeyska hadda saaraan hoggaanka hay’adaha amniga.

“Howlaha ammaanka wax la’isku tuur tuuri karo ma’aha, xildhibaanada xasaanadoodana waa wax meesha yaallo, ammaanka sugistiisana waa wax meesha yaallo. Xilligii hay’adaha ammaanka lala xisaabtami lahaa lama gaarin, xilligii la sixi lahaa oo la toosi lahaa ayaa la joogaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kulanka ka hadlay.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo doodan dib ugu celiyay guddiga amniga ee Baarlamaanka, wuxuuna ku amray inay dib ugu noqdaan, kadibna ay go’aanka iyo cidda loo yeerayo kusoo celiyaan Golaha.

“Adinka guddigii ah inaad kala hadashiin waa laga qurxoon yahay marka aniga waxaan qabaa hal mar isku noqda, kadibna go’aan soo gaara,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maalmihii u dambeeyay xubnaha Golaha Shacabka ay si weyn kulamadooda diirrada ugu saarayey ammaanka, kadib markii ay kordheen falalka amni darrada ee ka dhacaya dalka.

Qaybtii ugu horreysay ee ciidamadii ku sugnaa Eritrea oo la keenay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qaybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaaday xeryaha waddanka Eritrea, ayaa  muddo la sugayey, waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil.

Askarta maanta la keenay ayaa waxa ay gaarayaan illaa  400 oo askari, kuwaas hordhac u yihiin soo celinta dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi.

Maalmo kahor ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

“Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea muddo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh.

Al-Shabab oo maanta lagala wareegay degmadii ugu dambeysay ee SH/DHEXE

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Ruun-nirgood oo ah degmadii ugu dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Al-Shabaab

Howlgalka lagula wareegay Ruun-nirgood ayaa waxaa horkayey, Korneel Saney Cabdulle oo ah taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Korneelka oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijiyay inay gudaha u galeen degmadaasi, kadib markii ay ka weerareen dhowr jiho.

“Waa sax ciidanka waa ku jiraa Ruun-nirgood waa degmo aad u ballaaran oo ka baxday gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri Taliye Saney Cabdulle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Kooxda Al-Shabaab, inkasta oo uusan caddeyn inta uu gaarsiisan yahay.

“Dagaal wuu dhacay, waana looga awood roonaaday, marka Ilaah ayaa mahaddaas iska leh gacanta dgemada nagu simay,” ayii sii raaciyey taliyuhu.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan howlgallo ka wadaan agagaarka degmada Ruun-nirgood oo la tirsan gobolka Shabeelaha, si ay uga hortagaan weerar rogaal celis ah oo uga yimaada dhinaca xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada ay maanta qaadeen ciidamada huwanta ayaa ka dhigeysa in guud ahaan Al-Shabaab laga xoreeyay degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Xog: Khilaafkii hareeyey soo dhoweynta madaxweyne Xasan Sheekh ee Minnesota

0

Soo dhoweyntii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee gobolka Minnesota ayaa waxaa hareeyey kala aragti duwanaasho kadib markii la isku khilaafay habka ay jaaliyadda u wajaheyso.

Waxaa jirtay aragtiyo lagu kala duwanaa marka ay noqoto qaabka lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaliya markii uu tegay Minneapolis: Kuwo waxay ku andacoonayeen inuu soo wakiishay wasiir ama uu soo wakiishay qof: Kuwana waxa ay ku doodayeen in bulshadu qaybageeda kala duwan xaq u leeyihiin inay iska arkaan islamarkaana ka tashataan waddada ugu qurxoon oo ay kusoo dhaweyn karaan Madaxweynahoda. 

Aragtiyadii lagu kala duwanaa waxaa kamid ahaa:- 

In Madaxweynaha uu marti u yahay Minneapolis, soo dhaweyntantiisuna ay waajib muqaddas ku tahay reer Minnesota haddii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha, islamarkaana ay rabeen inay dajiyaan magaalada caasimadda Minnesota ah ee St Paul oo maanta aan ognahay in Booliiskeeda iyo Shacabkeedu uu dhaxeyso wada shaqayn buuxda.  

Halka kuwa doodayay waxa nasoo wakiilay wasiir ay ku andacoonayeen inuu Madaxweynaha asiga marti isu yahay dhanka dhaqaalaha, islamarkaana dejinayaan Minneapolis oo maanta aan ogyahay in ka badan 400 Booliis ay qaateen ruqso nasasho kadib dilkii George Floyd, taasoo sababtay in qiimaha ijaarka convention center-ka uu ahaa mid aad u sarreeyay, islamarkaana ku shan jibaarmay ijaarka xarunta Xcel Energy-ga ee St Paul.  

Booqashada Madaxwensha ee Minneapolis waxa ay salka ku haysay in uu warbixin buuxda reer Minnesota ka siiyo halganka lagaga soo hoejeedo Al-Shabaaab ee ka curtay HirShabeelle: Sidoo kale, in uu reer Minnesota ugu mahadceliyo sidii ay u garab istaageen halgankaas.  

Ugu danbayn: Labada dhinac waxa ay ka sinnaayeen wanaaga soo dhaweynta Madaxweynaha, laakiin waxa ay ku kala duwanaayeen aragtida martigalinta dhanka dhaqaalaha madaama aan ognahay in maanta dalka uu kujiro dagaal, dagaalkana u baahan yahay dhaqaalo aad u xoogan, waxa ayna ku habooneyd in aragtida labada dhinac la mideeyo si loo helo aragti midaysan oo si wadajir ah loogu soo dhaweyn lahaa Madaxweyna laakiin ma dhicin. 

Waxa qoray: Mohamed Isse
Minnesota

Dhageyso: Darawalka guddoomiyihii hore ee BF oo ku biiray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalka guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaamn ayaa la xaqiijiyay inuu u goostay Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan, waxaana jiritaankeeda sii xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyihii hore ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan uu la shaqeynayey afartii sano ee lasoo dhaafay, islamarkaana uu ahaa shaqaale ka tirsan Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in markii hore uu ka soo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga, markii uu wasiirka ka ahaa.

“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uusan garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan ee ku dhalisay inuu ku biiro kooxda Al-Shabaab.

“Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn Mursal oo hadda ku maqan dalka dibaddiisa ayaa sheegay in ninkaan laba maalin kahor uu ka tegay gurigiisa magaalada Muqdisho, kadibna markii la waayey lagu wargeliyay hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si ay dabagal ugu sameeyaan.

“Laba maalin kahor ayuu guriga ka tegay, hal maalin marka uu maqnaadayna waxaa loo sheegay qolada amniga,” ayuu markale yiri guddoomiye hore Maxamed Mursal.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayadoo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen ilo xilkas ah.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirka darawalka Maxamed Mursal.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga.

Sawirro: Rag hubeysan oo lagu qabtay HOWLGAL ka dhacay degmada Yaaqshiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kordhiyay howlgallada haatan ka socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo dhac ka geysanayen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay labadaan nin oo ku hubeysnaa qoryaha AK74 waxayna mooto Bajaaj sidoo kale gacanta lagu dhigay.

War kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in xilliga lasoo qabanayey raggaan ay u dhac u geysaneyeen dadka shacabka ah, isla-markaana loo gudbin doono maxkamada.

Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka ee soo gudbiyay xogta raggan oo dhac baahsan ka waday xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Xalay ayey aheyd markii rag hubeysnaa oo qorsheynayey inay weeraro geystaan lagu qabtay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday iyo howlgallada socdo looga hortagao falalka ammaan darrida ee mararka qaar ka dhacay gudaha caasimada.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo dagaallo looga furay gobollada ayaa culeys soo saartay Muqdisho, waxaana usii dheer burcad hubeysan iyo ciyaar weero ka dilaacday caasimada.

Nabadoon XIRSI Cali Diirshe oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xirsi Cali Diirshe, kaas oo kamid ahaa waxgaradaka deegaanka.

Nabadoonka ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday, wuxuuna kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla isla degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay goobta isaga baxsadeen, kadib falkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Nabadoonka ayaa kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana dilkiisa uu la xiriiraa beegsiga ay haatan Al-Shabaab ku heyso Beeshaas oo kula dagaalantay  Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay howlgallo kooban, balse ma jiro wax hadal ah oo ay kasoo saareen dilka Nabadoonka.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayey gudaha caasimadda, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

SHUUTE oo faahfaahin ka bixiyey muran hareeyey laba kiis oo xasaasi ah (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidmaada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay eedeymo culus oo dul-hoganayey maalmahaan, kadib markii lagu eedeeyey in dil lagu xukumay rag aan geysan dambiyada loo heysto.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga hadlay laba kiis oo maxkamadda la hor geeyey maalmihii lasoo dhaafay.

Labadaan kiis ayaa kala ah ninkii lagu xumay dilka ee loo heystay inuu garoonka Aadn Cadde u fududeeyey inay gudaha u galaan laba nin oo weerar toos ah ka fulisay afaafka hore ee garoonka, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ninka kale ee kiiskiisa uu muranka badan ka dhashay oo Shuute uu ka jawaabay waa mid loo heysto nin kale oo dil lagu xukumay, kaas oo cidda uu ka dhashay ninka horay u dhintay ay dood ka keentay.

Reerka uu ka dhashay nin lagu dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha-biyaha ayaa dood ka keenay xukunka nin ka mid ahaa 8-qof oo 6 ka mid ah maalmo ka hor ay maxkamaddu ku xukuntay inay Shabaab ka tirsanaayeen.

Reerka ayaa ku dooday in ninka la xukumay uusan dilin wiilkooda, iyagoo ku dooday in askari ka tirsan ciidanka ilaalada wadooyinka ee Taraafikada uu dilay wiilkooda, cadeymana ay u hayaan eedeyntooda.

Guddoomiye Shuute ayaa sharaxaad dhameystiran ka bixiyey labadaan kiis, isagoo mid mid u dul istaagay waxyaabaha la isku hayo iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.

Hoos ka daawo

Daawo: Booliska MUQDISHO oo nolosha ku qabtay rag weerar culus soo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag nolosha lagu qabtay, iyagoo doonaya inay weerarro toos ah fuliyaan, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay iyaga iyo hubkooda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa soo bandhigay laba nin, Bajaaj iyo seddax qori, kuwaas oo doonayey inay weerarro ka fuliyaan degmooyinka Deyniile iyo Kaaraan.

Sidoo kale waxaa Kaaraan lagu toogtay hal nin oo ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo doonayey inay weeraraan saldhigga booliska ee degmada Kaaraan, waxaana xusid mudan in ninka laga soo qabtay Kaaraan ay dhalinyarada degmadaas soo qabteen.

“Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa nolosha ku qabtay dhagarqabayaal hubeysan oo doonayey inay weerar ka geystaan degmada Kaaraan, waxaana halkaas lagu dilay hal dhagarqabe,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Sadiiq Doodishe ayaa intaas kun sii daray, “Howlgal kaler oo ay ka filiyeen ciidanka booliska Soomaliyeed degmada Deyniile ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe kale oo watay laba qori oo AK47 ah, oo halkaan aan ku soo bandhignay.”

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ragaan lasoo qabtay ay aad u adeegsanayeen mooto Bajaaj-ta, “dhamaan howlaglladaas sameynay waxaan ku ogaanay in mooto Bajaajyo badan ay ku lug lahaayeen dembiyada dhacay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ayaa shacabka Muqdisho u diray war-gelin ah inay ka taxadaraan mootooyinka, gaar ahaan dadka kala iibsanaya, isagoo kula taliyey inay Nootooyinka la tagaan oo kula wareegaan gadiidka ay iibsanayaan.

Hoos ka daawo

Wariye Jamaal Cismaan oo ka hadlay tarxiilkiisii Muqdisho iyo arrin ‘ay kula kacday’ DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa markii u horeysay shaaciyay is-hortaag lagu sameeyay xili uu soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wariye Jamaal oo shalay dib uga noqday Muqdisho ayaa muddo ku siman 24 saac ku sugnaa Hoteel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kaasi oo loogu xanibay si uusan ugu sii gudbin magaalada.

Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in laga hor istaago gelista magaalada Muqdisho, islamarkaana laga tarxiilo caasimada Soomaaliyeed.

“Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah taliyeyaasha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ugu sababeeyay xanibaadiisa in uu bartimihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab, Mahad Karatee.

“Waa la kala fikir duwanaan karaa, baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la isdagaali karaa laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiiga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada.”

Barnaamijka oo Jamaal uu kasii daayay Channel 4 ayaa lagu haystaa inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab, isaga oo muujinayey inay dadku nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha argagixisada Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.