31.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dhageyso: Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal culus iyo 4 degmo oo la weerarayo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay maalmihii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in howl-galka dagaal ee maamulka Galmudug uu ku wajahan yahay afar degmo oo ka tirsan maamulkaasi oo ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Galmudug waxay howl-galadeeda toos uga bilaabanayaan laba dhinac oo kala ah; deegaanadii uu hore maamulka gacanta ugu hayay amnigooda iyo dhinaca kale ee ciidamada HirShabelle kasoo socdaan,” ayuu yiri.

“Inta uu socday dagaalka HirShabelle waxay Galmudug ku jirtay difaac oo waxay sugeysay in si wada-jir ah u galaan ayada iyo dowladda federaalka, oo waxa la yiri marka uu dagaalka (HirShabelle) dhamaado ayaa dhinaca kale la bilaabaya. Waa mida aan hadda u diyaar-garownay oo difaaci ayaa laga baxaya oo hore u socodkii ayaa la galaya.”

Wasiir Gaboobe ayaa waxa kale oo uu meesha ka saaray in uu jiro isfaham la’aan soo kala dhex-gashay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan daahista howl-galada ka dhanka Al-Shabaab.

“Galmudug waxay kaga sugan yihiin Al-Shabaab marka la isku cel-celiyo waa afar degmo, marka balac loo eego KM ahaan wey u gaaban tahay laakiin dherer ayey u dheer tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban, sida uu sheegay.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli maalntii shalay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee maamulka HirShabelle ka tirsan, taasi oo aheyd Ruun-nirgood.

Halkan hoose ka dhageyso:

DF oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulkaasi iyo kuwa Badbaada ee kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Dowladda ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ah ee saaka ka dhacay Baydhabo, ayada oo ku baaqday inay xiisada dejiyaan dhinacyada isku haya maamulkaasi.

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Musharaxiinta mucaaridka oo xiisada xoogan u dhaxeyso inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan waxyaabaha la isku hayo.

“Dowladda federaalka waxay ku boorineysaa dhamaan qeybaha siyaasadda inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, islamarkaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa sidoo kale imanaya ayada mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee sida weyn uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen uu sheegay in dagaalkii saaka uu maamulka u adeegsaday Booliska Federaalka, NISA iyo ciidamada Xoogga.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagneyd muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa u muuqata inay isku rogtay awood sheegasho ciidan iyo gacan ka hadal, kadib markii dhawaan ay mucaaridka uga dhawaaqeen maamulkaasi ciidamada Badbaada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

FARGEETI oo shaaciyay dhinacyo kale oo qeyb ka ah dagaalka ka qarxay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib markii weerar lagu qaaday gurigiisa.

Fargeeti ayaa shaaciyay in ciidamada weerarka kusoo qaaday guriga uu ka degan yahay Baydhaba aysan aheyn kaliya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, balse ay qeyb ka ahaayeen kuwa Booliska Federaalka, NISA iyo ciidanka Xoogga SNA.

“Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhaba ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta Koonfur Galbeed. Wilina dagaalka wuu socda,” ayuu Fargeeti ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray.

Fargeeti oo kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wax kulahaa abaabulka ciidamada Badbaadada ee dhawaan looga dhawaaqay maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan in gurigiisa ay ku dagaalamayaan ciidamada Badbaada iyo kuwa maamulka oo qeyb ka yihiin ciidamada federaalka.

Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.

Al-Shabaab oo shaacisay heshiis ay sheegtay inay la saxiixatay beesha Saleebaan

0

Cadaado (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay heshiis la gashay Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee Gobollada Dhexe, ka na mida beelaha dagaalka culus kula jiray muddo sanado ah.

Heshiiskan oo aan weli laga xaqiijin siyaasiyiinta iyo odayasha beeshan ee taageersan dowladda federaalka ayaa dhigaya inay beesha dagaalyahannadeeda kala baxdo ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo qoddobo kale.

Al-Shabaab ayaa sida warqadda heshiiska lagu sheegay waxay beesha ku wareejin doontaa maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, waxayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay.

Heshiiskan ayaa waxaa ku saxiixan 14 nabaddoon oo ka tirsan beesha Saleebaan iyo labada guddoomiye gobol ee Al-Shabaab u qaabilsan gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna soo baxay xilli in muddo ah aan wax dagaal ahi ka dhicin deegaanda ay isku hor fadhiyeen labada dhinac.

Hoos ka aqriso qodobada heshiiska ay soo bandhigtay Al-Shabaab

بسم الله الرحمن الرحيم

Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022)

Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:

Qodabada heshiiska:

1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.

2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.

3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.

4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.

5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.

6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.

7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.

8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.

Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:

Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan arrimaha soo socda;-

1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.

2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.

3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.

4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.

5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.

6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin

7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.

FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .

Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan:
1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)
2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-
3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali
4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax
5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye
6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan
7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley)
8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale
9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed
10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud
11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble
12- Nabadoon Ciise Cali Aadan
13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed
14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan

Saxiixa Wakiillada Xarakada:

1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)
2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)

وبالله التوفيق

Dagaal xoogan oo saaka ka qarxay magaalada Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka qarxay gudaha magaalada, kaasi oo u dhaxeeya ciidan ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Dhawaaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha magaalada Baydhaba, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed.

Ciidamada Badbaadada maamulka ayaa la sheegaya in uu watay mid kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen, gaar ahaan wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.

Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho dhalisay dhimasho, dhaawac iyo mudaharaadyo, taas oo 4 sanno kahor lagu soo doortay madaxweynaha hadda tallada haya ee Laftagareen, waxaana markale laga digayaa in qalalaase ay ka dhacaan maamulkaasi.

Golaha Ammaanka QM oo go’aan cusub kasoo saaray howlgalka ATMIS ee Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta soo saaray go’aan cusub oo ku socda howlgalka ATMIS ee ka socda gudaha Soomaaliya, kadib shir ku yeesheen magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankoodii hore ee ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka June 2023-ka, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Arrintan ayaa ku timid, kadib markii qaraar tirsigiisu yahay 2670 (2022) si wadajir ah loogu ansixiyay dib u dhigista dhimista ciidamada ATMIS ee haatan jooga Soomaaliya, taasi beddalkeena waxay soo jeediyeen la qaado hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ciidamada ku jira ATMIS illaa 31ka December 2024.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub & dalalka ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dowladda federaalka  ka codsaday inay bixiso warbixin dheeri ah 30-ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah.

ATMIS ayaa sidoo kale waxaa lagu booriyay doorkeeda ku aadan nabad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Golaha Ammaanka ee QM ayaa howlgalka Midowga Afrika oo la oran jiray AMISOM u beddashay ATMIS bishii April ee 2022-kii, si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Afrika, loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan wadamada ka baxsan Qaaradda.

Sawirro: Aadan Madoobe oo xiisadda Koonfur Galbeed u gudbiyay Anita Kiki

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Anita Kiki kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan kacsan ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si xal loogu helo.

Ugu horreyn guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la wadaagay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay arrinta Koonfur Galbeed, gaar ahaan wuxuu u gudbiyay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay Anita Kiki in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.

Dhankeeda Marwo Anita Kiki Gbeho oo kulan ka hadashay ayaa taageertay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayn boggaadisay doorka guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo haatan wada dadaallo ku aadan dhex-dhexaadinta labada dbhinac.

Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan looga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo laba maalin uun kadib markii uu Madaxweyne Lafta Gareen u dabaal-degay sanad guuradiisii 4-aad, waxaana haatan u bilaabatay muddo kordhinta halka sanno oo ay kasoo horjeedaan mucaaradka.

Daawo: Waalidiin Muqdisho ka dhigay dibadbax ka dhan ah DF kadib markii wiilashooda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo kuyaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo.

Waalidiintan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro loo qaadayo dalka dibbadiisa, si tababar ciidan usoo qaataan.

Waalidiinta iskusoo baxa sameeyay, ayaa sheegay inaysan ogayn xilliga la qoray carruurtooda, iyo halka loo wado. Waxay kaloo sheegeen in carruurtooda markii ay dalbadeen in lagusoo wareejiyay loo diiday, lana rasaaseeyay.

“Saa Sharaf ma ahan. Xasan Sheikh ilmaheennaa ka rabnaa. Hal wiil ayaa iga maqan. Waa la iidiiday in la igu wareejiyay. Waxaa naloo sheegay in si xoog ah lagu askaraynayo, sidaas waxaa sheegay mid kamid ah hooyooyinka warbaahinta la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, cabashada waalidiinta ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhallinyaro u dirayso Masar iyo Imaaraatka Carabta, si loogusoo tababaro.

Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin cabashada kasoo yeertay waalidiinta, iyadoo arrintan ay kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugusoo celisay qaar kamid ah ciidamadii lagusoo tababaray Eritrea.

Wararkii ugu dambeeyey ciidanka laga keenayo Eritrea iyo tirada diyaaradaha yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si habsami leh u socda soo daabulidda ciidamada Soomaaliyeed ee muddada saddexda sano ah tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamadaas ayaa shalay kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale oo shalay illaa maanta soo degay, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 500 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid.

Askartaas ayaa isla xalay loo kala daabulay xerooyin ciidan oo ku yaalla Muqdisho, taasi oo keentay in xalay la xiro waddooyinka Muqdisho qaarkood, intii uu socday howlgalka daabulidda. Waxaa sidoo kale macquul ah in mar kale caawa loo kala daabulo xerooyinka magaalada.

Duulimaadyada ayaa socon doona illaa bisha Janaayo, waxaana la filayaa in soo daad-guraynta ay soo geba-gebowdo horraanta illaa bartamaha Janaayo. 

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Haddii Ilaahey yiraahdo waxaan rajeyneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan howlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta dalka,” ayuu yiri.

Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea dhammaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalmaha soo socda.

Wasiirka oo aan wax ka waydiinnay halka ay ciidamadan ka howlgali doonaan ayaa sheegay in dhammaan dalka ay ka howlgali doonaan.

“Dhammaan dalka ayay ka howlgali doonaan meel allaale iyo meeshii waajibaad laga siiyo oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan dalka ayuu ka howlgalayaa,” ayuu yiri wasiirka.

Xiisad u dhexeyso ciidanka K/G iyo kuwa Badbaadada oo ka taagan BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Onlin) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ku aadan xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.

Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada oo maalmo kahor looga dhawaaqay magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo wada abaabul xoogan ay haatan isku uruursanayaan duleedka magaalada, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineyso ciidamadan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan maamulka Laftagareen, gaar ahaan muddo kordhinta halka sano oo todobaadkan u bilaabatay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo oo ku aadan xaaladaha kasoo kordhay magaaladaasi, oo haatan wajaheyso xiisad horleh iyo hardan siyaasadeed oo ku aadan loolanka doorashada Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana dhinaca kale cadaadis xoogan la kulmaya madaxweynaha maamulka, si uu ugu yaraan u qaado tallaabo isbeddal ah.

Lama oga sida ay wax noqon doonaa, balse waxay aad looga war dhowrayaa shirka dib u heshiisiinta ee u iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo dhacaya 5-ta bishan Janaayo ee sanadka nagu soo wajahan ee 2023-ka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho dhalisay dhimasho, dhaawac iyo mudaharaadyo, taas oo 4 sanno kahor lagu soo doortay madaxweynaha hadda tallada haya ee Laftagareen, waxaana markale laga digayaa in qalalaase ay ka dhacaan maamulkaasi.

Xog: Sababta xalay loo xiray waddooyinka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay muddo saacado badan ah xirnaa qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diidayay inay maraan dadka iyo gaadiidka.

Ciidamo farabadan iyo gaadiidka dagaalka ayaa xalay lagu arakayay laga billaabo isgoyska Taleex illaa Banaadir iyo laga bilaabo Isgoyska KM4 illaa Isgoyska Warshadda Caanaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayay inay waddooyinkaas isticmaalaan, iyada oo ciidamada ay xilli hore oo fiidkii ahaa ay xireen waddada balse saqdii dhexe ay dib u fureen.

Sababaha waddooyinka loo xiray ayaa waxaa xogta aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in meelo ka mid ah xerooyinka ku yaalla Muqdisho loo daabulayay ciidamadii shalay gelinkii hore laga keenay dalka Eritrea.

Ciidankaas ayaa ahaa qeybtii ugu horreysay ee 5,000 oo askari oo dowladda ay kasoo celineyso dalka Eritrea oo muddo ka badan saddex sano ay tababar ku qaadanayeen.

Qaar ka mid ah dadka uu saameeyay xirnaanshaha waddooyinka ayaa sheegay qaarkood in xalay meelo aan aheyn guryahooda ay seexdeen kadib markii waddooyinka laga xirtay.

Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Madaxweyne Xasan sheikh inay waddooyinka iska xirato, iyada oo aan la ogeyn, waxaana madaxda dalka ay ugu baaqay in ay kusoo wargeliyaan inta aan la xirin waddooyinka.

Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa ku eedeyn jiray Madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka uu waddooyinka ka xirtay, balse hadda isaga tallaabaas mid la mid ah uu sameeynayo.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan inaan laga fursan karin in la xiro waddooyinka amni si loo yareeyo qaraxyada baabuur, xilli dowladda aysan lahayn istaraatiijiyad amni oo kale.

Xog ka cusub lixdii askari ee laga afduubtay Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Lix askari oo ka tirsan ciidanka Jabuuti oo ay afduub u haystay jabhadda mucaaraadka ah ayaa la siidaayay.

Siidaynta askartan ayaa waxaa shaaca ka qaaday jabhadda FRUD iyo dowladda Ethiopia oo iyadu ka qayb qaadatay waanwaanta lagu sii daayay askrtan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa hore ugu tilmaamay garabka hubaysan ee Jabhadda ‘‘Soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda’’ ee loo yaqaano FRUD inay yihiin koox argagaxiso ah.

Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, ayay kooxdu ku sheegtay in aanay rabin in uu sii daba dheeraado welwelka qoysaska askarta maxaabiista ah, isla markaana aanay rabin in ay xabsiga dhigaan muwaadiniin reer Jabuuti ah, sidaas darteedna ay go’aansadeen in askartaas ay ku wareejiyaan dowladda deriska ah ee Ethiopia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia ayaa soo saartay bayaan ay ka soo xiganayso safiirka u jooga Jabuuti, waxayna sheegtay in “in askartaas lagu wareejiyay dowladda Jabuuti” iyaga oo intaas ku daray in labada dowladood ay ka wada shaqaynayaan xoojinta iskaashiga nabadda iyo amniga.

FRUD ayaa taageero ka haysata qowmiyadda Canfarta ee waqooyiga Jabuuti.

Jabhadda ayaa billowday kacdoon ka dhan ah dawladda 1991-kii.
Ururka ayaa markaas u kala jabay laba garab oo kala ah garab siyaasadeed oo qayb ka ah isbahaysiga talada haya ee UMP ee taageera Ismaaciil Cumar Geelle, iyo garab hubaysan.

Jabuuti ayaa ku taallaa goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah maraakiibta, taasi oo u sahashay in ay martigeliso saldhigyada milatariga shisheeye, oo ay ku jiraan xarumo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Faransiiska, Maraykanka iyo Shiinaha.

AFP, VOA

Sawirro: Ilhaan Cumar oo ka degtay Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe(Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tisarn Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa maanta gaartay Garoowe ee Puntland, halkaas lagu soo dhoweeyay.

Ilhan Cumar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir uga hortagay guddoomiye ku xigeenka koowaad e Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis C.llaahi Cismaan oo ay wehliyaan mas;uulyiinta kale oo  ka tirsan isla maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa waddooyinka waa weyn ee Garoowe isugu soo baxay dadweyne fara badan oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loo sameeyay Senator Ilhaan Cumar.

Booqashadeeda oo gaar ah ayaa waxa ay maalmo kusii joogi doontaa Puntland, ayada oo la kulmi doonto madaxda sare ee Puntland iyo ehelladeeda oo ku sugan magaalada Garoowe.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. 2018-kii ayey noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar ay ku timaado gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Toddobaadkii hore waxay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweyne Xasan Sheekh loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda iyo ilaaladiisa oo maanta QARAX lagu dilay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari ka mid ah kolonyo kusii jeeday degmada Mahadaay, kuwaas oo raashin gargaar u waday degmadaasi, kaas oo ay dirtay hay’adda SODMA.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ahaa laba Xidigle iyo 4 askari oo kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5 askari oo kale oo la socotay baabuurka, kadib markii ay miino la galoyay waddada la kacday.

Ciidamada la qarxiyay ayaa weerarka kadib sameeyay howlgallo kooban, waxayna horay usii wateen socdaalkooda, ayaga oo sii qaatay meydadka iyo dhaawacyada askarta.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha milatariga Soomaaliya iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab weeraro iyo qaraxyo la beegsata ciidamada huwanta ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Daawo: DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inay la wareegtay Ruun-nirgood

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caanood ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood, kadib markii ay maanta gudaha u galeen degmadaasi.

“Degmada Ruun-nirgood cadowga waa ka yaaceen, ciidamada ayaa ku sugan oo howlgal ka wada qaraxyo ayaa laga raad raadinayaa, ciidana wuxuu kusii jiraa baacsiga cadowga,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomalaiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada, sida Al-kowsar lagu dilay illaa 150 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 ajaaniib ah, sidoo kalena nolosha lagu qabtay illaa 15 maxbuus ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ballaarineyso howlgallada haatan socda, isla-markaana maalmaha soo socda ay ka bilaaban doono dowlad goboleedyada kale, si loo weeraro Al-Shabaab.

“Mar dhow waxay ciidamada u gudbi doonaan dowlad goboleedyada kale oo ay howlgalladu ka bilaaban doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa noqoneyso degmadii u dambeysay ee ay Al-Shabaab ka heysteen HirShabelle, waxayna ku hareen deegaano ku yaalla Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Kadib guushii HirShabeelle Guuleed oo farriin u diray maamul goboleedyada kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgalkii maanta lagula wareegay degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku boggaadiyay HirShabelle dadaalka ay gelisay xoreynta deegaanadeeda, ayada oo kaashaneysa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kadib markii inta Al-Shabaab laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in deegaanada harsan ee dhanka galbeedka ah loo jiheesto, si Al-Shabaab guud ahaan looga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray maamul goboleedyada, isaga oo ugu baaqay inay ku deydaan HirShabelle, isla-markaana ay ka saaraan xoogaga Al-Shabaab

“Waxaan ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta gobollada dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo horkaceyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Muxuu ahaa isku daygii uu ku fashilmay darawalkii Mursal intii uu joogay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay shaaciyay inuu ku fashilmay in uu la goosto mid kamid ah gawaarida uu wadayay.

Waxa uu sheegay in ka hor inta uu kasoo tegin magaalada Muqdisho uu isku dayay in uu hore kasoo wato gaariga uu darawalka ka ahaa, hase yeeshe ugu suurta-geli weyday barnaamijka amni ee guriga guddoomiyihii hore.

“Darawal walba isaga ayaa haysta furaha gaariga laakiin si guud dad ayaa wakiil ka ah. Albaabka marka kasoo baxeysid askari ayaa kusoo raacaya oo kama bixi kareysid xeyndaabkaas. In aan soo qaato waa isku dayay laakiin fursad uma helin oo waa ii suurta-geli weyday,” ayuu yiri ninkaan darawalka u ahaa Mursal oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa nala cabsiin jiray oo cariiri meel walba ah ayaa na haystay. Adiga oo qof madax ah wada telefoon ma qaban kareysid ama ma dirsan kartid xataa haddii dan qoys ay kusoo gasho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex-galay asiga iyo guddoomiye Maxamed Mursal, islamarkaana uu si iskiis ah u go’aansaday in uu iska dhiibo deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayada oo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen illo xilkas ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka guddoomiye Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan.

Daaawo: CABDIMAALIK Coldoon oo la sii daayay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon laga sii daayay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib laba sanno oo uu u xirnaa maamulkaasi.

Wariye Coldoon ayaa soo dhammeystay xukun labo sanno ahaa oo ay 23-kii May 2022-kii ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa.

Coldoon waxaa markiisii hore xabsiga la dhigay 23/08/2021-kii, ayada oo loo haysto eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka hadlay sii deyntiiisa maanta ayaa yiri “Xabsigii waan ka soo baxay. Mahad oo dhan Allaah baa is ka leh iyo inta iga mudan dhamaantood. Waxa aan ku dardaarmayaa in xaqa la sheego si kasta ha u qadhaadhaado”.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Si kastaba, sii deynta ayaa waxaa aad ugu farxay ehelladiisa, gaar ahaan qoyskiisa iyo carruurtiisa oo uu dib ula midoobayo laba sanno kadib, isaga oo soo dhammeystay xukunkii ku dhacay.

Heshiis ay ka maqan tahay Puntland oo gaareen DF iyo dowlad goboleedyada

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa heshii ku gaaray magaalada Baydhabo.

War-mirtiyeed ay wadajir u soo saareen ayaa lagu xusay 8 qodob oo la xiriira horumarinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, waxaana heshiiskaas ka maqnayd Puntland. Ma cadda sababta Puntland uga maqneyd heshiiska, inkasta oo xiriirka maamulkaas iyo dowladda federaalka uu liitay muddooyinkan.

Qodobada ay ku heshiiyeen Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa kala ah:

1. In gacan laga gaysto ansixinta iyo dhaqangelinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah.

2. Fulinta iyo dhaqangelinta qorshaha qaranka ee haweenka, nabada iyo amniga ee hirgelinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325.

3. Mashruuca dhaqaale abuurida ee haweenka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

4. Dhismaha iyo qalabeynta xafiisyo ay yeelanayaan wasaaradaha haweenka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

5. Ilaalinta mas’uuliyadda wasaaradaha, gaar ahaan mashaariicda ku saabsan haweenka, caruurta iyo dad naafada ah.

6. Fulinta qorshaha dowladda ee doorka haweenka nabadeynta amniga iyo xasilinta.

7. In dhammaanka kulamada Protection Cluster’s-ka ay hoggaamiyaan wasaaradaha haweenka.

8. Qabanqaabada shir-weyne haween oo ay diyaarinayso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Dowladda Federaalka, kaas oo la qaban doona bisha February 2023.

Khabiir shaaciyey doorka ay ciidanka Eritrea ka qaadan doonaan howl-gallada socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxayna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi.

Sarreeye Guuto Cumar Maxamuud Cusmaan oo ah khabiir ciidan ayaa VOA u sheegay in ciidamadaan ay soo qaateen tababar heer sare ah, islamarkaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Ciidamadaan waa kuwa tababar fiican leh wax ayey ka badali doonaan howlaha oo dhiig cusub ayey kusoo kordhin karaan millateriga. Meel alaala meeshii looga baahdo ayey ka howl-gali karaan oo wax weyn ayey ka qaban karaan dagaalka lagula jiro Shabaabka,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Dalka oo dhan ayaa loo kala qeybin doona ciidamadaan. Xaalada dalka waxay ka badali karaan amniga guud iyo howlaha badda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaan loo soo tababaray takhasusyada kala duwan ee millateriga, ayna yihiin niman dhalinyaro ah oo koorso adag oo sarkaalnimo loo soo tababaray.

“Illaa 20-ka ugu horeeya ee Janaayo ayey kusoo dhameystirmayaan ciidankaan dalka,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya xilliga ay soo dhamaaneyso daabulista ciidamada mudada badan ku maqan Eritrea.

Soo laabashada ciidamadaan ayaa dhabar-jab xoogan ku ah Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

“Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta. Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalkaas muddo ku dhow afar sano ay dib ugu soo noqdaan dalkooda.