28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xamza oo soo saaray amar culus kadib arrintii uu shalay shaaciyey madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha dowladda, ayaa amray ay la xisaabtamaan shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada

Xamza ayaa sheegay in agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howl-wadeennada wasaaradda uu agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balan-qaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay agaasimeyaasha guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina kula dardaarmay agaasimeyaasha inay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howl-wadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh shalay uu shaaciyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in shaqaalaha dowladda u qoran ay kaliya 30% soo shaqo galaan, taasi oo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

Madaxweynaha, oo ka hadlay salaaddii Jimcaha kadib ee Masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u qoran yihiin 5,000 oo shaqaale, balse ay shaqada soo galaan kaliya 1,500, taasi oo lagu ogaaday nidaamka elektoronic ah ee qofka marka uu shaqada soo galo uu gacanta saaro.

Al-Shabab oo qarxisay gaari ay la socdeen dad shacab ah

0

Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta lala eegtay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey magaalada Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Qaraxa oo ah mid xoogan ayaa burburiyay gaariga oo ay socdeen dad badan oo shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Muuqaal laga soo duubay qaraxa ayaa muujinaya baabuurka oo gubtay, isla-markaana burburay, sidoo kalena laga soo saaray hilbaha qaar kamid aha dadkii dhintay.

Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyay shacabka ay waxyeelada soo gaartay dadka deegaanka oo ku baxay dhibaatada ka dhalatay qaraxaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta magaalada oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fulisa waddooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool, ayaga oo beegsada ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Si kastaba, ayaa waxaa maalmihii dambe aad u kordhay weerarada jidgalka ah ee ay fuliso, Al-Shabaab, sida qaraxyada, waxaana ugu dambeeyey miinadii lagu dilay AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladd iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, taas oo todobaadkii hore lagula beegsaday duleedka Mahadaay ee Sh/Dhexe.

Shariif iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo war kasoo saaray dagaalkii Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Koonfur Galbeed gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartaan siyaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, ayaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro doodda taagan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxdan Soomaaliyeed.

Sidoo kale Sheekh Shariif, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdrashiid iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda K/Galbeed.

“Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa sidoo kale ay intaasi ku dareen in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay u turid iyo isku taasulid si looga baaqsado in dib loogu laabto dhibaatooyinkii horay u dhacay.

Xaaladda Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe qasneyd ayaa isku beddashay gacan ka hadal, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baydhaba.

 

 

 

Dhageyso: Al-Shabaab oo laga qabsaday degaan cusub, lagana dilay 70 xubnood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelbacad oo hoos taga degmada Aadan-yabaal.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka Ceelbacad, isla markaana looga daba tegay dhul-howd ah, halkaas oo aad loogu laayey.

Jeneraal Biixi ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 67 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalku uu weli socdo oo khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu intaas ka badan yahay.

“Dagaal aad u xoog badan ayaa halkaas ka dhacay dagaalkaas hadda waa qaboobay oo xabadii ma socoto ee ciidanka ayaa sifeyn wada, waxaan xaqiijinay oo dul istaagnay geerida 67 Shabaab ah, dhaawaca ayaa intaas ka sii badan, meydadka iyo qoryihii ayaan hadda isku uruurineynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu kala aqoonsanayo meydadka saraakiishii hoggaamineysay Shabaab-ka la laayey, “Ceelbacad gacanta dowladda ayey ku jirtaa, waa khasab in madaxdii Al-Shabaab ay meydadkaan tirada badan ku jiraan, dib ayaan ka soo sheegi doonaa oo xaqiijin ayaan wadnaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Sidoo kale taliyaha oo ka hadlay howlgalkii lagu xoreeyey degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in si nabad ay kula wareegeen gacan ku heynta degmadaas, isla markaana ciidankii xoreeyey ay sii eryanayaan firxadkooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya xog ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii magaalada Baydhaba ka dhacay shalay ee u dhaxeeyey maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka.

Ugu yaraan 10 qof oo 6 kamid ah ay shacab tahay ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka kala amar qaata Madaxweyne Laftagareen iyo musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa caawa sheegay inay soo afjareen maleeshiyaad u dagaalamayey musharax Fargeeti, isla markaana ay degantahay xaaladda magaalada.

Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti, isagoo sheegay in ciidanka musharaxaas ay rasaasta ku bilaabeen ciidanka amniga.

Caawa waxaa degan xaaladda magaalada oo waxaa dib u furmay isku socodka bulshada magaalada, iyadoo dib loo helay isgaarsiinta magaalada Baydhaba oo saacado badan maqneyd.

Dagaalkii ka dhacay Baydhaba oo soo bilowday saakay waaberigii ayaa socday mudo 8-sacadood ah, waxaana la xaqiijiyey geerida 10 qof oo shacab u badan, waxaana jira dhaawacyo kale.

Ciidankii la weeraray ee ku sugnaa guriga uu Baydhaba ka degan yahay musharax Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid ciidanka taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo 8-saacadood kadib ka laabtay goobta.

Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis saxiixday + Sawirro

0

Islamabad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Islamabad ee dalkaasi, kaas oo sare loogu qaadyo xiriirka heer Baarlamaan ee labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Waxaa heshiiskan wada gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Pakistan, Raja Pervez Ashraf iyo wafdi ka socday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan dalkaasi.

Sidoo kale waxaa saxiixa heshiiskani goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo isna hadda booqasho ku jooga waddanka Pakistan, kaas oo boggaadiyey heshiiska ay gaareen labada Baarlamaan, si ay u yeeshaan xiriir dhow.

Dhankiisa Raja Pervez Ashraf oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kor u qaadista xiriirka Baarlamaanada labada dal ay faa’iido u leedahay labada dhinac.

Afhayeenka Baarlamaanka Pakistan ayaa intaas kusii daray inay kala faa’ideysan karaan khibradaha iyo waayo-aragnimada, ayna is-dhaafsan karaan wax badan oo muhiim ah.

Ujeedka heshiiiskan cusub ayaa muhiimaddiisa ayaa sidoo kale la xiriira sidii loo hormarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Islamabad iyo Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay xoojinayey xiriirkiisa arrimaha dibadda, waxaana guddoonka uu booqasho ku tegay dalal dhowr ah oo u badan kuwa ku yaalla Qaaradda Yurub, si uu ula yeesho xiriir xoogan oo ku aadan dhanka wada shaqeynta.

DF oo digniin kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta, taasi oo la xiriirta doorashada guddoonka.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa loogu digay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed “inay iska indho tiraan baaqyadii ka soo kala baxay wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.”

“Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda in shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.”

Qoraalka Wasaaradda ayaa imanaya ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha.

Kilaafka ayaa la sheegaya in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada, ayada oo baaqyo is-xigxiga ay soo kala saareen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Wareysi: FARGEETI oo xog cusub ka bixiyey weerarkii shalay agu qaaday gurigiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Fargeeti oo ah musharaxa shalay la weeraray gurigiisa magaalada Baydhaba ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u jiraan, isagoo sheegay in Baydhaba uusan joogin oo Xamar uu ku sugan yahay.

Fargeeti oo la hadlay VOA ayaa sheegay in guriga la weeraray uu ahaa mid loo diyaariyey inuu isagu dego, markii lagu heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidankii taabacsanaa isaga ee gurigaas lagu weeraray ay markii dambe isaga carareen goobta, isla markaana ay guriga gudaha u galeen ciidanka K/Galbeed, isagoo ku eedeeyey inay alaabtii guriga taalay bililaqeysteen.

Maxamed Aadan Fargeeti oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dad dhaawac ah oo ciidankaas ay ugu tageen guriga la jir dilay oo horay ay u sii qaateen ciidanka K/Galbeed ee gurigiisa weeraray waaberigii gore ee saakay.

“Guriga la weeraray waxaan u diyaarsaday ololaha doorashada, waxaana soo weeraray ciidanka ka socda K/Galbeed oo ay wehliyaan ciidan iyo saraakiil kale oo ka socda militeriga, booliska federaalka iyo NISA, hub aad u culus ayaa lagu soo weeraray gurigeyga,” ayuu yiri Fargeeti.

Wuxuu sheegay in guriga aysan waxaba u oolin oo dad shacab ah ay deganaayeen, balse uu ahaa oo kaliya guri loo qorsheeyey inuu ka bilowdo ololihiisa doorashada, markii la kala cadeeyo goorta ay dhaceyso.

“Maalmahaan maamulka Laftagareen waa hadal hayey in gurigaas ay weerari doonaan, baraha bulshada waxaad ku aragteen Taliyaha booliska gobolka Bay oo dhahaya sidii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan u weerareynaa oo waxa jooga gurigaas kabaha ayaan ku aaseynaa, marka fikirkaas ayey ka dhabeeyeen,” ayuu yiri Fargeeti.

Maxamed Fargeeti ayaa sheegay in gurigaan uusan laheyn, balse uu sii ijaartay, maadaama la gaaray waqtigii doorashada “K/Galbeed afar sano wax caqli ah kama shaqeyn, Laftagareen wuxuu dhibsaday in la dhaho musharax ayaan ahay, in taas lagu dhiirado ayaa la noqotay wax uusan qaada Karin,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Mareykanka oo duqeyn ku laayay xubno Shabaab ahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqeyn ay diyaaradadooda dagaalka Jimcihii ay ka fuliyeen agagaarka degmada Cadale oo qiyaastii 150 mile u jirta Muqdisho.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi cirka ah ay la beegsatay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidamada huwanta, waxayna sheegtay inay dalab ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu talisku xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, mana jiro khasaare kasoo gaaray rayidka, sida lagu sheegay warbixinta.

“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Waa duqeyntii saddexaad oo muddo maalmood gudahood ah Mareykanka ka fulinayo gudaha Soomaaliya, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad oo dhacday 14-kii December ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaabm, duqeynta labaad ayaa iyaduna dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaaday AFRICOM.

Muddooyinkii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah isaga oo taageeray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda la xiriirta Qatar ee ruxday Midowga Yurub

Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee xudunta u ah fadeexadda musuq-maasuq ee ruxday Baarlamanka Midowga Yurub, taasi oo lala xiriirnayo dowladda Qatar ayaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo kahor inta laga maxkamadeynayo, waxaa sidaas sheegay dacwad-oogayaasha.

Eva Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid aheyd afar tuhunsane oo horraantii bishan ay xireen booliska Belgium.

Waxa ay ku dooday in aanay wax dambi ah lahayn, waxayna codsatay in la ogolaado in lasii daayo oo korjoogteyn lagu hayo – codsigaas oo laga diiday.

Qareenkeeda Andre Risopoulos ayaa u sheegay AFP inaysan racfaan ka qaadan doonin go’aanka, taasi oo ka dhigan inay xabsiga kusii jiri doonto ugu yaraan hal bil inta ay baaritaanada socdaan.

Risopoulos ayaa weriyayaasha u sheegay kahor go’aanka maxkamadda, in Kaili “ay la shaqeyneyso” baarayaasha Belgium ayna diyaar u aheyd in dhaq-dhaqaaqyadeeda lagula socdo hab elektoronik ah, haddii xabsiga laga sii daayo.

Kaili, oo ah suxufi hore, islamarkaana laga xayuubiyey xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub kadib howlgal ay booliska fuliyeen bishan, ayaa noqotay xuddunta kiiska musuq-maasuq ee la tuhunsan yahay.

Mas’uuliyiinta Qatar ayaa sheegay inaysan wax kaalin ah ku laheyn wax khalad ah.

Qareenka kale ee Kaili, Michalis Dimitrakopoulos ayaa Arbacadii sheegay inay aad u murugsan tahay “ayna dhibtooneyso” islamarkaana uu khiyaamay lamaanaheeda Francesco Giorgi oo sidoo kale eedeysan.

Kaili ayaa booliska Belgium ay xireen 9-kii December, waxaana gurigeeda laga helay 1.5 milyan oo Euro. Tuhunka ayaa ah in lacagtaas ay bixisay dowladda Qatar, si ay saameyn ugu yeelato go’aanada baarlamanka Midowga Yurub, eedeyntaas oo Qatar ay beenisay.

AFP, VOA

Maxaa ka cusub heshiiska dowlada Itoobiya iyo TPLF?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF.

Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo afjaridda colaadda laba sano jirsatay.

Hoggaanka millatariga Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.

Heshiiskan oo lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo guddi la socda heshiiska. nabadeed.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri Kenyatta.

VOA

Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay xiisada Baydhaba, cadeeyayna mowqifka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba, isagoo waa wax aad looga xumaado ku tilmaamay gacan ka hadalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la joogin waqtigii “dhexdeena aan dagaallami lahayn” balse la joogo xiligii “aan cadowga iska xoreyn lahayn” isagoo yiri “Siyaasadda halaga wada-hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.”

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii maanta dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii maanta.

“Saakay ilaa xalay waxaan mashquul ku aheyn sidii looga baaqsan lahaa gacan ka hadal, dowladda federaalka waxay xoogga isugu geyn doontaa in dadka deegaankaas ay is xaliyaan oo khilaafkooda uu si nabad ah ku soo dhamaado,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in dadka Soomaaliyeed ay maanta hal cadow leeyihiin, “Cadowgeenu waa Shabaab, ninkii cadow kale dhexdeena ka abuuraya gacanta ayaan ka qabaneynaa, naga raali ahaaw ayaan dhaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Baydhaba 20 KM dhican ugama bixi kartid oo cadow ayaa jooga, macquul maaha in wiilasheena ay ku dhex dagaalaan maanta, war cowgaas waaye kuwa aan rabno in aan iska wareejino, marka walaalayaal aqoonsada jihada uu cadowgiinu idinka jiro.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkaan maanta ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa aad uga hadlay qiimaha dowladnimada Soomaaliya ay leedahay, isagoo aad ugu baraarujiyey dadka inay daacad ka noqdaan dowlad-dhiska dalkeenna.

Hoos ka daawo

Daawo: Laftagareen oo soo saaray hanjabaad cusub kadib dagaalkii Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba oo uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay, wuxuuna ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in K/Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto.

“Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii maanta, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab mid aan aheyn aysan raali ka noqa doonin, “Cid kasta oo reer K/Galbeed ah waxaan ugu yeereynaa nabadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen.

Madaxweynaha oo farriin u diray ciidamada ayaa faray inay sii laba jibaaraan baacsiga Al-Shabaab oo cid kale aysan ku soo jeesan, isagoo siyaasiyiinta ka codsaday in ciidanka aan la isku soo jeedin.

Hoos ka daawo

Daawo: K/Galbeed oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu ku bilowday dagaalkii saakay ka qarxay gudaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in ciidanka amniga magaalada Baydhaba oo roondeynaya ay rasaas ku soo fureen ciidan beeleed hubeysan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Saakay salaadii subax kadib ciidanka oo roondo ku jira ayaa waxaa soo weeraray ciidan maleeshiyaad ah, intaas kadibna laamaha amniga ayaa howshooda ka qabsaday,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.

Wasiirkaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwo maleeshiyo beeleed ah ay maalmihii lasoo dhaafay isku uruursanayeen gudaha magaalada.

“Ciidankaas waxay damacsanaayeen inay qalqal ka abuuraan Baydhaba, iyagoo ka amar qaadanaya siyaasiyiin iyo xildhibaano qaarkood Xamar joogaan,” ayuu yiri wasiirka amniga K/Galbeed.

Wasiirka ayaa siyaasiyiinta iyo ciidankooda ugu baaqay in goobahooda ay ku sugnaadaan oo awaamiirta maamulka ay u hoggaansamaan, “Dhalinyarada aad dagaalka gelineysaan ka dhaafa, aniga inaad qalqal gelisaan idinkama ogolaa doonee,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga K/Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa aad ugu mahad celiyey ciidanka amniga oo sida uu sheegay waajibkooda gutay maanta, sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay in magaaladu ay nabad tahay oo cid dambe aysan ka ogolaa doonin qalqal gelinta amniga.

Hoos ka daawo

 

Mursal oo shaaciyey cidda billowday dagaalka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa war ka soo saaray xiisada ka taagan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, isagoo fariin u diray Cabdicasiis Laftagareen.

Mursal oo ugu horeyn cambaareeyay wixii maanta ka dhacay Baydhaba ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo uu yahay in madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ogolaado doorashada.

Maxamed Mursal ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in maamulka Laftagareen uu maanta weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti oo hadda ah musharax u taagan hoggaaminta K/Galbeed.

“Waxaa nasiib darro ah in magaalada Baydhaba ay saaka kusoo waabariisato dagaal, halkaasi oo madaxweyne Laftagreen oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu amar ku bixiyay in la weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Farkeeti. Waan cambaareyneynaa, xalna kuma jiro xoog, laakiin xalka waxa uu ku jiraa doorasho,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo hada ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa saaxiib aad ugu dhow Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii uu kursiga soo siiyey intii ay socotay doorashadii heer federaal.

Shaqaaqo weyn oo salka ku heysa mudo kororsiga Laftagareen ayaa maanta ka dhacday Baydhaba, kadib markii ciidan ka amar qaata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay saakay waaberigii hore weerareen guriga uu Baydhaba ka degan yahay musgarax Fargeeti, inkastoo ciidankiisa ay aad isku difaaceen.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada oo laga soo duubay guriga la weeraray ee musharax Fargeeti ayaa muujinaya in burbur xoog leh uu geystay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.

CC Shakuur oo shaaciyey xog ku saabsan sarkaalka billaabay dagaalka Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ergeyga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday guriga mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee Koonfur Galbeed, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in weli uu dalka kasii socdo falkii lagula kacay 5 sanno ka hor.

Ergeyga oo soo xiganaya cod laga baahiyay Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo si bareer ah ugu hanjabaya mid kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee maamulkaasi ayaa sheegay in uu weerar ku qaadi doono, una gali doono sidii hore uga dhacday guriga Cabdiraxmaan ee Muqdisho.

“Sargaalkan oo la ii sheegay in uu yahay taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ayaa maalin sii horraysay isagoo magacayga iyo reerka aan ka soo jeedo sheegaya tusaale iigu soo qaatay in sidii hoygayga loo weeraray uu guri siyaasi reer Koonfur Galbeed leeyahay u weerari doono. Waa gartiis, sababtoo ah ciddii weerarkaas gaysatay waxba looma raacan, saakay ayuuna hoygii siyaasaga weeraray,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaan canbaaraynayaa falkaas gurracan ee cabburiska iyo awood sheegadka ah.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka inay waajibkooda dastuuriga ah gutaan, joojiyaana xukunka xoogga lagu doonayo iyo xabadda siyaasadda lagu xallinayo.

“Dagaal sokeeye ee dalkeena ka dhacay, hoggaamiye kooxeedkii, Al-Shabaab iyo argagagexiso oo dhan keenay waa sal u ahaa masaaxada siyaasadda oo la xiray, kuwii talada hayayna ay damceen in ay xukunka xoog ku haystaan, kuwii ka diidayna markii ay marin kale waayeen ay qori kaga tuureen.”

“20 kii sano ee na dhaaftay, markii laga reebo shantii sano ee ugu danbaysay, xukunka iyo talada dalka nabad ayaa lagula kala wareegayey. Kuwa isku deyaya in rajiimkii tegey raadkiisa ku sii joogaan waa in aan si wadajir ah meel uga soo wada jeesanaa.”

Siyaasiga gurigiisa Baydhabo maanta la wareeray oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, wuxuuna qudhiisa warbaahinta ka xaqiijiyey in hore ugu hanjabeen qaar kamid ah saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed.

“Saraakiisha oo qaar kamid ah ay hore u sheegeen in gurigeyga ay weerari doonaan, oo waardiyaaasha meesha ii jooga kabahooda ku aasi doonaan wey sheegeen. Wixii ay sheegeen ayey maanta fuliyeen,” ayuu yiri Fargeeti.

Weerarka ay maanta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku qaadeen guriga Fargeeti ayaa uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, ayada oo mucaaridka ay sheegeen inay is-difaaci doonaan haddii ay si dhaqso ah usoo fara-gelin weydo dowladda federaalka.

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaciyey QORSHE laga leeyahay dagaalka Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, oo qoraal kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay. 

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada mamaulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Badbaado ee musharaxiinta madaxweynaha maamulka, ayada oo warar ay sheegayaan in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharaxiinta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeedka uu saaray ku yiri “Waxaan aad ugu xumahay dhacdooyinka gacan ka hadalka ah ee maanta ka socda magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii ku naf waayay, intii ku dhaawacantay na waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan loona turo shacabka tabaaleysan. 

“Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. 

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka.”

Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in dhamaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo la gula xisaabtami doono wixii khasaara ah ee ka dhasha, wakhtigii isla xisaabtan la’aanta na la soo dhaafay.

Beesha Saleebaan oo war kasoo saartay heshiiska ay shaaciyeen Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa markii u horeysay ka hadashay heshiis ay Al-Shabaab sheegtay inay la gashay beesha, kaasi oo lagu sheegay in xal nabadeeda looga gaaray dagaalka labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay beesha Saleebaan uu dhigayo in guud ahaan beeshu ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa waxay ku tilmaameen waxba kama jiraan heshiiska Al-Shabaab ay sheegatay inay la gashay beesha.

Sidoo kale waxay sheegeen in dadka ku saxiixan heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ee lagu sheegay Nabadoonada ay yihiin Odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxaa ku dileyna meeshii lagu arkaba, looma ilaawi doono dhibaatadii ay ka geysteen Galgaduud. Wax aan colaad iyo dagaal aheyn nagama dhaxeeyaan nimankaas,” ayey yiraahdeen.

Waxay sheegeen in Al-Shabaab ay xasuuqeen dad badan oo kasoo jeeda beeshooda, halka kuwa kalena ay barakaciyeen kadib markii ay ku gubeen deegaanadooda.

Heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ayaa waxa qeyb ka ah in beesha ku wareejiso maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, ayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay.

Xiisadda Koonfur Galbeed oo kasii dartay iyo mucaaradka oo war cusub soo saaray

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku rogtay gacan ka hadal kadib markii uu maanta dagaal ku dhex-maray magaalada Baydhabo ciidamada maamulka iyo kuwa Badbaadada ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Musharaxiinta Mucaaridka oo goor sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay is-difaaci doonaan, ayna shacabka dagaalami doonaan haddii aysan sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-gelin dowladda federaalka arrintaan.

“Lafta-gareen waqtigaaga wuu dhamaaday hadaad go’aansatay in aad qaabkan ku baxdo waa nasiib daro weyn, shacabka Soomaaliyeed qaasatan shacabka Koonfur Galbeed oo duruuf amni iyo abaaro ay haystaan uu damiirkaadu ku siiyay in aad weerarto guri shacab, runtii waa nasiib darro aad u weyn. Shacabka Koonfur Galbeed ayaa kula xisaabtamaya haddii dowladda dhexe kula xisaabtami weydo.”

“Dowladda dhexe saraakiisha u jooga Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah. Cidkasta oo ka qeyb qaatay dagaalka waa la socona oo waxaa kow ka ah taliyaha qeybta booliska gobolka Baay, Abaandulaha NISA waxa kale oo qeyb ka ah Xildhibaan Mahad, magacyada waa badan yihiin qoraal ayaa kasoo saari doona.”

Sidoo kale waxay dalbadeen in ATMIS ay qaado tallaabo muuqato oo amniga lagu sugayo, haddii aysan qeyb ka aheyn rabitaanka guracan ee Lafta-gareen.

“Ciidankaas iyo hubkaas lagu leynayo shacabka ee meesha lagu khasaarinayo waxa loogu tala-galay in Shabaab lagu weeraro oo lagula dagaalamo Khawaarijta.”

Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin dadka reer Koonfur Galbeed, islamarkaana uu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Shacabka Koonfur Galbeed waxaa leenahay maanta waxa dhacay ma ah wax aad u qalantaan ee haddii arrintaan wax lag qaban waayo waxa ku qasban tihiin in aad is-difaacdan. Waxaa wanaagsan in uu soo noqdo doorkii ay laheyd dowladda dhexe.”

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay dagaalka maanta ka dhacay Baydhabo ayaa si kale u dhigtay, ayada oo ku tilmaamtay kooxo burcad ah oo rabay qalqal-gelinta amniga.

“Ciidamada Amniga oo roondo ku jira ayaa kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan, waxkasta oo amniga qalqal galinayo gacan bir baan iskaga qabanena,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Wasaaradda ayaa u muuqda mid ay digniin culus ugu direyso qolyaha mucaaridka ee iyagu kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, xili ay ciidamadeedu weerareen guriga wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Fargeeti oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa Isniintii looga dhawaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda.

Ciidamada Badbaadada oo sheegay inay usoo istaageen badbaadinta Koonfur Galbeed, ayaa si adag uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, waxayna sheegeen inay doonayaan isbeddel ku dhaca doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhamaan dadka reer Koonfur Galbeed.

Arrimahaan ayaa uga sii daray xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo gebi ahaanba ay fashilmeen dadaalo lagu rabay in xal looga gaaro, kadib markii ay xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ganafka ku dhufteen shirka dib-u-heshiisiinta.

Dhageyso: Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal culus iyo 4 degmo oo la weerarayo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay maalmihii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in howl-galka dagaal ee maamulka Galmudug uu ku wajahan yahay afar degmo oo ka tirsan maamulkaasi oo ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Galmudug waxay howl-galadeeda toos uga bilaabanayaan laba dhinac oo kala ah; deegaanadii uu hore maamulka gacanta ugu hayay amnigooda iyo dhinaca kale ee ciidamada HirShabelle kasoo socdaan,” ayuu yiri.

“Inta uu socday dagaalka HirShabelle waxay Galmudug ku jirtay difaac oo waxay sugeysay in si wada-jir ah u galaan ayada iyo dowladda federaalka, oo waxa la yiri marka uu dagaalka (HirShabelle) dhamaado ayaa dhinaca kale la bilaabaya. Waa mida aan hadda u diyaar-garownay oo difaaci ayaa laga baxaya oo hore u socodkii ayaa la galaya.”

Wasiir Gaboobe ayaa waxa kale oo uu meesha ka saaray in uu jiro isfaham la’aan soo kala dhex-gashay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan daahista howl-galada ka dhanka Al-Shabaab.

“Galmudug waxay kaga sugan yihiin Al-Shabaab marka la isku cel-celiyo waa afar degmo, marka balac loo eego KM ahaan wey u gaaban tahay laakiin dherer ayey u dheer tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban, sida uu sheegay.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli maalntii shalay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee maamulka HirShabelle ka tirsan, taasi oo aheyd Ruun-nirgood.

Halkan hoose ka dhageyso: