28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag loo haysto laba kiis oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixiyey laba kiis oo loo soo qabtay rag eedeysaneyaal ah, labada kiis ayaa kala ah kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtaya ayaa ugu horeyn sheegay inay Muqdisho ku qabteen eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali oo loo heysto kufsi ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kufsigaan oo maalmihii lasoo dhaafay ku baahay baraha bulshada waxaa ka soo muuqday seddax wiil oo gabar xoogeysa, waxaana hadda Muqdisho lagu qabtay hal eedeysane oo la sheegay inuu baxsad ahaa.

“Eedeysanahaan wuxuu ka mid ahaa seddax nin oo gabar aad u yar tacadi u geystay, kadibna baraha bulshada lagu faafiyey, xogihii ay is dhaafsadeen booliska Baardheere iyo kan Muqdisho ayaa suurta geliyey in ninkaan Muqdisho lagu qabto,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ehelka gabadha dhibanaha ah ee kusfiga loo geystay ayaa warbaahinta kula hadlay goobtaan, “Waxaan rabnaa in ninkaan naloo geeyo Baardheere, halkii uu dembiga ku geystay waa in cadaaladda lagu mariyo ninkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha.

Dhinaca kale afhayeenka booliska ayaa sheegay la soo qabtay askari shalay Kaaraan ku dilay wade mooto Bajaaj, kaas oo cadaaladda la marsii doono, sida uu sheegay Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo

Maxaa ka jira in ILHAAN loo diiday inay tagto Boosaaso?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa been-abuur ku tilmaantay war la faafiyey oo ahaa  in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waraysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da ku sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso.

“Warkaas waxbo kama jiro, waan xiisaynayay in aan Boosaaso tago se wakhtigaa aad iigu yaraaday, waanan rajeynayaa in marka danbe ee aan soo laabto aan Boosaaso gaadho,” ayay tiri Ilhaan oo ku sii jeeday Muqdisho. 

Ilhaan ayaa intii ay Puntland joogtay, waxay la kulantay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Deni, odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo ay kala hadashay arrimo kala duwan.

“Waxaan u imid in Puntland soo booqdo wakhti badan baa iigu danbaysay, in qoyskaygii aan soo booqdo, meelaha xaal u marayana aan waraysto,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa intii ay ku gudo jirtey safarkeeda waxa ay la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, wasiirrada, xildhibaannada iyo odoyaasha dhaqankaba qaar ka mid ah. 

Ilhaan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016 markii u horraysya, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra’iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.Waxaa xitaa dhaliilay xubno ka tirsan xisbigeeda Dimuqraadiga kadibna raaligelin ayay ka bixisay waxayna sheegtay “inay qaadatay dhaleeceynta casharna ay ka baratay “.

Ilhaan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo ku dhajiyay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay “argagixiso”.

Isha: BBC

Xildhibaanada K/Galbeed oo dalab lama filaan ah ka gudbiyay xiisadda taagan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta qoraal dheer kasoo saaray xiisada siyasadeed ee ka taagan maamulkaasi, kaasi oo ay ku dalbadeen in siyaasiyiinta loo furo garoonka diyaaradaha Baydhabo.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka ayaa waxa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay muddo xileedka sharciga ah ee Lafta-gareen arrimaha maamulka lagala xaajoonayo guddoonka golaha wakiilada.

“Xildhibaanada waxay ku baaqayaan in colaada ka taagan magaalada Baydhabo la joojiyo oo aan la abuurin dhiilo colaadeed lagana shaqeeyo nabada iyo xasiloonida deegaanka. In 19-ka December wixii ka dambeeyey arrimaha deegaanada Koonfur lagula xaajoodo guddoonka Golaha Wakiilada, waa hay’adda kaliya ee sharciyad dhameystiran heysato wax kastana looga dambeeyo,” ayaa lagu yiri.

“Xildhibaanada waxay aad uga xun yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS in uu dib u dhigo shirkii dib u heshiisiinta ee lagu balansanaa ee looga hadlayey arrimaha siyaasada gaar ahaan doorashooyinka KGS, waxaan ka codsaneynaa Madaxda Qaranka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furaan shirkaas.”

Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka inay ku taageerto Baarlamaanka KGS dhameystirka howlaha badbaadinta dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii dhamaan ciidamada kala duwan ee amniga uga amar qaadan lahaayeen ku-simaha guddoomiyaha.

“Sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashada Guddoomiyaha oo ah howsha ugu horeyso ee Golaha u taalo si loo dhameystiro Guddoonka Golaha sida ku cad qoddobka 10-aad, faqradiisa 4-aad ee Xeer Hoosaadka.”

Sidoo kale waxay madaxweyne Xasan Sheekh ka codsadeen in dib loo dhigo shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee loo balansan yahay in uu dhaco maalmaha soo socda, maadama ay Koonfur Galbeed metalaad sharciyeysan ku laheyn.

“Xildhibaanada waxay ugu baaqayaan ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad inuu u hogaansamo baaqa xildhibaanada uuna dardar-geliyo howsha Golaha ee hortaala.”

Ugu dambeyntiina waxay ku baaqeen in laga wada-shaqeeyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo, taasi oo xal u ah isqab-qabsiga hada ka taagan Koonfur Galbeed.

Qoraalkan ayaa imanaya xili ay kasii dareyso xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay soo baxayaan warar sheegaya in Xildhibaanada maamulkaasi ay u kala jabeen laba garab, kadib khilaafka ka dhashay muddo kororsiga uu golahaas kal hore u sameeyay Lafta-gareen.

HirShabeelle oo shaacisay go’aan culus oo la xiriira dadka loo qabto Shabaabnimo

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa maanta ku dhawaaqday in la xiri doono nabadoonkii iyo qofkii kale ee beel ahaan uga daba taga qofka loo soo xiro Shabaabnimo, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaal xoogan oo ka dhan ah kooxda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan oo arrintaasi shaaciyay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab uu kala dhaxeeyo dagaal, islamarkaana aysan aqbali doonin in wada-hadal laga galo qofkii loo soo xiro kiis la xiriira.

“Ninkii qof lasoo qabtay (Al-Shabaab) ah dhaha waa reer hebel, isagana halagu daro, isagaa ka daran oo ka xun, Shabaab iyo Innaga waxaa naga dhaxeeya qorigaas, waala waayay wax kale oo lagu kala qanco oo aan qoriga ahayn,” ayuu yiri.

“Dheeraad ayay nolosheena iyo Soomaaliya ku yihiin (Al-Shabaab) marka waa in aan ka saarnaa waxaana uga saari karnaa in aan wadajir dagaal ula galno.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Muddo 4 ah joogto ayey u socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana lagu qabtay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedka HirShabelle.”

Waxa uu sheegay in dib loo soo celinayo adeegyada bulshada oo muddo 15 sano aanay u helin sida ay ugu baahan yihiin dadka ku nool deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

“Howl-galada waa ay kasii soconayaan gobolka illaa inta gacanta maamulka dib loogu soo celinayo deegaanada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.”

Maxay ahaayeen ragga ay DF maanta ku wareejisay Iran?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay rag kalluumeysato ah oo u dashay dalkeeda, kuwaasi oo hore maxbuus ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Iran ayaa sheegtay in raggaan dalkeeda dib loogu soo celinayo kadib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.

Siddeed sano ka hor ayay raggaan ka qabatay kooxda Al-Shabaab biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, ayada oo warar kale ay sheegayaan in kooxda ay kala wareegtay Burcad Badeed Soomaali ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku guulaysatey soo deynta la haystayaashii ay afduubka u haysteen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Kalluumeysatadaan oo dhammaantood kasoo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalkaas ayaa ka degaya magaalada Tehran kadib markii ay qaadday diyaarad ka soo duushay magaalada Muqdisho Sabtidii xalay.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay baaritaan ku sameynayso kalluumaysato ajnebi ah oo Shabaab gacanta ku hayeen sanado badan, kuwaasi oo lagu qabtay aagga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Al-Shabaab oo rogaal celin ka sameeyay Hiiraan iyo dagaal xooggan oo dhacay

0

Moqokori (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Moqokori ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay deegaanka Xaawada Gadiid oo 30KM u jirta magaaladaasi ee gobolka Hiiraan dhinaca degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar soo rogaal celin ah ku qaadeen fariisinka ciidanka ee degaanka Xaawa Gadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dagaal-yahaanada Al-Shabaab, islamarkaana dagaalkii dhacay ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda.

Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanka Cali Axmed oo ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaasi ka wadaan howl-galo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaa lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.

Sawirro: Odayaasha beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Al-Shabaab oo la xiray

0

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa goordhow xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo kasoo laabtay deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Odayaasha waa la xiray, waxaana loo gudbiyay magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamusho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, oo sidoo kale goobta ka hadlay ayaa yiri” Odayaasha maanta hadlay waa dambiilayaal, tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii wareystay cadaaladda ayaa la hor keenayaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lalal soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

Shirkii jaraa’id ee ay saaka qabteen ayey odayaasha Slaeebaan ku beeniyeen inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, balse waxay qirteen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

“Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiska ay la galeen Al-Shabaab kusoo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

“Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle.

Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu  furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaban -qaabadii ugu dambeysay ee shirkan ayaa hadda ka socota xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo ay isugu tegayaan madaxda Soomaaliyeed.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Galmudug oo goordhow lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda la sugayaa hoggaamiyeyaasha maamullada kale ee Puntland iyo Jubbaland oo kasoo kala kicitimaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.

Xuseen Macallin oo shaaca ka qaaday arrin uu qariyay Wasiirka Gaashaandhigga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macallin Maxamuud oo haatan la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaa ee hadda ka socdo inta badan gobollada dalka isaga oo xaqiijiyey in Turkiga uu kamid yahay saaxibada ka qayb-qaadanayo dagaalka.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada socdo, isla-markaana Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran.

Xuseen Macallin ayaa meesha ka saaray hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga oo isagu horey u qariyay in diyaaradaha Turkiga ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV, laakin la-taliyaha ayaa caddeeyay in Turkiga uu door weyn ku leeyahay dagaalka socdo, uuna u mahadcelinayo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkiga uusan kaliya cirka ka taageereyn ciidamada Soomaaliya, balse uu xittaa siiyo qalab iyo tababar dheeraad ah.

“Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka cirka naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo u warramay Warbaahinta dowladda.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna taageero ka heleysa dowladaha ay ka socdaan ciidamada ATMIS, Mareykanka, Turkiga iyo dalal kale.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa soo socday in ka badan 15 sanno, waxayna weli gacanta ku hayaan degmooyin iyo deegaano ka tirsan dalka.

Daawo: Odayaasha Beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Al-Shabaab oo xog bixiyay

0

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaashii Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee dhowaan Al-Shabaab ugu tegay degmada Xarardheer ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaga oo faahfaahin dheeraad ka bixiyay ujeedka ay ugu tageen kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale heshiiska ay la soo galeen.

Odayaashan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa marka hore beeniyay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

“Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiskooda ay ku soo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

“Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle.

Dhankiisa Nabadoon Sugaal Warsame Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusay in wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah aysan la laheyn Al-Shabaab, balse wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa inay soo dayaan dadkaasi shacabka ah ee lagu heystay Xarardheere.

“Al-Shabaab lama shaqeyno wax xiriir ah nagama dhexeeyo ujeedkeena waa in aan dadka naga xiran ka soo deyno,” ayuu isna yiri Nabadoon Sugaal Warsame Cali.

Si kastaba, tallaabada ay qaadeen odayaashaan iyo heshiiska ay lasoo galeen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si weyn iga hortimid Beesha Saleebaan, kadib kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaga oo wax ba kama jiraan  ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug.

Daawo: Madaxweyne Lafta-Gareen oo taallaabo culus qaaday kadibna sameeyay…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo isbeddal ah oo ku wajahan maamulkaasi oo haatan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, wuxuuna sameeyay xilka qaadis iyo sidoo kale magacaabis.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa soo buuxiyay kursigii uu baneeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta K/Galbeed Ilyaas Cali Nuur, isaga  xilkaas uu magacaabay Cabdifitaax Cali.

Ilyaas oo kamid ahaa saaxibada ugu dhow Madaxweynaha ayaa xalay ka tegay shaqada, isaga oo is casilaaddiisa u sababeeyay dagaalkii maalin kahor ka dhacay Baydhaba.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25 December 2022 waxa uu madaxweynaha magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada magacyadooda hoose: 1-Cabdifitaax Cali Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee DKGS.

2-Cabdullaahi Maxamed Aadan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta ee DKGS.

3-Cumar Cabdiraxmaan Maxamed Wasiir ku xugeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha ee DKGS,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana ka dhashay muran xoogan oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu isku beddashay gacan ka hadal, kadib markii la’isku qabtay muddo kororsiga halka sano ah ee dhowaan loo sii sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Shabaab oo si yaab leh uga hadashay guuldarradii Aadan Yabaal iyo Ruun-nirgood

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Yuusuf Kabokutukade oo ah hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kooxda siiyey wareysi uu uga warbixinayo dagaallada ka socda gobolkaas ee ciidanka dowladda iyo shacabka kacdoonka sameeyey ay kula jiraan.

Ugu horeyn Kabokutukade wuxuu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay lix askari iyo sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ay ku dileen qarax ay kula beegsadeen duleedka degmada Mahadaay.

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku andacooday in wax weyn aysan ka dhigneyn in laga qabsado dhamaan degmooyinkii gobolkaas, sida Aadan-yabaal iyo Ruun-nirgood oo u dambeysay.

“Sh/Dhexe wax dheexaa ugama hir gelin kuwii nasoo weeraray, shacabku waa ogyihiin in aan deegaanada ku soo laaba doono, hadii meelaha qaar la shirbay, waxaan idiin sheegayaa Shirib Shabaab ma celiyo,” ayuu yiri Yuusuf Kabokutukade.

Sidoo kale ninkaan ayaa dowladda ku dhaliilay in qabaa’ilka ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-Shabaab, “Shacabkaan wax aan diinta islaamka aheyn kama gadi karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Kabokutukade.

Wuxuu sheegay in ka Shabaab ahaan ay dadka u sameeyaan maamul “Wanaagsan oo diinta Alle ku dhaqma” isagoo ku andacooday in dadka aysan been u sheegin oo balan qaad aan la fuli doonin aysan u sameyn, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Yuusuf Kabokutukade oo Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda ee la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan deegaanada HirShabeelle oo intooda badan kooxda laga xoreeyey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, saldhigga ugu weyn ee Yuusuf Kabokutukade wuxuu ahaa deegaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay laga xoreeyey kooxda, wuxuuna ka mid yahay Shabaab-ka firxadkooda lagu maacsanayo gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle.

Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay Wasiirka Difaaca KENYA

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka socdaalka Wasiir Ducaale ayaa la xiriira kormeer uu ugu yimid Ciidamada Kenya ee ka midka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeyb-qaadanaya howlagallo la filayo in dhowaan laga bilaabo deegaanada Junbaland.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay diyaar garowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo gobollada Jubbooyinka iyo tageerada Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaasi.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Aadan Barre Ducaale ayaa isla soo hadal qaaday sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha muddada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi.

Kenya ayaa xiriir dhow la leh Jubbaland oo ah maamul xuduud la leH, waxayna ciidankooda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday muddada ay kusoo afjareyso kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa shaaciyey waqtiga ay dowladdu u qorsheysay in lagu soo afjaro gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jirto.

Xuseen Macalin oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in markii ay ka tashadeen sida laga yeelayo dagaalka Al-Shabaab ay qorsheeyeen in kooxda lagu soo afjaro mudo laba sano ah.

“Markaan tashanay waxaan ku qanacnay in laba sano gudahood aan Shabaab ku soo afjari karno, iyadoo ATMIS laga maarmayo, marka Shabaab jiritaankooda wuxuu halkaan ku soo gaaray maamul xumada iyo daciifnimada dowladeenna,” ayuu yiri la-taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Shabaab-ka looga adkaan karo mudo aad u kooban, “In kastoo kaalmo caalami ah aan isaga baahanahay, hadana cidda Shabaab jebi kartaa waa ciidanka Soomaaliya oo kaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xuseen Macalin oo la weydiiyey dowladaha dhanka duqeymaha iyo dagaalka Al-Shabaab ka taageera dowladda Soomaaliya ayaa ku jawaabay, “Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka circa naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladaha UK, Sacuudiga, Qatar, Mareykanka iyo Imaaraadka ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Shabaab oo qarxisay mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah + Khasaaraha

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Waraka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in miino ay dhigeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay maanta la kacday mooto Bajaaj ay la socdeen shacab, xilli ay mareysay inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Mahadaay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu aasay waddada aada deegaanka Buur-fuule oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha.

Saddex qof oo saarnayaa mootada ayaa ku geeriyooday qaraxan, waxayna kala ahaan qof dumar ah, darawalkii mooto Bajaajta waday iyo nin kale beeraley ahaa.

Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburtay mootada uu qaraxu haleelay, waxaana goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo dhacdadaan ku eedeeyay Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa ATMIS ee ku sugan halkaasi

Maalin kahor ayey aheyd markii waddadan qarax kan mid ah lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday sarkaal lagu magacaabi jiray AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo laba xidigle ahaa, kaas oo goobta ku dhintay, isaga afar askari oo kale oo ilaalo u ahaa.

Kooxda Al-Shabaab oo haatan laga saaray Shabeelaha Dhexe ayaa inta badan weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobolkaasi, waxaana mararka qaar  miinooyinka soo boodada ah ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka rayidka ah.

Daawo: Wasiirkii Warfaafinta K/Galbeed oo is-casilay, kadib markii ‘la weeraray’ dadkiisa

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa xilka iska casilay, isagoo xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen.

“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas.

“Inta uusan weerarkaan dhicin habeen ka hor ayaan aniga, Suldaanka beesheyda iyo xildhibaanka DF nagu metela waxaan u tagnay Madaxweyne Laftagareen, waxaana u sheegnay in dhibaato badan aan tabaneyno oo dhalinyaradaas in la weeraro aanaa raali ka noqon Karin, balan ayaan lasoo galnay madaxweynaha, kadibna gadaasheena inta laga wareegay ayaa dhalinyaradii la weeraray, qaar waa la laayey, qaarna dhaawac iyagoo ah ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri wasiir Ilyaas.

Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta reer K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.

“Dowladda federaalka oo Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ugu horeeyaan waxaan ka rabnaa in arrinta K/Galbeed aysan sahlan, halkaan in kursi dartiis dhiig loogu daadiyo ma dooneyno,” ayuu yiri Ilyaas.

Wasiir Ilyaas ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in kursiga uu isaga tago sidii Shariif Xasan, intii uu dhiig ku daadin lahaa, “Laftagareen waxaan la soo shaqeynayey mudo dheer, waxaan maamulka soo gaarsiinay meel munaasab ah, hadii lagu yiri hal sano kuma siineyno, madaxweyne adigoo dhiig daadin oo dhib geysan doorashada si sharaf leh u qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ilyaas Cali Nuur.

Hoos ka daawo

Daawo: Caro xoog leh iyo banaan-baxyo ka dhashay dil ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid bulshada degmada Kaaraan ayaa galabta dhigay banaan-bax xoog leh oo ay dowladda Soomaaliya u dalbanayaan inay cadaalad u helaan nin darawal mooto ahaa oo galabta uu dilay askari boolis ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa u geeriyooday xabad laga riday qoriga Dhakhiikaha ee gaadiidka la saaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaan-bax ay dhigeen dad u badan ehelladiisa.

Askari la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada taliyaha booliska degmada Kaaraan ayaa ninkaan dilay, isagoo dhaawacay haweeney kale oo mootada la socotay.

Ehellada Cabdiraxmaan oo banaan-bax ka dhigay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ayaa dowladda ka dalbaday in askariga dilka geystay sharciga la hor keeno, iyagoo cadeeyey in wax aan sharciga aheyn aysan ku qanci doonin.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka geeriyooday hal xaas, seddax carruur ah iyo waalidkiis oo noloshooda uu gacanta ku haayey, maadaama uu ahaa halka qof ee u xamaala reerka dhan.

Muqdisho, waxaa aad ugu badan dilalka ay sidaan oo kale askartu ugu geystaan dadka shacabka ah, gaar ahaan gaadiidleyda, waxaana aad u yar askarta sharciga loo hor geeyo dembiyada la xariira dilka dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in saraakiil ciidan ay Shabaab usoo dhaafiyaan baraha kontrol ee ciidamadda gawaarida ku hubiyaan.

“Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana,” ayuu yiri.

“Askariga laftigiisa kama marna laakiin ninka derajo leh ee sarkaal boolis ah, sarkaal nabad-sugida, millateri ama asluub ah ee ku cadaato isaga ayaa qaraxa kasoo dayay checkpoint-ga waa maxay aakhira-beelka iyo aduunyo-beelka u dhiman.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu socdo baaritaanada weerarkii Shabaab ee Villa Rays, islamarkaana uu darawalka gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu u baxsaday dhanka Al-Shabaab, kadib markii uu soo galay raadka weerarkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen oo qorshe cusub billaabay kadib dagaalkii Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa billaabay qorshe uu xal nabadeed ku raadinayo kadib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba isaga oo maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka Lafta-gareen iyo Odayaasha ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii doorkooda nabadeed ay uga qaadan lahayeen xal uhelida shaqaqadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u sheegay madaxweynaha in doorkooda odaynimo ka qaadanayaan intii karaankooda ah xal u helida xiisada ka taagan Baydhabo ee ka dhalatay muddo kororsiga uu sameeystay.

Lafta-gareen oo ku doodaya sharci ahaanta uu kusii fadhiyo kursiga u sareeya maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey dagaalkii Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in Koonfur Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto.

“Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Lafta-gareen.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga soo horjeeda muddo kordhinta hal sanno ah ee uu sameeystay Lafta-gareen, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan la qabto doorasho wada-ogol ah, taasi oo aan hadda muuqan qorshaheedu.

Xamza oo soo saaray amar culus kadib arrintii uu shalay shaaciyey madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha dowladda, ayaa amray ay la xisaabtamaan shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada

Xamza ayaa sheegay in agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howl-wadeennada wasaaradda uu agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balan-qaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay agaasimeyaasha guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina kula dardaarmay agaasimeyaasha inay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howl-wadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh shalay uu shaaciyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in shaqaalaha dowladda u qoran ay kaliya 30% soo shaqo galaan, taasi oo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

Madaxweynaha, oo ka hadlay salaaddii Jimcaha kadib ee Masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u qoran yihiin 5,000 oo shaqaale, balse ay shaqada soo galaan kaliya 1,500, taasi oo lagu ogaaday nidaamka elektoronic ah ee qofka marka uu shaqada soo galo uu gacanta saaro.