27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xisbiga WADANI oo war ka soo saaray dilka Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo loo geystay mas’uul ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Musharraxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si adag uga hadlay dilka Cabdiftaax, wuxuuna tacsi u diray ehellada marxuumka, gaar ahaan qoyskiisa & carruurta uu ka tegay.

Sidoo kale wuxuu  ka dalbaday laamaha ammaanka ee Somaliland in ay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii dilka geystay, si cadaaladda loo horkeeno.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Dhanka akle ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgallo iyo baaritaano ka bilaabay magaalada, si dabagal loogu sameeyo raggii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah.

Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal ammaa darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana horay u jirtay in xukuumadda Somaliland ay gudaha magaaladaasi kasoo masaafuray qoysaska kasoo jeeda koonfur Soomaaliya.

Fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo geeriyooday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiin oo kamid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka u jiifay xaalad caafimaad daro oo la soo daristay, waxaana loo qaaday dalka Ethiopia oo uu haaatan ku geeriyooday.

Qaar kamid ah Fanaaniinta caanka ah ayaa ka hadlay geerida Cabdinaaasir Macallin Caydiid, waxayna Eebbe uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Firdsowso.

“Ilaahay Ha u Naxariisto Ustaad Cabdinasir Macalin Caydiid qabriga Alle ha u nuuriyo dhamaan ehelka qaraabada iyo Soomaali oo dhana samir iyo iimaan Ilaahay ha’inaga wada siiyo,” yiri Fanaan Dalmar Yare oo ka hadlay geerida Marxuumka.

“Hadhacii Fardowsaad Halhaleel ku gal AUN Aabe Cabdinaasir Macalin Caydiid wuxuu ahaa macalinkayga,” ayuu isna yiri Fanaan Qamar Suugaani.

Haddaba kumuu ahaa Cabdinaasir Macallin Caydiid?

Allaha u naxariistee wuxuu Cabdinaasir Macallin Caydiid ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1959-kii. Waxaana uu wax ku bartay dalkaasi isaga oo soo noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama makaanik.

Sidoo kale wuxuu fanka ku biiray horraantii sanadihii 1980-yadii, isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac , Axmed Mooge Liibaan, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aada, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan.

Wuxuu sida oo kale ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble (Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka aheyd.

AUN marxuumka ayaa sanadihii dambe ku noolaa Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa isagoo kamid ahaa tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo noolaanaysa Al-Shabaab la’aan – Faallo

0

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa dalka ka curtay dagaal looga soo horjeedo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, kaas oo leh jihooyin kala duwan. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 15 sano ku dhow la noolaa dadka Soomaaliyeed, waxey si tartiin tartiib ah ugu fidayeen gobolada, degmooyin iyo deegannada dalka, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay aragtidooda ku baahiyaan guud ahaan waddanka

Tan iyo markii laga saaray Muqdisho, Al-Shabaab ayaa billaabay nolosha duurka, waxey u weecdeen dhankaa iyo MIYA, halkaas oo ay u arkeen in ay kusii noolaal karaan muddo fog, intaas kuma ekaane waxa ay si aan xowli aheyn ugusoo siqayeen magaalooyinka waaweyn, illaa ay la wareegaan gobolo qaar. 

Dowladihii isku beddelay dalka ayaa mid walba sida la qumman u wajihi jiray dagaalkooda, dowladdi Sheekh Shariif oo ku guuleysatay in ay ka saarto caasimadda ayaa taladii wareejiyay muddo gaaban ka dib, taas oo fursad ay urkayeen firaaqa yar ee isbeddelka maamulka dalka. 

Xasan Sheekh oo xilligaas ka yimid bulshada, maadaama uu ahaa bare soo saaray arday badan, sidoo kalena ahaa samafale si mudadawacnimo ah wax uga qabta adeegyada bulshada dalka ayaa la wareegay taladii, wuxuu durba ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ka xoog badneyd hadda. 

Wuxuu Xasan Al-Shabaab kala wareegay deegaanno badan oo dhaca Shabeelooyinka, kuwaas oo ay ka mid aheyd magaalada Marka, Al-Shabaab ayaa isku dayay in ay dib ula wareegaan deegannadaas, waxaana ka hor istaagay ciidamada xoogga. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa billaawday in ay lacago baad ah oo ay ugu yeeraan Zakawaat ka qaadaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku sugan deegganada ay qabsadeen, waxey dadka shacabka ka ula dhaqmi jireen si ka baxsan islaamnimada iyo bini’aaddanimada, taas oo keentay in ay shacabka nacaan kooxdan aan u dhaafeyn maalkooda iyo naftooda.

Dowladdii madaxweyne Xasan ayaa taladii ka dagtay iyadoo dagaal qaraar kula jirtay kooxdan, waxaana xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, kaas oo ololihiisa doorashada kusoo galay la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad kusoo dabbaalidda dalka,  wuxuuna ummadda Soomaaliyeed Baarlamaanka hortiisa uga ballanqaaday dhowr qodob oo aan midna ka dhaqan galin. 

Wuxuu Farmaajo ballan qaaday in uu soo afjari doono kooxda Khawaarijta ah, in uu bixin doono hantida shacabka ay qaraxyada uga burburiyaan, qofkii sheega qof Al-Shabaab ah in uu heli doono lacag 100 kun dollar ah, xogtiisana la qarin doono, in uusan waddo xiran doonin, beddelkeedana uu isaga gaari aan xabbada karin kori doono, dhammaan ballan qadyadaas iyo kuwo kale ma fulin Farmaajo intii uu dalka heystay.

Shantii sano ee dowladdi Farmaajo iskaba daaye in Al-Shabaab lasoo afjaree, waa shan sano ku suntan naaxinta kooxdaas, ma jirin wax tillaabo ah oo loo qaaday dagaalka Al-Shabaab, tiiyoo ay jirto in lagu xanto in ay wada shaqeyn ka dhaxeysa, waxaa dhacay qaraxii ugu qasaaraha badanaa taariikhda Soomaaliya, kaas oo gallaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah, burburiyayna hanti aan qiyaas laheyn. 

Al-Shabaab ayaa shantaas sano helay nasiino ay isugu fidin karaan deegaanno iyo gobolo aysan hore u heysan, waxey Muqdisho ka sameynayeen falal amni darro oo quus galisay qof walba oo Soomaaliyeed, waxey Al-Shabaab dadka shacabka ee Muqdisho ku dhaqan billaabeen in ay ka qaadaan lacago baad ah, taas oo ay u sheegayeen in ay ku badbaadayaan. 

Kooxda ayaa Muqdisho ku laheyd xarumo ay ganacsatada ku maxkamadeyso, waxa ay abuurteen cabsi galin gaartay in qofkii masuul dowladeed ah ay soo wacaan uu iska bixiyo waxa ay weydiistaan, taas oo ah midda dhalisay shakiga ugu weyn ee ah wada-shaqeynta kooxda iyo dowladdii Farmaajo, waxeyna muddadaas shanta sano ah dhisteen awood Militery oo xooggan. 

April 2022, waxa ay Baarlamaankii Soomaaliyeed dib u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa is beddelay jawigii dalka, waxaa abuurmay rajo uu qof walba aaminsanaa in ay rumoobi doonto maali ka mid ah muddo xileedkiisa, wuxuuna dalka galay is beddel aan la fileyn oo hadal heyn ka abuuray bulshada dhexdeeda. 

Kooxda Al-Shabaab oo xilliyadii kala guurka dalka ka sameyneysay qaraxyo geystay khasaaro aan qiyaas laheyn ayuu waaga ku baryay, waxey sheegeen in ay dowlad walba sugaan inta ay ka caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan kooxdan.

Maxey noqotay jawaabtii Madaxweyne Xasan Sheekh? 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu sheegay in uu ka duwanyahay dagaalladii hore, wuxuu madaxweynaha sheegay in dagaalkan uu u qorsheysnaa inta aysan qaban talada dalka, isagoona faray dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxdan Khawaarijta ah. 

Ra’iisul wasaare Xamza oo isna hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay la dagaalanka kooxdan, dalkana aysan macquul aheyn in uu horumar sameyo inta ay kooxdan heystaan qeybo ka mid ah, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed ku booriyay in ay kacaan oo ay iska dulqaadaan kooxdan. 

Kooxda oo ka jawaabeyso go’aankii madaxda dalka ayaa handadaad ku billaawday qabaa’illadii Soomaaliyeed, waxey barakiciyeen shacab reer Miyi ah oo aan waxba ka galabsan, waxey gubeen guryahoodii, waxey ka qaateen hantidoodii, iyagoona dilay tiro badan oo iyaga ka mid ah.

Wixii markaas ka dambeysay, waxaa gobolka Hiiraan ka curtay kacdoonkii uu madaxweynaha iclaamiyay, kaas oo shidaal kasii helay shacabkii ah kooxdu sida gardarrada ah u leysay, ceelashii ay sida arxan darrada ah u gubeen iyo hantidoodii ay qaateen, xilli ay dowladda Soomaaliya billaawday in ay garab istaagto shacabkii ku dhaqaaqay amarkii madaxweynaha, go’aankana ku gaaray in ay iska dulqaadaan kooxdan.

Waxaa meesha ka baxday cabsidii ay shacabka ka qabeen kooxdan, waxaa dalka ka curtay kacdoonkii macawiisley, kaas oo dhabarjab ku noqday kooxda Al-Shabaab, waxaana laga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin waaweyn oo ay heysteen muddo ku dhow 15 sano. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday dalal badan oo adduunka, kuwaas oo uu qaarkood xumaa xiriirka innaga dhaxeeya muddadii 5 sano aheyn ee uu dalka maamulayay Farmaajo, wuxuu madaxweynaha dhammaantood kala hadlay in ah garab ku siiyaan dalka ay shacabka Soomaaliyeed kula jiraan kooxda Khawaarijta ah, kaas oo  ay Soomaaliya ku heshay taageero maaliyadeed, mid ciidan iyo mid saanad, waxeyna taasi basiin kusii shubtay dagaalkii curtay. 

Waxa ay ciidamada iyo shacabka wada socdo la wareegeen dhammaan degmooyinkii dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaa dalka ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu beegsaday kummaan dagaalyahan oo kooxdan ah iyo horjoogayaal, kaas oo ay fuliyeen ciidamada xoogga, kuwa NISA iyo dowlado caalami ah oo cirka ka taageerayay, qorshahaas oo wiiqay awooddii ay kooxdu diyaarineysay muddada 15 sano ah. 

Waxaa billaawday in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii muddada fog ku maqnaa dalka Eritrea, kuwaas oo habeennadaas ka daga Muqdisho, waxa ah kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u xoreynta guud ahaan dalka, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan furimaha dhawaan. 

Sidoo kale waxaa dalka dibaddiisa loo qaaday ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo loosoo diyaarinaayo gabo gabeynta howlgalladan dalka looga xoreynaayo aragagaxisada, waxeyna dalka kusoo laaban doonaan bilaha nagu aaddan hadduu alle idmo.

Dagaalkan oo ay dowladdan cusub iclaamisay wuxuu kuwii hore kaga duwanyahay dhowr arrimood kuwaas oo aan waligood kooxda lagala dagaalin.

1- Waa dagaal dhaqaale 

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kooxda ka cuuryaamisay dhammaan ilahii dhaqaale ay heli jireen, waxaa digniin adag loo diray ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda lacagaha baadda ah sii  jiray, waxaana howlgallo qorsheysan lagu burburiyay maxkamado beenaadyo ay kooxdu ugu yeeri jiray ganacsatada iyo shacabka Muqdisho. 

Waxaa la xiray tiro Nootaayooyin la shaqeysan jiray kooxdan, kuwaas oo u gudbin jiray dhulalka la kala gato, lacagaha la kala dhigto, hantida ma guurtada ah ee la kala waregsado iyo wax isku darsiga ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo nootaayooyinkan u tagi jiray in ay heshiisyada u kala qorto.

Arrintan ayaa kooxdan u fududeyn jirtay in ay si dhaqso ah ku helaan xiriirka qofka ay doonaan ee dhul iibsaday ama laga iibsaday, waxeyna durba wicitaan iyo handadaad ku beegsan jireen dadkaas masaakiinta ah. 

Waxey dowladdu mamnuucday in lala macaamilo kooxdan, in lacag la siiyo iyo in ay loogu tago meelaha ay dadka ugu yeeraan, taas oo ciddii ka hor timaada ku xukun noqon donto iyaga, waxaa durba la xiray ganacsato badan oo lacago u diray kooxdan, kuwa aaday oo u doontay xukun iyo kuwo u hoggaansami waayah awaamjirtij dowladda.

Waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal dhaqameed aaday kooxdan si ay ula macaamilaan, kalana hadlaan arrimo quseeya beelaha ay kasoo jeedaan, kaas oo ka hor imaanaya amar madaxweynaha ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxdaas. 

2- Wacyigelinta bulshada 

Dowladda Soomaaliya ayaa billaawday in ay masaajidda dalka laga aqriyo khudbado bulshada looga wacyigelinaayo khatarta kooxdaan iyo in aysan diin u dirir aheyn oo ay ka been abuurayaan diinta islaamka, waxaa badi masaajidda Muqdisho Jimcada lagu soo qaataa wacyigelin ku aaddan kooxda, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda awqaadta iyo arrimaha diinta.

Arrintaan iyada ah waxaa ka dhashay in ay tiro dhallinyaro ah kasoo baxaan kooxdan ka dib markii ay arkeen in aysan diin aheyn waxa ay ka shaqeenayaan, dadka shacabka ay leynayaan iyo sida ay u burburinayaan hantida iyo guryaha dadka masaakiinta ah, kaas oo jab weyn ku noqday kooxda Khawaarijta ah.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay masaajidka madaxtooyada ayaa sheegay in aan loogu imaan karin arrin quseysa qof kiis Shabaab lagu soo qabtay ama lagu tuhmay, wuxuuna sheegay in qofkii soo raadsha uu shabaab kale yahay, sharciga la horgeyn doono. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gaaray dhawaan furimaha dagaalka gobolada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, wuxuu madaxweynaha sheegay in ay ka go’antahay dagaalka kooxdan lagu cirib tiraayi, beel walbana laga rabo in ay xoreysato deegaannadeeda.

Tan iyo maalintaas wixii ka dambeeyay, ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka ayaa la waregay deegaano hor leh, waxaa la arkayay diyaarado dagaal oo dhaawacyada kasoo daabulaya furimaha, tiiyoo ay jirto in deegganada qaar ay dowladda ka hirgelisay xarumo caafimaad oo ku filan daweynta dhaawacyada ciidamada iyo dadka deegaanka. 

Ra’iisul wasaare Xamza oo isna booqday furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay soo afjaridda kooxda, wuxuu sheegay in deegaankii la qabtaba u diyaarsantahay qorshe adeeg dowladeed oo dhammeystiran, wuxuuna ballan qaaday in aysan ciidamadu dib ugasoo laaban doonin deegaannada soo galay gacanta dowladda. 

Al-Shabaab ayaa hadda wajahaya xaalad dhaqaale darri, mid ciidan u dagaalama iyo mid bulsho, waxaa afka furta shacabkii ay muddada fog sida xoogga ah ku heysteen, waxey sheegeen in ay ku noolaayeen silac iyo dullinimo, waxeyna hadda qaarkood qeyb ka yihiin dagaalka lagu sii eryanaayo firxadka khawaarijta.

Marka la eego awoodda shacabka, sida ay seefta gasha ugala baxeen, cududda ciidanka xoogga, kuwa cusub ee hadda dagaya ee Eritrea ka yimid, garab istaagga dowladaha adduunka iyo ka go’naanta madaxda sare ee dalka ee ah in khawaarijta lasoo afjaro ayaa muujineyso in ay soo dhammaadeen waayihiin kooxdan arxanka daran ee muddada fog jiqeysay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sababtana u noqday in ay god galaan waxgalkii ummadda Soomaaliyeed. 

W/Q: Cali Aadan Muumin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Al-Shabaab oo toogasho ka geysatay dalka KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ka geysteen deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska Kenya oo ka hadlay weerarka oo dhacay habeenkii Kirismaska.

Sidoo kale xubnaha weerarka fuliyay ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaalla halkaas, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana gubtay dhowr guri.

Booliska ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka fulisay oo baxsatay, kadib dhacdadaasi.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Xeebta John Ellungata oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in weerarka kadib uu dagaal dhex-maray ragga hubeysan iyo ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay iska caabin sameeyeen inta uu socotay is rasaaseynta.

John Ellungata ayaa farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Booliska dowladda Kenya.

“Xaaladdu waa degan tahay, waxaan joognaa goobta askar roondo ah, waxaana ka codsanaynaa xubnaha bulshada inay noo sheegaan waxay og yihiin inay naga caawiyaan baaritaanada inta aan wadno howlgallada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Xeebta.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha Kenya, waxaana todobaadkii hore ay qarax la beegsatay ciidamo ka tirsan kuwa dalkaasi.

Daawo: Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay fashilka DF ka haysta shaqaalaheeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ka hadlay arinta hadal-heyta badan abuurtay ee ku saabsan soo xaadiridda shaqada ee shaqaalaha dowladda, dhawaan waxaa lasoo bandhigay tirada shaqaalaha sida joogtada ah waajibaadkooda u guta iyo kuwa iska maqan.

Tiro-koob ay maalin ka hor soo bandhigtay dowladdu ayaa daaha ka qaaday in 80% shaqaalaha dowladda aysan soo shaqo tegin oo mushaarka ay macno darro ku qaataan.

Hadalheyn iyo falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay arrintaan, waxaana arrintaas si adag uga hadlay Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle, wuxuuna dalbaday in dadkaan maqan la daba-galo oo lasoo ogaado cida qortay iyo tirada lacagta ay macno darrada ku qaateen, si looga soo celiyo hadii ay suurtaal noqoto.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u diray fariin uu uga codsanayo inay arrintaan deg deg wax uga qabtaan, oo maalmaha soo socda la arko dad badan oo shaqada laga ruqseeyey iyo kuwo laga soo celiyey lacagihii ay iska qaadan jireen.

“R/Wasaare Xamse waxaan ka rajeynayaa in shaqadaan uu ku cibaadeysto, sidii uu hadda ka hor noo sheegay, dadkeenu waxay u baahan yihiin cadaalad iyo isla xisaabtan, waxaan oo kale dunida kama dhacaan,” ayuu yiri.

Sheekh Maxamed ayaa dul istaagay dhaliilaha dul-hoganaya hey’adaha dowladda oo aad u badan, isagoo su’aal ka keenay sababta ay u sameysan yihiin wasaaradaha qaar oo wax shaqo ah aan laga qabanin.

“Soomaaliya markii horaba 70 wasiir uma baahneyn, 30 wasaaradood uma baahneyn, 7 ilaa 10 wasaaradood ka badan dalkaan ma qaadi karo, dad la iska qorayo, iyadoo shaqo loo qoro aan loo heyn, waxay muujineysaa in Soomaaliya aan dowladnimo laga rebin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiiqaan.

4,535 oo qof ayaa la cadeeyey in shaqadooda aysan soo xaadirin, wuxuuna Shiiqu ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in arrintaan ay deg deg wax uga qabtaan oo umadda Soomaaliyeed ay dhaqaalaheeda u badbaadiyaan.

Sheekh Maxamed Idiris, mar uu ka hadlay amni darrada Muqdisho wuxuu madaxweynaha ku taageeray hadalkii uu dhawaan ka hor sheegay booliska, isagoo ku eedeynaya inay amniga ku talagal u dayacaan.

“Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa hadii uu rabo inuu Janada galo oo taariikh sameeyo, madaxweyne dadkaan shaqada ka ceyri oo xabsi gey kuwa muteysta, meeshaan waxaa ku jira dad aan u naxayn bulshada, Madaxweyne qoorta uga istaag dambiilaha, anaga ayaa kugu taageeri doona dariiqaas wanaagsan ee isla xisabtankee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamed Idiris.

Hoos ka daawo

Daawo: Arrinta muhiimka ah ee Saadaq Joon uu kusoo qaaday kulankii BF ee maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka hadlay kulankii labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qoondada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga.

Xildhibaanada labada aqal oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ka dooday miisaaniyadda, waxayna xildhibaanadu ka aragti dhiibanayeen dul-duleelada odorkaan miisaaniyadeed sanadka 2023-ka.

Xildhibaan Saadaq Joon ayaa soo jeediyey in hey’adaha ammaanka miisaaniyadda loo wada kordhiyo, isagoo dhaliilay sababta looga tegay oo miisaaniyadda aan loogu kordhin sanadkaan wasaaradaha amniga iyo cadaaladda.

“Sababta looga soo tegay wasaaradda amniga waxaan u maleynaa wasiirkii ayaa dhaawac ah, marka waxaan aragnaa in wax miisaaniyad ah aan loo kordhin hey’adihii amniga iyo cadaaladda, taasna sax maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa codsaday in miisaaniyadaan dib loo celiyo oo lagu soo daro wasaaradaha amniga iyo cadaaladda oo ay kala hoos tagaan ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Hoos ka daawo

Jeneraal Zakiya oo jawaab kasoo saartay kiiska Macallin Shuceyb iyo eeda loo jeediyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa raali gelin ka bixisay qoraal kooban oo maalmo ka hor ay ku shaacisay in Macalin Dugsi Qor’aan uu Dhuusamareeb ku kufsaday seddax gabdhood oo yar-yar.

Jeneraal Zakiya ayaa ka cudur daaratay cidii qalad u fahantay fariintii ay bulshada ugu soo bandhigeysay kiiskaas, kadib markii maanta maxkamad lasoo taagay oo wax dembi ah lagu waayey Macalin Shuceyb oo kiiskaas lagu eedeeyey.

“Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya.

Haweenkii kiiskaas ku eedeeyey Macalin Shuceyb ayaa raali gelin ka bixiyey, sidoo kale Macalin Shuceyb ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu iska cafiyey haweenkii been abuurkaas ku sameeyey.

Hoos ka akhriso qormada Jeneraal Zakiya:

Bismillah

Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay, marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintii  kiiska《MACALIN SHUCEYB》oo eedaysane u ahaay hooyooyin Soomaaliyeed, kuwaas oo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamareeb, baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay, waxaana been abuurkaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada, si sharci ahaan loo fasaxo, sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa.

Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan gudanay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas, waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed, madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka.

Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo karaamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka.

Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda.

Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bulshada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah, waana ogahay mudnaanta & qiimaha gaarka oo macalimiinta ay siisay diinteena suuban.

Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumcadda bulshada Soomaliyeed, waa waxaan ugu xirtay deriiska ciidan.

Mahad Badan,
S/Guuto Zakia Xussen Axmed
Taliye-Xigeenka Boliiska Soomaliyeed

K/Galbeed oo sheegtay in dowladda ‘ay xiisadda u hurineyso hal arrin darteed’

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waxay sheegeen in dowladda federaalka ay fara-gelin ku hayso arrimaha siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sidoo kale waxay sheegeen xildhibaanadu in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsanayo in qalalaase looga kiciyo Koonfur Galbeed, ayada oo arrintaan hore uga dhawaajiyeen siyaasiyiinta mucaaridka oo iyagu sheegay in ciidamadii loo adeegsaday dagaalkii Baydhabo ay qeyb ka ahaayeen kuwa federaalka.

“Waxaan dowladda federalka ugu baaqeyna inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada, islamarkaana ciidamada kasoo baxay furimahooda dagaalka dib loogu celiyo,” ayey yiraahdeen.

Dhinaca kale, Xildhibaanadaan ayaa ka dhawaajiyay in barlamaanka Koonfur Galbeed uusan sameyn muddo kordhin, hase yeeshe uu kaliya sameeyay is-waafajinta muddo xileedka madaxtooyada iyo baarlamaanka, taasi oo hadda uu ka qiil dhiganayo madaxweyne Lafta-gareen.

Hadalka xildhibaannada ayaa imanaya xili uu maanta Lafta-gareen magaalada Muqdisho uga qeyb-galay shirka madasha wada-tashiga qaran, kaasi oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Madaxweyne Muuse Biixi ‘oo dharbaaxo siyaasadeed’ ku dhuftay mucaaradka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu dhacay Liisaankii xisbinimo ee labada xisbi mucaarid iyo xisbul xaakimka, taasi oo ah guul usoo hoyatay madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Muuse Buuxi Cabdi.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee xisbiyada Waddani, Ucid iyo Kulmiye ay maanta ku egtahay, wixii ka dambeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

“Waxaanu halkan si rasmi ah idinku war-galinaynaa, in mudadii dhaqan-galka saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa la rumeysan yahay in uu gadaal ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi oo sida la sheegay gacanta ku haya xubnaha guddigaan, kaasi oo khilaafka doorashooyinka kala dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Biixi uu xisbigiisa Kulmiye ugu soo daray qoraalka si uu sharciyad uga dhigo arrinkaan, si ugu yaraan uu meesha uga baxo guuxa siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta uu sameeystay.

Mucaaridka ayaa hore ugu dhawaaqay inay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah muddo kororsiga Muuse Biixi, taasi oo ay ugu dambeysay isku-daygii fashilmay ee 13-kii bishii hore, markaas oo uu ku eeka muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Koonfur Galbeed iyo dibadbax maanta ka dhacay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah Lafta-gareen iyo sawirradiisa ayaa waxa iskugu yimaadeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dalbaday madaxweynaha in uu qabto doorasho, xili ay dhawaan Baydhabo ka dhaceen rabshado salka ku haya damaca Lafta-gareen.

Dibad-baxa ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadayaa ayada oo maanta caasimadda uu ka furmay shirka afaraad ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, qeybna ka ahaayeen madaxda dolwad-gobaleedyada, ra’iisul wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Lafta-gareen oo ku sugan Muqdisho ayaa wajahaya dhaq-dhaqaaqyo culus oo looga soo horjeedo muddo kororsigiisa halka sano, ayada oo xildhibaanada maamulkiisa ay dalbadeen in uusan ka qeyb-galin shirkaan.

Madaxda ku shirsan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadlaan xiisada ka dhalatay muddo kororsiga Lafta-gareen iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, kaasi oo dowladda federaalka ay dhawaan kasoo saartay baaq nabadeed.

Dowladda federaalka ayaa hore uga dalbatay dhinacyada isku haya maamulkaas inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, ayada oo looga digay daadinta dhiiga shacabka.

Siyaasiyiinta mucaaridka iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wada qorshe culeys lagu saarayo Lafta-gareen inta uu ku sugan yahay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in Lafta-gareen lagu qabso in uu mucaaridka u furo Baydhabo oo xiligaan uu kaligiis isku soo koobay.

Cali Dheere oo war kasoo saaray heshiiska odayaasha Saleebaan iyo xarigooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo dhawaan heshiis lasoo saxiixday kooxda.

Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay ciidamada ula dhaqmeen odayaashaasi, oo markii ay xirayeen inta indhaha ka xireen gaadiid Cabdi Bile ah dusha ka saareen ayna u diideen in xitaa kursi ku fariisiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in odayaashaasi ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, sida ay hore ugu eedeyeen waxgaradka iyo cuqaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan oo ayagu ka horyimid heshiiska ay odayaashan lasoo galeen Al-Shabaab.

“Odayaasha markii ay ku laabteen degaanadooda runtii waxay kala kulmeen duulaan cadowga oo ula dhaqmeen si aad u foolxun. Waxaan rabna in aan uga tacsiyadeyno odayaasha dhibaatada gaartay ayaga oo tolkooda iyo ehelkooda nabad u raadinaya,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay heshiiska ay odayaasha la xiray la saxiixdeen kooxda, kaasi oo uu sheegay in meesha looga saarayay colaad ay dowladda ka dhax abuurtay beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay sidiisa u fulin doonto heshiiskii ay dhawaan la saxiixdeen odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan, kuwaasi oo shalay lagu xiray magaalada Cadaado.

Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo maanta warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi maanta wareysiga ka qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

Cali Yare oo ka dalbaday General Zakiya inay Magdhow siiso Macallin Shuceyb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dhacdo ku aadan fal kufsi ah oo maalmo ka hor lagu soo eedeeyay Macallin Shuceyb Cabdi Maxamuud, balse ma dambe been abuur noqday.

Sheekadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana markii ugu horreysay shaacisay taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya Xuseen Axmed oo iyadu barteeda Fecebook-ga ku sheegtay in lasoo xiray Macallinka oo lagu eedeeyay kufsiga 3 gabdhood.

Intaas kadib ayaa waxaa kiiskan la wareegtay Maxkamadda gobolka Gaduud oo dambi ku weysay Macallin Shuceyb, waxaana kadib la sii wareystay Waalidiinta gabdhaha la sheegay in la kufsaday oo iyagu beeniyay falkaasI kusfigaah, waxayna sheegeen in la been abuuray.

Cali Yare oo arrintaan soo fara-geliyey ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyaan gacmo shisheeye, si loo suurad xumeeyo sharafka Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka.

Sidoo kale wuxuu kula taliyay Macallinka laga been abuurtay in uu kiiskiisa ka furo gal dacwadeed, maadaama sharaf dil lagu sameeyay.

“Hadda kubaddu waxay gacantiisa ku jiraa Macalin Shuceyb, waxaanan kula talinayaa inuu gal dacwo maxkamadda ka furto oo uu Booliska ka dalbado magdhow sharaf-dilkii lagu sameeyay u dhigma,” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yiri Cali Yare Cali.

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray Generaal Zakiya, isaga oo ka dalbaday in marka hore ay boggeeda ka saarto qoraalka Macallinka, kadibna ay siiso magdhow iyo raalli-gelin buuxda.

“Walaasheey Taliye Zakiya oo aan ku aqaan qof aqoon duqruqsan u leh xuquuqda insaanka, haddii uu ka dhacay qalad sidaas u culus waxaa la gudboon ugu horreyn ineey qoraalka weli boggeeda ku jira ka saarto, raaligelin iyo magdhowna siiso macalinka,” ayuu raaciyay.

Arrintan ayaa waxa ay dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana inta badan dadka falceliyay ee dhaleeceen u jeediyeen Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Villa Somalia oo shaacisay xogta shirka u furmay golaha wadatashiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatasiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in shirkan oo ah kii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana ay ka qayb-galayaan ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay madaxdu ku odroosayaan nidaam garsoor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxdu ay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan socda inta badan gobollada Soomaaliya, sida Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.

Kulan wadajir ah oo u furmay xildhibaanada labada gole

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo goordhow furmay ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayo guddoonka labada Aqal, ayada oo uu ajenduhu yahay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka.

Warbixin hordhac ah oo Golaha la siiyay ayaa waxaa lagu sheegay in Miisaaniyadda ay sanadkan diiradda saareyso arrimaha bulshadda, amniga iyo ciidamadda.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku guda galay dooda ku aadan Miisaanadda 2023-ka, ayaga oo sidoo kale su’aallo weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur oo isaguna goobjoog ah kulanka wadajirka ee hadda u socdo labada Gole.

Sidoo kale Guddiga Maaliyadda ee labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxa uu dajiyay qorshahaha Miisaaniyadda 2023, sida uu sheegay xildhibaan C/qaadir oo u hadlay guddiga.

“Miisaaniyadda waxaa muuqata in wax loo kordhiyey awoodaha sare sidda Madaxtooyada, laakiin baarlamaanka ma garanayo sababta aan wax loogu dari waayay. Arrintaas iyadana waa in wasaaradda maaliyadda dib u eegto” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Gaarane.

Doodda ku aadan Miisaaniyada dowladda ee 2023-ka ayaa sii socon doonto, illaa inta ay Xildhibaanada gole ay go’aan uga gaarayaan  inay ansixiyaan ama ay dib u dhigaan.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba Aaqal ayaa lasoo marsiiyaan shuruucda kala duwan ee ay soo gudbiyaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, si loo helo xisaabtan dhab ah oo ku aadan hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday xaaafadda Ceel Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ay carro kusoo doontay shaqaale ka shaqeynayey halkaasi.

Shaqaalaha aya ku howlanaa xilligaas dhismaha biyo mareen loo sameynayo waddada Ceel-Qalow oo ay inta badan biyuhu fariistaan xilli Roobaadyada, waxaana shaqaalaha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha ayaa ku dhintay dhacdadaan, kuwaas oo ay kusoo duntay, xilli ay ku jireen gudaha godka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale la la’yahay mid kamid ah shaqaalihii ka shaqeynayey halkaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Arrintan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka ee ka agdhowaa goobta, kuwaas oo gurmad deg deg ah u sameeyay shaqaalaha ay qabsatay dhacdadaasi.

Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo iyagu amray dhismaha biyo mareenkaas oo muddo dheer uu dhismihiisa uu soo socdo.

Si kastaba, ma’aha dhacdadan mid ugub ah, waxaana inta badan goobaha ay ka socdaan dhismayaasha waxyeelo kala duwan kasoo gaartaa shaqaalaha markaas dhismaha wada, taas oo marar badan lasoo wariyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhacdooyinkaasi.

Sababta rasmiga ah ee loo xiray odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Shabaab

0

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa shalay xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaasi oo kasoo laabtay deegaannada ay weli maamulaan Al-Shabaab.

Odayaasha la xiray ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa waxa xarigooda qeyb ka ah eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda.

Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

Waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa ayagu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug, kaasi oo ay ku saxiixan yihiin odayaasha la xiray.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi wareysiga ka qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

ATMIS iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab, kaas oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah, kaas oo sameeyay xaafadaha Haanta Dheer, Makoyga, ilaa Buunda weyn.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee la weeraray ayaa howlgallo ka bilaabay Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Muqdisho.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro ay ku soo qaado kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka dagaal ee ay wado dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka degaanka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya – Maxaa laga wadahadlayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid deg-deg ah oo uu iclaamiyay madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhacaya Villada Soomaaliya, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabadii u dambeysay.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, madaxweynaha Galmudug iyo madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland oo hadda maqan uu saacadaha soo socda soo gaari doono magaalada Muqdisho, si uu ugu biiro shirka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.

Sawirro: Howlgalka Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose – Maxaa dhacay maanta?

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kusii fidinaya gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii kooxda laga qabsaday dhammaan degmooyinka gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka ayaa maanta fuliyey howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka gaarka ah ee NISA iyo booliska Haramcad, kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marka. 

Sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda, howlgallada ayey ciidamadu ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan. 

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumesan in haddii Al-Shabaab laga sifeeyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ay wax weyn ka qaban karto amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. 

Inta badan qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa lagu soo diyaariyaa gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale gobolkan ku yaalla maxkamadaha kooxda Al-Shabaab ay ugu yeerto shacabka Muqdisho ee diida lacagta canshuurta baadda ah ee laga qaado iyo amarrada kale ee kooxda. 

Haddii gobolkan laga wada saaro kooxda, islamarkaana la xaqiijiyo amniga Muqdisho, waxaa billaaban doonta inay diidaan canshuurta, taasi oo dhaqaale ahaan kooxda wiiqi doonta, ugu dambeynna keeni doonta in laga adkaado.

Galmudug oo ka warbixiysay xarigga odayaashii lasoo heshiiyey Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Aadam Gaboobe ayaa faahfaahin ka bixiyay odaayaal maanta lagu xiray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in odayaasha ay maxkamadey doonaan, “Waxay doonayeen inay dadkeenna niyad jebiyaan, taasna deegaankaan kama shaqeyneyso,” ayuu yiri wasiir Gaboose.

Sidoo kale Wasiir ayaa u goodiyey dhamaan dadkii kale ee odayaashaan garabsiiyey, sida weriyaashii wareystay iyo ragii dhanka gaadiidka ka taageeray.

“Odayaashaan wax dhib ah kalama aysan kulmeyn Al-Shabaab oo deegaano nabad ah ayey joogeen, ayaga ayaana aaday Al-Shabaab, markii ay baxeen waxaan cadeynay in sharciga aan marsii doono, hadda markii ay soo laabteena ayagaaba warbaahinta la hadlay, waana soo qabanay,” ayuu yiri.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa la weydiiyey sida uu howlgallada ka socda Galmudug u saameyn doono heshiiska ay odayaashaan lasoo galeen Al-Shabaab.

Wuxuuna ku jawaabay, “Oday aan cidina dirsan Galmudug ma metelo, waa marin habaabin wixii aad aragteen ee heshiis lama dhihi karo, cid kasta oo marin habaabintaas ka qeyb qaadatana waxaan hor gey doonaa sharciga.”

Dhanka howlagallada wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan guluf dagaal oo xoog leh, kadib markii Al-Shabaab looga soo adkaaday HirShabeelle.

“Galmudug, maalmo kooban ayaa lagu soo afjarayaa Shabaab-ka jooga, mar hadii laga soo go’doomiyey dhanka HirShabeelle oo laga soo wada xoreeyey, maalmaha soo socda ayaan duulaan culus ku qaadi doonaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Hoos ka dhageyso wareysiga