27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xiisadda Puntland oo kasii dartay kadib markii Deni uu ku gacan sayray laba qodob

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku guuleystay kala jebinta ururada siyaasadda, kadib markii uu shir la yeeshay qaar kamid ah ururada.

Garabka kasoo horjeeda Deni ayaa hore u soo saaray dalabaad ay ku xirayaan si doorashada uga qeyb-galaan, kuwaasi oo badankooda uu aqbalay Deni, hase yeeshe uu ganafka ku dhuftay labadii ugu cuslaa.

“Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xilliga doorashada, 11 qodob oo kamid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel sharci,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Deni ayaa ka horyimid in la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan iyo in la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, ayada oo go’aankaas ay ku raaceen garabka taabacsan ee urur siyaasadeedka.

“Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinkaba, waxaa ay dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin waqtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaash.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waxaa ku baqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur islamarkaana ka baxda ururka oo ku biirta midaklae ama ka hortimaada ajendaha ururkiisa, waxay dhuminaysaa xasaanada, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii kusoo xigey isaga.

“Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay doorashooyinka ka qabsoomeen, ururkasta oo hela aqlabiyada codadka deegaan doorasho ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax-banaan faro-gelin.”

Qoddobada uu ogolaaday Deni ayaa u muuqdo kuwa aan laheyn miisaan buuran, lagana leeyahay dano siyaasadeed maadama labadii ugu muhiimsana uu ka horyimid, sida ay qabaan dadka sida ugu dhaw ula socda arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland.

Ururada Siyaasadda Puntland, gaar ahaan garabka ay isa-seegeen Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inay ku kalaceen kulan ay la yeesheen madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen qoddobadii ugu muhiimsana.

“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta.

Maxaa kasoo baxay shirkii xalay Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray musharaxiinta mucaaradka Koonfur Galeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaas iyo muranka hareeyay doorashada kusoo socota.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubo kale oo saameyn leh.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, gaar ahaan dhacdadii sababtay dagaalkii magaalada Baydhaba.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay arrimaha dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si loo helo midnimo isla-markaana la’isaga kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dagaalka dib u xorreynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadla ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaallada billowday ee lagu doonayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu ku baaqay, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo musharaxiinta ay ku ballameen in kulan kale la isugu yimaado habeen dambe, si loo sii amba qaado wadahadallada socdo  ee ku aadan xaaladda murugsan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa haatan caasimada Muqdisho isna ku sugan Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qayb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo xaaladaha taagan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 5-ta bisha soo socota ee Janaayo ee sanadka cusub la qaban doono shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo go’aan rasmiga looga gaari doono arrinta maamulka Koonfur Galbeed.

 

Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyad sanadka 2023 – Waa imisa kororka lacageed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada-jir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa mudanayaasha laba Aqal waxay dood ka yeesheen miisaaniyadda dowladda 2023, dood dheer iyo falanqeyn kadib Xildhibaannada BFS ayaa meel mariyay, 172 mudane ayaa ogol ugu codeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa Isniintii hortagay kulanka labada Gole, kaasi oo ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda 2023, taasi oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga maaliyadda ee labada Aqal.

Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhamaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar.

15-kii November ayey aheyd markii shirka Golaha Wasiirada shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre lagu meel-mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2023 oo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq, taasi oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyada maanta la ansixiyay ayaa waxay 49 Milyan oo Dollar ka badan tahay miisaaniyada sanadkii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND oo eedeyn yaab leh u jeedisay Somaliland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale eedeyn culus oo yaableh u jeedisay Somaliland oo daris yihiin kadib rabashadihii Talaadadiid ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatada ka dhalatay rabshadihii shalay ka dhacay Laascaanood kadib markii dad dibad-baxayay ay rasaaseeyeen ciidanka Somaliland.

Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas ay dhigayeen dibad-bax ka dhan ah maamulka Hargeysan, ayna ku cabiraeen dareenkooda, balse la dhibaateeyay.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool deegaanada gobollada Sool iyo Sanaag.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata eedeyn culus dhabarka u saaray xukuumadda Hargeysa, isaga oo isla xiriiriyay Al-Shabaab iyo Somaliland.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa xusay inay wada shaqeystaa Al-Shabaab iyo Somaliland, isla-markaana ay yihiin isku hal hay’ad oo dadka dila, isida uu hadalka u dhigay.

”Hal hay’ad ayey isku yihiinAl-shabaab iyo Somaliland waana wada-shaqaystaan waxaana Laascaanood dadka ku laaya waa Somaliland iyo Al-shabaab oo wada-shaqaynaya” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Diriir oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Inta badan labadaan maamul oo horay u dagaalamay ayaa warbaahinta isku mariya hadallo kul-kulul oo uga sii daraya xiisada haatan u dhexeysa xukuumadaha Garoowe & Hargeysa.

Dibadbaxyo maanta dib uga billowday Laascaanood iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta markale ay dibadbaxyo dib uga bilowdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Dibad-baxyadaan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaaa dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga, kadib markii ay iyaguna shaqo joojin sameeyeen ganacsatada ku dhaqan magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

Qaar kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa Somaliland ka dalbaday inay ka hortagto dadka dilalka u geysanayo hal-doorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga ee ku shaqada leh amniga magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale laamaha ammaanka ayaa isku daya inay ka hortagaan mudaharaadyada shacabka, waxaana ciidamo la dhigay bartamaha magaalada, inkastoo ciidamadu ay la kulmeen dhaleeceen xoogan, kadib khasaare ka dhashay rasaas ay shalay adeegsadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa dhankiisa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Laascaanood, isaga oo waxa ka socdo ku tilmaamay inay yihiin xasuuq ay geysaneyso Somaliland.

“Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu  Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee  reer Laascaanood” ayuu yiri Senator Tima-cadde

Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas.

DF oo WAR kasoo saartay xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, ayada oo la xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo waddooyinka muhiimka ah, sababo la xiriira booqashada madaxweynaha Jabuuti.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay tallaabada ay qaadeen laamaha amniga ee lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqa waddooyinka iyo duulimaayada garoonka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in muddada ay joogto martida ay xirnaan doonaan waddooyinka, waxayna shacabka ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan.

Ujeedka loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ayaa hay’adaha amniga waxa ay ku sheegeen sugidda amniga muddada uu dalka uu joogayo Madaxweyne Geelle oo ku soo socda Muqdisho.

“Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo (SCAA) ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ku wargelisay amarka lagu hakiyay duulimaadyada maanta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir” ayey tiri SCAA.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in go’aankan uusan saameyn doonin diyaaradaha gargaarka ee isticmaala garoonka weyn ee Aadan Cadde.

“Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah,” ayaa markale tiri Hay’ddu.

Si kastaba, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kadib xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafuud kale oo Muqdisho imaneysa maanta + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta imaanaya Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online, sidoo kale wafuud ka kala imaaneysa dalal kale ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa markii uu Muqdisho yimaado waxay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku heleyno.

Si rasmi ah looma oga waxa uu safarka wafuudaan salka ku hayo iyo arrimaha ay kala hadli doonaan madaxda Soomaaliya, markii laga reebo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xaruntaas xarigga ka jaraya.

Dhinaca kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu maanta xiran yahay oo laga joojiyey duulimaadyada, sabab la xariirta wafuudaan imaaneysa dalka.

Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa.

Sidoo kale waxaa saakay lagu waabareystay iyadoo ay xiran yihiin inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta ay sii xiraadaan saacado badan, inta ay ka laabaneyso wafuuda imaaneysa.

Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la joojiyey berri + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in berri la hakiyey shaqada garoonka diyaarada ee Aadan Cadde, gaar ahaan duulimaadyada caadiga ah.

Duulimaadyada dibadda iyo gudaha dalka ayaa la hakiyey, muddo 12 saacadood ah, sida lagu shaaciyey war-gelintaan, inkastoo aan qoraalka hey’adda lagu shaacin sababta loo kahinayo duulimaadyada.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah  28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo  (6am  illaa  6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta  dib u dayactir,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda.

Qoraalka hey’adda duulista rayidka ayaa intaas ku sii daray, “Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah.”

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri oo Arbaco ah ay dalka imaanayaan wafuud ka kala socota dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale xirmi doona wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Wufuudda ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda federaalka ayaa inta badan duulimaadyada Aadan Cadde u joojin madaxda imaneysa Muqdisho marka laga reebo xaalado naadir ah.

Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa.

Wasiir Fiqi oo shaaciyey in Sheekh CALI DHEERE soo calaacalay fariinna u diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere, oo sida uu sheegay calaacal soo diray.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuu arkay calaacal uu soo diray Cali Dheere oo dalbanaya in la dhowro xuquuqda aadanaha, isla markaana baryootamaya, sida uu qoraalkiisa u dhigay

“Khawaarij Cali Dheere oo waxaa la hayaa xuquuqda aadanaha hala dhowro dhahaya oo intaas ku daray calaacal iyo catow, baryo iyo is-miskiinin,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi. 

Fiqi ayaa intaas ku sii daray in aan la isgaarin oo dagaal hadda kow yahay, “Weli la isma gaarin Cali ee guntiga dhuuqso, qabaa’ilka Soomaaliyeed waa idin fahmeen, waana kuwa aad waxgaradkoodiina leyseen, hantidoodii aad boobteen, Karaamadoodiina aad ku xadgudubteen,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Cali Dheere u sheegay inay u furan tahay kaliya inuu isisoo dhiibo, oo ka garaabo gaboodfaladii uu u geystay dadkiisa.

“Waxaa la joogaa waqtigii aad bixin lahaydeen qiimaha gaboodfalladii aad geysateen, waxaa kuu eg in Aad isa soo dhiibto oo kaliya!” Ayuu yiri Fiqi.

Kooxda Al-shabaab ayaa hadda jawaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna laga saaro deegaano iyo gedmooyin badan oo sanado ay maamulayeen.

Daawo: Jeneraal Odowaa oo amar culus kusoo rogay ciidanka dagaalka ku jira

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa amar culus dul dhigay ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Taliyaha ayaa ciidankaan ku amray in meeshii lagu arko lagu toogto ninkii isbaaro dhigta, isagoo aad ula dardaarmay ciidankaan oo u diyaar garoobaya duulaan lagu qaadayo Galgaduud.

“Qofkii isbaaro u taallo meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa, xitaa maxkamad lala sugi maayo, isbaareyste lama sii fiirsa karo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono, quluubta dadkeena in aan ilaalino waa waajib,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ciidankaan kula hadlay xuduuda kala qeybisa gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Taliyaha ayaa aad u amaanay taliyaha ciidanka dhulka oo afar bilood furimaha dagaalka ku sugan, isagoo xusay in saaxiib qaali ah dagaalka lagu wey doono maalmaha soo socda.

“Hadii maanta ay faraxsan yihiin dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab, waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyo Soomaaliyeed oo weli ay dhibaato ku hayaan, waa in aan deg deg uga xoreyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan seddax kun oo Shabaab ah ay xaaladda dagaalka ka baxeen bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo isugu jira kuwo la dilay, kuwo baxsaday iyo kuwo duurka ku jira oo dagaal aan diyaar u aheyn.

Hoos ka daawo

Laba dowlad-goboleed oo billaabaya dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan ka bilaaban doona howl-galo culus oo ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howl-galada ka bilaabanaya labada dowlad-goboleed si loogu xiro kuwa ka socda HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xusay in dagaalka uu yahay mid saf ballaaran oo isku tallaabaya.

“Dagaalkii ka bilowday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruun-nirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay Khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Jubbaland iyo Koofur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga bilaabanaya howl-galada xoreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka usoo socosho mooyee ma jiro kasii socosho ilaahey idinkiis.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay masuuliyadda ka saaran sugida Amniga, isaga oo tilmaamay in abaabulkii u dambeeyay soo idlaanayo si howl-galada uga billowdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay haweenka inay xoojiyaan garab-istaagga ay u muujinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka sida taariikhda ku sugan illaa halgankii Xaawa Taako, sida uu hadalka u dhigay wasiirka koowaad ee XFS.

Yaasiin Fareey oo shaaciyay arrin wiiqeysa dagaalka Al-Shabaab oo ka jirta NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay shaaciyay in uusan jirin sharci lagula dagaalamo argagixisada oo ku dhaqanto NISA.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta iyo howl-wadeenada NISA ay ku shaqeeyaan wax ugu yeeray “is-xilqaan” oo kula tacaalan argagixisada, taasi oo mararka qaarna keenta in lagu xad-gudbo muwaadinka Soomaaliyeed.

“Sharci argagixiso oo dalkaan yaalla ma jirto, argagixisada meesha ay kula gasho waa iska daba meereysaneysaan oo xeer ka yaalla oo la ilaaliyo ama iyagu ka baqaan haba yaraate majiro,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxa kalifaya in dadka dhibaato gaarto waxa waaye argagixsadii oo lala tacaalayo iyo sharci loo maro oo la waafajiyo uusan jirin. Marka shaqada la hayo waa shaqo la yiraahdo is-xilqaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin sharci ama xeer kala saaraya qofka caadiga ah ee muwaadinka ah iyo hogaamiyayaasha sare ee Shabaab, taasi oo ah halis hor leh oo aan marnaba lagu ciribtiri karin argagixisada.

“Ninka ugu sareeya kooxaha Khawaarijta iyo qofka caadiga ah wax ay ku kala duwan yihiin majirto. Baarlamaanka ayaa laga raba sharci cadeynaya qofka argagixiso ah wadiiqooyinka uu marayo.”

“Shareecada Islaamka ayaa kala saareysa qofka Khawaarijta ah ee lidi ku ah nolosha iyo qofkaan waa qof muwaadin ah, laakiinse dalkeena ayaa laheyn sharci sidaas u kala saaraya oo la dabaqo.”

Hadalka Yaasiin Fareey ayaa imanaya ayada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waana wax lala yaabo in dal dagaal kula jira argagixisada uusan laheyn sharci lagu dabaqo, si gundhig ugu noqoto howlaha ka dhan ah ee wadaan hay’addaha amniga.

Odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Shabaab oo la keenay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhawaan heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad ay kasoo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirna Dhuusamareeb, kadib markii ay ciidamada ammaanka Galmudug kasoo qabteen magaalada Cadaado.

Odayaasha oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Axadii toddobaadkan kasoo muuqday warbaahinta, ayaga oo qirtay inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab, wallow qeybo kamid ah heshiiskaasi iska fogeeyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa Muqdisho loo keenay si loogu maxkamadeeyo, kadib markii hay’adaha amniga maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ka hor inta la xirin ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

Xariga odayaashan ayaa markii hore waxa qeyb ka aheyd eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda.

Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

Hoggaanka Kooxda ayaa arrintaan shalay beeniyay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Cali Dheere.

“Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.”

Al-Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

Lafta-gareen oo shuruud ka yaabisay golaha wadatashiga ku xiray qabashada doorasho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo qeyb ka ah madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa shuruud adag ku xiray ka tanaasulka muddo kororsiga halka sano ee uu sameystay.

Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo shirkoodii cadaadis ku saaray Lafta-gareen xiisada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu u sheegay in doorasho uu qabanayo haddii maamullada kale ay lamid noqonayaan, sid ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in shuruuda Lafta-gareen uu ku xiray culeyska uu ka wajahay madaxda shirka ay keentay inaysan ku qasbin qabashada doorasho, balse ay ku cadaadiyeen oo kaliya in uu xal aan dagaal aheyn u keeno xiisada taagan.

“Haddii aan la i dhaafeyn ha la ii sheego oo aan doorasho qabsado koley kaligey ima saameynayso oo raga kale oo dhan doorasho ayaa laga rabi doona ama culeyska gaarka ah ha la iga dhaafo,” ayuu yiri Lafta-gareen sida aan kasoo xiganayno ilo wareedyo muhiim ah.

Lafta-gareen ayaa haddii lagu qasbi lahaa qabashada doorashada maamulka, waxa sidoo kale waxba kama jiraan noqon laheyd muddo kororsiga halka sano ay hore u sameysteen madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda dowladda federaalka ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa ka gaabsatay arrintaan, waxaana laga fahmi karaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan xiligaan rabin in uu galo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayey u badan tahay in uu sanadkiisa qaadan doono, maadama aysan dowladda dhexe heegan u aheyn in maamulada u dirto doorasho waafaqsan muddo xileedkii ay xilalka kula wareegeen.

Mucaaradka K/Galbeed oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Muqdisho iyo Baydaba, ayaga oo ka soo horjeedo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Xildhibaan hore Xasan Black oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isla-markaana hadda ah garabka mucaaradka ee maamulkaas ayaa u warramay Radio Risaala, isaga oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, wuxuuna ka hadlay xaaladda guud.

Xasan Black ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ay mas’uuliyaddooda qaadi doonaan madaxda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Lafta-Gareen.

“Masaakiinta dhamaatay ee dhaawacantay ee guryahoodii burbureen Cabdicasiis iyo wixii la hal maala ayaa mas’uuliyadda iska leh, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Black.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ahaa uu go’aankooda yahay in la qabto doorashada, isla-markaana meesha laga saaro qorshaha muddo kororsiga.

Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in muddadii xil heynta ee sharciga ay ka dhamaatay madaxweynaha, loona baahan yahay inuu isku diyaarado doorashada & ka qayb-galkeeda.

“Go’aanka aan rabno waa cad yahay Koonfur Galbeed waxay kamid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira afar sano kasta waa inay doorasho dhacdaa, sida Dastuurka ay ku qoran tahay. Afartii sano waa dhamaatay Cabdicasiis waa madaxweynihii hore, wuxuu la mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan kasoo baxday mucaaradka ayaa uga sii dareysa xiisadda ka jirta Koonfur Galbeed, maadaama isaguna Lafta-Gareen uu ku adkeysanayo inuu ka dhabeeyo muddo kororsiga.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran iskuna bedashay gacan ka hadal, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.

Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa xalay xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana munaasabaddaas soo qaban qaabiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ilhaan oo ka hadlashay munaasabadda ayaa u mahadcelisay madaxda dowladda federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa ka sheekeysay safarka ay haatan kusoo gaartay gudaha Soomaaliya iyo sida ay ku qorsheysay, waxayna shaaca ka qaaday in kahor inta aysan kasoo socdaalin Washington looga digay in xilligan ay soo booqato gudaha Soomaaliya.

Waxa ay tilmaamtay in loo sheegay in waqtigaan Soomaaliya ay ka jirto amni xumo, isla-markaana ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dhibaatooyin kale.

“Hadda marka aan soo socday waxaa la yiri waa waqtigii ugu xumeyd oo la tegaayi waddankii qarxis badanaa ka dhacoobo dhibaataa ka jirto waxbaa halleysan. Ilhaan waqtiga Soomaaliya la tegaayo waqtigaan aad usocotid ma’ahan ayaa laygu yiri” ayey tiri.

Sidoo kale waxay intaas raacisay “Alxamdulilaahi waxaa ii suuragashay Garoowe illaa Bandar Beella inaan gaari ku tego, waxaa ii suurta gashay inaan Muqdisho idin la joogo”.

Dhanka kale Senator Ilhaan Cumar ayaa dowladda federaalka ku boggaadisay go’aanka ay ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray.

“Isma dhaheynin waqti aad u yar in guul weyn uu ku gaaraayo ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waana u hambalyeynayaa shaqada badan ee ay qabteen,” ayey tiri.

Hdalkan kasoo baxay Ilhaan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo adag iyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn.

Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogtay shirkada Hormuud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas. 

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan. 

Afhayeenka ciidanka milateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya darista ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas. 

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee tegay waxaa gacantooda ka baxay deegaano badan, ayada oo kooxda laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, dowladduna ay qorsheyneyso inay dagaalka kusii fidiso gobollo kale.

Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacay Laascaanood iyo khasaare ka dhashay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen dadka Shacabka ah.

Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Laascaanood iyo weliba madaxda hay’addaha amniga oo ku fashilmay wax ka qabashada arrintaan.

Dadka dhigayay dibad-baxaan ayaa dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in laga hortago dadka dilalka loo geysanayo Haldoorka gobolka Sool, ayaga oo si weyn u dhaliilay hay’addaha amniga Somaliland ee ku shaqada lahaa amniga magaalada.

Dibad-baxaan ayaa imanaya kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ku dileen Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sool, xili uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Booliska ay rasaas ku kala eryeen dadkii dibad-baxaan dhigayay, taasi oo ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah shacabka, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dibad-baxaan oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Laascaanood aya intii uu socday waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo goobaha Ganacsiga, inkasta oo markii dambe ay dib u furmeen.

Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday gobolo cusub

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya xeryaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa looga gol leeyahay in ciidamadu ay qaadaan guluf maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay ka arrimiyaan Gobolada Dhexe.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii ay dadku ku fekerayeen in wada hadal lagu dayo maleeshiyadaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo diyaargarowga ka jira deegaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ay dhawaan meel dhexe isugu imaan doonaan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) u diray Galmudug, si uu wax kaga hoggaaminayo hawlgalada lagu wado in ay ka bilowdaan deegaanada maamulkaasi.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Axaddii sheegay in Shabaabku aanay xilligan joogin meel looga haro, lana sii wadi doono hawlgalada uu sheegay in lagu ciribtirayo.

Khubarada amniga ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ay xilligan wajahayaan waqtigoodii ugu adkaa, muddadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee ay dalka ka dagaalamayeen.

Xisbiga WADANI oo war ka soo saaray dilka Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo loo geystay mas’uul ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday.

Musharraxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si adag uga hadlay dilka Cabdiftaax, wuxuuna tacsi u diray ehellada marxuumka, gaar ahaan qoyskiisa & carruurta uu ka tegay.

Sidoo kale wuxuu  ka dalbaday laamaha ammaanka ee Somaliland in ay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaashii dilka geystay, si cadaaladda loo horkeeno.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Dhanka akle ciidamada Booliska Somaliland ayaa howlgallo iyo baaritaano ka bilaabay magaalada, si dabagal loogu sameeyo raggii ka dambeeyay weerarkaasi dilka ah.

Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal ammaa darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro, waxaana horay u jirtay in xukuumadda Somaliland ay gudaha magaaladaasi kasoo masaafuray qoysaska kasoo jeeda koonfur Soomaaliya.