27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda dalka Muslimka ah ee Kosovo iyo dalka Serbia

0

Pristina (Caasimada Online) – Serbiyiinta Kosovo, ee xannibayey waddooyinka ku yaalla waqooyiga Kosovo muddo 19 maalmood ah, ayaa ogolaaday inay billaabaan inay qaadaan jidgooyooyinka laga billaabo maanta oo Khamiis ah, ayaga oo u hoggaansamay baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub, si ay u qaboojiyaan xiisadda.

Xiisadda ayaa billaabatay 10-kii December markii Serbiyiinta ay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Kosovo, oo 95 boqolkiiba ah Muslimiin, ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-banaani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, oo Serbiyiinta waqooyiga Kosovo kula kulmay magaalada Raska ee Serbia, ayaa sheegay in hanaanka qaadista dhagxaanta uu billaaban doono Khamiista maanta ah.

“Waa hanaan fog, wuxuuna qaadan doonaa muddo,” ayuu yiri Vucic.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhex-dhexaadinaya Belgrade iyo Pristina si loo xalliyo arrimaha taagan ee xiririka labada dal, ay damaanad qaadeen inaan la maxkamadeyn doonin cid ka mid ah Serbiyiinta dhigay xeyndaabyada.

Qaadista jidgooyooyinka ayaa la filayaa inay dejiso xiisadda u dhexeysa Belgrade iyo Pristina.

In ka badna 20 sano, Kosovo ayaa aheyd isha xiisad u dhaxeysa Reer Galbeedka oo taageera madax-bannaanideeda, iyo Ruushka oo taageera Serbia oo isku dayeysa inay xanibto in Kosovo ay xubin ka noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobe.

Mareykanka, NATO iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in xakameynta ugu sarreysa laga muujio waqooyiga Kosovo, ayada oo mas’uuliyiinta ay xireen marinkii saddexaad ee xuduudda Arbacadii, islamarkaana xiisadda ay kasii dartay.

Howlgalka NATO ee Kosovo, ee loo yaqaan KFOR ayaa sheegay inuu taageerayo wada-hadallo dhexmara dhammaan dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, oo ay ku jirto jidgooyooyinka ay dhigeen Serbiyiinta.

Serbia ayaa Isniintii heegankii ugu sarreeyey gelisay ciidankeeda.

Dhinaca kale, Kremlin-ka, oo beeniyey eedeha wasiirka arrimaha gudaha Kosovo ee ah in Ruushka uu ku riixayo Serbia inay xasillooni darro ka abuurto Kosovo, ayaa sheegay in Serbia ay difaaceyso xuquuqda qowmiyadda Serbiyiinta.

Sarkaal hore uga tirsanaa booliska Kosovo oo kasoo jeeda qowmiyadda Serbiyiinta, kaasi oo xarigiisa uu dhaliyey dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyeen Serbiyiinta Kosovo, ayaa xabsiga laga sii daayey, waxaana la dhigay xabsi guri kadib codsi ka yimid xafiiska dacwad-oogista, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka Maxkamadda Aasaasiga ah ee Pristina.

Dejan Pantic ayaa la xiray 10-kii December kadib markii uu weeraray sarkaal boolis ah. Tan iyo markaas, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay rasaas is-weydaarsadeen booliska waxayna dhigeen in ka badan 10 jidgooyo, iyagoo dalbanaya in la sii daayo.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kosovo oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Albin Kurti iyo wasiirka cadaaladda Albulena Haxhiu.

“Ma garanayo si aan u fahmo iyo sida ay suurtogal u tahay in qof lagu soo oogay dambi sidaas u culus oo la xiriira argagixisanimo uu u galo xabsi guri,” ayey tiri Haxhiu.

“Aad ayaan u xiiseynaaa inaan arko cidda uu yahay dacwad-oogaha codsigan soo jeedinaya, iyo cidda uu yahay garsooraha ansixiyay,” ayuu yiri Kurti.

Pantic waxa uu ka mid ahaa Serbiyaan badan oo ka tagay booliiska iyo hay’adaha kale kadib markii Pristina ay sheegtay in ay dhaqan galin doonto sharci Serbiyiinta looga joojinayo inay isticmaalaan taarikada baabuurta ee Serbia ay bixisay ka hor kacdoonkii jabhadda ee 1998-99 ee horseeday madax-banaanida Kosovo.

Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo, oo weli aaminsan inay ka tirsan yihiin Serbia, ayaa iska caabiyey tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ka dhan tahay Serbiyiinta.

Laba marin xudduudeed oo u dhexeeya Serbia iyo Kosovo ayaa la xiray 10-kii December, halka midka saddexaad oo ah kan ugu weyn ee gawaarida xamuulka la xiray Arbacadii, taasoo carqaladeysay safarradii dadka Kosovo ee ka shaqeynayay meelo kale oo Yurub ah, kuwaas usoo laabanayey guryahooda xilliga fasaxa.

Qiyaastii 50,000 oo Serbiyiin ah oo ku nool waqooyiga Kosovo ayaa diiday in ay aqoonsadaan dawladda Pristina ama maqaamka Kosovo ee dal madax-banaan. Waxay taageero ka haystaan Serbiyiin badan oo Serbia ku nool iyo dawladdooda.

Kosovo oo aqlabaiyadda dadka ku nool ay yihiin Albaaniyiin ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani iyada oo taageero ka helaysa reer galbeedka, kadib dagaalkii 1998-99, kaasi NATO ay soo faragelisay si ay u ilaaliso muwaadiniinta qowmiyadda Albaaniyiinta.

REUTERS, VOA

CC Shakuur oo si weyn u dhaliilay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hatan ah Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinka qaaday dowladda Soomaaliya, kadib soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Cabdirxamaan Cabdi Shakuur ayaa si weyn u dhaleeceeyay xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay si gaar ah u saameysay shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in madaxdii shalay diidanaa in la xayiro shacabka in iyagu ay maanta sameeyaan sida madaxdii ka horreysay oo kale.

“Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Facbook-ga.

Halkan hoose ka aqriso:

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro  cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.

Geelle oo xog yaab leh oo la xiriirta Al-Shabaab kusoo bandhigay kulankii BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta hortegay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dagaalka Shabaab.

Geelle ayaa marka hore dardaaran culus u jeediyay xildhibaanada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, una shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la’is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna ubaahan yahay iyo dad isku hibeeya dantiisa,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddanka, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu guul u rajeynayo shacabka iyo dowladda.

“Shacabku wuu kacay idinkuna waxaa tihiin dadkii horkacayey hormuudkiiba tihiin waxaana rajeynayaa inaan aragno waddanka oo xor ah,” ayuu raaciyey madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa sii wata ayaa baarlamaanka ka dhex sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la shaqeeyaan khubaro ajnabi oo waddanka kasoo gala dhanka xeebaha, wuxuuna tilmaamay in ay u farsameeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan dalka

“Xeebtaa halkaa waxaa kasoo dago dad waayo dadkaas waa khubaro yey khubaro u yihiin?. Khawaarijbey u yihiin inay qaraxa hagaajintiisa ku camal falkiisa intaba ayey la qabtaan,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay garab istaagayaan dowladda federaalka, ayna ka go’an tahay laga adkaado kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada dalka.

Si kastaba, Jabuuti ayaa qayb ka ah dowladaha ka qayb-qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Maxay tahay sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa iska diiday saxiixa labo kamid ah 5 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni uu diiday inuu saxiixo labadaas qodob oo kala ah:- In la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada oo ku jiray qodobada xalay la shaaciyey ee war-murtiyeedka.

“Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka xalay la shaaciyay.

Haddaba Maxay tahay sababta ay PUNTLAND u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

Puntland oo la hirgeliyay sanadkii 1998-dii ayaa ah maamulkii ugu horreeyay ee aas-aasmay kadib burburkii dowladda dhexe, waxaana loogu yeeraa ‘Hooyada Federaalka’.

Sababta ugu weyn ee ay u diiday qodobadaan ‘ayaa loo arkaa inay la xiriirto dhanka awoodda’, maadaama ay Puntland si goon ahi u maamulato howlaheeda gaarka ah.

Garsoorka

Waxyaabaha ugu weyn ee ay uga hortimid qodobka koowaad oo ah in la federaaleeyo nidaamka Garsoorka ayaa waxaa loo sababeeyay inay dooneyso in garsoorkeeda uu ka madax bannaanaado dowladda dhexe, maadaama dhowaan uun ay sameysatay Maxkamad Dastuuri ah, sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gudaha dalka.

AWOODAHA

Qodobka labaad ayaa ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda oo ay Puntland diiday, waxayna isu aragtaa sidii dowlad oo kale oo aan la mid aheyn awoodaha ay leeyihiin dowlad goboleedyada la midka ah ee haatan saxiixay war-murtiyeedka la soo saaray.

Ujeedka ay Puntland u qaaday tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid ay ku dooneyso inay uga madax bannaanaato dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay marar badan isugu qabteen arrimaha maamulka, sida waxbarashada, ciidamada iyo sidoo kale dhaqaalaha.

Diidmada Puntland ayaa dhanka kale muujineyso inuu hooseeyo xiriirka iyo is fahamka kala dhexeeyo dowladda federaalka uu ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xarig jiidka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo billowday, kadib doorashadii 15-kii May, wuxuuna banaanka usoo baxay markii uu Saciid Deni waayay kursiga Ra’iisul wasaaraha, kadib markii loo magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda dhanka Jubbaland, waxaana tan markaas uu sameynayey dib u garasho siyaasadeed.

Odowaa oo war cusub kasoo saaray qorshaha ciidamada laga soo celiyey Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka milatariga General Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. 

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray Eritrea ayaa 21-kii Bishan December kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale.  

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 1,000 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid. 

Ciidankan ayaa hadda la gayn doonaan furimaha dagaalka, sida uu sheegay Odowaa. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobolada la gayn doono. Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. 

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah. Alshabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobolada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud. 

Dhinaca kale, dowladda federalka Soomaaliaya iyo dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga wada tashanaya sidii ay isaga kaashaan lahaayeen dagaalka lagu jiro Al-Shabaab. 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadidoono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquulidoonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.

Sawirro: Wasiirka Difaaca KENYA oo yimid Muqdisho kadibna ballanqaad sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Safarka Wasiir Aadan Barre Ducaale ku soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda daaah-furka xarunta Akadeemiyo goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA, taas oo haatan ka socota gudaha caasimada.

“Waxaan maanta magaalada Moqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Difaaca Dalka Kenya Adan Bare Ducaalle, wasiirka wuxuu ka qayb geli doonaa xaflada furitaanka ee Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee (AGA),” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo gudaha dalka ku soo dhoweeyey dhiggiisa dalka Kenya.

Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goojoog ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geell oo labaduba si wadajir ah maanta xarigga uga jari doono xaruntaasi.

Aadan Barre Ducaale oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa xusay inay muhiim tahay in la weyneeyo, lana sharfo afka Soomaaliga.

“Maanta waxaa noogu yeerteen inaan sharfno Afka Soomaaliga, laakiin naga joojiya waxaad noo bixiseen Soomaali Sujuu,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Kenya.

Sidoo kale wuxuu munaasabadda ka ballan-qaaday in dowladda cusub ee Kenay ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in horay Kenya u garab istaagtay madaxweynaha dowladda federaalka, welina sii wadeyso dadaaalka iyo garab istaageeda.

“Annaga garab ayaa nahay na tirsada dowladda cusub ee hadda ka dhalatay Kenya waa dowlad aqoonsan Ummadda Soomaalida iyo Ummadda Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay.

Kenya ayaa kamid ah dalalka dariska ah, waxayna haatan Soomaaliya la leedahay xiriir diblumaasiyaasadeed, kaas oo uu isbeddal weyn ku yimid, kadib 15-kii May oo dib loo soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna sidoo kale ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo diiday labo ka mid ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, kaas oo socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankan uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa kasoo baxay shirka, waxaana laba ka mid ah iska diiday Puntland, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka soo baxay.

Labadaas qodob waxay kala yihiin Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

Dhinaca kale golaha ayaa ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Waxay sidoo kale isku raaceen in deg deg howlgallo looga bilaabo Koonfur Gabeed iyo Jubbaland oo hadda u diyaar garoobayao dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn golaha ayaa soo hadal qaaday dhacdadii Baydhaba ee dagaalka sababtay, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi, ayaga oo ku baaqay in la adkeeyo nabadda.

“Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkka Golaha Wadatashiga.

Hoos ka aqriso qodbada shirka

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)
WAR-MURTIYEED
25-28 December 2022    Muqdisho – Soomaaliya

HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha. 

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:

HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. 

Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. 

Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

–Dhammaad–

Ciidanka Somaliland oo dil ka geystay Laascaanood iyo rabshadaha oo kordhay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas, waxaana ka socdo dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka.

Xaaladda ayaa haatan kasii dartay, waxayna keentay in ciidamadu ay rasaas nool nool ay u adeegsadaaan dadka dhigaya mudaharaadka, waxaana ugu dambeeyey oo ay xalay ciidamadu dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Jimcaale.

Marxuumka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka mid ahaa dadka dibad-baxa ka waday magaalada Laascaanood oo saddexdii maalmood lasoo dhaafay kacsaneyd.

Cabdishakuur Jimcaale ayaa noqonaya qofkii saddexaad oo dilaan ciidamada ammmaanka ee Somaliland, tan iyo markii ay billowdeen dibad-baxyada oo galay maalintii saddexaad.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo isku socdka dadweynaha, sababo la xiriira xaaladda adag ee haatan ka jirta magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa sii wada mudahaaradka ayaga oo maanta markale isugu soo baxay Laascaanood, waxayna dalbanayaan in Somaliland ay wax ka qabato dilalka qorsheysan.

Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas.

Sawirro: Deni oo afar qodob kala hadlay Kate Foster

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland C/fataax Maxamed Cabdinuur, ayada oo diirada lagu saaray xaalka maamulkaasi.

Labada dhinaca ayaa si gaar ah diirada ugu saaray afar qodob oo kala ah amniga Puntland, doorashada Goleyaasha deegaanka dhaqaalaha iyo sidoo kale Mashaariicda horumarinta.

Kate Foster ayaa shaaca ka qaaday in ka dowlad ahaan ay si dhow ula shaqeyn doonaan Puntland, isla-markaana ay ka taageeri doonaan dhanka horumarinta iyo bani’aadanimada.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Puntland ka taagan tahay xaalad siyaasadeed u dhexeyso madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ku kacsan Deni.

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, ayaa haatan kulamo gaar ah ka wada Muqdisho.

Si kastaba, Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee howlgalka diblumaasiyadeed ka wada Somalia, waxayna ula shaqeeyaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dagaal culus oo ku wajahan Shabaabka Jiinka Webka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gadaal ka riixaya, sidii hawlgalada looga billaabi lahaa deegaanada dhaca Jiinka Webiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa deegaano dhowr ah kaga sugan daanta galbeed ee Webiga Shabelle, waana halka uu haatan ku wajahan yahay gulufka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka gobolkaasi, ayaa dhowaan kormeeray fariisimaha ay xoogaga Macawiisleyda ku leeyihiin Jiinka Koonfureed ee Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu saad iyo sahayba gaarsiiyay Macawiisleyda, isla-markaana uu u sheegay inay u diyaargaroobaan hawlgal sifeyn ah oo gobolka lagaga suulin doono haraadiga Shabaab.

“Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa u ballanqaaday ciidamada ku sugan hareeraha Jiinka Webiga in ay heli doonaan adeegyo dheeri ah, oo lagu kabi doono hawlgalada iyo sidii loo sii dhameystiri lahaa argagixisada, asigoo Saraakiisha faray in la sii dardargeliyo hawlgalada lagu soo afjarayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale hawlgal amni xaqiijin oo midkani barbar-socda ayay sidoo kale ciidamadu ka samayn doonaan xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ee hawlgalada ka bilaabaya deegaanada maamulkaasi ay meel dhexe isugu imaan doonaan.

Gulufka Gobollada Dhexe ayaa ah mid jihooyin cusub dagaalka lagaga furayo Shabaabka, oo sanadkan uu uga dhigan yahay kiisii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.

Dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay 3-dii bishii June iyo gulufkii ballaarnaa ee xigay ayay dad badan is tuseen in muddo kooban lagu soo afjari karo kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Jabuuti oo hortegaya xildhibaanada labada GOLE+ Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu maanta hortego xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho.

Ujeedka ayaa ah in Geelle uu khudbad xasaasi ah u jeediyo xildhibaanada labada Gole oo xalay loo diray farriin war-gelin ah oo ku aadan inuu hor imaanayo madaxweynaha Jabuuti.

Khudbadiisa ayaa la filayaa in uu diiradda ku saaro xiriirka labada dal ee walaalaha ah, booqasho uu ku yimid Muqdisho & arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka caasimada, waxaana maalinta labaad xiran waddooyinka magaalada Muqdisho, ayada oo hakad la galiyay gaadiidka.

Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ay ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo sii joogi doona magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ay dowladda Jabuuti ka dhistay gudaha Muqdisho.

Si kastaba, booqashadaan ayaa timid, kadib markii Xasan Sheekh uu laba goor booqday dalka Jabuuti, wxuuna markiisa casuumay Geelle oo shalay lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Daawo Odawaa: Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada”

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta boqolaal ciidanka deegaanka ah kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku dhiira-geliyey dagaalka.

Jeneraal Odawaa ayaa ciidankaan kula kaftamay in aan looga hor marin qoryaha laga furanayo kooxda Al-Shabaab, “Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada Al-shabaab laga soo furto,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Jeneraal Odawaa ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab ku hayeen shacabka Sh/Dhexe oo dadkii uu ugu tegay deegaanada la xoreeyey ay uga sheekeeyeen.

“Deegaanadii aan soo marnay qisooyinkii ay dadku nooga sheekeeyeen waxaa ka mid ahayd sheeko uu nala wadaagay nin oday ah, wuxuu yiri habeenkii caruurteyda oo aan casheyn ayey Al-Shabaab ii yimaadeen, waxayna igu xukumeen in aan bixiyo 100 dollar, markii aan mahayo iri waa I xirteen, ilaa aan ehelkeyga taleefan u diray oo lacagtii la iga baxshay,” ayuu yiri Taliye Odawaa oo ka sheekeynayey waxyaabihii ay dadku la wadaageen.

Taliyaha xoogga ayaa dadkaan hubka qaatay u sheegay in aysan aaminin qof kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo kula taliyey inay dowladda u soo gacan geliyaan qofkii isku soo dhiiba, si loo dhaqan celiyo oo nidaamkii loo qorsheeyey inay maraan.

“Hadii Al-Shabaab bini’aadanimo halkaas ka istaagay, dhaqankii suubanaa iyo diinteena Islaamkana ay ku cayaarayaan, ilaahaan idinku dhaarshee maxaad u dhowraneysaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa.

Hoos ka daawo

Sawirro: Soomaaliya iyo Jabuuti oo war cusub kasoo saaray xiriirka labada dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay weheliyaan wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kadib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta Alshabaab.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; Wasiirada Arrimaha Dibadda, Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku matalayeen, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka ee Jabuuti, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.

Madaxweyne Ismaaciil oo sii joogi doona maalmo ayaa lagu wadaa in isaga, madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay xarigga ka jaraan xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo dowladda Jabuuti ay Muqdisho ka dhistay.

Wasiir ka tirsanaa Puntland ‘oo sameystay’ jabhad hubeysan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii u horeysay shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland, taasi oo ay ku eedeysay wasiir awood badan ku lahaa maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal ay jid-gooyo dhigteen maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

“Xasan Shire Abgaal ayaa maleeshiyaad hubaysan lagalay buuraleyda Karindhiig wuxuuna doonayaa in uu colaad cusub abuuro,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Juxa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee agabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca gobolka Bari.

Xogo madaxa-bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in saacado kooban lagu arkay dabley hubaysan nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig, balse aysan hadda jirin wax jid-gooyo ah oo halkaas taalla.

Xasan Abgaal oo mar ay isku dhawaayeen Saciid Deni ayaa hadda kamid ah mucaaradka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda sida uu madaxweynaha u wado arrimaha doorashooyinka.

Yaasiin Fareey oo shaaciyey in NISA ay xubno ka tirsan DF u xirtay Shabaabnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sii adkeeyay hadalkii uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray masuuliyiin xiriir la leh kooxda Al-Shabaab.

Yaasiin Fareey oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay in xiligii uu joogay hogaanka NISA ay soo xireen masuuliyiin ka tirsan dowladda oo la shaqeeya Al-Shabaab, kuwaasi oo qaarkood loo maxkamadeeyay.

“Waxa jira dad masuuliyiin ah oo la shaqeeya kooxaha Khawaarijta laakiin waxa laga rabaa dowladda markaas jirta inay taxadar dheeri ah ka sameyso oo qofkii lagu helo tallaabo ka qaado oo aan dad kale loo hoos-galin. Dad badan oo dowladda ku jira oo loo xiray inay la shaqeeyaan Shabaab ayaa jira, kuwa maxkamad lasoo saaray ayaa jira,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray in dowladda iyo Shabaab ay wada-shaqeeyaan, isaga oo ku dooday in shaqsiyaad dano gaar leh oo dowladda ka tirsan ay la shaqeeyaan kooxda, balse nidaamka dowladeed uusan la shaqeyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa dowlad iyo cadow ee sidee iskula shaqeyn karaan? Wey jirtaa in dad xiriir la yeelan kara oo waa dhici karta, laakiin wax dhici kara ma aha in dowladda iyo cadowga wada-shaqeeyaan. Inta aan joogayna wax aan soo arkay ma aha.”

Yaasiin Fareey ayaa ka gaabsaday in uu xiligaan sheego magacyada masuuliyiinta dowladda ka tirsanaa ee uu xiray intii uu joogay hogaanka NISA, isaga oo sheegay in illaa hadda ay jiraan kuwo la shaqeeya Shabaab oo xilal ka haya dowladda, loona baahan yahay inay wax ka qabtaan hay’addaha ku shaqada leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho.

“Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada.

DF oo digniin u dirtay shirkad shisheeye oo shidaal ka baareysa SOMALILAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid qorshaha ay waddo Somaliland ee ku adan in shidaal baaris laga bilaabo deegaanadeeda ayadoo kaashaneyo shirkad caalami ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto howl-gal ay sheegtay inuu sharci darro yahay oo lagu doonayo in shidaalka looga baaro gobollada Waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland, ayada oo shaacisay in qorshahaasi ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC.

Qoraalkan ayaa waxaa si cad loogu diiday shirkadda Genel Energy PLC inay Somaliland ka billowdo shidaal baaris, waxayna ugu baaqday inay joojiso damaceeda ku aadan shidaalkaasi.

“Iyada oo laga duulayo Mabda’a Madaxbanaanida Joogtada ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xasuusineysaa Shirkadda Genel Energy PLC iyo cid kasta oo kale oo maalgashan karta in ogolaanshaha sahaminta iyo horumarinta kheyraadka batroolka ee Soomaaliya uu waafaqo qodobka 44-aad ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, Lahaanshaha, Maareynta iyo Heshiiska Wadaagista Dakhliga, Sharciga Batroolka iyo sharciyada kale ee lagu dabaqi karo iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Batroolka.

Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu fariin culus u dirtay madaxda dowladda oo ay ugu baaqday inay qaadaan talaabooyin deg deg ah, si loo ilaaliyo madax banaanida kheyraadka dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida kheyraadkeeda, waa in ay qaaddaa tallaabo kasta oo suurtagal ah, ayna raacdo dhammaan dariiqooyinka sharciga ah, taasoo qayb ka ah waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada geyiga Soomaaliyeed, midnimada iyo madax-bannaanida joogtada ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan khayraadka kasta,” ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan go’aanka maanta kasoo yeeray dowladda federaalka ee ku aadan shidaal baarista.

Sawirro: Sidee Geelle loogu soo dhaweeyay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madax goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle.

Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku helnay.

Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii maanta imaan lahaa magaalada Muqdisho.

Wareysi: DF oo ka hadashay xayiraada ay AL-SHABAAB kusoo rogeen Hormuud

0

Muqdisho Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraado ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, waxaana arrintaas ka hadlay Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood.

Caanood oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka hor tagto wax kasta oo ciidanku ay isticmaali karaan, isla markaana ay soo gaartay arintaan.

“Deegaano badan oo Qaayib iyo Dhisaqshurufle ee gobolka Galgaduud ay ku jiraan ayey horay isgaarsiinta uga burburiyeen, sida aan ognahay Al-Shabaab ma ogola wax kasta oo ciidanka ay ku ogaan karaan xogtooda ama ku wada xiriiri karaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sharkadaha ku amaanay inay dadaalaan oo dib u howlgeliyaan xarumaha ay mar kasta ka burburiso kooxdu.

“Gobolka Hiiraan deegaano badan oo Yasooman, Tardo iyo Moqokori ay ku jiraan ayey ka burburiyeen isgaarsiinta, meel kasta oo ciidanku inay ku soo weeraraan ay ka cabsadaan waa ka burburiyaan isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale gobolka Sh/Dhexe wuxuu sheegay in meel kasta oo ciidanku ay uga soo dhawaadaan ay isgaarsiinta ka burburiyeen, isagoo soo tiriyey deegaanada laga burburiyey isgaariinta shirkadda Hormuud.

“Gobolka Sh/Dhexe, waxay isgaarsiinta ka jebiyeen, sida Masaajid Caligaduud, Aadanyabaal, Juxaay, Al-Kowthar, Halgan iyo tulooyin u dhow Daarusalaam ayey ka burburiyeen xarumaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in kooxdaan ay cadow ku tahay guud ahaan nolosha bulshada, isla markaana ay u arkaan in Hormuud ay tahay meelaha ay bulshado sahay ahaan ugu noolaa karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Taliyaha oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan amarka la duldhigay shirkada ayaa sheegay inay maqleen in Hormuud lagu amray in shaqaalaheeda aysan isku gudbi karin.

“Waxay amarkaas kala jeedaan inay ka hor tagaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha shirakadda, iyagoo intaas ciqaab ka dhigaya, marka looma joojiyo in kastoo ay shirkaddu ciqaabantahay, hadana waa laga soo kabsadaa dhibka ay geystaan, tana waa qeyb dagaalka ka mid ah,” ayuu yiri Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xiisadda Puntland oo kasii dartay kadib markii Deni uu ku gacan sayray laba qodob

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku guuleystay kala jebinta ururada siyaasadda, kadib markii uu shir la yeeshay qaar kamid ah ururada.

Garabka kasoo horjeeda Deni ayaa hore u soo saaray dalabaad ay ku xirayaan si doorashada uga qeyb-galaan, kuwaasi oo badankooda uu aqbalay Deni, hase yeeshe uu ganafka ku dhuftay labadii ugu cuslaa.

“Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xilliga doorashada, 11 qodob oo kamid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel sharci,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Deni ayaa ka horyimid in la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan iyo in la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, ayada oo go’aankaas ay ku raaceen garabka taabacsan ee urur siyaasadeedka.

“Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinkaba, waxaa ay dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin waqtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaash.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waxaa ku baqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur islamarkaana ka baxda ururka oo ku biirta midaklae ama ka hortimaada ajendaha ururkiisa, waxay dhuminaysaa xasaanada, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii kusoo xigey isaga.

“Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay doorashooyinka ka qabsoomeen, ururkasta oo hela aqlabiyada codadka deegaan doorasho ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax-banaan faro-gelin.”

Qoddobada uu ogolaaday Deni ayaa u muuqdo kuwa aan laheyn miisaan buuran, lagana leeyahay dano siyaasadeed maadama labadii ugu muhiimsana uu ka horyimid, sida ay qabaan dadka sida ugu dhaw ula socda arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland.

Ururada Siyaasadda Puntland, gaar ahaan garabka ay isa-seegeen Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inay ku kalaceen kulan ay la yeesheen madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen qoddobadii ugu muhiimsana.

“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta.

Maxaa kasoo baxay shirkii xalay Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray musharaxiinta mucaaradka Koonfur Galeed ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaas iyo muranka hareeyay doorashada kusoo socota.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubo kale oo saameyn leh.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, gaar ahaan dhacdadii sababtay dagaalkii magaalada Baydhaba.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay arrimaha dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si loo helo midnimo isla-markaana la’isaga kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dagaalka dib u xorreynta ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomye Sheekh Aadan Madoobe oo madasha ka hadla ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaallada billowday ee lagu doonayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu ku baaqay, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo musharaxiinta ay ku ballameen in kulan kale la isugu yimaado habeen dambe, si loo sii amba qaado wadahadallada socdo  ee ku aadan xaaladda murugsan ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa haatan caasimada Muqdisho isna ku sugan Madaxweyne Lafta Gareen oo ka qayb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo xaaladaha taagan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 5-ta bisha soo socota ee Janaayo ee sanadka cusub la qaban doono shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo go’aan rasmiga looga gaari doono arrinta maamulka Koonfur Galbeed.