27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo raali-gelin siiyey shacabka Muqdisho kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka, ayaa codsi iyo farriin u diray shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynahaa ayaa si gaar ah bulshada caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka oo u howlan fashilinta dhagarta ay u soo maleegayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka garaabay jadadkii laga xiray bulshada caasimada maalmihii uu Muqdisho joogay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha oo xirraashihii wadooyinka ka raali geliyey reer Muqdisho ayaa bulshada ku nool magaaladaan u sheegay, in wadooyinka la xiro markii wafdi imaanayo looga gudbi doono oo kaliya, in laga adkaado Al-Shabaab.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho oo aad u dhibsaday in wadooyinka laga xiro markii ay magaalada imaaneyso wafuud heer caalami ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadeeyey in arrintaan aan loo sii dul-qaada karin, halka dowladuna ay hadda tallaabadaas ka raali gelisay shacabka caasimadda.

Daawo: Jubbaland oo soo bandhigtay meydadka xubno badan oo Al-Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta weerar ku dilay ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaas ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Degaan lagu magacaabo Muuse-Xaaji oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay kooxdaan, kadib markii ay ciidamadu weerareen xilli ay isku uruursanayeen halkaas.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo Jubbaland TV la hadlay ayaa xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 dagaalme.

“Saakay ayaa ka war-helay in kooxdaan ay halkaas isku uruursatay, kadib waan weerarnay waxaana idinla wadaagnay meydadkooda, ugu yaraan 10 ayaan halkaas ku dilnay, weerarkaas wuxuu ahaa mid guuleystay,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan xubno googo’ay oo tiradaan la xaqiijiyey geeridooda aan ku jirin, sidoo kale wuxuu sheegay inay qorsheynayaan howlgallo kale.

Waxaa maanta lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii lagu laayey duleedka Jamaame, waxayna xusid mudan in dalka oo dhan uu ka socdo howlgal culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xiisada Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Xaaladda cakiran ayaa ka taagan Laascaanood, waxaana maalinkii labaad banaan-baxyo rabshado wata dhigaya shacabka magaaladaas, halka ciidanka Somaliland ay awood u adeegsanayaan xakameynta dibadbaxyada.

Salaadii Jimco ee maanta kadib waxaa dhacay banaan-bax aad u balaaran, waxaana rasaas kala hor tegay ciidanka Somaliland, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culumada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadkii maanta ku dhintay Laascaanood, waxaana dhaawacmay Taliyiyii qeybta booliska gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay rabshadaha ka socda Laascaanood, in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda magaaladaas, rabshadahaan iyo dagaalka ay kala hor tagtay Somaliland ayaa ka bilowday dilal aan la aqoonsan cidda geysata oo lagu hayo haldoorka magaaladaas.

Sheekh caan ah iyo dad kale oo lagu dilay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo maanta mar kale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa maanta billowday kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaas la dhaceen shacab maalintii afraad muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Iska hor-imaadyo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland dadka degaanka ayaa ka dhacay magaalada welina sii xoogaysanaya.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda Laascaanood.

Marxuum Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa culimada iyo haldoorka Laascaanood ayaa kamid noqday dadka ku dhintay dagaalka halka uu dhaawac yahay Taliyiyii Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Somaliland G/sare Cali Axmed Shire.

Kacdoonkan ka socda magaalada Laascaanood oo loo bixiyay Kacdoonka Buluugga ayaa shacabka magaalada waxay ku dalbanayaan in ay Somaliland ka baxdo gobolka Sool.

Kacdoonka oo markii hore ka billowday dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo dadka reer Sool ayaa sidoo kale samaayn ku yeeshay degaanno kale oo ka baxsan Laascaanood.

Ciidanka Somaliland ayaa u adeegsanayaa hubka culus boqolaal qof oo shacab ah, kana soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laascaanood iyagoo dareenkooda cabiraya.

Puntland, oo gobalkan laga qabsaday 15 sano kahor, ayaa si rasmi ah uga hadlin, Madaxweyne Deni ayaa aamusnaan dheer kagalay, isagoo horey uga hadlay dhacdooyin ka hooseya qadiyadan oo ka dhacay meelo kamid ah Soomaaliya.

Xog ku saabsan shirkadda ka careysiisay dowladda federaalka ee Genel Energy

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Arbacadii ayey Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo.

Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hay’adda sida sharciga ah u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

“Fasax kasta oo loo bixiyo si aan waafaqsaneyn shuruucda Soomaaliya iyo xeerarka waa mid sharci darro ah waxaana loo arkayaa in uusan waxba ka jirin,” ayey tiri wasaaradda.

Dhanka kale wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland ayaa kasoo jawaabtay hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed maalintii Khamiista kasoo baxay Wasaaraddan oo lagu naqdinayay warka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “cid aan Somaliland ahayn aysan bixin karin shatiga oggolaanaya howlo sahmin ah oo laga sameeyo Somaliland gudaheeda”.

Labada dhinac ayaa u muuqda in uu khilaaf waji cusub leh soo kala dhex galay, iyadoo horay ay u jireen xiisado siyaasadeed oo ka dhaxeeyay.

Maxay tahay Genel Energy?

Genel waa shirkad madax bannaan oo si gaar ah loo leeyahay, taasoo ka shaqeysa sahminta iyo soo saaridda shidaalka.

Boggeeda internet-ka ayey ku sheegtay in ay diiradda saarto wax soo saarta qiimaha raqiiska ah ku baxo ee lasii kordhiyo, kaasoo ka caawinaya sidii ay fursado u abuuri lahayd heer sarena uga gaari lahayd suuqyada caalamka.

Shirkaddan, oo saldhiggeedu yahay magaalada London ayaa ku jirta liiska shirkadaha saamiga suuqa ee London.

Sanadkii 2012-kii ayey liiskeeda waddamada ay sahminta ka sameyso ku soo dartay Somaliland.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey heshiis wadashaqeyn ah la saxiixatay hay’adda OPIC Somaliland si ay shaqo sahmin ah uga fuliso deegaanno ka tirsan Somaliland oo ku yaalla xadka Itoobiya, sida ay ku caddeysay boggeeda internet-ka.

Dabayaaqadii sannadkii 2021 ayay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland barteeda Facebook soo dhigtay qoraal ay ku shaacisay heshiis ay la gashay Shirkaddaha Genel Energy iyo Opic Somaliland Corporation (OSC) .

Horaantii bishan ayey shirkadda Genel sheegtay in ay soo gabogabeysay daraasad indho-indheyn ah oo ay ka wadday Somaliand.

“Arrintan waxay na siineysaa xog aan la kaashanno qorshaheenna ku aaddan shaqada ugu muhiimsan ee dhinaca farsamada, taasoo billaaban doonta sanadka cusub,” ayey 15-kii bishan December kusoo qortay boggeeda Twitter-ka.

Horay waxa ay Genel howlo noocan ah uga soo fulisay dalalka Uganda, Kenya, iyadoo ceelal shidaal oo aad u waaweyn ka heshay waddamada Mozambique iyo Tanzania, taasoo sababtay in ay howsheeda daneeyaan dalal kale oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Bishii October, Soomaaliya waxa ay heshiis shidaal sahmin ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, taasoo baaritaan ku sameyn doonta ilaa toddobo goobood oo ku yaalla meelo ka ku dhow xeebaha.

Isha: BBC Somali

Geelle oo sheegay arrinta ay xilligaan si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay casho sharaf xalay Madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay ayaa sheegay in maanta dalkeena u baahan yahay isku duubni.

Madaxweyne Geelle ayaa bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay in la xoojiyo midnimada iyo garab istaagga dowladda iyo madaxda hoggaamineysa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa midnimada, horumarka iyo xoojinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gungaaro abaabulka xooggan ee socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Maxaan iraahdaa, Mahadsanid keliya miyaa dhahaa, kuma filna balse waxa aan leeyahay allaha idin barakeeyo, Horumar noo iftiimayo ayaan aragnaa, Hodannimo noo iftiimeysa ayaa inoo muuqata.”

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inuu u muuqdo waxqabadka laga sugayo dowladda federaalka, sidaas awgeedna guud ahaan shacab iyo madax looga baahan yahay in la rumeeyo riyooyinkaas.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Soomaalida waxay usoo ceshatay ayay qabtaa, mar labaad haddana xariga qabo la yiri, anaga waan ku duceynay aad baan usoo dhaweynay, isaga iyo odoyada la shaqeynaya in ay isku duubnaadaan annaga ayaa dooneyna, Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahay Midnimo, isku duubnimo & dagaal mid ah in lawada galo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladdiisa ay garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga gudbaan duruufaha kala duwan ee heysta oo ugu horeeyo amniga.

Midowga Yurub oo Somalia siinaya taageero difaac oo la mid ah tan Ukraine uu siiyo

Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ka fakaraya inuu taageero maaliyadeed oo culus siiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, xilli ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda European External Action Service (EEAS), oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga, ayaa lagu warramay inay diiradda saareyso Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Dhowrkii toddobaad ee tegay, Josep Borrel, oo ah wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga iyo kooxdiisa, ayaa ka shaqeynayey dhowr xaaladooda oo lagu taageerayo ciidamada xoogga Soomaaliya illaa sanadka 2024.

Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Taageerada cusub ee Midowga Yurub, ayaa haddii laga dhabeeya, iman doonto xilli aad muhiim ah oo ciidanka Soomaaliya ay u baahan yihiin gacan kasta oo ay heli karaan, ayada oo aad loogu rajo weyn yahay in dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqon karo mid guud ahaan dalka looga xoreeyo kooxdaas.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan billowday inay dalka dib ugu soo celiso ku dhowaad 5,000 oo askari oo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea, kuwaasi oo qeybtoodii ugu horreysay dalka la keenay 21-kii December, lana filayo in lasoo geba-gebeeyo dabayaaqada Janaayo.

Soo laabashada ciidankaas ayaa aad u kordhin doonta miisaaniyadda difaaca ee dowladda Soomaaliya, taasi oo culeyska dhaqaale ku kordhin doonta Villa Somalia.

Sheekh Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed oo gaaray isfaham muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, waxaana laga wada-hadlay arrimaha dib u heshiisiinta maamulkaasi.

Guddoomiyaha iyo Siyaasiyiinta ayaa kulankaan iskula qaatay in mucaaradka uu ka qeyb-galo gogosha 5-ta Janaayo taalla magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, si madashaas ay u noqoto mid loo dhan yahay.

Isfahamka ay gaareen dhinacyada ayaa yimid kadib markii laga wada-hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay, halka kuwa kalena la sheegay in shirka lagu xalin doono.

Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii toddobaad ka hor ka dhacday Baydhabo, ayaga oo dalbaday in guddoomiyaha uu ka shaqeeyo gacan kusoo celintooda guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen si loo abuuro jawi xasiloon laga fogaado waxkasta oo keeni kara gacan ka hadal dambe, islamarkaana laga dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa u ballan-qaaday siyaasiyiinta in tabasha kasta oo la kala qabo lagu xalin doono shirka loo balansan yahay horaanta bisha Janaayo.

Wuxuu sii adkeeyay guddoomiyaha in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto oo dadkeeda-na ku wada noolyihiin kalsooni iyo midnimo.

Ciidanka DF oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka gaarka ah ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Booliska Haramcad ay si buuxda ula wareegeen deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka oo hoostaga magaalada Marka ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi.

Howl-galo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa saraakiisha ciidamadu sheegeen in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa hore waxay howl-galo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaalla inta udhaxeysa Muqdisho illaa magaalada Marka, waxaana Al-Shabaab laga saaray jidka isku xira labadaas magaalo.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo maalinba maalinta ka dambeysa kooxda ay ku furmayaan furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah.

Somaliland oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar uga sii daraya xiisadda L/C

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku amartay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool inay muddo kooban hakiyaan adeega telefoonada iyo Internet-ka.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadahaan ku amartay inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan arrintaan, si hoos loogu dhigo kacdoonka sii xoogeysanaya ee ka socda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyiin illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkadaha ay amarkaan gaarsiisay Somaliland ayaa waxaa kamid ah shirkada Golis oo ayadu ka howl-gasha Puntland, kana mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ay isticmaalaan dadka reer Laascaanood.

Weli ma cadda jawaabta ay Shirkadaha Isgaarsiinta ka bixin doonaan amarka Somaliland oo guud ahaan saamaynaya isgaarsiinta magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa hore u qaaday tallaabooyin noocan oo kale ah, wuxuuna ujeedkeedu yahay sidii ay meesha uga saari laheyd kacdoonka socda ee sida weyn loogu baahiyay Internet-ka iyo baraha bulshada.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ahaa, kadib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dibad-baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo magaaladaas ku batay mudooyinkii dambe.

Xukuumada Somaliland oo shalay ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay bixineyso magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Geelle guddoonsiiyey billada ugu sareysa dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa, ayaa waxa uu ku guddoonsiiyay billad-sharafta ugu sarreysa dalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Billad Qaran ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

“Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhankiisa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

Aqlabiyada Aamusan – W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Soomaaliya ma aha dal siyaasaddiisu qaan-gaartay oo hannaankiisa xukun dhidibadu u taagmeen oo leh awoodo is dheelitiraya iyo hannaan khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga lagu xalliyo. Mana aha dal ay awooddu kali-talis ama qoys gacanta ugu jirto. Waa dal colaad sokeeye iyo xukun la isku dilay ka soo kabanaya, siyaasad jilicsan iyo xukun nugul oo kabkab ah ayaa ka jira. 

Marka la eego dooddii iyo dirirtii labadii sano ee ugu danbysay ee rajiimkii hore ka dhacday khilaafka doorashooyinka, muranka iyo loollanka haatan ka tagaan doorashooyinka Somaliland, Puntland iyo tan gacan ka hadalka gaartay ee Kuufur Galbeed iyo mugdiga haraynaya doorashooyinka dawlad Gobolleedyada kale waxay tilmaam ka tahay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya foolanayso. 

Waxaa walwalka sii xoojinaya in horwaynta (elite) siyaasadda Soomaalida ay iyaga uun isku muuqdaan, moogyihiinna heer kulka dareenka taban ee bulshadu ka qabaan siyaasada iyo siyaasiyiinta. 

Soomaaliya waa dal dadkiisu in ka badan 70% dhallinyaro yihiin, kuwaasoo doonaya in ay mustaqbalka la noolaadaan, macno waynna aysan ugu fadhiyin hurgomooyinkii iyo aanooyinka qabiil ee awoowayaashood kala gaaray, waxay hamuun wayn u qabaan nolasha dunida casriga ah ee ay maalin walba ka daalacdaan aaladaha xiriirka baraha bulshada. 

Xaaladaha cakiran ee dalka waxay ku soo beegantay iyadoo uu bolol (decay) ku dhacay, ama ay ilka beeleen, awoodihii soo jireenka ahaa (Traditional Authority) iyo iyadoo 20-kii sano laga gudbi waayey hanaanka 4.5, siyaasiyiintuna ku guuldaraysteen in ay dhisaan nidaam dawladeed oo awoodihiisu is dheelitirayo, lehna aalado iyo hannaan khilaafka lagu xalliyo, xukunka nabad lagula kala wareego, nidaamka amniga, ciidanka, shaqaalaha rayadka ah, diblomaasiyada mutaysi lagu dhiso. 

Marka la eego quusta iyo niyad jabka laga qabo siyaasiyiinta iyo qaflada ay ku jiraan, duruufaha maalinba maalinta ka danbaysa sii qalafsanaanaya ee nolosha dadkeenna, dulqaadka bulshada ee gabaabsiga sii noqonaya, gocoshada iyo gadoodka xoogga leh ee aqlabiyadda aamusan (Silent majority), waxaan shaki ku jirin in xaaladdu ay riman tahay marxalad cusub, kaasoo laga yaabo in kacdoon bulsho horseedo. 

Waxay u badan tahay in wejiga hore ay Al-Shabaab ku bixi doonaan, laakiin aan la kala hari doonin. Waxaan mar walba aaminsanahay in mustaqbal iftiin leh uu Soomaalida ka horreeyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha

ISRAEL oo shaacisay goorta ay weerari doonto IRAN

0

Jerusalem (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Arbacadii hadal weyn oo suurtagalnimsiisa ay ku xiran tahay waakhriga ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sano gudahood.

Iyadoo dadaallada caalamiga ah ee lagu cusboonaysiinayo heshiiska nukliyeerka ee 2015 uu wiiqmay, ayaa Iiraaniyiintu waxay kor u qaadeen kobcinta uranium-ka, habka isticmaalka rayidka ah kaas oo ugu dambeyntii soo saari kara shidaalka bambooyinka nukliyeerka – inkastoo ay diidaan naqshad noocaas ah.

Khubarada ayaa sheegaya in Iran laga yaabo inay kor u qaaddo nadiifinta uranium-ka ilaa heerka hubka muddo gaaban gudaheed.

Laakiin waxay sheegeen inay sannado qaadanayso in la dhiso madax dagaal oo la ridi karo – qiyaastaas oo uu ku celceliyay jeneraal ka tirsan sirdoonka milatariga Israa’iil bishan.

“Laba ama saddex sano gudahood, waxaa laga yaabaa inaad cirka kasoo gudubtaan oo aad weerar ku qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iran,” ayuu wasiirka difaaca Benny Gantz u sheegay ardayd ka qalin jabinaysay ciidamada cirka.

Saadaasha sirdoonka millatariga Israel ee 2023 ayaa ah in Iran “ay ku sii socon doonto waddadeeda hadda ee horumarka tartiibta ah” ee saaxada nukliyeerka, sida uu sheegay wargeyska Israel Hayom Axadii.

VOA + Reuters

Sawirro: Xamza iyo Aadan Barre oo ka wadahadlay laba qodob oo ay ku jirto xuduudda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo ay ka wada hadleen Iskaashiga Amniga iyo sidii dib loogu furi lahaa xuduudda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo furitaanka Xarunta Akadeemiye-goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo laga dhisay magaalada Muqdisho, islamarkaana ay xariga ka wadajareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelleh. 

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ay leedahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xagga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, oo dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn. 

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen qaabkii dib loogu furi lahaa xuduudda labada waddan ee deriska ah, si ay u sahlanaato isu socodka iyo ganacsiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya. 

Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo Jubaland ku sugan, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa waxaa ka socda u diyaargarowga dagaal xooggan oo kooxaha argagixisada looga xoreynayo deegaannada ay weli ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xarumo muhiim u ah dagaalka DF kula jirto Al-Shabaab oo dhaqaale la’aan u xirmi raba

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM oo hirgelisa mashruuca dhaqancelinta dadka kasoo goosta ururrada xagjirka ah ayaa sheegtay inaysan weli soo gaarin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa xarumahaasi oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Kismaayo.

Hay’adda IOM waxay sheegtay inaysan illaa hadda wax lacag ah soo gaarin.

“Xilligan IOM ma hayso dhaqaalihii ay kusii wadi lahayd barnaamijka,” sidaasi waxaa VOA qoraal ugu sheegay madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

Hay’adda ayaa dhowaan ku wargelisay mas’uuliyiinta dawladda Soomaalida in dhaqaalihii lagu wadayey xarumahan uu istaagayo sannadka cusub bilowgiisa haddii aan dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaashu heshiis ka gaarin mustaqbalka hawlaha barnaamijka dhaqancelinta.

“Haddii aan maalgelin nasoo gaarin inta ka dhaxaysa hadda iyo 31-ka December, masii wadi doono taageerada barnaamijka,” ayuu yiri Celestin.

“Taageeradeenu waxay istaagaysaa 31-ka Decmber 2022,” ayuu intaasi ku daray.

Waxa uu sheegay in tallaabadan aysan ahayn go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo taageerada, balse ay tahay hakin ilaa inta heshiis lala gaarayo dawladda federaalka oo ku saabsan sidii horey loogu socon lahaa.

Mashruucan oo ay ku baxdo malaayiin dollar sannad walba waxa dhaqaalihiisa bixiya waddamada deeq-bixiyayaasha oo ay ugu horreeyaan Britain iyo Jarmalka. Safaaradaha labadaas waddan ee Soomaaliya waxay muujiyeen inay doonayaan in dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadato sidii ugu dambayn ay dawladdu ula wareegi lahayd hawsha mashruucan.

Afhayeen u hadlay safaaradaha Bratain iyo Jarmalka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA Somali in labada dawladood ay in muddo ah soo taageerayeen barnaamijka.

“Barnaamijka hadafkiisu waxa weeye inuu dariiq bad-qab leh u jeexo kuwa soo goostay ee ay khatartoodu yartahay iyo haweenka ku xiran inay ka haraan kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn, iyo si cimri leh in dib loola mideeyo bulshadooda,” ayuu ku yiri af-hayeenka u hadlay labada safaaradood qoraal uu usoo diray VOA.

Safaaradaha Britain iyo Jarmalka waxay sheegeen inay doonayaan inay sii wadaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan barnaamijkan sannadaha 2023 iyo 2024, waxayse sheegeen in wadahadalladii ay kula jireen dawladda federaalka ay weli socdaan.

“Si loo xaqiijiyo in (mashruucan) sii socdo muddada fog, lahaanshihiisa waxa lagu wareejinayaa dawladda Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxa uu sheegay inay qayb ka qaadanayaan naqshadaynta nidaamka kala-guurka ayna qorshaynayaan inay taageeraan hirgelintiisa kadib marka is-afgarad laga gaaro qorshaha. Waxay sheegeen inay wadahadalladu weli socdaan.

Barnaamijkan Dhaqancelinta iyo Maamulka ee Dagaallamayaasha soo goosta waxa uu soo socday muddo illaa 12 sano ah, waxaana ka faa’iidaystay kumannaan qof oo kasoo goostay kooxaha xagjirka siiba Al-Shabaab, kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar oo helay dhaqancelin, dibna ugu biiray bulshada.

Saddexda xarrumood ee xilligan ka furan Muqdisho, Baydhaba iyo Kusmaayo ayaa la sheegay inay ku jiraan dad soo goostay oo ka badan 450, sida ay sheegeen ilo codsaday inaan magacooda la sheegin xasaasiyadda shaqadan darteed.

Mashruucani waxa uu hoos yimaaddaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Soomaaliya. VOA waxay la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxayna Wasaaraddu sheegtay inaysan xilligan waraysi ka bixinayn barnaamijkan. Marka ugu horraysa ee ay taasi suurtogashana waan idiin soo gudbin doonaa.

Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday go’aan ka farxin doona Soomaali badan

0

Riyadh (Caasimada Online) – Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jiray Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay hilibka iyo xoolaha geela, lo’da iyo idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay hay’adda caalamiga ee caafimaadka xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarnayd.

Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa billaabay inay wareegto u kala diraan rugaha ganacsiga iyo macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin go’aankan.

Tallaabada ay qaatay dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi.

Soomaaliya oo caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha ayaa wadamo badan u dhoofisa xoolaha nool, sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale.

Dowladda federaarlka Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay caqabad ku noqotay dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga.

Sanadkii tegay, xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka ayaa sanadkii tegay sheegay in dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Sacuudiga (Vetinary Protocol), taasi oo dib u dhigtay in xayiraadda la qaado. 

Boqorkii Kubadda Cagta adduunka oo geeriyooday

0

Brasilia (Caasimada Online) – Pelé, boqorkii Kubadda Cagta, oo ku guuleystay Koobka Adduunka saddex jeer, ayaa dhintay. Wuxuu ahaa 82 jir. 

Pelé ayaa waxaa tan iyo 2021 laga daweynayey cancer-ka ku dhaca mindhicirada. Waxaa isbitaal la seexiyey bishii tegtay kadib markii uu dhowr jeer xanuunsaday.

Wakiilkiisa Joe Fraga ayaa xaqiijiyey dhimashadiisa. 

Pelé, oo loo arkay mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsan ee abid cayaara kubadda cagta, ayaa usoo cayaaray xulka Brazil iyo kooxda Santos. 

Marka ay noqoto xiddigii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, waxaa inta badan Pelé lala soo hadal qaadaa Diego Maradona, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Goolasha uu dhaliyey Pelé ayaa inta badan la isku khilaafsan yahay, waxayna u dhaxeeyaan 650 illaa 1,281, sababtuna waxay tahay in dadka qaar aysan xisaabin goolasha heerka hoose ee uu dhaliyey. 

Waxa uu dunida kasoo muuqday isaga oo 17 jir ah, cayaarihii Koobka Adduunka ee 1958-kii lagu qabtay dalka Sweden, markaasi oo uu ahaa xiddiga ugu da’da yar. 

Waxa uu cayaartii final-ka ee koobkaas dhaliyey 2 gool, xilli Brazil ay 5-2 kaga adkaadeen xulkii martida loo ahaa ee Sweden.

Laba kulan oo kaliya ayuu saftay dhaawacyo dartood, markii Brazil ay isla koobkii xigay ee adduunka ee 1962-kii ku guuleysteen, hase yeeshee wuxuu ahaa xiddiga Brazil ugu muhiimsan koobkii Adduunka ee 1970-kii ee Mexico oo sidoo kale ay ku guuleysteen Brazil.

Gool ayuu dhaliyey, wuxuuna sidoo kale gool kale u baasay Carlos Alberto, ayada oo Brazil ay 4-1 kaga adkaadeen Italy.

Somaliland oo shaacisay inay bixineyso magta dadkii lagu dilay Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland oo ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay fara-gelinayaan xiisaddaas wuxuuna kulan la yeeshay ehellada qaar kamid ah dadkii dhintay dibad-baxii 27-kii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood.

Koore ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay bixineyo magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha ka socda halkaasi

“Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laas-canood, waxaanu dawlad ahaan ehelada siinay aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay dowladdu Somaliland balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhinbtay illaa 3 qof oo rayid ahaa, waxaana u dambeeyay Cabdishakuur Jimcaale oo ay xalay dileen ciidanka ammaanka.

Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid weli cakiran, waxaana maanta markale dib uga dhacay dibad-baxyo kale oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Si kastaba, dibad-baxayaaasha ayaa ka dalbanaya Somaliland inay wax ka qabato dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda dalka Muslimka ah ee Kosovo iyo dalka Serbia

0

Pristina (Caasimada Online) – Serbiyiinta Kosovo, ee xannibayey waddooyinka ku yaalla waqooyiga Kosovo muddo 19 maalmood ah, ayaa ogolaaday inay billaabaan inay qaadaan jidgooyooyinka laga billaabo maanta oo Khamiis ah, ayaga oo u hoggaansamay baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub, si ay u qaboojiyaan xiisadda.

Xiisadda ayaa billaabatay 10-kii December markii Serbiyiinta ay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Kosovo, oo 95 boqolkiiba ah Muslimiin, ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-banaani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, oo Serbiyiinta waqooyiga Kosovo kula kulmay magaalada Raska ee Serbia, ayaa sheegay in hanaanka qaadista dhagxaanta uu billaaban doono Khamiista maanta ah.

“Waa hanaan fog, wuxuuna qaadan doonaa muddo,” ayuu yiri Vucic.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhex-dhexaadinaya Belgrade iyo Pristina si loo xalliyo arrimaha taagan ee xiririka labada dal, ay damaanad qaadeen inaan la maxkamadeyn doonin cid ka mid ah Serbiyiinta dhigay xeyndaabyada.

Qaadista jidgooyooyinka ayaa la filayaa inay dejiso xiisadda u dhexeysa Belgrade iyo Pristina.

In ka badna 20 sano, Kosovo ayaa aheyd isha xiisad u dhaxeysa Reer Galbeedka oo taageera madax-bannaanideeda, iyo Ruushka oo taageera Serbia oo isku dayeysa inay xanibto in Kosovo ay xubin ka noqoto ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobe.

Mareykanka, NATO iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in xakameynta ugu sarreysa laga muujio waqooyiga Kosovo, ayada oo mas’uuliyiinta ay xireen marinkii saddexaad ee xuduudda Arbacadii, islamarkaana xiisadda ay kasii dartay.

Howlgalka NATO ee Kosovo, ee loo yaqaan KFOR ayaa sheegay inuu taageerayo wada-hadallo dhexmara dhammaan dhinacyada si loo qaboojiyo xiisadda, oo ay ku jirto jidgooyooyinka ay dhigeen Serbiyiinta.

Serbia ayaa Isniintii heegankii ugu sarreeyey gelisay ciidankeeda.

Dhinaca kale, Kremlin-ka, oo beeniyey eedeha wasiirka arrimaha gudaha Kosovo ee ah in Ruushka uu ku riixayo Serbia inay xasillooni darro ka abuurto Kosovo, ayaa sheegay in Serbia ay difaaceyso xuquuqda qowmiyadda Serbiyiinta.

Sarkaal hore uga tirsanaa booliska Kosovo oo kasoo jeeda qowmiyadda Serbiyiinta, kaasi oo xarigiisa uu dhaliyey dibadbaxyo rabshado wata oo ay sameeyeen Serbiyiinta Kosovo, ayaa xabsiga laga sii daayey, waxaana la dhigay xabsi guri kadib codsi ka yimid xafiiska dacwad-oogista, sida uu Reuters u sheegay afhayeenka Maxkamadda Aasaasiga ah ee Pristina.

Dejan Pantic ayaa la xiray 10-kii December kadib markii uu weeraray sarkaal boolis ah. Tan iyo markaas, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay rasaas is-weydaarsadeen booliska waxayna dhigeen in ka badan 10 jidgooyo, iyagoo dalbanaya in la sii daayo.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka caraysiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kosovo oo ay ku jiraan ra’iisul wasaare Albin Kurti iyo wasiirka cadaaladda Albulena Haxhiu.

“Ma garanayo si aan u fahmo iyo sida ay suurtogal u tahay in qof lagu soo oogay dambi sidaas u culus oo la xiriira argagixisanimo uu u galo xabsi guri,” ayey tiri Haxhiu.

“Aad ayaan u xiiseynaaa inaan arko cidda uu yahay dacwad-oogaha codsigan soo jeedinaya, iyo cidda uu yahay garsooraha ansixiyay,” ayuu yiri Kurti.

Pantic waxa uu ka mid ahaa Serbiyaan badan oo ka tagay booliiska iyo hay’adaha kale kadib markii Pristina ay sheegtay in ay dhaqan galin doonto sharci Serbiyiinta looga joojinayo inay isticmaalaan taarikada baabuurta ee Serbia ay bixisay ka hor kacdoonkii jabhadda ee 1998-99 ee horseeday madax-banaanida Kosovo.

Serbiyiinta ku nool waqooyiga Kosovo, oo weli aaminsan inay ka tirsan yihiin Serbia, ayaa iska caabiyey tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ka dhan tahay Serbiyiinta.

Laba marin xudduudeed oo u dhexeeya Serbia iyo Kosovo ayaa la xiray 10-kii December, halka midka saddexaad oo ah kan ugu weyn ee gawaarida xamuulka la xiray Arbacadii, taasoo carqaladeysay safarradii dadka Kosovo ee ka shaqeynayay meelo kale oo Yurub ah, kuwaas usoo laabanayey guryahooda xilliga fasaxa.

Qiyaastii 50,000 oo Serbiyiin ah oo ku nool waqooyiga Kosovo ayaa diiday in ay aqoonsadaan dawladda Pristina ama maqaamka Kosovo ee dal madax-banaan. Waxay taageero ka haystaan Serbiyiin badan oo Serbia ku nool iyo dawladdooda.

Kosovo oo aqlabaiyadda dadka ku nool ay yihiin Albaaniyiin ayaa ku dhawaaqday madaxbannaani iyada oo taageero ka helaysa reer galbeedka, kadib dagaalkii 1998-99, kaasi NATO ay soo faragelisay si ay u ilaaliso muwaadiniinta qowmiyadda Albaaniyiinta.

REUTERS, VOA

CC Shakuur oo si weyn u dhaliilay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hatan ah Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinka qaaday dowladda Soomaaliya, kadib soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Cabdirxamaan Cabdi Shakuur ayaa si weyn u dhaleeceeyay xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay si gaar ah u saameysay shacabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in madaxdii shalay diidanaa in la xayiro shacabka in iyagu ay maanta sameeyaan sida madaxdii ka horreysay oo kale.

“Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Facbook-ga.

Halkan hoose ka aqriso:

Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro  cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.