25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dowladda Itoobiya: “Waxba iskama badelin mowqifkeena ku aaddan SOOMAALIYA”

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Weriye ka tirsan idaacadda Jarmalka ee DW ayaa weeydiiyay in booqashada madaxweyne Biixi ay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay “Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhowaan booqasho uu tagay Itoobiya dib ugu laabtay Hargeysa, waana booqashadii koowaad tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.

Dhanka kale guddooomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa isna lagu warramayaa in safar ugu anbabaxay dalka Itoobbiya. Wax faahfaahin oo dheeraad ah lagama bixin safarkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somailand, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo ra’iisal wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd in wada hadallada ay ka mid yihiin arrinta dekeda Seylac ayuu wasiirka iska fogeeyay arrinkaas , “Waa arrin aanan sal iyo raad ah lahayn, nin weriye ayayna ka timid markii hore”.

Hadalhaynta Seylac ayaa maalmahan baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha haysatay, balse ma jiro illo rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya, waana markii koowaad oo ay Somailand beeniso tan iyo inta safarka madaxweynaha soo baxay.

Dr Ciise ayaa iska fogeeyey iney qeyb la safan yihiin dagaalka ka socda Itoobiya, isagoo sheegay in dagaalkaasi ay iyagu dhex dhexaad ka yihiin.

Safarka madaxweyne Muuse ayaa imanaya xilli Itoobiya ay kasoo baxayso dagaalo sokeeyo oo qaraar , inkasta oo weli aysan jirin heshiis weyn oo gudaha Itoobiya ka dhacay.

Dhawr jeer oo hore ayuu madaxweynaha Somaliland booqday Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo xad dheer iyo xiriir ganacsi oo muddo fog soo jirey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ku sugna dalka Itoobbiya waxa uu booqasho ku tegay xarunta warshadaha ee Hawassa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fana.

Booqashada ayaa waxaa madaxweynaha Somaliland ku wehliy madaxweynaha gobolka Sidama, Desta Ledamo, wasiirka maaliyadda, Axmed Shide, wasiirka arrimaha dibadda, Ambassador Redwan Hussein, guddoomiyaha guddiga maalgashiga Lissie Neme iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.

Maamulaha Xarunta Warshadaha ee Hawassa Mr. Fitsum City ayaa wediga ku soo dhaweeyay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxtarka wayn ee ay xaruntani ka geysanayso horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqdo xaruntan, waxaanu sheegay inuu aad ula yaabay shaqada halkaas ka socoto.

Xarunta waxaa lagu tilmaamay inay tahay midda Afrika ugu wayn. cabirkeedu wuxuu yahay 149 hektar oo warshado keli ah ay ku yaallaan.

Cadeymo muujinaya in askar Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen Tigray oo la helay

Toronto (Caasimada Online) – Caddeymo cusub oo la helay ayaa muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo tusmeyneysa isbaheysi cusub oo militari oo ka abuurmaya Geeska Afrika, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Globe and Mail ee dalka Canada.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa sheegay inuu helay caddeymo goobjoogeyaal oo muujinaya in ciidamo Soomaali ah oo ay wehliyaan kuwa Eritrean ah ay xasuuq ka gaysteen gobolka bilihii hore ee dagaalkan, oo billowday bishii November ee 2020.

Caddeymahan ayaa dhalinaya su’aalo argagax leh oo ku saabsan isbaheysiga militari ee u dhaxeeya Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya, kaasi oo burbur iyo dhimasho badan ka horseeday gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Saddexda dowladood ayaa si rasmi ah u beeniyey inuu jiro isbaheysi caynkaas ah, waxaana Soomaaliya ay sidoo kale beenisay in ciidamadeed ku sugan Eritrea la geeyey gobolka Tigray.

Hase yeeshee baaritaanka wargeyska The Globe and Mail ayaa lagu helay markii ugu horreysay faah-faahino buuxa oo ku saabsan dilalka ay gaysteen askarta Soomaalida ee xulufada la ahaa kuwa Eritrea ee tegay gobolka.

Gebretsadik, oo ah 52 jir beeraley ah oo degan xaafadda Zebangedena ee gobolka Tigray, ayaa sheegay in waddooyinka xaafadiisa ay daadsanaayeen meydka baadariyaal kaniisad bishii December 2020, dhowr toddobaad kadib markii uu dagaalka billowday.

Qaar ka mid ah baadariyaashan ayuu sheegay inay ahaayeen kuwa uu garanayo. Ciidamada Soomaalida, oo ka dhinac shaqeynayey kuwa Eritrea ee qabsaday xaafadda, ayaa beegsaday kaniisadaha, waxayna dileen dadkii ka shaqeynayey, ayuu sheegay.

“Waxay u gowraceen sida digaagga oo kale,” ayuu u sheegay The Globe and Mail.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Eritrea ayaa xaafadda joogay illaa dhammaadkii Febraayo 2020, sida uu sheegay Gebretsadik, oo inta badan u carari jiray baadiyaha iyo buuraha, si uu uga baxsado weerarada xilligaas.

Wargeyska The Globe and Mail ayaa la hadlay tobaneeyo dad oo ka badbaaday balse goobjoog u ahaa xasuuq ka dhacay lix xaafadood oo ka tirsan Tigray, oo ay gaysteen ciidamada Soomaalida ee halkaas saldhigga uu u ahaa intii u dhaxeysay December 2020 illaa Febraayo 2021.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xirnaayeen dareeska ciidamada Eritrea, balse si fudud loo fahmi karay inay Soomaali yihiin, sababo la xiriira luuqaddooda iyo muuqaalkooda. 

Si ka duwan Eritrean-ka, kuma aysan hadli karin luuqadda Tigrinya ee looga hadlo gobolka Tigray iyo inta badan Eritrea. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inay maqlayeen ciidamada Eritrea oo ugu yeeraya Soomaali.

Sanadkii tegay, QM iyo Mareykanka ayaa sheegay inay heleen akhbaaraad muujinaya in ciidamo Soomaali ah ay joogeen gobolka Tigray, hase yeeshee lagama helin faah-faahin.

Qiyaastii 10,000 oo askar Soomaali ah ayaa la geeyey gobolka Tigray, sida ay sheegeen saraakiil hore oo Ethiopian ah oo la hadlay The Globe and Mail, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin, si aysan u beegsan xukuumadda Abiy Ahmed.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo ku sugnaa xaafadaha ay maamulayeen militariga Eritrea, kuwaas oo qaarkood xitaa ay gowraceen. Ma jirin wax ciidan Ethiopian ah oo joogay xaafadahaas, sida ay sheegeen.

“Ma aysan muujin wax naxariis ah,” waxaa sidaas yiri Berket oo ah 32 jir beeraley ah oo ku sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray. “Ciidamada Eritrea su’aalo ayey ku weydiinayaan inta aysan ku dilin. Balse Ciidamada Soomaalida marna sidaas ma sameyneyn.”

Baadari kaniisad oo ahaa 76 jir deris la ah Mai ayaa ka mid ahaa dadka ay dileen ciidamada Soomaalida, sida uu sheegay.

Kibrom, oo ah 37 jir Soomaali ah oo ka qaxay xaafadda Hamlo bishii Janaayo 2021, ayaa sheegay in gowraca ay sameynayeen ciidamada Soomaalida uu “xaqiiq maalinle ah” ka noqday xaafadda.

“Kaniisadaha waxay noqdeen guryaha ciidamada. Waxay gubeen kitaabadii. Kaniisadaha waxay noqdeen meel aan la aadi karin, sababtoo ah ciidamada Soomaalida way dilayeeen qof kasta oo halkaas taga,” ayuu yiri Kibrom.

Sida ay sheegeen saraakiil Ethiopian ah, inta badan ciidamada Soomaalida ayaa kasoo gudbay xuduuuda Eritrea oo soo galay galbeedka gobolka Tigray, toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada Soomaalida oo ka amar qaadanayey taliska Eritrea ay diyaar ku ahaayeen xuduudda toddobaadyo kahor inta aanu dagaalka qarxin.

“Shaki la’aan waa ay ka qeyb-galeen dagaalka,” waxaa sidaas yiri Gebremeskel Kassa, oo ahaa madax-shaqaalaha maamulkii ku-meel gaarka ee Abiy Ahmed uu u magacaabay gobolka Tigray kadib markii ciidamadiisa ay qabsadeen bilihii hore ee dagaalka. 

Gebremeskel Kassa ayaa markii dambe u cararay dibedda, si uu naftiisa ula baxsado kadib markii lagu eedeeyey guulaha ay Tigray dib uga gaareen dagaalka.

Gebremeskel Kassa ayaa sheegay inuu joogitaanka ciidamada Soomaalida ku ogaaday safardii uu ku tagay gobolka Tigray iyo kulamadii uu la yeeshay saraakiisha iyo jeneraalada Ethiopia.

“Dhammaan inteena xilalka sare hayey waan ogeyn arrintan,” ayuu u sheegay The Globe and Mail. “Ciidamada Soomaalida waxay tababar ku qaateen xerada Sawa ee Eritrea, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis militari oo dhex-maray saddexda dowladood kahor dagaalka.”

Kadib markii arrintan ay muran badan ka dhalisay Soomaaliya, gaar ahaan markii ay banaanbaxyo dhigeen waalidiinta askarta, ciidamada Soomaalida waxaa dib loogu celiyey Eritrea, ayuu yiri.

“Waxay gebi ahaan ka baxeen gobolka bishii March,” ayey yiraahdeen saraakiisha.

Heshiiska saddex geesoodka militari ee Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa si sir ah loo gaaray 2018-kii markii uu xukunka qabtay Abiy Ahmed. Heshiiskan ayaa dhabar-jab weyn ku ah saameynta sii yaraaneysa ee reer galbeedka ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

Madaxweynaha kali-taliska ah ee Eritrea, Isaias Afwerki ayaa ah cayaaryahanka ugu muhiimsan isbaheysigan. 

“Wuxuu tani u arkaa fursad uu dib ugu qaabeyn karo Geeska Afrika oo dhan oo uu u jeedin karo dhankiisa,” waxaa sidaas yiri Martin Plaut, oo ah khabiir British ah oo ku takhasusay arrimaha Eritrea.

“Ka qeyb-gelinta ciidamada Soomaalida waxay aheyd tallaabadii ugu horreysay xiriri aad u qota dheer una muhiimsan oo uu isku dayayey inuu dhiso, kaasi oo isaga uu noqon lahaa boqorka,” ayuu Plaut u sheegay The Globe and Mail, isaga oo ka hadlaya xiriirka saddex geesoodka.

“Tan iyo 1970-maadkii ayuu daba socday damaciisa ah inuu burburiyo Tigray-ga. Si uu ugu guuleysto, wuxuu jeclaa inuu aas-aaso xiriir dhowr qaran ah oo ka hirgala Geeska Afrika, kaasi oo dalalka ay u jirayaan si iskood ah balse ay is-taageerayaan, halka ay baabi’inayaan dhaq-dhaqaaqyada gudaha.” 

Wararkii ugu dambeeyey dilal ka dhacay GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dilalka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda koonfurta iyo waqooyiga magaaladaasi oo ay ka kala arrimayaan maamullada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in markii hore maleeshiyaad hubeysan ay suuqa Ariga Gaalkacyo ku dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana kadib weerar qaaday maleeshiyaad ku heyb ah marxuumka oo iyaguna dilay laba qof oo kale.

Dilalkan ayaa salka hayo xiisad la xiriirta aano Qabiil oo ka taagan halkaasi, gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaase sheegay inay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilalkaasi.

Gaalkacyo waxaa in muddo ah kusoo noq noqday dilal iyo dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan.

Guddiga doorashada Reer Waqooyiga oo shaaciyey jadwalka doorashada 12 kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa soo saaray liiska 12 kursi oo maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabayo 22-ka bishaan oo ku beegan Sabtida diiwangelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqijinta shuruudaha musharaxiinta ayna socon doonaan illaa 23-ka bishaan Janaayo.

Sidoo kale guddiga ayaa ku caddeeyey jadwalka in doorashada kuraastan la qabanayo 24-ka bishan janaayo ee sanadkan 2022-ka.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxa ay kala yihiin:-

1: Hop260 oo ay ku fadhiso Faadumo Odawaa Raage.

2: Hop257 oo uu ku fadhiyo Cabdalla Xaaji Cali Axmed

4: Hop215 oo uu ku fadhiyo Faatix Saciid Xasan

5: Hop267 oo ay hadda ku fadhiso Seynab Maxamed Caamir

6: Hop268 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga

7: Hop269 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Kaamil.

8: Hop245 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Axmed Suge

9: Hop247 oo ay hadda ku fadhiso Khadro Maxamed Tukaale

10: Hop209 oo uu ka geeriyooday Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe)

10: Hop211 oo ay ku fadhiso Caasho Koos Maxamuud Cumar

11: Hop201 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

12: Hop214 oo uu ku fadhiyi Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho gudahood, taas oo ku eeg 24-ka bisha soo socoto ee Febraayo, sida ay ku heshiiyeen xubnaha Golaha Wadatshiga Qaran ee Dalka.

2 sheeko oo yaab leh oo ku jiray faalladii Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa faallo uu qoray kusoo bandhiga labo sheeko oo yaab leh, oo uu la kulmay intuu joogay NISA.

Fahad ayaa sheegay in uu ogaaday sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanayd daba-galka sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka oo uu qariyey magaciisa ayaa waxa uu ahaa sarkaalkii labaad ee ay haweenaydaasi ay sidaas ku guursato, sida uu ku sheegay faalladiisa.

“Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso.”

Waxa uu intaas kusii daray in Hawl-galkaas uu sahlay in la soo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwan shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Sheekada labaad ee uu soo qaatay Fahad ayaa ayaduna aheyd Hooyo Soomaaliyeed oo loo diyaariyay inay qeyb ka noqoto Sirdoonka Qaranka, taasi oo si yaab leh u ogaatay in wiilkeeda uu qeyb ka yahay hay’addana, oo ka shaqeeyo.

“Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda,” ayuu ku yiri faaladiisa Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo inta badan lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa faaladiisa kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii ku biiray hay’adda. Faaladan ayaa si gaar ah loo soo gaarsiiyey Caasimada Online – Halkan guji oo ka aqriso.

Siyaasadda Rooble ee ku wajahan Imaaraadka oo si rasmi ah u dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddel weyn oo dardar ku socda ayaa ka muuqda siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo ah dal aan wax xiriir ah la laheyn Soomaaliya tan iyo bishii April 2018.

Xilligaas ayaa sirdoonka Soomaaliya waxay garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag dhan 9.6 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in lagu arbushi rabay xasilloonida dalka, balse Abu Dhabi ay sheegtay inay aheyd lacag loogu talo-galay ciidamada Soomaaliya ee xilligaas ay tababari jireen.

Hase yeeshee, 7-dii Janaayo, Rooble ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo uu Imaaraadka Carabta kaga raali geliyey dhacdadaas, sidoo kalena ku ballan-qaaday inuu soo celin doono lacagtaas.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay oo Arbaco ahayd khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran. Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Waxay aheyd markii labaad toddobaad gudihiisa oo dowladda federaalka ay qaado tallaabo ku wajahan dhanka Imaaraadka Carabta.

Markii uu dhacay weerarkii Abu Dhabi Isniintii, dowladda federaalka ayaa isla maalinkii soo saartay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo lagu cambaareeyey weerarkaas.

Rooble ayaa toddobaad kahor wuxuu shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa hadda muuqata in dowladda federaalka ay tallaabooyin deg deg ah u qaadeyso inay Imaaraadka ku qanciso in siyaasaddii Farmaajo ee ku wajahneyd Abu Dhabi ay beddeshay siyaasadda Rooble.

Faah-faahin ku saabsan nabaddoon caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo galabta ay kooxo hubeysan ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Toogashada oo ka dhacday xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon caan ka ahaa degmadaas oo lagu magacaabi jiray Geesey Cusmaan Cabdulle.

Sida ay sheegen dad deegaanka ah kooxda dilka fulisay ayaa markiiba ka baxsaday goobta, ayada oo halkaasi ay tageen ehellada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Fagax.

Ciidamada ayaa goobta uu dilka ka dhacay ka sameeyay howl-gal, kaasi lagu baadi-goobayo kooxdii dilka fulisay, illaa hadda majirto cid weli loo soo qabtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan, oo qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto Askar ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Odayaasha dhaqanka, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

Muuse Biixi oo digniin culus u diray madaxda DF kadib tallaabooyin ay qaadeen

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqday ololihii ictiraaf raadinta ee maalmihii u dambeeyay laga waday baarlamaanka UK.

Muuse Biixi ayaa uga digay madaxda dowladda federaalka in markale ay ka dagaal gasho inay meel marto qadiyada Somaliland, wuxuuna tallaabooyinkaas uu ku tilmaamay mid sii kala fogeynaysa dadka Soomaalida ah.

“Dowladda Muqdisho iyo dadka waxaas ka talinaya waxaa u sheegeyna in waxaas ay sii kordhinayaan naceyb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo ku dhex beeraysan Soomaalida dhexdeeda, caqliyad ma aha in cadaawad fogaata inay usii taagnaato ubadkeena soo socda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland aan lagu qasbi karin ka laabashada madax-banaanideeda iyo masiirkeeda, islamarkaana ay diyaar u tahay inay wax walba u bixiso qadiyadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Qaran ahaan Somaliland waxay si gaar ah ugu mahad-naqaysa jaaliyada reer UK oo si gaar ah xil iskaga saaray oo kasoo shaqeeyay howshaas, sidoo kale waxa u mahad-naqeyna cidkasta oo qadiyada Somaliland taageeraysa mid dhaqaale iyo aqooneedba.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda waxay ka mideysan yihiin inay wax walba u huraan madax-banaanida iyo helida aqoonsiga wado kasta oo ay u marayaan iyo culeys kasta oo ay ku kaceyso.”

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka wiiqday isku day olole loogu raadinayay aqoonsiga Somaliland, kaasi oo ay wadeen xubno ka tirsan baarlamaanka UK.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa wada-hadal telefoon ah oo uu la yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford, ku booriyay ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labada Dal.

Sidoo kale Wasiirka qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa weerar shaqsi ah ku qaaday xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Jamaal.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay Somaliland dadaal badan ku bixineyso sidii ay u heli laheyd aqoonsi, inkasta oo go’aanka ah in dal madax-banaan loo aqoonsado uu ku dhaqan-geli karo heshiis dhex-mara Soomaaliya, taasi oo illa hadda u muuqan mid suurtagal ah.

‘Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa’ – Faallo uu qoray FAHAD YAASIIN

0

Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka. 

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran. 

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah. 

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda. 

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada. 

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo. 

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka. 

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool. 

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd. 

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan. 

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka. 

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba. 

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah. 

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda. 

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya. 

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso. 

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan. 

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed. 

Waa hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

(Qoraagu waa Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad culus u sameeyey DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, FEI Shengchao.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa waxaa diiradda lagu saraay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaham gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday sidii ay dowladda Shiinuhu u bilaabi laheyd mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, wuxuuna ballan-qaaday inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii wadidda taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka daneeya Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariicyo kala duwan, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada

 

Guddoomiye cusub oo loo doortay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Rooble oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacdayxerada Teendhada Afisyoone oo taalla xerada Xalane ee magaalada ee Muqdisho.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa isku soo taagay laba musharrax oo kala ah Maxamed Cawil Warsame & musharax Mustaf Macalin Cali, waxaana markii dambe tanaasulay Mustaf.

Kadib xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey musharrax Maxamed Cawil oo helay 21 cod, wuxuuna sidaasi ku noqday guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta.

Maxamed ayaa ku cusub guddiga wuxuuna ka mid yahay xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Sidoo kale musharraxa laga guuleystay ayaa guddiga kasoo galay dhinaca Galmudug, waxaana soo magacaabay Qoor Qoor oo haatan aad ugu dhow Farmaajo

Tani ayaa ka dhigan inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo muhiim u ah doorashada haatan ka socota dalka, waana guddiga kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay doorashadan ayaa isla-markiiba u hambalyeeye guddoomiyaha cusub ee la doortay.

“Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee guddiga Xalinta Khilafaadka Doorashooyinka Md Maxed Cawil Warsame,” ayuu yiri Al-Cadaala oo ka mid ah xubnaha ku dhow ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Doorashadiisu waa talaabo wanaagsan oo kaalin wayn ku leh ilaalinta Hufnaanta Doorashada,”.

Waa guushii labaad ee uu helay Rooble, kadib markii dhowaan xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhinaca Puntland, kadib markii ay garab siiyeen Saciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan lasii amba qaaday Doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in lasoo gabagabeeyo 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka.

AXMED MADOOBE ma ku abaal-dhacay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa si toos ah loo guda galay, musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa ti toos ah u bilaabay ololahooda xukun doonka ah.

Maamulada qaar waxay u diyaarsan yihiin inay 100% kaarkooda saartaan madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inta la ogyahay Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maran gacanta madaxweyne Farmaajo.

Mucaaradka Xamar jooga waxay waqti dheer rajeenayeen in codadka labadaas maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay wax fiican ka heli karaan marka la gaaro xilliga doorashada, balse waxaa meel dhexe uga soo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo aaminay inay fursad madaxweyne ku jirto halkaan.

Musharaxnimada Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa rajada codadka musharixiinta mucaaradka ka dhigtay sida Farmaajo oo laga xirtay codadkii Puntland.

Waxaa soo haray Jubbaland, Farmaajo wuxuu 16-kursi geystay magaalada Garbahaarey, dadka uu isagu rabo ayaa heli doona kuraastaas, ma u codeyn doonaan waa dood kale.

Kuraastii Kismaayo ku hartay ayey mucaaradka baadi rajo ka qabeen, laakiin dhawaan Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeybgalay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa la kulmay xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, wuxuuna toos ugu sheegay inuu dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe wuxuu sheegaa inuu Saciid Deni ku leeyahay abaal badan oo siyaasadeed. Axmed oo dib usoo doorashadiisii muran badan la geliyey, loona diiday aqoonsigii dowladda dhexe wuxuu si weyn ugu baahnaa ictiraaf siyaasi ah, maadaama uu ciidan ahaan ku tiirsan yahay dowladda Kenya.

Waxay aheyd 2 Sano ka hor, Axmed wuxuu aqoonsigiisa dul dhigay xafladdii caleema saarkiisa. Saciid Deni wuxuu ahaa dhanka maamul goboleedyada, maamulka qura ee tagay caleema saarkaas, laakiin maamul goboleed miyaa aqoonsi siin kara maamul goboleed kale? Jawaabtu waa maya.

Axmed Madoobe wuxuu markaas u baahnaa madax heer Qaran ah, Labadii madaxweyne ee hore ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sare iyo dhammaan xubnihii mucaaradka ayaa u duubtay in Axmed Madoobe loo sharciyeeyo doorashadiisa.

Qaarkood halis duulimaad ayey la kulmeen, balse ugu dambeyn waa ku guuleysteen in Axmed uu u noolaado, sidii madaxweyne sharci ah, iyadoo dowladda federaalka ay markii dmbe ku qasbanaatay inay aqoonsato Axmed Madoobe.

Madaxdii heer Federaal ee u dagaalantay aqoonsiga Axmed Madoobe, maanta waa laga soo xirtay albaabada Jubbaland, Axmed-na wuxuu leeyahay Saciid Deni oo kaliya ayaa abaal igu leh.

Dood kama taagna inuu Deni siyaasad ahaan u garab istaagay Axmed Madoobe, laakiin kaligiis waxba uma tari karin.

Lama yaqaano waxay maanta dareemayaan xubnihii shalay naftooda halista u geliyey inay Axmed Madoobe difaacaan, si uu xilliga doorashada u garab siiyo, balse maanta irdaha laga soo xirtay.

Axmed Madoobe sida muuqata Saciid Deni oo qura ayuu u abaal gudayaa maanta, waana cashir siyaasi ah oo la diiwaan geli doono.

Waxa qura ee arrintaan laga baran karo waa sida siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda ay ugu liitaan akhrinta iyo is waafajinta waxa taagan iyo timaatada. Dagaallada ay mabda’ la’aanta u galaan iyo inay rajooyinkoodii siyaasi ga ah dul dhigeen xubno aysan ballan xoogan kala dhaxey.

Inkastoo aan la aqoon halka ay codka geyn doonaan xubnaha lasoo siin doono kuraasta, haddana waxay dad badan aamisan yihiin in tallaabada Axmed Madoobe ay dhallin doonto in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay cashir ahaan u heystaan inta aysan mar walba qaadin tallaabo laab la kac ah.

Cumar C/rashiid oo weerar culus ku qaaday madaxda maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaabay, kadib heshiiskii Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheegay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka awood badan yahay habraacyada doorashada ee lasoo saaray, taasina ay keentay in la xakameyn waayo.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu maamulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaano daacad u ah.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Mudane Cumar Cabdirashiid.

Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo baxo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilligan aan habooneyn.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

Wasiir ka tirsanaa xukuumadii Kheyre oo shaaciyey sababta fashilisay wada-hadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan) oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu tuhmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland in horumar laga gaaro inay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Wuxuu carabka ku dhuftey in wada hadalladii ugu danbeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu balamey in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo cabashooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud deeqda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybood iney wada maamulaan, iyo qodobka saddexaad oo la xiriirey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi farsamo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Midowga Yurub iyo Mareykanka, iney ku cuslaatey xalinta dalab ka imanayey Somaliland xalintiisa.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddiyada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weysay inaan lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.

Ugu danbeyntii wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xaaladdu dhaafi waysay ka soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyi, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ee wada hadaladii ugu danbeeyey ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo ka dhacey dalka Djibouti.

Wasiir Cabdi Qarafaan, wuxuu hoggaaminayey xiligii wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya.

Isha BBC

Joe Biden oo dhabar-jab weyn kala kulmay Senate-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.

Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta.

Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa isku dayay inuu dib u habeeyo qaanuunka filibusterka, isagoo hoos ugu dhigay tirada ansixita xeerkan 50-cod oo markii hore aheyd 60-cod, laakiin Kyrsten Sinema oo laga soo doorto gobolka Arizona iyo Joe Manchin oo isna laga soo doorto gobolka West Virginia ayaa diiday inay la saftaan xisbigooda Dimoqraadka, ayna beddelaan habraaca Senate-ka, taas oo Jamhuuriga fursad u siisay inay si fudud u laalan hindisahan.

Labadan Senator ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigan, laakiin aysan diyaar u aheyn wax ka beddelka xeerarka Senate-ka.

Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saatay kadib guuldarradan ku yiri “”Maamulkaygu waligi ma joojin doono dagaalka ilaa inta loo hubinayo xaqa codbixinta wax kasta oo ay nagu qaadato”

Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xidhibaan ayaa hadda u kala qeybsan 50-50, waaloow Dimuqraadiyiintu ay leeyihiin aqlabiyada ciriir ah, maadaama madaxweyen ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay leedahay codka jebinta barbardhac.

Sharciga Xorriyadda Codbixinta oo ay Dimuqraadiyiintu ugu magacdareen Xeerka John R. Lewis, wuxuu maalinta doorashada ka dhigi laha fasax qaran, wuxuuna muhiim ugu ahaa doorashada soo socota ee dabayaaqada sanadkan ee loo yaqaan Mid Term, taas oo Dimoqraadiyiitu ku rajo weyniyihiin inay ku guuleystaan aqlibiyadda labada Aqal.

Dadka u dooda xuquuqda codbixinta ayaa ka digaya in gobolada uu Jamhuuriga hoggaamiyo ee dalka oo dhan ay soo saarayaan sharciyo dadka madowga ah ku adkeynaya doorashada, iyada oo gobllada qaarkood ay soo yareynayaan gobaha codbixinta, isla markaana ay dalbanayaan aqoonsi codbixiyeyaash oo dheeri ah.

VOA + AP iyo Reuters.

Maamullada Jubaland iyo K/Galbeed oo shaaciyey jadwalka doorashada 3 kursi

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saddexda kursi ee la shaaciyey ayaa kala ah HOP#126, HOP#118 iyo HOP#127, sida ku xusan warqadda kasoo baxday guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed Jubbaland.

Kuraastan ayaa waxaa ku kala fadhiyey : HOP#126 Maxamed Xasan Idiris, HOP#118  Swaqar Ibraamin Cabdalla iyo HOP#127  Cali Cismaan Xirsi.

Guddiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqaday in doorashada saddexdaan xubnood la qaban doono 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Dhinaca kale guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa isna shaaciyey jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP#056 oo uu ku fadhiyay Maxamed Jaamac Mursal, HOP#002 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Sheekh Maxamuud iyo HOP#231 oo uu ku fadhiyay Maxamuud Macalin Yaxye.

Sidoo kale guddiga ayaa jadwalka uu soo saaray ku sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo 25-ka bishan Janaanyo ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saartay illaa shan xildhibaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararkii ugu dmabeeyey ee loolanka doorashada guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kadib markii guddoomiyihii hore iyo xubno kale laga eryey shaqada.

Doorashada oo ka dhaceyso Teendhada Afisyoone ayaa haatan waxaa socda diyaar garow xoogan oo ku aadan qabsoomida doorashada guddoomiyaha.

Sidoo kale guddiga qaban qaabada doorashadan oo ka kooban shan xubnood ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha u sharraxan guddoonka cusub.

Doorashada oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa goobjoog noqon doono mas’uuliyiin kala duwan, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso doorashada guddoomiyaha cusub.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loogu jiraa loolan adag, waxaana haatan u tartamaya qabashadiisa xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa isku garbinaya inay guddoonka guddiga helaan dhinacyo kala duwan, gaar ahaan Villa Soomaaliya, xafiiska Rooble iyo maamul goboleedyada, sida horay u dhacday oo kale, gaar ahaan doorashaddii gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Guddigaas ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay Puntland, kadib garab istaag uu ka helay Deni iyo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Daawo: Xuud oo shaaciyey qorshe aan horey loo ogeyn oo uu MUQDISHO u yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhad ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa maanta la keenay Muqdisho, iyadoo diyaarad looga soo qaaday magaalada Beledweyne, Xuud ayaa warbaahinta u sheegay inuu u tanaasulay qaranimada Soomaaliya, isagoo uga baqaya inay burburto.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in canshuurta dadka Soomaaliyeed uu wax ku soo bartay, taasina ay ku kaliftay maanta in dowladnimada uu u tanaasulo, sidoo kalena uu heshiisii doono madaxda sare.

Waxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid si loo badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu isku howli doono heshiisiinta madaxda ugu sareysa dalka, isagoo madaxda u soo jeediyey in caro la isku qabo aan dalka loo burburin.

“Soomaali maanta waxaan u sheegayaa inaan u tanaasulay in qaranka Soomaaliyeed uusan burburin, canshuurtiisa ayaan wax ku soo baranay, in dalkaan aan burburino nalooma soo tababarin, dhibka dhexdeena ka teegay waxuu keenayaa qaran-jab hor leh, qaran waa duminay, laakiin ma dhisi naqaano,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in Xamar uu u yimid arin khuseysa dowladda federaalka, balse safarkaan uusan shaqo ku laheyn khilaafkii kala dhaxeeyey hoggaanka HirShabeelle.

“Anigu waxaan Muqdisho u imid arrin federaalka kheyseysa, HirShabeelle waan is khilaafnay, laakiin wixii Alle ka dhigo ayey noqon, balse waxaan xaq u leeyahay mida federaalka ah, raggii la heshiisii waayey, ayaan doonayaa inaan heshiisiiyo, oo aan isu keeno oo Soomaali mideeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xuud.

Waxuu ku celceliyey in dadka Soomalaiyeed ay midnimo meel ku gaari karaan, isagoo sheegay in mid ka mid ah masuuliyiinta oo magaciisa uusan sheegin uu dalka burburin u geystay isagoo u careysan masuul kale.

“Waxaa la yaab leh in masuul Soomaaliyeed uu dalka u jejebiyo caro uu u qabo masuul kale, waxaas halaga joogo, ciidamada Soomaaliya waxaan idin leeyahay hadda ka hor waa dayacdeen dalka, hadii aad taagnaa laheydeen oo qabiiladiina aadnaa kala raacin, waad badbaadi karteen dalka, war maanta ka fekera sidii dalkaan aad u badbaadi laheydeen,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Jeneraal Abuukar Xuud.

Hoos ka Daawo

Daawo: WASIIR DURAAN Faarax oo shaaciyey cida boobeysa kursiga beeshiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Puntland, kadib markii laga hor istaagay sida uu sheegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa ay ku leedahay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Duraan ayaa dhawaan tegay magaalada Garowe, si kursiga Hop166 uu ugu tartamo, balse waxa uu sheegay in damaciisii ay ka hor istaagtay madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa hoggaanka Puntland ku eedeeyey inay doonayaan in kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha deegaanada Puntland ay dad gaar ah u xiraan.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo, kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in doorashadii hore ee 2016-kii uu u tartamay isla kursigaan, balse looga guuleystay isagoo ku qanacsan natiijada, laakiin waxuu aad u dhaliilay hanaanka haatan uu doorashada ku maamulayo hoggaanka Puntland.

“Doorashadii sanadkii 2016-kii waxay u dhacday si cadaalad ah, waxayna taasi ka dhigan tahay in dadkii xiligaas xukunka hayey ay la haayeen dareen Soomaalinimo, laakiin kuwa hadda xukunka jooga, waxay doonayaan inay doorashada boobaan, iyagoo aan u tureyn shacabka reer Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in si hor dhac ah uu hambalyo ugu diraayo ninka kursigaas loo doora doono, kaas oo sida uu sheegay uu sii ogyahay, maadaama kursiga loo xiray sida uu hadalkiisa u dhigay, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

“Ninkaas hada hambalyada ayaan u sii hor marinaayaa, waxaana ka rajeynaa in si wanaagsan oo cadaalad ah uu ugu adeegi doono bulshada aan dooran ee xildhibaanka looga dhigayo,” ayuu yiri wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Faarax.

 Hoos ka daawo

Sidee looga falceliyay in markale Villa Somalia lagu arko sawirka Aadan Cadde?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad kooban oo maanta ka qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa markale kasoo muuqday sawirka madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan oo shaki badan uu ka dhashay in laga fujiyey Madaxtooyada.

Bogga Facebook ee Villa Somali oo maanta lasoo dhigay Sawirada Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad, ayaa waxa la arkayay sawirka Aadan Cadde oo darbiga ku dhagan.

Dood adag ayaa hore uga dhalatay markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday kasoo muuqday warbaahinta Soomaalida asaga oo ay gadaashiisa ku dhagsaneyn sawirka madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Siyaasiyiinta xilligaas ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug oo asagu sheegay in banaanbaxa ay qorsheynayaan mucaaridka ay ku sharfi doonaan xurmadle Aadan Cadde, maadaama uu xiligaas sheegay in Farmaajo sawirkiisa ka fujiyey madaxtooyada.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey in sawirka Aadan Cadde AUN markale uu kasoo muuqdo qeybo kamid ah Villa Somalia, ayada oo qaarkood ay sheegen in meelaha qaar laga fujiyey un, halka kuwa kalena ay ku doodayeen in marka horeba aan laga fujin sawirka madaxtooyada.

“Dadkii dhahayay aaway wuxuu dajiyay sawirka madaxweyne Aadan Cadde?,” ayuu yiri mid kamid dadka ka falceliyay. Sidoo kale mid kale ayaa yiri: “Sawirki wali lama fujin miyaa?”.

“Farmaajo waa ku dheelay Dowladnimadii sawirka Aadan Cade maalina waa fujinaa maalina waa ku dhajina madaxtooyada,” ayuu sidoo kale yiri mid kamid ah dadka ka falceliyay arrintaan.

Si kastaba, arrinta sawirka oo qeybo kamid ah Madaxtooyada kasoo muuqan xilli uu dhawaan khudbad uu jeedinayay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa waxa uu dhaliyay hadal hayn badan, ayada oo xiligaas uu meel sare gaaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble, uuna xafiiskiisa ka fujiyey Rooble sawirka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.