29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar

0

Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay kusoo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, “kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda.

Qareenka Kaili ayaa sheegay “inaysan wax galabsan” wuxuuna beeniyey “wararka beenta ah ee la isla dhex-marayo” ee ku saabsan inay laaluush ka qaadatay Qatar.

Xildhibaanka, oo shalay laga qaaday xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub “wax xiriir ah lama lahan lacagta gurigeeda laga helay,” ayuu yiri qareenkeeda Michalis Dimitrakopoulos kadib markii ay xireen booliska kadib baaritaan ka dhacay magaalada Brussels.

Wuxuu sheegay in Francesco Giorgi oo ah lamaanaheeda “uu ka jawaabi karo jiritaanka lacagta kaashka ah.”

Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid ah lix qof oo la xiray kadib howlgalka booliska, hase yeeshee waa xildhibaanka kaliya ee illaa hadda dacwadda lagu soo oogay.

Ilo-wareedyo ka tirsan garsoorka Belgium ayaa sheegay in qiyaastii 150,000 euro oo kaash ah laga helay apartment ay ka degan tahay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Talaadadii codeyn ah 625-1 ku meel-mariyey in Kaili laga qaado xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Garsoore Belgium ah ayaa maanta go’aan ka gaari doonaa haddii Kaili iyo saddexda qof ee lala eedeeyey ay xabsi kusii jiri doonaan illaa maxkamad laga soo taagayo. Laba ka mid ahaa lixda eedeysane ayaa lasii daayey.

Dowladda Qatar, oo lagu eedeeyey inay xildhibaanada u siisay lacagta si ay saameyn ugu yeelato go’aanada Midowga Yurub, ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan ama ay khalad sameysay.

AFP, VOA

Sarkaalkii u fududeeyay Shabaab weerarkii garoonka Muqdisho oo la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo 36 sano jir ah ayaa ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, illaa dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isaga oo darajada ciidanka ka gaaray Laba Xidigle.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sarkaalkan uu 2018 kii waayey xubinimadiisii ciidanka, kadib markii uu ku haray dib u habeynta Electronic-ga ahayd ee dowladdii Farmaajo.

Kadib wixii ka dambeeyay markaas ayey maxkamaddu sheegtay inuu xoojiyay la shaqeynta Al-Shabaab, isla-markaana uu u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah xilliyada ay weerarada ka geysanayaan goobaha bartilmaameedka u ah ee ku yaallo Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed Cabdulle Nuur Abkow uu 23 kii March ee sanadkan ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay Aadan Cadde, kaas oo uu ku naf waayay Allaha u naxariistee  Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka mid ahaa askartii soo afjartay weerarka, waxaana sidoo kale uu khasaare soo gaaray dad kale oo joogay goobta marka ay isku fara saareen ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Haramcad ee Booliska.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa waxaa la tusay muuqaalka Camerooyinka amniga Ee CCTV, isaga oo gudbinayay xubnihii Al-Shabaab ee weeraray garoonka.

Sidoo kale September 19 keedii 2019-kii ayaa lagu helay in uu qarax dhex geeyay Ururka 38-ad ee degan xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa la soo gabagabeeyay sideedii bishan, ayada oo ugu dambeyn maantana maxamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada DF oo dib ula wareegay saldhig muhiim ah iyo degaan kale (Warbixin)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab, waxaana u suuragashay inay la wareegaan. Daynuunaay ayaa waxaa ku yaalla Saldhig muhiim ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in cidamada aysan la kulmin wax iska cabin ah, isla-markaana ay si nabadoon ku galeen gudaha deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay isaga huleeleen deegaankaasi, kadib markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa maanta dib u qabsaday deegaanka Moodo Moodo uu dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ciidamadu ka sameysteen fariisimo cusub.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalladaasi ayaa boggaadisay ciidamada Xoogga dalka ee Al-Shabaab ka saaray deegaanadaas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

WEERAR loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday Isbitaalka Xoogga dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo saaka lagu qaaday dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo illaa labo bam-gacmeed ku tuuray gudaha isbitaalka, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu weerarka dhacayey ay afaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ay ku sugnaayeen dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawaca, kaas oo lagu sheegay illaa 9 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladdda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Daawo: Jeneraal Biixi oo reer Aadan-Yabaal u diray codsi ku saabsan gabdhahooda

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Madaxtooyadii Al-Shabaab ee Villa Aadan-yabaal wuxuu galabta kula hadlay boqolaal shacabka degmada ah.

Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Aadan-yabaal wuxuu ka dalbaday inay ciidanka gandho u dhisaan, maadaama aysan halkaan ka laabaneyn oo ammaanka Aadan-yabaal ay sugi doonaan, ilaa kooxda laga guuleysto.

Sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa shacabka degmadaas fagaarahaan uga balan qaaday in hal askari oo ka mid ah ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal uusan dib uga laaba doonin, isagoo ka dalbaday shacabka inay cabsida iska dhaafaan.

Dadka reer Aadan-yabaal ayaa fagaarahaan ka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen kooxda Al-shabaab, sida in aad loo caburi jiray, raxmadda Allena aysan heli jirin, “Seddax sano Roob nooma di’in, laakiin markii aad ragaas naga xoreyseen, raxmadii Alle ayaa noo hoortay oo maanta Aaran ayaan joognaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool Aadan-yabaal.

Sidoo kale oday kale ayaa sheegay in waayihii ay Al-Shabaab xukumayeen Aadan-yabaal ay la kulmeen eex badan, “Galabtii maqaayadaha dhan waa la xiri jiray, hal maqaayad oo Bay iyo Bakool la yiraa oo ayagu ay la haayeen ayaa la isugu tegi jiray, eexda ay nagu sameeyeen mid loo dul qaada karo ma aheyn,” ayuu yiri oday kale.

Jeneraal Biixi ayaa dadkaan ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya sidii degmadaan looga difaaci lahaa Al-Shabaab, isla markaana loogu weerari lahaa deegaanada hoos taga Aadan-yabaal oo ay Al-Shabaab joogaan.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi wuxuu u soo jeediyey shacabka degmadaan in maadaama ay kala yaqaanaan dadka deegaanka ay ciidanka ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay xaafadaha degmada ku arkaan qof Shabaab ah.

Hoos ka daawo 

30 xubnood oo Al-Shabaab ah oo isku goob lagu dilay xilli dagaalka uu xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

“Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab oo xilligaasi doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwadeegaanka ay ku dagaalameen Bariga Degaanka Obaale.

Duqeynta ayey inta badan fuliyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, waxaana tirada qasaaraha ay ku kala duwan yihiin Taliska AFRICOM ee Mareykanka iyo Dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale jiray warar ay dowladda ku sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Turkey ay mararka qaar fuliyaan duqeymo, balse dowladda Turkey weli ma xaqiijin arrintan. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka ay si dardar leh uga socdaan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hujuumayaan deegaanada ay kooxahaasi ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa isku fidinaya deegaanada dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee ku teedsan Webiga Shabelle, gaar ahaan aagga Cali Fooldheere.

Hawlgal kale oo midkani barbar socdo ayay ciidamada ka wadaan deegaano kale oo dhaca duleedka Degmada Aadan Yabaal.

Kulankii Golaha Shacabka oo mar kale baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada Golaha.

Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse kooramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin.

Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

“In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen  cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynayaa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka.

Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado.

“Waa nasiib darro in maalintii labaad uu kooram la’aan u baaqdo kulanka Baarlamaanka, waana in xildhibaanada maqan ay jeebkooda ka arkaan,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaano badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan.

“Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diideen in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xildhibaan Rowdo.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan isla Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.

Sawirro: XASAN oo DALAB culus u gudbiyay Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo gaar gar ah ka wada magaalada Washington, wuxuuna Mareykanka hordhigay dalab culus oo ku aadan cunaqabateynta hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa xalay kulan doceed la yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield. 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay saameynta ay dagaalkan ku leedahay cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyadda Mareykanka ka dalbaday in ay codkooda Golaha Ammaanka iyo Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay ku xoojiyaan qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, ka hortagga isbeddelka cimilada iyo dib u dhiska deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xalay kulan kale la yeeshay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka, kaas oo ku aadanaa xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mudane Mohamed Bazoum, ayada oo kulanjka lagu soo qaaday dhibaatada argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu socday shirka kuso soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, ayada oo madaxda dhankooda ay ku boggaadiyeen  guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Hiiraan iyo  Shabeellaha Dhexe.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada

Ra’iisul wasaare XAMZA oo gaaray AADAN YABAAL

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta booqday furimaha hore ee dagaalka, isaga oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xamza iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga, taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxaa Aadan Yabaal ku soo dhaweeyey Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan Yabaal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeri doono degmadan oo ay in ka badan 15 sano heysteen xooagag Al-Shabaab, balse maalmo kahor laga saaray, isaga oo qiimeyn doono xaaladaha nololeed iyo howlgallada ay ciidamada huwanta ay ka wadaan duleedka degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda sare ee maamulka HirShabelle, saraakiisha ciidanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu dhiiragelin u sameyn doonaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, kuwaas oo deegaano badan ka qabsaday Shabaab.

Si kastaba waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka socdo dowladda federaalka Soomaaliya oo booqdo Aadan Yabaal, balse maalmo kahor ayed aheyd markii uu isna madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay Masaajid Cali & Nuur Dugle oo kamid ah meelaha laga xoreeyay Shabaab.

R/W Xamza oo ku wajahan degmo dhawaan la xoreeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safar ku tago degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa ah degmo muhiim ah oo sanado badan ay ka talinayeen argagixisada, waxaana xiligaan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda.

Degmada ayaa laga dareemaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana la sheegaya in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii loo dardar-gelin lahaa howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xamza ayaa dhiiri-gelin doona ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, oo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa haddii uu tago degmada Aadan Yabaal waxa uu noqon doona masuulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaasi taga tan iyo markii la aas-aasay maamulka HirShabelle.

Deegaano u dhow Aadan Yabaal ayaa waxa xiligaan ku sugan madax ka tirsan dowladda federaalka & maamulka HirShabelle oo u sareeyo madaxweyne Guudlaawe, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi kusoo dhaweyn doona ra’iisul wasaaraha.

Saddax Wasiir oo Xamza la wadaagay xog cusub + Sawiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo bilaabay inuu wasiiradiisa kula xisaabtamo qorshe howleedkooda ayaa caawa seddax wasiir waxay la wadaagtay waxa u qorsheysan inay qabtaan sanadka soo socda.

“Iyadoo ay dardar ku socdaan dejinta qorshe hawleedka kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda DarQaran, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre waxaa uu galabta ka guddoomay Qorshe Howleedkooda sanadka 2023, kala wareegay wasaaradood,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirrada Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warbixintaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay saddexda Wasiir inay xoogga saaraan sidii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyin wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka xukuumadiisa.

Soo gudbinta qorshooyinka Wasaaradaha waxay aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda, si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay.

Sidoo kale qorshahaan wuxuu Xukuumadda ka saacidayaa in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan oo ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

Video: Qiimeyn cusub oo laga soo saaray waxa ay qabatay DF kadib qaraxyadii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku faahfaahinayaan qiimeynta khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Soobe 2 iyo qoysaskii ay saameysay.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay macluumaad muujinaya in wax un caawin ah ay dowladdu u sameysay qoysaska dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadaas, kadib markii la furay sanduuqyo gurmad.

Ugu horeyn waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in 28 qof oo qabay dhaawacyo culus oo isbitaallada loogu tegay la gudoonsiiyey min 500 oo dollar, halka 11 kalena caafimaad dalka dibadiisa ah loo fidiyey, iyadoo 9 ka mid ah la siiyey min 2,000 oo dollar.

119 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka 334 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burbrutay 116 xarumood oo goobo ganacsi ahaa.

Sida ay sheegeyso warbixintaan, Hanti gaareysa 3,466,859,02 oo milyan ayaa ku burburtay qaraxyadii Soobe 2, iyadoo xarumo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada iyo Salaam Bank aan lagu darin qiimeyntaan.

“Warbixinteenu waxay cadeyneysaa in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliyeed caawisay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada dalka ka dhacaya, weliba si public ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan hey’adda Maareynta Masiibooyinka.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii ay hayeen dadka geeriyooday iyo hanti la gaarsiiyey ehellada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday halkaas.

Hoos ka daawo shaxda lagu soo bandhigay warbixintaan.

Dowladda federaalka oo ka hortageysa ‘khatar ka dhalan karta’ dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo ku saabsan sugida amniga magaalada Muqdisho iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qayb-qaadashada ciribtirka Khawaariijta ayaa maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Xamza Cabdi Barre.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiiru-dowlaha amniga gudaha, wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay xiligaan leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, islamarkaana sare loo qaado dadaalada lagu horumarinayo amniga.

Khatarta u weyn ee dowladda ka hortageyso ayaa ah in xubnaha Shabaabka ah ee lagu soo jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka ay kusoo dhuuntaan magaalooyinka oo caasimaddu ugu horreyso.

Xamza ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.

Fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar oo meel sare gaartay maanta

0

Strasbourg (Caasimada Online) – Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey.

Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay inaysan wax dambi ah gelin.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay.

“Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola.

Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tiri “mowqifkeeda waa inaysan waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece.

“Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,” Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV.

Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto.

Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa.

“Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook.

Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baarayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah.

Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda.

REUTERS, VOA

Ra’iisul Wasaare Xamza oo QATAR ku bogaadiyay arrin si weyn loogu weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay Qatar qaabka ay u marti-gelisay koobka adduunka.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda Qatar sida ay markasta u garab tahay dowladda federaalka Soomaaliya, ugana fuliso mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan aragnaa bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray calanka dalkaas, shacab iyo xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim iyo Shacabka Qatar,” ayuu yiri.

“Mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameeysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada dal iyo labada dad. Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo iyo karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dowladda Qatar ay sii xoojiso iskaashiga labada dal iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaan Muslimiinta iyo Carabta, sida uu sheegay.

“Munaasabaddaan waxa aan uga mahad-celinayaa dowladda iyo shacabka Qatar oo aan rajeyneyo inay xoojiyaan iskaashiga, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin.”

Munaasabada lagu maamuusayay maalinta Qarannimada Qatar ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Qatar iyo Soomaaliya.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, halka kuwa kalena ay yihiin qabyo, waxaana la dhameystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Madaale oo shaaciyay halis weyn oo ka dhalan karta arrin muddo ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay leeyihiin kooxaha ciyaal weerada iyo waxa laga filan karo mustaqbalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay haddii aan laga hortegin ciyaal weerada ay noqon karaan sida Al-Shabaab oo kale, oo iyagu markay soo bilaabanayeen ahaa sida kooxaha ka abuurmaya Muqdisho.

“Magaaladaan sida la socono Shabaab ayaa ka dhashay 2006-dii iyo wixii ka dambeeyay, waa la fududeystay maanta waakasa dowladii, qabaa’iiladii iyo cidkasta dagaal ayey kula jirtaa waxay ku tuseysa miisaanka iyo dhaqaalaha ay bulshada ka dhex sameeyeen. Maxaa diidaya ciyaal weero inay sidaas noqdaan haddii la fududeysto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maalinkasta waxaa arkeysa Mobile jooga $200 ama ka yar ayaa lagu leeyahay qof dhan oo bini-aadam ah oo Muslim ah oo Soomaali ah ayaa loo dilaya, qofka Mobile ku dilaya waxa uu ku dhaafayo ma ii sheegi kartaa, waa maya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in kooxaha ciyaal weerada ah ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale, oo xiligaan uu dagaal xoogan uga socdo qeybo badan oo kamid ah dalka.

“Al-Shabaab culeys ayaa looga haya afarta jiho, hoosteena waxaa ka kacay cayayaan yar-yar oo Mindi iyo Baangad wata, markaasa leenahay Weero. Waa in aan iska qabana, haddii aad idinka iska qaban ma cid kale ayaa inaga qabaneysa.”

Kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Banaadir, ayada oo dadka caasimada u geysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhac iyo dil.

Weerar culus oo lagu qaaday Farxaan Jimcaale iyo falcelin xooggan oo ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar culus oo dhanka baraha bulshada ayaa waxaa lagu qaaday Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo haatan ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena ah agaasimaha warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Farxaan ayaa waxaa weerar culus ku qaaday koox u muuqato mid abaabulan oo isku xiran, waxaana ku jira Wariyeyaal, siyaasiyiin iyo rag kale oo caan ah, kuwaas oo fidiyay dacaayado iyo warar kale oo liddi ku ah agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Xamza Cabdi.

Dadka weeraray waxaa ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Cali Aadan Muumin “Waxa uu kula kacay warbaahinta gudaha falal isugu jira faquuq iyo cunsuriyeyn, qaar ka mid ah xarumaha warbaahineed ayaa la wadaagay dareenkooda bulshada, halka in badan oo kalana ka gaabsadeen in ay banaanka soo dhigaan tabashooyinkooda. Intaa waxaa sii dheer, waxa uu ku guul darreystay in uu maamulo howlwadeennadii warbaahinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, isagoo ula dhaqma si aan habbooneyn, waxa uu isku wadi waayay shaqaalaha tirada yar ee jooga xafiiskiisa, maxaa intaas kaweyn oo laga filan karaa oo wax qabad ah?”

Waxaa kale oo ka mid ah dadka eedeeyay Farxaan Jimcaale Bashiir Maxamed oo isna yiri “Farxaan tuug oo fadeexo weyn ay soo wajahday,”.

Cabdirisaaq M. Cabdulle ayaa isaguna soo bandhigay eed ka dhan ah Farxaan Jimcaale “Anigoo ixtiraamaya masuul Farxaan Maxamed Jimcaale masuuliyada uu u haayo Somalida hadane waa in qaladka xoogan ee uu ku dhex jiro laga qabtaa. Xassan-Kafi oo ah wiilka sawirka ka muuqda wuxuu ahaa muuqaal duubaha iyo sawir qaadaha xafiiska RWasaaraha mudo 7 sano, wuxuu la shaqeeyay laba RWasaare ilaa intaasna wax cabasha ah ma jirin, RW Xamsane waa masuulkii sedexaad ee xafiiskaas soo mara intii uu joogay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Cabdulle.

Dhinaca kale waxaa arrintaan ka falceliyay koox kale oo ay iyaguna ku jiraan Wariyeyaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaas oo u badan kuwo ku heyb ah Farxaan.

Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa yiri “Inta aan ka warqabo Farhan Jimale waa qof waligiisba ka shaqeynayay meel nidaam leh oo sharcigu shaqeeyo. Hadda waxaa haysta waa dhibaatada dalkeena ragaadisay ee ah kala dambeyn la’aanta. Waxaan dhihi lahaa isku day waxaad baddalikartid inta karaankaaga ah, ogoowna dalkan cid isbaddal sameyn karta ayaa yar oo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha laftooda ayaa qoor sagaaro lagu haystaa oo dad ka awood badan baa jira,” .

Shariif Abuukar Cali ayaa isna ku sifeeyey Farxaan Jimcaale “Shaqo yaqaan halka uu joogo aqoontiisa ku tegay + 35 sano oo khibrad war baahineed ah,”.

Wariye Maxamed Xaraare “Hal iyo dhowr qof haddii aan ku qaddariyo aqoon iyo khibrad saxaafadeed, waxaa safka hore soo galaya Farxaan Jimcaale. Maamul, maareyn, miisaan, karti, dhimrin iyo dulqaad waxa ay ka mid yihiin erayada aan macagiisa ku hoos qori lahaa,”.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble ayaa isaguna yiri “Farxaan Jimcaale looguma dheggana aqoon oo aniga ma garanaayo suxufi shaqeeya waqtigan la joogo oo ka aqoon iyo waaya aragnimo badan ama shaqkhsi uga habboon afhayeenka xukuumadda oo shaqadaa loo idman lahaa, balse waxaa jira qolooyin ka biyo cabid bartay xafiiska r/wasaaraha oo warkoodu yahay “Xawaadle xafiiskaan ma aqoon jirin kamana dhex shaqeyn jirin ee sidee ku yimid?”.

JAYTE oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadibna ka baxay guddigii lagu daray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiraan, Cali Jayte Cismaan ayaa qaatay tallaabo lama filaan, kadib go’aan culus oo uu maanta qaatay.

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay xubinimada Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta Ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan, kaas oo horay loogu daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddigan uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, islamarkaana uu noqday guddiga ay ka dhex jirto habacsanaan baahsan.

“Sidaas daraadeed laga bilaabo 12-12-2022 waxaan cadeynayaa in aan ka baxay Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan,” ayuu yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu go’aankan guddoomiyuhu ku socod siiyay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo markii horeba u magacaabay xubinimada guddigaasi.

Dhanka kale Cali Jayte ayaa xusay in uu halgankiisa sii wadi doono, isla-markaana uu hoggaamin doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si aad ah uga soo muuqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraanm, isaga oo hoggaamiyay dagaallo badan oo Al-Shabaab looga saaray gobolkaasi.

Daawo: Mooshinka Sacdiya Yaasiin Xaaji oo weji cusub yeeshay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya guuxa siyaasadeed ee ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin oo ay xildhibaanada qaar ka gudbiyeen mooshin culus.

Mooshinkan oo salka ku haya hadalkii Sacdiya ee ku aadanaa xeerka Jinsiga ee muranka badan dhaliyay uu hadda yeeshay weji cusub, sida uu sheegay siyaasi Khaalid Gaabane.

Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa si weyn u difaacay xildhibaanadda, wuxuuna sheegay in aysan jirin xadgudub ay sameysay sida uu ku dooday.

“Sacdiya Kitaab Qur’aan ah oo ay ku xadgudubtay oo mooshin Qur’aankaa lagu difaacaa la leeyahay waxaas waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Siyaasi Khaalid Gaabane.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan laga leeyahay dano siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

“Kiiskaani waxaa gadaal ka taagan oo raalli ka ah Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, ahna Wasiirka Wasiirada, ahna saaxibka madaxweynaha,” ayuu raaciyey.

Khaalid Gaabane oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Wasiirka uu doonayo inuu kusoo biiro Baarlamaanka, kadibna uu ku fariisto kursiga Xildhibaan Sacdiya Yaasiin.

“Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa doonaya kursiga Sacdiya saa darteed wuxuu isku diyaarinayaa inuu Baarlamaanka kusoo biiro, gaar ahaan kursiga HOP#086,” ayuu yiri.

Si kastaba, maalmo kahor ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ay ka gudbiyeen xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo la filayo in Golaha la horkeeno, waxayna xildhibaanadaas ku eedeeyeen inay ku xudgubtay Diinta.

Daawo: Dilkii Bakaal Kooke oo loo heysto ciidanka Itoobiya iyo kacdoon ka qarxay Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ciidanka Itoobiya u qabsaday dilka Taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke oo Jimcihii lagu dilay qarax miino.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

“Dadka dhahaya Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey dilka Bakaal, waxay marin habaabinayaan xogta rasmiga ah, ninkaas aad ayey isugu fiicnaayeen Mahad, wuxuu ahaa nin ay Soomaalinimadu ku weyneed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiya, “Maanta waan u tagnay ciidanka Itoobiya, waxaan dhahnay ka soo jawaaba eedaan, waan ka war sugeynaa, hadaan jawaab fiican ka weynana, Itoobiyaan Gedo siima joogi doonaan,” ayuu yiri Karar.

Hoos ka daawo