29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Joe Biden?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta ah isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab. 

Madaxweyne Joe Biden ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka argagixisada, waxa uuna adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka sheegay in Al-Shabaab aan looga guuleysan karin dagaal oo kaliya.

“Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. 

“Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”

Sheekh Cabduljabaar Naasir oo dil loogu xukumay inuu aflagaadeeyey Nebiga NNKH

0

Kanu (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku caan baxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Tallaabadani ayaa timid, kaddib markii lagu helay wadaadka dambi ah inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammad NNKH, kaasoo uu ku sheegay qaar kamid ah wacdiyo uu jeediyey.

Sheekh Cabduljabar Naasir Kabara, ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waxa uu maamulka ku hayey xabsi, kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay been ka dhan ah Nabi Muxammad NNKH.

Maxkamadeynta ayaa waxaa si dhow ula socda dadka reer Nigeria. Kano, ayaa waxay kamid tahay dhowr iyo toban gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo shareecada lagu dhaqmo, iyadoo uu ku lammaanan yahay sharciga cilmaaniga ah ee dalka.

Caalimkan oo 52 jir ah, ayaa kasoo jeeda Dariiqada Qaadiriyada. Waxa uu leeyahay tiro aad u badan oo raacsan isaga, gaar ahaan gobolka Kano.

Aabihii waxa uu ahaa hoggaamiyihii dariiqooyinka ka jira Galbeedka Afrika, illaa uu geeriyooday sanadkii 1996-kii.

Sheekh Cabduljabar, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka.

Xukunka dilka ah ee ay xukumaan maxkamadaha dalka Nigeria, ayaa dhif ah in la fuliyo. Taa beddelkeeda, dadka la xukumo, ayaa waxaa badanaa lagu hayaa xabsiyada muddo aan xad lahayn.

Isha: BBC 

Maxay tahay digniinta uu Mareykanka u gudbiyey dalal ay Soomaaliya ku jirto?

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda dalalka Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya xasilooni darro ay sheegtay in dalalka Ruushka iyo Shiinaha ay ka wadaan Afrika, iyaga oo adeegsanaya lacago mallaayiin dollar ah oo ay ugu magac dareen taageero.

Hadalkaan ayaa waxaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxweynayaal uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntii Mareykanka ee Afrika, isaga oo isticmaalaya diblomaasiyad shakhsi ah, taas oo keentay in uu qaabilo 49 hoggaamiye oo Afrikaan ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay sanad walba sii ballaarinayaan, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale saameynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika,

“Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatooyin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn,” ayuu xusay Austin.

Ugu dambeyn Xoghayaha Difaaca Ameerika Lloyd Austin ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay inay billawday in dalalka  Afrika ay si raqiis a hubka uga iibiyoi isaga oo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana keeni karta xasilooni daro.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Madaxda Afrika ay ku sugan yihiin dalkaas, islamarkaana ay wada-hadallo la leeyihiin Madaxda Mareykanka si loo xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.

Sawirro: Aadan Madoobe oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay dhaqanka K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay laba arrmood oo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn odayaasha ka talageliyay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayna iyagu sheegeen inay si buuxda u taageereen shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay door muuqdo ka qaataan sidii kooxda Al-Shabaab looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa Aadan Madoobe ka dalbaday in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, si go’aan looga soo saaro xaaladda murugsan ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maalmiihii u dambeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waday dadaallo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisa Baydhabo kahor booqday degmada Xudur.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa marxalad adag, kadib muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu ka dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.

Mareykanka oo $411 milyan siinaya dowladda Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Ayada oo ay weli Soomaaliya ka jirto xaalad adag oo bani’aadanimo, isla-markaana ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka ayaa dowladda Mareykanka waxay ku dhawaaqday lacag malaayiin dollar oo ay ugu talagashay Somalia.

Samantha Power oo ah madaxa hay’adda USAID ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay Somalia ugu deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo xoojiyo gargaarka bini’aadanimada.

Lacagtan ayey sheegtay in wax looga qaban doono howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha nololeed ee ka dhashay abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale waxa ay xustay in kordhinta gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya ay hakisay macluushii la saadaalinayey bilo kahor, walow ay weli xaaladu tahay mid adag.

Mareykanka ayaa horey Soomaaliya ugu deeqay lacago malaayiin dollar ah, isaga oo sanadkan kaliya bixiyay illaa 1 $1.3 bilyan, taas oo wax looga qabanayo xaaladaha deg-dega ah, sida ay sheegtay madaxa ugu sarreeya ee hay’adda USAID Samantha Power.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo noq-noqday abaaraha, taas oo saameysay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, balse QM iyo dowladda ayaa sheegay in macluushii laga hortagay.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ayaa maanta qabsoomay, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ugu horreyn golaha warbixin ka siiyay safarkii uu shalay ku gaaray degmada Aadan Yabaal.

Todobaadkan waxaa shirka intiisa badan diiradda lagu saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Difaaca, taas oo faahfaahisay guulaha laga gaaray howlgallada, sida uu shaaciyey ra’iisul wasaaruhu.

“Waxaan maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Warbixinta howlgallada dib u xoreynta dalka iyo guulaha laga soo hoyiyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaan ka dhagaystay wasaaradda difaaca,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxaa maanta golaha wasiirada loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, si loo akhriyo, kadibna ay uga doodaan xubnaha Golaha.

Labadaan Hindise Sharciyeed oo ah kuwa muhiim ah ayaa waxaa soo diyaariyay  Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya warbixin ka siiyay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger, Jabuuti iyo Angola, kuwaas oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dheelitirka dhaqaalaha Afrika.

 

Duqa magaalada Istanbul oo lagu xukumay xabsi iyo xayiraad siyaasadeed

0

Istanbul (Caasimada Online)Maxkamad Turkish ah ayaa Arbacadii ku xukuntay duqa magaalada Istanbul ku dhowaad saddex sano oo xabsi ah, taasi oo ka mamnuuceysa inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha ee bisha June ee sanadka xiga.

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan oo ka dhashay hadal uu jeediyey 2019-kii kadib markii uu tartanka duqa magaalada Istanbul kaga adkaaday xulufada madaxweyne Erdogan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan la xiriira “inuu aflagaadeeyey mas’uul haya xil dowaldeed” ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.

Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya ee magaalada ay ku nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkastoo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa sidii caadiga ahayd, haddana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.

“Dowladda ha is-casisho” ayey ku qeylinayeen boqolaal ka mid ah taageerayaasha Imamoglu oo isugu soo baxay dibadda xafiiskiisa kadib markii xukunka lagu dhowaaqay.

Isagoo ku sugan xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay “sharci-darro qotodheer” oo “caddaysay inaan caddaaladi ka jirin Turkiga maanta.”

Waxa uu sheegay in cod-bixiyeyaashu ay ka jawaabi doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ee loo qorsheeyay bisha June ee soo socota.

“Waxa halkan ka dhacay waxay ku dhici karaan qof kasta,” ayuu ku digay Imamoglu. “Waxaan ka dhigi doonnaa kuwa na xukumay inay ka shallaayaan wixii ay nagu sameeyeen marka la tago sanduuqa codbixinta.”

Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadal uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo “codad laga shakisan yahay ah” kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.

Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray “doqomo.”

Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Imaamoglu ku xukuntay labo sano iyo todobo bilood iyo bar oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay aflagaadeyn.

Waxa kale oo ay dabaqday qodob gaar ah oo ka mid ah xeerka ciqaabta oo Imamoglu ka mamnuucaya siyaasadda.

Ka-mamnuucidda siyaasadda ee Imamoglu ayaa imaaneysa iyadoo xisbiyada mucaaradka Turkiga ay wali ka doodayaan cidda la tartami laheyd Erdogan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Codbixinta June 2023 ayaa noqon karta caqabadii ugu weyneyd ee dhanka siyaasadda ah ee soo wajahda Erdogan, kaas oo doonaya in uu xukunka ku kordhiyo tobanka sano ee soo socota isaga oo wajahaya hoos u dhaca lacagta iyo sicir bararka baahsan ee kor u qaaday qiimaha nolosha ee Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal faro ku tiris ah oo codbixinta ra’yiga ay muujineyso inuu ka guuleysan karo Erdogan.

AFP, REUTERS

Waa tuma magaalada laga waardiyeeyo Muqdisho ee laga qabsaday Al-Shabab?

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo is kaashanaya, kuwaas ka bixiyay xoogaga Al-Shabaab oo in ka badan 15 sano maamulayay.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, isla-markaana ku dhashay magaaladaan ayaa marka hore ka sheekeeyay taariikhda degmada Aadan Yabaal, kadib markii uu shalay booqasho ku tegay, isaga oo kamid ahaa wafiga  ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in magaaladu ay ka dhacday muusiibo weyn, isla-markaana intii ay Al-Shabaab heysteen ay ku burbureen dhammaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee nolosha.

“Musiibada ka dhacday magaaladan waxaad ka garan kartaa haddii iskuulkii aan ka bilaabay fasalka koowaad uu xiran yahay, dugsi Qu’aankii aan Alifka ka bilaabay xiran yahay, isbitaalkii laygu umuliyay, haddii lagu kala tegay waad garan kartaa,” ayii yiri.

Xasan Sheekh Cali ayaa sidoo kale sheegay in Aadan Yabaal ay tahay magaallo istiraatiiji ah, isla-markaana badda iyo webiga u jirto min 90 KM oo ah dhul weynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaaladaan laga waardiyeeyo Muqdisho, ayna tahay halka lagala socon karo waxa ku soo jeedo caasimada Soomaaliya.

‘Magaaladaan waa magaalada laga waardiyeeyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho haddii ay halkan nabad tahay caasimadana waa nabad, hadeynan halkan nabad aheyn caasimada Soomaaliya Muqdisho nabad ma’aha, taas waa in la ogaado istaraatiijig waayey” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ku taliyay in Aadan Yabaal la dhigo difaaca Soomaaliya, si looga ilaaliyo magaalada Muqdisho oo ay ku taallo madaxtooyada qaranka.

“Waxa kasoo baxa dhulkan ee kusii jeeda Muqdisho halkan ayaa lagu fiiltareeyaa ama lagu sii daayey amaba lagu sii gudbiyaa halkan haddii difaaca Soomaaliya uu yaallo madaxtooyada Soomaaliya waa nabad-geleysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof. Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo HirShabelle ay qorsheynayaan in dib boorka looga jafo Aadan Yabaal oo sanado kadib laga saaray kooxda Al-Shabaab, si dib loogu soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee ka jiray magaaladaasi.

Xog: Dowladda oo kordhisay xoogaga qarsoon ee ka hawl-gala magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.

Wasaaradda ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada, tani oo qayb ka ah tallaabada ay Dowladda Federaalka u qaadday sugidda amniga magaalada, ka gadaal weerarkiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen, bacdamaa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo.

Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsan.

Ciidamada dharcadka ayay shaqadoodu tahay inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal amni-darro ay la xiriiriyaan iyo dadka aan la garanayn ee xaafadaha magaalada ku soo kordha, waana dharcadka ay tahay iyadoo aan guryaha la baarin inay soo ogaadaan wixii ku nool, waana xoogaga dahsoon ee aan ku ekaan doonin xaafadaha, balse sidoo kale ka hawlgeli doono goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba suuqyada magaalada.

Hay’adda NISA ayaa waxaa la leeyahay waxay qorsheynaysaa inay dharcadka la wadaagto sawirrada xubno Shabaab ah oo hay’addu ay baadigoobeyso, si ay Hay’adda Sirdoonka ula soo socodsiiyaan, haddiiba goob ka mida magaalada ay ku arkaan.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aargudasho ah, haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bartamaha, oo xaaladi ay ka qabsatay.

Mar sii horreysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka digay xubnaha Shabaabka ee ku soo firxanaya caasimadda.

Weerarkii Villa Rays Hotel ayaa ugu dambeeyay saddex weerar oo Al-Shabaab ka gaysatay magaalada, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana weerarka ay Madaxda Qaranku ku baraarugeen halista dhabta ah ee kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Koox hubeysan oo dishay gudoomiye waaxeed caan ah

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay koox hubeysan ka geysatay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaas, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo caan ka ahaa Garbahaarey lagu dilay gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaashiweer, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dhacdada kadib ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyaha.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo raggaasi oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgallada xigay ee la sameeyay.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gobolka Gedo waxaana u dambeeyay weerarkii qaraxa ee lagu dilay taliyihii NISA ee gobolkaasi,Bakaal Kooke.

Lafta-gareen oo cadaadis xooggan wajahaya kadib hanjabaada beesha caalamka

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta deegaanka.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan.

Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Laftagareen loo sheegay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka deegaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay Madaxweyne Laftagareen ku wargelisay in maamulku uu joojiyo tallaabada uu siyaasiyiinta deegaanka uga hortaagan yahay inay u safraan Baydhabo.

Siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ku xaniban Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay inaanay siyaasiyiintaasi keeni karin Baydhabo.

Tani ayaa lagu macneeyay mid uu maamulku kaga falcelinayo diidmada ay siyaasiyiintaasi ka muujiyeen muddo kordhinta Xafiiska Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana uu maamulku garowsan yahay inay xaaladi ka abuuri karaan magaalada, haddiiba ay dhacdo in la meelmariyo qorshaha muddo kororsiga.

Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban.

Dagaal dhaqameedka ku socda Soomaalida iyo beddel-ka qeexidda ereyga ‘dumar’

Wargeyska maalinlaha ee The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. “Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akhrisan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ereyga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay.

Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ereyga dumar marka la tarjumo waa sidan: “dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”.

Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib “markay eegeen sida bulshadu u isticmaasho ereyga”.

Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’.

Qaamuuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: “Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”.

Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey. Waa wajiga cusub ee dagaal dhaqameedka ka socda Galbeedka lana doonayo in dunida seddexaad laga hirgeliyo.

Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda

Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga “dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad.

Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay.

Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka.

10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid.

Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda.

Xigasho: Puntland Post

Waraabe weerar ka geystay Hargeysa + Khasaaraha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya weerar uu xalay Waraabe ka geystay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo waxyeelo gaarsiiyay ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa xalay ka dhacday degmada Axmed Macallin Haaruun, kadib markii uu Waraabe dafay gabar yar oo lagu qiyaasay 6 jir, taas oo mar ka dambe lasoo bad-baadiyay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gabadha yar uu Waraabaha la galay meel geedo ah, isla-markaana uu dhaawac xoogan soo gaaray.

“Ilmaha yar wejiga iyo sanka nabar ayaa kaga yaallo, madaxa laba meel ayey wax ka muuqdeen, dhiig jirkeeda wuu ka muuqday,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaafaddan aycaan ku tahay Waraabaha, isla-markaana uu horey u joogi jiray, isaga oo aan waxyeelo u geysan dadka.

“Horay cid wax uma yeeli jirin Waraabaha oo xaafadaha ayuu dhex qaadaa halkan ayuu iska soo maraa buundada yar, isaga oo habeenkii joogo waa ku maraa,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale dadka deegaanka ee xaafadda ku nool oo iyaguna ka hadlay dhibaatada ayaa baaq u diray dowladda hoose, waxayna ka codsadeen in geedaha laga jaro xaafaddaasi.

“Xaafadda waa dibaato nagu hayo geed garan waa la yiraahdo oo uu iska soo dhex-galayo Waraabuhu iyo dooxo, cabashadeenu waxay tahay in dowladda hoose iyo maamulka Cabdikariin Mooge in ay wax ka qabataan,” ayuu yiri nin kale oo kamida dadka deegaanka.

Hargeysa in Waraabe lagu arko ma’ahan wax cusub, ayada oo marar kala duwan uu dad ku cunay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Ukraine oo fashilisay weerar Ruushku ku qaaday Kyiv

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rideen illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme.

Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.

Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka.

VOA

Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo maanta lagu dilay duleedka Aadan-yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal maanta ka dhacay degaanka lagu magacaabo Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa baahisay in howlgalkaas lagu dilay 28 Shabaab ah.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkaan kadib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku abaabulayaan tuulada uu ka dhacay howlgalkaan.

“Waxaana halkaas ku gaaray jab xooggan, iyadoo wali ciidanku sii baacsanayo firxadkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Jeneraal Biixi.

Ugu dambeyntii warkaan waxaa lagu yiri, “Khawaarijta ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa.”

Inta badan deegaanada hoos taga ayaa laga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaas ee sida dhow ula socda howlagallada dib u xoreynta ah ee dhulka HirShabeelle ka socda.

 

Daawo: Odayaasha degmada Aadan-Yabaal oo si cajiib ah uga hadlay arrin…

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta si dhab ah baahidooda ugu soo bandhigtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmadaas.

Odayaasha ayaa si dhab ah u sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in magaalada intii awooday ay isaga carartay, inta ku hartana ay gumeysi adag ku heyn jireen Al-Shabaab.

“Aadan-yabaal waa meel Shabaab-ku ku dhalay, sidii Ayaxii ayuu ugu dhalay halkaan, nolol kasta oo aan heysanay ama heli laheyn waa naga burburiyeen, dhaqankeenii waa dooriyeen, maanta dowladaan nolol ka codsaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Aadan-yabaal.

Sidoo kale odagaas wuxuu dowladda ka codsaday inay caafimaadka iyo waxbarashada deg deg wax uga qabato, “Caafimaadkaa noogu daran, isbitaalkii aan agaasimaha ka ahaa jiray ee degmadaan waa burburiyeen, saldhig iyo boolis ma lihin, waxbarasho haba yaraatee halkaan kama jirto, maamul degmo iyo garsoorna warkiisaba daa,” ayuu yiri.

Odagaan ayaa balan qaaday inuu mar kale si buuxda uga sheekey doono dhibaatadii ay Al-Shabaab ku heyn jireen dadkii ku noolaa Aadan-yabaal iyo taariikhdii degamadaan qadiimiga ah.

“Wixii ka dambeeyey dowladii dhexe nolol ma aanaa helin, halkaan guri ee Villa Aadan-yabaal ayuu Kabokutukade lacagteena ku dhisay, dadkii waa ka carareen degmadaan, wixii hadda ka dambeeya dowladdu waxay ka dhigto ayaa ka war sugeynaa, gabadhii umuli weysa shan boqol oo dollar ayaan isbitaal ku gaarsiinaa, garoon, isbitaal, waxbarasho, biyo, wado, wax aan maanta heysano ma jirto” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo

Daawo: R/W Xamza oo shaaciyey sababta uu maanta ugu safray Aadan-Yabaal

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray muhiimadda safarkii uu maanta ku tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan lagfa xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xamza Barre ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu ay ahayd dhiirigalinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga dhisayo degmada Aadan-yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas.

“Waxaan maanta safar shaqo ku tagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay dhawaan ciidammada Qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen Khawaarijta. Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigalinta mujaahidiinta dhiigooda, Naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda qowlaysataha ah ee Alshabaab,” ayuu yiri R/W Xamza.

Qoraalka Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas, “Waxaan soo dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha ee degmada Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo horumarineed si dadka deegaanku u helaan dhammaan adeegyadii ay uga baahnaayeen Dowladda.”

Ugu dambeyntii Xamza Barre ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka reer Aadan-yabaal u balan qaaday in deg deg loo dhisi doono isbitaalkii degmada, saldhigii, isagoo sheegay in safarka ay ku wehliyeen dhamaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda degmadaas ee uu u arkay inay wax ka qaban karaan baahida reer Aadan-yabaal.

Hoos ka daawo

Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirka ayaa maanta dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo beddelay mowqifkiisa iyo tallaabo uu qaaday maanta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo maant ah garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu maalmahan u joogay ka waday kulamo wada-tashi ah.

Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaasi oo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Shirkaasi oo hore ugu baaqay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa taageertay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa in shirkaasi isfaham looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi ayaa waxaa hore loogu diiday inay tagaan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo mad-madow badan kala dhexeeyo maamulka Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa u muuqda mid kasoo damcay mowqifkiisi hore, kadib cadaadis uga imaanaya beesha caalamka oo ayadu rabta in sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee aloosan maamulka Koonfur Galbeed.

Muxuu A/Madoobe maanta kaga dhowaaqay XUDUR?

0

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen shacabka Degmada Xudur ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xoreynta iyo taageerada xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in la hirgelin doono adeegyada muhiimka ah sida; waxbarashada, korontada, xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.

Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay xafladda ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay ballan-qaadka ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golah Shacabka.

Waxa kale oo ay codsadeen in deegaanada gobolka si deg-deg ah looga dulqaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo xusay inay ku biirayaan dadaalada howl-galada dagaal ee ka socda dalka ee looga xoreynaayo cadowga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kuwaasi oo warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay u baahan yihiin in dowladda ay gacan ka siiso la-dagaalanka argagixisada.