29.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Daawo: Dilkii Bakaal Kooke oo loo heysto ciidanka Itoobiya iyo kacdoon ka qarxay Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ciidanka Itoobiya u qabsaday dilka Taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke oo Jimcihii lagu dilay qarax miino.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

“Dadka dhahaya Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey dilka Bakaal, waxay marin habaabinayaan xogta rasmiga ah, ninkaas aad ayey isugu fiicnaayeen Mahad, wuxuu ahaa nin ay Soomaalinimadu ku weyneed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiya, “Maanta waan u tagnay ciidanka Itoobiya, waxaan dhahnay ka soo jawaaba eedaan, waan ka war sugeynaa, hadaan jawaab fiican ka weynana, Itoobiyaan Gedo siima joogi doonaan,” ayuu yiri Karar.

Hoos ka daawo

QATAR oo ballan-qaad culus u sameeysay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Al-Nuceymi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee uu la wadaago dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Cabdalla ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo fariin uu ka waday Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad uu la wadaagay masuuliyiin uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan ka wado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay marti-gelisay Koobka Adduunka. Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul iyo dareen shacab ka muuqda.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha labada shacab ee walaalaha ah.”

Munaasabada lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa iyo Muqdisho.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha Bakool + Sawirro

0

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool ayaa guddoomiye Aadan Madoobe warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo dowladda federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la-dagaalanka argagaxisada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan inay kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka siineyso xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Aadan Madoobe ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasi oo u tegay arrimo la xiriira howl-galka ka dhanka Al-Shabaab, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi iyo dardar-gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay.

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degmada Cabudwaaq

0

Cabduwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha degmadaas shalay galab ku dileen ganacsade caanka ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq, sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dilkaan uu salka ku hayao arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, hase yeeshee meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil.

SACUUDIGA oo shaaciyey qorshahooda haddii IRAN ay hesho hub Nukliyeer

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka.

“Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi.

“Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Inkasta oo Riyadh ay weli “shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Faisal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska “ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse aysan aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.”

Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka.

“Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yiri Amiir Faisal.

“Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan dooneyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noqon laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awoodno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.”

Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid.

Reuters

Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika.

Lacagta Mareykanka uu ku dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli uu maanta furmayo shirweynaha u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka, kaas oo ka qabsoomaya Washington.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galatyaa illaa 50 wafdi oo ka kala socday illaa 49 waddan oo Afrikaan ah iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku jira madaxdaas madaxweunaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana kala duwan heerka metelaadda dalalka ka qaybgalaya.

Sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan intiisa badan diirrada lagu saarayaa dib u eegista xiriirka Afrika iyo Mareykanka, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo qaadi doonaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta iyo isbedelka cimilada.

Dhinaca kale Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey liiska waddamada aan lagu casuumin shirkan, kuwaas oo gaaraya illaa shan dal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midowga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, kadib markii sifo aan sharci ahayn loo beddelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaa iskaashiga ballaaran laleh Qaaradda Afrika, isaga oo ka fuliyo howlo kala duwan iyo howlgallo milatari intaba.

Iran oo xukun deldelaad ah ku fulisay qofkii labaad

0

Tehran (Caasimada Online) – Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.

Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.

Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.

Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda.

Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.

Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah.

VOA

Al-Shabaab-kii laga bixiyay Aadan Yabaal oo laga qabsaday deegaankii ay u carareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee is garabsanaya ayaa haatan kusii siqaya deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa maanta gaaray deegaanka Al-Kowthar oo hoostaga degmada Yabaal, ayaga oo si buuxda ula wareegay deegaankaasi, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Al-kowthar ayaa waxaa haatan ku sugnaa Al-Shabaabkii maalmo kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay howlgalka lagu qabtay Al-Kowthar ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, wuxuuna sheegay inay hal-bowle muhiim ah u aheyd Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabadan ay markale dhabar jab ku tahay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-kawsar oo saaka laga saaray Khawaarijtu waxeey u ahayd hal-bawle muhiim ah, in laga qabsadayna dhabar jab ayay ku tahay, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Ciidamada ayaa shalay dagaal la’aan la wareegay deegaanka Ceel-Muluq, waxayna ka bilaabeen howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Toddobaad kahor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray HirShabelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Ciidanka DF oo 12 maalin kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciidan badan ku dishay deegaanka Daynuunaay, maalinkii ay qabsadeen degaankaan ay maanta dib ugu laabteen ciidanku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey.

“Maanta gelinkii hore ayaan la wareegnay Goofgaduud, mana jirin wax iska cabin ah oo Al-Shabaab aan kala kulanay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Isaaq oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan.

Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo xukun lagu riday

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Jigjiga oo gacanta ku heysay kiiska dilka ah ee xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta go’aan culus kasoo saartay dhacdadaasi.

Maxkamnadda ayaa dil ku ridday askarigan oo ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya, kaas oo lagu helay dilka xildhibaanadda oo bishii October ka dhacay garoonka Jigjiga.

Maxkamadda ayaa xukunka ay maanta ridday oo aad loo sugayey u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa go’aanka maxkamadda si weyn usoo dhaweeyay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo u mahadceliyay maxkamadda.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Jigjiga, ayada oo dadkuna ay sameeyeen dibad-bax ay uga soo horjeedaan dilka marxuumadda.

Si kastaba, Itoobiya ayaa inta badan fulin xukunnada dilka ah ee ay ridaan maxkamaduhu, iyadoo badanaa dadkaas dilka loogu beddalo xukun adag oo xabsi daa’in.

Khilaafka A/Madoobe iyo Lafta Gareen oo soo shaac baxay – Maxaa maanta dhacay?

0

Xudur (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna haatan ku simaha madaxweynaha dalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur u tegay arrimo la xiriira oo dardar-gelinta gogosha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi, iyo arimo la xiriira howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa warbixin guud ka dhageystay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo guddoomiyaha degmada Xudur oo  uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan .

Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka sida ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo.

Dhinaca kale safarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Xudur ayaa maanta soo shaac bixiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guddoomiyaha ayaa weji gabax kala kulmay maamulka Lafta Gareen oo aan kusoo dhoweyn degmada Xudur, maadaama uu yahay mas’uulka Koonfur Galbeed ugu sarreeya ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo su’aallo badan iyo shaki dhalisay.

Aadan Madoobe waxaa garoonka Xudur uga hor tegay kaliya maamulka Bokool, kan degmada iyo dadweyne kooban, taas oo muujineyso in hoos loo dhigay soo dhaweyntiisa.

Lafta Gareen oo ku sugan Baydhabo ayaa isaga wasiiradiisuba aysan ka qeyb-galin soo dhoweynta guddoomiyaha, taas oo loo arko in uusan ku qanacsaneyn howsha uu wado, sidoo kalena caddeyneyso inuu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyo labada nin.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo cakiran taasoo ka dhalatay doorashada kusoo foodleh maamulkaasi, waxayna xaaladdu kasii dartay markii xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho ka biyo diideen muddo kororsiga Laftagareen.

Daawo: XASAN SHEEKH oo gaaray Mareykanka + Ujeedka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington ee waddankaasi.

Shirka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay booqashada madaxweynaha uga bilaabatay dalka Mareykanka.

Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo sidoo kale  isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madashan, taas oo uu uga hadli doono fursadaha ka jira Soomaaliya, xaaladda guud dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarada illaa iyo hadda laga sameeyey.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu wadahadallo gaar gaar ah iyo kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda Afrka ee shirka tageysa iyo kuwa martida loo yahay ee Mareykanka.

Waa markii labaad ee uu booqanayo madaxweynaha dalka Mareykanka, wuxuuna dhowaan uga qayb-galay shirka golaha loo dhan yahay ee QM oo lagu qabtay magaalada New York.

Ciidamada DF iyo Macawiisleyda oo deegaano horleh la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa kuwa dadka deegaanka ayaa maanta deegaano horleh kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib howlgallo kala duwan oo ka kala dhacay Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamad huwanta ay gudaha u galeen deegaanka Al-kowthar oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay dhor jiho ka weerareen deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah, waxaana ku sugnaa xubnihii Al-Shabaab ee todobaad kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal.

Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan, ujeedkoodana uu yahay in kooxda laga saaro guud ahaan gobolkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyay gobolka Hiiraan, gaar ahaan jiinka Webiga.

Ciidamada huwanta ayaa qabsaday deegaanka Xamiir-gaab oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa iyaguna maanta dib u qabsaday Goof-gaduud Buurey, halkaas oo todobaad kahor ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in haatan ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan halkaasi, waxayna saraakiisha dhankooda sheegeen inay ka hortagayaan weerarada Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa guluf ka dhan ah Shabaab ka waday gobollada, kaas oo deegaano badan looga qabsaday.

Kenya oo war kasoo saartay wada-hadallada DF iyo S/L

0

Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadallada.

Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tiri Monica.

Inkasta oo labada dhinac ogol yihiin in dib loo bilaabo wada-hadallada mudada badan hakadka ku jiray, hase yeeshe waxa jira shuruudo ay Somaliland ku xirtay si ay miiska wada-hadallada ula fariisato dowladda federaalka Soomaaliya.

“Somaliland waxay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.”

Sidoo kale waxa kamid ah shuruudaha Somaliland ku xirtay dib u bilaabista in dhamaan heshiisyadii hore u gaareen dhinacyadu loo fuliyo si deg deg ah, helitaanka hannaan dhex-dhexaadin caalami ah oo dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka iyo inay jiraan mabaadi’ muhiim ah & xeer hab-dhaqan oo saldhig looga dhigayo wada-hadallada.

“Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. Sidoo kale waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la ogeyn sida uu ka yeeli doono shuruudaha ay Somaliland ku xirtay, kuwaasi oo ku horgudban dib u amba-qaadista wada-hadalladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howl-galo kala duwan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Ceel-Muluq oo shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen dagaal la’aan ayaa waxaa laga bilaabay howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howl-galada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan Ruun-Nirgood oo ah deegaanka kaliya ee Al-Shabaab kaga hareen gobolka.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Maxay yihiin masuuliyiinta la xiray ee loo haysto inay la shaqeeyeen QATAR?

0

Brussels (Caasimada Online) – Garsoore u dhashay dalka Belgium ayaa Axaddii wuxuu dacwad ku soo oogay afar qof oo lagu eedeeyey inay lacag iyo hadyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub, eedahaas ayaa noqday kuwo aad looga argagaxay.

Dacwad oogayaasha ayaa baadhay 16 guri oo ku yaalla Brussels iyaga oo gacanta ku dhigay lacag gaadhaysa illaa $631,800 Jimcihii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah, baadhitaano lagu hayo lacago sharci darro ah iyo falal musuqmaasuq.

Lix qof ayaa markii hore la xidhay, hase ahaatee afar ka mida ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mida lixda qof ee la xidhay, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Illaa haatan lama magcaabin dadka loo haysto kiiskan.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa lagu sheegay inkasta oo aan si rasmi ah loo magcaabin xubnaha dacwadda lagu soo oogayo haddana in wararka la helayo ay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mida afarta qof ee dacwadaha lagu soo oogayo inuu yahay xubin ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, halka xubin kalena ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Midawga Yurub.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub. Ilo xogogaal u ah kiiskan ayaa sheegay in dalka lagu eedaynayo kiiskan inuu yahay dalka Qatar ee haatan martigelinaya koobka adduunka.

Masuul u hadlay dawladda Qatar ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey. Isagoo sheegay in nidaamka ay dawladda Qatar ula macaamisho hay’adaha dawliga ah iyo dalalka caalamku inay u maraan shuruucda caalamiga ah.

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sheegay inay dhammaadkii toddobaadkan ay hakiyeen awoodaha iyo waajibaadka mid ka mid ah ku xigeenadooda oo u dhalatay dalka Giriiga, kaas oo lagu magcaabo Eva Kaili, iyada oo la raacayo baadhitaanka uu wado dalka Belgium.

Xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga ee lagu magcaabo PASOK ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay Kaili ka saareen xisbigooda.

Illaa haatan ma cadda in Kiali lagu soo oogay wax dacwad ah, sidoo kale xafiiskeedu kama jawaabin telefoonada.

VOA

Puntland oo qorsheyneysa tallaabo la xiriirta ganacsato Mareykanka soo eedeeyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu baaritaan ku sameeyo ganacsato ay dowladda Mareykanka xayiraado kusoo oogtay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay kooxaha argagixisada ka caawiyaan inay hub soo iibsadaan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa habeenkii Sabtida xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha iyo cuqaasha Beesha Cali Saleebaan.

Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay beesha oo ganacsato ah.

Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas.

Qaar ka mid ah shaqsiyaadkaas ayaa horey eedeymaha Mareykanka ugu sheegay kuwa aan waxba ka jirin, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay Mareykanka la kulmaan, islamarkaana ay qabsadaan qareeno

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkadaha la eedeeyey ee ka diiwaan gashan Puntland ay lacag siiyaan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo aysan magacaabin. 

Maamulka Gedo oo digniin culus soo saaray xilli ay is-hayaan dowladda federaalka

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri.

Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Gedo iyo shirkadaha diyaaradaha ay nidaam ka lahaayeen arrimaha duulimaadyada, oo ah in warbixinta rakaabka lagu soo wargeliyo maamulka, si looga fogaado dadka loo arko inay halis gelin karaan amniga gobolkaasi, ayna tahay in nidaamkaasi uu sidiisii u shaqeeyo.

“Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.”

Gudoomiye Gareed ayaa ku goodiyay inay shatiga kala laaban doonaan, shirkaddii heshiiskaasi ku xadgudubto.

“Shirkaddii howshaas ayada ah daba marto oo ku xadgudubto, oo aan warbixinta na soo siin, hadde go’aanka aan annaga ku heshiinay wuxuu ahaa inaan ruqsadda kala laabano,” ayuu yiri Gareed.

Gareed ayaa xusay inaanay aqbali doonin in shacabka lagu soo dhex dhuunto, iyagoo u fadhiya tacsida Taliyihii Hay’adda NISA ee gobolkaasi, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakool Kooke), oo 9-kii bishan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Luuq.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka ee marxuum Bakaal Kooke, oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu aasay Degmada Doolow.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday nin QARAXYO badan fuliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale oo ku magac dheer (Sharmaa’arke), kaas oo lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyada miinooyinka, islamarkaana uu aasay illaa 7 miino, kuwaas oo uu ku qarxiyay waddadaBuufow Bacaad, jidka Janaale, iyo waddada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdullaahi ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, isaga oo dhaawac ah, kadib markii uu isku dayay in uu miino ka bixiyo waddada Sabiib iyo Caanoole, markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada midig, sida ay sheegtay maxkamadda.

Ninkan ayaa sheegay in uu Al-Shabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah, wuxuuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

August dabayaaqadeedii ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loogu diray Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo codsaday dacwad qaadista kiiska Cabdullaahi ayaa laga ogolaaday 12-kii Bishii November , waxa ay Maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) xabsi daa’in sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in xukunsanaha uu weli haysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan inta sharciga ogol yahay.

Cabdi Xaashi oo sameeyay dallacsiin iyo magacaabis kadib soo jeedinta 33 Senator

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku dallacsiiyay una magacaabay Agaasime Cabdinaasir Ibraahim Guuleed xilka Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare.

Magacaabista Xoghayaha cusub ayaa ku timid soo jeedin ay sameeyeen 33 Senator, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare wuxuu xubin muhiim ah ka yahay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay dhamaan xuquuqaha ay helaan agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee dhigiisa ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Xilka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare waa mid joogto ah waxaana xilka looga qaadi karaa ama lagu bedeli karaa oo kaliya si waafaqsan nidaamka shaqaalaha Aqalka Sare iyo shuruucda kale ee dalka.

Xoghayaha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gedo ayaa bedelaya Xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sanaag.