27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Cabdi Xaashi oo sameeyay dallacsiin iyo magacaabis kadib soo jeedinta 33 Senator

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku dallacsiiyay una magacaabay Agaasime Cabdinaasir Ibraahim Guuleed xilka Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare.

Magacaabista Xoghayaha cusub ayaa ku timid soo jeedin ay sameeyeen 33 Senator, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare wuxuu xubin muhiim ah ka yahay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay dhamaan xuquuqaha ay helaan agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee dhigiisa ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Xilka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare waa mid joogto ah waxaana xilka looga qaadi karaa ama lagu bedeli karaa oo kaliya si waafaqsan nidaamka shaqaalaha Aqalka Sare iyo shuruucda kale ee dalka.

Xoghayaha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gedo ayaa bedelaya Xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Xog: Itoobiya oo iska diiday dalab uga yimid madaxweyne Laftagareen oo la xariira…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu caga-jiid kala kulmayo dowladda Itoobiya oo uu doonayo inay la fuliso qorshihiisa mudo kororsiga ah, maadaama uu wajahayo mucaaradad adag.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, Laftagareen ayaa taliska ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba wuxuu ka codsaday inay la fuliyaan qorshihiisa ah in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee Muqdisho jooga aysan soo gelin deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha K/Galbeed oo doonaya inuu xafiiska sii joogo sanad kale oo mudo kororsi ah ayaa cadaadis culus kala kulmaya siyaasiyiin u badan kuwii uu ka hor istaagay doorashada baarlamaanka.

Siyaasiyiinta diidan in Laftagareen uu sii joogo xafiiska sanad dheeraad ah ayaa intooda badan ku sugan Muqdisho, mana tegi karaan Baydhaba ama magaalooyinka kale ee maamulkaas, si loolan siyaasadeed ay ugu furaan damaca Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya uu kala kulmay diidmo ah in qorshahaas aysan la fuli karin, maadaama uu xariir wanaagsan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, iyadoo Xasan Sheekh iyo Abiy ay Addis Ababa ku kulmeen, halka Mahad Salaad iyo dhigiisa Itoobiya ay xiriir toos ah sameysteen.

Laftagareen ayaa quudareynaya in ciidamada Itoobiya ay ula shaqeeyaan, si lamid ah 2018-kii oo doorashada ay u boobeen, xilligaas oo dowladdii Farmaajo ay awood ciidan kursiga ku geysay Laftagareen.

Hadda waxay xogtani sheegeysaa in Laftagareen uu ka quustay inuu qorshihiisa garab uga helo ciidanka Itoobiya, si deegaanada maamulkaas looga hor istaago siyaasiyiinta deegaanka ee dooneysa in doorasho la qabto.

Ciidanka Itoobiya ayaa lagu xusuustaa in sanadkii 2018-kii ay madaxweynihii maamulka K/Galbeed Shariif Xasan ku qasbeen inuu is casilo oo doorashada ka haro, halka Mukhtaar Roobow ay soo xireen oo dowladii Farmaajo Muqdisho ugu xiraa ilaa xukunka uu ka degay.

Waxaa sii xoogeysanaya qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka, kuwaas oo ka mideysan in Laftagareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin.

Aadan Madoobe oo ku wajahan Xudur + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wafdi hordhac u ah safarka Guddoomiyaha ayaa shalay gaaray degmada Xudur, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdiga uu horkacayo

Ujeedka safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuur-gelida xaaladda nololeed ee bulshada degmada iyo la-tashiyo uu saraakiisha ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Aĺ-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in safarka guddoomiye Aadan Madoobe uu sidoo kale qeyb ka yahay diyaarinta shirka dib-u-heshiisiinta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed ee uu kal hore ku dhawaaqay.

Safarkaan ayaa imanaya xili ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu amray Lafta-gareen in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah aysan imaan karin deegaanada maamulkaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka ayaa waxay ka mideysan yihiin in Lafta-gareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin.

Sawirro: R/W Xamza oo laba wasiir ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha waxqabad ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wada-shaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda.

“Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa muhiim, iyada oo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, si guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh xukuumadda Dan-Qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in xafiiskiisu dardar-gelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradaha ayaa ku soo beegmay, iyada oo xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa maalmihii dambe si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo lagu jaangoynayo barnaamijka xukuumadda ee sanadka 2023-ka, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.






Doorashada guddoomiyaha xiriirka K/Cagta oo loo xiray hal musharax iyo DF oo diiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa doorashada guddoomiyaha xiriirka u xiray hal musharax oo kaliya, ayada oo dhammaan la reebay musharaxiintii kale. 

Qoraal kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri “Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu Cali Shiine si iskiis ah isugu caleemo saaray guddoomiyaha xiriirka, maadama uu hadda si ku-meel gaar ah xilkaas u hayo, awooddana ay gacanta ugu jirto. 

Si kastaba, waxaa arrintan ku hartimid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dowladda federaalka. 

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin.”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay “Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaadheen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka.”

“Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta.” 

MIDOWGA AFRIKA oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalad ka taagan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Wakiilada joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Adekunle J.M.King oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday xog-ururin uu ku sameeyay xaaladda bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Danjire Adenkule ayaa sheegay in qeybo kamid ah Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo dhanka cunnada iyo biyaha ah, isaga oo soo jeediyay in wax laga qabto duruuftaas si loo badbaadiyo dad badan oo haatan nool.

“Xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya awgeed waxaa loo baahan yahay in la helo jawaab deg deg ah oo lagu gacan-qabanayo dadka saameynta taban ku reebtay abaartaas oo deegaano badan ka barakicisay qoysaskii degenaa,” ayuu yiri Danjire Adekunle.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si weyn uga digay xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad bani-aadamnimo oo saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 8 Milyan oo ruux oo Xoolo dhaqato iyo Beeraley ah, kaddib markii is-badelka Cimilada saameysay dhulkii ay beeranayeen oo biyo la’aan u qalalay.

Dhageyso: Jeneraal Odawaa oo shaaciyey in Shabaab badan la laayey maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaaladii gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo maanta kooxda laga xoreeyey deegaano badan.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka saarnay deegaano muhiim ah, waxaana soo gaaray jab xoog leh, Jiinka Wabiga, gaar ahaan aagga deegaanka Cali Fooldheere oo ah dhul keyn ah ayuu ciidanku ku weeraray, maanta dhulkii howdka ahaa ayaa laga saaray Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maanta, sidoo kalena hub laga soo furtay kooxda, “Aagga Aadan-yabaal waxaa jira deegaano lagu weeraray argagixisada, waxaana lagu gaarsiiyey jab xooggan,” ayuu yiri.

Taliye Odawaa oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab  gaarsiiyeen khasaare aad u baaxad weyn, maadaama dhowr goobood ay isku fara-saareen ciidanka dowladda.

“Kumanaan ayaan dilnay bilaha kooban ee dagaalkaan uu socdo, sidoo kale tiro badan ayaa isku soo dhiibtay gacanta dowladda,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo ku sugan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray qorshaha ay doonayaan in Al-Shabaab looga xoreeyo dhulka HirShabeelle iyo Galmudug, isagoo aad ugu mahad celiyey shacabka deegaanka ee hubka qaatay.

“Sida aan indhaheena ku aragnay nimankaas argagixisada ah deegaanadii aan ka xoreynay wax nolol ah oo ka jirta malaha, hadii aan cadowga ka xoreyno, dowladda ayaa soo gaarsii doonta adeegyada aas-aasiga u ah nolosha dadka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay 51 qof oo wajahaya eedeymo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 51 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen degmooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadkaan qaar waxaa loo heystaa inay ka garansanayeen waxyaabaha maanka-dooriya iyo farsamooyin kale oo ay wax ku dhici jireen, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliska oo shir jaraa’id qabtay.

“Howlgal soo bilowday 5-tii bishaan waxaa lagu soo qabtay 51-qof oo halkaan aan ku soo bandhignay, dadkaan waxay isugu jiraan, kuwo dadka dhacayey, kuwo ku eedeysan inay dhac geysa rabeen iyo kuwo ka ganacsanayey daroogada,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Deyniile, Wadajir, Yaaqshiid, Wardhiigley, Dharkenley iyo Kaaraan ayuu sheegay afhayeenku in dadkaan laga soo kala qabtay, isagoo shaaciyey degmo kasta inta laga soo qabtay, waxaana dadka ugu badan laga soo qabtay Yaaqshiid.

“Afar qof oo maxkamadda aan ku wareejinay waxay ku eedeysan yihiin inay ahaayeen burcad ku heshiisay inay waalidka lacag madax-furasho ah ka qaataan, iyagoo iska dhigaya in la afduubtay, waa farsamo yaab leh, waana fashilinay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inay dhalinyaradaan ku wareejinayaan hey’adaha garsoorka, si loo maxkamadeeyo, halka howlgalladuna ay sii soconayaan, si nabad looga dhigo magaalada.

“Hadii aan cid u ogolaaneyno inay dadkeena dhibaateyso, Khawaarij dagaal lama galneen, marka ciyaal weero iyo Shabaab isku si ayaan ula dagaalameynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo

Dagaal ka dhacay degmada Mahadaay iyo xubno Shabaab ah oo nolol lagu qabtay

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab uu maanta ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerareen deegaanada Obaale iyo Nasuur oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Kabtan Abuukar Axmed Taqi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in khasaaraha u badan uu gaaray Shabaabka, kaasi oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay nolol ku qabteen Afar kamid ah xubnaha Shabaabka ah ee dagaalka kala dhaxeeyay, kuwaasi oo midkood uu yahay dhaawac, sida uu sheegay.

“Wax khasaare ah oo shacabka soo gaaray illaa hadda ma hayno. Nimankaan (Al-Shabaab) waad ogtahay meesha ay soo galaan waa ka qaxaan oo waa ka cararaan. Markaa shacab aan xooga badneyn waa joogaan magaalada, dagaalkana waxa uu ahaa magaalada afaafkeeda ee ma aheyn gudaheeda,” ayuu yiri.

Kabtan ayaa tilmaamay in qorshahooda uu yahay inay kooxda Al-Shabaab ka nadiifiyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan nabad buuxda oo ay ku noolaadan.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.

Madaxda DF iyo Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo

0

Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in garoomada gobolka Gedo aysan kasoo degi karin Madaxda ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Lafeey ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda federalka iyo maamulka Jubbaland ee isku daya inay yimaadaan deegaanada gobolkaasi uu amray in dib loo celiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya arrimaha gobolka Gedo uu isagu masuul ka yahay, oo lagala xariirayo, inkasta oo uusan sheegin cidda awoodaas siisay.

Lafeey ayaa la sheegaya in uu gacan-saar la leeyahay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, uuna taageero weyn ka haysto.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka taagneyda gobolka Gedo kadib geeridii taliyihii hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolkaasi Bakaal Kooke oo qarax ku khaarajisay Al-Shabaab.

Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ragaadiyay khilaaf ku saabsanaa awooda gobolka oo Itoobiyaanka ay dhex-dhexaadin ka wadeen.

Maalmo ka hor unbey aheyd markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Lix ajnabi ah oo Al-Shabaab kasoo baxsaday oo la qabtay

0

Garissa (Caasimada Online) – Booliiska ismaamulada Wajeer iyo Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya lix qof oo ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Arrintan ayaa timid iyadoo Kenya ay kordhisay howlgallada ay ka waddo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii Soomaaliya ay billowdeen howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Booliska ayaa sheegay in lixda qof si gaar ah loo soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan Kenya.

Kooxda Alshabaab ayaa xubno ka qorta Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaadaya mushaar aad u badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan dowladda Kenya.

Yuusuf oo 38 jir ah oo u dhashay Tanzania ayaa bishii November lagu xiray magaalada Liboi ee ismaamulka Garissa, halka saddex ka mid ah asxaabtiisa ay baxsadeen.

Nuur Cismaan Chawo, Suleymaan Kaduu Shaale, Maxamed Cabdulqaadir Jibich, Ridwaan Xaaji Cabdulbaasir, iyo Anwar Jamaal Xaajiwadow ayaa booliska u sheegay in la qoray oo loo qaaday Soomaaliya si ay tababar ugu qaataan oo uga dagaalamaan meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Booliska ayaa sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana ciidamo badan oo ammaanka ka tirsan la geeyay xadka.

Isha: HOL

KENYA oo cabsi xooggan ka qabta arrin ka dhalan karta dagaalka kooxda Al-Shabab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maalihii ugu dambeeyay la geeynayay magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa si dhow isha ugu haysa gulufka dagaal ee ay wado dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saaray deegaano horleh oo gacantooda ku jiray sanado badan.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay cabsi weyn ka qabtaa xubnaha Shabaabka ah ee ka baxsanaya weerarada ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Kenya.

Deegaanada ku teedsan xuduudka ayaa si weyn looga dareemayaa qul-qulka ciidamada Kenya, kuwaasi oo halkaasi loo geeyay feejignaan dheeri ah oo laga muujinayo Al-Shabaab.

Tan iyo markii ay billowdeen howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxa kooxda looga xoreeyay deegaano badan oo gacanta ugu jiray.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe inta badan kasii firxanayay deegaanada ay duulaanka ku yihiin ciidamada huwanta, taasi oo muujineysa awood darada soo wajahday iyo inaysan u babac-dhigi karin dagaalka ku socda.

Xogta mooshinka xildhibaan Sacdiya Yaasiin laga keenay iyo kooxda ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa mooshin shalay la horgeeyey golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya, balse u baaqday kooram la’aan, mooshinkaas oo aan la shaacin waxa uu yahay. 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadda xaqiijiyey inuu Mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Mooshinka ayaa ku eedeeyay xildhibaan Sacdiya inay ku xadgudubtay Diinta, Shareecada iyo dowladnimada, ayna taageereyso Sharciga Xeerka Jinsiga, waxaana xildhibaannada wada ay doonayaan in cod loo qaado si xilka looga eryo.

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg ayaa saxaafadda u sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, isagoo caddeeyay inaysan shir guddoomin karin golaha maadaama ay ku kacday arrin lid ku ah Shareecadda Islaamka, sida uu yiri.

Mooshinkan ayaa la sheegay inay wadaan inta badan xildhibaannadii taageersanaa madaxweynihii hore Maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed oo gaara kala dhaxeyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Mooshinkan ayaa laga shaqeynayey muddo bilo ah, balse waxaa loo waayey taageero ku filan. Si kastaba hadalkii kasoo yeeray Sacdiya ee la xiriiray sharciga Jinsiga ayaa fursad soo noolaansho siiyey mooshinka, waxaana kusoo biiray xildhibaano cusub.

Kulankii Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalayu baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii kooramka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomin lahaa shirka.

Waxaa kulanka xaadiray 78 Xildhibaan oo kaliya, halka uu fadhiga ku furmi lahaa 139 xildhibaan. Waxaa kulanka xiga uu dhici doontaa Maalinta Isniinta 12-ka Decembar 2022.

Dadka qaar ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in xildhibaanada dalka ay xilligan ku mashquulaan khilaaf siyaasadeed iyo mooshin, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo gudaha u galay Isbitalka degmada Warsheekh kadibna xiray + Sababta

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi, taas oo sababtay in la xiro isbitaalka magaaladaasi.

Xiisadda ayaa ka dhalatay khilaaf culus oo soo kala dhex-galay maamulka Washeekh iyo hay’adda gacanta ku heysa maamulka isbitaalka guud ee degmadaasi.

Duqa degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) ayaa goor sii horeysay soo saaray warqad uu ku sheegay inuu kuu joojiyey dhammaan howlihii shaqo ee ka socday isbitaalkaas inta laga soo xilinayo khilaafka taagan ee sababay in shaqada ay joogsato.

Intaas kadib ayaa la sheegay in ciidamo ka socda maamulka degmada oo fulinaya amarka soo baxay ay gudaha u galeen isbitaalka, ayaga oo kadib albaabada isugu laabay.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaax xoogan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in uu saameynayo xirnaasha isbitaalka oo muhiim u ah degmada iyo degaanada ku xiran.

Sidoo kale shacabka Warsheekh oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray HirShabelle iyo dowladda dhexe, iyagoo ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyaan.

Ma’ahan markii u horreysay oo ay istaagto shaqada isbitaalka degmada Warsheekh, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay u dhacday kadib khilaafaad hareeyay isbitaalkaasi.

Afar madaxweyne goboleed oo dhisaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Afar madaxweyne goboleed ayaa la filayaa inay yeeshaan iskaashi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Iskaashigan ayaa waxaa abaabulkiisa wada madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey qeyb uga hayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, halka la filayo inay kusoo biiraan madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe 

Xiriirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa soo hagaagaya, sida ay sheegayaan xogo kala duwan, taasi oo sahleysa in Axmed Madoobe uu kusoo biiro xulufadan cusub.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mad-madow soo kala dhex galay doorashadii Xasan Sheekh kadib ayaa hadda isu diyaarinaya in ay dib boorka uga jafaan xiriirkooda, dibna usoo celiyaan saaxiibtinimadoodii xoogganeyd.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu ku soo biiro iskaashi ay samaynayaan Dowlad Goboleedyada qaarkood. Siciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in ay ku midoobaan iskaashiga cusub sida xogaha lagu hayo.

Dhinaca kale Villa Somalia ayaa isu diyaarinaysa in ay xilka ka tuurto Axmed Madoobe islamarkaana ku beddesho siyaasi ka soo jeeda Gobolka Gedo, taasi oo haddii ay dhacdo isbeddel weyn ku sameyn karta siyaasadda dalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Madaxweynaha Puntland oo ka dambeeyey isbaheysiga ka dhanka ah Xasan Sheekh, ayaa shirkii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii tegay aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Salmaan?

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan, ahna dhaxal sugaha boqortooyada wadankaas.

Labada mas’uul ayaa wadahadalladooda diirrada ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Muqdisho iyo Riyadh, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee SPA.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday horumarinta mashaariicda, gaar ahaan arrimaha shidaalka iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa soo saarita kheyraadkeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu kulanka socday madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dalbaday Amiir Maxamed Bin Salmaan inuu ka taageero dhanka amniga, maadaama uu socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu soo dhaweeyay guulaha ay dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan argagixisada.

“Waxa uu muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sacuudi Carabiya u tegay ka qayb-galka shirka iskaashiga ee u dhexeeyay Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaas oo lagu qabtay dalkaasi.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid aheyd dowladaha waa weyn ee sida ballaaran usoo dhoweeyay dib doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii bishii May.

Muuse Biixi oo shaaciyay xilliga ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shaaciyay xiliga ay deegaanada Somaliland ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa xeer madaxweyne kusoo saaray in 28-ka bishaan ay bilaaban doonto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, xili aan weli heshiis siyaasadeed laga gaarin khilaafkii doorashooyinka.

Wareegtadaan ayaa imaneysa ayada oo xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda isku hayaan doorashada soo horeynaysa midda xisbiyada iyo madaxweynaha, oo weli kursiga kusii fadhiya muddo kordhin ay u sameeyeen Golaha Guurtida.

Hoos ka aqriso wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

NISA oo xalay howlgal culus ka fulisay saddex degmo iyo degaanka Ceelasha Biyaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana (NISA) ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay degmooyinka ku yaalla cirifyada, sida  Kaxda, Heliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgallladan ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga caasimada Muqdisho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in qorshahooda uu ahaa aka hortagga suurtagalnimada falal ammaan dari oo ay Al-Shabaab kasoo abaabusho degmooyinkaas.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale xalay howlgal bartilmaameed ahaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaankaas oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in laba nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin  Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgalkaasi, kadib markii ay gurgiga ugu dheceen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka bixisay howlgalkaas xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kadib markii ay culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Jayte oo shaaca ka qaaday inay iska xawilayaan dagaalka AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo khudbad u jeediyey dadka deegaanka ee Moqokori ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ay haatan kula jiraan kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in muddo fog ay ku jiraan xaalad dagaal iyo difaac adag, si ay isaga dhiciyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan laga saaray inta badan HirShabelle.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in haatan ay qorsheynayaan in ay iska fogeeyaan dagaalka si ay ugu xawilayaan deegaanada kale ee ka caagan howlgallada , sida uu ku dooday.

“Waxaan rabaa si cad inaan u qeexo labo bilood hadda ka bacdi difaac laguma jiri karo ee aan dagaalka iska xawilno naga fogeeya “ ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in reer Hiiraan aysan intaan ka badan kusii jiri karin difaac, loona baahan yahay in dagaalka uu gaaro dariskooda, si loogu sinnaado.

“Runtaa idin sheegayaayee difaac laguma jiri karee dagaalka aan iska xawilno. Nimankaa reer adoogey ah aan ku xawilno, qolaadaa kale aan ku xawilno naga fogeeya baahalka,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqokoro inay si buuxda ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, si looga sifeeyo inta ka harsan.

Soomaaliya oo 3 cawaaqib kala kulantay amarkii Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Go’aankii Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga saarey Soomaaliya todobaadyadii ugu dambeeyay maamulkiisa wuxuu dhaliyey cawaaqib daran, sida ay warisay Washington Post.

Jariirada afka dheer oo soo xiganaysa saraakiil Soomaali iyo Ameerikaan ah ayaa daabacdey in talaabadaas ay sababtey khasaaro maaliyadeed, carqaladeynta howlgalo milatari iyo soo rogaal-celinta Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey warbixinta, tan iyo markii Joe Biden uu dib ugu soo celiyey ciidamada gudaha Soomaaliya, “waxay horumar ka sameeyeen afar kamid ah lix dib-u-dhac oo ka dhashay go’aanka Trump”.

Khasaaro maaliyadeed

Markii ay ka baxeen Soomaaliya, ciidamadda Mareykanka ayaa saldhigtey Jabuuti iyo Kenya. Kaliya lama rararin ciidamadda, waxaa sidoo kale la daabulay dhamaan wixii agab ahaa oo ay wateen.

Saraakiil amni oo codsadey in magacooda aan lasoo xigan ayaa WP u sheegay in kaliya halkii duulimaad ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay uga baxdo aduun lacageed dhan $930,000.

“Waa talaabo ku talogal ah oo khatar ah, kharash badan oo hadana nacasnimo ah,” ayuu sii raaciyey sarkaalkan oo kamid ah ciidamadda Mareykana ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Carqaladeyn milatari

Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa, sidda ku xusan warbixinta, markii ay baxeen dhigooda Ameerikaanka ah waxay “dareemeen in meel cidlo ah looga dhaqaaqay”.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan cutubyada Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka Trump uu carqaladeeyay dhaqdhaqaaqyada milatari ee ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Sidoo kale, bixitaankaas waxay si wax ku ool ah u carqaladeysay awooda Mareykanka ku heli xogaha mukhaabaraadka, falanqeyntooda iyo taagerada howlgalada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayay sheegeen.

Soo-nooleynta Al-Shabaab

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dib boorka uga jafay awoodooda kadib go’aankaas, sidda laga soo xigtey majaladda oo la hadashay illo wareedyo isugu jira Soomaali iyo Ameerikaan.

“Al-Shabaab ayaa kordhisay tirada dagaalameyaasheeda. Al-Shabaab ayaa kor u qaadey dakhliga soo gala. Al-Shabaab waxay qabsatay degaano badan,” ayay carabka ku adkeeyeen.

Dowladda cusub ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday howlgallo saf-ballaaran oo saddex jiho ah – milari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan waxaana dadaaladan u muuqdaan “faanoole fari ka qodna”.

Isha: GO