27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

BAABUUR ay la socdeen mas’uuliyiin oo lagu qarxiyay duleedka Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta qarax miino lala beegsaday gaari NOAH ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle, xilli uu marayey duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaanshooley oo u dhow magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurka la qarxiyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar, Mahad Muxidiin Calasow iyo taliyaha saldhigga Booliska Garoonka magaaladaasi, Kabtan Muuse oo labaduba ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaaladaasi, si ay u baadi goobaan xubnihii ka dambeeyay qaraxaasi.

Jowhar iyo naxaawigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro dhabagal ah oo ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa safareyda.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa haatan kusoo aadayo, ayada Al-Shabaab inta ugu badan laga qabsaday degaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeysay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhig weyn.

Nin lacagta Karfantiisa ay u soo direen Al-Shabaab oo si cajiib ah uga sheekeeyey (Video)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Meyre Maxamed Nuur oo ka mid ah xaq u dirirka ka abaabulan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay u soo dirtay lacag uu Karfan ku soo gato.

“Al-Shabaab lacag aan Karfan ku iibsado ayey ii soo direen, aniguna kama cabsan ee waxaan dhahay ii soo badiya aan Sonkor ku gatee,” ayuu yiri Aabe Meyre Maxamed Nuur.

Ninkaan ayaa sheegay in cagajugleyn xun uu kala kulmay Al-Shabaab, isla markaana deegaankii uu ku noolaa ee Aqab-duco ay maamulayeen mudo 16 sano ah, iyadoo ugu dambeyntii ay iska xoreeyeen.

“Aniga iyo Al-Shabaab nama wada qaado dhulkaan, wax kasta oo aan heystay waa iga dhaceen, reerkii ayaan kala baxsa waayey 16 sano kadib, maanta waxaan ku eryanaa duurkaan,” ayuu yiri odagaan oo warbaahinta kula hadlay duleedka Aadan-yabaal.

Wuxuu sheegay in mar kasta ay ku weeraraan meeshii loogu sheego inay ku sugan tahay kooxdu, “Meel kasta oo ay u cararaan ugama hari doono,” ayuu yiri Aabahaan oo qorigiisa garaarsan.

Dhacdooyin yaab leh oo dadka reer miyiga ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab oo hadda wajaheysa kacdoon bulsho oo aad u adag ayaa laga soo tebinayaa deegaano u badan Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle.

Hoos ka daawo

Daawo: Nin dil ka geystay Guriceel oo Gaalkacyo lagu qabtay – Kadib maxaa dhacay?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidanka booliska degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dilay askari ka tirsanaa booliska degmadaas.

Taliska booliska degmada Gaalkacyo ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay ugu suurta gashay inay soo qabtaan ninkaan ka soo baxsaday Guriceel, kadib markii uu dilay nin kale.

“6-dii bishaan ayuu ninkaan Guriceel ku dilay nin kale, qof kasta ayaan adeegsanay waxaana ku guuleysanay in aan qabano, qof kasta meeshii uu dembi ku galo kama baxsa doono gacanta booliska,” ayuu yiri taliyaha booliska Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay taliyaha booliska degmada Guriceel Cusmaan Cali Hudey, isagoo maxkamadda ciidamada ka codsaday in deg deg ay go’aan uga gaarto kiiska dilka ah ee ninkaan loo heysto.

“Allaah ayaa ku mahadsan in ninkaan la qabto, dhamaan bulshada iyo booliska Galakacyo waan u mahad celinayaa, waxaan fariin u dirayaa maxkamadda ciidamada, fadlan kiiskaan nala fududeeyo, deg deg in ninkaan maxkamad loo saaro ayaan codsanayaa,” ayuu yiri Taliye Hudey.

Ninkaan dilka loo heysto oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdi Cusmaan ayaa fagaaraha Gaalkacyo lagula wareejiyey taliyihii xukumayey askarigii uu ku soo dilay degmada Guriceel.

Hoos ka daawo

Daawo: DF oo ka jawaabtay baahi daran oo ka jirtay degmada Aadan-yabaal

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Degmada Aadan-Yabaal oo soo martay seddax maalmood oo biyo la’aan daran ah, kadib markii ay Al-Shabaab horay u qaateen matooradii ceelasha biyaha ayaa hadda waxaa laga helayaa warbixino ku saabsan nolosha dadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo kicisay ceelashii biyaha ee degmadaas, sida ay tebisay warbaahinta dowladda.

Ugu yaraan seddax maalmood ayey dadka reer Aadan-yabaal biyo la’aan ahaayeen, kadib markii ay Al-Shabaab ku tala galeen inay oon u laayaan dadka iyo duunyada degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Aadan-yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in deg deg ay dowladu u dayac-tir ugu sameysay ugu yaraan laba ceel-biyood oo degmadaan looga noolaa, kuwaas oo matooradii iyo qalabkii kale ee biyaha looga soo saari jiray ay Al-Shabaab horay u qaateen.

Madaxeynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 5-tii bishaan amray in deg deg loo dayactiro ceelashii biyaha ee Aadan-yabaal looga noolaa.

Warbixinta ay tebisay warbaahinta dowladda waxay muujineysaa in dadka faro ku tiriska ah ee degmadaas ku nool ay weli ka baqayaan kooxda Al-Shabaab.

Duurka fog ee degmadaan waxaa ka socda caabsiga ciidanka xoogga dalka iyo xaq u dirirka deegaanka ay ku eryanayaan Al-Shabaab-kii ka cararay degmadaas.

Wasiirka difaaca qaranka iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa safar ku tegay degmada Aadan-yabaal, halkaas oo ciidanka iyo dadka deegaanka ay kula hadleen, iyagoo u sheegay in dib aan loo noqa doonin oo lasii baacsa doono kooxda.

Hoos ka daawo warbixinta

Guudlaawe iyo Dabageed oo gaaray MOQOKORI, kuna dhowaaqay arrin deg deg ah

0

Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Madaxweynaha iyo wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay degmada Aadan Yabaal ayaa soo maray deegaanada Mubaax iyo Ceel-qooxle oo kamid ah deegaanadii dhawaan la xoreeyay, waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhaweeyeen bartamaha Moqokori.

Guudlaawe ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya Moqokari ay kamid tahay degmooyinka HirShabelle, isagoo furay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran.

Sidoo kale waxa uu amray madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle in Moqokori sida ugu dhaqsaha badan looga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

“Dowladdu waxay ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha waxa uuna bulshada degmadaan ugu baaqay inay usoo baxaan ciribtirka kooxda khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay bulshada Moqokori sida diiran ee usoo dhaweeyeen, isagoo bogaadiyay bulshada deegaankaasi iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo khawaarijta cadowga ah ka xoreeyay degmada.

R/Wasaare Xamza oo baaqii u dambeeyay u diray dagaal-yahaannada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa baaq u direy dhalinyarada weli ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Xamza ayaa dhallinyaradaasi ugu baaqay in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan, xili uu socdo dagaal si weyn loogu jabiyay Al-Shabaab.

“Dagaalka socda waa mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha bogaadiyay Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka, isaga oo tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad-gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul.

“Waa in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xad-gudubta xuquuqul insaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo billaabanaya iyo ciidamo horleh oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaacisay in la bilaabayo wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo lagaga xoreynayo guud ahaan dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in uu socdo qorshaha xiga ee ciidamada, oo ay tahay in Al-Shabaab lagu weeraro dhulka ay maamusho.

“Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, howl-galka Shabaab-na waa qorshe laga leeyahay in dhamaan laga saaro dalka Soomaaliyeed, oo ay gobolo badan ka joogaan,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamo badan oo keyd ah ay ku diyaarsan yihiin magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Keydka ah ee uu sheegay afhayeenka ayaa waxa loogu tala-galay gurmad iyo taakuleyn.

Howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabelle, oo ah maamulkii ugu horeeyay ee deegaanadiisa uu ka bilowday kacdoonka dagaal, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Al-Shabaab ayaa maalmo kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood.

DF oo fashilisay qorshe ay Al-Shabaab la damacsanaayeen degmada Aadan Yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la fashiliyay qorshe ay damacsanaayeen xubno Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Xubnaha Al-Shabaabka ah ayaa rabay inay weerar kusoo qaadan degmada Aadan Yabaal oo dhawaan ay ciidamada huwanta la wareegeen gacan ku haynteeda

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa howl-gal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu  jiray madax iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo qeyb ka ahaa qorshaha la fashiliyay.

Howl-galkaasi ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Xubnaha la dilay ayaa waxaa laga war helay xili ay ku jireen is aruursi ay kusoo weerari rabeen degmada Aadan Yabaal,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Lagama yaabo in Khawaarijtu dib ugu soo laabato dhulkii aan ka xoreynay, deegaanada dhimana waan gaareynaa.”

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howl-galada dagaal ee socda uga saaray Al-Shabaab magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mooshin la horgeeyey BF oo dib u dhacay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ayaa maanta xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kaas oo sababay in lasoo xiro kulanka, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye ku xigeenka oo metalayey guddoonka sare ee Golaha ayaa sheegay in kaliya ay soo xaadireen illaa 78 xildhibaan, sidaas aawgeedna uusan furmi karin kulanka guud.

“78 xildhibaan ayaa joogto, kooramkana wuxuu ku furmayaa Baarlamaanka 139 xildhibaan, annaga oo og dhibaatooyinka ka jira dhinaca baaritaanka iyo amniga haddane xildhibaanka waa imaan lahaa haddii aan isku dayno inaan xilli hore imaano,” ayuu yiri ku xigeenku.

Abshirow ayaa nasiib darro ku tilmaamay baaqashada kulankan, isaga oo shaaciyay in laga doodi ahaa sharciyo muhiim ah iyo Mooshin lasoo gaarsiiyay guddoonka, walow uusan carab baabin ujeedada iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinkaasi oo hadda dib loo dhigay.

“Maanta waxaa noogu jiray sharciyo iyo inaan mooshin ka doodno oo ku saabsanaa qodobkii aad aragteen ee lasoo diray ,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ku xigeenka labaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kadib soo xiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka, wuxuuna sheegay in dib la’isugu soo laaban doono maalinta Isniinta ah ee soo socota.

“Sida uu sharciga qabo marka kooramka waa noo buuxsami waayey shirkeena waan xiraneynaa, laakiin maalinta Isniinta ah ayada oo doodo ay jiraan haddane inaan maqnaano aad ayey xun tahay” ayuu markale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaas ay ka wadaan xildhibaan Sacdiya oo ay ku eedeeyeen inay ku xadgubtay Diinta Islaamka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayey xaaladda amniga ee dalka, kadib markii 22 xildhibaan ay Mooshin ka keeneen amniga liito ee caasimada.

Maxaa ka jira in Ismaaciil Cumar Geelle neceb yahay siyaasiyiinta beesha Daarood?

0

Toddobaadkan waxaa si weyn baraha bulshada iyo goobaha ay bulshada Soomaaliyeed isugu timaado sheekadiisu ka socotaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Hadal-haynta Ismaaciil Cumar Geelle ee maalmahan xoogeysatay waxa ay ku saabsan yihiin laba arrimood.

1- Doorkii uu ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya 22-kii sano ee la soo dhaafay

2- Xifaaltan kala dhexeeya beesha Daarood, sheekadaas oo ay dadka qaar gaarsiiyeen heer NACAYB AH!

Hadaba, si aynu wax badan uga ogaanno waxa ay salka ku hayyaan doodahaas, waxaanu warbixintan ku faaqidi doonnaa labadaas qodob.

Doorkii Geelle ee Dowlad-Dhiska Soomaaliya

La’iskuma khilaafsana in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu kaalin weyn ka qaatay dib-u soo yegleelidda Dowladnimada Soomaaliya. 

Walow inta badan mudnaanta la siiyo Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, maadaama qaar ka mid ah hayaankii nabadeynta iyo dowlad-dhiska uu soo bilaabay Madaxweynihii hore ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, hadana, Jamhuuriradda saddexaad ee Soomaaliya, waxaa dhidhibadda loo aasay bilowgii xukunka Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle iyo xifaaltanka kala dhexeeya Beesha Daarood 

Waxaa si weyn u faaftay aragtida ah in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle xifaaltan kala dhexeeyo beesha Daarood, gaar ahaan siyaasiyiintooda.

Dooddan waxa ay aad caan uga tahay goobaha fadhi-ku diririka ee lagu shiilo siyaasadaha beesha Daarood.

HADABA, MAXAY SALKA KU HAYAAN DOODAHAAS?

Waxaan si qoto dheer ugu kuurgalay doodahaas, waxyaabaha aan ogaanana waxaa ka mid ah in dadka aragtidaas iibiya ay aaminsan yihiin in nidaamka 4.5 ee ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya uu hirgaliyey Ismaaciil Cumar Geelle.

Nidaamkan 4.5 oo lagu salleeyey hab-qeybsiga siyaasadda ee Soomaaliya, waxaa markii hore aragtidiisa lahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiin kale oo uu ka mid ahaa Aadan Gabyow, kuwaas oo ku soo jeediyey shirkii Soodare, Itoobiya in loogu qeybiyo ergooyinka Soomaalida.

Hase ahaatee, waxaa si buuxda loogu hirgaliyey shirkii Carta, taasi waxa ay keentay in beelaha qaar, sida Daarood u arkaan in lagu yareenayo saameyntooda siyaasadeed.

Buuq ka dhashay darteedna, Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ergooyin dheeraad ah ugu daray beesha Daarood.

Doodda ah in Ismaaciil Cumar Geelle yoolkiisu ahaa wiiqidda fursadaha Daaarood ku hoggaamin karo Soomaaliya waxaa xoojinaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf Axmed oo buuggiisa – Halgan iyo Hagardaamo ku qoray warbixin sidaas oo kala ah.

Boggaga 269-aad iyo 270-aad, Cabdullaahi Yusuf waxa uu uga faaloonayaa sheeko dhex-martay isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Xilligaas waxaa socday shirkii Carta, Cabdullaahi Yusuf oo Madaxweyne ka ahaa Puntland iyo hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho kala haystay laguma casumin Jabuuti, shirka waxa uu gaar u ahaa Aqoonyahanada, Ururuada Bulshada Rayyidka ah iyo Odayaasha Dhaqanka.

Sidaas daraadeed, Cabdullaahi Yusuf waxa uu sheegay in uu booqasho ugu tagay Ismaaciil Cumar Geelle si uu wax uga soo ogaado sida shirka u socdo iyo sababaha looga tagay dadka ay talada ka go’doy, kuwaas  oo uu ula jeedo kooxihii hubeysnaa ee uu isagu ka mid ahaa.

Waxa uu intaas raaciyey in uu weydiiyey Ismaaciil Cumar Geelle sida uu u qeybiyey ergooyinka, kuwaas oo uu sidan ugu sheegay.

Gobolka Benadir, waxa uu siiyey 30 degmo oo ay ka imaanayaan min saddex ergo (Laba rag ah iyo hal dumar). Isu darkana waa 90 ergo.

Hargeysa 10 degmo oo mid saddex qof ah (Laba rag ah iyo hal dumar ah) isku darkuna waa 30 eryo. Baydhabo 5 degmo (Laba rag ah iyo hal dumar) 15 ergo.

Kismaayo iyo Boosaasana- min hal degmo oo ay ka iimanayaan min saddex ergo- taas oo ka dhigan in isku darkoodu in ay tahay 6 ergo.

Cabdullahi Yusuf waxa uu sheegay in uu weydiiyey Ismaaciil Cumar Geelle sababta uu degmooyinka qaar ugu yareeyey ergooyinka, sida in dadku ku yar yihiin iyo in aysan ahmiyad lahayn?

Cabdullaahi waxa uu sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle ku jawaabay in Daarood hore dalka u dhacay oo ay degmooyin badan sameysteen, hadanna uusan diyaar u ahayn in uu siiyo degmooyin kale.

IRIRNIMO

Doodaha dadka qaar ee ku saabsan in Madaxweynaha Jabuuti si gaar ah u riixo Daarood waxa loo cuskadaa dood tilmaanta in Ismaaciil xoojiyo aragtida Irirnimada, taas oo si siyaasiyan ah isugu tosha Beelaha Hawiye iyo Dir.

Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Doodda Daarood ee ka dhanka ah Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay markale soo laba kac-leysay xilligii uu dalka Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka labada hoggaamiye oo aad u xumaaday darteed, waxaa la iibiyey in ay haddana salka ku hayso dagaalka uu Geelle ku hayey siyaasiyiinta Daarood, taas oo jirta, waxaa hadana soo baxay sida fiican ee ay isula jaanqaadeyn, Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba, maxaa ka jira doodahaas?

Si aan u ogaanno run ahaansha iyo sida ay waaqici u noqon karaan aragtiyahaas, waxaan eegeynayaa dhawrka qodob ee naaxiyey sheekada.

Nidaamka 4.5

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiin Daarood ah oo waayo jooog ahaa, waxa ay tibaaxeen in arrinta 4.5 ahayd aragti markii hore ka timi siyaasiyiinta Soomaaliya, in Carta lagu saxiixanaya Soomaalidu ku heshiisay oo aysan ahayn xisaab uu si gaar ah u watay Ismaaciil Cumar Geelle.

Siyaasiyiinta nala hadlay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in aragtidaas ay iibiyeen siyaasiyiin lahaa damac siyaasadeed.

Tusaale, Cabdullaahi Yusuf waxa uu qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaashii hubeysnaa ee loo diiday ka qeybgalka shirkii Carta. Haddii ay jirto shirqool ka dhan ahaa Daarood-na, waxaa gudoomiyinii Ergooyinka shirka waxaa ahaa Xasan Abshir Faarax oo Daarood ahaa, waxaa Ra’iisul Wasaare loo doortay Cali Khaliif Galaydh, waxaa shirka joogay Maxamed Abshir Hammaan, Faroole iyo inta badan Isimada Daarood.

IRIRNIMADA

Dhinaca kale, fallanqeeyeyaaasha aynu su’aashan hor-dhignay waxa ay noo sheegeen in arrinta IRIRNIMADA ay ka horreysay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jabuuti oo dhan.

Sida inta badan sheekooyinka qabiilka loogu awr-kacsado, hadana, Irirnimadu ma aha wax loogu daneeyo qabiil gaar ah, lagu dhibaateeyo kuwo kale, waa erey soo shaac-baxay lixdameeyadii oo ahaa is-gaanshaanbuursi siyaasadeed! Xilligaas Jabuuti Xor ma ahayn, Ismaaciil-na wiil yar ayuu ahaa oo aa siyaasadba aqoon! 

Farmaajo iyo Geelle!

Gorfeeyeyaashu waxa ay sidoo kale ganafka ku dhufteen in khilaafkii Farmaajo iyo Geelle salka ku haysay colaad uu Madaxweynaha Jabuuti u hayo siyaasiyiina Daarood! Waxa ay tilmaameen in khilaafkoodu bilowday markii la sameeyey Golihii Iskaashiga Geeska ee ay ku mideysnaayeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea! Taas waxa ay keentay in Walaalaha Jabuuti dareemeen fogeyn iyo in lagala saftay dal ay collaadi ka dhexeyso!

Fallanqeeyeyaashu waxa ay gebi’ahaanba meesha ka saareen sheekada ah in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle neceb yahay Daarood, waxa ayna intooda badan isku raaciyeen in Geelle yahay oday Soomaaliyeed, wax bandanna ka shaqeeyey maslaxada iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed.

Qormadan oo muuqaal ah hoos ka daawo

W/Q: Mohamed Musa Aden (Mohamed Kaafi)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Dadka kasoo cararaya Al-Shabaab oo kusoo badanaya Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray qoysas horleh oo kasoo cararay deegaannada ay maamulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah iyo kuwa kale oo ay kooxda ku hayso dadka ku hoos nool.

Saldhigga degmada Hodan oo aan booqanay ayaa waxaa halkaas ugu tegnay qaar kamid ah dadka dhibanayaasha ah ee kasoo hayaamay deegaannada ay joogaan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo naftooda lasoo baxsaday, waxayna soo aadeen dhanka dowladda, si ay u helaan amni buuxa oo ay ku noolaadaan.

Dadka halkan soo gaaray waxaa kamid ah Muna Sharif Ali oo aan ku wareysanay gudaha saldhigga, waxa ay nala wadaagtay qisadeeda iyo sababta ku kaliftay inay soo gaarto Muqdisho.

Muna ayaa marka hore innoo sheegtay inay kasoo baxsatay tuulada Habaraawe oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay illaa iyo hadda gacanta ku hayaan dagaalyahannada hubeysan ee kasoo horjeedo Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in jirdil xooggan loo gaystay, sidoo Kalena la xiray, balse markii dambe ay u suuragashay inay ka baxsato xabsiga, sidaasna ay kusoo gaartay magaalada Muqdisho.

Dhibane Muna Sharif Ali ayaan waydiinay sababta loo beegsanayo iyo dambiga ay u haystaan Al-Shabaab, waxaana ay tilmaamtay in walaalkeed ka yar Bilal Sharif Ali ay xoog u kaxeysteen kadibna ay ku dareen ragga u dagaalama, balse muddo kadib uu kasoo fakaday, iyadana ay usoo dirtay magaalada Muqdisho, maadaama ay ka weyneyd. Balse nasiib xumo kooxda ayaa ogaatay in cidda fakisay Bilal ay tahay walaashiis Muna, kadibna si xun ayaa loo ciqaabay, iyada oo loo sii gudbiyay xabsi dumar ah oo ay laheyd kooxdu.

“Runtii waxaan soo maray maalmo adag, waxaana lasoo baxsaday nafteyda, saldhigga hadda waxaan u joogaa inaan ku badbaado, maxaa yeelay anigu waxaa ku xukumanahay toogasho oo haddii ay i qabtaan nimankaas ma badbaadayo, marka dowladda iyo cid kasta oo wax ii qaban karta ayaan maanta ka codsanayaa inay isoo gurmato.” ayay wareysiga ku tiri Muna oo ay ka muuqato cabsi iyo argagax wayn.

Arrinta kale ee murugada le ah ayaa ah in marka ay timid caasimada lagu soo weeraray hoygii ay degtay, xilli uu la joogay walaalkeed oo uga soo horreeyay, kaas oo goobta ku dhintay, waxaana sidoo kale ujeedka uu ahaa in iyadana la khaarijiyo, balse waa ay ka badbaaday weerarka.

Muna Sharif Ali waa hooyo wajaheysa xaalad halis ah oo go’doon ah, isla markaana waxay meel cidlo uga soo carartay carruurteeda iyo waalidiinteeda, illaa iyo haddana ma helin cid u gurmata.

Kaliya Muna ma’aha cidda dhiban ee saldhigga waxaa haatan ku sugan dad kale oo kasoo cararay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda, waxaana dhammaantood ay wajahayaan halis amni, waxayna soo maciin bideen dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhibaatada ay kooxda ku hayso shacabka iyo sidoo kale xubnaha ay xoogga ku askareeyeen ee doonaya inay isaga soo baxaan, waxayna sheegtay in arrin murugo leh ay kula kacday, kadib markii ay xasuuq wadareed u gaysatay dhalinyaro baxsad ah oo kasoo cararaya kooxaha argagixisada.

Qof kasta oo doonaya inuu kasoo goosta kooxaha Khawaarijta ama looga shakiyo inuu baxsan rabo ayaa si daran loo ciqaabaa, xittaa mararka qaar waxaa lagu toogtaa goob fakaare ah, iyaga oo ku eedeynayo inuu la xiriiray dowladda, uuna yahay “Basaas” sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Si kastaba, dhalinyaro badan oo kasoo tegay deegaannada Al-Shabaab ayaa wareysiyo laga qaaday ku sheegay inay naftooda kala soo carareen kooxda, ayna halis badan usoo mareen inay soo gaareen dhanka dowladda, waxaana taasi kamid ah dhibaatada ay haatan wajahayaan Muna Sharif Ali iyo qoyskeeda, maadaama loo beegsanayo walaalkeed Bilal dartiis oo ay kasoo fakisay kooxda, kaas oo ay ugu dambeyn uga daba yimaadeen Muqdisho, kuna dileen weerar gaadmo ah oo ay weli dhibane u tahay Muna.

Wariye geeriyooday xilli uu tebinaayay ciyaartii xalay ee Argentina iyo Netherlands

0

Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday subaxnimadii hore ee Sabtidii isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Netherlands.

Suxufiyiin Maraykanka ah oo agtiisa fadhiday ayaa sheegtay in Wahl uu dib ugu dhacay kursigiisii tarabuunka ee garoonka Lusail Iconic Stadium wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana wariyayaashii ka ag dhawaa ay u dalbeen caawimaad. Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa si degdeg ah uga jawaabay.

Wahl ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay Arbacadii in uu u debbaaldegay dhalashadiisa maalintaas. wuxuu ahaa 48 jir.

Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ka xun yihiin geerida suxufigan.

Isniintii ayuu ku soo qoray boggiisa in uu booqday xarun caafimaad isagoo ku sugan dalka Qatar.

“Ugu dambayntii jirka ayaa i xanuunaya. Saddex toddobaad oo hurdo yar ah, walbahaar sare iyo shaqo badan ayay taasi ku timid,” ayuu Wahl ayaa qoray, isaga oo raaciyay “Wixii hargab ahaa 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay isu beddeleen wax aad u daran habeenkii ciyaarta USA-Netherland, waxaana dareemayay cadaadis laabta sare ah iyo farxad la’aan”

Dr. Celine Gounder, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Wahl, ahna kaaliye macallin oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Jaamacadda New York, ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay inay ka naxday geerida saygeeda.

Wahl ayaa soo tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad.

Isha: VOA

Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis amni

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa waddanka Ethiopia General Damelesh Garbamichel.

Labada taliye ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan amniga Soomaaliya iyo Ethiopia, maadaama ay yihiin daris, ayna isaga xiran yihiin dano badan.

General Xijaar iyo General Garbamichel ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi dhanka amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta Booliska labada waddan.

Sidoo kale waxay isku raaceen labada dhinac in hadda kadib ay wadaagaan xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka Booliska ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa la filayaa in loo sii gudbiyo madaxda sare ee labada dal, si loogu war-geliyo, loogana wada shaqeeya dhaqan-galkiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh Soomaaliya kaasoo sii xoogeysanayaa sanadihii dambe, waxayna labada dal sameeyeen isu soo dhawaasho iyo isbeddal ballaaran

Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo isna booqday Addis Ababa uu heshiis lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Ethiopia, waxaana sidoo kale isna dalkaas tegay wasiirka Difaaca XFS, Cabduqaadir Maxamuud Nuur oo la soo kulmay dhiggiisa oo ay kasoo wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kamid ah ATMIS.

Howlgal maanta ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu qabtay qaraxyo + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka koowaad oo ay fuliyeen ciidamada Duufaan ee NISA ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Basra iyo Sabyo, waxaana lagu beegsaday xubno Shabaab ah.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi ay ku dishay xubin ka tirsan Al-Shabaab, laba kalena nolosha lagu qabtay, kuwaas oo waday hub iyo qaraxyo.

Sidoo kale warka ayaa intaasi ku daraya in xogta raggan ay soo gudbiyeen dadka deegaanka, kadibna ay sidaas ku howlgaleen ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.

“Xubnahaan Khawaarijta ah oo si dhuumaysi ah ku socday ayaa ciidanka Ammaanka waxaa ku soo war geliyay shacabka deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa sheegaya in halkaas ay howlgal culus ka sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo oo kaashanaya kuwa deegaanka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi.

Odowaa ayaa xaqiijiyey in goobtaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 14 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka dowladda & kuwa deegaanka.

PUNTLAND oo qabatay nin dil ka gaystay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay nin dhowaan dil ka geystay magaaladaas oo xarun ganacsi u ah Puntland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Faarax Jibriil Xuseen ayaa loo haystaa dilka Marxuum Maxamed Cabdirashiid Cabdiraxmaan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu xaqiijiyay soo qabashada eedeysane Faarax Jibriil Xuseen oo maalmahaan lagu daba jiray.

Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninkan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeysan taliska Booliska ee gobolka Bari ayaa u digay shaqsiyaadka dilalka iyo falalka ammaan darri ka geysta magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolkaasi.

Puntland ayaa maalmihii dambe kordhisay howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo shaqsiyaadka hubeysan ee dilalka ka geysta maamulkaas.

Inta badan deegaanada Puntland waxaa ka dhaca dilal iyo isku dhacyo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Aqalka Sare oo kulankooda uga doodaya laba qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho.

Kulankan oo ah mid muhiim ayaa lagu wargeliyay dhammaan Senatarada Golaha, ayada oo guddoonka uu ka socday inay kulanka soo xaaridaan.

Ajendaha  kulanka ayaa lagu soo koobay laba qodob, kuwaas oo kala ah:1-Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC. 2-Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la filayaa inay marka hore u codeeyaan xubinta guddiga dastuurka ee OC, kadibna ay ka doodaan wax ka baddelka Xeer Hoosaadka Golahaasi.

Inta badan guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa soo diyaariya ajendayaasha, ayaga oo usoo gudbiya habdhowrka, si loo horkeeno Golaha, ugana doodo.

Kulamada Aqalka Sare ayaa haatan si caadi ah ku socdo, waxayna kulamadii u dambeeyey qaarkood la galeen xildhibaanada Golaha Shacabka, sida ka doodista miisaaniyadda 2023.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqadiisau waxay tahay meel marinta shuruucda dalka iyo sidoo kale la xisaabtanka hay’addaha dowladda.

Daawo: Madaxda HirShabelle oo isugu tagtay Aadan-Yabaal war cusubna soo saaray

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) –Madaxweynaha HirShabeelle, ku xigeenkiisa, guddoomiyeyaasha Hiiraan, kan Sh/Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa isugu tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Masuuliyiintaan ayaa safarro dhulka ah uga soo kala baxay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee HirShabeelle, waxayna maanta kormeereen xaafadaha degmadaan ay Al-Shabaab maamulayeen sanadaha badan.

Madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyeyaasha labada gobol ee HirShabeelle ayaa warbaahinta la hadlay markii ay indhahooda ku soo arkeen dhamaan xaafadaha degmadaan qadiimiga ah ee Aadan-yabaal oo mudo dheer ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa halkaas ka sheegay in guusha la gaaray ilaa hadda ay weli yartahay oo weli la joogo isku day, “Inta Hooyo Soomaaliyeed ay gablameyso oo gandhaheenu ay asaay qaadayaan, Allaan idinku dhaarshee ma guuleysanay?” ayuu yiri Cali Jeyte.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa dadka deegaanka iyo ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal waxay kula dardaarmeen in halganka aysan ka caajisin oo guusha ay dhameystiraan.

“Dagaalkii laga soo bilaabay Feerfeer iyo kii laga soo bilaabay Balcad, ciidankii iyo raggii hoggaaminayey maanta waxay isugu yimaadeen degmada Aadan-yabaal, Allaah ayaa ku mahadsan, safarkii dhulka ahaa waxaan ku soo maray deegaanadii laga xoreeyey kooxda, mana arkin hal deegaan oo u qalma in dad ku noolaado, dhamaan dhulkii ay jooji jireen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Labadii ceelbiyood ee degmadaan ayey matoorada ka qaateen Al-Shabaab markii ay ka baxayeen Aadan-yabaal, waxaana maanta dib loo kiciyey hal ceelbiyood oo Madaxweynaha HirShabeelle matoor cusub u keenay, sida ay noo sheegeen xubno degmadaas ku sugan.

Hoos ka daawo 

Sawirro: Xasan Sheekh oo balan-qaad cusub ka helay madaxweynaha Shiinaha

0

Riyadh (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Shiinaha la wadaagay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ka dagaalamaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya.

Si gaar ah hoggaamiyaha Shiinaha ayaa dowladda Soomaaliya uga balan qaaday inuu ku garab istaagayo dagaalka ay kula jirto argagaxisada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta ‘Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta’ oo looga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mandiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.

Xasan Sheekh oo shaaciyey tallaabo uu qaaday habeenkii la weeraray Hotel Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska “The Guardian” uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo weerarkii ugu dambeeyay ee lala beegsaday hoteel u dhow Madaxtooyada.

Mar kale ayu uku celiyay in waddanku uu ka gudbi karo caqabado badan oo xilligan jira, “si loo gaaro horumar waara oo loo  sameeyo dadka islamarkaana ay dadku qeyb ka yihiin hirgelintiisa”.

Madaxweyne Xasan ayaa maqaalkan uga hadlay tallaabo uu qaaday xilli uu weerar ka socday hotel u dhow xafiiskiisa xarunta madaxtooyada.

“Isbuucii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxa ay markii ugu horreysay qabatay Shirka Maalgashiga Caalamiga ah. Maalin ka hor inta aanan furin kulankaas taariikhiga ah, waxaa jiray weerar argagixiso oo ka dhacay hotel u dhow xafiisyada madaxtooyada, kaasoo si laga murugoodo u galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay sida ay xaaladdu ahayd habeenka uu weerarku socday iyo tallaabada uu qaaday marka uu waaga baryay.

“Habeenkii oo dhan waxaan maqlayay rasaasta, weerarkuna wuu socay marka uu shirku furmayay, ilaa laga soo afjaray galabtii, taasoo ku suurtagashay geesinnimada ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddex jeer oo uu dil ka badbaaday Xasan Sheekh Maxamuud

Horay ayuu madaxweynaha Soomaaliya uga hadlay weerarro ka dhacay meelo isaga u dhow iyo dhowr jeer oo uu isaga oo madaxweyne ah ka badbaaday dil.

Maqaal uu aragtidiisa ku cabirayay oo uu bartamihii sanadkan ku qoray wargayska “The Economist” ayu uku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

“Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: “Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab.”

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas’uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas’uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

Isha: BBC

Dagaal ka dhacay Gedo kadib markii sarkaal gadooday uu weeraray ciidanka Jubaland

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Dagaal gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sarkaal magaciisa lagu sheegay Raambow oo horay uga gadooday maamulka degmada Ceelwaaq uu weerar ku qaaday xero ay mushahar ka qaadanayeen ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii hoggaaminayay raggii weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, sida aan xogta ku helnay.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah sarkaal lagu magacaabay Canjeex oo ka mid ah ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii lagu magacaabay Raambow ee weerarka soo qaaday.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay dadka deegaanka oo taageerayey mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay ku raadjoogaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday ee uu watay Raambow, kuwaas oo la sheegay in hadda ay baxsadeen.

Ceelwaaq waa degmada kaliya ee ka tirsan Gedo ee si buuxda uu gacanta ugu hayo maamulka Jubaland, waxaana sidoo kale ku sugan ciidan Kenyan ah oo ku howlgala magaca howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa yimid xilli la dilay Taliyihii ciidamada NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke, kaasi oo ku dhintay qarax ka dhacay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini.