27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Dagaal ka dhacay Gedo kadib markii sarkaal gadooday uu weeraray ciidanka Jubaland

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Dagaal gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sarkaal magaciisa lagu sheegay Raambow oo horay uga gadooday maamulka degmada Ceelwaaq uu weerar ku qaaday xero ay mushahar ka qaadanayeen ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii hoggaaminayay raggii weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, sida aan xogta ku helnay.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah sarkaal lagu magacaabay Canjeex oo ka mid ah ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii lagu magacaabay Raambow ee weerarka soo qaaday.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay dadka deegaanka oo taageerayey mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay ku raadjoogaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday ee uu watay Raambow, kuwaas oo la sheegay in hadda ay baxsadeen.

Ceelwaaq waa degmada kaliya ee ka tirsan Gedo ee si buuxda uu gacanta ugu hayo maamulka Jubaland, waxaana sidoo kale ku sugan ciidan Kenyan ah oo ku howlgala magaca howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa yimid xilli la dilay Taliyihii ciidamada NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke, kaasi oo ku dhintay qarax ka dhacay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini.

Somaliland iyo ERITREA oo laga reebay shirka ka dhacay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa casuumad u fidin Madaxda Eritrea iyo Somaliland, si ay uga qeyb-galaan shirka Mareykanka iyo Afrika, xili ay madaxda Afrika isku diyaarinayaan in ay Washington kula kulmaan madaxweyne Joe Biden toddobaadka soo socda.

Sid ay xaqiijiyen Saraakiil Mareykanka ah, waxa shirkaas loogu marti-qaadi waayay Eritrea sababo ku aadan xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington oo xumaaday, halka Somaliland looga tegay aqoonsi la’aanta caalamka ka heysata sanadaha badan.

Shir Madaxeedka 2-aad ee hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afrika ayaa dhici doona inta u dhaxeysa 13-ka illaa 15-ka December, iyada oo Mareykanku uu doonayo inuu sii qoto dheereeyo xiriirrka uu la leeyahay Afrika oo uu la kulmo caqabadaha adag.

“Waxaa sii wadeynaa in aan si gooni-gooni ah ula shaqeyno dalalkaas si aan u dhiiri-gelinno ku soo laabashada ku-meel-gaarka dimoqraadiyadda, marka waxaan joognaa meel wanaagsan oo aan la yeelan karno iskaashi xooggan,” ayey tiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Afrika Molly Phee.

“Waxaan rabnaa in aan hubinno in aragtideenu la jaan-qaado aragtida ay Afrikaanku u qabaan qaaraddooda,” ayey tiri Phee.

Mali, Sudan, Guinea iyo Burkina Faso ayaa laga joojiyay xubinimada 54-ka waddan ee Midowga Afrika sababo la xiriira xasillooni darro siyaasadeed.

Dhinaca kale, Marisa Lourenço oo ah fallanqeeye arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee fadhigeedu yahay Johannesburg, ayaa sheegtay in go’aanka looga saarayo qaar ka mid ah dowladaha Afrika shirkaan uu yahay mid aan cudur daar lahayn.

Marisa ayaa xustay in gabi ahaanba aysan “la-yaab ahayn” marka la eego xiisadda laba geesoodka ah ee u dhexeysa Mareykanka iyo dalalka laga saaray shirkaan.

Mahad Salaad oo war kasoo saaray dilka Bakaal Kooke

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal kooban kasoo saaray geerida Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobolka Gedo, isagoo amray in baaris lagu sameeyo qaraxii lagu dilay.

Bakaal Kooke ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha hay’adda iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Cabdiraxmaan Bakaal Kooke.

Sidoo kale waxa uu amray qaybaha baarista ee hay’adda NISA inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan kiiska dilka Taliye Bakaal Kooke.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidanaa inuu ka howl-galo gobolka Gedo, wuxuuna taasi badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho.

Dilkaan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu diidanaa Taliyaha NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Laftagareen oo sameysanaya isbaheysi ka dhan ah DF

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka soo socda tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu iminka wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Saciid Deni.

“Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada,” ayay tiri Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka, sida aan xog ku helnay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa laga yaabaa in wadahadaladooda kadib ay si wadajir ah ugu dhoofaan magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, balse ma cadda in Qoor Qoor uu isna raaci doono.

Sawirro: Qatar oo billowday burburinta mid kamid ah garoomadii Koobka Adduunka

0

Doha (Caasimada Online) – Garoonka 974 oo kamid ahaa garoomadii lagu ciyaarayey Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa la bilaabay burburintiisa kadib markii ay dhamaadeen qeybtii uu garoonkaas ku lahaa tartanka socda.

Garoonka oo lagu dhisay 974 Konteenar oo ah kuwa shixnadaha lagu raro ayaa waxaa lagu qabtay 7 kulan oo kamid ahaa ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda dalkaasi Qatar.

Shaqaalaha ayaa bilaabay inay kala furfuraan garoonka ku-meel-gaarka ah ee 974, ayada oo Ingineerada ay ku hagayaan sidii ay u kala qaadi lahaayeen garoonkaasi oo ku yaalla aagga Ras Abu Aboud ee magaalada Doxa.

Waxaa xusid mudan in garoonka 974 ee furfuridiisa la bilaabay uu wato lambarka furaha telefoonka ee dalka Qatar.

Garoonkaan oo qaadayey 40 kun oo qof ayaa ciyaartii ugu dambeysay marti-geliyey waxay dhex-martay Brazil iyo South Korea habeenkii Isniinta, taasi oo kusoo idlaatay 4-1.

Koobka Adduunka ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, iyada oo sideed waddan ay iskugu soo hareen wareega 6 dhamaadka oo bilaaban doona.

Dalka Uruguay ayaa qorsheynaya inay dib u dhisato garoonkaan, iyada oo raaceysa qaab dhismeedkiisii ​​hore si uu uga mid noqdo garoomada marti-gelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2030-ka.

Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka GEDO oo la dilay

Luuq (Caasimada Online) – Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Bakaal Kooke ayaa la sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-Alle oo 5 KM u jirta degmada Luuq.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka Gedo, wuxuuna taa badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini.

Dilkan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay.

Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didianaa NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Xasan oo gaaray Sacuudiga iyo ujeedka socdaalkiisa

0

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si uu uga qeyb-galo shirka Shiinaha uu la leeyahay Madaxda Waddamada Carabta iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga in uu kulama kala duwan la qaato doona masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Madaxda Carabta iyo kuwa Afrika ee shirkaas qeybta ka ah.

Xasan ayaa madaxda uu la kulmayo kala hadli doona xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Bani-aadamnimada iyo deyn cafinta, maadaama ay madasha ku sugan yihiin qaar kamid ah waddamada deynta ku leh Soomaaliya.

Hoggaanka Shiinaha ayaa si weyn u daneynaya in dalkiisa uu xiriir Ganacsi iyo mid amni la wadaago waddamada Carabta iyo Afrika si meesha looga saaro dowladda Mareykanka oo la rumeysan yahay inay awood ku leedahay.

Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu ballan-qaad u sameeyo waddamada Carabta iyo Afrika si u sameeyo soo jiidasho uu ku xoojin karo cilaaqaadka uu doonayo in uu la yeesho waddamadaan intooda badan u janjeera Mareykanka.

Maamulka GALMUDUG oo yeeshay guddi doorasho oo cusub iyo Xaliimo Yarey oo…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Galmudug, oo la horgeeyay guddiga madax-banaan ee doorashooyinka maamulkaasi.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Intaas kadib waxay Golaha Wasiirada cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Galmudug, kaasi oo lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh.

Galmudug ayaa sidaas ku yeelatay guddiga doorashooyinka, oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaasi oo kala ah;

  1. Xaliimo Ismaciil Ibraahim
  2. Dr Yaasiin Cabdi Jaamac
  3. Xersi Yuusuf Barre
  4. Khaliif Axmed Gabow
  5. Amiira Daahir Maxamed
  6. Maxamed Cabdi Shardi
  7. Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed

Xaliimo Yarey oo kamid ah xubnaha Guddigaan ayaa dhawaan laga qaaday xilkii Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddo dheer ay soo aheyd, waana haweeney sida la rumeysan yahay khibrad iyo aqoon badan u leh arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Fannaanad shaacisay tirada lacagta ay hal habeen ka hesho FANKA Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanadda da’da yar ee Nasteexo Cabdikariin Axmed, balse loo garan og yahay Nasteexo Dayax, oo wakhti kooban ku jirta fanka ayaa ka mid ah habalha wakhtigan ugu caansan gabdhaha ka heesa magaaladda Muqdisho.

Nasteexo oo u warantahay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee BBC ayaa ka hadashay heesaha ay qaaddo oo u badan kuwo u janjeera dhanka jacaylka.

Gabadhan markii ay dhammeysay dugsiga sare ayey fanka ku soo biirtay balse waalidkeed ayaa si adag uga hor yimid galitaankeeda fanka, inkasto ay ka dhabeysay qorsheeheedi ahaa inay heesto, basle wali qaar ka mid ah waalidkeed ayaan ilaa hadda ku farxsaneyn inay sii heesto.

‘’Qoyskayga raali kama aheyn, balse markii dambe hooyo waan iska maslaxay, waan sababay sababtoo ah hooyo wey naxariis badan tahay.”

Go’aan ku saabsan fanka Naxteexo

Hase yeeshee, Naxteexo waxay sheegtay in aabeheed uu ka biyo diiday xirfaddeeda fanka, xal kalena ay weysay, sidaas awgeedna ka tanaasuleyso fannaanimada.

“Laakin aabahay ilaa hadda wuu ka soo hor jeedaa inaan fannaan sii ahaahdo, Isaga dartii ayaan uga baxayaa fanka,” ayey tiri Nasteexo Dayax.

Lacag intee la eg ayey heshaa?

Fannaanad Nasteexo Dayax ayaa sheegtay arrin ay ugu duwan tahay fanninta kale. Qaar badan oo horay ula hadalay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee ka baxa Bbc ayaa sheegay in aanay wax qarash ah ka helin fanka, marka laga yimaado caanimo uun. Balse hoboladdan da’da yar ayaa sheegtay inay fanka ka hesho lacag badan markii ay ka qayb gasho dhowar xafladood halkii habeen.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun ilaa kun shan boqol oo doolar ($1500), dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa, inkasto oo aniga aan shaqooyin kale qabto, oo fanka kaliya aanan ku tiirsaneyn,”ayey tiri Nasteexo Dayax.

Fannaanad Nasteexo Dayax ayaa sheegtay arrin ay ugu duwan tahay fanninta kale. Qaar badan oo horay ula hadalay Barnaamijka muusigga iyo salaamaha ee ka baxa Bbc ayaa sheegay in aanay wax qarash ah ka helin fanka, marka laga yimaado caanimo uun. Balse hoboladdan da’da yar ayaa sheegtay inay fanka ka hesho lacag badan markii ay ka qayb gasho dhowar xafladood halkii habeen.

“Marka aan isu maro dhowr xafladood waxaan helaa lacag u dhiganta kun ilaa kun shan boqol oo doolar ($1500), dadka dhahaya lacag lagama helo fan aniga waan ka soo hor jeedaa, inkasto oo aniga aan shaqooyin kale qabto, oo fanka kaliya aanan ku tiirsaneyn,”ayey tiri Nasteexo Dayax.

Qaramada Midoobe oo ka digtay xaalad deg-deg ah oo ka dhici karta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si weyn uga digay wuxuu ugu yeeray “xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay saameeysay abaaraha soo noqnoqday, ayada oo ku dhawaad 6.7 Milyan oo kale ay halis ugu jiraan inay soo wajahdo cunto la’aan iyo amaan daro, sida uu sheegay.

“Ku dhawaad 7.8 milyan oo Soomaali ah, oo ah ku dhawaad kala bar dadkeeda, ayaa waxaa saameeyay abaarta. Ku dhawaad 1.3 milyan oo qofna waa ay barakaceen tan iyo Janaayo 2021. 6.7 milyan oo qof ayaa la filayaa in ay soo wajahdo heerar sare oo cunto la’aan ah & ammaan darro, taasi waa dhamaadka sanadka soo socda,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee QM ee Soomaaliya.

Isku-duwaha oo ka hadlay kulan ay wada-qaateen QM iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya uusan si wanaagsan uga da’in roobabkii shanaad oo xiriir ah.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka.

“Barakaca gudahana waa uu socdaa, colaadda kheyraadka yari waxay si khatar ah u saameynaysaa nabadda iyo amniga. bulshada iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyntiina ku nuux-nuuxsaday khatarta ka imaan karta xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.

Muxuu yahay ballan-qaadka safiirka Imaaraadka uu ka sameeyey MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Alromaith.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ballan-qaad culus ka helay danjiraha Imaaraadka, kaas oo uu ugu sameeyay kulanka ay wada yaasheen labada mas’uul.

Ugu horreyn guddoomiye Madaale ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaga iyo taageerada ay xilliyada adag siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay qorshaha dib loogu furaayo Isbitaalka Sheekh Zaaid ee ku yaala degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Dhankiisa danjire Alromaith oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu ka dhacay kulanka uu la yeeshay  Madaale, isaga oo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta caasimada dalka.

Waxa kale oo uu danjiruhu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab, iyo sidii Imaaraadka uu gacan ugu geysan lahaaa qorshayaasha horumarineed iyo isku xirka labada caasimadood.

Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, wuxuuna dalka ka fuliyaa mashaariicyo horumarineed.

Khilaaf sababay shaqo joojinta boqolaal ka mid ah shaqaalaha New York Times

0

New York (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha ka howl-gala wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa maalintii Khamiistii sameeyey shaqo joojin soconaysa 24 saacadood, taasi oo ah shaqo joojintii ugu horraysay ee noocaas ah ee ay sameeyaan shaqaalaha wargeysku in ka badan 40 sannadood.

Guddida shaqaalaha ee wargeyska ayaa sheegay inay khaatiyaan ka istaageen gorgortanka aan natiijadu ka soo baxayn ee soo socday tan iyo bishii March ee sannadkii 2021, xilligaas oo uu dhamaaday heshiiskii hore.

Ururka Shaqaalaha ayaa toddobaadkii hore sheegay in kabadan 1,100 shaqaale ah inay qaban doonaan shaqo joojin socon doonta 24 saacadood, taasi oo bilaabaneysa 12 habeenimo ee Khamiista, haddii aan labada dhinac aanay gaadhin wax heshiis ah.

The NewsGuild oo ah urur ay ku jiraan xirfadlayaasha dhinaca saxaafadda ayaa xafiiskooda New York wuxuu bartiisa twitterka ku soo qoray in shaqaaluhu ay haatan si rasmi ah shaqada u joojiyeen, taasi oo ah tallaabadii noocan ahayd ee ay shaqaaluhu qaadaan muddo 40 sano ah.

Waxay qoraalkooda sii raaciyeen inay tahay go’aan adag inaad joojisid shaqo aad jeceshahay, hase ahaatee ay tallaabadaas u qaadeen inay dooddooda ka midho dhaliyaan.

Wada-xaajoodyo ayaa socday maalmihii Salaasada iyo Arbacada, hase ahaatee labada dhinac ayaan gaadhin wax isfaham ah, taasi oo ay isku maandhaafeen dhinaca mushaharka, in shaqaaluhu ay ka soo shaqayn karaan guryahooda iyo hannaanka loo qiimeeyo shaqaalaha, taasi oo ururka shaqaaluhu ay sheegeen inuu yahay mid u nugul in la sameeyo eex dhinaca isirka ah.

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times Danielle Rhoades Ha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iyadoo uu socdo wada-xaajoodka labada dhinac un shirkadda lagu soo wargeliyey in shaqaalihii ay shaqo joojin sameeyeen.

“Waa arrin laga niyad jabo in illaa xad, tallaabo noocaas ah qaadaan, iyada oo aan lagu jirin xaalad cakiran” ayuu yiri.

Afhayeenka u hadlay wargeyska New York Times ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in shirkadda uu u dejisan yahay qorsheyaal cadcad oo u saamaxaya inay sii wadaan inay shaqada wargeysku sii socoto.

Waxaa kamid ah qorshayaashaas inay ku tiirsanaadaan saxafiyiinta caalamiga ah iyo weriyayaasha kale ee aan xubnaha ka ahayn ururka shaqaalaha.

Xog: Ciidamada NISA oo is-hortaagay siyaasi ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dharcadka NISA ee garoonka ka howlgala ay hor istaageen siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay.

Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didian yahay madaxa NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo gacansaar la leh agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

In xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda laga celiyo garoonka Aadan Cadde ayaa qeyb ka ahayd hab dhaqankii Hay’adda NISA xilligii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo xubnaha dowladda ee iminka ay aad ugu dhaliili jireen..

Ma cadda weli siyaasadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee gobolka Gedo xilligan, laakiin waxaa si weyn faraha ugula jirta dowlada Itoobiya oo waanwaan ka dhex waday maamulka isku heysata ee gobolkaasi.

Waxaa sidoo kale caddeyn xiriirka Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, inkasta oo Saciid Deni oo xulufo ay yihiin Axmed Madoobe ay xiisad kala dhaxeyso madaxweyne Xasan Sheekh. 

Mareykanka oo taageeray tallaabada uu guddoomiye Aadan Madoobe qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed ee toddobaadka soo socda ka furmaya magaalada Baydhaba. 

Bilihii dhowaa ayaa waxaa jiray xiisad xooggan oo u dhaxeysa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, oo kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha oo muddo xileedkiisa sharciga ah uu ku egyahay bishan. 

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, shirkaas oo dhacaya toddobaadkan soo socda. 

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo maanta la kulmay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si buuxda u taageeray shirka. 

“Aniga iyo kooxdayda waxaan maanta la kulannay afhayeenka golaha shacabka Aadan Madoobe, waxaana si buuxda u taageernay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee uu ka wado shirka Baydhaba ee toddobaadka soo socda. Tani waa waqti taariikhi ah, marka ay noqoto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab; midnimada waa u muhiim Soomaaliya,” ayuu safiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Laftagareen ayaa horey u taageeray dadaallada Aadan Madoobe “ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada.” 

Sawirro: Sidee u dhacay meherka Jeneraal Saadaq iyo gabadha madaxweyne Geelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda meherka Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Haybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ka dhacday magaalada Jabuuti. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalay meherka, ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar. 

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay. 

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah. 

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaareyaal Hore oo soo hoggaamiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin iyo madax ka mid ah goleyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo war kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday…

0

Guriceel (Caasimada Online) – Golaha deegaanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta guddoon cusub doortay, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaas oo sidoo kale xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnaha golaha ayaa guddoomiye u doortay Faarax Cabdi Axmed, halka ku xigeenna loo doortay Shaafici Jaamac Cabdi oo labaduba ku soo baxay doorasho ka dhacday Guriceel.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha Galmudug oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay doorashadaan, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha la doortay.

“Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, wuxuu hambalyo u diray gudoomiyaha la doortay ee degmada Guriceel Farax Cabdi Ahmed iyo ku xigeenkiisa, Shafici Jamac Cabdi,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku amaanay golaha deegaanka ee Guriceel, sida ay u wajaheen doorashadadaas oo deganaan ku soo dhammaatay.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay golaha deegaanka cusub ee degmada Guricel , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada , sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Madaxweynaha  Galmudug.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in tallaabadan ay tahay mid loo qaaday xagga dimuquraaddiyadda iyo sidoo kale horumarinta dowladnimada.

Galmudug ayaa haatan ku jirta dhismaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, walow magaalooyinka qaar ay ka taagan tahay xiisadda xoogan, sida degmada Caabudwaaq oo ay ka taagan xiisadda ka dhalatay sida loo maareeyeya golaha deegaanka ee degmadaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

SOMALILAND oo toddoba shardi ku xiray wada-hadal uu la gasho DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shuruudo adag oo gaaraya illaa toddoba ah ku xirtay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya kadib hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u sheegay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland, oo soo saartay qoraal jawaab ah, ayaa sheegtay in wada-hadallada ay galeyso haddii la fuliyo toddoba shardi, waxaana ay kala yihiin:

1. Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo loo fuliyaa si deg deg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsooni.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn oo si adag sir u ah.

5. Waa inay jiraan mabaadi’ muhiim ah iyo xeer hab-dhaqan oo wada-hadalka saldhig looga dhigayo.

6. Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada.

7. Waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.

Daawo: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka, waxaana shirka guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey labana hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman iyo Hindise Maaliyadeed ee Khayraadka dhulka hoostiisa oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman ayaa muhiim u ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab, waxaa si gaar ah loogu dhaqayaa ama lagu qaadayaa dadka lagu tuhmayo inay maal-geliyan argagaxisada.

Sidoo kale Hindise Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa waxaa maamuli doonaa nidaamka maaliyadeed ee qodista kheyraadka dhulka Hoostiisa, taas oo soo saaristiisa lagu qeexay sharciga batroolka, oo tirsigiisu yahay; Sharci Number 19aad iyo xeerka qodista Macdanta ee tirsigiisu yahay Number 7 oo soo baxay 9-kii January 1984-kii.

Wasaaradda Maaliyadda labada xeer horkeentay Golaha ayaa ka mahacelisay meel-marinta hindise sharciyeedyadan oo sidoo kale lasii marsiin doono Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in labadan sharci ay muhiim u yihiin dhaqaalaha dalka, hannaanka maamulka maaliyadda iyo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa horey shaacisay inay beegsan doonto ilaha dhaqaale ee kooxda, si loo cuuryaamiyo.

Xilka loo magacaabay Ciise Guure oo si weyn looga soo dhoweeyey Xamar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad taageero iyo soo dhoweyn loogu muujiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka maaliyadda Ciise Guure ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin heer federal iyo heer dowlad goboleed, xildhibaano, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, culimo, aqoonyahano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xubnihii kala duwanaa ee ka hadlay hoolka ayaa sheegay in Ciise Guure uu yahay siyaasi lagu yaqaan aaminaad iyo waxqabad, islamarkaana uu mudnaa xilka, ayaga oo intaas ku daray inuu si guul leh uga soo bixi karo. 

Guddoomiye Ciise Guure, oo isna ka hadlay goobta ayaa wuxuu ballanqaadey inuu kasoo dhalaali doono howsha culus ee loo igmaday, islamarkaana uu filashada ummadda sugeysa uu si wanaagsan uga soo bixi doono.

Gabar la dhalatay Ayatollah Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan oo ka dhan ah

Tehran (Caasimada Online) – Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada ka socda dalkaas, waxayna ku baaqday in Ilaalada Kacaanka ay hubka dhigaan, sida ay ku warantay warqad uu daabacay wiilkeeda.

Iran ayaa waxay la tacaaleysa deganaansho la’aan tan iyo markii Mahsa Amini, oo aheyd 22 jir Kurdish Irani ah ay ku geeriyootay gacanta booliska 16-kii September.

Badri Hosseini Khamenei, oo ku nool Iran islamarkaana la dhalatay Ayatollah Khamenei, ayaa cambaareysay xukunka wadaadada laga soo billaabo xilligii hoggaamiyaha aasaasay Jamhruuiyadda Islaamiga ah Ayatollah Ruhollah Khomeini illaa xukunka walaalkeed, sida lagu sheegay warqadda oo ku taariikheysan “December 2022”.

“Waxaan filayaa inay hadda ku habboon tahay inaan shaaciyo inaan kasoo horjeedo ficillada walaalkey, oo aan muujiyo sida aan ugu calool dabacsanahay dhammaan hooyooyinka la barooranaya dambiyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah, kasoo billow xilligii Khomeini illaa xilliga khilaafada kali-taliska ah ee Ali Khamenei,” ayey ku qortay warqadda oo Arbacadii lasoo dhigay Twitter-ka wiilkeeda Mahmoud Moradkhani.

“Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Ali Khamenei iyo calooshood u shaqeystayaasha waa inay hubka dhigaan sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay dadka ku biiraan inta ay goori goor tahay,” ayaa lagu yiri warqadda.

Ilaalada Kacaanka waa ciidamada xulka ah ee Iran, kuwaas oo ka caawiyay dalka inuu wakiilo ku yeesho Bariga Dhexe, waxayna maamulaan ganacsi baaxad weyn.

Talaadadii, Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan hay’adaha garsoorka “in aan loo naxariisan qas-wadayaasha, tuugada iyo argagixisada,” taas oo muujineysa in maamulku aanu damacsaneyn inuu fududeeyo cadaadiska adag ee ay ku hayaan mucaaradka.

Afhayeenka garsoorka Iran, Masoud Setayeshi ayaa Talaadadii sheegay in shan qof oo lagu eedeeyay dilka xubin ka tirsan maleeshiyada Basij oo lagu magacaabay Rouhollah Ajamian lagu xukumay dil toogasho ah oo ay weli racfaan ka qaadan karaan.

Bishii November, Farideh Moradkhani oo uu abti u yahay Khamenei ayaa waxaa xiray mas’uuliyiinta kadib markii ay ugu baaqday dowladaha shisheeye inay xiriirka u jaraan Tehran.

REUTERS, VOA