27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Darawal GAARI oo markale lagu dilay gobolka Sh/Dhexe

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale maleeshiyaad hubeysan ay nin darawal ahaa xalay ku dileen waddada dheer ee marta dhanka xeebta ee Cadale, xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Raage Celle, waxaana lagu dilay mid ka mid ahaa darawallada gaadiidka ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamuud Xasan Nuur, wuxuuna sanado fog ka shaqeynayey isaga oo darawal ahaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Dhexe.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in rag burcad ah ay gaariga waddada u galeen, kadibna ay rasaaseeyeen marxuumka.

“Niman tuugo ah ayaa jidka u galay, kolley xabado ayeyna ku fureen qadarta Ilaahey isagaa ku geeriyooday,” ayuu yiri mid kamid  ehellada marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gaariga uu waday Ari loo soo waday dhanka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in mar qura uu rasaas ku furay nin hubeysan.

“Xittaa baabuurka istaag lama dhihin nin ayaa jidka kasoo dhacay xabad ayuuna huwiyay, gaariga Ari ayuu waday Xamar ayuuna usoo socday,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay jiraan gawaari kale oo daba socotay baabuurka la rasaaseeyay oo iyaguna dhac baahsan loogu geystay inta ay ku socdaalayeen waddada.

“Baabuur kale oo la dhacay way jirtaa oo ka dambeysay gaariga la rasaaseeyey. Nin yahow maamulka waan la xiriirnay, laakiin jawaab kama helin,” ayuu markale yiri.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka iyo isbaarooyinka, ayada oo dhowaan degmada Balcad lagu dilay nin darawal ahaa oo kusii jeeday Jowhar, dilkaas oo dhaliyay caro, ayada oo kadib lasoo qabtay eedeysanaha oo ay xukuntay maxkamadda ciidamada.

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidanka Macawiilseyda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay dhanka koonfureed magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Beerxaano oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Intaas kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerka qaaday iyo ciidamada deegaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Saraakiil u hadashay Macawiisleuda ayaa waxa ay shaaciyeen inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, haatana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ka cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku soo qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgallada ka wada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

XOG: Lafta Gareen oo kusii jeeda Garoowe + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta tegaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdicasiis Lafta Gareen uu kulan wadatashi ah la yeelan doono dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa iska xog wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dhaq dhawaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib u dhigay safar uu ku aadi lahaa caasimada Itoobiya, wuxuuna haatan sugayaaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan magaalada Garoowe.

Labada maamul ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa xulafo siyaasadeed, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynaha Jubbaland oo illaa doorashooyinkii soo dhammaaday ay saaxibo ahaayeen Deni, balse ay kala tegeen, kadib doorashadii 15-kii May iyo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale marka la eego Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa isku xaalad ah, waxayna wajahayaan muran hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh labadaasi maamul.

Kulanka labada nin ayaa sidoo kale si aad ah isha loogu wada haayaa, ayada oo laga war sugayo waxyaabaha ay soo saaraan ama ku heshiiyaan, kadib wadahadalladooda Garoowe.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Deni yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,isaga oo saacado kadib ku laabtay Puntland.

Xildhibaan shaaciyey sidii beesha D&M ay ku heshay guddoomiyaha Waaberi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka sheekeeyey sidii ay beelaha Digil iyo Mirifle ku heleen kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sideed habeen ay isaga daba noqnoqonayeen xafiisyada madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si ay ugu qanciyaan in maamulka gobolka Banaadir ay kursi ka helaan.

“Kursigaan si aan u soo dhicino, sideed habeen ayaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha gobolka isaga daba laabaneynay, waxaan u sheegnay in dadka ugu badan aan nahay gobolkaan, isla markaana aan metelaad u baahanahay,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowr jeer oo la balamiyey kadib, ay madaxdu markii dambe u ogolaatay kursiga guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, isagoo xusay inay metelaadaan ku soo dhiciyeen ugu yaraan 20 xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Yuusuf ayaa maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in beeshiisa la siiyo mudnaanta iyo metelaada weli uga maqan gobolkaan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Waliid ayaa xildhibaanada kale ka codsaday inay ku garab siiyaan sidii guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ay garab istaag ugu muuji lahaayeen oo xitaa ay gaari ugu iibin lahaayeen.

Hoos ka daawo

Howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho

0

Caasimada (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Howlgalladan ayaa ujeedkooda wuxuu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sida ay innoo sheegeen saraakiishu howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka iyo dadweynaha socotada ah, waxaana howlgalkaas qayb ka ahaa maamulka degmada oo sidoo kale kormeer ku sameeyay baraha koontaroolada ee ay joogaan ciidamada Booliska.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fulisay NISA ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, kaas oo isna dad u badan dhalinyaro lagu soo qab qabtay.

NISA ma faahfaahin howlgalkaasi oo ahaa mid ballaaran oo xalay si weyn looga dareemay deegaanka Garasbaaley oo ku yaalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimadda.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay gobolka Banaadir, kadib markii lagu jabiyey dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka.

Dr. BISHAAR Ibraahim Cali Xuub oo toogasho lagu dilay

Buurhakaba (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa shalay waxay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dileen Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi.

Kooxahan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxay Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) ku dhex dileen Isbitaalka Guud ee Degmada Buurhakaba. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay dilka ka dib ku baxsadeen gaarigii ay wateen.

Ciidanka Booliska oo ku baxay goobtaasi ayaa ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa dilka ninka dhakhtarka ah ku eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab.

“Shabaab ayaa ka dambeeyo, cid kale oo ka dambeyso malahan, Soomaali kalena lama eedeynayo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dr. Bishaar ayaa caan ka ahaa degmadaasi, iyadoona ay si weyn u garanayeen dadka reer Buurhakaba. Dilkiisa ayaa argagax-geliyay bulshada deegaanka, mana jirto cid illaa iyo hadda masuuliyadda dilkaasi sheegatay.

IMF oo 2 arrin ku amaantay DF kadib markii ay ka gudubtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa soo saaray warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility), ayada oo Soomaaliya lagu amaantay labada arrimood ee dib u habeynta Maaliyadda & Deyn Cafinta.

IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu horumariyo hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF, kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta.

Warbixinta Hay’adda IMF ayaa waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku boggaadisay hirgelinta dib u habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha,  waxayna soo jeedisay in dadaal dheeri ah lagu bixiyo dhanka siyaasadda Canshuuraha.

Sidoo kale IMF ayaa xustay in in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhanka geeddi socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC), kaas ee u gogol xaarayo  in la gaaro dhammaadka sanadka 2023-ka ee dhammeystirka Deyn Cafinta.

“Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbedalada cimilada & dhaqaala xumada aduunka soo wajahday” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee ku saabsan dib u eegistii 4-aad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta.

Dr. Cilmi ayaa sheegay in tani ay ku timid dadaalka dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda, wuxuuna u mahad-naqay Guddiga Sare ee Hay’adda IMF.

“Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dalka.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in warbixinta ay muujineyso isbeddal weyn oo dhanka dhaqaalaha ah xilli ay jiraan xaalado adag oo ka dhashay isbeddalka cimilada.

“Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday”. ayuu markale sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay barnaamijka Deyn Cafinta oo sanado badan soo socday, kaas oo maraya gabagabo, waxayna kadib heli doontaa maal-gelin caalami ah.

Sawirro: Iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo ka wada magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi, ayaga oo ka wadahadlaya iskaashiga milatari ee labada waddan ee dariska ah.

Wasiirka ayaa kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey Taliyaha Ciidanka Difaaca Ethiopia Field Marshal General Birhanu Jula” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka, gaar ahaan iskaashiga dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ka wada hadalney Amniga Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaarijta Alshabaab,” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa taliyaha ciidanka Difaaca Ethiopia Marshal Birhanu ayaa ku amaanay madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay uga go’antahay dagaalka lagula jiro kooxa Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socdo gobollada dalka.

Ethiopia ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Mareykanka oo ka walaacsan hub uu soo iibsanayo Ruushka

0

Washington (Caasimada Online) – Illaa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan magacyadooda shaacin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, in Ruushku uu dedaal xooggan ugu jiro inuu sii joogteeyo sahada hubka ah uu u isticmaalo dagaalka Ukraine, iyadoo Moscow ay doonayso in Iran ay markale ka caawiso ciidamada Ruushka, diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada dhulka.

Waxaa jira walaac soo kordhaya oo Maraykanku qabo oo ku aaddan, in Ruushku uu raadinayo inuu Iran ka helo hub dheeri ah oo casri ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka, kaas oo magaciisa u qariyey, maadaama aan la ogolayn in laga faalloodo wararka sirta ah ee Maraykanka. Sarkaalkan ayaa sheegay, in hubka uu Maraykanku sida gaarka ah uga walaacsan yahay inay ku jiraan gantaallada dhulka ee Iran ay samayso.

Dhanka kale, diblomaasi Maraykan ah ayaa sheegay in Iran ay qorshaynayso inay ka iibiso Ruushka boqollaal gantaal iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, tallaabadaas oo xadgudub ku ah qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray sannadkii 2015, kaas oo taageerayey heshiiskii dhexmaray Iran iyo lixda quwadood.

Ruushka oo ka mid ahaa, quwadaha saxeexay heshiiskaas ayaa haatan u muuqda inuu ku xadgudbayo qaraarka golaha ammaanka, waxaana suaali ka taagan tahay, Ruushku muxuu siinayaa Iran oo uu kaga bedelanayaan hubka uu uga baahan yahay.

Diplomaasiga ka tirsan Qaramada Midoobay ee magaciisa qariyey ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga milateri ee dhexmaray Ruuska iyo Iran inuu halis ku yahay xasiloonida gobolka, wuxuu intaas ku daray, inaan illaa haatan aan la daabulin wax hub ah, hase ahaatee la sameeyey dalabka hubkaas.

ATMIS oo war cusub kasoo saartay dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo ka hadlay dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay kaalintooda ku aadan dagaalka ee ay ku taageerayaan howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

War kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro howl-galada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weeraro dhinaca cirka ah, si loogu taageero Ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.

“ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro howl-galada militari. Howl-galada ATMIS ayaa socda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qeyb weyn ka aheyn howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasi oo laga gaaray guulo waaweyn.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen dagaal-yahanada kooxda.

ATMIS oo hore loogu eedeyay inaysan daacad ka aheyn ciribtirka Al-Shabaab, ayaa xiligan u muuqata inay isdhex-raacineyso natiijada wax-ku-oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dagaal ee socda.

Daawo: Xabaalo-wadareedyo ay sameeyeen Al-Shabaab oo la helay

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay xabaalo wadareedyo ay ku aasanyihiin Shabbaab-kii ugu badnaa oo lagu laayey dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka is abaabulay ee deegaanka ayaa saacadihii u dambeeyey gaaray dhufeysyadii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe oo isku bedalay xabaalo wadareedyo.

Goobta xabaalahaan lagu arkay waa deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka Jimbilow oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, halkaas oo lagu xasuuqay Shabaab-kii ugu badnaa.

Maalmihii lasoo dhaafay wixii meyd ay kala rogmanayeen furimaha dagaalka ayey Al-Shabaab toban-toban ugu aasteen deegaankaas, waxaana goobtaas lagu arkay xaalad khatar ah, maadaama ay meydadku banaanka yaallaan aadna u soo ureen.

Dhulka howdka ah ee kooxdu ay ku aasatay meydadkaan, waxaa la sheegay inuu noqday keyn uga dhuuma jireen duqeymaha iyo weerarrada kale ee ciidamada dowladda.

Deegaankaas waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku lahaayeen dhufeysyadii ugu dambeeyey ee hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay sanadihii dambe joogeen.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay halka lagu arkay xabaalahaan Shabaab-ka badan ay ku aasan yihiin, waxaana la sheegay in dhulkaan oo markiisii hore ahaa dhul beereed ay Al-Shabaab ka dhigteen goobo ay duqeymaha uga dhuuntaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Deni oo shaaciyey ganacsi qatar ah oo hay’adaha amniga Puntland ay billaabeen

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa hey’adaha ammaanka maamulkaas ku eedeeyey inay maan-dooriyaha ka ganacsadaan.

“Waxaa iigu yaab badan, waxaan maqlay in Qamriga la siiyo Aawrta, si ay u qooqaan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay shirweynaha arrimaha diinta iyo cadaaladda oo maanta uu ka furay Garowe, wuxuuna sheegay in heerka isticmaalka daroogada uu Puntland ka gaaray in Geela Qamriga la siiyo.

Deni ayaa hey’adaha ammaanka ku eedeeyey inay cabaan oo iibsadaan maan-dooriyaha, halkii ay ka hor tegi la haayeen.

“Waxaba isku qari meyno maanta, waxaa ugu daran hey’adaha ammaanka oo saraakiishoodu ay halkaan fadhiso, iyagoo qamriga caba oo ka ganacsada,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay culumada iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka daroogooyinka lagu kala iibsado deegaanada Puntland.

“Ficilada soo baxaya iyo isbedelka ay dhaqanka iyo naxariista dadka ku keeneyso arrintaan, wax la sii fiirsa karo maaha,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Geelle iyo Xasan

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen horumarinta iskaashiga labada dal iyo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay dhigiisa dalka Jabuuti guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-Walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howl-galka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isaguna dhankiisa si weyn u bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Geelle ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha argagixisada ah ee caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.

Isku day ay koox xagjir ah ku afgambin laheyd dowladda Jarmalka oo la fashiliyey

Karlsruhe (Caasimada Online) – Booliska Jarmalka ayaa Arbacada maanta ah fuliyey howlgallo ka dhacay dalka oo dhan ayaga oo xiray 25 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “unug argagixiso” oo midigta-fog ah, kaasi oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, islamarkaana weeraraan baarlamanka.

Illaa 3,000, oo saraakiil oo ay ku jireen cutubyada xulka ah ee ka hortagga argagixisada, ayaa ka qeyb qaatay howlgallada oo dhacay aroortii, laguna baaray in ka badan 130 guri.

Warbaahinta Jarmalka ayaa ugu yeertay mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu ballaarnaa ee booliska ay qaadaan ee ka dhanka ah xagjiriinta.

Howlgallada ayaa lagu beegsaday dad la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin dhaqaaqa “Muwaadiniinta Reich” (Reichsbuerger), oo la tuhunsan yahay “Inay sameeyeen diyaargarow xooggan oo ay si rabshad leh ugu geli lahaayeen baarlamanka Jarmalka ayaga oo ah koox yar oo hubeysan”, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad-oogayaasha.

Kuwa la xiray ayaa lagu eedeeyey inay aas-aaseen “kooxdan argagixiso ugu dambeyn dhammaadkii November 2021, taasi oo dajisatay hadaf ah afgambinta nidaamka dowladeed ee ka jira ee Jarmalka, kuna beddesho mid nooca ay rabto ah,” ayey yiraahdeen dacwad oogayaasha.

Laba ka mid ah 25-ka qof ayaa lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga.
Dacwad-oogayaasha magaalada Karlsruhe ayaa sheegay inay aqoonsadeen 27 qof oo dheeri ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ama taageeraan shabakaddan argagixiso.

Dhaqaaqa Reichsbuerger ayaa waxaa ku jira kuwa taageera Naaziyiinta, kuwa hubka aad u jecel iyo shirqooleyaal diidan sharci-ahaanshaha Jamhuuriyadda Jarmalka.

Ayada oo muddo la isaga indho tirayey inaysan sidaas muhiim u aheyn, ayaa dhaqaaqa Reichsbuerger wuxuu sanadihii dhowaa noqday xagjir, waxaana loo arkaa halis amni oo sii kordheysa.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in askar hore ay ka mid yihiin xubnaha kooxdan.

“Eedeysanayaasha waxaa mideeyey diidmo qoto dheer oo ku aadan hay’adaha dowladda iyo kala dambeynta ay dimoqraadiyadda saldhigga u tahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany,” ayey yiraahdeen dacwad-oogayaasha.

Tuhunsanayaasha way ka warhayeen in qorshahooda “lagu xaqiijin karay oo kaliya ayada oo la adeegsanayo hab militari iyo rabshado ka dhan ah wakiilada dowladda,” ayey ku dareen.

AFP, VOA

Macaawisleyda oo dagaal ku qabsaday deegaan cusub

Buurweyn (Caasimada Online) – Ciidamada Macaawisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Buurweyn oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo fariisin u aheyd muddo badan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dagaal kooban ku dhex-maray irida hore ee deegaankaasi, ayada oo kadibna xubnihii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugna isaga baxeen. 

Saraakiisha horkaceysay ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macaawisleyda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dhankooda sheegtay inay jab xoogan dagaalkaas ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, ayna si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buurweyn.

Sidoo kale waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan dalka.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doonto toddobaadyo gudahood.

Al-Shabaab ayaa laba maalmood kahor laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, waxaana ay gobolkaas hadda kaga hareen oo kaliya Ruun-Nirgood.

BIIXI oo shuruud ku xiray wadahadal uu la galo Xasan, kadibna u baxay Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo dhinaca kale shuruud adag ku xiray wadahadal uu la galo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ay qaadan doontaa maalmo kooban, sida ay shaacisay xarunta madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa madaxweyne Muuse Biixi safarkan ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Keyd iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Jabuuti oo uu ugu horreeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Socdaalkan wuxuu kusoo aadaya, xilli haatan Jabuuti uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin kahor soo bandhigay qorshihiisa ku aadan wadahadalka Somaliland.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland oo kahor inta uusan u bixin Jabuuti la kulmay wakiilada Turkiga iyo Norway u qaabilsan wadahadallada labada dhinac ayaa miiska soo saaray shuruudo uu ku xiray wadahadallada la qorsheynayo in markale dib loo bilaabo.

Halkan hoose ka aqriso:-

1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wada hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku si fawdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.

5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.

6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.

7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo waqti xaddidan.

Xog: Madaxweyne Deni oo kusii jeeda dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in beri oo Khamiis ah uu safar ugu boxo magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qaadan doono dhowr cisho islamarkaana ay madaxweynaha ku wehlin doono xubno ka tirsan madaxtooyada oo aad ugu dhow.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Garoowe ayaa innoo xaqiijiyay in Saciid Deni uu haatan isku diyaarinayo safarka uu ugu ambabaxayo magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Puntland uu dib dhigay kormeer uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna ka horreysay safarkiisa Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Itoobiya ayaa xiriir dhow la leh qaar kamid ah maamuleeyada dalka oo ay ugu horreyso Puntland, ayada oo Saciid Deni uu marar kala duwan booqasho ku tegay dalkaasi.

Safarak cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo uu maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna ku laabtay Garoowe.

Muxuu yahay shirweynaha DENI uu ka furay Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Culimaa’udiinka iyo Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh Arrimaha Diinta, Cadaaladda, Garsoorka, Amniga, Caafimaadka iyo Haweenka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu horeyntii bogaadiyey labada qodob ee ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah Nidaaminta iyo Horumarinta Dugsiyada Quraanka iyo La-dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshax xumada.

Waxa uu ku baraarujiyey Wasaaradda iyo Culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, isaga oo la wadaagay bulshada in shirarkan iyo kuwa lamidka ah ay qeyb ka yihiin in la ballaariyo tallada dalka oo laga qeyb-geliyo bulshada kala duwan.

“Waa sababta loo rabo in dalka uu u guuro nidaamka Xisbiyada badan oo tallada dalku ay noqoto mid dadka oo dhan ka dhexeysa qof walbana uu Xaq u helo in la dooran karo ama uu wax dooran karo.”

Culimaa’udiinka kala duwan ee ka hadlay munaasibadaasi ayaa dhankooda tilmaamay in kulankaan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo baahi weyna loo qabay, laguna horumarin karo dugsiyada Quraanka iyo Sidii looga hortegi lahaa maandooriyaha iyo dhaqamada xun.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha Puntland uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadan laga qabsaday Shabaab? + Sawirro

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay sawirrada madaxtooyadii Al-Shabaab ee degmada Aadan-yabaal, taas oo hadal heyn xoog leh ka abuurtay baraha bulshada.

Madaxtooyadaan oo ah guri ay ku qoran tahay Villa Aadan-yabaal ayaa waxaa deganaa jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xubnaha ay saldhigga u aheyd xaruntaan.

Saraakiil kuwa deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in gurigaan sawirradiisa lasoo bandhigay uu deganaa Kabokutukade oo ku magacaaban guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sanado badan oo Al-Shabaab ay heysteen Aadan-yabaal lama arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan.

Hal iskuul oo magaalada laga waayey dadkii wax ka bara jiray ayaa ku yiilay degmadaas, sidoo kale Al-Shabaab markii ay ka baxeen Aadan-yabaal waxay horay u sii qaateen matoorrada labo ceel-biyood oo magaaladu ay laheyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoreynta degmadaas ayaa qiray inay Al-Shabaab qaateen matooradii labada ceel ee Aadan-yabaal, wuxuuna balan qaaday in dowladdu ay si deg deg ah wax uga qaba doonto baahida dhanka biyaha ah.

Dhammaan dadkii ku noolaa magaaladaas ayaa horay u raacay Al-Shabaab, waxaana taas lagu macneeyey in kooxdu ay duqeymaha gabaad uga dhiganeyso dadka shacabka ah.

Hoos ka eeg sawirrada Villa Aadan-yabaal

Muxuu madaxweyne Geelle ka yiri kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay xiritaanka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage oo lagu soo gabagabeeyay dalkaasi ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore boggaadiyay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo inta badan gobollada dalka.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay toostay, islamarkaana ay u midowday sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

“Haddii maalin la toosi lahaa maanta waa la toosay dadkii dhan wuu wada jeedaa cid loo daneynayaa ma jirto, waa in la’iska dhiciyo,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Soomaaliyey howshaas waa loo dhan yahay Xasan Sheekh uun maaha, waa in loo dhammaado, xaqana lagu dagaalamo,”.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dagaalkan ay qayb ka yihiin ka dowlad ahaan, isla-markaana ay sii wadi doonaan garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

“Dagaalka aan ku wadajirno meel uu na dhigaba waan sii wadeynaa, hadda inyar uunbaa hartay,” ayuu markale yiri madaxweynaha dalka Jabuuti.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaas oo deegaanno iyo degmooyin cusub looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.