27.7 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Soomaaliya iyo Jabuuti oo is-dhaafsaday xogo muhiim ah oo ku saabsan…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, Ilyaas Muuse Dawaale iyo Saraakiil ka socotay Wasaaraddaas.

Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda iyo isku xirka qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo ku saleysan danaha ay wadaagan labada dal.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah la qaatay dhigayga dowladda Djibouti Mudane Ilyas Moussa Dawaleh iyo Saraakiisha sare ee Wasaaradda Maaliyadda Djibouti, halkaa oo aan isku dhaafsannay xogo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan u wadaagi lahayn Waayo-aragnimada labada Dal ee hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, isku xirka qaybaha kala duwan ee Ganacsiga gaarka ah oo ku saleysan Walaalnimada Labada Dal.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Jabuuti, wuxuuna ka mid ahaa Madaxda lagu casuumay shirka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taasi oo lagu gorfeynayay sanadkaan caqabadaha ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo gaaray Itoobiya + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ka kooban dhowr wasiir ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaan garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka Itoobiya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna.

“Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay taageero weydiisan doonto Itoobiya, kaas oo ku aadan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee socdo.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogan gudaha Soomaaliya, sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha galeen dalkaasi, kadibna ay weerareen dowlad deegaanka.\

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan u jiheysay dagaal dalka looga xoreynayo Al-Shababa, waxaana ka qayb qaadana shacabka, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda.

Xiisad horleh oo Itoobiya kasoo cusboonaatay kadib heshiiskii lala galay TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ttoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay markale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan.

Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.

Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka.

“Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa, maalmo uun kadib markii ay heshiis nabadeed gaareen dowladda federaalka iyo Jabhadda TPLF oo ku dagaalamay waqooyiga dalkaas.

Faysal Cali Waraabe oo ka horyimid wadahadallada Somalia iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii uumadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo bandhigay qorshihiisa ku aadan in lasii amba qaado dooda labada dhinac.

Ugu horreyn Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid in xilligan la furo wadahadal u dhexeeyo xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan wax shaqo ku laheyn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu ku dooday.

“Wadahadal lala furo Somaliland waxay u tixgalin doontaa  mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay inuu uusan metalin shacabka Somaliland.

Siyaasigan oo aan hadalka la gamban ayaa shaaca ka qaaday in shardiyaddii ay ka dhammaatay Biixi, islamarkaana kaliya uu metalo xisbiga Kulmiye.

“Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye,” ayuu markale yiri Injineer Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyey hakad galay, balse dowladda federaalka ayaa haatan shaaca ka qaaday inay dib u bilaabeyso dadaalkeeda, kadib kulan uu madaxweynuhu la yeeshay Danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, iyo Siihayaha Xilka Danjiraha Norway ee arrimaha Soomaaliya Haakon Svane.

Seddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo wajaheysa luminta AADAN-YABAAL

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Sanado badan kadib maanta dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay gacan ku heynta maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo uusan dagaal ka dhicin.

Aadan-yabaal Al-Shabaab waxay u aheyd saldhig weyn oo weerarrada gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ay ka abaabulaan, sidoo kale waxay Aadan-yabaal Al-Shabaab u aheyd ildhaqaale.

Xoreynta Aadan-yabaal waxay guul weyn u tahay dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah yoolalkeedii ugu weynaa todobaadyadaan, halka Al-Shabaab ay soo wajihi doonaan seddax caqabadood oo soo kuusaya cimrigooda gobollada dhexe.

1 – Al-Shabaab waxaa ku adkaa doonta inay sii heystaan dhulka ay hadda ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

2 – Waxaa meesha ka bixi doona weerarradii rogaal celiska ahaa ee laga abaabuli jiray Aadan-yabaal oo Al-Shabaab ay ku qaadi jireen deegaanada koonfurta iyo bariga gobolka Hiiraan.

3 – Qorshaha xiga xoreynta Aadan-yabaal waa in ciidanku ay u sii gudbaan gobolka Galgaduud oo kooxda laga xoreeyo Galcad, Mesega-waa, Ceeldheer ilaa Ceelbuur.

Deegaanada gobolka Hiiraan ayaa hadda kadib ka nasa doona weeraradii Al-Shabaab ee laga soo abaabuli jiray Aadan-Yabaal, waxaana guushaan HirShabeelle ay halganka ka soo hoysay fariin u direysaa dowlad goboleedyada kale, sida Jubbaland, Galmudug iyo K/Galbeed.

Markii la eego guusha HirShabeelle ee dagaalka Al-Shabaab, waxaa la sugayaa goorta ay Galmudug xoreysa doonto Xarardheere iyo Ceelbuur oo ay dhaqaaqi doonaan ciidanka ku sugan Qaayib, Dhuusamareeb iyo Wisil.

Madaxeynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay dagaallada ka socda dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu war lagu farxo ka imaan doono Jubbaland iyo K/Galbeed, Al-Shabaab-na ay tageen oo ay taariikh tahay.

“K/Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka socda diyaar garow aan caadi aheyn, dadka iyo ciidanka ayaa abaabulan, labadaas dowlad goboleed gobolladooda war fiican ayaa ka soo socda, halka HirShabeelle iyo Galmudug ay ka sii xoroobayaan cadow, dadka Soomaaliyeedow walaalayaal Shabaab waa taariikh, waana tegay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: XASAN SHEEKH oo arrin muhiim ah ka sheegay xiritaanka shirkii Jabuuti

0

Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray shirkii Heritage ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa mar kale si qota dheer uga hadlay halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka HirShabeelle uu intiisa badan ka soo baxay gacanta Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in hal degmo oo Hiiraan ka tirsan aysan maamulin.

“Bartamaha Soomaaliya labada dowlad goboleed ee ku taalla, dhul badan ayaa laga xoreeyey Shabaab, Hiiraan hal degmo kama taliyaan, Sh/Dhexe degmada Ruun-nirgood ayey ku dambeeyaan, gaarigii Xamar laga kaxeysto ayaa lagu tagaa lixda degmo ee kale ee Sh/Dhexe,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa aad u amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeysay Aadan-Yabaal oo maanta ay si rasmi ah dowladdu u xaqiijisay in laga xoreeyey Al-Shabaab.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Shirkaan uu qabtay Machadka Heritage ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta  soo xiray ayaa looga hadlayey arrimaha ku geedaaman isbedelka cilillada, wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee isbedelka ku yimid cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti oo bud-dhig u ahaa dhismaha dowladda Soomalaiyeed, isagoo ka taariikheeyey sida ay Jabuuti u soo caawisay dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Xog: Xasan oo ku gacan sayray qorshe Deni iyo Lafta-gareen ay ka wada socdeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo kulan shalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku gacan seyray in uu Saciid Deni ka ogolaado in uu dibad joog ka noqdo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, taasi oo salka ku haysa muddo kordhinta uu sameeystay Lafta-gareen.

Deni ayaa sidoo kale waxa uu weydiistay madaxweyne Xasan Sheekh in uu xakameeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo uu ugu horeeyo Agaasimihiisa Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh uu ku adkeystay in dowladda federaalka masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shuruucda dalka oo ay ku jiraan maamulada, sidaas darteed uusan aqbali karin dalabkaasi oo ay Deni ka wada socdeen Lafta-gareen.

Saciid Deni ayaa la sheegaya in uu Lafta-gareen ka rabo Xildhibaanada federaalka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, si ay sare ugu kacdo rejada damaciisa musharaxnimo ee markale uu isku soo taagayo xilka u sareeya Soomaaliya 2026-ka.

“Deni waxa uu qorshahaan ka wada socdaan Lafta-gareen, wuxuuna ula safanayaa si uu uga helo iskaashi lamid ah kii uu hore uga helay Axmed Madooobe oo muddooyinkan dambe xiriirka kala dhaxeeya uu xumaaday,” ayey yiraahdeen Illo-wareedyo muhiim ah.

Kulanka shalay ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa gebi ahaanba kusoo dhamaaday natiijo la’aan, ayada oo sidoo kale isfaham laga gaari waayay dalabaad kale oo uu watay madaxweynaha Puntland. Halkan guji oo ka aqriso xog kale oo aan ka qornay kulankaan.

Daawo: Go’aan deg deg ah oo kasoo baxay shirka Lafta-gareen iyo laamaha amniga

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa gudoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirka oo ay isugu imaadeen saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan ayaa waxa laga soo saaray go’aan deg deg ah oo howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga bilaabayo deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Baay.

“Shirkaan waa kama dambeysay awaamiir ayaa la kala qaatay oo fulinteeda hadda ku dhaqaaqeyna. Waxaa lagu go’aamiyay shirkaan in howl-galo deg deg ah ay ka bilaaban doonaan gobolka Baay, saacadaha soo socda waa dareemi doonta dhamacda kulul ee idinku soo socota.”

Saraakiisha shirkaan kasoo qeyb-gashay oo kala ahaa Taliyaha Booliiska KGS, Taliyaha Boliiska gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada KGS iyo Saraakiil ka socday ciidanka xooga qeybta 60-aad, ayaa waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed faray in sidoo kale la ballaariyo howl-galada ka dhanka ah cadowga.

“Dadweynaha reer Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Baay oo hadda uu ka bilaaban doono howl-galka waxaa ka codsaneyna inay ciidamadooda gacan siiyaan oo u tilmaaman cadowga oo ay baacsan doonaan. Waxaa dareemi doontaan nabad-gelyo. Waa go’aankii u dambeeyay waana bilaabanaya howl-galka.”

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo cadowga laga xoreeyay deegaano dhowr ah oo ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Xog: Muxuu DENI kala soo noqdey safarkiisi Muqdisho?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gabal-dhicii Isniinta dib ugu soo laabtey caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Deni oo kasoo laabtay Muqdisho ayaa waxa uu safarkiisi qaatay wax ku siman 30 saac oo kaliya, taasi oo safarkaasi ka dhigeysa midkii ugu gaabnaa abid ee ugu baxo meel ka baxsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga wada-hadlay mad-madow soo kala dhex-galay labada masuul iyo dalabaad uu watay Deni.

Wararka laga helayo kulanka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo qaatay ku dhawaad 4 saac ayaa waxay sheegayaan in aan kulanka wax is faham ah ka soo bixin, taasi oo kaliftey in madaxweynaha Puntland uu si deg-deg ah uga soo baxo magaalada Muqdisho.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale, Deni ayaa saacadihii koobna ee uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatey safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mr Larry André.

Kulankaasi ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xaalada maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira amniga.

Illo-wareedyo ka agdhawaa kulankaasi ayaa soo warinaya in madaxweynaha Puntland lagu canaantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakiisha Ameerikaanku dib ugu laabteen magaalada Gaalkacyo, waxayna dhinacyadu isla qaateen sida loo sii wada shaqeyn karo.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo si cajiib ah uga hadlay xoreynta Aadan Yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal jeedintiisa diiradda ku saaray guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Yabaal.

Ugu horreyn wuxuu boggaadiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay garab taagan tahay dowladda.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas.

 “Saaka ciidamada waxa ay joogaan degmada Aadan Yabaal Al-Shabaab xittaa kuma dagaalamin nimanku waa nimankaas, Hirshabeelle waxaa ka dhiman Runirgood,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii biyaya ee ku yaallay degmadaasi, islamarkaana ay horay usii afduubteen shacabkii deganaa halkaasi.

“Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta afduubeen ayey kaxeysteen,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Dadka qaarkii ogaal la’aan ayey Al-Shabaab ugu shaqeeyaan, Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto, Al-Shabaab masoo laabanayaan”

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin u diray shacbaka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday in Shabaab kadib ay u diyaar garoobaan dib u dhiska dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ha diyaar garoobaaano sida Shabaab aan ugu kacnay, kadib ha isku diyaariyaano sidii loo dhisi lahaa dalka Shabaab waa tegay” ayuu yiri.

Midowga Afrika oo bayaan deg deg ah kasoo saaray xoreynta Aadan Yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qabsashada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in degmada Aadan Yabaal aheyd xarun muhiim u ah argagixisada, qabsashadeedana ay muujineyso in howl-galada socda ay awood u leeyihiin ciribtirka Al-Shabaab.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howl-gallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf.

Sidoo kale waxa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ATMIS in ay sii wadi doonaan kala shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada, si amni iyo xasilooni loogu soo dabaalo guud ahaan dalka.

“Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii howl-galladaan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan ciidamada xooga dalka ee dhulka ka dagaalamaya,” ayuu yiri Taliyaha KMG ee ATMIS, Sareeye Guuto Keith Katungi.

Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab.”

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Aadan Yabaal, waxaana lagu waramayaa in uusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab.

Xog: XASAN oo u baxaya safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka qayb-galayo xiritaanka Shirka Heritage ee haatan ka socdo caasimadda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas kulamo la qaaday dhiggiisa, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u tegay dalka Jabuuti, kadib dib u  doorashadiisii, isaga oo wahadallo la yeeshay madaxweynaha waddankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha dowladda federaalka uu usii gudbi doono dhanka daklka Mareykanka oo uu ka dhacayo shirka Afrika iyo Mareykanka, kaas looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo kaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doono madasha, isaga oo kusoo bandhigi doono fursadaha ka jira Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee ka soo qaybgalaya shirka Afrika iyo Mareykanka oo ah mid muhiim ah.

Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay wax ula qaybsan laheyd caalamka intiisa kale, waxaase caqabad ku ah Al-Shabaab oo weli halis ku ah amniga guud ee dalka.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray R/W Xamza iyo madaxa ATMIS?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha Argagaxisada.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday wuxuu dowladda ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan-qaaday in ATMIS ay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida looga hir-gelinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ciidanka Midowga Afrika uga mahad-celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalkeena.

Xildhibaan baaq deg deg ah soo saaray kadib markii la xorreeyey Aadan Yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyay xoreynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo dowladda u direy baaq deg deg ah.

Xildhibaan Ayuub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay adeegyada dadweyne si dhakhso ah u gaarsiiso degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal iyo dhamaan deegaanada laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada dadka deegaanka ee soo hoyey guushan weyn. Waxay mudan yihiin ammaan iyo gacansiin si loo xoojiyo dedaalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta Alshabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Waxa uu sii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dagaal qaran oo dalka looga xoraynayo cadawga arxanka daran ee argagaxisada Alshabaab oo in ka badan 15 sano afduub u haysta waddankeenna. Dadka Soomaaliyeed iyo dawladdooda waa in ay iska kaashadaan ciribtirka cadawgan oo hortaagan nabadda, horumarka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la xejisto dhamaan guulaha laga gaaray howl-galka dagaal ee socda, islamaarkaan maamul daadajin loo sameeyo dhulka la xoreeyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay sida wanaagsan ee u hoggaaminayo hawl-galka dagaal ee dalka looga sifaynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

“Dhammaanteen waa in aan Madaxweynaha iyo maamulkiisa ku gacansiinnaa hawshan qaran. Soomaaliya waa ka guuleysanaysaa cadawga gudaha iyo kan dibadda insha Allaah. Soomaaliya ha noolaato.”

Guddoomiyaha Kaxda oo fuliyay amarkii MADAALE kadibna xalay sameeyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay fuliyay amarkii kasoo baxay Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in maamullada degmooyinka ay bilaabaan howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha ciyaal weerada, kuwa ganacsada maandooriyaha iyo burcadda.

Maamulka degmada Kaxda oo kaashanaya saraakiisha ammaanka ee degmadaasi ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafadaha Kaxda, kaas oo dad badan lagu soo qabqabtay.

GuddoomiyeCaabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ka warbixiyey ujeedka howlgalka ayaa sheegay in iyaga oo fulinayo amarka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ay howlgalkaas sameeyeen, islamarkaana looga hortagayey ciyaal weerada & maandooriyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka maamul ahaan la socdaan dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ku hayaan degmada, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan.

Ciidamada ammaanka ayaa intii uu socday howlgalka gacanta kusoo dhigay dad tuhmanayaal ah, kuwaas oo haatan su’aallo ay weydiinayaan laamaha amniga

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, hadana waxaa weli kasii dhacaya falal amni darro ah.

Kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay dadaallada ka socdo gobollada ayaa dhankeeda culeys soo saartay caasimada oo maalmihii u dambeeyay ka fulisay weeraro khasaare geystay.

 

AL-SHABAAB oo weerar culus ka fulisay KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar khasaare kala duwan ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya, kadibna ay weerar ku qaadeen.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay qoriga Zabanka ku dhufteen  gaari ay wateen ciidanka Kenya, kaas marayay inta u dhaxeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana soo gaaray burbur, iyadoo waxyeelo ay soo gaartay ciidankii la socday.

Sidoo kale ciidamada ayaa sameeyay iska caabin, waxaana meesha ka dhacay iska hor imaad hubeysan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay ciidamada Kenya, balse dowladda ayaa sheegtay inay ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka magaalada Gaarisa ee dalkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada Kenya iyo rayidka.

Daawo: Koox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 30 sano meydad ku aasnaa qubuuraha Macalin Nuur ee deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho ayaa lagu bilaabay in dib loo fago, iyadoo aan la ogeyn cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaas.

Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nuur oo tobanaan sano ka hor sadaqeystay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan.

Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sameynayaan ‘dad uu hunguri ka galay’ dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan.

Sidoo kale waxaa halkaas tagtay koox dhalinyaro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, waxayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doonaan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhulkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nuur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor.

Dad meydadka ehelkoodii geeriyooday banaanka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey halkii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la hadlay.

Dadkaan ayaa dowladda ka codsaday inay wax ka qabato rag la garan waayey qorshaha ay damacsan yihiin oo la arkay iyagoo burburinaya oo ’Baldoos ku xaaqaya’ dhulka ay ku yaallaan qubuuraha Macalin Nuur.

Qubuurahaan oo aad u baaxad weyn tobanaankii sano ee lasoo dhaafayna dadka geeriyooda lagu aasayey ayaa ku yaalla deegaanka Tareedisho oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha waxayna can ku yihiin magaca ‘Qubuuraha Macalin Nuur.’

Hoos ka daawo warbixinada

DF oo garwadeen ka noqotay heshiiska ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis sahlaya ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’ kaas oo suurta-gelinaya inay is wici karaan shabakadaha bixiya xiriirka teleefannada ee ka jira dalka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in xiriirka taleefoonada ee shirkadaha isgaarsiinta la isku furo wixii ka dambeeya 10-ka January 2023-ka, iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023.

War-saxaafadeed lagu shaaciyey heshiiskaan ayaa lagu sheegay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay, balse natiijo laga gaaray.

Maareeyaha Hey’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya.

“Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Mustafa Yaasiin Sheekh.

Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xanibnaanta shirkadaha taleefoonada oo mudo dheer caqabad ku ahayd dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif.

Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo.

Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada.

Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud.

 

Sawirro: Xasan Sheekh oo soo bandhigay qorshihiisa wada-hadallada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay ‘sida ay uga go’an tahay’ dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xusay doorka fududeynta iyo isu-soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadalladii dhacay oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira, xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin In horay loo sii dhaqaajiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada  DFS iyo SL, wuxuuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Somaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.

Daawo: DF oo tallaabo qaaday, kadib cabashadii ganacsatada waddada Maka Al-Mukarama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay cabasho maanta ka timid ganacsatada meheradaha ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka, kadib banaan-baxyo halkaas ka dhacay maanta.

Goobaha ganacsi ee ku yaalla inta u dhaxeysa labadaas isgoys ayaa maanta la xiray, waxayna ganacsatada iska leh iyo dadka degan aaggaas ay dhigeen dibadbaxyo ay uga cabanayeen jid gooyo halkaas ka jirtay muddo ku dhow hal bil.

Hey’adaha ammaanka ayaa gaadiidka u diiday inay isgoyska Dabka u dhaafaan dhanka madaxtooyada, ilaa isgoyska Dabka, waxayna dadkaan maanta banaan-baxa sameeyey dul qaadanayeen muddo bil ku dhow oo wadadaas ay u xireyd hey’adaha amaanka.

Cabashadooda kadib, galabta ayaa la isku furay labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka, Caasimada Online ayaa maanta baahisay inay xiranyihiin goobaha ganacsiga ee aggaas, iyadoo ay banaan-baxyo dhigayaan dadkii halkaas meheradaha ku lahaa.

Maalmihii u dambeeyey Muqdisho waxaa laga dareemayey culeys ay hey’adaha amnigu saarayaan shacabka, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, taas oo shacabku ay dhibsanayaan, maadaama mararka qaar ay lugooyo kala kulmaan sugidda amniga.

Tan iyo markii ay kooxda Al-Shabaab weerarka ka geysatay hotel aad ugu dhow Villa Somalia, cadaadis xoog leh ayaa la dareemayaa in la saaray hey’adaha amniga, kuwaas oo muujinaya feejignaan ay uga hor tegayaan weerarrada ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo aragtida shacabka, kadib markii loo furay wadada