27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Guddoomiyaha Aadan-Yabaal oo sheegay inay maxaabiis iyo gaari ka furteen Al-Shabaab

0

Aadan-Yabaal (Caasimda Online) – Gelinkii dambe ee maanta waxaa ciidanka dowladda iyo xoogagga deegaanka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan oo gudaha u galaan degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo markii ugu horeysay ka xoroobeysa gacan ku heynta Al-Shabaab, sida uu cadeeyey guddoomiyaha ku magacaaban degmadaas.

Nin sheegay inuu yahay guddoomiyaha degmada Aadan-Yabaal ee dowladda federaalka ayaa TV-ga Dalsan u sheegay inay maanta dagaal la galeen Al-Shabaab inta aysan ka qabsan Aadan-Yabaal, iyadoo dagaalkaas khasaare lagu gaarsiiyey kooxda.

“Maanta waxaan dagaal kula galnay meel u dhaxeysa Guulane iyo Xagarey, waxaan halkaas uga qabsanay gaari Cabdi Bile ah iyo nin nool, waana naga carareen,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aadan-yabaal oo magaciisa aan lagu xusin wareysigaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas kadib ay si nabad ah kula wareegeen degmada Aadan-yabaal, waxaana si nabad ah uga baxay Al-Shabaab-kii halkaas maamulayey sanadaha badan.

“Kuwo tuugo ah oo Shabaab-kii Aadan-yabaal joogay ah ayaa labo ceel oo deegaanka ku tiilay waxay ka furteen bambooyinkii biyaha soo saari jiray iyo matooradii, kuwaas ayaan raacdeysanay, waxaan hadda idin kala soo hadlayaa meel bari ka xigta degmada Aadan-yabaal,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, dagaalkii ay maanta duleedka Aadan-yabaal kula galeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay hadda gudaha degmada ka wadaan miino saar, maadaama ay kooxdu miinooyin ku aasto deegaanada laga xoreeyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Qoor Qoor oo magacaabay 26 wasiir oo cusub (Aqriso)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirrada, waxaana isku dhaandheyntaan ku baxay wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlayaal, xubnaha uu magacaabay Qoor Qoor ayaa gaaraya 26 mudane.

Lix wasiir, afar wasiiru dowle iyo 16 wasiir ku xigeen ayaa lagu magacaabay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Golahaan cusub waxaa ku jira wasiirro cusub, waxaana meesha ka baxay kuwo dhowrkii sano ee lasoo dhaafayey la shaqeynayey Madaxweyne Qoor Qoor, lamana garanaya sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor ku riixday inuu bedelo wasiirradiisa qaar, markii laga reebo in dikreetada lagu xusay in ‘Baahi loo qabay iskushaandheynta wasiirrada.’

Hoos ka eeg liiska wasiirrada cusub iyo wasaaradaha loo magacaabay:

1.Garad Yusuf Mohamud  Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda

2.C/llahi  Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen,  Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha

4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman,  Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed,  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

15.Shariif C/nuur Barre,  Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

  1. Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

20.C/raxman Maxamuud Maxamed  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta

 

Xamza oo dalbaday laba arrin si meesha looga saaro…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horeeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

Shirkaan oo socon doona saddex maalmood, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in kooxda Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga xoreynayo.

“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barakacayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed, si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Shirka Qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ka qeyb-galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

Ciidanka dowladda oo galay degmada Aadan Yabaal

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ay galeen degmada Aadan Yabaal, kadib maalmo ay ku sugnaayeen banaanka magaalada.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka, oo ah guddoomiyaha degmada Maxaas oo ciidnka la socda. ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore isaga baxday magaalada.

Ciidamada ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya degmada, waxaana lagu warramayaa inuusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab. 

Maalmo kahor, ciidamada ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka, kuna dhow degmada Aadan Yabaal, oo ay ka mid yihiin Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam.

Goor sii horreysay oo saaka ah, ayaa qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah kahor inta aanay ka bixin.

Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan.

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka dhex-maraya Xasan Sheekh iyo SACIID DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa ka wada-hadli doona mad-madow badan oo soo kala dhex-galay iyo dalabaad uu wato Saciid Deni, wuxuuna kulankaan imanayaa kadib markii Xasan Sheekh uu dhawaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan.

Saciid Deni oo lagu wado in safarkiisa Muqdisho uu qaato muddo laba maalmood ah ayaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siyaasadiisa kasoo horjeeda oo deegaan ahaana kasoo jeeda Puntland xilal sare looga magacaabo dowladda federaalka.

Deni ayaa markii uu kasoo baxayay Garoowe waxa uu kula dardaarmey golihiisa wasiirada inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Madaxweyne Deni ayaa dhowr jeer ka horyimid talaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxa uu hore si weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee uu hogaaminayay Farmaajo.

DF oo ‘billaabeysa’ bixinta aqoonsiga muwaadinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhawaan la bixinayo aqoonsi dadweyne (National ID).

Wasiirka oo hadal ka jeediyay Shirweynaha qaran ee Barakaca Qasabka ah ayaa waxa uu sheegay in adeegaan uu muhiim u yahay xogta qofka si loo saldhigo barnaamijka xasilinta iyo in uu muwaadinku helo aqoonsi dhameystiran.

“Dalka waxa uu dhowaan yeelanayaa diiwaan-gelinta madaniga oo waxaa la bixinayaa aqoonsigii dadweynaha (National ID) oo qayb weyn ka qaadaneysa in la helo xogta dhammeystiran ee Muwaadiniinta Dalka,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii maamulada qeybaha hoose bulshada loo gaarsiin lahaa si dadku ay u doortaan qofka ay xilka ku aaminayaan loogana gudbo nidaamka xulashada (Doorashada Dadban).

Qoysas badan ayaa ka barakacay xaalada Abaareed ee ka jirta gobolada dalka oo dadka iyo duunyadu ay ku dhinteen, iyo colaadaha oo ah aafo kale oo sal kicisay boqolaal ruux oo doorbiday in ay ku noolaadaan meelaha ay u arkaan in ay nabadgalyo ku helayaan.

Hadalkaan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili walaac hor leh oo dhanka amniga ah laga muujiyay kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, oo ku nool yihiin dad aad u badan oo tirakoob sax ah aysan ka hayn dowladdu, islamarkaana la socon dhaq-dhaqaaqooda.

Daawo: Koonfur Galbeed oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso mucaaradka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Cali Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga

Ilyaas Cali Nuur oo marka hore u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigooda uu yahay Muqdisho ayaa ku eedeeyey inay kasoo horjeedaan horurmarka Koonfur Galbeed.

Wasiirku waxa uu sheegay in siyaasiyiin mucaarad ah ay Muqdisho ka wadaan qorshe ka dhan ah maamulka, balse Koonfur Galbeed uu ka jiro nidaam iyo kala dambeyn.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga, si looga hortego qalalaase ka dhaca deegaanada maamulkaasi.

Wasiir Ilyaas Cali Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan amniga iyo jiraanka maamulkooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uu ka socday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Lafta Gareen, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Arrinta la’isku hayo ayaa waxaa bud dhig u ah doorashada hoggaanka maamulkaasi, kadib markii xubnaha mucaaradka ay ka horyimaadeen muddo kororsiga madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo ay hal sanno oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada Koonfur Galbeed.

Sawirro: Ganacsiga qaar ee jidka Maka Al-Mukarama oo maanta xiran + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta hakad uu yimid dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga ka jira qaybo ka mid waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada waddadaasi, gaar ahaan kuwa mehradaha ku leh inta u dhaxeyso isgoysyada Dabka iyo Sayidka ayaa albaabada isugu laabay gabahooda ganacsi.

Qaar ka mid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa asheegay inay cabasho ka yihiin xirnaashaha waddadaas oo laga gebi ahaan mamnuucay gaadiidka iyo mootooyinka.

Sidoo kale waxa ay ganacsatadu sheegeen inay waayeen cid wax ka iibsata, tan iyo markii la hakiyey isku socodka isgoysyada Dabka iyo Sayidka oo ku dhow madaxtooyada.

“Mehradaheena waxay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababo la xiriira xirnaashiyaha waddada, waxaan weynay cid wax naga iibsata maadaama meel naloo soo maro aanay jirin,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada oo ka hadlayey dhibaatada soo food saartay.

Dhanka kale Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato cabashooda, maadaama ay yihiin Canshuur bixiyeyaal, hadane dhiban.

Arrintaan waxaa ugu wacan amni darrada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in ciidamadu ay xiraan waddadaas muhiimka ah oo ay horey qaraxyo uga dhaceen.

Halis kale oo soo wajahday Al-Shabaab kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddo afar bilood ah ku jirta dagaal toos ah oo ka dhashay kacdoon shacab oo ay horkaceyso dowladda ayaa wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd sida uu shaaca ka qaaday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Al-Shabaab ay guul darrooyin waa weyn ay kala kulantay dagaalka haatan ka socdo gobollada dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay soo wajhaday xaalad kale oo halis ku ah jiritaankeeda, isaga oo tilmaamay in ay gabaabsi ka yhiin adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, xiriirka iyo sidoo kale isku socodka dhexdooda ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaarijtu ka sakoow guuldarrooyinka Dagaalka tooska ah, waxaa gabaabsi ku ah adeegyada Caafimaadka,socodka, Xiriirka iyo Dhaqaalaha, marxalad dhinac kasta ka adag ayay ku jiraan, alle mahaddiis!,” ayuu qoraalkiisa ku yihi wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka haatan socdo, kaas oo ay sheegtay inay ku dishay boqalaal ka tirsan Shabaab, kuna qabsadatay deegaano horleh.

Howlgalladan ayaa keenay in sidoo kale go’doonka laga qaado degmooyin iyo deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta oo haatan kusii siqaya degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.

NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmameed ah ayaa waxaa fuliyay ciidamada gaarka ee Duufaan, kuwaas oo ku daatay guri ku yaalla xaafaddaasi, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay halkaas kasoo kaxeysteen laba nin iyo gabar, kuwaas oo ay la aadeen xaruntooda, si ay ugu sameetaan baaris dheeraad ah.

Sidoo kale ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka gacanta ku soo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay wediiyeen su’aallo, kadibna ay sii daayeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen howlgalkaasi ee ay ciidamada NISA ku beegsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa qayb ka ah howlaha ay ciidamada ammaanka ku sugayaan amniga caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayey.

Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday.

Qaraxyo culus oo maanta laga maqlay Aadan Yabaal iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu haatan ka socdo howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay kula wareegayaan degmada Aadan Yabaal ee isla gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmadan oo ay sanado badan ku sugnaayeen, waxaana haatan isku hareereeyay ciidamada huwanta, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen in saaacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmadaasi.

“Ciidamada dowladda ayaa harreeyay degmada Aadan Yabaal, miino baaris ayaana haatan socota. Al-Shabaab xaasaskoodii iyo carruurtoodii waa kala baxeen Aadan Yabaal,” ayuu yiri Labo Xidigle Abshir Wadani oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Madaxweynaha Imaaraadka oo booqasho taariikhi ah ku tegay dalka Qatar + Ujeedka

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.

Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani “ayaa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,” waxaa sidaas yiri mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.

Koobkii ugu horreeyey Adduunka ee lagu qabto dhul Cabreed ayaa dhacaya wax kayar laba sano kadib markii markii Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto xagjiriinta, islamarkaana ay aad ugu dhowdahay Iran — eedeymahaas oo Doha ay beenisay.

Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa horey ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka.

Inkasta oo tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee madaxweynaha Imaaraadka tan iyo dhammaadkii xanibaadda, xiriirka labada dal ayaa usoo hagaagayey si tartiib ah.

Bishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed.

Isha: AFP, VOA

Maxay tahay arrinta ku saabsan Soomaaliya ee uu sheegay Zelenskyy?

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamo dhowr ah oo Soomaaliya kamid tahay oo xaalado bani-aadanimo ay ka jiraan.

Waddamadaan ayaa kala: Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Waxa uu sheegay in Dekedda Doraleh ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani-aadamnimo, gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan Itoobiya.

“Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah deeq si gaar ah loogu tala-galay waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo guddoonka BF + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Xasan Sheekh ayaa guddiyada iyo guddoonka uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

 Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda. 

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka inay joojiyaan mooshinka amniga ee horyaalla.

Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo, taasi oo ka dhigan in baarlamanka u yeeri karo taliyeyaasha ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.

Weerarkii Villa Rays kadib, Villa Somalia oo halis ku jirta

Weerarkii lagu qaaday Villa Rays, waxay la mid tahay mid lagu qaaday xafiiska madaxweynaha maxaa yeelay labaduba waxay ku yaalaan goob isku dhaw oo ammaankooda aad loo ilaaliyo. Sidaas daraadeed, kuwii galay Villa Rays, waxba lama ahan in ay weeraraan guriga ama xafiiska Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaarahaba.

Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday ku meelgaarnimadii, dibna u hanatay dowladnimadeedii, waxaa lagu haminayey in amnigu ka soo fiicnaanayo maadaama amnigu yahay furaha nolosha iyo horumarka, laakiin ma dhicin sababo kala duwan awgood, waxaase ugu weyn:

1- Taliyayaasha oo lagu soo xulo hab qabiil ama xulufeysi

Hay’adaha amnigu waxay heegan u yihiin sugidda amniga dadka iyo dalka, shacab iyo mas`uulba. Inta badan taliyaasha laguma soo xulo karti, aqoon iyo aaminaad, ee waxaa lagu doortaa in lagu qanciyo qabiil iyo in uu yahay nacamleeye.

Sidaas darted, sax ma ahan in qabiil lagu saleeyo oo u adeegaan qabiil ama xulufo gooni ah sida lagu arkay habdhaqanka wasiiradda badankood.

2- Tuugadii iyo argagixisadii oo ku milantay Hay’adihii amniga.

Dowladahii ku meelgaarka ahaa xildhibaanimada waa laga carari jiray, qabiilkasta wuxuu u soo dirsan jiray midkooda ugu liita si uu biil uga helo. Hadda waxay u muuqataa in ciidamadii ay ku soo bateen dad la shaqeeya argagixisada, kooxaha abaabula dambiyada qorsheysan iyo ilmo deyro ah oo waalidkood dhaqan celis ugu soo dareen Hay`adihii Amniga.

Xalka muxuu yahay?

Labo isma qabato. Amni ayaan rabnaa, dhiiqadii iyo khaladaadkii aan inka badan tobansano ku celcelineynana wax ka badali meyno ma shaqeyneyso.

Soomali waxey tiraahdaa “tuug tuug ma qabto”. Mudane madaxweyne, taliye tuug ah, tuug kuu soo qaban maayo, amnina kuu sugi maayo. Mid aa ku soo xushay in aad qabiil ku qanciso ama xulafeysi wax kuu tari maayo horaa loo soo arkay.

Waxay ahaataba, “caano daatay dabadood la qabay” ee mudane madaxweyne wali fursad baa heysataa aad dib u habeyn dhab ah ugu sameynkartid Hay`adaha amniga. Amnigii caasimadda iyo kii waddankaba waa liiqliiqanayaa ee qaado go`aan geesinimo leh sida aad u qaadatay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo soo xul taliyayaal leh karti, daacadna ah kana fog qabiil iyo eex si ummadan Sommaaliyeed ee dhibaatooyinka dilootay loo samata bixiyo.

Waxaa qoray Saciid Axmed Xaaji (Careys) oo ka foollooda arrimaha amniga.
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda S/L iyo Puntland

Buuhoodle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland laga dareemayo duleedka degmada Buuhoodle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay, kadib markii ciidamada labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabeen halkaasi, taas oo abuurtay xiisad cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland ay ciidamo badan geysay deegaano  u dhow Buuhoodle, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamada Somaliland iyo Puntland ay is uruursi ka wadaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee dariska ah, kuna aadan xiisadda maanta ka taagan gobolka Togdheer, ayadoo xaaladunta ay kacsan tahay

Somaliland iyo Puntland oo xuduud leh ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaa ee waqooyiga Soomaaliya.

Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto deegaano horleh, waxaana ugu dambeysay Boocame oo kamid aheyd meelaha ay Puntland u qorsheysay doorashada.

NISA oo baaris ku billowday shaqaalaha dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay bilowday baaritaan ay ku sameyneyso shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda federaalka ah, sidda ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Saraakiil amni oo sabab ku aadan xasaasiyada qadiyadan u codsadey in aan magacyadooda la xigan ayaa talaabadan ku sifeeyay “hubin lagu sameynayo liis ay horey u diiwaan-gelisay hay’adda 2018-dii illaa 2021-kii”.

“Shaqadan waxay saameynaysaa dhamaan wasaaradaha xukuumadda,” ayay soo wariyeen shaqsiyaad kala duwan oo ka war haya arrintan. “Horey waxaa hubinta loogu sameeyay meelo ay kamid tahay Madaxtooyadda Qaranka”.

Bishii July ee sanadkan 2022, NISA ayaa lagu waramay in ay ku fartey shaqaalaha dowladda in aysan baabuurtooda la mari karin jidadka Madaxtooyadda. Amarkan waxaa lala xiriiriyey “khatar dhanka ammaanka soo soo ifbaxdey”.

Weerarkii Villa Rays Hotel

Sida laga soo xigtey qaar kamid ah shaqaalaha maray hubinta, su’aallaha la waydiinayo waxaa kamid ah qabiilka uu qofka kasoo jeedo, cidda damiinka ka ah iyo waliba lambarka Xildhibaankiisa.

“Lama rabo kaliya magaca qabiilkaaga, waxaa lagu leeyahay sheeg jufada illaa lafta aad kasoo jeedo iyo haddii aad urur diimeed ku jirto,” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha rayidka oo dalbadey in la qariyo magaciisa.

Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii dagaalameyaasha Al-Shabaab ay muddo 23-saac ka dhex-dagaalamayeen Villa Rays Hotel oo ku dhow Villa Soomaaliya. Dowladda ayaan wali fahfaahin qaabka maleyshiyadda ku gaartey halkaas.

Taliska Booliska ayaa sheegay in 8 qof oo u badan shacab ay ku naf-waayeen falkaas. Afhayeenka bileyska, Sadiiq Doodishe, ayaa muuqaal laga soo duubay ku xusay in dableyda howlgalkan fulisay ku qeexay lix “dhagar-qabeyaal”.

Amniga caasimada Muqdisho

“Mid kamid ah wuxuu isku-qarxiyey banaanka hotel-ka,” ayuu tibaaxay. “Shanta kale waxaa toogtey ciidamadda”. Ma uusan soo hadal-qaadin haddii baaritaan la bilaabay si loo ogaado sidda dagaalameyaasha shirqoolka ku fuliyeen.

Warar soo baxay kadib dhacdadaan ayaa muujiyey in madaxwayne Xasan Sheekh uu amray baaritaan lagu sameeyo weerarkan isla markaana si degdeg ah loogu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan falkaas.

Macluumaada la hubiyey ayaa soojeedinaya in xabsi loo taxaabay askar, saraakiil ciidan, iyo taliyeyaal baro kontarool. Dhinacyada wajahaya su’aallo waydiinta ayaa la wariyey in ay u badan yihiin Ciidamadda Madaxtooyadda.

Ammaanka iyo ciribtirka Al-Shabaab ayaa kamid ah shaqada ugu culus ee hortaala madaxda Soomaaliya ee la doortey 15-kii May, 2022. Inkasta oo guulo laga soo sheegayo furimaha dagaalka, amniga caasimada ayaa wali maaro loo helin.

Isha: GO

Jabhadda TIGRAYGA oo furimaha dagaalka kala baxday dagaalyahanadeeda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada federaalka ee Itoobiya.

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman.

Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

Ka dib laba sano oo go’doomin iyo cadaadis milatari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritereeya oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto. balse taasi ma aysan xaqiijin dowladda.

Isha: BBC

Al-Shabaab oo ka baxay Aadan-yabaal iyo arrin ciidanka ka hor-taagan inay qabsadaan oo la shaaciyey

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ka tirsan golaha shacabka, gaar ahaan xubnaha laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey sababta ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ka hor taagan inay gudaha u galaan degmada Aadan-yabaal.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa xaqiijiyey in kooxda Al-shabaab ay isaga baxday degmada Aadan-yabaal, balse ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka aysan weli gudaha u gelin.

Wuxuu sheegay in sababta ka hortaagan ay tahay cabsi xooggan oo laga qabo in miinooyin lagu aasay gudaha degmada, taas oo khatar ku ah ciidamada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku sii daray, in ciidamadu ay hareereeyeen degmada, isla markaana ay isaga carareen dagaalamayaashii joogay ee Al-Shabaab, balse ay jirto cabsida miinooyinka.

“Ciidanku waxay joogaan hareeraha Aadan-yabaal, balse waxaa jirta sabab kaliftay in gudaha loo geli waayo degmadaas, sida lagu yaqaanba Al-Shabaab meel kasta miino ayey ku xiraayaan, marka waxaa socda baaritaan iyo miino saar xoog leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray “Shabaab waa isaga baxeen degmada, ciidamadu waxay joogaan afaafka hore ee Aadan-yabaal, waxaan rajeynayaa in 24ka saac ee soo socota la xaqiiji doono gacan ku dhigidda Aadan-yabaal.”

CC Shakuur oo shaaciyey khatar la xariirta Al-Shabaab oo Muqdisho kasoo wajahan

0

Djibouti (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dalka Jabuuti uga qeyb gelaya shir uu soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ayaa ka jeediyey khudbad ku saabsan doorka amni darrada ee dadka barakacayaasha ah. 

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ay soo buux-dhaafiyeen dad aan heysan wax ay noloshooda ku maareeyaan, kuwaas oo dowladdu aysan la socon dhaqdhaqaaqooda iyo xaaladaha ku soo kordhaya.

Cabdiraxmaan ayaa ku dooday in dadkaas looga faa’iideysan karo duruufaha heysta.

“In ka badan labo milyan oo Soomaali ah ayaa abaaraha ka soo qaxday, waxay deegaameysteen hareeraha Muqdisho, Baydhaba iyo magaalooyin kale, mana jirto cid ka war-qabta waxay noloshooda ku maareeyaan oo mararka qaar amni darro la geli karta,” ayuu yiri.

Ergeyga ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab aan looga maarmeyn in la xiro halka ay iska soo abaabuli karaan, sida inay helaan dad shaqo la’aan ah oo duruufaha heysta ay uga faa’iideystaan.

“Xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo cimillada sii xumaaneysa ayaan yoolka koowaad ka dhigan lahaa, kan labaadna dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Labada milyan iyo sagaalka boqol ee soo barakacday uma laabanayaan beerihii iyo dhulkii miyiga ahaa, sababtoo ah meel ay u laabtaan malaha oo beero ma jiraan, marka waxaan qabaa in arrinta barakacayaasha ay Shabaabka ka culustahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirkaan Jabuuti ka socda ayaa looga hadlayaa arrimaha cimillada sii xumaaneysa ee dunida, wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan in hadii wax laga weydiiyo qorshe howleedka ugu horeeya ee la wajahayo uu ka dhigi lahaa tan cimillada, gaar ahaan arrimaha deegaanka iyo xal u helida barakacayaasha.

Wuxuu intaas ku sii daray in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu magaaloobi og Afrika, “Dadkii miyiga waa kasoo tegaayaan, magaaladiina waxaba kuma heystaan, meesha dhibka dhan uu ka taagan yahayna waa halkaas,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo