27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Booliska oo soo bandhigay daawooyin ‘halis ah’ oo garoonka lagu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa galabta Muqdisho ku soo bandhigay daroogooyin laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha ayaa soo bandhigay Kartoomo aad u badan oo daroogadaan ay ku jirtay, taas oo u badan daawooyin.

“Waxaan idiin soo bandhigeynaa daawooyin badan oo loo isticmaalo daraago ahaan, kuwaas oo booliska ka howlgala garoonka uu gacanta ku dhigay, in kastoo daawooyinkaan xanuuno loo adeegsa karo, hadana waxaa jirta in daroogadu ku badan tahay, oo intooda badan aan si sax ah loo isticmaalin,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dowladda oo ku dadaaleysa inay xakameyso dembiyada ay dalka ka geysa karaan dadka daraagiska isticmaala ay ka hortagtay in daawooyinkaan qatarta ah dalka lasoo geliyo.

“Ciidamada ammaanka waxaa la siiyey waajib ah inay ka hor tagaan wax kasta oo qatar ku ah xasiloonida dadkeenna, hadii aan sii deyneyno daroogadaan, lama aanaa dagaalameen Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Aadan Cali.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Booliska ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay dhaqaalahooda ka deystaan waxaan aysan dowladooda iyo diinta suuban ee Islaamka aysan ogoleyn, khatartana ku ah bulshada ay u adeegayaan.

Hoos ka daawo

 

Xamza oo magaca ka bedelay mid kamid ah wasaaradaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu magaca kaga badalayo wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loogu bixiyay wasaaradda magac cusub oo ah “wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economic).

“Magac-bedelidda cusub ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic), waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana lagu soo saaraya fulinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Lama cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in magaca laga bedelo wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.

Xasan oo kulan deg deg ah isugu yeeray guddoonka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray guddiga joogtada ee Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoonka Golaha, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa inuu guddiga iyo guddoonka kala hadli doono mooshino dhowr ah oo Golaha Shacabka loo gudbiyey maalmihii tegay, kuwaas oo walaac xooggan ku abuuray madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo doodda ka taagan ammaanka iyo xasaanada xildlhibaanada ee hareysay kulankii shalay, ayada oo xildhibaano badan ay ku eedeeyeen xukuumadda inay xasaanadda ka qaadeyso. 

Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji oo hadal ay sheegtay oo la xiriira sharciga Jinsiga uu dood xooggan ka abuuray dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ma cadda waxa uu madaxweynaha caawa si gaar ah ugala hadli doono guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, balse waxaaa la filayaa inuu weydiisto inay halkiyaan mooshinadan. 

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxweynaha uu xaqiijiyo amniga xildhibaanada oo walaac xooggan uu ka taagan tahay.

Wasiir Juxa oo awoodiisa la dhimay iyo madaxtooyada maamulka PUNTLAND oo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa la wareegtay qayb kamid ah shaqada arrimaha dimuqraadiyeynta ee wasaaradda arrimaha gudaha, gaar ahaan dhanka xiriirka iyo dhaqaalaha dibada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan Wakiilada Beesha Caalamka ku wargeliyay arrintaan, isaga oo u sheegay in hadda kadib ay arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland kala xiriiraan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Arrimaha dimuqraadiyeynta ayaa waxa markii hore Beesha Caalamka kala shaqeyn jirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee maamulkaasi, ayaga oo xiriir toos ah la sameyn jiray Wasiir Juxa.

“Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha dimuqraadiyeynta ka taageera Puntland oo aqbalay amarka madaxweynen Deni ayaa la socodsiiyay Wasiir Juxa in hadda kadib ay howlaha dimuqraadiyeynta kala xiriiri doonaan Madaxtooyada Puntland,” ayuu yiri sarkaal si dhow ula socday arrintaan.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaan la arkayay isaga oo Madaxweyne Deni ku wehlinaya shirar uu Nairobi iyo Garoowe kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha dimuqraadiyeynta maamulkaasi.

Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn qorshaha uu madaxweynaha ka leeyahay arrintaan ayaa haddana waxa soo baxeysa inaysan ka madhneyn arrimo dhaqaale, maadama Beesha Caalamka ay taageero lacageed oo badan ku bixiso arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta uu Roobow ugu soo daray DF

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dhismaha dowladdiisa, gaar ahaan magacaabiistii Wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxiyey sababta uu Roobow ugu soo daray dowladda federaalka, kaas oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa The Guardian u sheegay inuu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu ku qancin saaxibadiisii hore inay kasoo baxaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka ka dambeeya arrintaan uu yahay in Al-Shabaab la tuso in aan la bahdili doonin ama la dhibaateyn doonin, haddii ay kasoo goostaan kooxda.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay Al-Shabaab lagala dagaalamo xagga fikirka, si loogu dhiirageliyo dhalinyaro dhalinyada ku jirta inay isaga soo baxaaan.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa 2017 isku soo dhiibay dowladda federaalka, wuxuuna kadib isku sharraxay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana isaga oo musharrax ah laga soo xiray magaalada Baydhabo, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho oo lagu xiray.

Magacaabista Roobow oo ku soo baxay liiska Golaha Wasiirada ee Ra’iisul wasaare Xamza ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, maadaama isaga oo maxbuus ahaa uu mar qura isku beddalay Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ganacsade Sheekeeye oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay rag hubeysan deegaanka Ceelasha Biyaha ugu geysteen ganacsade lagau magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye, kaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ahaayeen burcad dooneysay inay taleefoonka ka dhacaan marxuumka, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa innoo sheegay in marxuumka iyo kooxda dishay ay murmeen, kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo meesha isaga cararay.

Ganacsade Cabdiraxmaan Sheekeeye oo ay tacsidiisu si weyn u qabsatay baraha bulshada ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo maydka kasoo qaaday goobta, islamarkaana keenay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaas oo ay cabasho ka muujinayaan shacabka

Xog: Deni oo maanta kusoo wajahan Muqdisho kadib markii uu weeraray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay safarkan, oo uu Deni kaga jawaabayo casuumad uga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayey aheyd inuu shalay ku yimaado Muqdisho, balse wuuu baaqday. 

Safarka Deni ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Puntland uu shirkii Khamiista ee golaha wasiirada Puntland aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. 

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan, mana cadda in baaqashadaas ay xiriir la leedahay khilaafka labada dhinac.

Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre. 

Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah.

Soomaaliya oo laga helay macdan aan horey loo arag

0

Cilmi-baarayaal u dhashay dalka Canada (Kanada) kana tirsan jaamacdda “University of Alberta” ee gobolka Calgary ayaa shaaca ka qaaday inay ka heleen laba macdan oo aan hore dhulka loogu arag muunad (sample) dhagax dhan 70-gram oo laga soo qaaday cirkasoodhac (meteorite) laga helay miyiga Soomaaliya.

Dadka dhagaxyada qaaliga ah baadiggooba ayaa Sebtembar 2019 aqoonsaday dhagax cajiibka ah, kaddibna u diray gabal ka mid ah dalka Kenya si loo baaro. Haseyeeshee, sheekada dhagaxa  dhifka ah ayaa sii fiday kaddib markii saraakiisha amniga Dowladda Federaalka ah (DFS) ay gacanta ku dhigeen.

Cirkasoodhacyo samada kore maalin kasta ayay meel kaga dhacaan dhulka, inkastoo waxa toboneeya tan ka badan ay dhif yihiin. Badanaaba waa dhagax u eg kuwa dhulka amaseba waa wax ka kooban bir iyo birlab soo jiidata birta (Magnetic).

Cirkasoocyada weli lama hayo cid dhaqaale ahaan ka faa’iidday, waxayse leeyihiin ahamiyad cilmiyeed oo wax ka sheegi kara waxa ay merayaasha iyo xiddigayadaba ka samaysan yihiin.

Dooxada Ceel Cali oo ka tirsan maamul-goboleedka Hirshabeele ayaa laga helay cirkasoodhaca cajiibka ah. Ceelku waxuu Muqdisho ka xigaa dhanka waqooyi, masaafo dhan 200 kilomitir. 

Inkastoo dhagaxa uu soo gaaray cilmi-baarayaasha laba sano ka hor (2020), haddana suugaanta deegaanka ayaa muujinaysa inuu ka fac weyn yahay shan jiil. Xoola dhaqatada dooxada Ceel Cali ayaa dhagaxa oo ka sameysan 90% bir iyo birlab (iron and nickel), u isticmaala mindi afeysi.

Dhagaxa oo culayskiisa lagu qiyaasay 16.5 tan ayaa ah cirkasoodhicii sagaalaad ee ugu weynaa ee abid la helo. Culamada adduunka ayaa rumaysan in cirkasoodhacyada ay yihiin waxyaabo ka badbaaday dhexmarka jawiga dhulka oo in yarna uun ka soo gaaraan dhulka.

Baarista ayaa waxaa kaloo lagu helay macdan seddaxaad oo aan la aqoon, balse dib loo eegayo. In la aqoonsado labada macdan ee hore waxaa suurtogeliyay culumo Faransiis ah oo 80yadii farsameeyay maado aan dabiici ahayn balse u dhaw macdanta (mineral) cusub.

Mar kasta oo la helo walxo (iskudhis kiimikeed) cusub oo aan hore loo aqoon, cilmi-baarayaashu waxay danayaan anfacooda bulshada, ayuu warsaxaafadeed ku yiri Prof. Chris Herd oo ka tirsan “Department of Earth and Atmospheric Sciences” ahna ilaaliyaha kaydka cir ka soo dhacyada jamacadda Alberta.

Macdanaha (Minerals)oo loo bixiyay “elaliite and elkinstantonite” ayaa waxaa loogu kala magacdaray goobtii laga helay (El Ali) iyo Prof. Lindy Elkins-Tanton oo ka tirsan Arizona State University’s School of Earth and Space Exploration. Lindy oo khabiirada NASA ka mid ah ayaa shaqo badan ka qabatay sida xudunta meerayaasha u hawlgalaan.

Prof. Herd oo la tashigiisii Dr. Andrew Locock oo maamula “electronic microprobe lab”-ka jaamacadda kana mid ahaa khubaro ku lug lahayd sifaynta (descriptions) macdano kale oo aan hore loo aqoon ayaa yiri, “Haddii la heli lahaa muunado intaa ka badan waxaa laga yaabi lahaa in la helo macdano kale”.

Suuraggal maaha in la ogaado qiimaha dhagaxa, balse Prof. Herd oo in ku dhaw toban sanadood la weydiisanayay inuu kala soocdo dhagaxyada cir ka soo dheca ayaa sheegay inay heleen war sheegaya in dalka Shiinaha looga raadinayo iibsadayaal.

Dadaalka lagu helay macdanta cusub waxaa ka qaybgalay jaamacadaha Mareykanka ee UCLA – University of California – Los Angeles iyo California Institute of Technology. Cilmi-baarayaasha ma sheegin cidda la soo xiriirtay, balse Jaamacdda “University of Alberta” ayaa caan ku ah kala sooca dhagaxyada cir ka soo dhaca.

Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa November 21 ilaa 22, 2022 lagu soo bandhigay carwada jawiga ee jaamacada Alberta “university’s Space Exploration Symposium”. Inkastoo, aan la hubin mustaqbalka haddana macdanta cusub waxay noqotay wax lala yaabo oo u muuqata in dunida ay aad danaynayso.

Isha: Jamhuriyadda

Booliska DF oo gacanta ku dhigay nin dilay gabar 17 jir ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar 17 sano jira ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaas oo xarun u ah Sh/ Dhexe.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen ayaa qoraal aysoo saartay ku sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo xiraan eedeysanaha oo lagu magacaabo Daahir Cali, kaas oo ku eedeysan dilka Marxuumad Caasho Cabdullaahi.

“Taliska Boliiska Hirshabbele gaar ahaan saldhiga degmada Jowhar ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Dahir Cali kaasoo ku eedeysan dilka gabar 17 jir ah oo lagu magacabi jiray Caasho Cabdullahi,” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in eedeysanaha haatan lagu wareejiyay maxkamadda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Zakiya ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah, waxayna sheegtay haddii ay Booliska iyo Bulshada wada shaqeeyaan wax badan la qaban karo.

“Eedeysanaha waxaa lagu wareejiyay maxkamada waxaana la marsiinaya nidaamka cadaalada. Bulsho iyo Booliis oo iskaashada waxeey ka hortagi karaan balo walba baladkeena ka dhaco,” ayaa markale qoraalkiisa sii raacisay General Zakiya Xuseen.

Ma shaacin waxa sababay dhacdadaan dilka ah ee loo geystay Caasho Cabdullahi oo aheyd gabar 17 sano jir ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Jowhar.

Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca tacaddiyo loo geysto dumarka oo isugu jir dil iyo kufsi, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey kusoo badanayay gudaha waddanka.

DF iyo Norway oo saxiixday heshiis $30 milyan ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway, Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway ayaa sidoo kale kulanka kadib waxay kala saxiixdeen heshiis cusub oo dowladda Norway ay Soomaaliya ku siineysao dhaqaale maaliyadeed.

Dowladda Norway ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan oo doollar, oo loogu tala-galay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway, Anne Beathe ayaa sheegtay in dowladeeda ay ka go’an tahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Norway ayaa kamid ah waddamada reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda Soomaaliya, waxayna safaarad rasmi ah ku leedahaya gudaha caasimada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa la filayaa inay maanta qabsadaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay hareereeyeen haddii aanay wax isbeddeli.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray degmada ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka carareen kadib markii ciidamada dowladda ay aad ugu soo dhowaadeen.

Ciidamada dowladda iyo shacabka, oo ka kala ruqaansaday deegaanada Ceelbaraf iyo Masaajid Cali Gaduud, ayaa horey cagta u sii mariyay fariisimihii maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam. Ciidamada ayuu dagaal culus ku qabsaday deegaanka Mabaax, inkastoo ay markii dambe u suurtagashay inay jiiraan kooxihii argagixisada.

Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmadaasi. Korneyl Saney oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee fadhigoodu yahay caasimadda Muqdisho ay aqbaleen in ay dhanka cirka laga garaaco difaacyada Al-Shabaab, taasi oo Shabaabka ku qasabtay inay baxsadaan

Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay kaga sugan yihiin gobolka.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo kulan la yeeshay wasiir ka socda Norway + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay wafdi culus oo ka socda dowladda Norway.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaamineysay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe Tvinnereim, taas oo soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka kid yihiin xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada dalka gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta Soomaaliya.

Anne Beathe Tvinnereim oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi bARRE uga mahad celisay qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu ugu sameeyey magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha oo isna hadal kooban jeediyey ayaa ku amaanay Norway taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Norway ayaa ka mid ah waddada reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda Soomaaliya, waxayna safaarad rasmi ah ku leedahaya gudaha caasimada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay maanta askarigii darawalka ku dilay Balcad

0

Mudisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askarigii ka dambeeyey dilkii loo geystauy marxuum Seylax Cabdulle oo ahaa darawal, kaas 29-kii bishii hore ee November lagu dilay isbaaro tiilay waddada dheerer xiriirisa magaalooyinka  Balcad iyo Muqidiso.

Xukunsanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadow Ciise ayaa isla maalintaas lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan oo deg-deg maxkamad loo soo saaray, ayaa lagu helay in shilimaad uusan xaq u laheyn u dilay marxuumka oo waday gaari BL ah, waxayna Maxkamadda Ciidamada ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Seylax Cabdulle.

Qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Dhacdadaan ayaa si aad u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana si aad ah dadwynaha uga falceliyeen dilka marxuumka oo maydkiisa saacado yaalay isbaarada.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa la siiyey hadal kooban, wuxuuna sheegay in 11 isbaaro ay taalo inta u dhaxeyso labada magaalo kuwaas oo lacago lagu qaado.

Toogashada Cabdiraxmaan Cadow ayaa la filayaa in lala dadajiyo, si loo fuliyo amarkii madaxweynaha ee ahaa in la toogto qofkii isbaaro dhigta ama dil u geysta shacabka.

Ehellada marxuumka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa intooda soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda, maadaama ay go’aan ka gaartay dhacdadii isbaarada Balcad.

DF oo shaacisay sababta maalmihii tegay uu gaabis ugu yimid howlgalka HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad la isku weydiinayey sababta uu gaabis ugu yimid dagaalka markii hore sida xowliga ah ku bilowday ee dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo galabta ka jawaabay weydiintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay aad uga taxadareyso khasaaraha soo gaari kara ciidanka iyo in kooxdu aysan ku harin deegaano gudaha ah oo ciidanka dhabar-jebin ku noqon karta.

‘Waxaa loo dagaalamayaa qaab jabhadeed oo kooxdu markii ay ku jabot dagaalka waxay isku faafisaa dhulka baadiyaha ah, oo dhulka howdka ah ayey galaan, marka anagoo kaashaneyna shacabka waxaan si degan uga saarnaa halkii ay galaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray in kooxda dhul tobanaan KM ah laga nadiifinayey maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo howlgalku uu ahaa mid saf-balaaran ah, isla markaana uu jiro taxadar badan.

“Ilaa 30 KM oo keyn ah oo Aadan-yabaal iyo Masaajid Caligaduud u dhaceysa ayuu ciidanku sifeynayey maalmihii lasoo dhaafay, hadda Aadanyabaal ayuu ciidanku kaabiga ku hayaa, mar dhowna waxaan soo gudbi doonaa war farxad leh oo waxaan soo afjari doonaa Shabaab-ka ka dagaalamaya dhulka HirShabeelle, si gobollada kale looga bilaabo howlgalka,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay maanta Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarka-dheere iyo Mabaax oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.

Ciidanka xoogga ayaa galabta iska soo duubay muuqaalo ay ku cadeynayaan in ateenooyinka isgaarsiinta ee degmada Aadan-yabaal ay u muuqdaan, isla markaana ay doonayaan in si taxadar leh ay ula wareegaan gacan ku heynta degmadaan muhiimka ah ee Aadan-yabaal.

Kooxda Al-Shabaab hadii laga xoreeyo Aadan-Yabaal, waxaa ku adkaa doonta inay sii joogaan magaalooyin ay ugu horeeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ciidanka ka qabsada Aadan-yabaal ay u sii gudbi doonaan.

Aadan Madoobe oo amray in deg deg looga soo tala-bixiyo halis amni oo soo wajahday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha, ayaa si adag uga hadlay amni darro soo wajahday qaar kamid ah Xildhibaanada.

Xildhibaannada qaarkood ayaa Golaha ka hor sheegay in amnigooda uu halis ku jiro, iyaga oo sheegay in ay baraha kontorolada kala kulmaan caqabado dhanka amniga ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in guddiyada amniga iyo difaaca ee golaha ay soo diyaariyaan qorshe arrintaan wax looga bedelo oo lagula xisaabtamo saraakiisha ay khuseyso, ayna deg deg ugu soo celiyaan warbixintaas, si loo guda galo.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan wax loo dulqaadan karin ay tahay in lagu xad-gudbo xasaanadda xildhibaannada, ciddii ku xad-gudubtana ay kala xisaabtami doonaan.

“Arrintaan mid la dhayalsan karo ma aha. Amniga ayaa la sugaya in la dhaho oo Xildhibaanadii sharaftooda meel looga dhaco wax la ogolaan karo ma aha, dadka amnigooda la ilaalinayo ayey kow ka yihiin ee ay tahay in la sharfo,” ayuu yiri.

“Xildhibaannada waa metelayaashii umadda Soomaaliyeed soo dooratay, marka Xasaanadoodii in lagu xad-gudbo arrin la qaadan karo ma aha.”

Kulanka maanta ee Baarlamaanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta aqrinta 1-aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo warbixinta Xildhibaanada, hase yeeshe qaar ka mid Xildhibaanada oo tiradoodu gaareysa 22 mudane ayaa Guddoomiyaha u gudbiyay mooshinka amniga, kaasi oo 144 mudane ay ogal ugu codeyeen halka 1 mudane uu diiday.

Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya weerarkii 27-kii November 2022 lagu qaaday Hoteel Villa Rays oo ku yaalla aagga Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu weerarkaas ku dhaawacmay wasiirka Amniga.

Daawo: Beesha Saruur oo ciidan xoog leh ka dejisay Gaalkacyo iyo qorshe socda

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Beesha Saruur ee Habargidir ayaa maanta Muqdisho diyaarado uga qaaday ciidan xoog leh oo Al-Shabaab ka xoreynaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa ciidanka maanta laga dejiyey Gaalkacyo, kuwaas oo doonaya inay kooxda ka xoreynayaan degmada Xarardheere.

Wasiir Xuseen Axmed ayaa idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in ciidamo hor leh ay maalmaha soo socda Muqdisho ka soo daabuli doonaan, isla markaana ay ka go’antahay in Al-Shabaab ay ka xoreystaan degmadooda Xarardheere.

“Sida qabaa’illada kale waxaa naga go’an in dhulkoona aan ka xoreysano cadowga, wax hormar iyo nolol ah dhulkeena kama jiraan, Al-Shabaab ayaa indhaha ka riday dadkeenna,’ ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow.

Wuxuu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ay ka heystaan balanqaad iyo garab istaag, isla markaana howlgalka Xarardheere lagu xoreynayo ay dowladdu hoggaami doonto.

“Dhamaan waan ku mideysanahay qorshahaan, waxaan nahay dadka ugu baahida badan dib u xoreyntaan, dhulkeenna oo Xarardheere ugu horeeyo nolol kama jirto haba yaraatee, marka waxaa naga go’an intaan kadib in gumeysi aanaa ku sii jirin,” ayuu yiri.

Diyaarado sida ciidankaan iyo gaadiid dagaal ayaa maanta ka soo baxay Muqdisho, waxaana ciidankaas laga soo dejiyey Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere oo mudo dheer ay heysato kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Ciidamada DF oo qarka u saaran Aadan Yabaal, qabsaday degaano dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Al Shabaab laga xoreeyay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarga-dheerre iyo Mabaax oo ka kala tirsan goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaasi, waxayna kaabiga kusii hayaan degmada Aadan Yabaal, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ah saldhiga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ciidanka xooga dalka iyo xoogaga hubeysan ee kacdoonka shacabka Soomaaliyeed waxay si degan uga saarayeen argagixisada beeraha iyo dhulka keymaha ah, waxaa lagama maarman noqotay in si saf ballaaran ah oo degan looga socda. Waxaa illaa hadda la jaray 85KM oo ah 100KM ee u dhaxeeyay Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Daaru-salaam iyo Xarga-dheere ay ciidamada cadowga uga dileen Lix xubnood inta la arkay, halka ay dhaawacmeen 2 Askari oo kamid ah ciidamada xooga dalka.

“Mabaax waa tuulo muhiim u ah cadowga, markii halkaas loogu galay waxaa naloo soo xaqiijiyay in 10 cadow ah ay dhimatay, inaga (ciidamada) uu khasaare soo gaaray 3 dhaawac ah, laba ay yihiin dhaawac culus.”

Waxa uu sheegay in dhawaan ay bulshada maqli doonaan war wanaagsan ayna soo afjari doonaan dhamaan xoreynta dowlad-goboleedka HirShabelle, si loogu gudbo dowlad-goboleedyada kale ee deegaamada qaarkood ay weli ku jiraan gacanta cadowga.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo hogaaminaya ciidamada ku wajahan degmada Aadan Yabaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay qorsheynayaan in degmadaas ay kaga duuli doonaan saddex jiho.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay inay ka warqabaan in Shabaabkii ku sugna Aadan Yabaal ay bilaabeen inay dhanka sare uga baxaan degmada iyaga iyo xaasaskooda.

“Waxaa ka warqabna in iyaga (Shabaab) iyo xaasaskoodii kor ayey uga baxeen degmada, shacabkiina wey diideen inay raacaan oo markii dad qasab lagu haystay ayey ahaayeen, intii ay haysteen Diin iyo dowlad uma keenin, waxay ahaayeen dad dhibaateysan oo la caburiyay,” ayuu yiri.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in la jaray gebi ahaanba isgaadhsiintii Aadan Yabaal, islamarkaana dadkii deganaa degmadaas ay bilaabeen inay isaga barakacaan.

Hoos ka daawo afhayeenka

Xog: Madaxweyne DENI oo go’aan ka gaaray inuu muddo kororsi sameeyo iyo in kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isku diyaarinaya in uu dhaqan-gashado muddo kororsi uu kusii xilka u sareeya maamulkaasi dhamaadka bisha June ee sanadka 2023-ka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in madaxweyne Deni ugu dambeyntii uu go’aansaday hirgelinta muddo kororsi laba sano ah marka la gaaro horaanta sanadka cusub.

Qorshaha muddo kororsiga ayaa la sheegaya in loo qoondeeyay dhaqaale xoogan, waxaana la rabaa in cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Baarlamanaaka Puntland. 15-ka bisha June ee sanadka cusub ayuu sida caadiga ah furmi doona Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka maamulkaasi.

Qorshahaan ayaa waxaa hore si adag uga digay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019.

Musharaxiintaaan ayaa sidoo kale xiligaas sheegay inaysan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci daro ah, kaasi oo Puntland u horseedaya dagaal gudaheeda ah, sida ay sheegeen.

Waxkasta oo ka dhasha damaca Deni ayey sheegeen mucaaridka in uu qaadan doono masuuliyadeeda koowaad.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu weli taagan yahay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan.

COSOBLE oo sheegay arrin yaab leh oo Cali Jeyte ku qasabtay dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii u horeysay ka falceliyay go’aan uu Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte si adag uga horyimid in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa wacad ku maray inuu tallaabo uu ka qaadi doono qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya, xili qaylo dhaan iyo walaac xoogan laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle

Cali Cosoble ayaa sheegay in guddoomiyaha naftiisa uu yahay isbaariiste ayna u yaalaan isbaarooyin dhowr ah, ayada oo midkoodna ay sabab u aheyd dagaalkii ka dhex-maray Jeyte iyo Al-Shabaab, sida uu sheegay.

“Dagaalkii dhex-maray Gudoomiye Cali Jeyte iyo Shabab ee markii dambe gacantiisa ka baxay isuna beddelay Kacdoonka Reer Hiiraan wuxuu asal ahaan ka bilowday Shabaab oo isbaaradii u taalay Kala-beyrka dul dhigay isbaaro kale,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kama kaftamo isbaarada oo waa khabiir fahamsan isbaaro wexey tahay iyo waxey gasho. Ogow haddaad isbaaro dhigato Cali Jeyte ayaa isbaarada ku cariirisay, waxaad ka heshaana leedahay.”

Hadalkan ayaa baraha bulshada ka abuuray falc-elin aad u badan, ayada oo dadka qaarkood ay ku dhaliileen Madaxweynihii hore ee HirShabelle inuu dacaayad ku furayo kacdoonka uu hormuudka u yahay guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi.

Guddoonka BF oo mooshin deg deg ah loo gudbiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay gudbiyaan Mooshin deg deg ah ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan  amniga guud ee waddanka oo haatan maraya meeshii ugu xumeyd.

Illaa 22 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinkan, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Ajendaha kulanka aya markii hore ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Korontada, kaas oo ay Xildhibaanadu dalbadeen in dib loo dhigo, si looga hadlo amniga guud.

Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ogolaaday in ajendaha kulanka lagu soo daro ka doodista Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Golaha.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay Mooshinka, kuwaas oo u codeeyey in laga doodo, waxaana diiday 1 mudane, mana jiro wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoonka.

“Annaga meeshaan inaan Koronto ka hadalno uma imaan amnigeena ayaanan meel ku ogeyn wax badanbaa naga qaldan” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha gudbiyey Mooshinka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo ka hadlay kulanka ayaa cabasho ka muujiyey hab dhaqanka ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

“Waa dambi la in baaro gaadiidka Xildhibaanada” ayuu ka dhex yiri kulanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Askarta waxa ay ku leeyihiin aniga oo Xildhibaan ah xiriir sameey, yaa xiriir la sameynaa?” ayuu isna yiri Xildhibaan Murjaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.