27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Maamulka GALMUDUG oo war kasoo saaray agaasime laga afduubtay shalay

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saartay shaqaale uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shalay lagu afduubtay magaalada Caabudwaaq.

Shaqaalaha la afduubtay oo dhamaantood ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa waxaa afduubtay ciidamo beeleed ka carooday habka loo qeybsaday golaha deegaanka Caabudwaaq.

“Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud-Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022. Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay maamulka lagu sheegay in markii dambe lasii daayay shaqaalaha uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha, kadib markii uu waan-waan arrintaasi ka galeen Odayaasha dhaqanka.

“Dowlada waxay u mahad-celinaysa Suldan Axmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay ee ku guulaystay in ay soo dayaan Shaqaalihii shalay la afduubay. Galmudug waxay muhiimada koowaad siinaysa dhismaha dowladaha hoose, iyadoo sanadkaan anu ku jirno ay dhismeen illaa iyo shan degmo.”

Ugu dambeyntiina waxa la faray hay’addaha Amniga ee maamulkaasi in amniga degmada Caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.

Xildhibaano ka tirsan BF oo ka falceliyay magacaabista Yuusuf Kabakutukade

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golah Shacabka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka falceliyay magacabistii Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ay markale kooxda Al-Shabaab usoo magacowday gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo ka mid ah xubnaha ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in Kabakutukade uu tikid usoo goostay Filim dhammaaday.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale xusay in uu eedsan doono wixii dhibaata ah ee uu horey u geystay, maadaama uu sii dhammaanayo waqtigii Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka layiraahdo Kabakutukade Filim dhammaaday ayuu tikid u goostay ayaan leeyahay, waxaan leeyahay maalmaha soo socdo ilaahey idamkiis dhibkii meeshaas ka dhacay iyo hadalka kasoo baxay waad eedi doontaa” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Farey.

Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo isna ku sugan deegaanka Nuuq Dugle ayaa ugu baaqay shacabka inay hubka qaataan iskana dhiciyaan Kabakutukade iyo Al-Shabaab.

“Dadka diriska la ah Nuurdugle waxaan leeyahay qoryihiina qaata ee iska dhicaya Shabaab, Kabautukade waa nin meesha uu socod iyo meel kale aan aqoon oo diin wax ku saleysan aan ku socon,” ayuu isna yiri Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo haatan ku sugan jiidda hore.

Kabakutukade oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa markale Al-Shabaab gobolkan usoo magacowday, wuxuuna beddalay nin ka soo jeeday Bay & Bakool.

Dadka siyaasadda u dhuunduleela ayaa aaminsan in magacaabista Kabakutukade ay tahay siyaasad cusub oo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay ugaga hortagaan kacdoonka shacabka ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Maxaad ka ogtahay dhagaxa qaaliga ah ee dhowaan laga helay gudaha Soomaaliya?

0

Alberta (Caasimada Online) – Dhowaan ayay Jaamacad Canada ku taalla soo saartay natiijada baaritaan ay ku sameeysay dhagax qaali ah oo laga helay Soomaaliya. Haddaba halkee ayuu markii hore ka yimid dhagaxa ay ku jirto macdanta?

Professor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo arrimaha dhagaxaanta qiimaha leh wax ka qora, baaritaankii ugu horreeyayna ka sameeyay ayaa sharraxay. 

“Dhagaxaan horta dhagax dhuleed ma aha iyo mid ka yimid adduunyadan aan ku nool nahay, waa dhagax ka yimid hawada sare, gaar ahaan meel dayaxa ka sarreysa sida meerayaasha Maaris iyo Jubitar. Sidaas darteed, mararka qaar dhulka ayaa soo jiita oo dhulka ayay ku dhacaan dhagxaantan  qaasatan kuwa Nikel-ka ka sameysan, halka qaar kalana ay hawada ku dhammaadaan,” ayuu yiri Professor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo arrimaha dhagaxaan wax ka qoray.

“Dhagaxan hadda waxa uu ka mid yahay kuwa dhulka soo gaaray ee aadka u adag markii Muqdisho la keenayna waxaan ahaa ninkii ku sameeyay baaritaankii ugu horreeyay kaas oo aan ku ogaaday inuu yahay metorite. Waxaan baaray balliciisa, jooggiisa, cufnaantiisa iyo miisaankiisa oo kun kiilo ahaa,” ayuu yiri.

Professor Cabdulqaadir ayaa markaasi ka dib sheegay in qeybo ka mid ah dhagaxa ay u direen Jaamacadaha California iyo Alberto si ay baaritaan ugu sameeyaan. Ka dib Jaamacadda Alberto ayaa baaritaan dheeraad ah sameysay waxayna ogaatay in dhagaxa uu laba macdan ka kooban yahay.

Natiijadii ka soo baxday baaritaanka Jaamacadda Alberta ee Canada.

Cilmi-baarayaasha Jaamacadda ayaa waxay sheegeen in dhagaxaan ay horey u yaqaanneen isla markaana  horey looga sameeyay gabayo, heeso iyo sugaan kale  iydaoo qiyaastii laga joogo waqtigaas muddo shan qarni ah . Sidoo kale dhagaxaan  ayaa loo adeegsadaa sooofeynta/afeeynta mindiyaha.

Magacyada rasmiga ah ee macdanta cusub waa elaliite iyo elkinstantonite. Waxaa aqoonsaday saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Alberta oo eegay jajab 70 garaam ah oo ka yimid 15-tan ee meteorite-ka, kaas oo lagu sheegay inuu yahay kii sagaalaad ee ugu weyn ee gaadha meereheenna, qiyaastii 90% birta.

Magaca “eliite” wuxuu bixinayaa xaqiiqda ah in ay dhab tahay in macdantan laga soo saaray deegaanka Cel-Cali  oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, “elkinstantonite” waxaa loogu magac daray khabiirka Nasa Lindy Elkins-Tanton.

“Lindy waxay qabatay shaqo badan oo ku saabsan sida xuddunta meerayaasha u sameeyaan, sida kuwan nikkel-ka birta ah u sameeyaan, iyo analoogga ugu dhow ee aan hayno waa meteorites birta. Markaa waxay macno u leedahay in magaceeda loo bixiyo macdan iyada oo la aqoonsanayo waxtarkeeda sayniska.” “ayuu yiri Prof Chris Herd oo qiimeeya ururinta saadaasha ee Jaamacadda Alberta.

Isha: BBC

Xog: Weerarkii lagu qaady Hotel Villa Rays ‘oo jawaab la’aan aan noqon doonin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso tallaabada ku habboon ee ay qaadi laheyd, kadib weerarkii dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysteen Hotel Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Hotelkan oo madaxtooyada qaranka ka xigga dhanka degmada Boondheere ayaa ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan xeendaabka xarunta Villa Somalia.

Weerarkan ayaa intii uu socday waxa uu saameeyay dhaqdhaqaaqa madaxtooyada qaranka iyo dhismooyinka kale ee hay’adaha dowladda ee halkaasi ku yaalla, iyadoo uu hadalhayn xoog lehna ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa su’aal geliyay sida lix nin oo Shabaabka ka tirsan ugu suurtagashay inay ka gudbaan barraha kontorool ee lagu hubiyo amniga hotelkaasi oo muhim u ah qasriga Madaxtooyada, waana xilli wadooyinka hotelkaasi soo gala ay markii horeba u xirnaayeen amniga madaxtooyada. Weerarka ayaa intii uu socday waxay dableydaasi gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaaceen gidaarka madaxtooyada.

Wadooyinka iyo isgoysyada kale ee ka baxsan madaxtooyada waxaa yaalla barro kontorool oo amniga gaadiidka iyo dadweynaha lagu hubiyo, iyada oo dadku ku adagtahay in si caadi ah isaga kala gudbaan.

Dadka qaarkii ayaa qaba aragtida ah inaanay Shabaabku weerari kari lahayn goob amnigeeda sidaasi loo ilaaliyo, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah.

Ma cadda nooca ay jawaabcelinta dowladdu noqon doonto, lamana garanayo haddii saraakiil ay xilkooda ku waayi doonaan iyo haddii kalaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow dhow ayaase dersaya waxa ay noqon kareyso tallaabada xigta ee ay dowladdiisu qaadayso. Horey ayaa Dowladda Federaalka ayaa lagula taliyay in ay wax ka bedesho hannaanka lagu sugo amniga caasimadda Muqdisho, tiiyoo wax ka suurtagalay aanay jirin.

Sidaa aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa garowsan in weerarkani uu weji gabax ku yahay dowladnimada dalka, haddii uu cagaha la soo galay aqalkii dalka looga arriminayay.

Weerarku waxa uu imaanaya xilli dowladdu ay dhawaan sheegtay in hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood lagu dilay 600 oo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, halka 1200 kalena lagu dhaawacay.

Guddoomiye Cali Jayte: Nin Muslim ah ma’ihi haddii aan aqbalo isbaaro + Video

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayre Cismaan ayaa go’aan culus kasoo saaray in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa sheegay in bishii lixaad ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, ayna ku jiraan xaalad adag, sidaas daraadeedna aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray, inuu tallaabo uu ka qaadi qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya.

“Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto” ayuu yiri Cali Jayte oo hadalkan ka jeediyey deegaanka Teedaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray kooxaha dhigta jidgooyooyinka, isaga oo ugu baaqay inay soo galaan ciidamada, kuna biiraan dagaalka ka socda gobolka Hiiraan.

“War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey qaylo dhaan iyo walaac laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle.

R/W Xamza oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano ku dhow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar shan bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaatay Caasimada Online. 

Xamza ayaa ugu horreyn hoggaanka xafiiskiisa u dhiibay xubno ay isku beel yihiin, ayada oo xoghayaha joogtada ah ee sida dadban u maamula xafiiska uu yahay Axmednuur Ulaax, oo ahaa xoghayihii joogtada ee ra’iisul wasaare Kheyre, inkasta oo xilkaas uu hadda ku magacaaban yahay Maxamed Zubeyr.

Axmadnur oo la-taliye ahaan u jooga xafiiska, ayaa haddana haysta awoodda ugu ballaaran, isaga oo ceyrin karo ama shaqaalayn karo ciddii uu doono, halka Maxamed Zubeyr uusan haysan awood dhaafsiisan inuu xilka ku magacaaban yahay.  

Waxaa sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha awood ballaaran ku leh laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac Mursal (Geelle) oo labaduba ka soo jeeda beesha ra’iisul wasaaraha.

Labada xildhibaan ayaa saameyn weyn ku leh go’aanada uu Ra’iisal Wasaare Xamza qaato, waxaana ay yihiin la-taliyalaal uu ku kalsoon yahay oo uu talooyinka ka qaato, ayaga oo xafiiska ka qaata dhaqaale lagu sheegay “taabagalinta go’aanada Ra’iisal Wasaaraha.”

Sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, saddex asbuuc kahor, waxa uu Ra’iisal Wasaare Xamsa xafiiskiisa isugu keenay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo Geele iyo Xasan Firinbi, ayada oo kulankaas lagu go’aamiyay in labada xildhibaan lagu wareejiyo qanadaraaska maamulka iyo uruurinta dhaqaalaha kasoo xarooda bixinta ruqsadaha wadidda gawaarida iyo canshuur qaadka mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa waxaa hadda kadib maamuli doono shirkad ay labada xildhibaan gadaal ka joogaan, waxaana la rumeysan yahay inay lacago badan kasoo gali doonto labada xildhibaan.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in mashaariic kale dib loo furo sida kuwa qashin qaadka iyo kan shidaalka, kuwaasi oo ay qayb weyn ku yeelan doonaan labada xildhibaan oo wakiil ka ah Ra’iisal Wasaare Xamza. 

Qaar ka mid ah agaasimaye waxeedyada gobolka Banaadir ee dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan labada xildhibaan.

Waxaa muuqata in Ra’iisal Wasaare Xamza uu doonayo in saaxiibadiisa gaarka ah ay dhaqaale ka sameeyaan mashaariicda gobolka Banaadir, qayb ka mid ah dhqaaalahaas ayaa isaga si toos ah ugu dhaceysa koontooyinkiisa iyada oo la soo marsiinayo ilo kala duwan oo qarsoodi ah.

Sida la ogyahya, Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa kaalin weyn ku lahaa magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen, waxaana hadda muuqata in Madaale uu abaalgudayo.

Al-Shabaab oo Sh/Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan waayeelo

Nuur Dugle (Caasimada Online) – In ka badan 10 qof o shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay.

Dhowr qof oo waayeello ahaa ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-Shabaabku ku dileen deegaankaas, waxaana weerarkan uu dhacay Khamiistii. 

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toban qof oo shacab ah ku dishay tuulooyin hoostagga deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerartay fariisimo xoogaga deegaanka ku leeyihiin tuulooyinkaasi, islamarkaana ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Macawiisleyda, sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa xusay ujeedada ay Shabaabku rayidka u beegsanayaan inay tahay si ay u cabsi geliyaanuga hortaggaan kacdoonka dadka shacabka ah ee looga soo horjeedo ururkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga.

Al-Shabaab ayaa horey shacab badan ugu laysay gobolka Hiiraan, ayada oo kadibna qiil ka dhigatay inay ahaayeen dad hubeysan.

Beesgiga Al-Shabaab ayaa loo arkaa mid laga leeyahay laba ujeedo, oo tan koowaad ay tahay ka aargudasho shacabka hubka u qaataan inay iska xorreeyaan, halkan tan labaadna ay tahay in lagu cabsi geliyo inay kuwa hor leh hubka qaataan. 

Maxaa looga hadlay kulanka Muuse Biixi iyo DP WORLD?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley wafdi uu hogaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna.

Kulanka ayaa waxa lagaga wada-hadlay qodobbo dhawra oo la xidhiidha mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December aakhirkeeda la dhammaystiro, iyada oo uu ku xigi doono hawsha fulinta wejiga labaad.

“Waxaa xusid mudan in ay jiraan Shirkado badan (Companies) kala duwan oo isugu jira Ajaanib iyo kuwo ay dad-muwaadiniin ahi leeyihiin oo isu-diiwaangeliyey sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen una soo degi lahaayeen Aaga Cashuuraha ka Caagan, si ay qayb uga noqdaan horumarka kobaca dhaqaalaha Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana ayaa dhankiisa waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha uga mahadnaqay shirkada DP World dedaalka ay muujiyeen intii ay gacanta ku haysay mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo Somaliland.

Ruto oo tallaabo culus qaaday iyo Odinga oo ka horyimid

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baaritaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado.

Tallaabadan ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.

Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.

“Iyagu (xukuumadda Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yiri Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota.

“Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,” ayuu yiri Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga.

Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa.

Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan.

Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Afarta xubnood ayaa qabtay shir jaraa’id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada bishii Agoosto. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba xubnood oo kale.

Muranka ayaa u gudbay maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka.

VOA + Reuters.

Andrew Mitchellb oo ku dhawaaqay £6.7 milyan oo la siinayo Soomaaliya kadib…

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Uk ayaa ku dhawaaqday taageero dhaqaale oo ay siineyso dowladda federaalka, taasoo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.

Tageeradaan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Horumarinta UK, Andrew Mitchell oo maalmo kahor booqasho ku yimid Muqdisho, kadibna la kulmay madaxwenaha.

Andrew Mitchell ayaa shaaca ka qaaday in £6.7 milyan oo ah maalgelin gargaar bini’aadantinimo ah ay siineyso UK dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Lacagtaan ayuu sheegay in wax looga qaban doono horumarinta caafimaadka, nafaqeynta, adeegyada biyaha, gargaarka haqab-beelka cuntada iyo taageerada dhibanayaasha xadgudubka ku salaysan jinsiga.

Sidoo kale £1.7 milyan oo gargaar ah ayuu sheegay in UK ay ku taageerayo Sanduuqa gargaarka ee Sacuudiga, si loogu caawiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya iyo £3.8 milyan oo qayb ka ah taageerada lagu horumarinayo hab-nololeedka xoola-dhaqatada si ay u helaan adeegyo maaliyadeed iyo caymis ka dhan ah abaaraha.

Dhanka kale waxaa jirta saddex milyan oo gini ah, taas oo horey loogaga dhawaaqay golaha loo dhan yahay ee QM, si loogu taageero Sanduuqa Dadweynaha ee UNFPA.

UK ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee taageerada siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka caawisaa dhinacyo kala duwan.

Si kastaba, ujeedka taageeradan cusub ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, cunto yarida, rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo kor u qaadida adkeysiga cimilada, iyada oo la gaarsiin doono in ka badan 480,000 oo kamid ah dadka ugu nugul ee ku sugan dalka.

Xarunta Jaamacadda QM ee Soomaaliya oo loogu magac-daray madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo 17 qof oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah ayaa maanta la guddoonsiiyey shahaadada sare ee PhD, iyadoo xafladda qalin-jebinta lagu qabtay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

18-kaan qof ee Xasan Sheekh uu ku jiro ayaa shahaadadaan ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, maamulka Jaamacadaas ayaa xafladii galabta ka sheegay in Xasan Sheekh loogu magac-darayo xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkaan shahaadada sare ka qaatay cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta, wuxuuna hadal mahad-celin u badan ka jeediyey xafladii galabta ee qalin-jebintooda.

Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, wuxuu kula dardaarmay inay doorka muhiim ah ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca ay wajaheen dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xafladaan waxaa ku qalin-jebiyey 144 qof oo kale oo shahaadada heerka labaad ee Masterka ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qalin-jebinta tiro intaan la eg oo aqoonyahano Soomaaliyeed ay dhiiri-gelinayso mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadaas ka balan qaaday in 100 ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed uu jaamacadaan ka siinayo deeq waxbarasho PhD ah, iyadoo dawladiisu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera waxbarashada Soomaaliya.

Daawo: Shariif Xasan oo shaaciyey caqabad ka heysata inuu tago Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo diiday inuu tago magaalada Baydhaba, wuxuuna hadalkaan ka sheegay kulan ay maanta isugu yimaadeen siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Laftagareen uusan u ogoleyn inuu Baydhaba ku tago diyaarad, halka dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo aan lagu safri karin.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dadka lagu caburiyo deegaanada maamulkaas oo xoriyad uusan heleyn qofkii aan taageersaneyn maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen.

Shariif Xasan ayaa carabka ku adkeeyey inay doonayaan in doorashada Madaxweynaha K/Galbeed waqtigeeda lagu qabto, isagoo rajo ka muujiyey in mar un uu tegi doono Baydhaba oo qorshaha mudo kororsiga ah ee Laftagareen uusan soca doonin.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanada Daynuunaay iyo Goofgaduud-buurey oo hoos taga magaalada Baydhaba, halkaas oo Al-shabaab ay ku laayeen ciidan badan.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu ka tacsiyeeyey khasaarihii ciidanka loogu geystay weerarkaas oo sababay inay kooxdu la wareegto labadaas deegaan, ciidan badana ay ku layso, isagoo sheegay waxaas aan loo dul-qaada doonin.

Ugu dambeyntii Shariif Xasan ayaa dowladda dhexe ku amaanay sida ay uga go’antahay in laga adkaado oo lasoo afjaro kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa umadda Soomaaliyeed, dadka reer Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan oo dhulkooda ay ka xoreystaan Al-shabaab.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan oo kharashka waxbarasho ee PhD ka bixinaya 100 aqoonyahan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadkaan, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasuska cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.

  

Sawirro: Xildhibaan Sacdiya oo la kulantay culimada xilli nolosheeda ‘ay halis ku jirto’

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid culima’udiinka Soomaaliyeed xilli ay sheegtay in nolosheeda ay halis ku jirto.

Sacdiya ayaa culimada kala hadashay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay culimada ku weerartay, kuwaas oo salka ku hayey doodda ku saabsan sharciga jinsiga.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi, waxayna bulshada iyo culimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay khudabadii ay ka jeedisay  daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee tacadiyadda ka dhanka ah ee haweenka iyo carruurta.

Sacdiya ayaa culimada u sheegtay in hadalladii baraha bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aanay ahayn kuwa hal meel u wada socda.

Sacdiya Yaasiin ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegtay inay wada ilaaliyaan shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, ayada oo mar kale adkeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo ilaalinta diinteena Islaamka.

Siyaasiyiin, xildhibanano iyo culimo badan ayaa si weyn u dhaliilay xildhibaan Sacdiya, waxaana socda qorshe bilow ah oo la doonayo in mooshin xil ka qaadis ah looga keeno.

Xildhibaan Sacdiya ayaa shalay sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah islamarkaana nolosheeda ay halis ku jirto. 

Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday.

Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada.

Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Xog: Illaa 100 Xildhibaan oo saxiixay MOOSHIN cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay, In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ay ku dalbanayaan in la kordhiyo Mushaaraadka Xildhibaanada.

Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili ay Wasaaradda Maaliyadda hoos u dhigtay gunnooyinkii Xildhibaanada, islamarkaana ay hakisay lacag dhan 1,100 dollar oo markii hore loogu tala-galay Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aamisay in Akoonka Xildhibaanka lagu shubo 3,000 oo dollar oo keliya, oo ah mushaarkiisa. Halka markii hore gunnada dheeriga ah iyo mushaarka loogu shubi jiray akoonka.

Wasaaradda ayaa qabta dooda dhigeysa “in lacagtaas sida dadban loo bixinayo (gunnooyinka Xildhibaanada) ay qatar wayn ku tahay nidaamka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Maaliyadda.”

Sababta markii hore Xildhibaanada loo siin jiray gunnooyin badan oo dheeri ah ayaa aheyd in ay ku dabaraan ilaalada iyo darawalo ka caawiya amaankooda iyo howlahooda shaqo, hase yeeshe waxa taasi ka hortimid wasaaradda Maaliyada oo sheegtay inay iyadu bixiso lacagtaasi.

“Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada waxaa si toos ah mushaaraadkooda u bixisa wasaaradda Maaliyadda, loomana raacin karo gunadda Xidlhibaanka.”

Carrada ka dhalatay gunnada laga jaray Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada ayaa u muuqata inay ka dhalan doonaan mooshino hor leh oo midkaan ay saxiixeen Xildhibaanada uu ibo-fur u yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka fakaraya inuu Rooble u magacaabo xil muhiim ah

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka fakaraya inuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabo safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas ku warramay Africa Intelligence.

Sida lagu sheegay warbixinta Africa Intelligence, Rooble ayaa dhowaanahan muhiim u ahaa xiriirka dowladda Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa soo celiyey xiriirka labada dal intii uu xilka hayey kadib markii uu xumaaday 2018-kii, xilligaas oo dowladda Farmaajo ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan $9.6 milyan oo ay laheyd safaaradda Imaaraadka, taasi oo markii dambe uu dib u celiyey Rooble.

Waxaa hadda uu Xasan Sheekh ku daray Rooble liiska magacyada shaqsiyaadka ay suurtagalka tahay in loo magacaabo safiirka Abu Dhabi, wuxuu wajahayaa loolan adag.

Tan iyo bishii May, Rooble ayaa xiriirkiisa Imaaraadka wuxuu muhiim u ahaa Xasan Sheekh. Waxa uu ahaa shaqsigii u safray Abu Dhabi isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha, si uu madaxweyne Mohamed bin Zayed al-Nahyan u gaarsiiyo tacsi kadib dhimashadii madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahyan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, uu sidoo kale isna aad u riixayo in xilka safiirka loo magacaabo qaar ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow.

Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u dhow, ayada oo dekedda Boosaaso ay maamusho shirkadda P&O Ports, oo hoos tagta shirkadda Imaaraadka ee DP World.

Ciidamada NISA oo xabsiga dhigay guddoomiye degaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo xiray Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Ceel-macaan.

Faarax Kuulow ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan ka helayno xariga Faarax ayaa sheegaya in loo haysto inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warsheekh.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo haystay hubka guddoomiyaha ay fuliyeen dilkaas.

Faarax Kuulow ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in uu ku guul-dareystay in mudadii ay siisay NISA uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad uga naxeen bulshada Soomaaliyeed.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.

Dowladda oo soo saartay digniin ku wajahan 11 gobol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in 11 gobol oo ka tirsan dalka ay wajahi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka roobka (flash floods).

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in goboladaas oo kala ah Galgaduud, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bakool, Banaadir, Gedo, Jubbada-dhexe, J/Hoose, qeybo kamid ah gobolada Baay, Bari iyo Hiiraan ay saadaashu sheegayso inay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm).

“Haddii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegayso waxay degmooyin gobolladaasi kamid ah wajihi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka ay roobabkaasi sababi karaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka ay asbuucaan heli doonaan roob xadigiisu u dhaxeeyo 01 – 10 (mm), kaasi oo dadku ay ku diirsadaan, oo aan saamayn badan lahayn.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi.

Maxay tahay xiisadda cusub ee ka taagan qaadka kasoo dega magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa badashay nidaamkii ay hore ugu canshuuri jirtay Qaadka kasoo dega magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka biyo diideen ganacsatada qaadka.

Qaadka ka iman jiray Ethiopia iyo Kenya ayaa shalay ku xayirmay gudaha garoonka Muqdisho, kadib markii ay ganacsatada diiday inay bixiyaan lacagta canshuurta, waxaana la arkayay jawaanada ay ku jiraan qaadka oo tuban barxada garoonka.

“Dowladdu waxay kusoo rogtay Canshuur xad dhaaf ah, waxaana naloo sheegay in la miisaamayo oo culeyska lacagta uu kusii badanayo,” ayuu yiri mid kamid ah Ganacsatada ka biyo diidan qaabka cusub ee dowladdu u canshuureyso qaadka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhankeeda soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso in nasiib darro ay tahay in ganacsatada qaadka ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd.

“Tani waa wax aan la aqabli karin lagana filayn ganacsatada iyo muwaadinka Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si cadaalad ah, oo daah-furan u canshuurto dhamaan agabka la soo dejiyo si aan kor ugu qaadno dakhliga dhaqaalaha, kaasi oo gacan wayn ka gaysan kara dib-u-dhiska dalkeen.”

Nidaamka cusub ee Kiiloogaraamka ah ayaa waxay wasaaraddu ku sheegtay in uu yahay halbeega ugu haboon ee lagu cabiri karo canshuurta qaadka, kaasi oo aan waxba ka bedelneyn qiimaha cashuurtii la qaadi jiray, sida ay sheegtay

“Habkaan cusub ayaa ah mid daah-furan oo la jaan qaadaya dunida, islamarkaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka.”

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay si dhaw oo qadarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacsatada oo dhan oo ah laf-dhabarka dalka Soomaaliyeed.”

Wasiir Roobow oo shacabka u ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka maran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Norway oo uu hogaaminayay Safiirka Norway ee Soomaaliya Danjire Haakon Svane, ayaa ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka banaan.

Waxaa safiirka ku wehlinayay kulankaan Ergeyga gaarka ah dowladda Norway uqaabilsan Arrimaha Soomaliya Heidi Johansen iyo Mr. Ole Lindeman, Safiirkii hore dowladda Norway ee dalka Afghanistan.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo sare uqaadida iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka kooxaha argigixisada ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa wafdigaan uga warbixiyay sida ay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu howlan tahay tiir kamid ah tiirarka ugu muhiimsan xukuumadda ee la xiriira dabargoynta kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaraddan waxay u taagan tahay ilaalinta qiyamka Islaamiga, kaasi oo na-faraya ciribtirka afkaaraha khawaarijtu kaga been sheegaan Diinteena Xaniifka ah, kuna baneeysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliya oo nabad ah, ka maran cagajugleyn iyo cabsigelinta Argigixisada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay wafdigan uu horkacayo Safiirka Norway qorshaha wasaaradiisa ee la-dagaalanka Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Anagoo raaceyna jiheynta Madaxda Qaranka Wasaaraddu waxay dhamaan goboloda dalka ka howl-gelinaysaa Ducaad dadka ubayaanisa Diinteena Xaniifka ah, kuna hagta dhabaha toosan ee ay jidaysay Diinteena Islaamka”.

“Hadafkeenu waa in dalkan laga ciribtiro argigixisada feker ahaan iyo ciidan ahaanba, waana sababta ay xukuumaddu uqaaday howl-galo isku-dubaridan oo cadowga dhankasta loogu naafeynayo”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in aan badbaadino dhaliyarada lagu marin habaabiyay afkaaraha qaldan ee ku dhisan dilka, isdilka iyo kaligii muslinimada, kuna hagno Nabada, walaaltinimada iyo is-jeceylka Islaamka, si ay uga soo laabtaan kooxaha Khawaarijta”.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa wasiirka uga mahad-celiyey qaabilaadiisa, iyaga oo ku amaanay howlaha uqabsoomay wasaaradda intii uu joogay gaar ahaan qabashada shirweynihii Culimada Soomaaliyeed 24-29 Okotobar ee sanadkan.

Waxay sheegeen in dowladda Norway ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna dadaal weyna ka geysanayso howlaha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada ay wado wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ee ku aadan ciribtirka fekerka Xagjirka ah.