27.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

DF oo beenisay aragti laga faafiyey kacdoonka shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo guulo laga gaaray dagaalka furimaha, haddana khubarada dhanka ammaanka qaarkood ayaa is weydiinaya in dowladdu ay leedahay “Istaraatijiyad cad” oo ay kaga adkaaneyso Al-Shabaab.

Maleyshiyaadka ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa todobaadkan gudaha u galay Hotel caan ah oo ku dhagan Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku dileen 9 ruux.

Bishii October, maleyshiyada ayaa laba qarax gaari oo waaweyn ku beegsatay isgoys mashquul badan oo ay ku dhinteen 121 qof in ka badan 330 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku doodaya in maamulka Xasan Sheekh uu ku biiray dagaalka ka dib abaabulo dadka degaanka oo laga sameeyay gobolka Hiiraan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, magaalada Wabxo ee maamulka Galmudug, ayaa waxay Ciidamadu baneeyeen, ka dib markii ay muddo kooban qabsadeen. HirShabelle iyo Galmudug waa meelaha si iskood ah kacdoonka uga bilowday.

“Haddii aad bilaabayso dagaal, waxay u baahan tahay istiraatijiyad cad, taas oo leh bar bilow iyo dhamaad,” ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir.

Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas raaciyey: “Waxay u badan tahay in dowladda ku qasbanaatay in ay ku biirto dagaalka kadib abaabulka shacabka. Meelaha la geeyay waa in loo helo boolis iyo sirdoon.”

Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa diiday fikradda ay dowladdu dagaalka Al-Shabaab ee ka soconaya qaybo kamid ah waddanka ay ku wajahday qorshe la’aan.

“Waa qorshe dowladeed oo bilaawday, mana jiro dagaal aysan dowladdu qorsheynin ama aysan hoggaamin,” ayuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da. “Ma jiraan wax kadis ah oo ku saabsan”.

Saraakiisha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada hadda socda ay sare u qaadi doonaan marka ay dalka dib ugu soo laabtaan 5,000 oo askari oo kale oo lagu soo tababaray Eritrea, inkastoo aan weli waqti go’an loo qaban.

BOOLISKA oo soo bandhigay nin hubeysan, shaaciyayna qorshe uu damacsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Nin hubeysan oo ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen xili uu dil u geysan rabay Askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninkaan hubeysan oo watay bastoolad.

“Ninkaan ayaa markii la qabanayay wuxuu doonayay inuu degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ninka hubeysan ee ciidanka ay soo qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf

Ciidanka Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ay muddooyinkii dambe kordheen falalka liddiga ku ah amniga, sida weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Maxaa qabsaday ninkii reer IRAN ee u dabaaldegay guushii xulka Mareykanka?

0

Tehran (Caasimada Online) – Nin Iranian ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaareen dalkiisa, taasi oo ka reebtay Koobka Adduunka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay kooxaha xuquuqda aadanaha.

Xulka Mareykanka ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Iran habeenkii Talaadada, taasi oo dhalisay falcelino kala duwan oo ka kala yimid taageeraayasha rajiimka iyo kuwa kasoo horjeeda.

Qaar badan ayaa diiday inay taageeraan xulka qaranka ayaga oo kaga jawaabaya howlgallada dhiigga uu ku daatay ee dowladda ay waddo kuwaas oo lagu joojinayo dibadbaxyada socda labada bil ee ka dhashay dilkii Mahsa Amini.

Mehran Samak, oo ahaa 27 jir, ayaa la toogtay kadib markii uu yeeriyey hoonka baabuurkiisa isagaa dabaaldegaya, magaalada Bandar Anzali oo ku teedsan Badda Caspian, islamarkaana waqooyi galbeed ka xigta Tehran, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Samak “waxaa si toos ah u beegsaday oo madaxa ka toogtay ciidamada ammaanka… kadib guuldarradii xulka qaranka ay kala kulmeen Mareykanka,” ayey tiri kooxda xuquuqda aadanaha Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Oslo.

Sidoo kale Xarunta Xuquuqda Aadanaha Iran ee (CHRI) oo fahdigeedu yahay New York ayaa werisay in Samak ay dileen ciidamada ammaanka isaga oo u dabaaldegaya guusha Mareykanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Iran oo ku aadan dhacdadan.

Xiddiga qadka dhexe ee Iran Saeid Ezatolahi, oo cayaaray kulankii Mareykanka, islamarkaana kasoo jeeda magaalada Bandar Anzali, ayaa shaaca ka qaaday inuu garanayey Samak, wuxuuna baraha bulshada soo dhigay sawiro ay ku wada jiraan.

“Kadib guuldarradii xanuunka badneyd ee xalay, warka ku saabsan geeridaada ayaa dab ku shiday qalbigeyga,” ayuu Instagram kusoo qoray Ezatolahi.

Kama uusan hadlin xaaladda dhimashadiisa, balse wuxuu sheegay “maalin un daboolka wuu qaadmi doonaa, runtana way caddaan doontaa.”

Wuxuu intaas ku daray “Tani ma ahan wax ay dhallinyaradeena u qalmaan. Tani ma ahan wax qarankeenu mudan yahay.”

AFP

DAGAAL culus oo galabta ka dhacay xerada Daynuunaay – Yaa la wareegay?

Daynuunaay (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobalka Bay ayaa xaqiijinaya in galinkii danbe ee maanta uu dagaal cusub ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka wuxuu billowday markii kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka.

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari. Kooxda Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray .

Goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka malatariga qaybta 60-aad, oo aan la xiriirnay, ayaa dansaday taleefoonada sababo aan la ogayn.

Dagaalka wuxuu joogsaday markii uu gabalka dhacay inkastoo mararka qaar la maqlayey rasaas goos goos ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay, lamana oga inay ka baxayaan xerada Daynuunay iyo inay sii joogayaan.

Ciidanka Dowladda ayaa wada dadaallo ay dib ugu laabanayaan fariisinka xerada Daynuunay.

Al-Shabaab oo Sheekh Kaba Kutukade u magacowday xil qorshe fog laga leeyahay

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ugu magacowday Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade inuu noqdo guddoomiyaha kooxdaas u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli dagaal xooggan uu kaga furan yahay.

Yuusuf Kaba Kutukade ayaa lagu magacaabay munaasabd ka dhacday degmada Aadan Yaabaal, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin HirShabeelle, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxda.

Xilkan ayaa waxaa horay u hayay oo laga wareejiyay Sheekh Abuu Cabaas.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Al-Shabaab ay kaga dan leedahay inay isaga yareyso cadaadiska xooggan ee ay kala kulmeyso beelaha gobolka Shabeellaha Dhexe, maadama Kaba Kutukade uu kasoo jeedo beesha Abgaal. 

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay rumeysan tahay in haddii gobolka lagu magacaabo qof beel ahaan kasoo jeeda, ay dadka qaar ku qanci karaan inaysan hubka qaadan, balse taasi aanay dhici doonin. 

Kooxda ayaa bilihii dhowaa laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa dagaal xooggan oo looga saaro degmada Aadan Yabaal.

Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay inuu Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade uu isla maanta hoggaaminayey weerarkii ka dhacay degaanka Huurweyne ee duleedka Nuur Dugle.

Sawirro: Madaxtooyada Soomaaliya oo loo dhisayo dhisme cusub oo casri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.

Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak.

Turkey oo xirtay Soomaali TikTok soo dhigay muuqaal caro ka abuuray dalkaas

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xasbiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaalka isaga oo jeex-jeexaya lacagta waddankaas, taas oo ay dowladda Turkiga aad uga carootay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda.

Muuqaalka ayaa sidoo kale ka careysiiyey shacabka Turkiga oo falka uu ninkaas sameeyey u arkay xushmad darro lagula kacay dalkood aiyo lacagtooda.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Turkiga ayaa sheegay in ninkaas ay baaritaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquul ah in dhawaan maxkamad la soo taago, islamarkaana lagu rido xukun xabsi ah.

Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof, taasi oo sidoo kale caro ka dhalisay dalkaas.

Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay haweeneyda ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.

Dalka Turkiga, oo ah saaxiibka Soomaaliya, ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan oo badankood galay sanadihii la soo dhaafay, hayeeshee ficillada qaar ay ku kacayaan Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato lagana mamnuuco tegitaanka waddankaas, kuwa joogana laga naco.

Sacdiya Yaasiin oo shaacisay in nolosheeda ay ‘halis ku jirto’ kadib arrintii ay sheegtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo war cusub soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay dareemeyso xaalad halis ah oo soo wajahday kadib hadalkii ay jeedisay.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah oo la xiriira khudbaddii ay maalmo ka hor jeedisay, taas oo dhalisay muran xoogan, ka gadaal markii ay ka hadashay xeerka Jinsiga ee ay horey u diideen Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday.

Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada.

Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale tuilmaamay inuu si dhow ula socdo walaaca Culumada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta, isaga oo ku baaqay in la muujiyo daganaan iyo kalsooni aad u weyn.

Si kastaba, doodda laga keenay xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib hadalkii ay jeedisay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, kaas oo ay ka falceliyey Culumada.

Sawirro: Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray go’aan saameynaya shaqaalaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana shirka guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha Dowladda.

Xeerkan ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda xukuumadda Soomaaliya, taas oo maanta golaha hor keentay.

Sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka Golaha Wasiirada wuxuu xeerkan caawinayaa xaqiijinta ujeedooyinka dowladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo sidoo kale astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah.

Meel marinta xeerkan ayaa sidoo kale meesha ka saarayo in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda maanta la meel mariyay ayaa sidoo kale meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka kala duwan ee la qabanayo.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahad-celiyay golaha wasiirrada ee XFS oo maanta ansixiyay siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Daroohooyinka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Biixi ayaa boggaadin u diray dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyay diyaarinta iyo ansixinta siyaasadan oo uu tilmaamay muhiimad u leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

40 xubnood oo Al-Shabaab ah ‘oo hal goob lagu dilay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qosheysan oo ay maanta ciidamada NISA, kuwa Xoogga dalka iyo Saaxibada Caalamiga ah ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, sida qoraalka lagu sheegay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciysay in weerarkan cusub ay ku dishay 40 ka tirsanaa Al-Shabaab, tiro ka badana ay dhaawacday, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi.

“Illaa 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgalka ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka iyo sidoo kale Saaxibada Caalamiga ee hawada ka taageerayey ciidamada sameeyey howlgalkaasi

“Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo Saaxibada Saalamiga ah ee ku garab taagan dowladda dagaalkan,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeeda goordhow kasoo baxay dowladda.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa markale farriin u dirtay dhalinyarada weli  ka barbar dagaalameyso Al-Shabaab, iyada oo ugu baaqday inay ka faa’iideysataan cafiska madaxda qaranka waxayna ballan-qaaday in si wanaagsan loola macaamili doono raggaasi.

 

Cabdikariin GUULEED oo shaaciyey 3 guul oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

0

Mudisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa war kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in saddex guul laga gaaray howlgallada haatan ka socdo inta badan gobollad dalka.

Guusha koowaad ayuu tilmaamay inay tahay in shacabka ay aamineen in lala dagaalamo karo, lagana guuleysan karo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale guusha labaad ayuu ku tilmaamay inay hadda sii kala fogaanayaan shacabka iyoAl-Shabaab, taas oo uu ku macleeyey “Halgan iyo dagaal Bulsho”.

Waxa kale oo uu guusha saddexaad ku sheegay inay tahay in markii ugu horreysay lagu qaaday dagaal xagga dhaqaalaha ah, kaas oo uu sheegay inuu sameeyey kooxda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo ii muuqda guulo  kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaas, guulahaas oo aan ka tilmaami karo:

  1. Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sidaba ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo. Ayadoo goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa.
  2. Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya  ” Dowlad iyo koox gaar ah”. Arinkani waxuu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka danbeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan. Waana qodab kale oo muhiim u ah ka guul gaaridda kooxaha argagaxisada.
  3. Guusha sadexaad: In markii ugu horeysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dahwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah. Arinkaan oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayey shacabkooda.

Guulahaas sadexda ah ee aan soo xusay waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah. Waxaana soo jeedinayaa hoostana ka xariiqayaa in arimahaas la sii xoojiyo, lana sii adkeeyo.

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa kuna talin lahaa; in si dagaalka loo xoojiyo loogana miro dhaliyo la qabto SHIRWEYNE QARAN oo deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Saraakiisha, Culumada, Haweenka, Jaaliyadda dibadda iyo Dhalinyarada.

Shirweynahaas oo lagu xoojinayo laguna dhameystirayo qorshaha Qaran ee la dagaalka iyo ciribtirka argagaxisada iyo xagjirnimada intaba.

Guul iyo gobanimo

Hogaamiyihii Macawiisleyda iyo saraakii dagaal lagu dilay

0

Cadale (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaabkii weerarka qaaday oo beegsaday tuulada Huurweyne oo qiyaastii 25 kM kaliya u jirto deegaanka Nuur Dugle oo fariisin u ah ciidamada dowladda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay haatan kacsan tahay, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro lale intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dad dhintay waxaa kamid ah saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada huwanta, kuwaas ay kamid yihiin taliye Cabdullaahi Caraaye Cumar oo ta tirsan saraakiisha horkaceysay howlgalkan iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ahaa hogaamiyaha kooxda Macaawisleyda ee deegaanka Nuur Dugle, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka ah.

Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay Al-Shababaab, waxaana maalmo kahor booqasho ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada uu hadda ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Go’aankii Golaha PSC oo muujiyey sida aan loo rabin in Soomaaliya ay dhaqaaqdo

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa Khamiistii November 24, 2022, ka codsaday Soomaaliya in dib loo dhigo ilaa June 2023 bixitaanka laba kun askari oo ka tirsan hawlgalka ATMIS. Inta aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) soo bandhigin mawqifkeeda, ayay warbaahinta xaqiiqdii rogtay.

Nasiibwanaag, dib u dhigista ma beddeli doonto gabi ahaanba taariikhda ay dalka ka baxayaan (December 31, 2024), balse waxay qasbaysaa in jadwalka hawlgallada marxaladda kalaguurka ATMIS dib u eegis lagu sameeyo. Arrinku wax kale ma ahee waa bakaylihii Soomaalidu tiri: “intuu bur ku jiruu bur kale daydaydaa.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal ballaarn oo aan kasoo noqosho lahayn kula jirta argaggixisada. Waxaa dhiirrigeliyay dagaalka dadweynaha gobollada dhexe ee dalka oo uu  hormuud u yahay shacbiga Hiiraan oo muujiyay in laga guulaysan karo Khawarijta.

Hase yeeshee, afar bilood kaddib markii dagaalka masiiriga ah soo bidhaamiyay guul, ayaa Guddiga Nabadda iyo Amniga iclaamiyay inuu uga baahan yahay Midowga Afrika (MA) oo kaashanaysa Qaramada Midoobay, Dowladda Soomaaliya iyo inta wehlisa warbixin wadajir ah bartamaha Febrayo 2023.

Guddiga wuxuu kaloo weydiisanayaa in warbixinta ay xambaarsanaato qiimayn farsamadeed ee horumarka ATMIS ka samaysay bartilmaamayadii lagu heshiiyay. Wuxuuu misna hoosta ka xarriiqay inay warbixintu soo jeediso talooyin la xiriira dib u eegista wejiyada fikradda saldhigga u ah jadwalka hawlgallada (CONPS, concept of operations).

Soomaaliya waxaa ku sugan 20 kun oo u bandan askar kana kala socda dalalka Buruundi, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda. Deeq-bixiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ATMIS ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin in ilaa 4000 laga dhimo askarta iyo shaqaalaha rayidka ahba inta ka horeeysa December 31, 2022, taasoo Midowga Afrika ka cagajiidayo. 

Hawlgalka oo billowday January 2007-kii, ayaa ah  mashruuc aan xiiso loo qabin. Golaha Amniga iyo Ururuka Midowga Yurub oo tunka saartay 90% culayska gunnooyinka askarta iyo kharashyada kaleba ayay u badan tahay inay ka baaraandegi doonaan saamaynta ka dhalan karta beddelka jadwalka bixitaanka (December 31, 2022) wajiga koowaad.

Waxaa cad in Midowga Yurub iyo dalka Biritin (Britain) ay kasoo soo horjeedaan inay Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo damaanad qaadi kara tiro iyo tayaba ammaanka dalka iyo soohdimihiisaba. Taas waxaa u daliil ah hantida lagu bixiyo amniga loo gacangeliyay ciidamo fadhiid ah iyo shisheeyaba.

Malaha waxa oo idil waa wax laysla og yahay haddii kale Guddiga Nabadda iyo Ammniga Afrika kuma dheceen inuu sidaas u hadlo iyadoo Midowga Yurub uu kharash – mushaar iyo qalabba leh ku bixiyo ciidan adduunka oo idil u jeedo inay u joogaan mushaar uun. Maba la rabo malaha inay Soomaaliya iska xurayso afduubka ay ugu jirto argaggixisada.

Waa maragmaddoonto in ciidamada Kenya oo si sharcidarro ah kusoo galay dalka abaalmarin looga dhigay in lacag adag ku qaataan dalka ay qabsadeen. Dadweynaha Soomaaliyeed badidsiisa, ayaa aaminsan in ATMIS u joogin amniga Dalka, balse qayb ka tahay mashruuca afduubka.

Midowga Afrika oo ciriiri kala kulmay maaliyaddii lagu masruufi lahaa AMISOM kuna hungoobay dhaqaalihii uu ka raadsaday Shiinaha, Ruushka, iyo Khaliijka Carbeed, ayaa AMISOM magac ahaan ugu rogay ATMIS Abril 1, 2022 oo aan wax badan ka duwaneen.

Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in lagu dhaqmo qorshaheeda kala guurka oo qeexaya yoolal tififtiran oo mas’uuliyadda amniga dalka tillaabo tillaabo loogu wareejinayo ciidanka qaranka inta ka horeeysa December 31, 2024. 

Shakiga laga qabo baahida loo qabo hawlgalka aan horumar micna leh ka sameyn shan iyo toban sano xakamaynta argaggixisada ayaa sii kordhaysa. Sidoo kale, waxgaradka dalka ayaa rumaysan in maaliyadda mugta leh ee ku baxda hawlgalka qiimaha beelay uu ku habboonaan lahaa in lagu bixiyo ciidamada dalka. 

Si kasta ha ahaate, Dowldda Xasan Sheekh Maxamuud sidii tii ka horraysay oo kale ma garawsana in dadweynaha uu xaq u leeyahay inuu ogaado halka dalka lagu wado. Warbaahinta waxay weli ku wareersan tahay safaraddii iyo heshiisyadii uu madaxweynaha la galay dalalka uu tagay ee aan la soo bandhigin.

DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo ka heshiiyey khilaafkii ka dhaxeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey ka dhexeeyey, gaar ahaan  dhanka maamulka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaas oo sababay in dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha Isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa soo saaray illaa 9 qodob oo ay ku heshiiyeen, kadib wadahadallo gaar ah oo ay labada dhinac ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho.

Dowladda dhexe iyo maamulka goboleedyada dalka ayaa isku raacay in sharciyada la soo saarayo iyo siyaasadaha ay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) gacanta ku hayso laga talageliyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya

Sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la qaybsado mashaariicda Isgaarsiinta, si meesha looga saaro in dowladda dhexe kaliya ay isku koobto mashaariicda la helo, ayada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii mashruuca is-dhexgalka Isgaarsiinta casriga ah ee gobolka Geeska Afrika (EA RDIP) looga wada faa’iideysan lahaa waddanka oo dhan.

Qododa la’isku raacay sidoo kale waxaa ka mid ah in maamul goboleedyada ay wax ka helaan tababarada shaqaalaha ee lagu qabto gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Wasaaradaha Isgaarsiinta ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale dowladda dhexe ka dalbaday in wax ka beddalka lagu sameynayo tanashada qodobka 10-aad ee xeerka Isgaarsiinta ee hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Somalia wax ka bedalkiisa loo maro sharciga.

Ugu dambeyn waxay labada dhinac isku raaceen in la joogteeyo kulamada, islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee hay’adaha Isgaarsiinta.

ATMIS oo war ka soo saartay dhacdadii ay ciidankeeda ka geysteen Ceelasha Biyaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay dhacdo Arbacadii shalay ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka, kadib markii ciidamadeeda ay baabuur jiirsiiyeen wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shilkaasi.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxa ay ku xaqiijisay jiritaanka dhacdadan waxayna sheegtay in wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen, xilli ay ku socdeen si xowli ah.

ATMIS ayaa intaasi ku dartay in dadka deegaanka ay sameeyeen kacdoon, islamarkaana ay hor istaageen kolonyada, balse ma dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kadib wadahal dhex maray ATMIS iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay  uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS.

Sidoo kale waxa ay ATMIS tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo sheegtay in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa marlale lagu yiri qoraalka.

Inta badan ciidamada ka socdo Ururka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah.

Shabaab oo dishay mas’uul ka tirsanaa maamulka Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay Al-Shabaab ka geysatay gudaha degmaea Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ay fuliyeen saddex nin oo ku hubeysanaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay Marxuum Cumar Khaliif Xasan oo ahaa madaxii Samafalka Barakacayaasha ee maamulka degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilay Cumar uu kasoo laabtay kormeer uu ku tegay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxda dilka fulisay ay horey usii kaxeysatay gaari uu lahaa marxuumka, kadibna ay baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas maydka marxuumka kasoo qaaday halkaasi, kadibna sameeyey howlgallo kooban.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaas, gaar ahaam dilka loo geystay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madaxii Samafalka Barakacayaasha ee degmadaasi.

Dilkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar toos ahaa Al-Shabaab ay ku ekeeyeen dhismaha Hoteel Villa Rays oo ku yaalla xeyndaabbka xarunta madaxtooywda oo si weyn loo ilaaliyo.

Sawirro: IGAD oo caddeysay mowqifkeeda cunaqabateynta HUBKA ee Soomaaliya

0

Khartoum (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee ay Golaha Ammaanka dhowaan kusii kordhiyeen Soomaaliya, waxaana Ururka uu caddeeyey Mowqifkiisa, kadib shir ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka IGAD oo shirkan isugu yimid ayaa marka hore aqbalay dalab uu u jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka ay caqabad ku tahay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ah in la helo nabadgelyo  xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxda siiso qorshaha Soomaaliya oo Golaha ammaanka markale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, Midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Waddamada ku jiro IGAD ayaa ballan qaaday inay taageerayaan Muqdisho, si ay ugu guuleysto dadaalkeeda la xiriirta in laga qaado cunaqabateynta hubka ee haatan saaran.

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka ayaan hellin saamigii ay xaqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba, sida ay shaacisay dowladda federaalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanadii ay horey ugu sugnaayeen, inkastoo weli uu howgalku uu socdo.

 

Amiirkii kooxda Daacish oo lagu dilay dagaal ka dhacay…

Dimashaq (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbacadii, oo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria. 

Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi la dilay bartamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo bar qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish.

Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan.

Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub.

“ISIS waxay weli tahay khatar weyn oo ka jirta gobolka,” sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, iyaga oo intaas ku sii daray “Taliska dhexe iyo xulafadayadaba waxaa naga go’an in laga gulayso ISIS”.

Kooxda Xuquuqda aadahana ee dusha kala socota qulqulatooyinka Syria ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa bishii hore ee October waxay sheegeen in xoogaga mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Daraa inay dileen xubno ka tirsan ururka Daacish, iyaga oo sheegay in dadka la laayey ay ku jireen hoggaamiye u dhashay dalka Ciraaq.

Hoggaamiyihii Daacish al-Qurayshi ayaa ahaa shaqasi aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn kuwooda rasmiga ah.

AP, Reuters

Baarlamaanka oo soo farogeliyey baaritaanka kiiska weerarkii Hotel Villa Rays

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen hotelka Villa Rays oo ku yaalla gudaha xeen-daabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Hotelkaas aysan ka aamusi doonin ka baarlamaan ahaan.

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin wixii dhacay, isla markaana ay imaa doonto in maalmaha soo socda hoggaanka hey’adaha amniga looga yeero kulamada baarlamaanka.

“Waan ku dhaliileynaa hey’adaha amniga wixii dhacay maalin dhoweed, waana imaaneysaa in kulanka baarlamaanka looga yeero hey’adaha amiga, si wax looga weydiiyo sababta ay waxaasi u dhaceen, tan baarlamaanku kama aamusnaa doono insha allah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay banaanka madaxtooyada aysan ahayn wax loo dul-qaada karo, wuxuu dalbaday in sharciga la hor geeyo dadkii masuulka ka ahaa amniga aaggaas.

Xildhibaan Jeesow wuxuu intaas ku sii daray in guddiga amniga ee baarlamaanka uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arrintaas, si loola xisaabtamo hey’adaha ammaanka.

“Anigoo ku hadlaya afka guddiga amniga ee baarlamaanka suurtagal maaha in la galo meel intaas madaxtooyada u jirta, waa wax laga xumaado, hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in arrintaan aysan ka soo qaadin wax dhici jiray ee sharciga la hor geeyo raggii masuulka ka ahaan amniga goobtaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xog ay Caasimada Online ka heshay dabagalka qaraxii iyo weerarkii Hotel Villa Rays waxay sheegeysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray hoggaanka hey’adaha ammaanka, isla markaana uu ka dalbaday warbixin dhameystiran iyo tallaabooyin deg deg ah oo looga jawaabayo wixii dhacay, sida xil ka qaadis, sidoo kale waxaa cabsiga la dhigay askar iyo saraakiil ku qornaa baraha control ee loo maleynayo inay ka soo gudbeen ragii weerarka fuliyey.

Daawo: Ciidanka ATMIS oo dhalinyaro dilay iyo kacdoon shacab oo ka dhashay

0

Ceelasha Biyaha (Caasimada Online) – Shacabka degaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta ku banana-baxay kolonyo gaadiid ah oo ciidanka ATMIS ay wateen, kuwaas oo dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyey muuqaal muujinaya dad shacabka ooh or istaagay ciidanka ATMIS, isla markaana tuuryeynaya, kadib markii ay ciidanka ATMIS gaadiidkooda jiirsiiyeen laba wiil oo dhalinyaro ah.

Labada wiil ee gaadiidka AMISOM ay dileen ayaa deegaanaa Ceelasha Biyaha, waxaana dhaawac u dhintay mid gooabah caafimaadka loola cararay, halka wiilkii kale uu goobta ku geeriyooday.

Cabdiraxmaan Faarax Fiidow oo ahaa wiil ganacsade ah ayaa magaciisa laga xusay dhalinyaradaas labada ah ee galabta ay dileen ciidanka ATMIS, wuxuuna Cabdiraxmaan goob ganacsi ku lahaa deegaanka.

Ciidanka oo goobta ka baxsa raba ayaa waxaa hor-istaagay dadka shacabka ah, iyagoo ku banana-baxay, dhagaxna la dhacay gaadiidka ciidanka wiilasha jiiray ee ATMIS, waxaana la sheegay in goor dambe ay ku soo baxeen ciidamo boolis ah.

Wiilashaan ayaa gaadiidka la jiirsiiyey xilli ay dhinaca kale u goynayeen laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ee dhex-mara degaanka Ceelasha Biyaha.

Hoos ka daawo warbixin